30
Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose St. Cloud Area School District Isku diyaari. Dhaxgal. Wax bar. Xooji. Dhiirigeli. 2015 - 2016 www.isd742.org

Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

  • Upload
    others

  • View
    15

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

St. Cloud Area School DistrictIsku diyaari. Dhaxgal. Wax bar. Xooji. Dhiirigeli.

2015 - 2016

www.isd742.org

Page 2: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

Waad ku mahadsan tahay xulashaday aad xulatay Degmo Dugsiyeed Deegaanka 742 (St. Cloud Area School District 742!) Waxaan ku faannaa shaqaalaheena heerka sare ah iyo heerarka waxbarasho ee sareeya ah oo waxaan sugnaaba waa in aan kaala shaqeyno oo aan ubadkaaga siino khibrad waxbarasho oo gaar ah. Waxaan aaminsannahay arday kasta awoodiisa/awoodeeda ay wax ku kasban karaan marka ay helaan jawi waxbarasho oo iijaabo leh, oo ammaanna ah, oona taageerona laga helo. Waxaan garowsannahay in la doonayo in la texgeliyo xuquuqda ay leeyihiin dhammaan ardaday oo dhan. Waxaan aaminsannahay in xuquuqaha ardayga leeyahay ka sokow, in ay jiraan waajibaadyo barbar soda oo ardayga lagu leeyahay kuwaasoo ah inuu raaco akhlaaqda iskuulka u degsan. Waxaan qirayaa waalidiinta/mas'uuliyiinta xaqa saaran oo ah in ay iyagu mas'uul ka yihiin carruurtooda- iyo in ay carruurta ku hagaan oo ku dhiirigeliyaan in ay yeeshaan akhlaaq haboon iyo tixgelin ay muujiyaan inta iskuulka ay joogaan Waalidiinta/mas'uuliyiinta waxaan ku casuumaynaa in ay xubin firfircoon ka noqdaan jaaliyadda iskuulkeena Buug-yarahan waxaa loogu talagalay in adiga iyo ubadkaaga uu idin siiyo macluumaad muhiim ah iyo in ardaydeena iyo iskuulka jaaliyadda uu siiyo xeerka degsan.

Iskuulka Jaaliyadda ee Discovery [Discovery Community School] Telfoon: (320) 251-7770 Fakis: (320) 529-4334

KIDSTOP: (320) 252-7616

Tammy Wilson, Maamule – [email protected]

Elisa Maldonado, Maamule Kuxigeen – [email protected]

Xafiiska Maamulka Degmada [District Administration Office]: (320) 253-9333 / E-mail: [email protected]

Adeegyada Degmada [District Services], Gaadiidka (Transportation): (320) 253-9370 / E-mail: [email protected]

Adeegga Buska ee [Guardian Bus Service]: (320) 259-8225 Adeegga Buska [Voigt’s Bus Service]: (320) 252-1807 Adeegga Buska [Spanier Bus Service]: (320) 251-3313

Si aan u hubinno ammaanka ardaydeena, dhammaan kuwa nasoo booqda marka ay soo galaan dhismaha waa in xafiiska ay iska xaadiriyaan lana siiyo aqoonsi ay ku

dhegsanayaan oo markasta oo ay dhismaha soo galaan ay isticmaali karaan. Albaabada oo dhan waa la xiri doonaa mar haddii ardayda oo dhan ay yimaadaan oo ay fasalka galaan.

Dhammaan kuwa dhismaha soo booqanaya waa in ay ka soo galaan Albaabka #1 (Door #1) halkaas oo batoon gambaleel leh uu ku dhegan yahay.

Page 3: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

Maalmaha Iskuulka Ardayda Discovery ee K-5 maalinta waxay u bilaabmaysaa 7:30 a.m. oo wuxuuna dhammaadaa 2:15 p.m. Ardayda fasalka waa lagu soo dhowaynayaa subaxdii 7:20 a.m wixii ka dambeeya Waqtigan ka hor ma jiro qof ardayga kuu ilaalinaya ama kuu fiirin doona.

PBIS Waxaan nahay jaaliyad dugsiileey ah oo aaminsan in dhammaan ardayda oo dhan ay waxbaran karaan oo ayna guulaysan karaan. Halkudhegeena waa Sanadkii Discovery (A Year of Discovery): Waxbarashada Qotodheer u Gal. Xeerarkeena aassaasiga ee 3da ah waxaa ka mid ah:

• Tixgelin(Respect) • Mas'uul (Responsible) • Ammaan(Safe)

Wada-hadal Jaraaidka Discovery 'Dolphin Express" waxaa loo soo dhiibi doonaa canuga ugu yar ama canunga kaliya ee dhigta toddobaadka ugu dambeeya ee bil kasta. Bogga internetke ee Discovery ayay qoysaska nagala socon karaan. Boggeena waa www.isd742.org/Discovery Si sahal lagaaga dhigo, waxaa jira nidaam fariin-qabte [voice mail] oo dhismayaasha 742 ee Degmo dugsiyeedka oo dhan laga helo. Farriimaha sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah ayaa loo soo jawaabi doonaa. Fariin-qabtaheena ayaad fariin noogu tagi kartaa saacaddaha iskuulka ka hor ama ka dib. Telefoon lambarka xafiiskeena waa 320-251-7770.

Qorshaha Waqtiga Sooqaaditaanka

Ardayda Baabuurka lagu soo Dooni Doono Ardayda baabuurka lagu soo dooni doono saacaaddaha iskuulka ka dib jiimka ayay ku sugi doonaan, oo magacyada ayaa la yeerin doonaa laga bilaabo 2:20 PM. Baabuurtu waa in saf ay soogalaan oo ay ka soo bilaabaan dhismaha hortiisa barta baska agtiisa oo waa in ay hal saf oo dheer ah soo galaan (Albaabka 2 iyo 3). Ma jiro ardayda dhismaha hortiisa ee Albaabka 1 ee iskuulka laga soo qaadi karo. Halkan kuwa lugeeya kaliya ayaa loogu talagalay . Ardayda oo dhan WAA in loo yimaadaa 2:25 pm. Haddii 2:25 p.m. ay kugu adagtahay in aad u timaado, qorshaha kuugu wanaagsan ayaa ah in ubadkaaga aad ku qorto barnaamijka KIDSTOP. fadlan nala soo socodsii haddii aan tan kaa caawin karno.

Page 4: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

3

ORAAHDA HOWLGALKA DEGMADA 742 iyo DHUUXA QIYAMYADA Oraahda Howgalkayagu waa abuurista jawi badbaado iyo daryeel iyo dhaqan kaasi oo aanu ugu diyaarino, ku hawlgalino, wax ku barno, ku xoojin, oo ku dhiirigalino dhammaan ardayda iyada oo la kaashanayo bulshada ku hareeraysan si aan ugu guulaysano bulshada maanta iyo ta berriba. Waxaanu rumaysannahay in…

● Qof kastaa u qalmo helitaan loo siman yahay ee barashada ugu tayada sarraysa si sare loogu qaado awoodda qofka.

● Aragtiyo badan oo kala duwan waxay wax ku kordhiyaan go’aan qaadasho iyo barasho xog-ogaal ah

● Dhammaanteen waa ka faa’idnaa marka bulshooyinku ka wada shaqeeyaan ahdaaf guud.

● Barasho nolosha oo dhan ah waxay daruuri u tahay dadka si ay u qaabeeyaan oo u kobciyaan bulshadeena adduunka.

● Heerka ugu wayn ee guusha qofka waxa lagu gaadhaa lahaansho wadaag qofka, qoysaska, dugsiyada iyo bulshooyinkeena.

Buug-gacmeedkan waxa loogu talogalay inuu ahaado hagaha ardayda iyo qoysaska. Duruuf ama dhacdo kasta lama saadaalin karo; haddaba, ardayda waxa qabanaya dhammaan xeerka iyo siyaasadaha degmda iyo tarjumaadaha saraakiisha dugsiga. Nuqul ah dhammaan Siyaasadaha Guddida Degmada 742 ayaa laga heli karaa Websaytka Degmda 742 oo ah www.isd742.org. Fadlan fiiri maamulaha ardaygaaga haddii aad qabto wax su’aalo ah oo kusaabsan degmda ama siyaasadahayaga.

Page 5: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

4

MACLUUMAAD GUUD EE ARDAYGA IMAANSHAHA Imaanshaha caadiga ah wuxuu toos ula xidhiidhaa kasbashada tacliineed ee meelmarka ah oo imaansho dugsi oo joogto ah waa qaabka ardaygu u kobciyo masuuliyadda iyo anshaxa naftiisa. Sababtan darteed, maqnaanshaha ardaygu ee dugsiga waa inuu ku ekaado mararka maqnaanshuhu yahay mid daruuri ah. Fadlan aad ugu dadaal inaad qabsato ballamaha caafimad iyo ilkeed saacadaha dugsiga kadib ama maalmaha fasaxa. Haddii ay daruuri tahay inaad ilme dugsiga ka qaaddo, waalidiinta waxa looga baahan doonaa inay ku saxeexaan fasax xilli hore xafiiska. Gobolkan Minnesota waxaa ka jira sharci ah in ubad kasta ee sannadkan galaya Dugsiga Barbaarinta Caruurta [Kindergarten] uu dugsi sare ka qalin-jebiyaa ama dugsi sare ku sii jiraa ama barnaamij kale ku sii jiraa ilaa ubadka uu 18 sanno jir ka gaaro. Kuwa loo ogolaaday in ciidamada ay galaan ama gala machad waxbarasho sare ayaa ah kuwa kaliya loo ogolaan doono in iskuulka ka tagaan kahor inta 18 sanno u galin. Maadaama diiwaanada imaanshuhu ay yihiin qayb muhiim ah oo kamid ah faylka joogtada ah ee dugsiga ee ilmahaaga, Nadaamka Degmada 742 waxuu farayaa waalidiinta/mas’uulada inay soo wacaan xafiiska dugsiga marka ardaygoodu ka maqnaan doono ama xilli dambe imaan doono OO ay sheegaanna sababta maqnaanta ama xilli dambe imaanshaha. Ardayda yimaadda xilli dambe waa inay aadaan xafiiska inta aysan fasalladooda aadin. Qoysasku sidoo kale waa inay la xidhiidhaan maamulaha dugsiga kahor intaanu ilmuhu u bixin socdaallada qaraabada ama fasaxyo marka lagu jiro maalmaha dugsigu shaqaynayo. Mararkan oo kale, qiimaha waxbarasheed ee socdaalkan waxa loo tixgalin doonaa mid qofka kusalaysan si loo go’aamiyo haddii maqnaanta lagu calaamadiyo inay cudurdaar leedahay ama aanay cudurdaar lahayn. Ardayda waxaa kaliya laga sii daynayaa goobta loogu talagalay ee iskuulka inta lagu jiro maalintii. Haddii ay qasab kugu noqoto in ubadkaaga aad iskuulka ka saarto, codsi qoraal ah waa in maamulaha iskuulka loo soo diraa iyada oo ay ku qoran tahay taariikhda iyo saacadda uu baxayo. Fadlan xafiiska kaalay si ubadkaaga aad ula kulanto. Carruurta lama raacinnayo baabuurta sii sugaysa ama qof kale oo kasta oo aan shaqaalaha iskuulka aan tusi karin aqoonsi caddayn ah. Maqnaanshaha – Cududrdaar leh Maqnaansho cudurdaar leh waa ka maqnaansho dugsi oo sharci ah waxaanu u baahan yahay caddaynta waalidka/mas’uulka iyo oggolaansho uga yimaadda shaqaalaha dugsiga. Waa kuwan xaaladaha keena maqnaansho cudurdaar leh:

● Ardayga oo xanuusaada ● Xanuun halis ah ama geeri ku timaad qoyska ardayga ● Ballamo caafimaad ama ilkeed ● Maxkamad aadis ● Xafladda fasax diimeed oo la aqoonsan yahay ● Barista diimeed (aan ka badnaan 3 saacadood toddobaadkii)

Kadib 15 maalmood oo maqnaansho cudurdaar leh ah, qoraalka dhakhtar ayaa loo baahan karaa maqnaanshaha xidhiidhsan. Keeni waaga qoraalka Dhakhtarku waxay keeni doontaa maqnaanshaha in loo calaamadiyo mid aan cudurdaar lahayn. Maqnaanshaha – Xanuunsiga xilliga maalintii Ardayda xanuusata inta maalinta dugsiga lagu jiro waa inay u sheegaan Xafiiska Caafimaadka. Xafiiska Caafimaadku wuxuu samayn doonaa qabanqaabada daruuriga ah si ardaygu guriga u

Page 6: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

5

aado. Ardaydu waa inayna waligood ka tagin dhismaha iyaga oo xanuusan iyaga oon u sheegin Xafiiska Caafimaadka ama maqnaanshaha waxa loo tixgalin cudurdaar la’aan. Maqnaanshaha – Tabinta Waalidiinta waxa laga filayaa inay soo wacaan 10:00 a.m. (subaxnimo). Qatka isa soo xaadirista ama fariin qabtaha waxaad heli kartaa 24 saacadood maalintii. Maqnaanshaha – Dugsiga la Xidhiidha Hoos waxaad ka heli doontaa tusaalayaal maqnaanshaha dugsiga la xidhiidha ee cudurdaarka leh.

● Safar aqoon-korodhsi oo rasmi ah ama dhacdo kale oo dugsigu ka masuul yahay ● Hakinaha (suspensions) ● Ciyaar is-arag ama daawasho marka koox dugsiga ah ku lug leh leedahay.

Haddii yimaadaan duruufo gaar ah maamulka dugsigu waxa dhici karta inuu oggolaado maqnaansho cudurdaar leh oo dheeraad ah. Ardaydaa ka masuul ah soo buuxinta wixii shaqo dhaaftay. Maqnaanshaha – Hakin (Suspension) la Xidhiidha Maqnaanshaha hakintu keentay cudurdaar way leeyihiin. Xafiiska Imaanshaha ayaa la xidhiidhi doona macalimiinta si ay u siiyaan layliyada hakinaha oo dhan. Layliyadan waxa laga heli doonaa xafiiska si looga qaato. Maqnaanshaha - Fasalka/Iskuulka ka Soo Daahitaanka Ardayda aan iskuulka waqtiga loogu talagalin ku imaan sabab kasta ha noqoto waa inuu heystaa warqad ama waalidku telefoon iskuulka ugu soo sheegay ama waa in uu maamulaha iskuulka la kulmaa si fasalka loogu ogolaado. Soo daahitaankan way sii socon doonaan in xafiiska wayn laga socodo. Maqnaanshaha - Goysmada Gobolka Minnesota waxaa sharci u ah in dhammaan ardayda ay da'doodu ka yartahay 18 iskuulka dhigtaa. Goysmo badan (todobo in ka badan) xeer ilaaliyaha degmada ayaa lagu wargelin doonaa oo kiiska maxkamaddaha u gudbin doona si tallaabo sharci ah oo suurtogal ah loogu qaado. Sharciga Minnesota wuxuu u oggolaanayaa maxkamadda inay isticmaasho cawaaqibta soo socota ardayda loo tixraacay googoysnimo: ganaaxyo lacageed, saacdaha adeegga bulshada, iyo/ama ku meelaynta dibadda guriga. cawaaqibta kale waxa la isticmaali karaa marka uu u maleeyo inay habboon yihiin maamulaha kuna cad yihiin Xeerka Anshaxa. Maqnaanshaha – Cudurdaar La’aan ah maqnaanshaha aan cudurdaarka lahayn waxa la diiwaangaliyaa marka:

● dugsiga aan la ogaysiin maqnaanshaha, ama ● maqnaanshaha laga dheeraan karayey ama dib loo dhigi karayey, ama ● qabanqaabo iyo/ama oggolaansho hore laga sii samayn karayey xafiiska maamulaha.

Sharciga Gobolka Minnesota ee la xidhiidha dayaca waxbarasheed wuxuu sheegayaa in waalidiinta ama mas’uulada ilme kayar 12 jir loo qabsanayo wixii maqnaanshaha cudurdaar la’aan ah. Arday kasta, iyada oon la eegayn da’da dugsiga uu ku dhigto, waa inuu raaco sharciga imaanshaha ee khasabka ah. cawaaqibta maqnaanshaha cudurdaar la’aanta ah waa kuwa soo socda:

● Kadib 3 maqnaansho oo cudurdaar la’aan ah - waalidiinta ayaa lagu ogaysiin warqad

Page 7: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

6

● Kadib 5 maqnaansho oo cudurdaar la’aan ah - warqad labaad ayaa loo diri waalidiinta oo xafiiska xeer-ilaaliyaha degmadana la ogaysiin

● Kadib 7 maqnaansho oo cudurdaar la’aan ah - maamulka dugsiga ayaa codsada inuu ka fayl garaysto codsi googoysnimo/dayac waxbarasheed xeer-ilaaliyaha degmada.

Saddex ama kabadan xiisadaha fasalka muddo kabadan saddex maalmood waxay keeni kartaa in ardayga loo tixgalino googoys oo boodis tiro badan waxay keeni kartaa ka fayl garaysi googoysnimo Xeer-ilaaliyaha Degmada. KASBASHADA TACLIINEED/KOBOCA KARTIDA Kasbashada Tacliineed: Ujeedada barnaamijka Kasbashada Tacliineed waa in la bixiyo fursado tacliineed oo manhajka dheeraad ka ah iyada oo hadafku yahay xoojinta koboca ardayga iyo buuxinta rabitaanka ardayga ee hal-abuurnimo dheeraad ah, loollamada tacliineed iyo dhib xallin. barnaamijka waxa loogu talogalay inuu kaalmeeyo ardaydu inay noqdaan hal-abuurayaal iyo soosaarayaal halkii ay ka ahaan lahaayeen isticmaalayaal macluumaad oo kaliya. Koboca Kartida: Degmo Dugsiyeedka 742 ee Mandaqadda St. Cloud waxay bixisaa barnaamijyo koboca kartida iyada oo oofinaysa oraahdayada howlgaka iyo dhuuxa qiyamka ee ah in qof kastaa u qalmo helitaanka tayada u sarraysa ee barasho si loo kordhiyo awoodda qofka. Barnaamijka koboca kartidu waa barnaamij loo siman yahay, baahida ku waajahan oo loogu talogalay ardayda muujiyey kasbashada sare ama suurogalnimada kasbashada sare. Karaarka: Karaarka ardayga waxa loo tixgalin karaa marka shaqaale shati haysta iyo qoysku dareemaan inay tahay waxa ugu fiicna ee ardayga. Aqoon hore/horumar helista xirfad, aqoon, ujeedooyin iyo aragtiyo ayaa loo tixgalin doonaa iyo sidoo kale heerka ku fiicnida ardayga ee akhriska, farshaxannada luuqada iyo xisaabta. Koboca jidheed ee ardayga, arrimaha qaangaarnimo iyo niyadeed ayaa la tixgalin, laakiin waa inayna ahaanin arrinka salka u ah go’aanka karaarinta. DAACADNIMADA/QISHKA AKADEEMIYADDA Dhammaan ardayda oo dhan waxaa laga filanayaa in ay muujiyaan daacadnimo ku aadan howsha loo diro oo waa in kuwa kale ay iyaguna sidaa ka fishaan. Markii sidaa la sameeyo arday kasta waxay u ogolaanaysaa in lagu qiimeeyo guushiisa/guusheeda shaqsi. Macalin kasta waa inuu sheegaa cawaaqibta ka timaada qiyaamada akadeemiyadda (qishka). Macalinka ayaa dardargelinaya ciqaabta goorta qiskhka ardaygu sameeyay. SHILALKA Dhammaan shilalka, haba yaraadeene, waa in loo tabiyo Adeegyada Caafimaadka ama Xafiiska Dhexe. Foomka Warbixinta Shilka waa in la dhammaystiro wakhtigaas. Macluumaadkan waxa looga baahan yahay sheegashooyinka caymiska. ISBEDDELLADA CINWAANKA AMA MACLUUMAADKA XIDHIIDHKA Isbeddellada cinwaanka guriga, lambarka taleefanka, iimaylka, iyo macluumaadka kale ee la xidhiidha waa in loo tabiyo xafiiska soodhawaynta sida ugu dhakhsaha badan. Tani aad ayey muhiim ugu tahay tacliinta iyo badbaadada ardayga. macluumaadka lala xidhiidhayo gurmadka waa in lagu daray.

Page 8: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

7

BOROTAKOOLLADA DIGNIINTA/BADBAADADA Dugsiyadayadu waxay baraan ardayda borotakoollada badbaadada iyo sida loo jawaabo marka digniintu dhawaaqdo. Waanu dabbakhnaa jawaabahayga sannadka oo dhan. Raacis waaga borotakoollada waxay keeni karaa tallaabo anshaxmarin. Bamka, Kiimikada, Dhabqiyaha iyo Caafimaadka Ardaydu waa in ay raacaan Crisis Response Plan(Qorshaha Jawaabta Dhibaatada). Xakamaynta Waxbarista caadiga ah ayaa socota, ardayda oo dhanna waxay kujiraan fasallada. Kuwa u baahan inay fasalka ka baxaan ujeedooyin gurmad dartood iyo booqdayaasha oo dhan waxa la siiyaa ilaalo dhismaha oo dhan. Dabka Qofka waa inuu ka baxo dhismaha marka digniin dhawaaqdo; dadka sidaas yeeli waaya waxay la kulmi doonaan tallaabo anshaxmarin iyo/ama sharci. Ardayga far-fareeya aaladda dareemista dabka waa la hakin doona waxaanu la kulmi doonaa dacwad ay ku soo oogaan hay’adaha ku habboon. Meel ku Hubsiga Ardayda iyo shaqaaluhu waxay galaan meelaha xidhan ee loogu talogalay. Bixinta tilmaantu waa joogsataa. Taleefannada waa inaan laga jawaabin albaabadana waa inaan la furin. Duuufaan (Tornado) Ardayda iyo shaqaaluhu waxay raacaan dhabbaha bixista ee la soo dhejiyey waxayna raacaan hab-raacyada meel ka galista. XEERKA NAAFADA AMERIKANKA Qof kale oo kasta oo naafo ah oo u baahan in la gacanqabto si uu usoo xaadiro dhacdada iskuulka lagu qabto Maamulka iskuulka ayay la soo xiriiri karaan hal todobaad kahor inta dhacdada aan la qaban. OGEYSIISYO Isku day ayaa la samayn doonaa in ogaysiisyada lagu soo diro qaabab kala duwan kaas oo ay ka mid noqon karto qaab maqal ama qaab la daabacay oo lagu soo diri karo qaabab elektaroonig ah si ardayda iyo qoysaskooda looga caawiyo in lagula soo socodsiiyo dhammaan fursadaha iskuulka la xiriira. Ogeysiisyada waxaa ka mid noqon doona waxyaabaha ardayda xiisaha u ah iyo wixii muhiim u ah. QIIMAYNTA IYO IMTIXAANKA GOBOLKA Qiimaynaha Ardayda fasallada K-12 waxay qaataan imtixaano iyo qiimayno kala duwan sannad dugsiyeed kasta. Waxaanu ka qaadnaa ardayda qiimaynaha si aanu u go’aamino heerka bariseed ee ilmaha oo aanu u cabbirno korriinka tacliineed sannad dugsiyeedka oo dhan, iyo sannad ilaa sannad, ee meelo kala duwan. Ilmahaagu wuxuu ku qaadan doonaa qiimaynaha qaar kombiyuutar, qaar kalena warqad iyo qalin. Haddii aad su’aalo ka qabto ujeedooyinka qiimaynta, muddooyinka iyo natiijooyinka, fadlan toos ula xidhiidh macalinka ilmahaaga. Waxa jira websaytyo iyo dhexgallo badan oo loogu talogalay inay ka caawiyaan ardayda koboca xirfaddooda bogga webka dugsiga ama macalinka ilmahaaga.

Page 9: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

8

Imtixaan Qaadista Gobolka Imtixaan qaadista Gobolka sannad dugsiyeedka 2015-2016 waxaa la qaban doonaa wakhtiyada soo socda: Febraayo 1 - Maarso 25 Bartayaasha Ingiriisida ACCESS  (ELs): Fa sallada K-12 (Qiimayntu waxay gali meeshii TEAE/MN-SOLOM) Maarso 7 - Maayo 6 Imtixaanista MTAS (Imtixaanka MN ee Xirfadaha Tacliineed): gaar gaar looga qaadi ardayda mutaystay Maarso 7 - Maayo 6 Imtixaanka Akhriska MCA (qalin iyo warqad): Fasallada 3-8 Maarso 7 - Maayo 6 Imtixaanka Xisaabta MCA (on-layn): Fasallada 3-8 Maarso 7 - Maayo 13 Imtixaanka Sayniska MCA (on-layn): Fasallada 5, 8 iyo Dugsiga Sare SHARCIGA LA-DAGAALANKA XOOG-SHEEGADKA/DUGSIYO BADBAADO LEH Guddida Dugsigu waxay aqoonsan yihiin raadka taban ee xoog-sheegadku ku yeelan karo caafimaadka iyo badbaadada ardyda iyo bey'adda barashada. xoog-sheegadku wuxuu abuuri karaa saxariir, walaac, hoos u dhac kalsoonida qofka, iyo dareemista takoor. xoog-sheegadka wuxuu si maaddi ah oo aad ah u arbushaa xuquuqda dadka kale u leeyihiin waxbarasho waana wax aan la aqbali karin bey’adda waxbarasho. Dugsiyada Mandaqadda St. Cloud waxay ku dadaalayaan inay joogteeyaan bey'ad barasho iyo shaqo taasi oo ka madhan xoog-sheegad. Sidaa darteed, xoog-sheegadka waa laga mamnuucay dhulka dugsiga, hawlaha dugsigu ka masuul yahay, basaska dugsiga meelaha baska dugsigu joogsado. Qeexista Xoog-sheegadka xoog-sheegadka waxa kamid ah handadaadda, hanjabaadda, habdhaqan gabboodfal, ama waxyeelo ah kaasi oo shaki la’aan daandaansi ah: (1) waxa jira isku dheellitir la’aan dhab ah ama la dareemayo oo u dhaxaysa ardayda ku lugta leh dhaqanka la mamnuucay iyo bartilmaameedka habdhaqanka iyo dhaqanku waa soo laabtaa ama wuxuu sameeyaa qaab; ama (2) si maaddi ah iyo si aad ah wuxuu farogaliyaa fursadaha ama hawl-gudashada ama awoodda waxbarasho ee ardayga si uu uga qaybqaato shaqooyinka dugsiga ama hawlaha ama u helo dheefaha, adeegyada, ama mudnaanta dugsiga. Hab-raacyada Tabinta Dhibbanayaasha: Dhammaan ardayda rumaysan inay yihiin dhibbane xoog-sheegad waa inay si dhakhso ah ugu tabiyaan xubin shaqaalaha dugsiga ah. Oggolaansho cad oo uu sameeyo ardayga loo xoog-sheegtay ma yarayso mamnuucidda siyaasaddan ku qoran. Qoysaska: Dhammaan waalidiinta ka war qaba wax xoog-sheegad ah waxa lagu boorinanayaa inay u tabiyaan maamulaha dhismaha ama wakiilkiisa. Tan waxa kujiri doona waalidiinta dhibbanayaasha ama goobjoogayaasha. Markhaatiga: Dhammaan ardayda arkay xoog-sheegad waa inay isla markiiba ugu tabiyaan xoog-sheegadka xubin shaqaalaha dugsiga ah. Shaqaalaha dugsi ee arkay xoog-sheegad waa inuu si dhakhso ah u dhexgalo una qaado tallaabo habboon si uu u joojiyo xoog-sheegadka. Shaqaalaha: Macalin, mutadawac, qandaraasle waxbarasheed, ama shaqaale kale oo dugsi waa inuu si gaar ah ugu feejignaado xaaladaha, duruufaha, ama dhacdooyinka imaan kara oo ay kujirto xoog-sheegadka. Qofka noocan ah ee hela warbixin, arka, ama aqoon kale u leh ama rumaysan dhaqan ay dhici karto inuu keeno xoog-sheegad waa inuu ku wargeliyo maamulaha dhismaha ama wakiilkiisa isla markaab si tallaabo habboon loo qaado. Maamulayaasha: Maamule ama wakiilkiisa oo arka xoog-sheegad ama hela warbixin hadal ah oo xoog-sheegad waa inuu dokumenti gareeyo oo si dhakhso ahna u baadho arrinka. Marka ay suurogal tahay, maamulayaashu waa inay raadiyaan inay kaga la hadlaan xoog-sheegadka dhibbanaha meel dhibbanuhu dareemayo ammaan. La hadalka hore ee dhibbanaha waa

Page 10: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

9

inaanu meesha joogin ardayga daandaansiga wadaa. Haddii hal arday kabadan ku lug lahaa samaynta xoog-sheegadka, maamulku waa inuu la hadlo mid kasta oo kamid ah ardayda daandaansiga wadda si kala gaar-gaar ah. Kadib baadhista marka la dhammaystiro, mamulaha dhismuhu waa inuu qaado tallaabo habboon oo waafaqsan siyaasadda xoog-sheegadka. Xeerka Asturnaanta Xogta: Warbixinaha xoog-sheegadka waxa loo tixgaliyaa xog waxbarasheed iyo/ama shaqaale oo gaar ah iyo/ama xog baadhiseed oo qarsoodi ah loona shaacin maayo sida dhigayo mooyee si kale.

RAACIDA BASKA Ardayda dugsiga hoose dhigata oo degan in ka badan hal meyl iskuulka u jira waxay xaq u leeyihiin in ay helaan adeeg gaadiid oo si joogto oo iskuulka geeya kana soo celiya. Baska iskuulka ayaa sidoo kale loo fidin karaa ardayda ku yimaada wadooyinka aadka loogu safro ama soo gooya meelo halis ah sida ay go'aamiyaan Guddiga la Talinta Gaadiidka. Amiga ardyda oo dhan darteed, darawaliinta basaska ma awoodaan in ardayda/qoyska in aan laga ogolaan in basas aan kooda ahayn aan la saarayn. Haddii ubadkaaga uusan guriga ku iman baskii laga filanaayay, fadlan markiiba soo wac Waaxda Gaadiidka (320) 253-9370. Baska oo la raaco waa mudnaan oo ma ahan wax aad xaq u leedahay. Ardayda amnigooda ama kan ardayda kale qalqalgeliya waxaa dhici karta in ay lumiyaan mudnaantooda ay baska ku raacaan. Dhammaan ardayda dhigata fasallada Pre K-10 waxaa la bari doonaan sharciyada baska iyo waxaa la siinayaa tababar dhanka baska oo dhammaystiran inta lagu jiro todobaadyada koowaad ee iskuulka. Nuqul ka mid ah xeerarkan iyo waxa ardayda laga filayo ayaa sidoo kale ardayda loo soo dhiibi doonaa inta lagu jiro xiliga dayrta ee sannad dugsiyeedkan oo buugyaraha ayaa lagu soo qori doonaa. Fadlan Waaxda Gaadiidka kala soo xiriir (320) 253-9370 haddii aad qabto wax su'aallo ah iyo welwel ku saabsan adeegyada gaadiidka ee ubadkaaga. C.A.A.P. C.A.A.P u taagan Community Accountability And Prevention Intervention (Dhexgalidda La-xisaabtanka Iyo Kahortagga Bulshada) waxa la heli karaa fasallada 6-10 iyada oo beddel ah ah hakinta. Maamulayaasha/Kaaliyayaasha Maamulayaashu waxa dhici karta inay ku qoraan arday CAAP muddo 1-3 maalmood ah. Barnaamijka CAAP waxa ka hawlgala shaqaalaha Degmada 742. KAFATEERIYADA Wada-shaqayntaada iyo tixgalintaada caqliga ku dhisan ee ardayda kale ayaa la filayaa oo la qaddarinayaa.

● Qadooyinka oo dhan waa in lagu cunaa kafateeriyada/meelaha lagu kulmo ilaa oggolaansho gaar ah la bixiyo.

● Ardaydu waa inay u dhaqanto nafahooga qaab naxariis iyo qaddarin leh markasta, safafka qadada iyo marka ay cuntada cunayaan.

● Ardaydu iyagaa ka masuul ah nadaafadda miiska halka ay ku cuneen iyo meelaha ku hareeraysan.

● Taraayada, weelka iyo shayada kale ee cuntada waa in lagu celiyo meesha weel dhaqista kadib isticmaalka. Khashinka iyo dib u warshadaynta waa in la geeyo meelaha loogu talogalay.

Page 11: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

10

KAAMARADAHA Isticmaalka wixii aalad sawir qaad ah taasi oo xadgudub ku ah xuquuqda dadka kale aad ayaa loo mamnuucay. Si khaldan ugu isticmaalka aaladdan oo kale qolka lokarka dugsiga, xamaamka dugsiga ama meel kale si uun ku xadgudbaysa asturnaanta qofka, waxay keeni kartaa anshaxmarinta dugsiga. CUDURRADA FAAFA Shaqaalaha degmo dugsiyeedku iyagaa ka masuul ah u tabinta cudurrada faafa Waaxda Caafimaadka ee Degmada. Ardayda la tuhunsan yahay inay qabaan cudur faafa waxa loo diri karaa guriga marka la ogaysiiyey qoysaska. Haddii ilme ku xanuusado ama si xun ugu dhaawacmo dugsiga, dugsigu wuxuu isku dayi doonaa inuu ku ogaysiiyo waalidiinta ama mas’uulada sharciga ah taleefan. Haddii dugsigu aanu awoodin inuu helo waalidiinta ama mas'uulada sharciga ah, qofka u qoran la xidhiidhka gurmad ayaa la wici karaa oo laga codsan karaa inuu ilmaha qaado. Xaaladaha marka dugsigu aanu awoodin inuu la xidhiidho waalidiinta, mas'uulada sharciga ah, ama qofka kale lala xidhiidhayo, xaaladduna u muuqato mid ilmuhu u baahan yahay gurmad caafimaad, 911 ayaa la wici doonaa. ISGAADHSIINTA - SKYWARD Degmada 742 waxay isticmaashaa Skyward, nidaamka maaraynta macluumaadka ardayga, ee isgaadhsiinta iyo tabinta buundooyinka iyo imaanshaha. Waalidiintu waxay ka gali karaan bartan www.isd742.org iyaga oo kadib dhag siinaya “Families” kadibna “Skeyward family access.” Bartan waxay u baahan tahay magac lagu galo, shanta xaraf ee u horreeya magacooga u dambeeya, oo ay raacdo 3 xaraf ee u horreeya magacooga hore, oo ay raacdo 3 sifir iyo baasweedh. Sidoo waxaad ka gali karta Skeyward adiga oo la xidhiidhayo xoghaynta dugsiga. LA-TALINTA La-taliyayaasha dugsigu waxay siiyaan taageero ardayda la kulmaya tabashooyin tacliineed, badbaado iyo bulsho-niyadeed. Sidoo kale waxay ka caawiyaan doorashada koorsada, qorshaynta mustaqbalka iyo imtixaanista iyo fasiraadda natiijooyinka imtixaanka. SHIRARKA QOYSASKA/MACALIMIINTA Macalimiinta fasalku waxay la kulmi doonaan dhammaan waalidiinta muddada Shirarka muddaysan ee Qoyska/Macalinka. Xidhiidhada ka dhexeeya dugsiga iyo waalidiintu waa arin aad muhiim u ah, kanina waa wakhti fiican oo ay tahay in laga wadashaqeeyo danaha ugu fiican ee ilmahaaga. Horumarka tacliineed ayaa la wadaagi doonaa sedax jeer sanadka gudihiisa Warbixinada Horumarka. ISKU XOOG-SHEEGADKA INTERNETKA Iskaga xoog-sheegadka internetka si aad ah ayaa loo mamnuucay. Shaqaalaha dugsigu lama socdo hawlaha ardayda markasta waana inuu isku halleeyaa kormeerka qoyska si loo suuliyo dhacdooyinka iskaga xoog-sheegadka internetka. Hase yeeshee, ilaa xadka dhaqanka noocan ah uu saamaynayo bey'adda waxbarasheed ee degmo dugsiyeedka iyo xuquuqda, badbaadada, iyo daryeelka ardaydeeda iyo/ama shaqaalaha oo uu kujiro maamulka degmo dugsiyeedka iyo hawlaheega caadiga ah, waa mid naga go’an inaanu ka hortagno isku xoog-sheegadka internetka oo aanu qaadno tallaabo si aanu u baadhno, jawaabno, saxno, oo anshaxmarino tallaabooyinkan xoog-sheegadka internetka kuwaasi oo aan lagu guulaysan ka hortagooda.

Page 12: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

11

XEERKA ASTURNAANTA XOGTA Degmo dugsiyeedka waxay aqoonsan tahay masuuliyaddeeda la xidhiidha ururinta, joogtaynta iyo faafinta diiwaanada ardaydu iyo ilaalinta xuquuqda asturnaanta ee ardayda sida ku qoran sharciga fadaraalka iyo gobolka. IKHTIYAARADA TALLAABADA ANSHAXA Waa nidaam guud ee Degmo Dugsiyeedka in la isticmaalo anshaxmarin hor u socod ah ilaa xad macquul ah kuna habboon oo ku salaysan xaqiiqooyinka gaarka ah iyo duruufaha dhaqan xumada ardayga. Qaabka anshaxmarinta gaarka ah ee la doorto xaalad gaar ah waxa si gaar ah u leh Degmo Dugsiyeedka. Ugu yaraan, Jabinta xeerarka, qawaaniinta, siyaasadaha, ama hab-raacyada Degmo Dugsiyeedku waxay keeni ka hadal jabinta iyo digniin hadal ah. Degmo Dugsiyeedku waa inay hase yeeshee, ku soo rogto ciqaabo anshaxmarin oo daran wixii jabin ah, oo ay kujirto saaris ama eri, haddii uu keensaday dhaqan xumada ardaygu, sida ay go’aamiso Degmo Dugsiyeedku. Tallaabo anshaxmarin waxay waafaqsanaan doonta Xeerka Anshaxa IDS 742. WAX KA BEDDELKA ANSHAXMARINTA Cawaaqibka jabin gaar ah waxa qabadsiin karaa qaab kusalaysan qofka haddii uu garto maamulaha dhismuhu. Maadaama ayna suurogal ahayn in la qoro jabin kasta oo dhacda, kuwa aan la cayimin waxa looga jawaabi sida ay dan moodaan shaqaaluhu si kala gaar ah. Duruufaha gaarka ah ee dugsi cayiman waxa loo baahan karaa qabadsiin siyaasadaha anshaxmarinta si loo buuxiyo baahiyaha dugsiga. OGAYSIINTA ANSHAXMARINTA EE JABINTA SHARCIGA Qoysaska waxa la ogaysiin doonaa wixii jabin Xuquuqda iyo Masuuliyadaha Xeerka Anshaxa ee keenaya tallaabo anshaxmarin. Ardyda la hakiyey waxay ka heli doonaan macluumaad Xeer Caydhinta Caddaaladda ah ee Ardayga. DIIWAANADA ANSHAXMARINTA Waa siyaasadda Degmo Dugsiyeedka in diiwaano anshaxmarinta ardayda ah oo dhammaystiran saxna ah la joogteeyo. Ururinta, faafinta, iyo joogtaynta diiwaanada anshaxmarinta ardaygu waa inay waafaqsanaadaan siyaasadaha Degmo Dugsiyeedka ay khusayso iyo shuruucda fadaraalka iyo gobolka, oo ay kujirto Xeerka Ku-camalfalka Xogta Dawladda Minnesota, Minn. Stat. Jabtar 13. XEERKA LABBISKA/MUUQAALKA QOFKA Ardayda waxa lagu boorinanayaa inay ku faanaan dharkooda/hugooga maadaama uu la xidhiidho xaruntooda waxbarasheed. Ardaydu waa inay u labbistan qaab, marka lagu daro tilmaamaha soo socda, xisaabta ku darsanaya bey'adda waxbarasheed, badbaadada, caafimaadka iyo daryeelka qofka iyo dadka kale. Fadlan xasuusnaw in su’aasha aqbalaadda ay u taalo maamulka. Tilmaamaha soo socda oo la xidhiidha labbiska waa in la raaco.

● Waxyaalaha madaxa lagu xidho (tus., masarrada, koofiyadaha, garba-saarrada) lama oggola inta maalinta dugsiga lagu jiro. Dhammaan waxa madaxa lagu xidho waa in lagu rido lokarrada ama boorsooyinka dhabarka marka dugsiga la soo galo laga lana soo baxo kaliya dhammaadka maalinta. Waxyaalaha ka reeban siyaasaddan waxa kamid ah wixii loo xidhinayo xorriyadaha diinta si waafaqsan Sharciga Fadaraalka.

● Koodhadhka dibadda/jaakaddada waxa dhici karta inaan la xidhan inta lagu jiro maalinta dugsiga sababo barxadeed iyo ammaan dartood. Fadlan isku diyaari heerkullada qabow adiga oo haysanaya funaanad lookarkaaga.

Page 13: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

12

● Dhammaan dharka iyo/ama waxyaalaha la isku qurxiyo, kuwaasi oo muujinaya aflagaado ama calaamado iyo/ama astaamo ama farriimo sare u qaadaya daroogada, khamrada, tubaakada, qoryaha, xadgudubka ama jinsiga waa la mamnuucay.

● Kabaha waa in la xidhnaadaa markasta dhismaha iyada oo ay ugu wacan tahay shuruucda caafimaadka ee gobolku.

● Kaliya okayaalaha dhakhtarku qoray ayaa la oggol yahay. Okayaalaha qorraxda waa in la iska bixiyo marka dhismaha la galayo.

Inta badan maalmaha, ardayda dibad ayay aadi doonaan. Carruurtu waxay u baahan yihiin in iskuulka ay yimaadaan iyagoo si haboon u labisan dhanka xaaladda jawiga (jaakooyin, gacmogashi, buutka, iwm.) Taa waxaa raacsan:

● Qoraalada lagu soo qorto gacmaha saa’idka ah, gacanta, wajiga, iwm LAMA ogola iskuulka dhexdiisa oo waa laga dhaqayaa. Waxaa loo ogolaan doonaa kuwa cilaanka u marsan.

● Ardaydu waa in jiimka ay usoo xirtaan kobo goome. Kobaha dacaska LAMA ogola oo ma ahan kobo loogu talagalay fasallada jiimka. Kobaha lugaha leh (loo yaqan Heelies) waxaa loo texgeliyaa kuwa aan ammaan ahayn in iskuulka lagu xirto oo lama ogolaan doono.

Ardayda aan u hogaansanayn labiska saxda ah shaqaalaha iskuulka ayaa kala hadli doona waxa ay u baahan yihiin in ay ku bedeshaan. Haddii ardaygu uu ku guuldaraysto inuu dhibaatada labiska uu xaliyo, tallaabo ku bahoon ayaa laga qaadi doonaa. Waalidiinta, shaqaalaha iyo kuwa soo booqda ayaa sidoo kale laga filayaa in ay raacaad waxa Degmo dugsiyeedka 742 ay ka filato ka soo baxaan dhanka labiska iyo muuqaalka. XUQUUQ DHAWRKA Ardayda hadda loo aqoonsan yahay inay naafo yihiin, sida uu dhigayo IDEA waxa qaban doona qodobada IDEA. BAARITAANKA HORE EE CARUURTA Sannadaha hore ee carruurta laga bilaabo markuu dhasho ilaa uu ka bilaabo dugsiga barbaarinta carruurta [Kindergarten] wuxuu ku jiraa waqti kobac iyo waxbarasho oo degdeg ah. Baadhitaanka Hore ee Carruurta waa baaritaan sahlan oo dhaqso ah oo lagu baarayo sida carruurta ay yihiin marka ay ku jiraan da'da 3 1/2 ama 4 sanno jirka. Waxaa lagu ogaanayaa, wajiga horey, barashada suurtogalka ah ama welwelka caafimaad ee uu qabi karo si carruurta loogu helo kaalmada ay u baahan yihiin ka hor inta iskuulka uu bilaabmin. Baadhitaanka Hore Ee Caruurta ayaa loo baahan yahay marka ardaygu galayo iskuullada dadwaynaha ee Minnesota waxaana la sameeyaa sanadka oo dhan degmo dugsiyeedka ayaana bixisa. Macluumaad dheeraad ah, kala xiriir Waxbarashada Carruurta Yaryar 320-253-5828. XIDHISTA DUGSIGA EE GURMADKA (LA XIDHIIDHA CIMILADA) Fadlan dhammaystir foomka Xidhista Dugsiga kaasi oo iftiiminaya qorshayaasha xilli hore kala dirista dhammaan ardayda. Foomamka waxa loo qaybin doonaa qoysaska ardaydayada waxaana loo baahan yahay in lagu soo celiyo macalimiinta fasalka sida ugu dhakhsaha badan. Haddii dugsigu bilaabmayo xilli dambe, xilli hore xidhmayo, ama u xidhmayo cimilada xun, ogaysiin ayaa laga samayn doonaa meelaha isgaadhsiinta e soo socda: wwwisd742.org, WJON/WWJO, KNSI/KCLD, KISS-FM, KKSR, WVAL/WHMH, KASM, KCCO-TV, KRWC, Cable channel 6, WCCO, iyo KARE11 radio.

Page 14: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

13

Marka lagu daro raadiyowyadan iyo tilifeeshanada, digniinaha cimilada waxa laga sheegi websaytka St. Cloud Times oo ah www.sctimes.com. Sidoo kale waxaad daari kartaa keebalka helista waxbarashada ee mandaqadda, Channel 187, bogga Facebook ee Degmada 742 www.facebook.com/isd742.org, ama websaytka Degmada 742 www.isd742.org warbixinaha u dambeeyey ee xidhista iyo/ama bilaabista xilli dambe. Skylet (Nidaamka Farriinta Dugsiga) ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in farriimaha looga diro qoysaska dhan, si loo ogeysiiyo xidhista dugsiga iyo daahinta waqtiga dugsigu bilaabmayo sabab la xidhiidhta cimilada oo xun darteed. SAFARADA WAXBARASHADA LA XIRIIRA [FIELD TRIPS] Marmarka qaarkood ardayda waxaa loo wadi doonaa safarro waxbarashada oo ardayda fasalkooda/fasalkeeda ay israaci doonaan. Dhammaan safarada waxbarashada si haboon ayaa loo maarayn doonaa oo macalinka fasalka ayaa waalidiinta/mas'uuliyiinta la soo socodsiin doona ka hor inta safar waxbarasho ay tagi doonaan. Haddii AADAN doonayn in ubadkaaga uu ka qaybqaato safarada waxbarashada, fadlan la soo xiriir xafiiska iskuulkaaga oo buuxi foomka Ogolaanshaha Waalidka/Mas'uulka. Dhammaan kuwa doonaya in ardayda soo raacaan waa in taariikhdooda dambi ay soo baaraan Community Education (Waxbarashada Jaaliyadda) (Warqaddaha kuwa Tabbarruca waxa laga helayaa iskuulkiisa ilamahaaga ama Waxbarashada Jaaliyadda[Community Education]). CUNTADA iyo XASAASIYADDA CUNTADA Sharciyo gobol oo gaar ah ayaa mamnuuca cuntooyinka "guriga lagu soo sameeyo" ee lagu bixiyo meelaha bulshada. Carruurta ma keeni karaan cuntooyinka guriga lagu soo sameeyo oo dhismaha ma soo gelin karaan inta lagu jiro iskuulka marka laga reebo haddii cuntada uu ansaxiyo maclinka ama maamulaha iskuulka ee fasal gaar ah. Waa sharci u yaala Degmo dugsiyeedka 742 in si joogto ah ay uga shaqeeyaan in dhismaha oo dhan ay ka dhigaan meel nadiif ah, ahna bay'ad caafimaad leh oo ammaan ah, la isku hubo oo ardayda, shaqaalaha, iyo kuwa soo booqda oo dhan u ogolaata in ay ka shaqeystaan iyo in ay wax ku bartaan. Degmo dugsiyeedka 742 waxay halkan ay qaadatay oo ay taageeraysaa Sharciga Xasaasiyadda Cuntada Iskuulka(School Food Allergy Policy) ee dhammaan iskuullada. Sharcigan waxaa kaloo ku jira howlaha saacadda iskuulka kadib la qabto.

XURYATUL QOWLKA Arday kasta wuxuu xaq u leeyahay in abaabulo, qabto, iyo in uu fekirkiisa iyo wuxuu uu aamisan yahay soo bandhigo haddiiba fekirkaas ahayn mid carqaladeyn ku ah howlaha caadiga ah ee iskuulka ka socda. Hadalo gef, aflagaado, takoor, ama kadeed oo loola jeedo in lagu carqaladeeyo goob waxbarasho ka socota lama isticmaali karo. XANJO LA RUUGO Xanjo la ruugo dhismaha dhexdeeda lama ogola. DHIBAATAYNTA Dhibaatayntu waxay yeelan kartaa qaabab badan waana habdhaqan aan fiicnayn kaasi oo si wayn u farogaliya nolosha waxbarasheed ee ardayga. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu darmeemo badbaado. Degmadu waxay taageertaa shaqaalaha oo dhan iyo xaqa ardayda ee inay ku shaqeeyaan, ku bartaan oo ku koraan bey’ad badbaado ah oo togan.

Page 15: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

14

Ku Dhibaataynta Jinsi – Ku dhibaataynta jinsi waa habdhaqan aan fiicnayn oo jinsi ah. Siyaasadaha guddida dugsigu, iyo sidoo kale shuruucda gobolka iyo fadaraalku waa mamnuuceen dhibaataynta jinsiga. Ku Dhibaataynta Takoorta – Ku dhibaataynta takoorku waa faallooyin aan fiicnayn oo la xidhiidha sinjiga qofku yahay. Ku Dhibaataynta Hadalka – Ku dhibaataynta hadalku waa faallooyin hadal ah oo aan fiicnayn kuwaasi oo ka dhiga qofku inuu dareemo ceebayn, hanjabaad ama badbaado la’aan. Ku Dhibaataynta Jidheed – Ku dhibaataynta jidheed waa habdhaqan aan fiicnayn oo jidheed. Dhibaataynta jidheed xaaladaha qaar waa sharci darro waxaana lagu qeexaa dambi, weerar ama dhaqan aan hagaagsanayn. Siyaasadda dhibaataynta waxa lagu dhejiyey dugsiga ilmahaaga ama waxa aad ka heli kartaa maamulaha dugsigaaga. Sidoo kale, maamulaha dugsigaagu sidoo kale wuxuu ku siin karaa khayraadka soo socda:

● Tilmaamo Hirgalinta Siyaasadda, iyo ● Hage Aasaasi ah ee waalidiinta iyo Ardayda Degmada 742 Minnesota. (Dokumentigan

sidoo kale waxa lagu heli karaa luuqadaha Isbaanish, Soomaali, iyo Fiitnaamiis.) QULQULATAYNTA “Qulqulatayntu” waxay ka dhigan tahay inuu qofi la kulmo khayaanooyin ama jees-jees gabboodfal ama bahdil ah. Iyada oo la raacayo Sharciga MN ee 121A.69 iyo Siyaasadda Guddida 526, “Hawlaha qulqulatayntu nooc kasta waa qaar aan waafaqsanayn ahdaafta waxbarasho ee Degmo Dugsiyeedka 742 ee Mandaqadda St. Cloud waana mamnuuc markasta.” MACLUUMADKA DEGDEGGA EE CAAFIMAADKA Qoyska ayaa ka mas'uul ah in ay soo gudbiyaan macluumaadka degdegga ee caafimaadka in iskuulka ubadkaaga dhigto lagu soo wargeliyo inta lagu jiro todobaadka koowaad ee fasalladu ay bilaabmaan iyo inta lagu jiro sannad dugsiyeedka goorta xogta caafimaadka ardayga wax iska bedesho. Goorta ardayda ay xanuunsadaan ama shil ay la kulmaan inta lagu jiro saacaddaha iskuulka uu sodo, qoyaska waa lagu soo wargelin doonaa si markaa abaabul ku haboon ay u qabanqaabiyaan. Haddii ay daruuri noqoto in ubadka iskuulka laga qaado, waalidiinta/mas'uuliyiinta waxaa looga baahnaan doonaa in ay xafiiska dhismaha ka soo saxiixaan in ay horey ubadkooda u wadayaan.

Diiwaanada Caafimaad Diiwaanada caafimaad ayaa loo hayaa arday kasta sida uu dhigayo sharciga Minnesota. Tusaale ahaan macluumaadka waxa kamid ah:

• Taariikhda hore ee xanuun iyo hawlgallo. • Taariikhaha tallaalada. • Natiijooyinka baadhis arag iyo maqal. • Natiijooyinka baadhitaano xirfadle.

Macluumaadka gurmadka ee arday kasta waa inuu ka fayl garaysan yahay kalkaalisada dugsiga. BARNAAMIJKA KORNIINKA IGA CAAWI (Help Me Grow) Ma waxaa jira dhallaan cusub ama ubad noloshaada ku cusub oo aad welwel ka qabto? Welwelkaas wuxuu noqon karaa sida ubadkaaga uu u socdo, u hadlo, u dhaqmo, u ciyaaro, korniinka ama sida uu udhaqmo. Korniinka Iga Caawi waa ilooyin jaaliyad oo macluumaad siiya qoysaska xogtaasoo ku saabsan korniinka dhallaanka, korniinka oo habsaama iyo iloolin

Page 16: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

15

jaaliyadda oo loogu talagalay ubadka markuu dhasho ilaa uu ka gaaro todobo sano jir. Kaalmadaan wax qarash ah kuguma fadhiyo. Macluumaad dheeraad ah wac: (320) 253-5828. SHAQADA GURIGA Layliyada shaqada gurigu waa kala duwanaan doonaa, iyada oo ku xidhan heerka fasalka ardayga. Qoysasku waxay dhiirigalin karaan caadooyin iyo ku-camalfal waxbarasho oo wanaagsan iyaga oo siinaya meel daraasayn oo deggan oo abuuraya wakhti joogto ah habeen kasta shaqo guriga/akhriska. XANUUNSIGA/DHAAWAC DUGSIGA KA DHACA Waalidiin badan ayaa sida badan ka warwara marka ardaydu ay tahay inay guriga joogaan. Talobixinaha soo socdaa waxa loogu talogalay inay ka caawiyaan go’aankan.

● Haddii ilmahaagu leeyahay xummad (heerkul ka sarreeya 99.8), ilmahaagu waa inuu joogo guriga 24 saacadood kadib marka heerkulku ku soo noqdo caadiga.

● Haddii ilmahaagu matagayo ama shuban lahaa, ilmahaagu waa inuu joogo guriga 24 saacadood kadib dhacdada u dambaysa.

● haddii ilmahaagu leeyahay finan shuruuruc ah kuwaasi oo ay dhici karto inay cudur la xidhiidhaan ama aanad garanayn sababta, ha eego dhakhtarka qoyskaagu kahor intaanad ilmaha u soo dirin dugsiga. Qoraalka dhakhtarku waa inuu la socdaa soo laabashada ilmahaaga ee dugsiga.

● Haddii ilmahaagu muujiiyo calaamado infakshanka indhaha (indhaha oo basali ama casaan noqda), guriga ku hay oo fadlan ha eego dhakhtarka qoyskaagu. Haddii daawo loo qoray, ilmahaagu waa inuu guriga joogo 24 saacadood kadib marka daawada oo bilaabay.

● Carruurta loo qoray antibayootig (cune xanuun, tusaale ahaan) waa inay joogaan guriga 24 saacadood kadib marka daawada loo bilaabay.

Haddii aad qabto su’aalo la xidhiidha caafimaadka ilmahaaga, fadlan la xidhiidh kalkaalisada dugsiga soo booqata dugsiga. Baratakoolka Injirta Madaxa (Injir): Marka ardayga injir looga shakiyo, ardayga shaqaalaha iskuulka ayaa fiirin doona. Haddii la xaqiijiyo, waalidiinta/mas'uuliyiinta waa lagu wargelin doonaa in ay qabanqaabiyaan in la soo daweeyo oo ilaa intaa iskuulka laga joojiyo. Ardayda fasalka dhigta oo dhan lagama baarayo haddii fasalka dhexdiisa looga shakiyo in injir ay ku jirto. Haddii la caddeeyo in injir ay jirto, shaqaalaha iskuulka waxay guryaha ay u dirayaan warqad (NS08.04) "Ogeysiis Injir" oo loo dirayo waalidiinta/mas'uuliyiinta ardaygooda dhigata iskuulka xannaada ka hor ilaa kuwa da'da dugsiga hoore dhigta. Kiisaskii ay soo sheegaan shaqaalaha iskuulka iyo/ama waalidka waa la qori doonaa (diiwaangelin) si loola socdo oo dib loo baaro. Carruurta lagu arko qanjaciir injirta (ukunta), oo aysan injir nool ahayn, waa loo ogolaan doonaa in iskuulka ay soo xaadiraan. Carruurta ay injirta ku jirto inta badan looma ogolaanayo in iskuulka ay sii joogaan. Ubadka lagu helo injir nool guriga ayaa loo diri doonaa isagoo horey loo siin doono "Tilmaame Ka Saarista iyo Ka Hortagga Injirta Madaxa" (NS08.02). Ubadka iskuulka waa loo ogolaan doonaa mar haddii laga saaro injirta oo la dhameeyo. Laba maalmood oo maqnaansho cudurdaar leh ayaa la ogol yahay in ubadka lagu helo in injir ay ku jirto la siiyo. Inta lagu jiro mudadaas waa in la qaadaa talaabooyin ku haboon ee injirta looga saarayo. Laba maalmood ka dib, maqnaansho dheeraad ah ee la xiriira injirta ka saarista/dawaynta waxaa loo qaadan doonaa in maqnaansho aan cudurdaar la'hayn. Maqnaanshaha aan cudurdaarka la'hayn ee la xiriira injirta madaxa waxaa lagala xaajoon doonaa kalkaalisada iskuulka joogta ee shatiyaysan iyo maamulaha iskuulka iyadoo loo baahan

Page 17: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

16

doono in loo wareejiyo ilooyinka bulshada haddii loo baahdo. Si loo yareeyo saacad waxbarasho oo lunta, haddii ardayga lagu arko injir ku soo noqnoqota, kalkaalisada iskuulka joogta, iyadoo ay kaashanayso maamulaha iskuulka, ayaa go'aamin doona haddii la ogolaanayo in iskuulka laga saaro. Goorta ay la noqoto in loo baahan yahay, kalkaalisada ayaa la kulmi doonta waalid(diinta)/mas'uuliyiinta iyo maamulka iskuulka si meel la isla dhigo tallaabada daawayn ee uga haboon ee la qaadi la'haa.

Qaniinyada Dadka/Gaarsiinta Dheecaanka Jirka: Marmarka qaar, waxaa dhacda in iskuulka dhexdiisa la isku qaniino. Maxaa yeelay waxaa dhici karta in ardayga dheecaanka ka soo gaaro xannuun la isqaadsiin karo, qorshaha iskuulka ayuu wuxuu yahay in waalidiinta lagu wargeliyo ardayda ku lugta leh. Goorta ay dhacdo qaniinyo, iskuulka waxaa dhici karta inuu ku taliyo in ubadkaaga takhtarkiisa/eeda lala xiriiro oo lala tashado. Way jiri kartaa suurtogal ah in dhiig iyo dheecaan ardayda uu gaaro, gaar ahaan kuwa ciyaartooyda ah ee ciyaaraha ku jira. Kalkaalisada iskuulka ayaa waxaa dhici karta in waalidiinta ay ula xiriiraan takhtarkooda si daryeel dabagal ah loogu sameeyo haddii ay jiraan inuu ku faafay.

Cudurka Shannaad [Fifth Disease]: Cudurka Shanaad(Fifth Disease) waa xanuun fayrus ka yimaad oo carruurta ku caan ah. Ifafaalooyinka waa qandho hooseysa iyo in dhafoorka ka soo bax aad u muuqda ka soo baxa. Wuxuuna u egyahay in ubadkaaga dhafoorkiisa qof kale uu dharbaax ku dhuftay. Sidoo kale nabro yaryar, ayaa waxaa dhici karta inuu ka soo baxaan gacmaha iyo lugaha. Xannuunka waxaa ugu daran oo la isqaadsiin karaa marka uu hor leeyahay ifafaalooyinka, oo uma badna inuu faafo marka nabraha yaryar ay soo baxaan ka dib. Haddii ubadka aysan qandho hayn oo uu FIICAN yahay, ardayga iskuulka ayuu sii joogayaa.

DUGSIGA BARBAARINTA CARUURTA [KINDERGARTEN] Degmo dugsiyeedka 742 waxay bixiyaan maalintii oo dhan, Dugsiga Barbaarinta Caruurta maalinkasta oo ay u fidiyaan qoys kasta ee dugsi hoose kasta. Ubadkaaga ku qor Dugsiga Barbaarinta Caruurta ee Xarunta Soo-Dhoweynta ee Degmo dugsiyeedka. Dhammaan foomamka diiwaangelinta iyo qariidada iskuulkaadka lagu qori karo waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee isd742.org waxay hoos timaadaa qaybta "Qoysaska" [Families] iyo diiwaangelinta ama waxaad soo wici kartaa Xarunta Soo-Dhoweynta ee 320-202-6897. BARNAAMIJYADA DHEXGALKA LUQADDA Degmo dugsiyeedka 742 waxay bixiyaan laba Barnaamij Dhexgal dhanka luqadda ah: Isbaanish iyo Mandarin Shiinees. Ardayda dhigta barnaamijyadan luqad labaad waxay ka kororsan karaan waxbarashada maalin la'ha ee caadiga ee maadooyinka maalin kasta loo dhigo Ardayda dhigata fasallada Dhexgalka ee ku jira Dugsiga barbaarinta caruurta ama fasalka 1aad aysan ka ahayn haddii ardayga luqad kale ku hadlo oo uu barnaamij luqad labaad ku jiro. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyadan, soo wac maamulaha iskuulka halka barnaamijka laga bixiyo ku yaalo ama Iskuxiraha Degmo Dugsiyeedka ee Xarunta Soo-Dhoweynta ka soo wac 320-202-6897. Dhexdalka Af Shiinaha Dugsiga Hoose ee Madison 320-252-4665 Dhexgalka Af Isbaanishka Dugsiga Hoose ee Clearview 320-743-2241

CINJIRKA (LATEX) Dugsiyada Degmada 742 waa meel ka madhan cinjirka. Biibiiyada, gacmo-gashiyada ama waxyaalaha kale ee cinjirkku kujiro lama oggola Dhismaha Degmada 742.

Page 18: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

17

QAANADAHA/LOKARRADA Ardayda oo dhan waxa la siiyaan lokar. Lookarka ardayga dugsigu waa hantida Degmo Dugsiyeedka St. Cloud waana in loo isticmaalo ujeedooyinka soo socda: meel lagu kaydsado buugaagta, agabka dugsiga, iyo dharka dibadda lagu xidho. Wixii kharash dayactirka waxyeelada soo gaadhay lokarku waxay saaran tahay ardayga. Wax kasta waa in laga qaado lokarrada dhammaadka sannad dugsiyeedka, wixii ku hadha lokarrada dhammaadka sannad dugsiyeedkana waxa dhici karta inaan la soo celin. Isticmaalka lokar aan ahayn ka ardayga la siiyey waa la mamnuucay. Hay’adaha dugsiga ayey dhici kartaa inay fuliyaan kormeerro muddaysan oo guud lokarrada marka ay doonaan, bilaa ogaysiis, iyada oonu ardaygu oggolaan iyada oon oggolaansho loo raadin. Wixii qufullo dugsigu aanu bixin ama oggolaan si dhakhso ah ayaa loo jari. Siyaasaddan sidoo kale waxay khusaysaa lokarrada waxbarshada jimicsiga iyo lokarrada ciyaarta.

DHUMINTA MUDNAANTA DUGSIGA Ardayda waxaa dhici karta inay dhumiyaan mudnaanta aadista hawlaha dugsiga, oo ay kujirto salaadda, marka ay jabiyaan xeerarka dugsiga iyo siyaasadaha degmada. Marka arday laga caydhiyo ama hakiyo dugsiga, ardaygu kama qaybqaadan karo ama daawan karo wixii hawl dugsigu masuulka ka yahay ee manhaka ka baxsan iyo kalaab ah iyada oon la eegin goobta ay ka dhacayso degmada oo dhan. HANTIDA DHUNTA/WAXYEELOWDA Kharash, magdhaw ama adeeg bulsho ayaa loo qiimayn ardayda/qoysaska taasi oo ka tarjumaysa qiimaha beddelista/dayactirk marka ardaydu:

• waxyeelaan hantida dugsiga (lokarrada, miisaska, kuraasta, iwm.) • waxyeelaan/dhumiyaan qoraallada ama buugaagta laybareeriga • waxyeelaan hantida gaarka ah ee ardayda kale/shaqaalaha

Kharashka waa in la siiyo dugsig kahor dhammaadka sannad dugsiyeedka. Tani waxay noqon doontaa meesha ay iska taagaan maamulku. WIXII LUMAY & LA HELAY Sannad kasta alaabo badan oo dhar ah ayaa luma oo aan dibna loo helayn. Tiradan in badan ayaa la yarayn karaa marka carruurta la xusuusiyo in ay muhiim tahay in ay noqdaan kuwo mas'uul ka ah waxa ay iska leeyihiin oo ay si joogto ah uga fiiriyaan "Wixii Lumay & La Helay" meesha la dhigo. Magacyada ardayda waa in lagu qoraa ardayda maryahooda gacanta, jaakooyinka, sanduuqa qadada, iwm. Dharka aan la soo doonayn marka ay bisha dhammaadkeeda ururrada samafalka ayaa loo sadaqayn doonaa. Waalidiinta ayaa looga baahan yahay in ay ka taxadiraan goorta ubadkooda ay soo siinayaan walxo qiimo ku fadhiya. Walxaha qaaliga ah sida walxaha dhegaha lagu xirto, qalabka elegtarooniga, iboods, telfoonka gacanta, ciyaaraha fiidiyowga, boon-balada, kaarka turubta, ama waxyaabaha kale ee qiimaha leh ma ahan in iskuulka la keeno. Degmo dugsiyeedka 742 ma hayo wax caymis ah ee waxyaabahan oo kale, sidaa-awgeed la soco dhibaatooyinka la socda. TABINTA AWOODDA LA SIIYEY Shaqaalaha dugsig Degmada 742 sharciga ayaa awood u siiyey inay tabiyaan dhammaan dhadooyinka gabboodfal ama gabboodfalka ama dayaca laga shakiyo inuu dhacay. Tan waxa kamid ah, gabboodfalka jinsi ama niyadeed. Gabboodfallada qabanqaabooyinka haynta ilmaha ayaa sidoo kale kujira.

Page 19: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

18

XILLIYADA CUNTADA Diiwaanada Barnaamijka Quraacda/Caanaha/Qadada waa qaar kombiyuutar ku shaqeeya. Dhammaan ardayda, laga reebo dugsi-horraadka, waxa la siiyaa PIN lambar si ay u galaan xisaabtooda. Dhammaan lacagta quraacda/caanaha/qadada dugsiga loo diro waxa lagu ururiyaa hal xisaab. Hase yeeshee, waxay wax-ku-ool badan tahay haddii quraacda/caanaha/qadada loo iibsado qaybo hal toddobaad ah, laba toddobaad ah, hal bil ah, iwm. Qiimayaasha Quraacda/Caanaha/Qadada 2015-2016: Nooca Xilliga Cuntada Quraacda Qadada

Dugsiga Hoose $1.50 $2.55

Dugsiga Sare $1.55 $2.75

Qiime dhinka ku mutaystay Bilaa Lacag Bilaa Lacag

Caanaha $0.45 $0.45

Qofka Wayn $2.30 $3.90 Macluumaadka la xidhiidha xilliyada cuntada ee bilaashka ah ama qiimaha la dhimay waxa laga heli karaa xafiisyada dugsiga ama isd742.org (Fadlan ogow: Caanaha/Juuska (cuwaafta) qayb kama aha Barnaamijka Bilaashka/Qiime Dhimista.) Haddii ardayga caanaha xasaasiyad uu ku qabo, cabbitaan ayaa la siin karaa. Fadlan kalkaalisada iskuulka joogta u keen warqad takhtarka aad ka keentay. Mar walba qoysaska waxaa lagu soo dhowaynayaa in ay ardayda qadada ku soo biiri karaan. Waxaan kaa codsanaynaa in ubadkaaga iskuulkiisa aad soo wacdo kama dambays 9:00 a.m. maalinta si qadadaada aad u dalabto. Dookhakha Dugsiga: Sharciga Cuntada N.857 wuxuu dhigayaa in cuntooyinka lagu isticmaalayo dugsiga ay ahaadaan qaar ganacsi ahaan moorgaraysan ama lagu diyaariyey dugsiga. Cuntooyinka guryaha lagu sameeyey LAMA oggola dugsiyada dadwaynaha. (Haddii ilmahaagu qorshaynayo xaflad ama dabbaaldeg, waxaanu kugu boorinaynaa inaad samayso qabanqaabooyinka oo aad ka dhigto casuumadaha dibadda maalinta dugsigu aanu jirin.) XARUNTA WARBAAHINTA Macluumaadka iyo khayraadka waxa laga heli karaa xarumaha warbaahinta dugsiga. Ardaydu waa inay leeyihiin aqoonsi dugsi si loogu hubiyo wixii buugaag ama wax kale ah. Wax aqoonsi kumeel gaar ah la bixin maayo. DAAWADA Shaqaalaha Degmada 742 waxay siin doonaan daawo ama hab-raacyo caafimaad iyo/ama daawayno inta lagu jiro maalinta waxbarashada sida uu dhigayo Sharciga Minnesota 121A.22 iyo 121A.2205. Ardaydu waxay u baahan karaan daawo loo qoro dugsiga si ay uga faa’idaystaan waayo-aragnimadooda waxbarasheed. SHARCIGA TALLAALKA MINNESOTA Sharciga Minnesota, Qaybta 121A.15 wuxuu dhigayaa in carruurta oo dhan, kahor intaan la qorin dugsi Minnesota, in laga tallaalo qawracada, teetanada, kixda, dabaysha, jadeecada, qanjo bararka iyo rubeellada, Cagaarshow B, Hablo-baasta/busbuska iyo (Hib dhammaan

Page 20: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

19

dugsi-horraadyada) ama buuxiyaan mid kamid ah beddellada la oggol yahay. Sharcigu wuxuu oggol yahay dhaafisyada soo socda:

• Bayaan saxeexan oo ka socda dhakhtar oo ka dhaafaysa qofka tallaal loo baahnaa sababo caafimaad awgood.

• Bayaan nootayo lagu qoray kaasi oo sheegaya in tallaalka uu ka hor imanayo qofku waxa uu rumaysan yahay.

Sharcigu wuxuu sheegaya in maamulka dugsigu ka saari doono ardayga dhigashada dugsiga haddii uu keeni waayo dokumenti saxeexan oo muujinaya in ardaygu uu ku dhaqmayo sharciga. AALADAHA BUUQA BADAN Maadaama ay khatar ama dhaawac gaadhsiin karto dadka kale, ardayda waa la anshaxmarin haddii ay haystaan tooyis halis ah ama aaladaha buuqa badan inta ay dugsiga joogaan. XUQUUQDA WAALIDKA/MAS'UULKA/ARDAYGA IN DIIWAANKA ARDAYGA UU ARKO Xeerarka dowladda Federaalka wuxuu dhigayaa in waalidiinta/mas'uuliyiinta iyo ardayda loo baahan yahay in lagu wargeliyo xuquuqda ay leeyihiin in ay arkaan diiwaanka waxbarashada ubadkooda. Adiga halkan ayaa lagugu wargelinayaa in si bilaash ah aad u heli kartid diiwaanka waxbarasho. Haddii aad danaynayso in aad aragto diiwaanka, fadlan la soo xiriir xafiiska maamulaha dhismaha ee iskuulka ubadkaaga uu dhigto.

GACAN KU HAYNTA WAALIDKA Waalidiintu mararka qaar waxay codsadaan in labada waalid midkood aan loo oggolaan inuu booqdo dugsiga, la hadlo carruurta, ama u dugsiga u soo qaado. Si Degmada 742 ay u fuliso xannibaadaha noocan ah, waalidka gacanta ku haya waa inuu keeno amar maxkamadeed ama dokumenti sharci ah dhismaha maamulaha. Xaaladaha badankooda, xannibaadahan waxa dhiga iyada oo la marayo dacwad sharci. Macluumaadku wuxuu u oggolaanayaa maamulaha inuu si dhakhso ah uga jawaabo codsigaaga oo uu noqdo mid waafaqsan sharciga, iyada oo la aqoonsan yahay xuquuqda labada waalidba. XUQUUQDA CODSIGA Ardayd waxa loo oggol yahay inay u keenaan codsiyo maamulka marka ay doonaan. Hase yeeshee, ururinta saxeexyada codsiga waa in loo sameeyo qaab aanu ku keenayn arbush fasalka ama dugsiga. Fiiri sidoo kale, u dhaqdhaqaaqa. RABBAAYADAHA Badbaadada ardayda oo dhan darteed, xayawaanka la rabbaysto dugsiga loo oggolaan maayo. Xayawaanka kaqaybta ah manhajka waa la isticmaali karaa marka oggolaasho laga helo maamulaha si uu u go’aamiyo haddii dhibaato caafimaad ay u leeyihiin ardayda fasalka kujirta. Waxyeelo ka reeban ayuu tixgalin karaa maamulaha dugsigaagu haddii xayawaanku si toos ah u raadaynayo awoodda ardaygu u leeyahay inuu si buuxda uga qaybqaato fasalka iyo xarunta dugsiga. FASAXA SAWIRKA Sannad dugsiyeedka oo dhan, wakiilada warbaahinta kala duwan, sida, jaraa’idka, tilifishanka, iyo Adeegyada Warbaahinta Degmad 742, waxay tabin doonaan dhacdooyinka dugsiga ee war noqon kara. Marar badan sawirro ama fiidyawyo ayaa la qaadi doonaa waxaana dhici karta ardayda in la aqoonsado. Degmada waxa dhici karta inay u isticmaasho sawirrada ardayda keybalka Channel 187, janalka waxbarashada iyo daabacaadaha isgaadhsiinta ee kale.

Page 21: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

20

Haddii AANAD rabin ardaygaaga inaan loo sawirin qaab lagu aqoonsan karo fadlan dhammaystir waraaqda Oggolaanshaha Ogaysiinta Waalidka/Mas’uulka 2015-2016 ee taalla xafiiska dugsigaaga. WAXBARASHADA JIMICSIGA Haddii ilmahaagu aanu awoodin inuu kaqaybqaato hawlaha jimicsiga, waa inaanu haysanno bayaanka dhakhtarka oo codsnaya inaanu kaqaybqaadan. Uga cudurdaarrada waxbarashada jimicsiga arrimo diimeed ama arrimo jidheed oo kumeel gaar ah waxa loo maarayn karaa qaab fardi ah. XOOG KU HAYNTA/XOOG MACQUUL AH Sharciga Minnesota wuxuu oggol yahay isticmaalka xoog macquul ah ee macalinka, shaqaalaha dugsiga, dirawalka baska, wakiilka kale ee degmo dugsiyeedka marka ay daruuri noqoto marka la eego duruufaha in xoog lagu hayo arday ama laga hortago dhaawac jidheed ama dhimashada qof kale. Shaqaaluhu waxa dhici karta inuu isticmaalo xoog ku haynta marka uu sito shahaadada Dhexgalidda Kahortagga Dhibaatada (Crisis Prevention Intervention [CP]I). Tani ma oggolaato edbin jidheed mana aha hab-raacyo la necbaysto iyo wax ka mancin. DHAARTA U DAACD NOQOSHADA Ujeeddo Guddida Dugsigu waxay aqoonsan tahay baahida in wax loo baro aadaabta saxda ah, bandhigga, iyo qaddarinta calanka Maraykanka. Siyaasaddan ujeedadeedu waa in la siiyo dhaarta u daacad noqoshada iyo ku barista dugsiga si looga caawiyo ku fogaanshaha ujeedadaas. Bayaanka Guud ee Siyaasadda Ardayda degmo dugsiyeedkan waa inay akhriyaan dhaarta u daacad noqoshada calanka Maraykanka hal ama kabadan oo jeer toddobaadkii. Akhrinta waa inuu fuliyo:

• Macalin kasta oo fasal ama wakiilka macalinka; ama • Iyada oo la marayo nidaam intarkom oo dugsigu leeyahay oo uu qof maamuluhu u

xilsaaray fuliyo ama qof kale oo haysta awoodda maamul ee dugsiga. Waxyaalaha ka reeban Ardayga ama macalinku waxa dhici karta inuu diido inuu kaqaybqaato akhrinta dhaarta u daacad noqoshada calanka. Shaqaalaha ama ardayda, doorta inayna kaqaybqaadan, waxay u fadhiisan ama u taagnaan si deggan iyo ixtiraam leh inta akhrintu socoto. Ardaydu waa inay ixtiraam muujiyaan doorashada inayna akhriyin dhaarta. Tilmaamaha Ardayda waxa la tusin/tilmaami doonaa aadaabta saxda ah, bandhigga saxda ah iyo ixtiraamka calanka iyo layliyo waddaniyeed. HAYSASHADA HANTI LA XADAY Haysashada walxo, alaab, ama mulkiyad kuwaasi oo uu iska leeyahay qof kale ama degmo dugsiyeedku oggolaansho la’aanta mulkiiaha ama dugsiga waa la anshaxmarin doonaa waxaana suurogal ah in bilayska loo gudbiyo. XEERARKA BOODHKA/CALAAMADDA Boodhadhka ama calaamaha waxa lagu dhigi karaa dhismaha oggolaansho laga helo maamulka. Ururka ama qofka ku dhejiyey waa inuu ka fujiyaa boodhadhka maalinta ku xigta dhacdada ama shaqada ay ku xayeysiiyeen.

Page 22: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

21

SALAADDA Sharciga Gobolka iyo Fadaraalku waxay u sameeyeen qodobo tukashada dugsiga. Marka ardaydu ay ka baxaan xarunta waxbarasho iyaga oo aadaya salaadda, ku-camalfalka salaaddu waa udub dhexaad u tahay diin oo ayna ahayn wax qofku iska sameeyo. Degmada 742 waxay leedahay xaqa inay u dhigto xannibaadaha wakhti macquul ah, meel iyo hab wixii codsi fasaxa lagaga doonayo waxbarshada ama hawsha aa waxbarshada ahayn. Degmada 742 waxay u baahan kartaa qoraal sax ah oo ka socda waalidka ama mas'uulka kahor intaan ardayga loo oggolaan inuu u baxo wakhtiga waxbarshada salaadda. Xadka wakhtiga ka bixitaanka xarunta waxbarshada waa inaanu ka badnaan shan iyo toban (15) daqiiqo fasax kasta (10 daqiiqo oo salaada ah iyo 5 daqiiqo oo sii/soo socodka ah). Degmada 742 waxay leedahay xaqa ay ugu diidi karto ardayga fasaxa wakhtiga waxbarshada inuu u baxo salaadda ama wixii kale ee diintu farayso haddii ardaygu ku gabboofalo mudnaanta. HANTIDA GAARKA LOO LEEYAHAY EE JAARKA/DERISKA Hantida ku qabsan xerada dugsigu waa mid gaar loo leeyahay. Ardaydu waa inay ku nagaadaan dugsiga ama dhabbooyinka lugta ee dadwaynaha kahor, inta lagu jiro ama kadib maalinta dugsiga. Fadlan noqo jaar fiican oo qaddari hantida iyo asturnaanta jaarkeena. PTA/PTSA/PAW Ururka Waalidka, Macalinka iyo Ardayda [PTSA] waxay fidiyaan taageero dhanka akadeemiyadda iyo barnaamijyada bulshada. Xubin ka ahaanshaha PTA/PTSA waa iska-wax-u-qabso, oo xubnaha ujro xubin ka ahaansho ayay bixiyaan. Ururka waxaa ka taliya Guddi Maamul Sare oo kullamo ayay bishiiba qabtaan. PTA/PTSA ayaa waqtiga iminka bixiya taageero dhaqaale oo ay ku bixiyaan howlo dhowr ah oo ardayu ka qaybqaataan. PTA/PTSA waa isha koowaad oo bixiya howlaha qoyska iyo ciyaaraha iskuulka ka dib la qabto. Macluumaad ku saabsan xubin ka ahaanshaha iyo macluumaad ku saabsan Guddiga Maamulka Sare waxaad ka helaysaa iskuulka ubadkaaga uu dhigto. QORSHAHA DIB-U-OGOLAANSHAHA/OGOLAANSHAHA Maamule kasta ee iskuulka ayaa diyaarin kara oo amar ku bixin kara qorshe dib-u-ogolaansho ama ogolaansho loogu talagalay arday kasta oo iskuulka laga joojiyay, laga saaray, ama iskuulka oo dhan laga buriyay. Qorshaha waxaa ka mid noqon kara tallaabo lagu wanaajinnayo aqlaaqda ardayga oo waxaa loo baahnaan doonaa in qoyska ay kaalin ku yeeshaan. NAFISKA Marka jawiga suurtogaliyo, dhammaan ardayda oo dhan banaanka ayay nasasho u tagayaan. Fadlan ubadkaaga si jawiga ku haboon ugu soo labis. Inta lagu jiro xiliga jilaalka [winter] ardayga waxaa looga baahan yahay inuu soo xirto kobaha barafka iyo surwaalka barafka. Haddii ubadkaaga uu qabo xaaladdo caafimaad daro ee ka reebaya in isaga/iyadu ay banaanka u baxaan, la soo xiriir xafiiska caafimaadka ee iskuulka. Waxaa dhici karta in iskuulka uu ku waydiisto in takhtarka warqad laga yimaado. PreK-Gr. 5 ardayda banaanka uma baxayaan haddii xaraarada ay gaarto in ka hoosaysa siiro digrii Fahrenheit. TABINTA Ardayda oo dhan waxa laga filayaa inay tabiyaan xadgudubyada Xuquuqda iyo Masuuliyadaha Xeerka Anshaxa ee macalin, la-taliye, ama maamule dhisme. Ardayga arkaya ficil raadaynaya badbaadadu waa inuu ugu tabiyo macluumaadkan isla markaaba shaqaalaha dugsi.

Page 23: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

22

KU HAYNTA In ardayga la sii hayo ayaa waxaa go'aamin kara shaqaalaha xirfadda u leh iyo waalidiinta/mas'uuliyiinta haddii ay dareensan yihiin in ardayda ay dan ugu jirto in la sii hayo. Guul ka gaarista heerka fasalka ee xirfaddaha, aqoonta, bartilmaameedka iyo fekraddaha waa loo texgelinayaa iyo sidoo kale heerka aqoonta ardayga ee aqrista, maadada luqadda iyo xisaabta. Sidoo kale waa in la texgeliyaa korniinka jirka ardayga, fahamka iyo shucuurta ardayga. Dhicitaan kasta ee ardayga dhaco waxaa loo raacayaa habmaamuuska Degmo dugsiyeedka ayaa la raacayaa. XUQUUQDA IYO MASUULIYADAHA XEERKA ANSHAXA Muwaadin fiican dugsiga ayaa laga filaa inuu noqdo arday kastaa. Ardaydu waxay iskula dhaqmi si qaddarin leh una isticmaali doonaan dhismahayaga si qaddarin leh. Dokumentigan wuxuu siinayaa ardayda, qoysaska iyo shaqaalaha liis ah xuquuqda iyo masuuliyadaha la leeyahay ahaanta xubnaha bulshadan darteed. Sidoo kale wuxuu sharxayaa habdhaqanada aan la aqbali karin xarunta dugsiga, hantiyaha degmada, basaska dugsiga iyo meelaha ay joogsadaan, iyo dhammaan shaqooyinka dugsiga la xidhiidha. Dokumentigan waxa kujira sidoo kale tallaabooyinka saraakiisha dugsigu ay tahay inay qaadaan ka jawaabista habdhaqanada aan la aqbali karin. Siyaasaddan sidoo kale waxay khusaysaa arday kasta oo dhaqankiisu markasta ama meel kasta uu farogalinayo ama caqabad ku noqonayo oraahda howlgalka ama hawlgallada Degmo Dugsiyeedka ama badbaadada ama daryeelka ardayga, ardayda kale ama shaqaalaha. GUDDIDA DUGSIGA EE WAXBARASHADA Guddida Waxbarashadu si joogto ah ayey u kulmaan laba jeer bishii Arbacada labaad (kalfadhiga shaqada) iyo Khamiista afraad (kulanka ganacsiga) haddii ay wax kale jiraan mooyaane. Kulan kooban oo dhexmara Guddida Waxbarashada ayaa (ajandaha oggolaanshaha) ayaa la qaban doonaa bilawga kalfadhiyada shaqada ee billaha ah, haddii loo baahdo. Kalfadhiyada shaqada ee billaha ah waxa lagu qabtaa 6:30 g.d. xafiiska Maamulka ee Degmada 742, 1000 North 44th Avenue, St. Cloud. Kulamada ganacsiga ee billaha ah waxa lagu qabtaa 7:00 g.d. the St. Cloud City Hall Council Chambers, 400 2nd Street South, St. Cloud. SARKAALKA ILAHA DUGSIGA Isagoo kaashanaya Waaxda Bilayska deegaanka, sarkaal khayraadka bilayska ah ayaa loo xilsaaraa dugsi kasta. Marka laga daro si dhaw ula shaqaynta maamulayaasha dugsiga iyo shaqaalaha, sarkaalka bilayska ah wuxuu bixiyaa soojeedimaha fasalka kusaabsan dhinayada kala duwan ee badbaadada qofka iyo dugsiga, wuxuu sameeyaa baadhitaano wuxuuna joogaa dugsiga maalinta dugsiga oo dhan. Maamulayaashu waxay ku lug yeelan bilayska ama hay’adaha sharci fulinta ee kale marka loo baahdo si loo joogteeyo bey’ad badbaado iyo sharci leh. Haddii arday uu jabiyo siyaasadda degmada taasi sido kale waxay jabinaysaa sharciga, ardayga waxa loo gudbin doonaa sarkaalka khayraadka dugsiga. BAADHITAANADA Sarkaal dugsigu awood u siiyey ayaa baadhi kara hantida arday ama ardayda iyada oo lagu salaynayo macluumaadka laga helay ilo lagu kalsoon yahay. Waxa soo socdaa waa qaar kamid ah meelo gaar ah oo ay dhici karto inaanu baadhno marka la joogo hantida degmada: baabuurta, lokarrada, hantida qofka, dharka ama boorsooyinka dhabarka. Dugsiyadu sidoo kale waxa dhici karta inay iskaashadaan sharci fulinta deegaanka si ay u sameeyaan baadhitaano K-9.

Page 24: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

23

HAB-RAACYADA AMMAANKA Dugsi kasta, albaab gaar ah ayaa loogu talogalay inay waalidiinta iyo booqdayaashu ka soo galaan. Kuwa kale oo dhan waa xidhnaan doonaan. Fadlan hubi bogga hore ee buug-gacmeedkan si aad u ogaato meesha uu ku yaallo albaabka habboon ee dhismaha ilmahaaga. Marka aad soo gasho dhismaha, tag soodhawaynta ama xafiiska dugsiga oo ka qaado calaamdda booqdaha. IMAATANKA Dhammaan kuwa iskuulka yimaada oo wax ku iibiyaan waa in maamulka sare uu ansaxiyaa oo waana xeerarka degmo dugsiyeedka. HEERARKA LAGU SALEEYO DARAJADA Ardayda fasalada lagu qoro waa mid ku salaysan horumarka ay ka samaynayaan heerarka imtixaanada gobolka. Ardayda waxay kasban karaan hal iyo afar. Halka wuxuu tilmaamayaa inaysan heer fiican ka gaarin, seddexna wuxuu tilmaamayaa faham oo afarna wuxuu tilmaamayaa in ardayga uu muujiyay heerkii laga filanayay fasalka. TABINTA HORUMARKA ARDAYGA Warbixinaha horumarka korriinka iyo koboc qof ahaan ee carruurta dhammaan hawlaha dugsiga ayaa loo diraa waalidiinta. Korriinka caafimaadka, la qabsashada bulshada, caadooyinka shaqada iyo akhlaaqda ayaa la tixgaliyaa iyo sidoo kale horumarka akhriska, qorisa, xisaabta iyo maaddooyinka kale. Shirarka Qoyska-Macalinka ayaa loo qabtaa ardayda oo dhan. Shirarku waxay siiyaan waalidiinta iyo macalimiinta fursad ay kaga xaajoodaan korriinka ardayga una qorsheeyaan si wadajir ah si ay u buuxiyaan baahiyahooga. Waxaanu kugu boorinaynaa inaad codsato la-talin dheeraad ah marka aad doonto. Horumarka waxa lagala socon karaa Skyward markasta. ASTAAMAHA: KARAAHIYADA, JINSIGA AMA QOONSIGA Sawirrada ama waxyaalaha kale ee u taagan astaamo ah qaar la karhayo, jinsi ama qoonsi ah lama oggola dhulka ama agagaarka dugsiga marnaba. Qaar kamid ah astaamaha mamnuuca ah waxa kamid ah, laakiin aan ku ekayn astaamaha xidhiidhka calamada ama iswaastikaska, jinsiga ama astaamaha kale ee loo haysto inayna u habboonayn dad kale. Maamulk wuxuu xaq u leeyahay inuu la wareego oo uu la xidhiidho qoysaska. Dhacdooyinku waxa dhici karta inay keenaan tallaabo anshaxmarin oo uu maamulku qaado iyo suurogalnimada inuu bilaysku ku lug yeesho. TEKNOOLAJIGA: QALABYADA ELEKTOROONIGGA SHAQSI (PEDs) Ardayda waxaa lagu dhiirigelinayaa in PEDs ay guryaha iskaga soo dhaafaan; PEDs lama isticmaali karo inta iskuulka lagu jiro oo cashar uu socdo aysan ka ahayn haddii uu amro xubin ka mid ah shaqaalaha iskuulka. Haddii ardayga uu doorto in qalab uu keensado, degmo dugsiyeedka masuul kama ah wixii ujra dheeraad ah ama wixii lagu soo dalaco haddii la isticmaalo. ISD 742 wax mas'uul kama ahan wixii qalabyo elektranoonig ah ee luma ama la xado. Iskuulka mas'uul kama noqon doono ammaankooda. Wixii la xado baaritaan ayaa lagu samayn karaa waa haddii maamulka iskuulka uu rabo. Ardayda waa loo ogol yahay in telefoon muhiim ah ay meel u dirsadaan ama fasalka dhexdiisa xiriir hadal waa haddii macalinka uu fasax u siiyo.

Page 25: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

24

Si xun u isticmaalid Shaqaalaha iskuulka way ka qaadan karaan arday PED haddii la isticmaalo inta iskuulka la joogo. Qalabka xafiiska ayaa lagu hayn doonaa ilaa iyo maalinta ka dhammaato. Maamulaha waxaa dhici karta in waalidka ama mas'uulka uu iskuulka yimaado si qalabka uu uqaadto. Baaritaanada Wax qalab elektaroonig oo shaqsi ah maamulaha ama qofka u qaabilsan way baari karaan haddii ay jiraan tuhun suurtogal ah oo ku aadan in xeerka iskuulka in gef PED la xiriira loo geystay ay dhacday. ISTICMAALKA TEKNOOLAJIYADAA/MASUULNIMO Degmada 742 waxay awood u siisaa ardayda Internet, nidaamyada internetka bilaa xadhigga (wireless), kombiyuutarro, mishiinada daabacaadaha oo xidhiidhsan iyo aaladaha kale la xidhiidha oo si buuxda looga helo meel kasta oo degmada ka tirsan. Shaqaaluhu waxay ku dareen manhajka isticmaalka caqli ku dhisan ee khayraadkan. Hanuunin iyo tilmaam ayaa la siin ardayda isticmaalka habboon ee teknoolajigan. Degmada 742 waxay ku dhaqantaa Xeerka Ilaalinta Internetka Carruurta ee Fadaraalka (CIPA) kaasi oo xaddida helista suurogalka ah ee waxyaalo aan habboonayn. Dhammaan kombiyuutarrada dugsiga ee Internetka leh lana heli karo waxa laga shaandheeyaa waxyaalaha fuxshiga ah, dadka qaaqaawan ama waxyeelada u leh carruurta. Degmada 742 waxay xaq u leedahay inay la socoto isticmaalka teknoolajiyadan si ay u joogtayso sharafta khayraadkan. Siyaasadda oo dhammaytiran waxa laga heli karaa Siyaasadda Guddida 106 ee isd742.org. Masuuliyadda Ardaydu iyagaa ka masuul ah habdhaqankooda inta ay isticmaalayaan teknoolajiga degmada. Dhammaan xeerarka dugsigu waa khuseeyaan habdhaqanka iyo isgaadhsiinta sida ay dhigayaan siyaasadda degmadu iyo buug-gacmeedka ardaygu. Degmada 742 masuul kama aha loomana qabsan karo tallaabooyinka ardayda inta ay isticmaalayaan khayraadkan. Mudnaanta isticmaalka teknoolajiga degmada waxa la siin doonaa ardayda u dhaqma si anshax, masuulnimo iyo tixgalin leh u dhaqma. Si xun u isticmaal ulakac ah wuxuu horseedi doonaa tallaabooyin anshaxmarin oo dheeraad ah iyo/ama ciqaabo sida ay dhigayaan shuruucda ku habboon ee deegaanka, gobolka iyo fadaraalku. Shuruudaha iyo Xaaladaha Ardayga Ardaydu iyagaa ka masuul ah tallaabooyinkooda iyo habdhaqankooda dugsiga. Degmada 742 looma qabsan karo tallaabooyinka ardayga marka uu ka isticmaalayo Internetka kombiyuutarrada dugsiga. Ardaydu iyagaa qaadanay masuuliyadda buuxda, sharci, dhaqaale, ama haddii kale tallaabooyinkooda. Isticmaalka Internetku waa mudnaan, xaq ma aha. Isticmaalka Internetka waxa dhici karta in la joojiyo haddii lagu gabboofalo. Macluumaadka laga helo Internetka waa in la baadho isku-hallayn, awood u yeelasho iyo ku tacaluq. Tilmaamaha Guud ee Ardayda Ardayda waxa laga filayaa inay u isticmaalaan Internetka ill waxbarasho ahaan. Ciyaaraha iyo hawlaha kale, ilaa macalin diro mooyiye, waa la mamnuucay. Ardaydu iyagaa ka masuul ah dhex mushaaxa Internetka. Ku gabboodfalka Internetku waxay horseedi kartaa ka qaadista mudnaanta isticmaalka iyo/ama hoos u dhigga darajada mashruuca aad waddo. Ardayga Waxyaabaha Laga Filayo

● Waa in aad qiyaastaa in dhammaan macluumaadka Internetka ku jira oo dhan yahay hanti gaar ah.

Page 26: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

25

● Waxa kaliya aad isticmaali kartaa walxaha sharciga ah oo waa in aad u hogaansantaa sharciyada xuquuqda daabacaddaada oo dhan.

● Shabakada ama ilaha Internetka wax kharibaad kuma samyn kartid. ● Waxaa dhici karta in aad hesho waxyaabo aanan haboonayn; adiga mas'uuliyadda iska

leh in aad boggaas aad isaga tagto oo aad macalinka u soo sheegto. ● Iskuma dayi kartid in wax aad ka iibsato adiga oo isticmaalaya shabakada iskuulka. ● Lambarka sirta lama ardayda kale lama wadaagi kartid. ● Iskuma dayi kartid in aad ku gasho qof kale koontadiisa.

Xeerarka Ammaanka Ardayda ee Internetka

● Ma bixin kartid macluumaadka shaqsi sida telfoon lambarka, cinwaanka, iyo macluumaadka qoyska.

● Ma bixin kartid magaca iyo cinwaanka iskuulka. ● Macalinkaaga ayaad isla markiiba ku soo wargelin doontaa haddii aad aragto

macluumaad aanan haboonayn. ● Malinkaaga ayaad isla markiiba ku wargelin doontaa haddii aad aragto qof isku dayaya

inuu adiga kula kulmo. ● Xeerarka Degmo dugsiyeedka u yaala ee isku xirka bulshada ayaad raaci doontaa.

Haddii aad qabto wax su'aallo ah ama aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan isticmaalka teknoolijiga ardayda, fadlan xafiiska iskuulka la soo xiriir.

WICIDA TELFOONADA Si loo kordhiyo saacadda waxbarashada, wicida telfoonada deg-deg ah kaliya ayaa fasalka dhexdiisa la ogol yahay. Macalimiinta ayaa lagu wargelin doonaa wicidaha kale oo sida ugu dhaqsaha badan ku celin doona. Ardayda xaalad deg deg ah markay timaado telfoonka way isticmaali karaan. Fadlan naga caawi in dadaal kasta aad u gasho si aad isugu daydo in horey u soo qabanqaabiso ka hor inta iskuulka aan bilaabmin ee maalinta. Waqtiga waxbarashada ayaa ah goorta ugu faa'idada badan ee ardayga goorta ardayda aysan horey qabanqaabyo u soo samaysan, casuumaad xafladdaha, ama codsadasha isticmaalka telfoonka ee lagu caddaynaayo qorshooyinka iskuulka. BUUGAAGTA LA AKHRISTO (DHUMAY/BURBURAY) Shuruucda Minnesota 120.101 waxay sheegayaan in dugsiyadu ay lacagta soo dallacaan buugaagta la akhristo, buugaagta shaqada ama buugaagta laybareeriga/maktabadda ee dhumay ama burburay. Ardayda waxa laga qaadi kharash beddelis ah oo ku habboon buugaagta la akhristo, buugaagta shaqada ama buugaagta laybareeriga ee ay dhumiyeen ama burburiyeen ardaydu. XATOOYADA Xatooyadu waa mashaakil bulshadeena waana in ardaydu aanay keenin waxyaalaha qiimaha leh dugsiga. Dugsigu ma qaado caymiska shayadan. Ardaygu iyagaa ka masuul ah sugidda ammaanka waxyaalahooga qiimaha leh. Xatooyada waa in loo tabiyo xafiiska sida ugu dhakhsaha badan. Baadhista xatooyada waxa lagu samayn go’aanka maamulka. TITLE IX (CINWAANKA IX) Ardayga rumaysan in la takooray, loo diiday dheef, ama laga saaray kaqayb qaadashada barnaamij ama hawl degmeed iyada oo lagu salaynayo jinsiga, iyada oo la jabinayo Cinwaanka IX, wuxuu ka fayl garaysan karaa cabasho qoran maamulaha. WAXYAALAHA TUBAAKADA/CABIDA/LA RUUGO Dhulka degmo dugsiyeedka 742 waa meel cabida iyo tubaakada aan lagu isticmaalayn.

Page 27: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

26

MASHRUUCYADA(PROJECT) ISKUULKA EE FIIDIYOWGA /MAQALKA Laylisyada iyo howlaha iskuulka ee fiidiyowga/maqalka ayaa ardayda loo diri karaa. Sii loo wado heer waxbarasho oo la qaadan karo, dhammaan luqadda iyo sawirrada la isticmaalayo waa in ay ahaadaan mid waafaqsan xeerarka degmo dugsiyeedka ee ku aadan ammaanka iyo xeerarka kadeedka ee iskuulka u yaala. OGAYSIINTA ARDAYGA RABSHAD WADA Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin inay dareemaan badbaado dugsiga ay ka shaqeeyaan. Macluumaadka la xidhiidha ardayda soo bandhigtay habdhaqan rabshad wata oo ay ogyihiin hay’adaha dugsigu iyo/ama kuwaasi oo la hakiyey waa in lala wadaago dadka waawayn ee la shaqeeya. Macluumaadkan waa in la wadaago xaaladaha soo socda:

● ardaygu wuxuu u leeyahay halis dhab ah dugsiga. ● ardaygu wuxuu ahaa mid weerar leh. ● ardaygu wuxuu u leeyahay halis dhab ah badbaadada shaqaalaha dugsiga ama

ardayda. BOOQDAYAASHA Degmo dugsiyeedka 742 waxay aaminsan yihiin in ay aad muhiim u tahay in waalidiinta iyo xubnaha qoyska ay kaalin ka qaataan si ardaydeen ay u guulaystaan. In waalidiinta iskuulka ay soo booqdaan waan ku dhiirigelinnaynaa. Si qabad fiican leh aan booqashooyinka u jadwalayno, fadlan xeerarka eeg oo raac.

● Si booqashooyinka fasalka lagu tago looga dhigi la'haa mid waxtar leh oo faa'iido qofkasta u leh, fadlan booqashadaada iskuulka aad ku imaanaysid maamulaha iskuulka isla meeldhiga. Aad baa lagaaga mahadcelinnayaa haddii maalin kahor aad nagu soo wargeliso. Tan, dabcan, ma qusayso dhacdooyinka iskuulka ee la jadwaleeyay ama booqashooyinka lama filaanka ah.

● Inagu waxaan u baahannahay in waqti walba aan ogaano dadka dhismaha ku jira. Kahor inta aadan soo booqan fasalka ardaygaaga, waa in xafiiska iskuulka laga soo siiyaa aqoonsiga la siiyo kuwa soo Booqda.

● Fadlan isku day in aad timaado fasalka intuusan bilaabmin ka hor oo isaga jir inta fasalka uu ka dhammaanayo. Qabanqaabyo kale oo ka duwan ayaad isla meel dhigi kartaan macalinka u badkaaga haddii aysan tani suurtogalin.

● Fadlan texgeli fasalka waxa ka socda oo ka joog in wadahadal aad ubadkaaga ama ardayda kale aad ula gasho inta macalinka uu ardayda cashar siinayo.

● Inta fasalka ubadkaaga uu ku jira haddii aad jeceshahay in sawir aad ka qaado ama aad duubato (cod/fiidiyow) ahaan, fadlan maamulaha iskuulka isla meeldhiga booqashadaada kahor.

● Inaga oo dhan cusaale lagu dayan karo ayaan carruurteena u nahay; waxaan ku waydiisannahaynaa in ardayda iyo shaqaalaha oo dhan aad texgeliso.

● Waxaan aaminsannahay wadahadal furan ee u dhaxeeya waalidiinta, shaqaalaha, macalimiinta iyo maamulaha.

Fadlan horey balan u samayso oo qabso waqtiga iskuulka kahor ama waqtiga iskuulka ka dib wixii wadahadal ah oo ku saabsan arrimaha waxbarashada ee adiga kuu muuhiimsan. Asluub texgelin ay ku jirto ayaa markastaaba iyo xaaladdaha oo dhan la filanayaa. Maamulka dhismaha ayaa iska leh xuquuqda ah inuu soo saaro xeerar dhismaha u degsan iyo shuruudo, sida markaa loogu baahdo.

ISKAA-WAX-U-QABSO (MUTADAWICIINTA) Iskaa wax u qabsatada waxay qayb muhiim ah ka yihiin barnaamijyada iskuulkeena ka socda. Iskaa wax u qabsatada waxay naga caawiyaan howlaha fasalka dhexdiisa, goobta ciyaarta in

Page 28: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

27

ay waardeeyaan, laabka in ay waardeeyaan, shaqada xafiiska, dhacdooyinka gaarka ah, iyo intaa in ka BADAN! Dadka iskaa wax u qabsatada ah xafiiska iskuulka ayay iska diiwaangelinayaan oo waxaa la siinayaa aqoonsi ka hor inta aysan galin howsha ay u yimaadeen. Waxaan kugu casuumayaa in aad ku fekirto in aad howl iskaa wax u qabsi ah aad u qabato iskuulada Degmo dugsiyeedka 742. Fadlan la soo xiriir iskuulka ubadkaaga si aad u hesho macluumaad dheeraad ah. Dadka iskaa wax u qabsatada u yimaada waxaa la waydiisan doonaa in ay buuxiyaan foormka iskaa wax u qabsatada ee barnaanijka ka faalooyaana. Sidoo kale dadka iskaa wax u qabsatada ah waxaa looga baahan yahay in ay dhamaystiraan in taariikh nololeedka waxlaga soo ogaado iyagoo iska bixinnaya $20 oo ujrada ah. Haddii lacagta ujrada ay kaa reebayso in aad iskaa wax u qabsi ahaan iskuulka aad ugu shaqayso, fadlan maamulaha iskuulka la soo xiriir in lagaa dhaafo.

SHARCIGA HUBKA Iskuulkeena waxaa mas'uuliyad ka saaran in ardayda oo dhan ay siiso goob ammaan ah. Wixii hub ah oo dhan waa ka mamnuuc goobaha iskuulka. Haddii arday iskuulka dhexdiisa ama goobaha iskuulka uu ku arko wax nooc kasta oo hub ah, waa in markiiba lagu soo wargeliyaa xubin ka mid ah shaqaalaha iskuulka. Sharciga hubka ee iskuulka u degsan waxaad ka heli kartaa maamulaha dhismaha ama bogga internetka ee Degmo dugsiyeedkka 742.

FAYO-QABKA(WACNAAN) Degmo dugsiyeedka 742 waxay isku dayaysaa in ay hubiso bay'adda iskuulka ee kor u qaada oo ilaalisa caafimaadka ardayda, fayo-qabka iyo kartida barashada iyadoo la taageerayo cunnida cunto caafimaad ah iyo dhaqdhaqaaq jir. Waalidiinta waxaa la waydiisannayaa in degmo dugsiyeedka ay kala shaqayso in kaalin laga gaysto fayo-qabka iyaga oo ubadkooda soo siiya qado caafimaadeysan iyo cunto-fudud oo ay ka soo daayaan waxyaabaha ay ka midka yihiin cabitaannada iyo cuntada aan la'hayn wax qiimo nafaqo ah. Waa wax aan aaminsannahay in loo baahan yahay in carruurta si haboon loogu soo labiso si markaa xaaladda jawiga ay tahay, balse aan banaanka wax xannuun ah aan ka soo gaarayn. Waxaa jira xaaladdo caafimaad qaar oo ay soo kicin karto hawada qabowga, soo tuurta haho qoyan, ama xiliyada xasaasiyada ay kacsan tahay. Sababtan ayaa keentay in aan idin waydiinno in takhtarka taladiisa la raaco haddii ardayda uu u baahan yahay in guddi uu isaga jira. Haddii ubadka uu ubaahan yahay inuu gudi isaga jira xannuun uu hayo darteed oo 2 maalmood oo isku xiga ama in ka badan, waxaa loo baahnaan doonaa warqadda takhtarka. KA BIXISTA ISKUULKA Haddii aad qorshaynaysid oo qoyskaaga uu meel kale u guurayo, ubadkaaga iskuulkiisa waa in lagu soo wargeliyaa 24 saacadood kahor. Tan waxay saamaxaysaa waqti lagu saxiixayo wixii daruuri ahaa oo sahlin la'haa wareejinta diiwaangelinta ardayda. Ardaydu waa in ay soo celiyaan dhammaan wixii qalab ahaa iyo buugaaga ee iskuulku amaahiyay, oo ay ku jiraan wixii teknooliji ah, oo waa in sanduuqoodana ay nadiifiyaan.

Page 29: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose
Page 30: Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

Buug-gacmeedka Ardayda Xanaanadda iyo Dugsiga Hoose

St. Cloud Area School DistrictIsku diyaari. Dhaxgal. Wax bar. Xooji. Dhiirigeli.

2015 - 2016

www.isd742.org