4
MACLUUMAAD NAGU SAABSAN https://eea.iom.int/PROTECT-project Mashruuca PROTECT (DIFAAC), oo ay maamusho International Organization for Migration (IOM, Haayada Caalamiga ah ee Muhaajiriinta) iyo iskaashatadeeda, ayaa diirada saaraaya xoojinta adeegyada taageerada heer qaran ee lasiinaayo dhiibanayaasha rabshada kusalaysan galmada iyo jinsiga. PROTECT wuxuu sidoo kale diirada saarayaa in adeegyadaan loofuro qaxootiyaasha, dadka magangalyo doonka ah iyo soogalootiga, haddii ay yihiin caruur ama dad waawayn ayna kujiraan adka loo aqoonsado inay kamid yihiin LGBTI. Waxaa aasaasay midowga Europe ee xuquuqda, sinaanta iyo dhalashada (2014-2020) KUSAABSAN XADGUDUBKA GALMADA IYO JINSIGA Macluumaad XASUUSNOOW SGBV MAAHA khalad aad adigu gaysatay Aduunyada oo dhan dumar, rag, gabdho iyo wiilal badan ayaa lakulma xadgudub jireed ama mid galmo ama noocyo kale oo SGBV ga ah intay nool yihiin. Qofkasta ayaa noqon kara dhibane loo gaystay rabshad galmo iyo mid jinsi laxariirta. Kaligaa MA tihid. Caawimaad ayaad heli kartaa Waxaa jiro dad kacaawin kara, sida dhakhaatiirta, saraakiisha booliiska, shaqaalaha arimaha bulshada. Haddii uu kugu dhaco ama uu hadda kugu dhacaayo SGBV, usheeg qof aad kukalsoon tahay ama laxariir ururada kor kuqoran. KACAAWI dadka kale inay badbaado helaan sidoo kale. Haddii qof ay kudhacday ama ay kudhacayso SGBV uu gurmad kuusoo doonto, dhagayso qofka oo xasuusi in SGBV uusan ahayn wax ay khaladkooda leeyihiin uusana kaligiis ku hayan arinta. Usheeg inay caawimaad heli karaan kuna dhiiri gali inuu caawimaad raadsado. Haddii uu qofku aqbalo, waxaad laxariiri kartaa ururada kor kuqoran adoo qofka kaashanaaya. Lawadaag qofkasta buug yarahan iyo muuqaalka si ay ugaarto dad badan! https://youtu.be/JU6MvCfcYD8

SGBV MAAHA khalad aad adigu gaysatay · BUUG YARAHAAN waxaa loogu talagalay qofkasta oo usoo haajiray Malta kana yimid wadan kale. Waxaa laga yaabaa inaad wadankaan timid adoo raadinaaya

  • Upload
    others

  • View
    1

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

  • MACLUUMAAD NAGU SAABSAN

    https://eea.iom.int/PROTECT-project

    Mashruuca PROTECT (DIFAAC), oo ay maamusho International Organization for Migration (IOM, Haayada Caalamiga ah ee Muhaajiriinta) iyo iskaashatadeeda, ayaa diirada saaraaya xoojinta adeegyada taageerada heer qaran ee lasiinaayo dhiibanayaasha rabshada kusalaysan galmada iyo jinsiga. PROTECT wuxuu sidoo kale diirada saarayaa in adeegyadaan loofuro qaxootiyaasha, dadka magangalyo doonka ah iyo soogalootiga, haddii ay yihiin caruur ama dad waawayn ayna kujiraan adka loo aqoonsado inay kamid yihiin LGBTI.

    Waxaa aasaasay midowga Europe ee xuquuqda, sinaanta iyo dhalashada (2014-2020)

    KUSAABSAN XADGUDUBKA GALMADA IYO JINSIGA

    Macluumaad

    XASUUSNOOW

    SGBV MAAHA khalad aad adigu gaysatay Aduunyada oo dhan dumar, rag, gabdho iyo wiilal badan ayaa lakulma xadgudub jireed ama mid galmo ama noocyo kale oo SGBV ga ah intay nool yihiin. Qofkasta ayaa noqon kara dhibane loo gaystay rabshad galmo iyo mid jinsi laxariirta.

    Kaligaa MA tihid. Caawimaad ayaad heli kartaaWaxaa jiro dad kacaawin kara, sida dhakhaatiirta, saraakiisha booliiska, shaqaalaha arimaha bulshada. Haddii uu kugu dhaco ama uu hadda kugu dhacaayo SGBV, usheeg qof aad kukalsoon tahay ama laxariir ururada kor kuqoran.

    KACAAWI dadka kale inay badbaado helaan sidoo kale.Haddii qof ay kudhacday ama ay kudhacayso SGBV uu gurmad kuusoo doonto, dhagayso qofka oo xasuusi in SGBV uusan ahayn wax ay khaladkooda leeyihiin uusana kaligiis ku hayan arinta. Usheeg inay caawimaad heli karaan kuna dhiiri gali inuu caawimaad raadsado. Haddii uu qofku aqbalo, waxaad laxariiri kartaa ururada kor kuqoran adoo qofka kaashanaaya.

    Lawadaag qofkasta buug yarahaniyo muuqaalka si ay ugaartodad badan!

    https://youtu.be/JU6MvCfcYD8

  • BUUG YARAHAAN waxaa loogu talagalay qofkasta oo usoo haajiray Malta kana yimid wadan kale. Waxaa laga yaabaa inaad wadankaan timid adoo raadinaaya nabadgalyo, shaqo, inaad wax kabarato, ama inaad lanoolato xubnaha qoyskaaga. Wadanka Malta, qof KASTA wuxuu leeyahay xaquuq lamid ah dadka kale, ayadoon laga eegayn da’da, aqoonsiga jinsi, dookh galmada, luuqada, diin ama meesha qofku kayimid.

    Waxaad XAQ uleedahay inaad kuraaxaysato nolol kacaagan nooc kasta oo rabshad ah. Haddii qof uu kudhibaateeyo ama kuhanjabo inuu kudhibaateeyo adigga ama qof aad taqaano, xasuusnoow inaad xaq uleedahay inaad caawimaad iyo nabadgelyo hesho.

    Kaligaa matihid. CAAWIMAAD ayaad heli kartaa.

    RABSHADA KUSALAYSANGALMADA IYO JINSIGA (SGBV)

    RABSHADA QOYSKA - waa rabshad kadhex dhacda guriga ama qoyska una dhaxay-sa dadka isqaba iyo sidoo kale xubnaha kale ee qoyska.

    RABSHADA LAMAAHAYAASHA ISQABA - waa rabshad udhaxaysa lamaane isqaba (isguursaday, isla nool, wiil saaxiib ah/gabar saaxiib ah ama leh xariira kale ee iskud-haw), ama lamaanae kalatagay.

    XADGUDUBKA DAREENKA - waa xanuun ama dhaawac maskaxeed ama dareen, sida hanjabaada rabshad gacan qaad ah ama mid galmo, handadaad, iyo takoorid.

    XAD GUDUB DHAQAALE - marka mid kamid ah lamaanayaasha isqaba uu maam-ulaayo dhaqaalaha lamaanaha kale, taasoo daciifinaysa awooda qofka ee taageerida naftiisa kuna qasbaysa inuu kutiirsanaado dhaqaalaha qofka xukumaaya.

    WEERARKA JIREED - waa ficil gacan qaad ah kaasoo aan dabiiciyan ahayn mid galmo. Tusaale ahaan waxaa kamid ah: wax kudhufashada, dharbaaxo, hantaaturayn ama ficil kasta oo kale kaasoo keenaaya xanuun, raaxo la’aan ama dhaawac.

    XADGUDUB GALMO - waa fal toos udhaca ama hanjabaad gacan qaad ah oo laxariirta galmo, hadii ay tahay mid qofka lakufsado ama xaalad aan sinaan lahayn ama handadaad ah. DHIBAATAYN GALMO - waa ficil uu qof si kas ah sabab galmo awgeed utaabto qof kale asagoon qofka kale fasax uga qaadan.

    RABSHADA KUSALAYSAN GALMADA IYO JINSIGA (SGBV) waa rabshad lagu beegsado qofka sababolaxariira jinsigiisa, lab/dhedig midkuu yahay ama aqoonsigiisa jinsi. SGBV waxaa kujira ficilada keena dhibaatada jireed, dareen ama galmo ama dhibaato, hanjabaadaha ficilada noocaas ah, caga juglaynta iyo xadgudubyada kale ee kadhanka ah xoriyada. Inta badan SGBV lama aqoonsado ama lamasoo sheego.

    Waa maxay farqiga udhaxeeya jinsiga,

    nooca qofka iyo aqoonsiga jinsi? Qofka jinsigiisa waxaa lagu aqoonsadaa markuu dhasho(wiil ama gabar) ayadoo laga fiirinaayo sababo jireed iyo kuwo noole, halka nooca qofku yahay lagu saleeyo sida bulshadu aaminsan tahay in qofkaas udhaqmo (sida ay tahay inay dharka uxirtaan naftoodana umuujiyaan, waxaa dookhooda iyo waajibaadkoodu noqonaayo, iwm.) si waafaqsan jinsigooda dhalasho. Aqoonsiga Jinsi ee qofka waxaa looga jeedaa dareenka uu shaqsiyan aaminsan yahay qofkasta iyo khibradiisa shaqsiga ah ee jinsiga. Tan ayaa waafiqi karta ama kaduwanaan karta jinsiga qofka lagu aqoonsado markuu dhasho, ayna kujiraan dareenka shaqsiga ah ee jireed (kaasoo ay kujiri karaan, hadii qofku iskiis udoorto, inuu wax kabadalo qaab muuqaalka jirkiisa ama xunaha taranka jirkiisa asagoo adeegsanaaya nidaam caafimaad, qaliin ama qaabab kale) iyo fikradaha kale ee ku aadan jinsiga, ayna kujiraan labiska, hadalka iyo qaabka dhaqanka qofka.

    SGBV waa mamnuc xaalad kasta oo lagu jiro

    SGBV waa inaan loo dulqaadan ama la aqbalin inay tahay dhacdo kama’ ah. SGBV waa xadgudub kadhan ah xaquuqda aadanaha waxayna keenaysaa ciqaab danbiyeed sharcigu jidaynaayo. Malta waxay sidoo kale dajisay sharci qaran oo kaa difaacaaya SGBV.

    Ma codsan karaa caawimaad?

    Waxaad xaq uleedahay inaad caawimaad raadsato naftaada ama dhibane adiga gurmad kuusoo raadsaday. Gudaha Malta waxaa jiro adeegyo udiyaarsan dadka lagula kaco SGBV ga. Waa muhiim inaad xasuusnaato inaysan qasab ahayn inaad lacag bixiso ama aad qof ama shirkad wax siiso si ay caawimaadaan kuusiiyaan.

    Waa maxay noocyada ugu badan ee SGBV?

    SGBV gu wuxuu noqon karaa mid jireed ama mid dareen iyo, ayadoo ay lajiraan kuwo kale, wuxuu noqon karaa nooc kamid ah rabshada qoyska iyo rabshada handadaada lamaanaha, xadgudubka dhaqaale, xadgudub dareen, weerar gacan qaad ah, xadgudub galmo iyo danbiyada nacaybka kudhisan, ayna kujiraan kuwa lagula kaco dadka loo aqoonsado inay yihiin LGBTI (dumarka lesbiyaanta ah raga geeyga ah, dadka lab iyo dhedig ba ugalmooda, labeebshaha iyo dadka noocyada kaladuwan ugalmooda).

    Waa maxay SGBV?

  • Waa maxay cawaaqiibyada kadhalan kara SGBV?

    SGBV wuxuu kugu reebi karaa laba cawaaqib mid dhanka jirka ah iyo mid dhanka dareenka ah. Jir ahaan, asagoo ay lasocdaan cawaaqibyo kale, SGBV wuxuu keeni karaa waxyeelo jireed, xanuun, caabuqyo iyo uur aadan doonayn. Cawaaqibyada dareen ee SGBV waxaa kujiri kara dhakaaryoow, qaraw cabsi leh, hurdo la’aan, madax xanuun, iyo noocyo badan oo kaladuwan oo dareeno ah sida xanaaq, ceeb, murugo, danbiile nimo, ama cabsi. Malta waxay leedahay adeegyo xirfadeed oo qarsoodi ah si loo taageero dhibanayaasha. Kaligaa MA tihid.

    Yaa samayn kara rabshadaha SGBV?

    QOFKASTA ayaa samayn kara SGBV. Rabshad sameeyuhu wuxuu noqon karaa qof aadan waligaa arag ama qof aad taqaano, sida xubin qoyskaaga kamid ah, saaxiib ama lamaane aad islanooshihiin.

    Xagee ayay SGBV kadhici kartaa?

    SGBV wuxu kadhaci karaa MEELKASTA: wadankaaga hooyo, intaad kujirtay safarkaaga aad kutagaysay wadan kale, iyo wadanka aad hadda kunooshahay. Wuxuu kadhici karaa guryaha gaarka ah iyo goobaha bulshada ku kulanto, sida goobaha waxbarashada, goobaha shaqada, iyo xeryaha soo qaxootiga.

    SGBV gu ma wax aan anigu sabab u ahay baa?

    SGBV marna maaha khaladka dhibanaha. Dhaqanada jinsiga iyo xariirada awoodeed ee aan iskudheeli tirnayn ayaa ah sababaha ugu wayn ee keena SGBV. Qofka danbiga gaysta ayaa ah kan kaliya ee eeda qaadaaya.

    Maxaa dhacaaya hadii aanan kadagaalamin falka?

    Waxa badanaa dhacda in aanu qofku iskacelin inta weerarku socdo waayo waxaa laga yaabaa inaad cabsooto aadna dareento rajo la’aan ama inaad dabin kujirto mana taqaanid wax aad samayso si aad uga baxdo xaalada aad kujirto. Tani kama dhigna inaad oggolaatay in rabshad laguu gaysto.

    Noocyada kale ee SGBVDHOOFINTA DADKA - waa kaganacsiga dadka oo ay kujirto in xoog lagusoo kaxaysto, lakhiyaano, ama loo hanjabo si loogu shaqaqesto ama loogu isticmaalo ganacsiga jirka ah iyo/ama noocyada kale ee kafaaiidaysiga dadka tabarta yar.

    GUUR QASAB AH - waa midoow udhaxeeya labo qof kaasoo midkood iyo/ama labada qofba aysan shaqsiyan udooran ogolaanshahooda buuxa ee xorta ah si ay iskuguur-sadaan.

    GUURKA ILMAHA/GUURKA XILI HORE - waa guur udhaxeeya labo qof oo midkood ama labaduba ay kayar yihiin da’da 18 sano jir.

    GUDNIINTA GABDHAHA/XUBNO JARISTA - dhamaan nidaamyada ay kuji-raan jarista qayb ahaan ama gabi ahaan xubinta taxanka ee gabdhaha ama dhaawac kale oo loo gaysto xubnaha taranka haweenka sababo kabaxsan kuwo caafimaad.

    DANBIGA SHARAF DHAWRKA - waa falalka rabshada ah, caadiyana dilka qof, oo ay gaystaan ragga ee qoyska lagulana kaco dumarka oo loo aqoonsado inay ceeb usoo jiideen qoyska.

    DANBIGA NACAYBKA KUDHISAN - waa nacayb kudhisan urur ama jinsiyad oo yimaada marka danbiiluhu qofka kubeegsado sabab laxariirta inuu xubin kayahay koox gaar ah oo bulshada kamid ah ama jinsiyad gaar ah sida rabshada kadhanka ah dadka loo aqoonsado inay yihiin LGBTI (dumarka dumarka u galmooda ,raga raga ugalmooda ama noocyada kale ee raga iyo dumarka u wada galmood, labeebshaha, khaniiskadadka lab iyo dhedig ba ugalmooda).

    Yay saamayn kartaa rabshada SGBV? SGBV waxay kudhici kartaa QOFKASTA marnana maaha wax uu sababteeda leeyahay qofka dhibanaha ah. Haweenka iyo ragga, gabdhaha iyo wiilasha, dadka waawayn iyo caruurta, ayna kujiraan dadka katirsan LGBTI ayaa dhamaantood noqon karan dhibanayaasha SGBV. SGBV maaha wax marna qiil loosamayn karo.

    Xataa haddii aad

    kasoo maqan tahay guriga aadna

    aaminsan tahay inay hawshu kali kugu tahay,

    ma tihid kaligaa caawimaad ayaadna heli kartaa.

    XASUUSNOOW!

    QOFKASTA ayaa noqon kara dhibane SGBV loo gaysto

    SGBV markasta waa MID AAN LA AQBALI KARIN

    SGBV MARNA maaha khaladka dhibanaha

    Waxaad codsan kartaa CAAWIMAAD

  • Si aad uhesho caawimaad sharci oo bilaash ah, waxaad laxariiri kartaa:

    WOMEN’S RIGHTS FOUNDATION (URURKA XAQUUQDA HAWEENKA) (NGO) Tel. 7970 8615 / www.wrf.org.mt

    LEGAL AID MALTA(oo ah wakaalad dawladeed) Tel. 2567 4330www.justice.gov.mt/en/legalaidmalta

    ADITUS FOUNDATION (HAAYADA ADITUS) (NGO)Tel. 2010 6295 / www.aditus.org.mt

    ADEEGYADA LAHELI KARO

    Maxaan samaynayaa haddii Anigga ama qof Aan

    aqaano lagula kaco ama uu marqaati kanoqdo SGBV? Ficilada rabshada laxariirta galmada iyo jinsigu waa danbi. Haddii adigga ama qof aad taqaano ay kudhacdo, marqaati kanoqdo ama aad kashakido nooc kasta oo rabshad ah, waxaad laxariiri kartaa Ciidanka Booliiska Malta.

    WICITAAN DEGDEG AH: 112 / JOOJINTA DANBIGA: 119 QAYBTA GURMADKA DHIBANAHA: 2294 2079/2160

    Waxaad sidoo kale wici kartaa Laynka Caawimaada ee Qaran: 179Waa layn 24 ka saac shaqeeya oo bilaash ah, qarsoodi ah macluumaadka aad kubixisana gaar kuuyihiin. Luuqadaha lagu hadlo waa Maltese iyo Ingiriis; waxaad dalban kartaa turjumaan.

    Kawaran haddii aan ubaahdo caawimaad sharci? Waa maxay adeegyada kale ee laheli karo?

    Goobaha Hooyyga ah

    Maxaan samayn karaa haddii aan ubaahnahay caawimaad dhanka dhimirka ah?

    Kawaran haddii aan ubaahdo caawimaad caafimaad?

    Waxaad booqan kartaa dhakhtar guud oo kusugan mid kamid ah XARUMAHA CAAFIMAADKA adoon wax balan ah qabsan.Wixii laxariira dhaawacyada daran, waxaad aadi kartaa WAAXDA SHILKA IYO XAALADAHA DEGDEGA AH EE ISBITAALKA MATER DEI HOSPITAL, Dun Karm Street, Msida,

    taleefanka. 2545 4030. Haddii aad ubaahan tahay gaariga gurmadka, waxaad wici kartaa nambarka xaalada Degdega ah ee 112.

    JESUIT REFUGEE SERVICE (JRS, ADEEGGA SHARCIGA EE QAXOOTIGA)oo ah adeegyo sharci, adeeg bulsho iyo taageero dhanka dhimirka ah oo lasiiyo dadka qaxootiyaasha ah iyo dadka magangalyo doonka ah ee kujira xabsiyada ama bulshada kudhex nool.Tel. 2144 2751 / www.jrsmalta.org

    VICTIM SUPPORT MALTA (VSM, TAAGEERADA DHIBANAHA EE MALTA)waa caawimaad lagu siiyo taageerada dareenka, mid sharci iyo mid farsamo

    dhibanayaasha SGBV.Tel. 2122 8333 / victimsupport.org.mt

    HAAYADA ST JEANNE ANTIDEtaageero bulsho oo lasiiyo dadka loogaysto rabshada qoyska.Tel. 2180 8981 / www.antidemalta.org

    RAINBOW SUPPORT SERVICES (ADEEGYADA TAAGEERADA EE QAANSO-ROOBAADKA) waa taageero bulsho oo lasiiyo dadka LGBTI kujira.Tel. 7943 0006 / maltagayrights.org

    THE GOOD SHEPHERD SISTERS – URURKA DAR MERĦBA BIK130, Birbal Street, Balzan Tel. 214 40 035 / darmerhbabik.org

    DAR PAPA FRANĠISKU – hooyga xaalada degdega ah ee habaynkii ee ragga, da’doodu udhaxayso 18-60 sano. 126, Fleur de Lys Road, Birkirkara.Tel. 2788 8211 / 7702 6644

     DAR MARIA DOLORES– hooyga xaalada degdega ah ee habaynkii ee haweenka, da’doodu udhaxayso 18-60 sano69, Fleur de Lys Road, Birkirkara Tel. 2144 5431

    Waxaad laxariiri kartaa AĠENZIJA SEDQA PSYCHOLOGICAL SERVICES (ADEEGYADA DHIMIRKA EE AĠENZIJA SEDQA)aad ula hadasho shaqaale kashaqeeya arimaha bulshada.Tel. 2295 9000 / www.fsws.gov.mt

    Waxaad utagi kartaa MIGRANT WOMEN ASSOCIATION (MWAM, URURKA HAWEENKA SOOGALOTIGA AH) – oo ah NGO bixiya taageero dhanka dhimirka ah oo lasiiyo haweenka muhaajiriinta ah.7952 8945 / migrantwomenmalta.org

    Waxaad booqan kartaa KELLIMNI.COM

    - oo ah adeeg taageero oonleen ah bixiya (oo kuqoran Ingiriis iyo Maltese) looguna talagalay dhalinta iyo dhalin yarada qaangaartay kaasoo ah mid bilaash ah, qarsoodi ah oo macluumaadka aad bixiso adigga gaar kuuyahay. Waxaad qof kula hadli kartaa wada sheekaysi toos ah oo qof iyo qof ah, waxaad diri kartaa iimeel ama waxaadna soo dagsan kartaa Appka.

    Waxaad laxariiri kartaa GBVSO/VIOLET SUPPORT ONLINE (TAAGEERADA VIOLET EE OONLEENKA AH)ood kahelayso www.vso.org.mt – waa adeeg qarsoodi ah oo bilaash ah oo iimeel iyo wada sheekaysi ah looguna talagalay qofkasta oo dhibane u ah rabshad kusalaysan galmo iyo jinsig kuna baxa luuqado kaladuwan