6
Wixii faahfaahin dheeri ah, la soo xariir: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]). Kala xariir: [email protected] WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MARREEB Khamiis, 01 maajo 2014, Cadadka 014-aad, Sanadka 2-aad ...ka akhri bogga 4aad & 5aad. ...ka akhri bogga 4aad. ...ka akhri bogga 2aad. ...ka akhri bogga 3aad. ...ka akhri bogga 3aad. ...ka akhri bogga 5aad. ...ka akhri bogga 6aad. CAABUDWAAQ OO DOORATAY GUDDOOMIYE QEYBDIID OO KALA DIRAY WASIIRRO, KUWANA SOO MAGACAABAY WARBIXIN KU SAABSAN GSS QORAALLO KALE ISBEDEL-DOON Qeybtii 1aad W/Q: C/qaadir Farah Diriye (Carab) SOCDAALKII GOBOLLADA DHEXE Qeybtii 6aad W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr MURAN KA TAAGAN GUDDOOMIYAHA CUSUB EE HIIRAAN RUN MISE BEEN! Qeybtii 1aad W/Q: Axmed Xaayow (Dulmidiid) CUDURKA DUUMADA W/Q: Maxamed Cali Axmed Sh, So Qiimaha 3000 XIMAN IYO XEEB OO CIIDAN ILAALO AH U DIRAYA XEEBAHA Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa aad uga carooday in Villa Soomaaliya laga soo magacaabo guddoomiyaha gobolka Hiiraan, waxayna ka dha- waajiyeen in ay tahay tallaabo khaldan, xilli la filayay guddoomiye... ...ka sii akhri bogga 3aad. Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa diyaar garow ugu jira ciidan boolis ah oo ka howlgali doona deegaannada kulaala xeebaha hoos taga maamul- kaas. Hawlgalinta ciidanka ayaa ku soo aadaysa xilli qatarta burcad... ...ka sii akhri bogga 3aad. QURBE JOOGTA HOLLAND OO KA SHIRAY BIYO LA’AANTA GOBOLLADA DHEXE Sida laga soo sheegayo gobollada dhexe, gaar ahaan deegaanno ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa dad ugu geeriyoodeen biyo la’aan soo wajahday dadka goobahaasi ku nool. Qurbejoogta ka soo jeedda deegaannadaas, ee ku nool waddanka Holland ayaa durbaba......ka sii akhri bogga 2aad.

Wargeyska Gobollada Dhexe - Bisha Maajo 2014

Embed Size (px)

DESCRIPTION

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Marreeb

Citation preview

Page 1: Wargeyska Gobollada Dhexe - Bisha Maajo 2014

Wixii faahfaahin dheeri ah, la soo xariir: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]).

Kala xariir: [email protected]

WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MARREEBKhamiis, 01 maajo 2014, Cadadka 014-aad, Sanadka 2-aad

...ka akhri bogga 4aad & 5aad.

...ka akhri bogga 4aad.

...ka akhri bogga 2aad.

...ka akhri bogga 3aad.

...ka akhri bogga 3aad.

...ka akhri bogga 5aad.

...ka akhri bogga 6aad.

CAABUDWAAQOO DOORATAYGUDDOOMIYE

QEYBDIID OO KALA DIRAY

WASIIRRO, KUWANASOO MAGACAABAY

WARBIXIN KU SAABSAN GSS

QORAALLO KALE

ISBEDEL-DOONQeybtii 1aad

W/Q: C/qaadir Farah Diriye (Carab)

SOCDAALKIIGOBOLLADA

DHEXEQeybtii 6aad

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

MURAN KA TAAGAN GUDDOOMIYAHA CUSUB EE HIIRAAN

RUN MISE BEEN! Qeybtii 1aad

W/Q: Axmed Xaayow (Dulmidiid)

CUDURKADUUMADA

W/Q: Maxamed Cali Axmed

Sh, So

Qiimaha 3000

XIMAN IYO XEEB OO CIIDAN ILAALO AH U DIRAYA XEEBAHA

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa aad uga carooday in Villa Soomaaliya laga soo magacaabo guddoomiyaha gobolka Hiiraan, waxayna ka dha-waajiyeen in ay tahay tallaabo khaldan, xilli la filayay guddoomiye... ...ka sii akhri bogga 3aad.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa diyaar garow ugu jira ciidan boolis ah oo ka howlgali doona deegaannada kulaala xeebaha hoos taga maamul-kaas. Hawlgalinta ciidanka ayaa ku soo aadaysa xilli qatarta burcad... ...ka sii akhri bogga 3aad.

QURBE JOOGTA HOLLAND OO KA SHIRAY BIYO LA’AANTA GOBOLLADA DHEXE Sida laga soo sheegayo gobollada dhexe, gaar ahaan deegaanno ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa dad ugu geeriyoodeen biyo la’aan soo wajahday dadka goobahaasi ku nool. Qurbejoogta ka soo jeedda deegaannadaas, ee ku nool waddanka Holland ayaa durbaba......ka sii akhri bogga 2aad.

Page 2: Wargeyska Gobollada Dhexe - Bisha Maajo 2014

2 Cadadka 014-aad, Sanadka 2-aad WARARKA Khamiis 01, maajo 2014

QURBE JOOGTA HOLLAND OO KA SHIRAY BIYO LA’AANTA GOBOLLADA DHEXE

Sida laga soo sheegayo go-bollada dhexe, gaar ahaan deegaanno ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa dad ugu geeriyoodeen biyo la’aan soo wajahday dadka goobahaasi ku nool.

Qurbejoogta ka soo jeedda deegaannadaas, ee ku nool wad-danka Holland ayaa durbaba bil-laabay inay u gurmadaan dadka dhibaatadu ka soo gaartay biyo la’aanta, iyagoo soo soo qaba qaabiyey kulan ka dhacay ma-gaalada Breda ee waddankaasi Holland.

Guddoomiyaha ururka Himilo, Cabdullaahi Maxamuud “Tima Cadde” ayaa sheegay in ay ugu deeqeen si deg deg lacag dhan $5000 (shan kun oo dollar), dadka dhibaatada biyo la’aanta ahi soo gaartay, ee ku nool

deegaanno ku kala yaalla gobol-lada Hiiraan iyo Galgaduud, isa-goo sheegay in intaasi oo kaliya aanuu gargaarkooda deg degga ah ku ekaan doonin.

Cabdullaahi “Tima Cadde” ayaa xusay inay sidoo kale gacan weyn ka geysteen musiibo dha-waan ka dhacday deegaanno ku yaalla dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Soomaalidu ay dagto.

Nabaddoon Yaasiin Cabdi Faarax oo jaaliyadda Himilo ee wad-danka Holland u matalayay wafdi ka kala socday jaaliyadaha wad-damada Yurub, oo u amba baxay dalka Itoobiya, ayaa kulanka war-bixin dheer ka siiyay dadweynihii kulanka ka soo qeybgalay iyo safarkii uu ku tagay deegaannadii musiibadu ka dhacday.

“Waxaan tagnay goobtii musi-

ibadu ka dhacday ee saddax baar, xilli galab ah, si fiican ayaa naloogu soo dhaweeyay, balse, meesha dhib weyn ayaa ka dhacay oo wabigii ayaa ku soo fatahay, oo runtii geedihii xitaa qariyay, waxaa kaloo kaga dar-neyd dhibkii ciidamadii dowladdu u gaysatay, oo runtii ayadana xanuun badneyd” sidaas waxaa yiri Nabaddoon Yaasiin oo ku sii daray “…dadkaas waxay daree-mayeen calool xumo iyo sidoo kale inay meesha ku yar yihiin oo looga awood badan yahay, waxay run ahaantii u baahan yihiin gacan qabasho, waa dad wax soo saaranaya.”.

Guddoomiye ku xigeenka ururka Himilo Axmed Guurre Dhiblaawe oo isna bulshada la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in bulshada ka soo jeedda deegaannada dhibaatooyinku ka

dhaceen ay gacan weyn ka gey-staan sidii dadkii dhibaatadu soo gaartay wax loogu qaban lahaa.

Jaaliyadda Himilo ee waddanka Holland ayaa ku gudajirta qa-banqaabada kulammo deg deg ah oo ay ku qabandoonaan magaalooyinka kala duwan oo waddankaas ku yaalla, halka sidoo kale jaaliyadaha kale ee waddamada Yurub ay iyaguna billaabeen qabanqaabada sidii loogu gargaari lahaa dadku dhibtu soo gaartay.

Dhibaatada biyo la’aanta ayaa laga soo sheegay inay ka jirto deegaanno ay kamid yihiin Ma-tabaan, Maxaas, Laanle, Tuulo Caano, Galijir, Sanaan iyo Ceelo Dhiinle oo ka kala tirsan gobol-lada Hiiraan iyo Galgaduud.

Degmada Caabudwaaq ee ka tirsan gobolka Galguduud, waxaa ka dhacay doorasho loogu tartamay xilka guddoomiyanimada magaaladaasi.

Golaha guurtida deg-mada Caabudwaaq oo ka kooban 33 xubnood ayaa guddoomiyaha degamada u doortay Cabdirsaaq Xasan Cawl.

Maxamed Ciise Cadde oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay najiiada doorashada, kaddib markii Cab-dirsaaq Xasan Cawl uu helay 17 cod oo ka mid ah 33-ka xubnood ee golaha guurtida u codeeyay.

Musharraxa laga guulaystay oo lagu magacaabo Deeq Caabbi Xasan oo helay 15 cod ayaa sheegay inuu aqbalayo natiij-ada doorshada, uuna la shaqeyn doono maamulka cusub ee la soo doortay. Dhinca kale, guddoomiyaha cusub ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono nabadda deegaanka, isdhexgalka bulshada iyo wanaajinta xiriirka deegaannada deriska la ah.

Maamulka cusub ee Caabduwaaq waxaa horyaallo caqabado dhawr ah, oo ay ugu horrayso ammaanka iyo xasilloonida, oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal amni darro oo la xiriira aano

iyo kala aar beeleed, kuwaas oo markii dambe lagu guulaystay in la xalliyo, balse, mar walba ay dhici karto inay dib u billowdaan.

Ma ahan degmadii ugu horraysay ee yeelata maamul shacabkeedu doorteen oo waxaa uga horraysay degmada Cadaado, oo bartamihii bishii Feberaayo gud-doomiye loo doortay C/llaahi C/raxmaan Xuseen.

Degmada Caabudwaaq oo guddoomiye dooratay Ximan iyo Xeeb oo ciidan ilaalo ah u diraya xeebahaMaamulka Ximan iyo Xeeb ayaa diyaar garow ugu jira ciidan boolis ah oo ka howlgali doona deegaan-nada kulaala xeebaha hoos taga maamulkaas. Hawlgalinta ciidanka ayaa ku soo aadaysa xilli qatarta burcad badeedka xeebaha gobollada dhexe ay aad u sii yaraanayaan, marka loo eego sanadihii la soo dhaafay.

Wasiirka amniga maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Daahir Muxumed ayaa warbaahinta u sheegay in uu maamulku ka ja-waabayo codsi uga yimid

kalluumaysatada ka caba-naya maraakiib iyo doonyo shisheeye oo caqabad ku ah kalluumaysatada Soom-aalida.

Sido kale wasiirka ayaa tilmaamay in ciidanku ka howlgeli doonaan deegaannada Ceel Huur, Faax, Gaan, Qosol Tire iyo kuwo kale oo ku teedsan xeebta.

Mudane Maxamed ayaa xusay inay ciidanku xoojinayaan maamullada deegaannadaasi, si loo adkeeyo ammaanka.

W/Q: Tafaftiraha Wargeyska | [email protected]

NOO SOO DIR WARBIXIN KA HADLEYSA HORUMARKA KA JIRA GOBOLLADA DHEXE.

HALKAAN KU XAYAYSIISO GANACSIGAAGA, OGEYSIISYADAADA, CODSIYADAADA IYO WIXII KALE OO AAD JECLAAN LAHEYD. NAGALA SOO XARIIR:

[email protected]

[email protected]

Page 3: Wargeyska Gobollada Dhexe - Bisha Maajo 2014

Cadadka 014-aad, Sanadka 2-aad 3WARARKAKhamiis 01, maajo 2014

Urur isboorti ah ayaa laga hirga-liyay gobolka Galguduud, kaas oo ka howgali doona degmooy-inka gobolka Galguduud.

Galgaduud Sports Somalia (GSS), oo ah ururka cusub ee la sameeyay, ayaa ka shaqeynaya kor u qaadidda tayada isboor-tiga gobollada dhexe, gaar ahaan gobolka Galguduud .

C/wali Aadan Maxamed ayaa loo doortay guddoomiya cu-sub ee ururka, wuxuuna ballan qaaday in uu wax badan ka badali doono tayada isboortiga gobolada dhexe.

“Waxaa hadda ka dhisan gobolka gaar ahaan degmada Dhuusa Mareeb 8 koox oo waa weyn, waxa uuna ururka GSS ugu talagalay in loo fidiyo kooxahaas tabarrucaad qalab isboortiya, waxaana laga rabaa tabarrucaadas qof kasto oo go-

bolka ka soo jeedo inuu gacan ka geysto”

Mudane C/wali wuxuu xusay in ay u hagar bixi doonaan ho-rumarinta isboortiga gobolka Galguduud iyo guud ahaan Gobollada Dhexe, ayna gaarsiin doonaan meel sare. Gobolka Galguduud kama jiraan ururro

ka shaqeeya uun horumarinta isboortiga. Ururkan ayaa no-qonaya midkiisii ugu horreeyay oo howlo nuucan oo kale ah qabanaya.

Waxaad kala xiriiri kartaa, Gal-gaduud Sports Somalia (GSS), ciwaanka ah: [email protected]

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa C/fitaax Xasan Afrax loogu maga-caabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa aad uga carooday in Villa Soomaaliya laga soo maga-caabo guddoomiyaha gobolka Hiiraan, waxayna ka dhawaajiyeen in ay tahay tallaabo khaldan, xilli la filayay guddoomiye dadka gobol-kaasi ay soo doortaan.Xasan Kulmiye Waasuge, guddoomiyaha odayaasha golaha dhaqanka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in xilliyo badan ay aqbaleen in guddoomiyaha gobolka laga soo magacaabo Muqdisho, balse iminka aan waqtigaasi la joogin.

“Waxaan rabnaa in aan halkaan farriin uga dirno mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda oo uu ugu hor-reeyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan leennahay madaxweynaha marar badan ayaan aqbalnay oo aan qaadanay wax aan inoo cuntamin, waqtigaas waa uu soo dhamaaday.” ayuu yiri nabaddoon Waasuge, isagoo sii raaciyay “…ballan ayeeynu lahayn madaxweynaha, halkaan ayuu inoogu yimid waxa uu inoo sheegay in tallaabo aysan ogayn odayaasha uusan qaadi doonin, sidaa daraad-deed waxaan ka fileynaa in uusan ka bixin ballantii uu qaaday.” Masuul kasta oo doonaayo in loo maga-caabo guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, ayuu marka hore u jeediyay in uu soo xirto dareyska ciidamada, kana qayb qaato dagaal-lada Al-Shabaab looga saaraayo gobolka Hiiraan, kadibna uu oday-aashiisa wax weydiisto.

Bartamihii bishii April ee sanadkii hore ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan laga dhigay Cabdi Faarax Laqanyo, oo loo soo magacaabay si ku meel gaar ah, muddo 6 ilaa 7 bi-lood ah inuu deegaanka hoggaamiyo, inta ay iyagu ka soo doortaan gud-doomiyahooda.

Gobolka Hiiraan oo kaliya ma ahan gobollada guddoomiyaashooda laga soo magacaabay Muqdisho, waxaa sidoo kale sanadkii hore gobolka Galguduud loo soo magacaabay Xuseen Cali Waheliye (Cirfo) inuu noqdo guddoomiyaha gobolkaasi.

“Horumarinta isboortiga gobolka Galgaduud ayaan u istaagnay...” Muran ka taagan guddoomiyaha cusub ee DFS u magacowday Hiiraan

Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa bil-lowgii bishii April kala diray golihii wasiirrada maamulka Galmudug.

Wareegto ka soo baxday xafiiska mad-axweynaha maamulka Galmudug (Qeybdiid) ayaa lagu sheegay in la kala diray wasiirradii iyo wasiirro ku xigeennadii maamulka Galmudug. Ujeedka ka dambeeeya kala dirista wasiirrada ayaa lagu sheegay inay howlgab noqdeen.Mudane Qeybdiid ayaa warbaahinta u shee-gay in bil gudaheed uu ku soo dhisi doono wasiirro tayo leh oo ay u dhan yihiin shacabka Galmudug State. Wuxuu kaloo shee-gay in Galmudug ay u baahan tahay isbedel iyo horumar, ay wasiir-rada la kala diray ka gaabsheen.

“Waxaa loo baahan yahay isbedel iyo horumar shacabka iyo deegaanka Galmudug in ay hore u socdaan ayay doonayaan, waxaan ka rajeynaynaa in waxqabad muuqda la imaan doonaan golaha wasiirrada cusub ee aan soo magacaabi doonno” ayuu yiri mad-axweynaha Galmudug.

Sidii laga sugayayba madaxweynaha Gal-mudug State mudane Cabdi Qeybdiid ayaa galabnimadii taariikhdu markey aheyd 28kii April ee sanadkan ku dhawaaqay qaar kamid ah wasiirro cusub, kadib markii bilowga bisha April uu kala diray wasiiradii xukuumaddi hore.

Qeybdiid ayaa xu-kuumadii hore ku eedeeyay Waxqabad la’aan, wuxuuna shee-

gay Maanta in uu rajey-nayo in Xukuumadaan Cusub ay hormariso Galmudug.

Xubno kamid ahaa goli-hii hore ayaa ka mid ah xukuumadda cusub.

Wasiirrada cusub ee maamulka Galmudug:

1- Cowke Xaaji Cab-diraxmaan, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaal-adda

2- Axmed Shariif Cumar Maxamuud, Wasiirka Caafimaadka

3- Xareed Cali Xareed, Wasiirka Kheyraadka

4- Xasan Faarax Barre, Wasiirka Ari-maha Fedaraalka iyo dib-u-heeshiisiinta

5- Maxamed Cabdi-qaadir Xaashi, Wasi-irka Waxbarashada

6- Maxamed Aadan Qalabxoor, Wasiirka kalluumeysiga

7- Xarbi Cali Kulane, Wasiirka Iskaashiga iyo Xariirka Caalamka

8- Cabdi Yuusuf Xasan, Wasiirka ar-rimaha gudaha iyo amniga

9- Xasan Maxamed Siciid Gacaliye, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha

10- Axmed Maxamuud Araxeey, Wasiirka Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha

11- Xasan Cabdi-qaadir Xasan, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta

12- Xasan Xaashi Warsame, Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska.

Qabydiid oo kala diray wasiirradii hore, kuwa cusubna magacaabay

WARGEYSKA GOBOLLADA DHEXE WAXA UU GANACSATADA, HAY’ADAHA, SHIRKADAHA IYO CID KASTA OO WARGEYSKA DANEYNEYSA UU FURSAD U SIINAYAA INAY XAYAYSIIS KU DAABACAN KARAAN.

SIDOO KALE WAXAAN AWOODNAA INAAN IDIIN NAQSHADEYNNO, HADABA WIXII FAAH FAAHIN ARRIMAHAA LA XARIIRA, KU SOO DIR FARRIIN CIWAANKA [email protected]

OGEYSIIS..OGEYSIIS!

Page 4: Wargeyska Gobollada Dhexe - Bisha Maajo 2014

4 Cadadka 014-aad, Sanadka 2-aad MAQAALLO Khamiis 01, maajo 2014

SOCDAALKII GOBOLLLADA DHEXE | Q6AAD

Markaanu joognay muddo magaalada Guri Ceel, ayaa waxaanu goor galaba u carrown-nay dhinaca degmada Ceel Buur. Degmada Ceel Buur oo bari kaga aaddan xarunta gobolka Galgu-duud, ee Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer) una jirta abbaar 100 km iyo ka badan ayaanu u jiheysanay socdaalkii dabada dheeraa, ee aanu ku soo marnay goobo badan oo ka tirsan gobollada dhexe.

Waxaannu soo soconnaba waxaanu goor habeennimo soo galnay magaalada Ceel Buur, waxaana waagu noogu beryay, magaalo aad u qurux badan oo dhismayaal wada dhagax ah ku yaallan, oo haddana cadcad leh, biyo fadhiisimo iyo harooyin waaweyn leh, sidoo kale, ceelal badan leh. Waxaad ceelasha ku arkaysay oo ka cabayey, mees-iyada kala duwan ee xoolaha, Geel, Lo’, Ari iyo Fardo. Sidoo kale, waxaa meel walba yaallay dalagga laga soo gurey beeraha ku xeeran degmada iyo tuulooy-inkooda, waxaadna dareemaysay inaad dhex taagan tahay xarun ay ka muuqato isku filnaansho.

Sidoo kale, gaadiidka u baxaya gobollada dhexe, koonfurta iyo dhinaca caasimadda Muqdisho ayaa ahaa mid lagu rarayo de-legga ka soo baxa ee isugu jira; haruurka ama masaggada iyo digirta, burjikooyinka iyo xoolaha

nool, bal aan dib u jaleecno waa meelma deegaanka Ceel Buur.

Ceel Buur waa degmo ka tirsan gobolka Galguduud ee barta-maha Soomaaliya. Waxay 375 km dhinaca waqooyi ka jirtaa magaala madaxda jamhuuriy-adda Soomaaliya ee Muqdisho, dhinaca koonfureed waxaa 100 km ka xiga degmada Ceel Dheer, dhinaca barina waxaa 100 km ka xiga degmada Gal Hareeri. Ceel Buur waxay hore uga tirsanaan jirtey gobolka Mudug intii uusan gobolkaasi kala qaybin xukun-kii hanti wadaagga ahaa ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Degmada waxaa hoos yimaada tuulooyin badan oo kala ah: Dac, Derri ‘Towfiiq, Jacar, Bargaan, Garablo, iyo Xamur.

Ceel Buur waxay ay caan ku tahay dhagaxa burjikada laga sa-meeyo, dab qaadka, farshaxan-nada iyo milix ama cusbo, taas oo loo iib gayn jirey waddanka gudahiisa iyo dibadiisa. Waxaa kale ay caan ku tahay geed loo yaqaan geedka Ceel Buur, oo ka baxo Ceel Buur oo kaliya inta la ogyahay. Ceel Buur waa magaalo ay daggan yahiin dad lagu qiyaaso guud ahaan de-gmada iyo tuulooyinkeeda ilaa 400.000. Ceel Buur waxay leeda-hay gal ama haro weyn oo haddii roob da’o buuxsanta, aadn u qurux badan cagaarka iyo biyaha harada dhex fadhiya, waxayna

degmadan ay ku can tahay ah gammaanka fardaha oo aad looga dhaqdo qoys weliba 80% waxay leeyihiin fardo u gaar ah.

Dhinacyada arrimaha bulshada waxaa ku yaalla labo isbitaal, waxey kaloo leedahay labo buundo, dugsi hoose/dhaxe iyo mid sare, gegi diyaaradeed oo aad u weyn. Magaladani waa magaalo qadiimi ah, sooyaal weynna ku leh gobollada dhexe ama gobolkii la dhihi jirey Mudug intaan la kala qaybin.

Haddaan dib u milicsano sooy-aalka magaalada Ceel Buur waa magaalo soo jirtey muddo ka badan ilaa 2 qarni oo soo martay marxalado kala duwan, waxay leedahay dhismayaal qadiimi ah oo la dhisay waaya hore. Sidoo kale, waxaa soo marey boqor-tooyin kala duwan oo ka soo taliyey qarnigii 16aad ilaa qarnigii 19aad. Waxay ahayd meel aad u qurux badan oo daaro cadcadaa biyuhu ku wareegsan yihiin. Ceel Buur ayaa waxay gaar u yeelatay ciidda laga sameeyo burjikada ama girgiraha. Ciiddaan oo sidoo kale laga sameeyo farshaxanno kale, waxaa la dhihi karaa waa magaaladii ugu horreysay ee wax ka bedesha marxaladdii dab shi-dashada ee dhaqankeennu lahaa ee dhardhaarrada maadaama ay hindiseen dadka reer Ceel Buur in qofku ka maarmo dhardhaarro uuna adeegsado burjiko. Ilbaxni-

madan iyo hindisahan ayaan aad loo faalleyn, mana jirto meel kale oo laga adeegsado arrintan.

Waxaa magaalada Ceel Buur dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay, xoolaha nool, beeraha, cus-bada, wax soo saarka samaynta dhagaxa burjikada iyo sidoo kale ganacsiga madaxa bannaan. Ceel Buur waxaa marka dhinacy-ada Juqraafiga laga hadlayo lagu tilmaamaa deegaankeedu inuu yahay mid ay macdan cayriin goglan tahay. Allaahna ku man-naystay, macaadinta adduunka qaaliga ka ah, inkastoo la sa-meeyey waayihii dowladdu jirtey sahmin iyo baaritaanno, hadana, ilaa hadda lama soo saarin oo waa arrin u madlan lana filayo inay waqtiyada soo socda laga gun gaadho.

Ceel Buur waxaa sanadkii 1900 ay noqotay saldhigga aqoonta, gaar ahaan diinta Islaamka oo waxaa ku dhaqnaa culumo badan, waxaana ku yaallay dugsiyo iyo goobo waaweyn oo waxbarashada diinta Islaamka lagu dhigto. Dadku waayadii hore waxay aadi jireen gobollada Soomaali Galbeed iyo dhinaca koonfureed, Muqdisho iyo Marka oo ahaa laba magaalo oo sooyaal caan ah ku leh dhinaca baras-hada diinta Islaamka….

La soco dhammeystirka qeybta 6aad.

W/D: Cabdiraxiin Hilowle Galayr | [email protected]

Isbedel-doon | Q:1aadW/Q: C/qaadir Farah Diriye (Carab)[email protected]

“Qof kasta waxa uu ku fakaraa in uu dunida oo dhan bedelo, laakiin, qofna kuma fakaro in uu naftiisa bedelo!”. Leo Tolstoy (Maaniye RUUSHA)

Hannaanka isbedelku waxaa uu kamid yahay tiirarka ugu adag ee soo mara qof ilaa qaran. Sida uu Alle SWT ku sheegey Qur’aankiiisa “Alle ummad ma uu badalo illaa ay ayadu isbadasho” N:11 S. Al-Racdi. Sida ku cad aayaddaas, lagana dheehan karo macanaha gunta ah, isbedelka yoolkiisu uu yahay “Qaadista tillabooyin lagu baadi goobayo nolol ka wanaagsan midda markaas lagu jiro” Sababtu sideey doonto ha noqotee, isbe-del-doonka sidaasi ku dhisan ayaa u baahan: diyaargarow, howladag, waqti, bixinta dadaal dheeri ah, dulqaad iyo joogteyn si loo xaqii-jiyo gaaritaanka Isbedel dhab ah oo aan ku dhisneyn dhalanteed.

Qormadan isbedel-doon ayaa ujeedkeedu yahay baadigoobka hanadashada bulsho hiraalkeedu yahay “Helitaanka Isbedel” (Positive Change) loo qaadey dhanka wa-naagga. Waxaan ku lafa guri doonaa, Han-naanka isbedel-doon ee qof illaa qaran, si loo helo jiil la saaxiib ah garaad fiyoow, ku gudbay gocoshada gaamurtay, rucle orod-kooduna ka badqabo aafoooyinka ragaadiyay bulshada Soomaaliyeed.

Qormadani, waxa ay isku dayi doontaa ka jawaabista su’aalaha ku gadaaman mow-duucaan, annaga oo si gooniya u qaadi dhigidoonna isbedelka qof-ahaaneed (Personality Change) siyaasadeed, dhaqan dhaqaale, mid bulsho, iyo xal u helidda su’aalahaan:

Muxuu yahay isbedel?Isbedelka la mahdiyaa xaggee ka billowdaa?Maxay yihiin caqabadaha hortaagan isbedel-doonka?Muxuu macno kuu leeyahay isbedelku?

Maxay yihiin faa’iidoyinka iyo qasaaraha ka dhasha Isbedel-doonka?.

Su’aalahan iyo kuwa la halmaala ah ayaa noqon doona tiirdhexaadka qormada. Ha yeeshee qeybtan iyo tan xigta, waxaan isku dayi doonaa inaan kaga jawaabno su’aasha labaad ee ah:

Isbedelka la mahdiyaa xaggee ayuu ka bil-lawdaa?

Waa marag ma doonto in wax kasta ay leey-ihiin meel ay ka billowdaan iyo meel ay ku dhammaadaan. Taana waxaa ay ku tusiney-saa in ay jirto “Bar” uu ka billowdo isbedel-doonku, ee aan kugu tusaaleysiiyo xigmaddii aheyd: “Nin 20 sano jir ah, ayaa ballan ku qaadey in uu adduunka bedelo. 40 sano jir markii uu ahaa waxna uu bedeli waayay ayuu yiri: Waa inaan reerkeyga bedelaa. 60 sano jir markii uu ahaa, ee adduun iyo reerkiisana midna uu bedeli waayay, ayuu yiri ‘Waa inaan “NAFTEYDA” bedelaa!’. Waxaana uu hal-

Page 5: Wargeyska Gobollada Dhexe - Bisha Maajo 2014

Cadadka 014-aad, Sanadka 2-aad 5MAQAALLOKhamiis 01, maajo 2014

Sheeko ka hadleysa noloshahaasaawaha dhallinyarada.

Maqribnimadii horraanta bisha november 1981kii ayuu Bashiir soo aaday guriga Habboon oo uu dhowr goor kor iyo hoos u dhaafay, asagoo ka baqaya inuu gu-daha galo. Guriga wuxuu ku yaallay degmada Xamar Jajab, waa xaafad uu Bashiir hore u deganaa oo ay deris ku ahaayeen asaga iyo Habboon, inkastoo aanu gurigooda weligiis gelin, Bashiir waxay xaafadda ka guureen in aan ka badneyn bil ka hor.

Reerka Habboonna waxaan salaan kore aheyn ma dhex marin intuu xaafadda de-ganaa, laakiin caawa waxaa ka soo galay dan weyn iyo baahi ku kalliftay inuu u soo muraado. Baahidaas oo uu qabay muddo badan, oo gaareysa seddex sanadood in ka badan, asagoo weliba deganaa xaafadda. Baahida Bashiir waxay billaabatay horraanti 1978kii. Bashiir wuxuu jeclaaday Habboon oo waddada gurigooda loo maro intuu fariisto iska fiirsan jiray laafyaheeda, markaa Hab-boon waxay aheyd fasalka 7aad dugsiga dhexe, waxayna aheyd gabar edeb badan oo aan ka soo bixin gurigooda ilaa inay iskool ama suuqa aadeyso maahaane, waagaas Ba-shiir wuxuu ahaa fasalka 2aad dugsiga sare, wuxuuna ku fekeray inuu sugo intay Hab-boon ka soo koreyso ama ka gaareyso xilliga lala sheekeysan karo.

Habboon waxay u aheyd keydkiisa mustaq-balka, wuxuuna ku kalsoonaa inuu heli doono Habboon, hadduu firaaqo u helo wakhtiga ku habboon. Inta badan xilliga Habboon ay iskoolka ka timaaddo wuxuu Bashiir fursad u heli jiray inuu fiirsado socodkeeda, mar-marna waxay is dhaafsan jireen salaan aan gacmaha leysi saarin, Habboonna socod-keeda ay sii wadan jirtay.

Bashiir wuu aaminsanaa inay indhihiisu saameyn ku yeesheen Habboon ayna da-reensan tahay fiirintiisa badan inay wax kale ula jiraan, balse muddadaas dheer oo sana-daha gaaraayay wuxuu xulanaayay wakhti uu dareenkiisa cusbooneysiiyo, laakiin ma aheyn mid maalin walba fadhiya halkeey Habboon soo marto. Wuxuu u isticmaalaayay xusuusin inuu uga dhigo iyo inay illoobin inuu weli da-neeynaayo, wakhti ku habboonna la sugaayo sheegashada baahidiisa. Habboon markey gaartay fasalka 2aad ee dugsiga sare, mar-kaana uu Bashiir soo dhammeystay shaqadii qaranka, isuna diyaarinayo inuu jaamacad galo, ayna ka guureen xaafaddi ay deganaay-een, una guureen degmada Yaaqshiid oo aad uga durugsan halkii hore, fursadna u waayay qoftii uu indhaha ku korsanaayay ayay ku kal-liftay inuu markaan u istaago siduu wax uga qaban lahaa beertii uu abuuraayay. Wuxuu maalin soo aaday xaafaddii Habboon, si uu u soo salaamo asxaabtii uu ku lahaa, nasiib wanaag wuxuu fursad u helay gabar yar oo ay Habboon isku da’ yihiin oo la yiraahdo Barni. Gabadhaas oo boog uu qarsanaayay ka damqisay, kaddib markuu ku yiri “Intaan xaafadda ka guurnay, gabdhihi yar yaraa

waa soo koreen, sida adiga, Habboon iyo Sucaad” hadalkaa ayaa keenay inay Barni isku difaacdo “Habboon saaxiib ayay leeda-hay ma ayadaa yar” madax xanuun ayuu ka soo qaaday eraygaas ah “Habboon saaxiib ayay leedahay”. Bashiir wuxuu isku canaan-tay inuu ka gaabiyay hanashada Habboon, asagoo heli karay fursad uu ugu gudbiyo dareenkiisa. Waxaa maskaxdiisa ku soo laa-laabatay sidey Habboon gadaal ugu soo fiirin jirtay markuu indhaha la sii raaco, markaana ay niyaddiisu ku farxi jirtay saameynta uu ku leeyahay iskuna qancin jirtay “Habboon way kula socotaa, weyna ku ogtahay inaad jeceshahay” laakiin, Bashiir wuxuu fahmi waayay sidey Habboon ku yeelatay saaxiib, waayoo guriga iyo iskoolka meel aan aheyn kuma ogeyn iyo inay heli karto fursad loogu sheekeeyn karo.

Bashiir wuxuu go’aan ku gaaray inuu soo baaro dhabta arrintaas iyo inuu sirtiisa u ka-shifo, cidduu isleeyahay waxbey kaala qaban kartaa oo afkiisa furto. Dhaqankiisa kuma jirto inuu la sheekeysto gabar uu u ogyahay inay saaxiib leedahay, ha ahaado mid uu yaqaan ama aanu aqoon intaba. Wuxuu kala soo kulmay mucjiso kaga soo dhacday, laakiin howsha ugu muhiimsan ayaa ah inuu xaqii-jiyo jiritaanka warkaas looga sheegay Ha-boon, hadduu run noqdana uu ku khasaaray sugiddiisi dheereyd, hadduu been noqdana uu markaan xoogga saaro siduu uga mira dhalin lahaa hanashada Habboon…

La soco qeybta 2aad ee sheekada.

kaas ku xaqiiqsaday in muddo 40 sano uu haayay waddo aan ceel-tagin, laakiin, uu gadaal ka gartay bar billowgii uu yaraantiisii qaldey. Ha yeeshee haataan oo uu gabow joogo, isbedel uu hor-seedo iska daaye, lafihiisa ayaa xanaaneyn u baahan. Waxaa suuragal ahaan laheed run u bedelidda riyada aheyd in ad-duunka oo dhan inuu bedeli kari lahaa, haddii uu maalintaa ga-rowsan lahaa in waxa isbedelka u baahani ay tahay NAFTIISA, su’aalina kama taagnaateen isbe-del uu ku sameyn kari lahaa reer-kiisa, deedna dunida oo dhan.

Tixraaca sheekadaan waxaan uga gol-leeyahay in “BARTA” uu ka billowdo isbedelku ay tahay NAFTAADA oo aad bedeshid, si ay suuragal u noqoto qaadista tillaabooyinka miro-dhalka ah ee aad dooneysid inaad wax kaga bedeshid bulshada aad ku dhex nooshay, gaar ahaan: qoyskaaga, reerkaada, saaxiibbadaa, dariska, goobtaada shaqada, ururrada

aad ka tirsan tahay iyo guud ahaan bulshada oo dhan.

Si loo helo isbedel-doon shakh-siyadeed akhriste su’aasha is weyndiinta mudan waxa ay tahay: Sidee ama xaggee ayuu qofka ku billaabi isbedel?

Qodobka ugu horreeyo ee qofku u baahan yahay si uu u bedelo naftiisa waxaa weeye “Maan/Maskax tashiil iyo Diyaarga-row”.1-Maskax tashiil iyo diyaar-

garoow (Brainstorming and preparation).

Qorshaha isbedelka ama ishor-marinta shaqsiyadeed caadi ahaan waxaa ay ka kooban tahay seddex qeybood: - Lahaanshiyaha waddo-cad

oo ku aaddan hiraal dham-meystiran mustaqbalka dhow. (Tusaale: 1-3 sano gudohood).

- Lahaanshiyaha waddo-cad oo ku aaddan hiraal dhammeysti-ran mustaqbalka fog. (Tusaale

5-10 sano gudahood).- Iyo qaadista qorshe xaddidan

sanadaha soo aaddan, taasi oo gacansiineysa xaqiijinta yoolkaada.

Marka ay timaaddo inaad billow-did qorshaha isbedelka shaqsiy-adeed, waa lama huraan bixinta dadaal dheeri ah. Taana waxay ay kuu suuragali kartaa gelinta waqti aad uga fakartid xirfad-daada, si aad taasi u hirgelisid fadlan tixgali qodobbadan soo socda;• Sidee ayaad u qabataa shaqa-

daada xilligan? Halkee ayaad dareemeysaa inaad gaabis ka tahay? Maxaad sameyn kartaa si aad u hagaajisid? Ma isleedahay dhammaan xirfadaha shaqo waa muhiim iney guuleystaan?.

• Muxuu u baahan yahay qorsha-haada dhow si loo hormariyo xirfaddaada shaqo?.

• Hormar iyo howl nuucee ah ayay u baahan tahay shaqaadaadu si loo dhiso

xirfad iyo aqoon, kaa gacansii-naya shaqada aad tiigsanee?.

• Ma yihiin mashaariicda ama khibradaha shaqada aad ku fikiree kuwa kugu garabsiinaya hormarkaada?.

• Ma qaadatay mise leedahay fursado waxbarasho oo toos ah (Shirar, tababar shaqsiya-deed, ama mid dugsi) taasi oo aad naawilee inaad qeyb ka noqtid ama ka qeyb gashid.

Sida aad u tixgalisay su’aalahan, qor dareenkaada, qodobbee su’aalahaada iyo siyaabaha aad u maleyneysid inaad u baahan-tahay gacansiin. Noqo qof niyad furan, daacadna u ah hormarka aad u baahan tahay. Sidoo kale, xusuusnow goolasha iyo xirfadda shaqo ee soo ifbaxaan laga yaabaa in qayb ka mid ah yihiin geeddi-socodka “Maskax tashi-ilka iyo diyaargarowga”.

La soco qeybta 2aad oon kaga hadli doona “Billaabitaanka Qorshaha isbedel-doonka”.

RUN MISE BEEN?! | Q1aadW/Q: Axmed Xaayow (Dulmidiid)

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha.

Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: [email protected]

Page 6: Wargeyska Gobollada Dhexe - Bisha Maajo 2014

Duumadu waa cudur halis ah, dhib weynna ku haya dunida, horana ugu hayn jiray. Waddamo badan oo dunida ka mid ah, gaarayana ku dhawaad 100 wad-dan haba ugu badnaadaan Afrika iyo Aasiya ayaa waxaan sanadkii cudurkaa u dhinta dad gaaryaa 2.7 milyan qof, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee “WHO”.

ANOPHELES, waxaa la yiraahdaa nooca dhaddig ee keecada ee keenta xanuunka duumada, ama mallaariyada sida dadka qaarkiis ay u yaqaannaan, balse, afka saxda ah waa DUUMO.

Waa maxay Duumo?Duumadu waa cudur ay keento kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Waxay keentaa qando, ama xummad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, matag iyo ca-laamado kale oo badan. Noolaha keena xanuunka duumada, ee ka dhasha qaniinyada kaneecada ayaa raaca dhiigga, wuxuna tagaa beerka, si uu ugu tarmo. Marku ay ka soo baxaan beerka ayay dib ugu soo laabtaan dhi-igga, oo ay cudurka laba todo-baad ka dib billaabaan. Noocyo ka mid ah kaneecada ayaa ku jiri

kara beerka muddo aad u dheer intan.

Waa maxay calamadaha lagu garto cudurka Duumada?Xaaladaha ugu caansan, ee lagu garto cudurka duumada waa ku kala duwan tahay qaabka ay qofka u qabato, marka hore, waxaa laguu qaban sidii hargab oo kale qandho, murqa xanuun, madax xanuun, dhidid badan, qaar bukaannada ha oo ay soo ridato (dhuldhigto) waxey leey-ihiin lalabbo (qaqayaab), matag, qufac iyo shuban. Marka ay heyso affar ilaa seddex maal-mood waxuu yeeshaa calaamado badan sida matag, shuban, jirka midabkiisa oo bedelma, indhaha oo midabkoodu noqdo cagaar, sabatas oo ka imaaneysa bur-burintii ay burbrisay unugyada cas cas ee dhiigga iyo unugyada beerka. Nuucaan F.FALCIPRUM waa nuuca ugu qatarsan, waxeyna maraka qaar keentaa ama u hormartaa in ay madaxa wax gaarsiiso ama maskaxda in dhiig qofka uga furto, shock, beerka ama kilyaha oo shaqada joojiya, dhibaato xaga mas-kaxda ah oo dhacda iyo qofka oo koma (miyir dabpoolma) gala (coma) waa hababka ugu badan

oo keena dhimashada. Nuuca la yiraahdo Cerebral Malaria nuucaas si dhaqasa ah looma daaweyn karo, waxeyna qaataa waqti, xataa 15% - 20%qofku wuu dhintaa qiyaas la sameeyay.

Maxay Duumadu u tahay cudur halis ah?Ma jiro tallaal lagaga hortagi karo Duumada. Waxay sabab-taa Duumadu xanuun daran oo keeni kara dhimasho. Waxa lagama maarmaan ah in aad ka hortag sameysid, iska ilaal-isid qaniinyada Kaneecada, isla markaasna aad qaadatit dawada ka hortagga Duumada isticmaashana mara Kaneecada.

Haadii ay duumo kugu dhacdao jirkaagu ma leedahay difaac? Ma jiro wax difaac uu yelanaayo jirkaagu, dadka ay duumadu ku dacdo mar kale waxay u nugul yihiin in ay ku dhacdo, marka waa habka shaqsiyeed uun in qofka is kaga ilaaliyo.

Sidee looga hortagaa?Ka hortagga duumada ama ka-neecada qaniinkeedu wuxu kaa badbaadiyaa cudurka iyo cudur-rada kale ee ay keento kaneeco

sida; Yellow Fever, iyo cudurra kale oo badan. Kaneecadu waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan. Waxaa loogu hortagi karaa siy-aabahan;- Gasho dhar kuu qariya gac-

maha iyo lugaha - Seexo guri ku leh shebeg dari-

ishadaha ama daaqadaha. - Seexo sariir leh mara kaneeco. - Biya kasta oo gurika yaallo waa

in uu dabool leyahay, sida ay-san uga dhalan kaneecadu.

- Waa in aad ka fogataa biya da-geennada, waayoo kaneecada ayaa ka dhalata, waana in laga taqallusaa.

- Waxaa muhiim ah inaad iibsato maaddooyinka la buufiyo ee erya (cayriya/didiya) kanee-cada sida (PIFPAFta IWM).

Sidee baa loo daweyn karaa Duumada?Habka ugu muhiimsan ee loo daweeyo duumada aad bey u kala duwantahay, taas oo ku xiran nuuca bukaanku uu qabo. Tusaale ahaan, dadka waaweyn, carruurta ama haweenka uur leh, ee cudurka u si aad u hayo amo si normal ah, fadlan la xariri dhakhtarka si aad u ogaato daawada kugu habboon.

CUDURKA DUUMADAW/Q: Maxmed Cali Axmed | [email protected]

WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe