6
Wixii talo, aragti iyo su’aal ahba, u gudbi: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]). Kala xariir: [email protected] WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEB Sabti, 01 nofember 2014, Cadadka 019-aad, Sanadka 2-aad QORAALLO KALE Dhallinyarada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo ka midoobay horumarinta bulshadooda ...ka akhri bogga 4aad. KOBACA DHAQAALAHA IYO GANACSIGA DALKA W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi ...ka akhri bogga 5aad. SIDEE LOO ABUURAA MASHRUUC GUULEYSTA? W/Q: Bashiir Xaashi Dhoorre Sh, So Qiimaha 3000 Gaalkacyo: Dhalinyaro ka kala socotay maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ee Goballada Dhexe ayaa kulan ku saabsan sidii loo xoojin lahaa isdhexgalka dhallinyarada deegaanka waxa uu ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo. Dhallinyarada ka socotay maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa si fiican loogu soo dha- weeyey magaaladaasi. Dhallintan ayaa bilihii ugu dambeeyay waday isdhexgal ballaaran oo ay ku kulmeen meelo kala duwan oo ka mid ah deegaannada Gobollada Dhexe. Waxay ka kala tageen deegaanno....ka sii akhri bogga 3aad. HOLLAND OO LAGA TAAGEERAY MAAMULKA G/DHEXE Holland: Kulan ay ka soo qeyb galeen boqolaal qofood oo Soomaali ah, laguna soo dhoweynayey maamulka la filayo in dhowaan loo sameeyo gobollada Galguduud & Mudug ayaa lagu qabtay magaalada Den haag ee wadanka Holland, kaas oo dadka ka soo qeybgalay ay ka kala yimaad- een dalalka Holland, Biljam & Jarmalka. Dr. Cumar Weheliye oo ah macalin wax ka dhiga jaamacad ku taalla wadanka Holland ayaa ugu horreyn shirkaasi ka hadlay, waxaana si qoto-dheer uu kaga warbixiyey marxaladda siyaasadeed ee dalka, isaga.....ka sii akhri bogga 2aad.

Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofember 2014

Embed Size (px)

DESCRIPTION

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dahar Dheer (Dhuusa Mareeb).

Citation preview

Page 1: Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofember 2014

Wixii talo, aragti iyo su’aal ahba, u gudbi: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]).

Kala xariir: [email protected]

WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEBSabti, 01 nofember 2014, Cadadka 019-aad, Sanadka 2-aad

QORAALLO KALEDhallinyarada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo ka midoobay horumarinta bulshadooda

...ka akhri bogga 4aad.

KOBACA DHAQAALAHA IYO

GANACSIGA DALKA W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi

...ka akhri bogga 5aad.

SIDEE LOO ABUURAAMASHRUUC

GUULEYSTA?W/Q: Bashiir Xaashi Dhoorre

Sh, So

Qiimaha 3000

Gaalkacyo: Dhalinyaro ka kala socotay maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ee Goballada Dhexe ayaa kulan ku saabsan sidii loo xoojin lahaa isdhexgalka dhallinyarada deegaanka waxa uu ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo. Dhallinyarada ka socotay maamulka

Ximan iyo Xeeb ayaa si fiican loogu soo dha-weeyey magaaladaasi. Dhallintan ayaa bilihii ugu dambeeyay waday isdhexgal ballaaran oo ay ku kulmeen meelo kala duwan oo ka mid ah deegaannada Gobollada Dhexe. Waxay ka kala tageen deegaanno....ka sii akhri bogga 3aad.

HOLLAND OO LAGA TAAGEERAY MAAMULKA G/DHEXEHolland: Kulan ay ka soo qeyb galeen boqolaal qofood oo Soomaali ah, laguna soo dhoweynayey maamulka la filayo in dhowaan loo sameeyo gobollada Galguduud & Mudug ayaa lagu qabtay magaalada Den haag ee wadanka Holland, kaas oo dadka ka soo qeybgalay ay ka kala yimaad-een dalalka Holland, Biljam & Jarmalka. Dr. Cumar Weheliye oo ah macalin wax ka dhiga jaamacad ku taalla wadanka Holland ayaa ugu horreyn shirkaasi ka hadlay, waxaana si qoto-dheer uu kaga warbixiyey marxaladda siyaasadeed ee dalka, isaga.....ka sii akhri bogga 2aad.

Page 2: Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofember 2014

2 Cadadka 020-aad, Sanadka 2-aad WARARKA Sabti 01, nofember 2014

HOLLAND OO LAGA TAAGEERAY MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE Holland: Kulan ay ka soo qeyb galeen boqolaal qofood oo Soomaali ah, laguna soo dho-weynayey maamulka la filayo in dhowaan loo sameeyo gobollada Galguduud & Mudug ayaa lagu qabtay magaalada Den haag ee wadanka Holland, kaas oo dadka ka soo qeybgalay ay ka kala yimaadeen dalalka Holland, Biljam & Jarmalka. Dr. Cumar Weheliye oo ah ma-calin wax ka dhiga jaamacad ku taalla wadanka Holland ayaa ugu horreyn shirkaasi ka hadlay, waxaana si qoto-dheer uu kaga warbixiyey marxaladda siyaa-sadeed ee dalka, isaga oo rajo quus ah ka muujiyey in la helo hoggaan ay Soomaalidu u ma-dax-bannaan tahay, waxaana uu tilmaamay in wixii ka dambeeyey burburkii ku yimid dowladdii dhexe ee Soomaaliya in wax dowlad lagu tilmaami karo oo Soomaaliya soo marta ay aheyd (TFG-dii Carta), qudheedana laga awood badiyey.

Cusmaan Maxamed oo ku had-

layey magaca jaaliyadda Ximin & Xeeb, kana mid ah ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Holland ayaa sheegay inuu u arkayo tillaabo muhiim ah in go-bollada dhexe la isku daro, si loo xaqjiiyo isku filnaan dhaqaale & mid bulsho oo ay gobolladaasi ku tillaabsadaan.

Maxamed Cusmaan Guurre oo ka mid ah guddiga qaban-qaabada xafladda, ahna aqoon-yahan bulshadda Soomaalida dhexdeeda sumcad ku leh, ayaa isaga oo ka hadlayey xafladda wuxuu sheegay inuu ku farax-san yahay tiro intaas la’eg oo

Soomaali ah inta meel isugu timaado in ay taageeraan baaqa dhismaha maamulka gobol-lada dhexe, waxaana uu intaasi raaciyey in rajada Soomaaliya ay soo dhowdahay mar haddii dadka gobolladaasi ka soo jeeda ay dhinac isu raaceen, ayna dhab ka tahay horumarinta & nabad ku wada noolaashaha dhexdooda ah. Sidoo kale dhanka haweenka waxaa u hadashay Falastiin Ax-med Dhoorre oo ka soo shaqey-say wasaaraddii warfaafinta, waxayna ugu baaqday ummadda gobollada dhexe inay dib u fiiriyaan dhaqankii ay horay u lahaayeen, ee ahaa is jaceylka & walaaltinimada.

“Haddaan nahay reer Poland waxaan diyaarinnay mashruucii lagu dhisi lahaa dekadda Hobyo, waxaan sugeynaa oo keliya inta si (Official) ah maamulkaasi loogu dhawaaqo” waxaa sidaasi yiri C/qaadir Gabeyre oo ah aqoon-yahan ka xafladdan uga yimid wadanka Poland, islamarkaana la shaqeeya wasaaradda a/dibadda ee dalkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Galgu-duud iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Ximin & Xeeb ayaa qadka taleefanka kaga qeybgalay xafladda, waxaana saddexdaasi mas’uul ay sheegeen in dhina-cooda ay ka go’an tahay sidii horay loogu dhaqaaqi lahaa.

“Dadka gobolladaas dagan waa inay caddeyeen inaysan cidna duullaan ku aheyn, laak-iin waxaan rabnaa inaan helno maamul ay gobolladaasi leey-ihiin..” ayuu yiri Daahir Madoobe oo kamid ah aqoonyahannada ka soo jeeda gobolka Galguduud ee ku nool wadanka Holland.

Intii ay socotay xafladda waxaa heeso wadani ah & kuwa da-bacsan dadkii ka soo qeybga-layey ku madadaaliyay fannaaniin uu horkacayey fannaan Maxa-med Weerow, Faadumo Haryan & Faarax Kaftan.

Xigasho: Yoobsannews.com

“DADKA G/DHEX WAA INAY CADDEEYAAN INAYSAN CIDNA DUULLAAN KU AHEYN”

Dahar Dheer: Garoonka diyaaradaha ee degmada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer) ayaa laga duuliyay todobo nin oo u dhashay dalka Hindiya, oo muddo afar sano ah u afduubnaa kooxo burcad badeed ah.

Todobbada nin ee Hindida u dhashay ah ayaa loo soo duuliyay magaalada Muqdisho, halkaa oo ay uga sii ambabixi doonaan dalkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleeysatay

sii deeynta raggan, ka dib dadaal dheer oo ay u gashay sidii looga soo bixin lahaa gacanta burcad badeedda.

Burcad badeedda ayaa afar sano ah ku heystay nawaaxiga degmada Xarar Dheere, iyagoo hore u sii daayay markabkii ay shaqaalaha ka ahaayeen ka dib markii ay lacag madax furasho ah qaateen.

Dowladda ayaa u dirtay raggan Hindida

ahdiyaarad qaas ah oo geyn doonta magaaal-ada Muqdisho. Inta badan ma dhacdo in burcad badeedku dad u af duuban ay ku soo wareejiso dawladda, haddii aan xoog ama lacag lagu soo furan.

Tallaabadan ayaa noqonaysa mid dawladdu ay sucmad iyo ku heli doonto magac, maxaa yeelay, marka laga soo tago in dadkaa heleen xorriyaddooda, haddana, waxay caddaynay-saa in amniga gobolku soo fiicnaanayo.

Burcad badeed sii daysay dad u afduubnaa

MAAMULKA & QORAYAASHA WARGEYSKA EE BISHANAxmed Xaayow (Dulmidiid), Maxamed Cali Axmed, Layla Qaali Cabdullaahi, Bashiir Xaashi Dhoorre, Bashiir

M. Xersi, iyo Maxamed B. Midnimo. Ma tahay qoraa, oo ma dooneysaa inaad nala shaqeyso? Noogu soo dir codsigaaga [email protected]

HALKAAN KU XAYAYSIISO GANACSIGAAGA, OGEYSIISYADAADA, CODSIYA-DAADA IYO WIXII KALE OO AAD JECLAAN LAHEYD. NAGALA SOO XARIIR:

[email protected]

Page 3: Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofember 2014

Cadadka 020-aad, Sanadka 2-aad 3WARARKASabti 01, nofember 2014

Dahar Dheer: Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan looga hadlayay adkeynta ammaanka kula qaatay magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer) saraakiisha ciidamada DF, askarta AMISOM iyo qeybaha bulshada ee ku nool go-bolka Galguduud.

Mahad Maxamed Salaad, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda oo booqanayey gobolka Galguduud ayaa amaanay howsha maamulka degmada, gobolka iyo saraakiisha ciidanka ee dhanka am-maanka.

Waxaa kale oo looga hadlay ku-lankaasi sidii loo dardargelin lahaa howlgalka gobolka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab iyo sidii qeybaha bulshada ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen ammaanka iyo xasilloon-ida gobolka.

Jawaahir Axmed Cilmi oo ah xildhi-baanad ka tirsan baarlamaanka oo la socotay wafdiga wasiirka ayaa ku-lanka ka sheegtay in ay muhim tahay in laga wada qaybgalo sidii gobolka looga sifayn lahaa Al-Shabaab, loona adkayn lahaa ammaanka.

Booqashada siyaasiyiinta ka tirsan DF Soomaaliya ayaa imaneysa xilli gobolka Galguduud ay ka socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo dhiso maamul-goboleed ay yeeshaan gobollada Galguduud iyo Mudug.

Saraakiil iyo siyaasiyiinka shiray adkeynta ammaanka gobolka Galguduud

“..WAA MUHIM IN LAGA WADA QEYB-GALO SIDII SHABAAB LOOGA SIFEYN LAHAA GOBOLKA GALGUDUUD IYO DEEGAANNADIISA..”

FARIIN

KA SHAQEE NABADDA OO NOQO XALLIYE, OO HA NOQON XASARAD

ABUUR!

Gaalkacyo: Dhallinyaro ka kala socotay maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ee Gobal-lada Dhexe ayaa kulan ku saab-san sidii loo xoojin lahaa isdhex-galka dhallinyarada deegaanka waxa uu ku dhexmaray magaal-ada Gaalkacyo. Dhallinyarada

ka socotay maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa si fiican loogu soo dhaweeyey magaaladaasi. Dhal-lintan ayaa bilihii ugu dambee-yay waday isdhexgal ballaaran oo ay ku kulmeen meelo kala duwan oo ka mid ah deegaan-nada Gobollada Dhexe. Waxay

ka kala tageen deegaanno ay kamid tahay magaalada Ca-daado.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay dhalinyarada Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin kamid ah maamullada labad dhinac, odayaal iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedka isdhexgalka dhaliny-arada ayaa looga gol leeyahay sidii ay u noqon lahaayeen kuwa isbadal ku soo kordhiya xaaladda siyaasadeed iyo tan bulsho ee deegaannada Go-bollada Dhexe ee bartamaha dalkeenna.

Arrintan ayaa qeyb ka ah horu-marka ay sameynayaan buls-hada Soomaaliyeed ee Gobol-lada Dhexe, waxaaney ku soo aadeysaa xilli dadka halkaasi deggan ay dhawaan dhisanay-aan maamul-goboleed ay iyagu leeyihiin.

Dhuusa Mareeb: Kulan ay yeesheen ururrada haweenka gobolka Galguduud ayey codsadeen in laga kaabo dib-u-soo celinta adeegyadii buls-hada, iyagoo sheegay inay ku yar yihiin gobolka.

Ururrada haweenka gobolka Galguduud ayaa xusay in baahi xooggan loo qabo kaabidda, xoojinta iyo ka shaqaysiinta adeegyada ay ka mid yihiin; caafimaadka, waxbarashada, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, xannaanada waayeelka iyo tayeynta ururrada bulshada ee gobolka gaar ahaan kuwa haweenka.

“Haddii aannahay haweenkii waxaa naga ma-qan adeegyadii caafimaadka, waxbarashada (…) taasina waxey sababtay dib u dhac weyn oo

ku yimid magaalada Dhuusa Mareeb” ayey tiri marwo ku hadashay magaca ururka haweenka gobalka Galguduud.

Guddoomiyaha horumarinta haweenka Gob-bollada Dhexe Sacdiyo Maxamad Cilmi ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la horumariyo adeegyada bulshada, loona kaashado hirgalinta hawshan hey’adaha iyo laamaha qaabilsan horu-marinta bulshada ee ku shuqulka leh.

Kulankan ayaa qeyb ka ah horumarka bulsho ee waqtiyadii ugu dambeeyay sameynayeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool bartamaha dalkeenna, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Mudug.

Gaalkacyo: Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka socda howlo isugu jira dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameynayo qaar ka mid ah waddooyinka magaaladaasi, waxaana howlahaasi fulinaya dowladda hoose Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

Dayactirka iyo dib u dhiska waddooyinka lagu wado ayaa waxaa iska kaashanaya

maamulka dowladda hoose iyo hay’ado caalamiya, iyadoona howsha dhismaha waddooyinka ay fulinayaan shirkad Soom-aaliyeed oo lagu magacaabo Oshaco Company.

Howlahan dayctirka wad-dooyinka Gaalkacyo ayaa lagu wadaa inay socdaan muddo 3 bilood ah, waxaana wad-dooyinka qaarkood laga dhigi doonaa kuwa laami ah sida uu

warbaahinta u sheegay duqa magaalada Gaalkacyo Bile Diini Cali.

Tallaabada dhismaha iyo dib-u-dayactirka waddooyinka waxaa si weyn u soo dhaweeyay darawallada wada gaadiidka ka dhax shaqeeya gudaha magaal-ada Gaalkacyo iyo deegaan-nada kale.

Dhallinyarada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo ka midoobay horumarinta bulshadooda

Haweenka Galguduud oo codsaday horumarinta adeegyada bulshada

Maamulka Galmudug oo dib u dhisaya waddooyinka Gaalkacyo

Page 4: Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofember 2014

4 Cadadka 020-aad, Sanadka 2-aad Sabti 01, nofember 2014QORAALLADA WARGEYSKA

KOBACA DHAQAALAHA IYO GANACSIGA DALKA

Muddo iyo marxalado adag ee dalka Soomaaliya soo maray kadib, ayaad mooddaa in xoogaa horumar ganacsi laga dareemayo guud ahaan dalka, taas oo la oran karo waa barta ugu dhaw ee lagu gaari karo kobac dhaqaale, kaasoo la hiigsanayo mustaqbal dhaw, walow aan la oran karin waa sidii loo baahna, hadana, waxey dabooleysaa mugdigii iyo maqnanshihii ganacsi, ee ka jiray gayiga Soomaaliyeed.

Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan ah, haddii la doonayo in dhaqaaluhu wanaagsanado in la badiyo waqtiyada ganac-siga, iyada oo la tayaynayo wax soo saarka dalka, lana samey-nayo noocyada kala duwan ee ganacsi, isla markaana waa in la sameeyaa daraasado laga sameeyo dhulka ganacsiga ku wanaagsan, si maalgashiga dhulka u sahlanaado, qofkana

kalsooni ku abuurta. Haddaba, waxaan meesha ka marneyn in dawladdu u dhugyeelato sidii wax soo saarka deegaanka loo xoojin lahaa, waxaana loo baahan yahay inay dardargaliso qorshayaasha ku aaddan horu-marinta ganacsiga iyo tabaca wax soo saarkooda, si dalku ugu biiro wadamada dhaqaalahoodu dhexdhaxaadka yahay ama soo koraya.

Dadaallada loogu jiro kor u qaadista horumarinta ganacsiga waa inay ahaadaan kuwo jihey-san, kuna salaysan nidaamyada casriga ah ee ganacsi, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee guud ahaan ka jira dalkeenna, maadama ay yihin khayraad u baahan, si fududna looga faa’iidaysan karo, isla markaana wax ka badali kara kobaca dhaqaale ee deegaanka. Kolka lagu guuleysto horumarinta

ganacsi iyo ka faa’iidaysiga wax soo saarka dalka sida saddexda ah, waxaa suurto-gal ah in la dhimo cuntoyarida ama gaajada (saboolnimada), shaqo la’aanta iyo ka maarmidda taageerada raashin ee wadamada shisheeye ka yimaada, wuxuuna deegaanku awood u yeelanaya loollanka dhaqaale ee wadamada caal-amka.

Waxaana gabi ahaan meesha ka baxaya kaalmada aadami ee aanu weydiisanno guud ahaan caalamka, waxaana loo soco-nayaa tubta nabadda iyo horu-marinta dhaqaalaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Gabagabada iyo gunaanadka qoraalkaygan gaaban waxaan leeyahay dhaqaalaha deegaanka wuxuu kor u kici kara marka la hormariyo tacabka wax soo saarka dalka, lana jiheeyo

qaababka ganacsiga ee caal-amka ka jira, si shaqo la’aanta iyo saboolnimada la yareeyo, dalka iyo dadkuna ku badbaad-ayaan waa in tayaynta ganacsiga iyo tacabka wax soo saarka kor loo qaadaa, oo ku xiran kobaca dhaqaale ee deegaanka.

W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi | [email protected]

DIFAACA DALKIIN-NOO, U DHAQAAQA DANTIINNA WAA LA ISKU DULLEYSTAA, DARXUMIYO DURUFOO WEY DUMISAA DAL DHISAN, DADKANE WEYSKU DIRTAA

Tallaalka cudurka dabeysha

Qaramada Midoobey ayaa sheegtey 16 agoosto 2013 in cudurka dabeysha uu halis weyn ku hayo Soomaaliya, iyada oo xilligaa kiisaska laga helay carruurta qabta cudurkani ay gaarayeen 105 qof, taasi oo ka dhigan kala bar guud ahaan tiradii adduunka oo dhan laga heley sanadkii ka horeyay.

Inta badan meelaha laga sheegayo cudurka dabaysha waa meelaha aysan gaari karin kooxaha caafimaadka ee tallaalka bixiya, oo ka fog magaalooyinka ay amni xumo daran ay ka jirto ama Al-shabaab gacanta ku hay-aan.

Soomaaliya ayaa la sheegey in cudurka da-beysha laga cirib tirey 7 sano ka hor, iyada oo la tallaalay dad gaaraya 4 milyan oo qof, had-dana, wali waxaa muuqata in raadkiisa wali muuqdo, oo aan si rasmi ah loo dabargoyn.

Waa maxay POLIO?POLIO waa cudur ka yimaado feyrus, wuxuuna ku dhacaa carruurta ama dadka waa weyn jirkooda, asagoo dhex maraayo afka. Mararka qaarkood ma keeno halis dhab ah, laakiin marar kale wuxuu keenaa qallal (aadan nuuxin karin lugaha ama gac-maha). Wuu dili karaa dadka uu ku dhaco, caadi ahaaan asagoo qallal ku rida murqaha saacida neefsashada. Cudurka dabeysha aad buu caadi uga ahaan jiray adduunka, wuxuuna ku riday qallal dila kumaannaan kun ee dadka caalamka ah sanad kasta ah, inta aan loo helin tallal, oo uu hindisay dhaqtarkii weynee, ee la oran jiray Jonas Salk.

Waa maxay sababta la isku tallalaayo?Tallalka POLIO aan dhaq-dhaqaaq laheyn (IPV) wuu ka hortagi karaa polio. 1916kii cudurkii saf-marka POLIO ee waddanka USA wuxuu dilay 6,000 qof, qallalna ku riday 27,000 kale. Intii ka horeyey 1950kii waxaa jiray ilaa 20,000 xaalad ee dabeysha sanad kasta sababto. Tallaalidda POLIO wuxuu billowday 1955kii, markii la gaaray 1960kii tirada dadkii qabay hoos ayey u dhacay ilaa 3,000. Markii la gaaray1979kii waxaa jiray ilaa 10,000. Guusha tallaalka polio ee waddanka marenkanka iyo wadamada kale waxey dha-lisay in adduunka oo dhami isku daydo in uu baabiyo POLIO. Haddii dadaalka baabi’inta cudurka ee dunida lagu guuleeysto, maalin maalmaha ka mid ah uma baahan doonno tallaalka POLIO. Inta waqtigaas laga garaayo waa in aan wadnaa tallalka careuurteenna.

Yaa la siinayaa tallaalka POLIO iyo goorma?Tallaalka IPV lagaaga duro lugta ama ga-canta, ayadoo ku xiran tahay da’da tallaalka. Tallaaalka POLIO waxa laguula siin karaa tal-lalo kale, oo aad qaadan lahayd, oo laguugu dhexdari karaa.

Carruurta:Dadka badidood waa iney qaataan tallaalka POLIO markey carruurta yihiin. Carruurtu waxey qaataan 4 qiyaas ee IPV da’daan:- Hal qiyaas 2 bilood - - Hal qiyaas 6-8 bilood- Hal qiyaas 4 bilood - Qiyaas badan 4-6sano jir

Dadka waaweynDadka waa weeyn badidood uma baahna tallaalka POLIO, sababtoo ah horay ayaa loo tallaalay carururnimadooda, laakiin seddex kooxood oo dadka waa weeyn ah ayaa halis ugu jiro, waa in ey qataan tallaalka POLIO, oo kala ah:1- Dadka u safraayo dalalka uu POLIO ka jiro.2- Shaqaalaha sheybaarka oo laga yaabo FYRUSKA POLIO in uu gaaro.3- Shaqaalaha daryeelka caafimaadka, ee xannaaneeya bukaan-socodka qaba POLIO.

Dadka waaweeyn ee ka mid ah saddexdaan koox oo aan waligood qaadan tallaalka polio waa in ey qataan saddax qiyaas ee IPV:- Qiyaasta koowaad waqti kasta- Qiyaasta labaad 1-2 bil kadib,- Qiyaasta sedexaad6-12 bilood ka dib qiy-aasta labaad.

Dadka waaweyn ee ka mid ah saddexdan koox ee qaatay 3 qiyaas ama ka badan ee tallaalka polio (IPV ama OPV) waqti hore, waxey heli karaan qiyaas badan IVP

Xasuusin:Wixii intaan ka badan wac ama la xariir dhakhtarkaaga ama kaaliyaha cafimaad, si aad warbixin fiican uga heshid, ama tag rugta kuugu dhaw ee lagu bixiyo barnaamijka caafimaadka asaasiga ah.

FARRIIN CAAFIMAADW/Q: Maxmed Cali Axmed | [email protected]

Page 5: Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofember 2014

Cadadka 020-aad, Sanadka 2-aad 5QORAALLADA WARGEYSKASabti 01, nofember 2014

KOBACA DHAQAALAHA IYO GANACSIGA DALKA

SIDEE LOO ABUURAA MASHRUUC GUULEYSTA?Waxaa jira dad aan tiro yareyn oo doonaya in ay riyadooda u rumowdo, balse aan wali xattaa qaadin tallaabadii koobaad. Dadkaas waxaan dhihi lahaa “Tallaabada ugu hor-reysa waa in aad adiga la timaaddaa; maxaa yeelay dhallaankuba ma socdo illaa uu marka hore gurguurad billaabo”. Waxaa laga yabaa in badan oo naga mid ah inaysan laheyn geesinimadii ay tallaabadaa ugu horreysa ku qaadi lahaayeen, balse taasi ma ahan mid anaga (soomaalida) oo kaliya nagu kooban ee adduunka oo dhan ayey ka jirtaa.

Brain Tracy oo ah qabiir u dhashay waddanka Canada ahna (public speaker) ayaa wuxuu leeyahay; “Cabsida laga qabo guuldarrada ayaa sabab weyn u ah inay dadku guldarey-staan ee sababta loo guuldarreysto ma ahan guuladarrada naftirkeeda”.

Anigu (qof) Bashiir ahaan waxaan dhiirrigali-nayaa in la riyoodo, balse waa in aad ogaataa in uu farqi u dhaxeeyo in aad riyooto oo aad raadiso qaabkii aad riyadaada ku rumeyn la-heyd, dadaal dheeraad ahna aad la timaaddo iyo in aad riyooto oo aad haddana riyadaada la jiifato, adiga oo is leh waxaad heli doontaa

faraantigii nabi Suleymaan Csw (Faraantigii nabi Suleymaan wuxuu ahaa faraanti awood u siinayay nabiga inuu amro jinniga iyo insiga iyo in uu la hadlo xayawaannada, wax walba ee uu adduunka ka doonayana u fududeyn jiray). Qof kasta oo riyooda wuxuu u baahan yahay inuu si dhab ah u riyoodu, sida Colonel Harland Sabders kaas oo ku riyooday inuu furto maqaaxida caanka ah ee KFC, dadaal badan oo 65 sano ah qaatay kadib ayey riyadiisii rumowday. Marka waxaa lagaaga baahan yahay in aad ficil la timaaddo oo aad ka tagto heerka riyada ee afka kaliya ku eg.

Aqristayaasha qaar ayaa laga yaabaa in ay is weydiiyaan inay jiraan tallaabooyin suur-tagalin kara inuu mashruucaadu guuleysto. Waxaan qabaa tallaabooyinkan soo socda ee hoos ku qoran in ay kaa caawin karaan inuu mashruucaadu heer fiican gaaro:

1- Marka ugu horreeysa waa in aad hiigsi-gaaga (waxa aad rabto in ay kuu hirgalaan ama aad meel marsiiso) warqad cad ku qortaa ka dibna aad dhigto meel aad maalin kasta ka arki karto.

2- Waqti u yeel hiigsigaaga oo qor imisa saacad, bilo ama sano kadib ayaad dooney-saa in uu mashuuraacani guuleysto. Tusaale qor 11/10/2015.

3- Waa inaad la timaaddaa istaraatiijiyad dhammeystiran oo caddeyneysa dham-maan waxyaabaha aad isleedahay way kugu saacidi karaan sidii ay riyadaadu ku rumoobi laheyd.

4- Hadda billow sidii aad riyadaada ku bursan lahayd, waqtiga ha sugin, iskana ilaali inuu ruux kale ku niyadjabiyo riyadaadana wax kama jiraan ka soo qaado. Eebbe harreeyee wuxuu leeyahay; “Marka aad go’aan gaarto Allaah talo saaro”, Alle talo saaro, horayna u soco oo ku dhaqaaq waxa aad rabto in aad suura galiso

5- Waa in aad u kuur gashaa waxa suuqa looga baahan yahay. Waxaa muhiim ah inaad la shirtimaaddo wax dadku u baahan yihiin, kana gadmaya. Arrintan waxay u baahan tahay inaad la kaashato dadka ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha.

W/D: Bashiir Xaashi Dhoorre | [email protected]

Sheeko ka hadleysa nolosha haasaawaha dhallinyarada.

Walow ay fogaatay habeenka ballanta loo dhigay Bashiir, hadana waxaa uga darneyd inaanu ogeyn siduu qorshahoodu noqo-naayo iyo in aanay meel cayimin ku ballamin, hadalkoodana aanu dhaafin laba habeen kadib inay is arkaan. Makaana fursad uma helin inay mowcidka goortiisa iyo booskiisa isla meel dhegaan. Wuxuu Bashiir ku khas-banaaday inuu soo aado xaafadda Haboon si uu u soo saxo arrimaha ballanta kulankooda ka dhinnaa.

Gababtii sabtida 21/11/1981 ayuu nasiib wa-naag la kulmay Haboon, oo ka timid dhanka suuqa, oo ay ka soo adeegtay, una socota guriga. Kulankaasna wax ka badan meesha ay ugu imaaneyso iyo saacadda ay u imaan-eyso iskuma dhaafsan Bashiir iyo Haboon, wuxuuna ka tegay asagoo ka fekeraaya maadaama ay Haboon suuqa ka timid inay ka soo adeegatay dukaanka Maxamud uu ku iibiyo suuqa, oo ah meesha ay isku barteen Maxamud iyo Haboon kuna saaxiibeen, walow hadda loo sheegay inay kala boodsan yihiin, laakiin, uu Maxamud kaga fursad badan yahay aragtida Haboon. Habeenkii kulanka waxaa Bashiir u suurtagashay inuu Haboon u sheego dareenkiisa iyo muddada dheer uu sugaayay inuu ugu sheegto jaceylka uu u qabo, Haboonna waxay ku soo dhawey-say si aanu qiyaasi karin, waxaana billowday

xiriirkii ugu horreeyay. Bashiir ma weydiin Haboon inay laheyd saaxiib asaga uga hor-reeyay iyo in kale, weliba asagoo ogaa inuu jiray, Haboonna maba fahamsaneyn arrima-haas in leys weydiiyo iyo in kale. Bashiir mar-kuu xaafadda u soo dhaweeyay ka dib ayuu ka tagay, ayagoo ku ballamay inuu habeen dambe ugu yimaado gurigeeda.

Habeenkii xigay todobadii habeebnimo ayuu Bashiir soo garaacay albaabka guriga Ha-boon, waxaana ka furtay Hooyo Faaduma oo habeenkii labaad uu Bashiir yimaado gurigooda noqotay qofka ka fura albaabka. Waxay mar labaad ku soo dhaweysay jawi farxadeed iyo inay u yeerto gabadheeda Haboon, si ay ula soo dhaweyso martida sharafta leh. Bashiir waxaa isugu darsamay farxad iyo cabsi aanu garaneyn wuxuu ka baqaayo.

Waxaa shaki geliyay sida ay Hooyo Faad-uma markiiba ay qolkeeda u gashay markey Haboon la wareegtay soo dhaweyntiisa iyo weliba tarmuuska iyo koobabka lagu diyaar-iyay miiskuu ku cabay faantada habeenkii ka horreeyay ee uu guriga yimid. Wuxuu u qaatay in aaney jirin sheeko qarsoon, oo ay xataa ogtahay Hooyo Faaduma, markey Haboon soo agfadhiisatay ayuu weydiiyay; “Hooyadaa ma wax baad u sheegtay?” Haboon ayaa ugu jawaabtay; “Waxba uma sheegin, ee maxaad aragtay?” Bashiir ayaa ugu jawaabay; “Waxaan u maleeyay inay sheekadeenna la socoto, oo sidaa daraad-eed noogu firaaqeysay!” Haboon ayaa ku

soo afjartay inay hooyadeed siiso fursad ay ku sheekeystaan dadka ayada u yimaado. Bashiir asagoo og inaan leyska indhatiri karin inuu guriga u yimid Haboon awgeed ayuu haddana jecleysan sida kashifaadda ula muuqata ee uu xaalku ku socdo, walow Khadiijadii ka horreeysay uu ugu sheekeyn jiray gurigooda, balse, farqiga u dhexeeya uu yahay in markaas loo arkaayay mid wax u akhriya Khadiija, balse, aan la ogeyn mu-raadkiisa iyo waxa ay iska damacsan yihiin, laakiin, soo gelitaanka gurigaan ma laha wax loo sababeeyo, aan ka aheyn inuu gabad-hooda u yimid, muraadkiisa uu u muuqdo mid wanaagsan, maadaama aan lagu ogeyn xumaan, lana og yahay inuu wiil fiican yahay.

Bashiir wuxuu si fiican u fiiriyay wejiga Ha-boon oo intay soo agfadhiisatay u shubtay koob shaah ah oo caddeys ah. Haboon oo fiirintiisa ka xishootay kuna taqaannay inuu aad u fiirin jiray ayaa ku sigatay inay koobka la gefto shaaha ay ku shubaysay, markaas ayay tiri; “Hee” sidii inuu u yeeray oo kale. Bashiir asagoon weli ka jeesan ayuu yiri; “Maxay!” Haboon oo soo baraarugtay ayaa ku tiri; “Inaad ila hadashay ayaan mooday!” habeenkaas waxay wadagaleen hishiis ah in sirtooda aaney dhaafin labadooda iyo inay ka wada hadlaan wixii is afgaran waa ama kala aaminbax keeni kara. Wuxuu Bashiir soo tegay asagoo aan weli meeldhigin inay ku ballamaan meel ka baxsan guriga Haboon.

La soco Q.7aad

RUN MISE BEEN?! | Q6AADW/Q: Axmed Xaayow (Dulmidiid)

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha.

Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: [email protected]

Page 6: Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofember 2014

Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe

WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!