16
jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee magangelyo doonka ah [ magac: . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . . ]

asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

  • Upload
    others

  • View
    4

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

jidkaaga

DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE

– buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedkadeenishka da’yarta aan la wehelin ee magangelyo doonka ah

[mag

ac:

. . .

. . .

. . .

. . .

. . .

. . .

. . .

. . .

. . .

. . .

. . .

. . ]

Page 2: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

QAALIGA MAGANGELYO DOONKOW

Buug-yarehani waa tilmaame qofkii yimi keligii ee aan qofweyn lasocon ee Denmark ka codsada magangelyo. Waxa loo jeedaa inaad tahay kan hay’adaha dawladda deenishku ugu yeedheenda’yare aan wehel lahayn oo magangelyo doon ah (uledsagetmindreårig asylansøger). Jidkaaga habka magangelyada aad umarayso waxaad kula kulmi doontaa kelmado badan oo ay dhicikarto in fahamkoodu adkaado, oo ay xataa ku adkaadaan dadkawaaweyn ee magangelyo doonka ah.

Buug-yarehani wuxuu ka waramayaa sida magangelyo codsigaagaee Denmark u soconayo. laga yaabee in aad su’aalo qabtid sida:• Kuma ayaa go’aan ka gaadhaya inaan magangelyo helo ama la

ii diido?• Maxaa la igu weydiinayaa wadahadalka?• Sidee ugu diyaargaroobi karaa wadahadalka?• Waa maxay macnaha habraac magangelyeedka caadiga ah iyo

sida-muuqata habraac aan sal lahayn?• Maxaan xaquuq u leeyahay markaan ilmo-qaxoonti ah oo aan

cid wehelin ahay?• Shaqooyinkee ayey kala qaabilsan yihiin hay’adaha kala duwan

ee deenishka ee ku shaqada leh codsiga magangelyadu?• Miyaan codsan karaa reerkayagii (faamligayagii, qoyskayagii)?

Su’aalahan waxaad jawaab uga heli kartaa buug-yarehan. Sidaadaraadeed fikrad wacan ayey noqon kartaa in aad buug-yarehanmarar badan ama in in-yar akhrido. Xafid buug-yarehan! Waxaadisticmaali kartaa isu diyaarinta marka aad wadahadal aadaysidtusaale ahaan hay’adda Hoggaanka-ajnebiga oo kale.

Cinwaanada, telefoon lambarada iyo cinwaanada e-mailka eehay’adaha deenishka iyo ururada waxaad ka helaysaa boggadambe ee buug-yarehan.

Salaan Hay’adda Qaxoontiga Deenishka

Goorma ayaa la ii tixgelin karaa sidiida’yare aan la wehelin oo magange-lyo doon ah?

Hay’adaha dawladda ee Denmarkwaxay kuu tixgelinayaan sidii da’yaremagangelyo doon ah oo aan wehellahayn, haddii aad keli ahaan Den-mark timaado ama keli lagaaga dhex-tago, kana yar tahay 18 sanno. Waxaloo jeedaa in aan waalidkaa ama dadkale oo waaweyn oo halkii waalidkaakuu geli karaa kula socon.

Talo-bixinta Hay’adda QaxoontigaDeenishka

Waxaad Hay’adda Qaxoontiga kahelaysaa talo-bixin lacag la’aan ah iyojawaabo, su’aalahaaga ku saabsanhawl fulineedka magangelyada. Wac33735000 ama u dir e-mailka:[email protected]

Shaqaalaha halka aad degan tahaywuu kaa caawin kara wacitaanka iyoballan samaysiga.

2

Page 3: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

AFAR MARXALADOOD (TALLAABO) AYAAJIDKAAGA HAB MAGANGELYO DOONKADEENISHKU MARAYAA

Marka aad Denmark magangelyo ka codsato afar marxaladoodayaad maraysaa:

[ marxaladda 1 ]

Waxa wadahadal kula yeelanaya bilayska deenishka kaasoo cad-daynaya asliyaddaada/jinsiyadaada (qof-ahaantaada) iyo dariiqiisafarkaaga.

[ marxaladda 2 ]

Waxa laga yaabaa inaad ka qayb gasho da’-baadhiseed amatijaabin-luuqadeed. Waxaad caadiyan buuxinaysaa foom codsiy-eedka magangelyada. Hay’adda Hogaanka-ajnebiga ayaago’aaminaysa in codsigaaga magangelyada halkan Denmark amawaddan kale oo midowga Yurub ah lagu xalliyo.

[ marxaladda 3 ]

Hay’adaha dawladda deenishka ayaa go’aaminaya in aad maga-ngelyo iyo ogolaansho-deggaaneed ku hesho sharci-ajnebiga § 9c, stk. 3, nr. 2 ama lagu diido.

[ marxaladda 4 ]

Waxaad helaysaa ogolaansho aad Denmark ku deggenaato amaDenmark waad ka baxaysaa.

Maxaa looga jeedaa magangelyo iyoogolaansho-deggaaneed ee sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2?

Magangelyo macnaheedu waa inaad hesho ilaalin iyo ogolaansho aadku degganaato Denmark, haddii aadka cabsanayso in lagugu cadaadiyo(ciqaabo) waddankaagii. Cadaadintuwaa marka aad khatar ku gelaysidxadgudubyada waaweyn sida jidhdilka (toorjarka), dillidda (naf ka goyn)ama xadhig, haddii dib laguuguceliyo waddankaagii. Waxay noqonkartaa in lagugu cadaadiyo sinjiyad-daada, diintaada, dhalashadaada,fekerkaaga siyaasadeed ama wixiikale ee u dhigma. Ha ku xisaabtaminin aad magangelyo ku shesho ookeliya sababtoo ah dagaal amadhibaatooyin bulsho iyo dhaqaaleayaa waddankaaga ka jira.

Ogolaansho-deggaaneed ee sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2: Haddaadogolaansho-deggaaneed ku heshidsharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2,waxaad kale oo ogolaansho u haysa-taa in aad Denmark degto. Waxaadheli kartaa qaab ogolaansho-deggaa-need noocan ah haddii waalid ama cidkale oo reerkiina ah ama xidhiidh bul-sheed aanu kuu joogin waddankaagii.Waxa loo jeedaa in aan cid kaa mas’u-ul ahi jirin, haddii lagu celiyo.

Sidaa daraadeed waa muhiim inaadhay’adaha dawladda deenishka usheegto ciddii aad la deganayd kahor intaadan waddankii ka soo tegin,sidii aad isu deberi jirtay iyo meeshawaalidkaa ama ehelkaagii joogo.

3

Page 4: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

[ marxaladda 1 ]

WAXAA WADAHADAL KULA YEELANAYABILAYSKA KAASOO CADDAYNAYA QOF-AHAANTAADA IYO DARIIQII SAFARKAAGA

Imaatinkaaga Denmark

Tallaabada ugu horaysa ee jihadaada magangelyadu waabilayska. Waxaad u tegaysaa bilayska markaad Denmark maga-ngelyo ka codsanayso.

Wadahadal – sheeg dariiqii safarkaaga

Wadahadalkaaga ugu horeeya waxaad la yeelanaysaa bilayska.Wuxuu ku weydiin doonaa dariiqaad Denmark u soo martay iyoinaad waddamo kale oo aan waddankaaga ahayn degtayintaadan Denmark soo gaadhin. Waxa kale oo lagu weydiinayaaarrimaha reerkiina iyo in Yurubta kale wax reerkiina ahi joogaan.Turjumaa iyo caawiyehaaga (en bisidder) ama wakiilkaaga (dinrepræsentant) ayaa jooga wadahadalka. Turjumaagu af-kaagaayuu ku hadlaa.

Marka bilaysku ku waraysanayo waxa dhici karta inaad xataa kawadahadashaan sababta waddankaagii kaa keentay. Bilayskukuma weydiin doonaan su’aalo badan oo ku saabsan dhibaa-tooyinkaad waddankii ku qabtay. Laakiin waa muhiim inaadbilayska runta uga sheegto sababta waddankaagii kaa keentay –sababaha shakhsi ahaaneed ee safarkaaga. Bilayska waxaa kuwaajib ah iney sirtaada qiriyaan.

Waa maxay sir-qarin?

Bilaysku uma sheegi karo warbixina-haaga shakhsiyeed dadka aan kashaqayn magangelyo codsiga – amadad khaas ah ha noqdeen ama kuwodawladda u shaqeeyaba. Xataa xidhi-idh lalama samayn karo hay’adihiidawladeed ee waddankaaga.Hay’adaha dawladda deenishka oodhan waxaa waajib ku ah iney sirtadaqariyaan. Sidaas ayeynacaawiyeyaasha, wakiilada, qareenna-da (looyarada) iyo Hay’adda Qaxoon-tiguba yihiin.

Waa inaad run sheegtaa

Sharciyada deenishka ee ajnebigawaxa ku qoran in aan qofka waajibki-isu ahayn oo keliya inuu run sheegomarka uu hay’adaha deenishka kalahadlayo arrinkiisa magangelyada,laakiin in ay xataa waajib ku tahaycaawinta hay’adaha dawladda siarrinta sida ugu suurtagalsan loogawarbixiyo.

Waa maxay shaqada bilaysku?

Bilaysku waxay caddaynayaanasliyaddaada/jinsiyaddaada iyo dari-iqii safarkaaga. Bilaysku wax saa-mayn ah kuma laha natiijada codsi-gaaga magangelyo.

Waa maxay caawiye?

Mar walba caawiye ama wakiilkaagaayaa goob joog ah wadahadalada ayhay’adaha dawladda deenishku kulayeelanayaan iyo baadhitaanada.Caawiyuhu wuxuu ilaalinayaa inwadahadalada iyo baadhitaanadu udhacaan si waafaqsan in tixgelintaugu suurtagalsan adiga lagu siiyo.Caawiyuhu wuxuu kaloo deberayaainaad garanayso xuquuqahaaga iyohalka arrinku ka marayo habraacmagangelyeedka. Caawiyuhu wuxuuu shaqeeyaa Ururuka Laanqeyrta Casee Deenishka iyo in uu ku caawiyo ooku tilmamo inta laguu magacaabayo

Halkan ayaad tallaabo tallaabo uga fiirsan kartaa waxa bilaysku kaa rabo

Waxaad timi Denmark

Waxa lagu siinayaa Dejin (jiif ama hurdo kaadh-cad iyo cunto siin)

Bilaysku wuxuu cadday-nayaa jinsiyaddaada iyodariiqii safarkaaga

Wadahadal ayaa bilayskukula yeelanayaa

4

Page 5: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

Bilayska ayaa caddaynaya asliyaddaada/jinsiyaddaada.

Dukumeentiga muhiimka ah sida baasaboor iyo warqad-dhalashowaxa aad u geynaysaa bilayska marka wadahadalka lagula yee-lanayo. Sababtu waxa weeye bilayska ayaa caddaynaya asliyad-daada/jinsiyaddaada, waxa loo jeedaa baadhaya, inta da’daadutahay, dhalashadaada iyo magacii laguugu walqalay. Sidaadaraadeed bilaysku waxay xataa fetishayaan alaabtaada.

Warbixinaha jinsiyaddaada iyo dariiqii safarkaaga labadaba iyosababta safarkaaga waxa loo gudbinayaa hay’adda Hoggaanka-ajnebiga taasoo qaabilsan codsiyada magangelyada ee Denmark.Hoggaanka-ajnebiga ayaa ka dib go’aaminaya in aad magange-lyo ka codsato Denmark ama in codsigaaga lagu xalliyo waddankale oo midowga Yurub ah.

Waxaad helaysaa kaadh-cad

Bilaysku waxay kaa qaadayaan faro iyo sawir. Bilaysku waxaysawirkaaga u isticmaalayaan inay kaadh-cad kuugu sameeyaan.Kaadhka-cad waa kaadh yar, kaasoo magangelyo doonka loosameeyo. Kaadhka waxa ku qoran magacaaga, da’daada iyolambarka ajnebiga ee aad kaga diiwaan gashan tahay Denmark.Kaadhkaasna waad sidanaysaa illaa intaad magangelyo doon katahay Denmark. Ujeeddada kaadhka cadi waa in aad wakhtikasta uun caddayn karto inaad xaq u leedahay inaad Denmarkjoogto.

Waxa lagu dejinayaa xarun magangelyeedka Ururka Laan-qayrta Cas

Waxaad xarun magangelyeedka da’yarta aan la wehelin ee maga-ngelyo doonka ah ka helaysaa meel aad degganaato. Halkanayaad ku noolaanaysaa illaa inta codsiga magangelyadaadago’aan laga gaadhayo. Haddii aad qabtid su’aalo ku saabsanhalka hawsha magangelyadaadu marayso, waxaad mar walbaweydiin kartaa shaqaalaha xarun magangelyeedka. Aad bay urabaan in ay ku tilmaamaan. Saqaalaha waxaa waajib ku ah ineysirtada qariyan, cidna uma sheegi karan.

wakiil. Haddii aad wax su’aalo ahqabtid waxaad mar walba weydiinkartaa caawiyeha caawimo.Caawiyuhu wuxuu toddobaadkii halmar yimaaddaa xarunta Gribskov ooka waramaa hab magangelyeedkadeenishka.

Waa maxay wakiil?

Marka hay’adaha dawladdu cad-deeyaan in aad 18 ka yar tahay waxasida ugu dhakhso badan laguu maga-caabayaa wakiil. Wakiilkaagu wuxuukaa caawinayaa qaar ka mid ah xaal-adaha, kuwaas oo aad caadi ahaan ubaahnaan lahayd caawimada waalid-kaa. Waxa loo jeedaa in aan wakiilka-agu kaa caawinayn oo keliya wixii kutaxaluqa arrinta magangelyada, laaki-in xataa kaa caawinayo oo kaala tali-nayo arrimo badan oo shakhsi ahaa-need sida tusaale ahaan iskuulkaaga,wakhtiga xanuunka ama goobta deg-gaanka. Wakiilkaagu wuxuu ahmiyadsiinayaa wixii dani kuugu jirto intaad18 buuxinayso, in aad Denmark ogo-laansho-deggaaneed ka hesho amaka baxdo. Maamulka gobolka ayaamagacaabaya wakiilkaaga. Haddiiaad wakiilkaa laguu magacaabo kuqanci weydo waxaad uga caban kar-taa hay’adda Xuquuqda Bulshada(Civilretsdirektoratet). Cinwaankawaxaad ka helaysaa bogga dambe eebuug-yarehan.

Waa maxay qareen?

Haddii arrinkaaga laga lagu xallinayosida-muuqata habraac aan sal lahaynama uu u galo Guddiga- qaxoontigawaxa ku caawinaya qareen. Kaduwanaanshaha wakiilkaaga, kaas ooku caawinaya sababta oo ah waalid-kaaga oo aan joogin, waxa doorkaqareenku yahay in uu si khibradaysanoo taxaddar leh ahmiyad u siiyo wixiisharciyan dani kuugu jirto. Waxa loojeedaa in qareenku kala hadlo arrin-taada kuwa doorka weyn ku leh eeqiimaynaya codsigaaga ku saabsanmagangelyada.

5

Page 6: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

[ marxaladda 2 ]

BAADHITAANKA IYO BUUXINTA FOOMKAMAGANGELYO CODSIGA

Ka hor intaan hay’adda Hoggaanka ajnebigu kuugu yeedhinwadahadal waxaad caadiyan:• Daawanaysaa (fiirsanaysaa) filin ku saabsan hab fulineedka

magangelyada.• Buuxinaysaa foom magangelyo codsiyeed.

Hay’adda Hoggaanka ajnebigu waxay kale oo baadhaysaa:• In arrintaada magangelyada lagu xalliyo Denmark iyo in kale.• In da’daada la baadho iyo in kale.• In luuqaddaada (sidaad u garanaysid) la baadho iyo in kale.

Waxa lagu tusayaa filin ku saabsan hab fulineedka maga-ngelyada

Wakhti yar ka dib marka bilaysku kula yeesho wadahadal ee cad-deeyo asliyaddaada/jinsiyaddaada iyo dariiqii safarkaaga, waxalagaaga yeedhayaa hay’adda Hoggaanka-ajnebiga, taas oo xall-isha dhammaan codsiyada magangelyeed ee Denmark. Waxalagu tusayaa filin ku saabsan hab fulineedka magangelyada. Fil-inku wuxuu ku saabsan yahay habraac magangelyeedka, meeshaaad degaysid iyo waxyaabo kale. Filinka waxa laguugu shee-gayaa luuqaddaada ama luuqad kale oo aad fahmaysid.

Waxaad buuxinaysaa foom codsi magangelyo.

Markaad daawatid filinka waxaad buuxinaysaa foomka codsigamagangelyada, kaasoo ah foom su’aaleed. Foomka waxaad kubuuxinaysaa luuqaddaada, ama luuqad kale oo aad ku fiicantahay. Waxa loo bedelayaa (turjumayaa) deenish, si hay’adahadawladda deenishku u akhrisan karaan. Haddii aadan aqoon sidawax loo qoro foomka buuxin maysid. Marka kiis xalliyaha (hayaha)Hoggaanka-ajnebigu kuugu yeedho wadahadal waxaad haysataafursad aad ku sharaxayso sababta aad waddankaagii uga timi.

Waxyaabahee ugu muhiimsan codsi-gayga ku saabsan magangelyo?

Foom magangelyo codsiyeedkaagaiyo wadahadalka hay’adda Hoggaan-ka-ajnebiga ayaa ugu muhiimsan.Iyaga ayey hay’adda Hoggaanka-ajnebigu kala soo baxaysaa go’aankaah inaad magangelyo, ogolaansho-deggaaneed ku hesho sharci-ajnebi-ga § 9 c, stk. 3, nr. 2 ama laguu diido.

Waa inaad qortaa dhammaansababaha kaa keenay waddankaagii.Waa muhiim inaad foom su’aaleedkaku qortid, inkasta oo aad markadambe wadahal u tegayso hay’adda-ha dawladda deenishka.

U akhri foomka si taxaddar leh intaaadan bilaabin jawaabta. Qaadowakhti fiican (ha degdegin)!

6

Page 7: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

Foomka magangelyo codsiyeedka waxaad kaga jawaabaysaa

• Xaaladaha reerkiina: xaggee waalidkaa joogaa? Ma wax baaku dhacay waalidkaa?

• Miyaad ehel (xigto) ku leedahay Denmark?• Miyaad iskuul ku dhigatay waddankaagii?• Ma ka shaqayn jirtay waddankaagii?• Miyaad soo gudatay shaqadii qaranka?• Maxaad uga timi waddankaagii?• Miyaad ka tirsanayd siyaasad, diin ama urur daneedyo kale?

Haddii aad waddankaagii ka tirsanayd koox siyaasi ah, xulafodiineed ama koox daneed waa muhiim inaad qortid. Gaarahaan haddii ka mid noqoshadaada kooxdaasi kuu soo jiidayinaad ka cabsato cadaadin kaaga timaada waddankaagii.Waxaad kaloo xataa qoraysaa in waalidkaa ama kuwo kale ooreerkiina ahi ka tirsanaayeen xulafo cadaadis lagaga hayeywaddankii. Cadaadintu waa markaad khatar ku gelaysidxadgudubyada waaweyn sida jidh dilka, dillidda ama xadhig.

• Miyaad khilaaf (iska hor-imaad) ku qabtay waddankaagii? Waamuhiim inaad xataa ka warranto in waalidkaa ama qaar kale ooreerkiina ahi dhibaatooyin kala kulmeen hay’adaha dawladdaama qaar kale ee waddankii.

• Sidee baad uga soo baxday waddankaagii?

Waa maxay khilaafka waddankii?

Haddii hay’adaha dawladda wad-dankaagu si xun kuu dhibeen(arbusheen, rabsheen) adiga iyoreerkiina ayaa ah khilaaf – tusaaleahaan haddii gurigiina la baadhbaad-hay, xubnaha qoyska la qabqabtayama la kadeeday, la xabisay ama jidhdil loo geystay. Khilaafka waddankiiwuxuu kaloo noqon karaa haddiiadiga naftaadu u soo joogtayxadgudubyo. Haddii laguu geystayxadgudub galmeed (kufsi iyo wixii lamid ah), lagu garaacay ama wax udhigma waxay noqonaysaa khilaafkawaddankii.

Maxaa looga jeedaa siyaasad u firfir-coon?

Haddii aad ka mid ahayd xisbi kamamnuuc ahaa waddankaagii, kaqayb gashay mudaharaado, sii gud-bisay siro warbixineed iyo wax udhigma, waxa aad noqonaysaasiyaasad u firfircoone. Aad bay tanimuhiim u tahay inaad codsigaagamagangelyo ku sheegto. Xasuusnowin hay’adaha dawladda deenishkawaajib ku tahay iney sirtaadaqariyaan oo aanay ay u sii gudbindoonin dadka aan ku shaqada lahaynarrintaada magangelyada.

Waxaad daawanaysaafilin ku saabsan hab fuli-needka magangelyada

Waxaad buuxinaysaafoom codsiga maga-ngelyada

Caddayn luuqadeed –xaggee ka timi?

Caddayn da’eed –da’daadu aa intee?

7

Page 8: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

Caddayn da’eed – da’daadu waa intee?

Haddii bilayska ama hay’adda Hoggaanka-ajnebigu aanay hubinda’daada waxay ku weydiinayaan in aad rabto ka qayb gal da’-baadhiseed. Ujeeddada da’-baadhistu waa in la ogaado inta da’-daadu tahay. Waxa sawir lagu baadhayaa daankaaga/gowscaqliyeedkaaga iyo jalaqleyda (laabatada dhudhunka iyo sacabkau dhaxaysa) bidix. Waxa kaloo dhakhtar eegayaa sida jidhkaaguu koray.

Waxaad baadhitaan u tegaysaa jaamacadda dhakhtarka ilkahaiyo shaybaadhka baadhis cilmiyeedka ee Qiishosbitaal. Baadhi-taanka waxa goob joog ah caawiye ama wakiilkaaga. Khasabmaaha ka qayb gelista baadhistani. Laakiin waxay saamayn xunku yeelan kartaa magangelyo codsigaaga, haddaad doorato inaadan ka qayb gelin da’-baadhiseedka, sababta oo ah tusaaleahaan hay’adda Hoggaanka ajnebigu waxay u qaadan kartaa inaad ka weyn tahay da’da aad sheegatay. Waxa kale oo mardambe inta hawsha magangelyadaadu socoto lagaa codsankaraa inaad ka qayb gasho caddayn da’eed.

Caddayn luuqadeed – xaggee ka timi?

Haddii hay’adda Hoggaanka ajnebigu ka shakiyaan meesha(waddanka) aad ka timi, waxa lagaa codsanayaa in aad ka qaybgasho caddayn luuqadeed. Waxaad luuqaddaada kaga wara-maysaa waddankaagii, nolol-maalmeedkaagii ama iskuulkaagii.Khabiir ayaa cajaladda lagaa duubay kala soo baxaya waddankaaad ka timi. Waxa kale oo mar dambe inta hawsha maga-ngelyadaadu socoto lagaa codsan karaa in aad ka qayb gashocaddayn luuqadeed.

Codsiga magangelyadayda ma waxalagu xallinayaa Denmark?

Haddii aad degganayd waddan kaleoo aan kaaga ahayn intii aadan Den-mark iman, waxa hay’adda Hoggaan-ka-ajnebigu baadhi doontaa in wad-dankaasi kuu qaabili lahaa sidii maga-ngelyo codsade iyo in kale. Caadiyanwaxa weeye oo keliya haddii aadwaddan Yurubta kale ka mid ah deg-ganayd. Haddii waddan kale dib lagu-ugu celiyo waxaad marwalba xaq uleedahay in codsigaaga magangelyohalkaas lagu xalliyo. Weligaa dib lagu-uguma celin doono waddan, kaasooaad khatar ku gelaysid cidaadin.

8

Page 9: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

[ marxaladda 3 ]

SIDAN AYAA CODSIGAAGA MAGANGELYOLOOGU XALLINAYAA NIDAAMKADEENISHKA

Waxaad wadahadal u tegaysaa hay’adda Hoggaanka-ajnebiga

Wakhti ka dib marka aad buuxiso foomka codsiga magangelyadawaxay hay’adda Hoggaanka-ajnebigu kuugu yeedhaysaa wada-hadal. Wadahadalka waxa goob joog ah turjumaa iyo caawiyeama wakiilkaaga. Hoggaanka-ajnebigu waa hay’adda ugu horaysaee go’aaminaysa inaad magangelyo, ogolaansho-deggaaneed kuhesho sharciga ajnebiga § 9 c, stk.3, nr.2 ama laguu diido.

Maxaa la igu weydiinayaa wadahadalka?

Kiis xalliyaha hay’adda Hoggaanka-ajnebigu wuxuu soo akhriyeyoo su’aalo kaa weydiinayaa foom magangelyo codsigaaga: Sideeu noolayd waddankaagii? Xaaladaha waalidkaa? iskuul ma dhi-gatay? Waddankaagii miyaad ku ahayd siyaasad u firfircoone?Miyey kuwo reerkiina ahi siyaasad u firfircoonayaal ahaayeen?Ciidamada (mileriga) ma gashay? Cadaadin miyaa laguu geystay?Maxaad uga timi waddankaagii? Haddii aad fahmi weydosu’aalaha waa inaad markaaba sheegtaa. Kiis xalliyaha ayaa had-dana kuu sharixi (faahfaahin) doona.

Imisa ayey qaadanaysaa hawl fuli-needka magangelyadaydu?

Laga bilaabo diiwaan gelintaadabilayska Denmark illaa iyo helitaankajawaabta ugu dambaysa ee codsi-gaaga magangelyadu waxay gadhikartaa sannad – iyo mararka qaarwakhti dheer. Waxaad Denmark kahelaysaa meel aad degganaato illaainta hawl fulineedka maga-ngelyadaadu socdo.

Diyaar ma u tahay habraac maga-ngelyeed adiga oo ah da’yare aan lawehelin oo magangelyo doon ah?

Hay’adda Hoggaanka-ajnebigu waxaygo’aaminaysaa inaad diyaar u tahaymaridda habraac magangelyeedcaadi ah. Haddii hay’adda Hoggaan-ka ajnebigu u aragto inaad diyaar utahay waxaad maraysaa mid ka midah labada habraac magangelyeed eelagu sharaxay qaybta soo socota.Waxa loo jeedaa in wadahadalka aadsu’aalaha fahmi karayso oo aadhay’adda Hoggaanka-ajnebiga usheegi karto sababta waddankaagiikaa keentay.

Ma laguu geystay jidh dil?

Haddii hay’addaha dawladdu rabaaninay caddeeyaan warbixintaada kusaabsan jidh dilka waxa lagaa cod-sanayaa inaad ka qay qaadato baad-his dhakhtareed. Dhakhtar ayaabaadhi doona in jidhkaaga loogeystay jidh dil. Waxa kale oo wada-hadal kula yeelan doona dhakhtarcilmi-nafsi (saykoolajiist). Waxaad tegidoontaa baadhiso dhawr ah oo sidaadaraadeed waxay soconaysaa bilodhawr ah ka hor intii aanay baadhistusoo af-jarmin. Baadhitaanku wuxuuka dhacayaa shaybaadhka baadhiscilmiyeedka ee Qiishosbitaal. Waxagoob joog ahaan doona turjumaa iyocaawiye ama wakiilkaaga. Khasab maaha ka qayb qaadashadu. Laakiinwaxay saamayn xun ku yeelan kartaamagangelyo codsigaaga, haddaaddoorato in aadan ka qayb gelin.

9

Page 10: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

Hay’adda Hoggaanka-ajnebigaayaad wadahadal u tegaysaa.

Waa lagu diiday. Qareen ayaad yeelanaysaa.

* Guddiga-qaxoontiga ayaad wadahadal ugu timi.

Waa lagu diiday.

Magangelyaa lagu siiyey.

Hay’adda Hoggaanka- ajnebiguwaxay go’aaminaysaa inaad ogo-laansho-deggaaneed ku heshosharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2.

Waxaad ogolaansho-deggaaneed ku heshaysharci-ajnebiga § 9 c,stk. 3, nr. 2.

Waxa sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 laguugu diiday ogolaansho-deggaaneed. Waxaad uga cabankartaa go’aankan wasaaraddaQalobixinta.

Wasaaradda Qalobixintaayaa codsigaaga cusaybahaan u eegaysa. Xasuusoinaad 7 cisho gudahoodkaga cabato go’aankahay’adda Hoggaanka-ajnebi-ga si aad u hesho sharci aadwaddankan ku joogto, intawasaaradda Qalobixintuarrintaada xallinayso.

Waxaad ogolaansho-deggaaneed ku hes-hay sharci-ajnebiga §9 c, stk. 3, nr. 2.

Waa lagu diiday oo waainaad Denmark ka baxdaa.

HABRAAC MAGANGELYEEDKA CAADIGA AH

Halkan ayaad tallaabo tallaabo uga fiirin kartaa habraac maga-ngelyeedka caadiga ah

Codsigaaga magangelyadu labahabraac kala duwan ayuu u dhicikaraa

Hay’adda Hoggaanka-ajnebiga ayaago’aaminaysa, wadahadal lagulayeesho ka dib, inaad mari doontohabraac magangelyeedka caadigaah ama sida-muuqata habraacmagangelyeed aan sal lahayn iyo inkale.

10

Page 11: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

XUBNAHA MUHIIMKA AH, EE AAD KULAKULMI KARTID HABRAACMAGANGELYEEDKA CAADIGA AH

Hay’adda Hoggaanka-ajnebigu waxay xallishaa dhammaancodsi maganyeedka Denmark. Waa hay’adda dawladda ee uguhoraysa ee go’aaminaysa in aad magangelyo, ogolaansho degaa-need ku hesho sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 ama laguu diido.

Qareen: Waxaad yeelanaysaa qareen, haddii hay’adda Hoggaan-ka ajnebigu magangelyo kuu diido. Qareenku wuxuu Guddiga-qaxoontiga wadahadal ugu sheegi doonaa arrinkaaga. Qareenkuwuxuu kuugu yeedhi doonaa wadahadal gaar ah si uu u dhex-galo arrin magangelyeedkaaga. Dawladda deenishka ayaa kha-rashka qareenka kaa bixinaysa.

Guddiga-qaxoontigu waxay go’aaminayaan in magangelyo amadiidmo lagu siiyo. Waxa kale oo goob joog ahaan doona qof kasocda hay’adda Hoggaanka-ajnebiga iyo xog haye. Wadahadalkawaxa kale oo goob joog ahaan doona qareenkaaga, turjumaa,caawiye ama wakiilkaaga.

Guddiga-qaxoontiga waxaad u sheegi kartaa sababta aad wad-dankaagii uga timi. Qareenkaaga ayaa kugu caawinaya in uusu’aalo ku weydiiyo, kuwaasoo aad ka jawaabi doonto. Haddiiaad fahmi weydo su’aalaha markiiba u sheeg. Weydiiyaha ayaahaddana kuu sharixi doona. Laga yaabee inaad jawaabtii maga-ngelyo codsigaaga isla markaaba hesho, laakiin waxa kale oodhici karta inaad dhawr cisho sugto.

Wasaaradda Qalobixinta: Haddii sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr.2 laguugu diido ogolaansho-deggaaneed waxaad go’aankan ugacaban kartaa wasaaradda Qalobixinta, taasoo codsigaaga cuseybahaan u fiirinaysa. Haddii aad cabato, wasaaradda Qalobixintaayaa noqon doonta tan qaadanaysa go’aanka ugu dambeeya ee inogolaansho-deggaaneed lagugu siiyo sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3,nr. 2 ama laguu diido. Wadahadal lama yeelan doontid wasaaraddaQalobixinta. Waxay eegaysaa foom codsiyeedkaaga magangelyoiyo waraaqahii wadahadaladaadii hore. Waa inaad 7 cisho guda-hood kaga cabato go’aanka hay’adda Hoggaanka-ajnebiga si aadu hesho sharci aad waddankan ku joogto, inta wasaaradda Qalo-bixintu arrinkaaga xallinayso.

Maxaa looga jeedaa jawaab toganeiyo jawaab tabane ee ku xidhiidhsancodsiga magangelyadayda?

Haddii aad hesho jawaab togane ah,macnuhu waxa weeye, waxaad shar-ci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 Den-mark kaga heshay magangelyo amaogolaansho-deggaaneed.

Haddii aad hesho jawaab tabane ah,macnuhu waxa weeye, waxa sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 laguugudiiday magangelyo ama ogolaansho-deggaaneed.

Maxaa haddana kan la ii weydi-inayaa?

Waxaad arki doontaa in hay’adahadeenishku ku weydiiyaan waxyaaboisku mid ah marar badan. Sababtuwaxay tahay hay’adaha kala duwanee deenishku waxay doonayaan in aygaarkooda u sawiraan sababta wad-dankaagii kaa keentay. Isla marahaantaana waxay doonayaan in ayhubiyaan in sheekadaadu sax tahay.

Maxaan yeelayaa, haddaan maga-ngelyo ama ogolaansho-deggaa-need ku helo sharci-ajnebiga § 9 c,stk. 3, nr. 2?

Waxaad degmo Denmark ah kahelaysaa meel aad degto, barashadaaf-deenishka, deeq iskuul iyo caaw-imo kale si aad nolol uga bilawdoDenmark. Waxa kale oo laguu maga-caabayaa qof ku meel gaadh ahaanwaalid kuugu noqda, haddii aadan 18sanno buuxin. Bogga 3aad waxaadka akhrin kartaa faahfaahin ku saab-san magangelyada iyo ogolaansho-deggaaneedka ee sharci-ajnebiga § 9c, stk. 3, nr. 2.

11

Waa maxay waalid ku meel gaadh ahi?

Haddii aad ogolaansho-deggaaneed ka hesho Denmark waxa laguumagacaabayaa qof ku meel gaadh ahaan waalid kuugu noqda. Waalidkaku meel gaadhka ahi waa qof kuu caawiya oo kuula taliya si la mid ahsidii waalidkaa samayn lahaayeen oo kale. Waxay tusaale ahaan noqonkartaa wixii ku xidhiidha guri, iskuul, dhakhtar, barbaarin, cunto iyo lacag.Wakiilkaaga ayey noqon kartaa in loo magacaabo waalidkaaga ku meelgaadhka ah. Lama degaysid waalidkan ku meel gaadhka ah.

Page 12: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

SIDA-MUUQATA HABRAAC AAN SAL LAHAYN

Haddii hay’adda Hoggaanka-ajnebigu u aragto in aadan buuxin shuruudaha lagu helo magangelyo, waxaad maridoontaa sida-muuqata habraac aan sal lahayn. Habraacani wuu ka wakhti gaaban yahay habraac magangelyeed-ka caadiga ah. Halkan hoose ayaad tallaabo tallaabo uga fiirin kartaa sida-muuqata habraaca aan salka lahayn:

Wadahadal ayaad u tegaysaa hay’ad-da Hoggaanka-ajnebiga oo u aragtaycodsigaaga mid aan sal lahayn.

Wadahadal gaar ah ayaad hay’addaQaxoontiga Deenishka la yeelanaysaa, wixii ka soo baxana waxay u qorayaan hay’adda Hoggaanka-ajnebiga.

Hay’adda Hoggaanka-ajnebiga ayaago’aaminaysa inaad magangelyo,ogolaansho-deggaaneed ku heshosharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 ama laguu diido.

Wasaaradda Qalobixinta ayaacodsigaaga cusayb ahaan ueegaysa. Xasuuso inaad 7cisho gudahood kaga cabatogo’aanka hay’adda Hoggaanka-ajnebiga si aad u hesho sharciaad waddankan ku joogto, intawasaaradda Qalobixintu arrin-taada xallinayso.

Waxa aad mari doontaa habraac maganely-eedka caadiga ah. Ka fiiri xiddigta *habraac magangelyeedka caadiga ahbogga 10.

Waxa sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 laguugudiiday magan-gelyo iyo ogolaansho deggaa-need. Waxaad uga caban kartaa go’aankanwasaaradda Qalobixinta.

Waxa sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2laguugu diidey ogolaansho deggaaneed,oo waa inaad Denmark ka baxdaa.

Waxa sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 laguugu diiday magan-gelyo, laakiin waxaad heshay ogolaansho-deggaaneed.

Waxaad sharci-ajnebiga § 9 c,stk. 3, nr. 2 ku heshay ogo-laansho-deggaaneed.

Qareen ayaad yeelanaysaa.

12

Page 13: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

XUBNAHA MUHIIMKA AH, EE AAD KULA KULMI KARTID SIDA-MUUQATA HABRAACA AAN SALKA LAHAYN

Hay’adda Hoggaanka-ajnebigu waxay xallisaa dhammaan codsi magangelyeedka Denmark. Waa hay’addadawladda ee ugu horaysa ee go’aaminaysa inaad magangelyo, ogolaansho degaaneed ku hesho sharci-ajnebiga§ 9 c, stk. 3, nr. 2 ama laguu diido.

Qareen: Waxaad yeelanaysaa qareen haddii hay’adda Hoggaanka ajnebigu ku go’aansato in codsigaaga maga-ngelyo lagu xalliyo sida-muuqata habraaca aan salka lahayn. Kulankaaga hay’adda Qaxoontiga ee deenishka kahor waxa toos kuula kulmi doona qareenka si uu arrintaada u dhex galo. Qareenku wuxuu ka gayb gelayaa isa-goo kula socda kulanka hay’adda Qaxoontiga. Haddii arrintaadu mari doono habraac magangelyeedka caadigaah badanaa isla qareenkan ayaa arintaada ka hadli doona marka lala kulmo Gudigga-qaxoontiga. Dawladdadeenishka ayaa kharashka qareenka kaa bixinaysa.

Hay’adda Qaxoontiga Deenishku waa urur bini’aadinimo. Waxa hay’adda Qaxoontiga Deenishku kuugu yeed-haysaa wadahadal gaar ah haddii arrin magangelyeedkaaga lagu xallinayo sida-muuqata habraaca aan salkalahayn. Sidaa ayaa la samaynayaa haddii hay’adda Hoggaanka-ajnebigu u aragto in aadan si cad u buuxin shu-ruudihii magangelyo helista.

Wadahadalka ka dhacaya hay’adda Qaxoontiga Deenishka waxa goob joog ahaan doona turjumaa, qareen iyocaawiye ama wakiilkaaga. Wadahadalkani badanaa waa wadahalkaagii ugu dambeeyey intaan go’aan laga gaad-hin magangelyo codsigaaga. Sidaa daraadeed aad bay muhiim u tahay inaad sheegto dhammaan warbixinahaku saabsan dhibaatooyinka kaa haysta waddankaagii. Hay’adda Qaxoontiga Deenishku waxay fiirinayaan ookeliya inaad magangelyo hesho iyo in kale. Hay’adda Hoggaanka-ajnebiga ama wasaaradda Qalobixinta ayaa ahkuwa go’aaminaya inaad sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 ku hesho ogolaansho-deggaaneed iyo in kale.

Haddii Hay’adda Qaxoontiga Deenishku u aragto inaad haysato fursad aad magangelyo ku helayso waxaadhelaysaa fursad codsigaaga lagu xalliyo habraaca magangelyada caadiga ah. Waxa loo jeedaa in diidmadahay’adda Hoggaanka-ajnebiga cabashadeeda si atumaatig ah loogu gudbinayo Guddiga-qaxoontiga. Fiiri xiddig-ta * ee qaabka habraac magangelyeedka caadiga ah ee bogga 10. Haddii kale oo hay’adda Qaxoontiga Deen-ishku u aragto in ay hubaal tahay in habraac magangelyeedka caadiga ah laguugu diidi doono magangelyo,hay’adda Hoggaanka-ajnebigu waxay kuu diidi kartaa magangelyo. Diidmadana kama caban kartid.

Wasaaradda Qalobixinta: Haddii sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3,nr. 2 laguugu diido ogolaansho-deggaaneed, waxaadgo’aankan uga caban kartaa wasaaradda Qalobixinta, taasoocodsigaaga cuseyb ahaan u fiirin doonta. Haddii aad cabatowasaaradda Qalobixinta ayaa noqon doonta tan qaadanaysago’aanka ugu dambeeya ee in ogolaansho-deggaaneed lagugusiiyo sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 ama lagu diido. Wada-hadal lama yeelan doontid wasaaradda Qalobixinta. Waxayeegaysaa foomka codsigaaga magangelyo iyo waraaqahiiwadahadaladaadii hore. Waa inaad 7 cisho gudahood kagacabato go’aanka hay’adda Hoggaanka-ajnebiga si aad u heshosharci aad waddankan ku joogto, inta wasaaradda Qalobixintuarrintaada xallinayso.

13

Page 14: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

TALOOYIN WACAN!

Waxkasta ma sheegay?

Haddii dhowr cisho wadahadalka ka bacdi waxyaabo muhiim ahoo aad ilowday kugu soo dhacaan waxaad warqad u qori kartaabilayska, hay’adda Hoggaanka-ajnebiga ama ciddii kale ee aadwadahalka la yeelatay. Hay’adda Hoggaanka-ajnebigu waxayakhriyaysaa warqadda intii aanay go’aansan inaad magangelyo,ogolaansho-deggaaneed ku hesho sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3,nr. 2 ama laguu diido. Cinwaanada hay’adaha deenishka iyo uru-rada waxaad ka helaysaa bogga dambe ee buug-yarehan.

Qof xarunta magangelyada ka shaqeeyaa wuu kaa caawin karaadirista warqadda.

Sidee ugu diyaar garoobi karaa wadahadal?

Wadahadalka ka hor waxa fiican inaad si wacan uga fekertosababtaad waddankaagii uga timi iyo wixii kale ee adiga muhiimkuu ah inaad sheegto. Go’aanka hay’adda Hogaanka-ajnebiga eeinaad magangelyo, ogolaansho-deggaaneed ku hesho sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 ama laguu diidaa wuxuu ku salaysanyahay warbixinahaaga foom su’aaleedka iyo wadahadalkaaga.Sidaa daraadeed waa muhiim inaad xataa sheegto waxyaabihiiaad la soo kulantay ee ay adag tahay in la sheego. Haddii aadnasasho yar u baahato inta wadahadalku socdo mar walba waadcodsan kartaa.

Waxa mar walba wadahadaladaada goob joog ahaan doona tur-jumaa iyo caawiye ama wakiilkaaga.

Dhammaan goob joogayaasha wadahadalka waxaa waajib ku ahiney sirtada qiriyaan. Uma gudbin karaan warbixinahaaga dadkaaan ku shaqada lahayn magangelyo codsigaaga.

Waa maxay sababta codsigaygadhawr jeer loo eegayaa?

Waxa weeye in xuquuqdaada lahubiyo. In magangelyo codsade ladiidaa waa arrin culus. Sidaadaraadeed dhawr hay’adood ayaacodsigaaga cuseyb ahaan u eegaya,si aan khalad-qaadasho u dhicin.

Miyaan codsan karaa reerkayagii?

Hay’adda Hoggaanka-ajnebiga ayaabaadi goob deg deg ah ku bilaabaysawaalidkaa markaad Denmark soogasho. Ururka Laanqeyrta Cas amawasaaradda arrimaha dibedda eedeenishka ayaa u xilsaaran sida loogashaqaynayo baadi goobka. Intaanhay’adda Hoggaanka-ajnebigubilaabin baadi goobka waxaad bixi-naysaa ogolaansho. Waxa dhici kartainaan dani kuugu jirin in hay’addaHoggaanka-ajnebigu raadiso waalid-kaa. Laga yaabee inaad ka cab-sanaysid inaad dhib u soo jiido amalagaba yaabee in aad waalidkaa kasoo baxsatay. Aad bay muhiim utahay inaad hay’adda Hoggaanka-ajnebiga u sheegto sababta aadan ujeclayn in waalidkaa la baadho,sababtoo ah haddii kale saamayn xunbay ku yeelanaysaa arrintaada. Haddiiwakiilkaagu u arko in dani kuugu jirtobaadi goobka reerkiina, waxa waki-ilkaagu bixin karaa ogolaansho inbaadi goobka la bilaabo, inkastooaadan rabin inaad ogolaansho bixiso.Marka ay noqoto Ururka LaanqeyrtaCas ee deenishka kuwa baadhi doon-aya reerkiina, waxa baadi goobkubilaabmi karaa oo keliya marka aadogolaansho bixiso ee Ururka Laan-qeyrta Cas ee deenishku waraaqo kaabuuxiyaan. Natiijada baadi goobkaUrurka Laanqeyrta Cas ee deenishkuwaa qarsoodi. Waxa loo jeedaa Urur-ka Laanqeyrta Cas ee deenishku umagudbin doonaan natiijada hay’adahadawladda adiga oo aan ogolaan.

Sidee diidmo uga cabanayaa?

Magangelyo: Haddii magangelyo laguugu diido habraac magangelyeed-ka caadiga ah atumaatig bay cabashadu noqonaysaa. Waxaad yee-lanaysaa qareen, kaasoo kula soo xidhiidhaya. Adigu waxba samaynmaysid.

Ogolaansho-deggaaneed ee sharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2: Haddiisharci-ajnebiga § 9 c, stk. 3, nr. 2 ay hay’adda Hoggaanka-ajnebigukuugu diido ogolaansho-deggaaneed waxa wadahadal kuugu sheegayabilayska. Haddii aad rabto inaad ka cabato diidmada isku tallaab ayaadfoom ku dhigaysaa. Bilayska ayaa kuu sharxaya sida aad ugu dhigaysid.Waa inaad diidmada kaga cabataa 7 cisho gudahood si aad Denmark ujoogto inta wasaaradda Qalobixintu arrinkaaga xallinayso.

14

Page 15: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

[ marxaladda 4 ]

DIIDMO IYO KA BIXITAANKA DENMARK

Waxa bilaysku kuugu yeedhayaa wadahadal ku saabsan celi-taankaaga

Bilayska-qaranka qaybtiisa ajnebiga ayaa qalqaalinaya ka bixi-daada Denmark. Bilaysku wuxuu kuugu yeedhi doonaa wada-hadal. Waxa lagaa codsan doonaa inaad saxeexdid inaadbilayska kala shaqayn doontid dib u celintaada. Bilayska ayaakaa caawinaya qalqaalada dib u noqoshadaada.

Bilaysku wuxuu baadhayaa inaad haysato dukumeentigii lagamamaarmaanka u ahaa safarkaaga. Haddii aad u baahan tahaybaasaboor, waxa bilaysku kaa caawinayaa inaad baasaboorcusub ka hesho safaaradda waddankaaga. Dawladda deenishkaayaa kharashka safarka kaa bixinaysa, haddii aanay adiga suurtagal kuu ahayn.

Haddii lagaa xanibo inaad waddankii ku noqoto

Haddii ay bilayska 18 bilood suurta gal ugu noqon weydo inay kuceliyaan, hay’adda Hoggaanka-ajnebigu waxay go’aamin doontaain aad ogolaansho-deggaaneed hesho, sababta oo ah waa lagaaxanibay inaad waddankii ku noqoto. Waxay ku xidhan tahay inaadkala shaqaysay bilayskadib u noqoshadaada,oo bilaysku ogaado inaanay suurta gal noqondoonin in dib laguuceliyo mustaqbalkadhow.

Waxaad helaysaa ogolaansho

degaaneed, haddaad la

shaqaysay bilayska oo ay 18

bilood waddankaagii kugu

celin kari waayeen

Waad ka baxaysaa

Denmark

Waxa bilaysku kuugu

yeedhayaa wadahadal

15

Page 16: asyl som 04 - flygtning.dk · jidkaaga DANISH REFUGEE COUNCIL GIVE REFUGEES A FUTURE – buug-yare warbixineed ku saabsan hab magangelyeedka deenishka da’yarta aan la wehelin ee

HAY’ADAHA:

Integrationsministeriet (WasaaraddaQalobixinta) Holbergsgade 61057 København KTlf.: 33923380Fax: 33111239Bogga shabakadda: www.inm.dkE-mail: [email protected]

Udlændingestyrelsen (Hay’addaHoggaanka-ajnebiga) Asylafdelingen (Qaybta magangelyada)Sandholmgårdsvej 403460 BirkerødTlf.: 35366600Fax: 35361916Wakhtiyada telefoonka: maalmahashaqada 09:00 illaa 12:00E-mail: [email protected] shabakadda: www.udlst.dk

Rigspolitichefens Udlændingeafdel-ing i Sandholm (Bilayska-qarankaqaybta Ajnebiga ee Sandholm)Sandholm gårdsvej 403460 BirkerødTlf.: 48107500

Rigspolitichefens Udlændingeafdeling(Bilayska-qaranka qaybta ajnebiga)Anker Heegaardsgade 51780 København VTlf.: 33148888Fax: 33430039E-mail: [email protected] shabakadda: www.politi.dk

Flygtningenævnet (Hay’adda Guddi-ga-qaxoontiga)St. Kongensgade 1–31264 København KTlf.: 33929600Fax: 33919400E-mail: [email protected] shabakadda: www.fln.dk

Civilretsdirektoratet (Hay’addaXuquuqda Bulshada)Æbeløgade 12100 København ØTlf.: 33923302Fax: 39271889E-mail: [email protected] shabakadda: www.civildir.dk

URURADA:

Dansk Flygtningehjælp (Hay’addaQaxoontiga Deenishka)Borgergade 10, 3.salPostboks 531002 København KTlf.: 33735000Fax: 33914507E-mail: [email protected] shabakadda:www.flygtning.dk/asyl

Dansk Røde Kors Asylafdeling (Urur-ka Laanqeyrta Cas ee deenishkaqaybta magangelyada)Dag Hammerskjölds Alle 28Postboks 8102100 København ØTlf.: 35432244Fax: 335432444E-mail: [email protected] shabakadda: www.redcross.dk

Red Barnet Danmark (Ururka Bad-baadada Caruurta Denmark)Rosenørns Alle 121634 København VTlf.: 35365555Fax: 35391119E-mail: [email protected] shabakadda:www.redbarnet.dk

December 2004

Jidkaaga- buug-yare warbixineed ku saab-san hab magangelyeedka deen-ishka da’yarta aan la wehelin eemagangelyo doonka ah.

Soo saaraha: Hay’adda Qaxoon-tiga Deenishka, Magangelyadaiyo u noqushada

Isku dubaridka: Eva GreenMeinel, Gitte Skov Andersen iyoBettina Chu

Qoraalka: Gitte Skov Anderseniyo Bettina Chu

Sawirrada: Charlotte Østervangiyo Mette Bengaard

Sawirrada buug-yareha: Manal,Ali, Ahmed, Abdi, Jones, Maksim,Jerome, Tinuská, Tünde, Carlosiyo bilays Egon Vodder

Sawir jaantuseedka: Jacob Fisker

Turjumidda: Hay’adda QaxoontigaDeenishka, qaybta turjumaadda

Daabacaada: Vester Kopi

ISBN: 87-7710-426-9

Buug-yarehani wuxuu ku soobaxay luuqadaha: deenish, Cara-bi, sorani kurdi, somali, farsi/dariiyo ingiriisi.

Danish Refugee Council’s 31 member organizations: ADRA Danmark · Amnesty International · Arbejderbevægelsens Internationale Forum ·ASF-Dansk Folkehjælp · CARE Danmark · Caritas Danmark · Dansk Arbejdsgiverforening · Danmarks Lærerforening · Dansk Forfatterforening ·Dansk Kunstnerråd · Dansk Musiker Forbund · Dansk Ungdoms Fællesråd · Danske Skønlitterære Forfattere · Det Mosaiske Troessamfund ·Forbundet af Offentligt Ansatte· Foreningen til integration af nydanskere på arbejdsmarkedet · FN-Forbundet · Folkekirkens Nødhjælp · Funk-tionærernes og Tjenestemændenes Fællesråd· HK, Handels- og Kontorfunktionærernes forbund i Danmark · Ingeniører uden Grænser · Kvin-derådet · Landsforeningen for Bøsser og Lesbiske · LO, Landsorganisationen i Danmark · Mellemfolkeligt Samvirke · Red Barnet · Sct. Georgs-gilderne i Danmark · SID, Specialarbejderforbundet i Danmark · U-landsorganisationen Ibis · Ungdomsringen · UNICEF Danmark