6
Wixii faahfaahin dheeri ah, la soo xariir: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]). Kala xariir: [email protected] WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEB Axad, 01 juun 2014, Cadadka 015-aad, Sanadka 2-aad ...ka akhri bogga 5aad. ...ka akhri bogga 4aad. ...ka akhri bogga 4aad. ...ka akhri bogga 2aad. ...ka akhri bogga 3aad. ...ka akhri bogga 5aad. ...ka akhri bogga 6aad. UGAAS NUUR AIRPORT OO DIB LOO FURAY CARUUR LA XADAY OO LA QABTAY QORAALLO KALE ILAALINTA AFKA IYO ADEEGSIGA ERAYGIIS W/Q: Yaxye Xaashi Maxamed BIDDOOD MOOS KU DUL BAROORTAY Qeybtii 1aad W/Q: Yuusuf Wayeel RUN MISE BEEN! Qeybtii 2aad W/Q: Axmed Xaayow (Dulmidiid) ROOBAB LAGU DIIRSADAY OO KA DA’AY GOBOLLADA DHEXE RAG WAX U REEB W/Q: C/qaadir Axmed Raage (Waayeel) BARNAAMIJKA CAAFIMAADKA AASAASIGA W/Q: Maxamed Cali Axmed Sh, So Qiimaha 3000 GAROON KUBADEED OO CADAADO LAGA DHISAY Waxaa baryihii la soo dhaafay ka da´ay gobolka Galguduud roobabkii guga oo ay dad iyo duunyaba ku diirsadeen, kadib markii deegaannada gobollada dhexe ay ka jireen jiilaal iyo oon daran. Roobabkaan ayaa muddo saacado ah...ka sii akhri bogga 3aad. Garoonka kubadda cagta lagu ciyaaro oo ay dhis- mahiisa wadday hay’ad ka howl gasha deegaan- nada Ximin iyo Xeeb ayaa maraya heer gaba gabo ah, kadib markii uu soo afjarmay inta badan dhis- maha garoonka oo laga....ka sii akhri bogga 2aad. MADAXDA AHLUSUNNA OO KALA BOOQDAY GURICEEL IYO DHUUSA MAREEB Bulshada ku kala dhaqan magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa si qurux badan ugu kala soo dhaweeyay magaalooyinkaas madaxa waxbarashada ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo booqday Dhuusa Mareeb iyo guddoomiyaha guud ee Ahlusunna ...ka sii akhri bogga 2aad.

Wargeyska Gobollada Dhexe - Juun 2014

Embed Size (px)

DESCRIPTION

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Marreeb.

Citation preview

Page 1: Wargeyska Gobollada Dhexe - Juun 2014

Wixii faahfaahin dheeri ah, la soo xariir: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi ([email protected]) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo ([email protected]).

Kala xariir: [email protected]

WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEBAxad, 01 juun 2014, Cadadka 015-aad, Sanadka 2-aad

...ka akhri bogga 5aad.

...ka akhri bogga 4aad.

...ka akhri bogga 4aad.

...ka akhri bogga 2aad.

...ka akhri bogga 3aad.

...ka akhri bogga 5aad.

...ka akhri bogga 6aad.

UGAAS NUUR AIRPORT OO DIB

LOO FURAY

CARUUR LA XADAYOO LA QABTAY

QORAALLO KALE

ILAALINTA AFKA IYO ADEEGSIGA

ERAYGIISW/Q: Yaxye Xaashi Maxamed

BIDDOOD MOOS KU DUL BAROORTAY

Qeybtii 1aad

W/Q: Yuusuf Wayeel

RUN MISE BEEN! Qeybtii 2aad

W/Q: Axmed Xaayow (Dulmidiid)

ROOBAB LAGU DIIRSADAY OO KA DA’AY GOBOLLADA DHEXE

RAG WAX U REEB W/Q: C/qaadir Axmed Raage

(Waayeel)

BARNAAMIJKACAAFIMAADKA

AASAASIGAW/Q: Maxamed Cali Axmed

Sh, So

Qiimaha 3000

GAROON KUBADEED OO CADAADO LAGA DHISAY

Waxaa baryihii la soo dhaafay ka da´ay gobolka Galguduud roobabkii guga oo ay dad iyo duunyaba ku diirsadeen, kadib markii deegaannada gobollada dhexe ay ka jireen jiilaal iyo oon daran. Roobabkaan ayaa muddo saacado ah...ka sii akhri bogga 3aad.

Garoonka kubadda cagta lagu ciyaaro oo ay dhis-mahiisa wadday hay’ad ka howl gasha deegaan-nada Ximin iyo Xeeb ayaa maraya heer gaba gabo ah, kadib markii uu soo afjarmay inta badan dhis-maha garoonka oo laga....ka sii akhri bogga 2aad.

MADAXDA AHLUSUNNA OO KALA BOOQDAY GURICEEL IYODHUUSA MAREEB Bulshada ku kala dhaqan magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa si qurux badan ugu kala soo dhaweeyay magaalooyinkaas madaxa waxbarashada ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo booqday Dhuusa Mareeb iyo guddoomiyaha guud ee Ahlusunna ...ka sii akhri bogga 2aad.

Page 2: Wargeyska Gobollada Dhexe - Juun 2014

2 Cadadka 015-aad, Sanadka 2-aad WARARKA Axad 01, juun 2014

MADAXDA AHLUSUNNA OO KALA BOOQDAY GURICEEL IYO DHUUSA MAREEBBulshada ku kala dhaqan magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa si qurux badan ugu kala soo dhaweeyay magaal-ooyinkaas madaxa waxbarashada ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo booqday Dhuusa Mareeb iyo gud-doomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca Macalim Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Waxaa soo dhaweynta labada masuulba ee magaalooyinka go-bolka Galguduud si weyn uga qeyb qaatay shacbiga halkaasi ku nool ee nuuc walba leh.

Wafdiga ayaa ka yimid magaal-ada Muqdisho, waxaana gud-doomiyaha guud ee Ahlusunna Macalim Maxamuud Sh. Xasan oo dadweynaha magaalada Guriceel kula hadlay uu ka dhawaajiyay inay soo dhisayaan maamul gobo-leed ay u dhan yihiin dadka dega deegaannada gobollada dhexe.

Munaasabad dib loogu furayeey Ugaas Nuur Airport ee caasi-mada gobolka Galguduud ee Dhuusa Mareeb ayaa lagu qabtay isla garoonka.

Munasabada waxa ka soo qeyb galay guddoomiyaha gobalka Galguduud, guddoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb, gud-doomiyaha waxbarashada ee gobalka, ururrada haweenka iyo dhalinyarada, madaxa horu-marinta mashaariicda gobalka, aqoonayanno, ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo buls-hada qeybaheeda kale. Waxaana halkaasi ciyaaro dhaqan ku soo bandhigay barbaarta gaashaa-man ee hidaha iyo dhaqanka.

Guddoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb C/raxmaan Geedo-Qoroow ayaa ka warbixiyay xaaladihii uu soo maray garoonka Ugaas Nuur, wuxuuna yiri ‘Ga-roonkan…waayihii dambe ma uusan shaqeyneyn, sababtoo ah

waxaa sameyn ku yeeshay da-gaalladii gobalka ka dhacay, kuw-aas oo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Al-shabaab. Ugu dambeynna waxaan ku guuleysannay in aan dib u furno maadaama amniga gobalka la xaqiijiyey’.

Sidoo kale guddoomiyaha go-balka Galguduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa yiri “Waxaan cadeynayaa in maanta laga bilaabo ay garoonka diyaara-daha ugaas nuur ka soo degi karaan diyaaradaha rakaabka ee shacabka qaada,maamulkii garoonkana waa la dhisay”.

Ugu dambeeyn Cabdiwali Cali Dheere oo kamid ah madaxda wakaaladaha safarrada ee ka howlgala Dhuusa Mareeb ayaa ka dhawaajiyay in duulimaadka u horreeya uu soo degayo todo-baadkii ku xigay toddobaadkii la furay oo ku beegneyd Jimcihii, 16 maajo 2014.

Garoonka kubadda cagta lagu ciyaaro oo ay dhismahiisa wadday hay’ad ka howl gasha deegaannada Ximin iyo Xeeb ayaa maraya heer gaba gabo ah, kadib markii uu soo afjarmay inta badan dhismaha garoonka oo laga dhisayo magaalada Ca-daado ee gobolka Galguduud.

Dhismaha garoonka ayaa noqo-naya kii ugu horreeyay ee nuuci-isa ah oo laga dhiso deegan-nada Ximin iyo Xeeb ee gobolka Galguduud.

Sido kale maamulka dhismaha garoonka ayaa sheegay in uu ka dhiman yahay cows lagu fidiyo oo kaliya, islamarkaana qorshaha cows fidintana ay wadaan.

Garoonka kubada cagta ee magaalada Cadaado ayaa kamid noqon doono garoomada ugu waa weyn ee gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoona la filayo in lagu qaban doono tartanka degmooyinka gobolka.

Ugaas Nuur Airport oo dib loo furay Garoon kubadeed oo Cadaado laga dhisay

W/Q: Tafaftiraha Wargeyska | [email protected]

QORAYAASHA WARGEYSKAAxmed Xaayow (Dulmidiid), Yaxye Xaashi Maxamad Cabdi,

Yuusuf Wayeel, Maxmed Cali Axmed, C/qaadir Axmed Raage (Waayeel), Cabdiraxiin Hilowle Galayr iyo Maxamed Bashiir

Midnimo.

Ma tahay qoraa, oo ma dooneysaa inaad nala shaqeyso? Noogu soo dir codsigaaga [email protected]

HALKAAN KU XAYAYSIISO GANACSIGAAGA, OGEYSIISYADAADA, CODSIYADAADA IYO WIXII KALE OO AAD JECLAAN LAHEYD. NAGALA SOO XARIIR: [email protected]

Sawirrada kore waa soo dhaweyntii ka dhacday Dhuusa Mareeb, kuwa hoosana waa Guriceel.

Page 3: Wargeyska Gobollada Dhexe - Juun 2014

Cadadka 015-aad, Sanadka 2-aad 3WARARKAAxad 01, juun 2014

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtey carruur looga shakisan yahay in la soo xaday, kuw-aasi oo laga keenay gobollada koofureed, loona waday ma-gaalada Gaalkacyo.

Carruurtaan la qabtay ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 18 cunug, waxaana howlgalka lagu qabtay ilaa labo qof oo la sheegay inay wadeen carruurtan oo qaarkood aad u da’yar yihiin.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Ximan iyo Xeeb ay gacanta ku soo dhigeen gaari ah nooca loo yaqaan “Homy” oo carruurta looga keenay gobollada koofu-

reed. Careys ayaa sheegay in lagu soo wargalshay in gaariga loo maleynayo inay saaran yihiin carruur la soo xaday, oo uu ku soo wajahan yahay deegaan-nada uu ka arrimiyo maamulka Ximan iyo Xeeb, sidaasna ay ku soo qabteen, hase yeeshee waxa uu sheegay inay wadaan baaritaanno ku aaddan halka ay ka yimaadeen iyo meesha loo waday carruurta.

Waxuu kaloo sheegay afhay-eenku in ilaa labo qof oo rag iyo dumar isugu jira inay u xireen arrinta, haddana uu maamulka gacanta ku hayo carruurta looga shakisan yahay in la safrinayay. Wasiirka arrimaha bulshada ee Ximan iyo Xeeb, mudane Cumar Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ciidamadu qabteen la rumeysan

yahay inay iibsan rabeen car-ruurta.

Carruurta laga badbaadiyay qafaalka ayaa isugu jira hal wiil iyo 17 gabdhood, waxayna da’dooda u dhaxeysaa 6-jir ilaa 11-jir. Carruurta ayaa la geeyey xarun lagu xanaaneeyo ilmaha, taas oo ay maamulaan Ururka Haweenka Ximan & Xeeb, halka dadka soo qafaashay ay ku jiraan gacanta ciidamada amaanka.

Carrurtan la xaday ayaa la sheegay in laga soo afduubtay gobolka Sh/hoose iyo ma-gaalada Muqdisho, wuxuuna afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb, Careys Maxamed Xaaji ka codsaday dadkii dhalay carrurtaas in ay la soo xariiraan maamulka.

Gaalkacyo: Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamulka Galmudug ayaa taariikhdu markey aheyd 31 maajo 2014 ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ciidamo loogu talo galay ilaalada xeebaha ku teetsan deegaannada gobol-kaasi oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti.

Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda maamul goboleedka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac oo ka warbixiyay ciidamada halkaasi gaaray ayaa sheegay inay ka shaqeyn doon-aan horumarinta xeebaha iyo la dagaalanka burcad badeeda iyo maraakiibta shisheeye ee xeebaha Soomaaliya qashinka ku soo daadiya. C/qaadir Cali Jaamac ayaa u mahad celiyay dowladda Jabuuti oo taba-barkaasi siisay ciidamadaasi, waxaana uu sheegay in ciidama-daasi ay aad ugu baahi qabeen, qalabkooduna uu u dhamey-stiran yahay, islamarkaana ay gudan doonaan waajibaadka shaqo ee laga rabo.

Deegaanno ka mid ah maamulka Galmudug waxaa ku sugan kooxa ka mid ah burcad badeeda Soomaalida, waxaana ciidamadani la filayaa in ay wax ka qabtaan dhaqa dhaqaaqyada kooxahaasi.

Dhuusa Mareeb: Maamulka gobolka Galguduud ayaa shee-gay inay ku guulaysteen xalinta xiisad ka dhacday dhawaan degmada Matabaan ee go-

bolka Hiiraan, iyagoo heshiis-kaasi ku tilmaamay in uu noqon doono mid dhaxal gal ah.

Guddoomiyaha gobolka Gal-guduud Xuseen Cali Wehliye “Cirfo” oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ka maamul ahaan, iyaga oo kaashanaya oday-aasha dhaqanka ee ku nool degmooyinka Dhuusa Mareeb, Guriceel iyo Matabaan ee gobol-lada Galguduud iyo Hiiraan ay ku guuleysteen in la soo afjaro khilaaf u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo halkaasi ku dagaalamay, isagoo xusay in la sii wadi doono kulamada lagu xoojinayo heshiiskaasi. “Odoy-aasha, Culimaa’uddiinka ayaa arrintaan u istaagay iyo qeybaha kale ee bulshada 28-kii bisha maajo ayaa xalkii ugu horreeyay la gaaray, waxaana dib looga ballamay in markale la kulmo; si looga wada shaqeeyo amniga, waxaana go’aan lagu gaaray in la isu keeno maleeshiyaadkii dagaalamay, si aysan markale dib ugu noqon arrinkaasi” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Galguduud.

Xuseen Cirfo ayaa tilmaamay in ammaanka degmada Matabaan ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada boliska, waxaana uu sheegay in degmada ay ka saar-een dhinacyadii ku dagaallamay.Inta la ogyahay affar qof ayaa ku dhimatay 6 kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal labo ma-leeshiyo beeleed ku dhex maray degmada Matabaan 18-kii bisha

maajo, taasi oo ka dambeysay jidgooyooyin sharci darro ah oo ay dhigteen maleeshiyaadka dagaalamay.

Buuloburde: Dagaal culus oo u dhaxeeya kooxda Al-shabaab & ciidamada DFS oo garab ciidan ka helaya AMISOM ayaa sabtidii 31 maajo ka dhacay duleedka degmada Buuloburde ee go-bolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka qarxay xilli duhurtii ay ku beegneyd deegaannada lagu magacaabo Dhabdey & Ceelwade, oo qiy-aastii 20km uga beegan dhanka koonfureed degmada Buulo-burde. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay weerarka ku qaadeen deegaannada Dhabdey iyo Ceelwade oo farisimo u ah kooxda Al-shabaab.

Lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay da-gaalka. Korneel Cusmaan Cabdi Muumin oo kamid ah saraak-iisha ciidanka Hiiraan, ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah u suuro gashay inay gu-daha magaalada soo geliyaan gaadiid waday raashin, kuwaasi oo Al-shabaab ay ku xayireen duleedka Buuloburde oo bishii maarso laga saaray.

Go’doominta Al-shabaab ay ku hayaan degmooyinkii dhawaan laga saaray, ayaa keenay sare u kac qiimaha maciishadda oo dad badan ku qasabtay inay ka barakacaan deegaanadooda.

Waxaa baryihii la soo dhaafay ka da´ay gobolka Galguduud roobabkii guga oo ay dad iyo duunyaba ku di-irsadeen, kadib markii deegaannada gobollada dhexe ay ka jireen jiilaal iyo oon daran.

Roobabkaan ayaa muddo saacado ah ka da’ayey degmada Dhuusa Ma-reeb iyo deegaanno hoostaga sida Mirig, Kadiye, Laan-dheer, Afweyn, Ceel dheere iyo Dudumo Cade. Waxaa si weeyn ugu farxay imaant-inka roobkan dadka degan Dhuusa Mareeb oo iyagu dhowr todobaad ka hor dhigay isu-soobax roobdoon.

Roobkaan ayaa biyo dhigay dha-maanba meelaha uu ka da’ay, waxaana go’an wadooyin ka mida kuwa degmada Dhuusa Mareeb oo biyuhu ay xireen. Horay ayaa deega-nadaan waxaa uga guuray boqolal qoys oo xoolo dhaqato ahaa oo iyagu gaaray deeganada roobabka gugu uu horay uga curtay.

Dhanka kale waxaa kamida deg-mooyinka ay roobabkaan ka da’een degmada Cadaado, Caabudwaaq, Balanballe, Xeeraale iyo deegaanno kale oo hoos yimaada gobolka Gal-guduud.

Gobalkan Galguduud ayaa ka mid ahaa goballada biyo la’aanta iyo abaarta ay ka jirtay muddooyinkii la soo dhaafay, taas oo sababtay in ay ku dhintaan dad gaaraya 9 ruux.

Wararka ka imaanaya xeryaha lagu barakacay ee ku yaalla degmada Caabudwaaq iyo deegaanka Balan-balle ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in laga billaabay olole nadaafadeed. Ololaha waxaa fulinaya maamullada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee halkaas ka dhisan oo kaashanaya qeybaha bulshada kala duwan ee ku nool degaanadaas.

Guddoomiyaha deegaanka Balan-balle, Hareeri Xasan Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa ujeeddada ololaha ku macneeyay sidii looga hortagi lahaa cudurro ka dhasha roobka gu’ga oo xilligan ka curtay gobollo ku yaalla Soomaaliya. Sido kale Hareeri ayaa ka codsaday buls-hada gobolka in ay ka qeyb qaataan ololaha nadaafadeed una masuul ka saaran yahay nadaafadda deeganna-dooda iyo bilicda oo soo laabto.

Carruur la xadey oo Cadaado lagu qabtay

WARAR GOOS-GOOS AH

Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Gobollada Dhexe

Olole laga billaabay Caabudwaaq iyo Balanballe

Page 4: Wargeyska Gobollada Dhexe - Juun 2014

4 Cadadka 015-aad, Sanadka 2-aad QORAALLADA WARGEYSKA Axad 01, juun 2014

RUN MISE BEEN?! | Q2AAD

Sheeko ka hadleysa noloshahaasaawaha dhallinyarada.

Waxaa yaab leh, cid aad deris aheydeen muddo fara badan, gurigoodana aanu idinka fo-geyn wax ka badan seddex guri, wiilashoodana isku aheydeen saaxiibbo dhaafsan salaanta, waalidkoodna aad taqaanno, laakiin, aanu isdhexgal idin ka dhexeynin, balse, ay ku ogyihiin inaad tahay wiilka reerka ugu weyn uguna af gaaban, lagana yaabo inay wiilashooda ku ca-naantaan; maxaad sida Bashiir oo kale u noqon weyday, agtood-ana aad qadarin weyn ka mudan tahay, reerkaas hadduu muraad weyn kaa soo galo sidey suur-agal ku noqoneysaa inaad xal kaga gaarto?.

Bashiir wuxuu billaabay inuu yimaado xaafaddii si uu u xuur-aansado, wuxuuna la kulmay wiil saaxiibkiis ah, oo ay aad iskugu fiican yihiin wiilasha la dhashay Habboon oo la yiraa Yusuf, markey cabbaar sheekey-steen ayuu Bashiir hoos ugu soo degay muraadkiisi, wuxuuna ku yiri;”Saaxiiboow sir aan rabaa inaan kugu qarsado, waana aaminsanhay inaad ii qarineyso, laakiin, waxaan kaa rabaa inaad wax igala qabato intii karaan-kaaga ah”. Yusuf ayaa yiri; “Waa khasab inaan wax kaala qabto

intii karaankeyga ah, ee soo deey saaxib” Bashiir oo ka xun inuu kashifo sirtiisa ayaa ku yiri; “Waxaan gaad gaad ugu jiray Habboon muddo badan, laakiin, waxaa la ii sheegay inay saaxiib leedahay, ee arrintaas wax ka ogtahay?”.

Yuusuf intuu qoslay ayuu yiri; “Maya, saaxib waxba kalama socdo, balse, waa kuu soo ogaan karaa arrintaas, laakiin, marba haddaan la qabin maxaa kaa galay saaxiib inay leedahay iyo in kale? Howshaada maad qabsa-tid?”. Bashiir ayaa ku yiri; “Waxaa iigu muhimsan inaan ogaado inay saaxiib leedahay oo kali ah, inta kale waa sahal”. Yusuf ayaa yiri; “Igu hallee middas inaan geed dheer iyo mid gaabanba aan u fuulo”. wuxuu sii raaciyay; “Saaxiib khabiir weynaa tahay, oo waxaad taqaan miisaanka ay kala leeyihiin qofta saaxiibka leh sida loola hadlo iyo midda aan laheyn sida loo shukaansado”. Bashiir ayaa yiri; “Maya, saaxiib haddey leedahay qof ay wada socdaan, aniga boos iigama bannaana waxaana gadaal u liqaa cadhuuf-teyda”.

Bashiir gabadhii ugu horreyay ee uu xiriir la sameeysto waxaa la dhihi jiray Khadiija. Wuxuu ku bartay saaxiibkiis Cabdullaahi oo ay Khadiija ilma adeer ahaayeen,

guryahoodana ay iska soo hor jeedeen. Markuu Bashiir yimaado guriga saaxiibkiis Cabdullaahi waxaa inta badan loo sheegi jiray inuu aaday guriga adeerkiis, mar-kaana uu Bashiir ugu tegi jiray, Khadiijana ay shaah ugu keeni jirtay walaalkeed iyo saaxiibkiis. Xiriirka Bashiir iyo Khadiija wuxuu ku billowday si aan ku talagal aheyn, oo lama filaan ah kadib markuu Bashiir uga tegay miis-kii qolka fadhiga waraaq uu ku sawiran yahay wadno dhiig ka da’aayo, oo fallaari suran tahay, markaana ay Khadiija oo soo ururin laheyd koobabkii ay ugu keentay shaaha ay aragtay war-qadda una qaadatay inuu ayada meesha ugu reebay Bashiir.

Wixii ka dambeeyay Khadiija waxay sugeysay fursad ay ugu gudbiso jawaabteeda ah og-golaanshaha. Waxay fursadi no-qotay habeenkii ugu horreyay ay Khadiija salaanto gacanta Bashiir, ka dib markii ay wacday aya-goo sii baxaaya, Khadiija waxay Bashiir ku salaantay waraaqdii jawaabta aheyd oo uu isla mar-kiiba jeebka gashaday, markii ay soo bexeen walaaca ay warqad-daas ku abuurtay habeenkaas, wuxuu saaxiibkii Cabdullaahi oo ay shaneemo u wada socdeen ka codsaday inuu fasaxo oo filinka kaligii iska galo, asagoo u sheeg-tay inuu madaxa xanuunaayo

uuna rabo inuu iska jiif tago, oo jiijiid ka dib waa la fasaxay, Bashiirna markuu hubsaday inuu ka soo fogaaday ayuu warqad-dii furtay, asagoo la sugi waayay intuu gurigiisa ka tago.

Warqadda waxay Khadiija qortay taariikhda ah 7-7-77 (July 7. 1977) oo aheyd maalin Khamiis ah, habeenkii Jimcaha soo ge-laayay. Bashiir intaanu akhrinba wuxuu ku dheygagay taariikhda warqadda, ka dib ayuu akhriyay.

“Bashiir waan arkay wadnihii aad iiga tagtay ee dhiiggu ka da’aayay, hadduu dhab kaa ya-hay anigana kula mid ayaan ahay, diyaarna waa kuu ahay, waxaan kaa sugaayaa jawaab habeen dambe” Bashiir mar labaad iyo seddexaad ayuu akhriyay war-qaddii, wuxuu dib u daartay caja-lad maskaxdiisa uu ka daawado muuqaalkeedii iyo dareenkeeda siduu ahaa intuu tegaayay gu-rigooda. Waxaa u soo baxday inay xiisa gaar ah uga muuqatay sidey shaaha ugu keeni jirtay iyo sidey ina adeerkeed ugu khasbi jirtay hadduu diido shaaha inay u keento ayna dhihi jirtay;“Haddaadan rabin shaaha, Ba-shiir ayaa cabaayo”.…

La soco qeybta 3aad ee sheekada.

W/D: Axmed Xaayow (Dulmidiid)

AKHRISTOW, waxa aan maanta kula soo wadaagayaa dhambaal aan beri dhoweyd u diray Marwo la yiraahdo, Hodan Xuseen Cali (Nuuralcayn), taas oo iiga soo sheekeysay in ay qiirooto, goor walba oo ay dhegeysa-neyso, heesihii hore. Misana, waxa ay iiga hadashay in ay ku qiirootay dhegysiga heesta la yidhaahdo “Raaxeeye” [“Raaxeeye,” ka raadso isla Degelkan Gole Wayeel!]. Qa-raami weeye uu ku luuqeynayo Maxamed Axmed Kuluc. Kolkaas ayaa an na, waxa igu soo dhacaday, sheeko qoraalkeedii inta aan billaabay, misana, aniga oo aan weli ebyin (dhammeystirin), ay maankaygii si uun ugu dhex luntay. Haddee, aqris wanaasan.

Beri hore waxa jiri jiray in dadyow laga soo qaafalan jiray qaarado kala duwan ee ad-duunka mid ah. Xataa Afrika. Nin biddood ahaa, ee midiidin (adeege) ka ahaa beer lagu baadho, lagu na abaqaalo—geed, ama dad… iwm. oo kale, inta dal hore laga keeno, dabeed dal kale lagu tallaalo—dhir dunida oo idil laga soo rujiyay (xaday), ayaa beerta

iyada ahayd, la keenay. Maalin ayuu beertii ku dhex arkay geed moos ( geed muus ). Marka hore inta halkiisii hogtay, ayuu, had-dana hadba xaggii geedkii, qunyar qunyar ugu siqay. Madaxdii iyo shaqaailihii ayaa la yaabeen: gedda addoonkii uu ugu dul baroortay geed mooskii; ilmo farahaas ka badannayd na, uu dusha kaga bilbilay!

Aqoonyahan Faransiis ahaa, ayaa is wey-diiyay, “Moosku, dhirtii kaleeto, maxuu uga duwanaaday?” An se ila ah, weydiin taas, in aan u hayo, warcelinno, kuwiisii, siyaabo badan uga sii kala sandahan.

Ogow geedku waa geed u eg, geedihii ku yiil, dhulkii isaga laga soo afduuban jiray; ama waa geed u ula ekaaday mooskii ka bixi jiray dhul, kiisii hooyo!

Hodan Ina Xuseen Cali, Nuuralcayn: ma og tahay heesta raaxeeye, ereyadeeda, af Soomaaligeeda, muusiggeeda, luuqdeeda; dareenka ay xambaarsan yihiin, ka soke; gacalooy, ma ahan misana wax lala meeldhigi

karayo—muuskii dalkeena ka bixi jiray. Had-dii aan heeso, sheekooyinkii Soomaaliyeed, murtidii Soomaaliyeed, dhaqankii Soomaaliy-eed… haddii aan ay, t.a., hees qaraamigu i ag tubnaan lahayn; sow anigu ba u ma aan ooyi lahayn, bal moos iska daa e haddii aan arki lahaa: “saalo geel, digo adhi, falti lo’aad, xaar dammeer”—ama waraabihii Garbahaarrey?

Marka bal dib u yare santeecso oo maan-kaaga la kaasho. Mooddada (hummaagga) mooska bal intii cabbaar ah, si xooggan u ruugruug. Haddii addoon kaas oo kaleeto aad ahaan lahayd; halka isaga laga tusay geed mooska: Maxaad u maleyn lahayd, adinka oo wada xambaarsan harqood gumeysi, haddii si kedis ah, ma ahan aqalkiinnii Har-geesaawiga ahaa; balse Maxamed Axmed beertaas baas oo kale, uu kaaga soo hor bixi lahaa? Miyaad u ooyi lahayd uun, sida ad-doonka ba uu mooska… ? Mise farxad ayaad la waalan lahayd? Ama se ba, riyaaq awgii ayaa aad u ba dhiman lahayd? Haddii aan tayda kaaga soo hadlo, waalli ama wed ayaa midkood uun i qaadan lahaa...

La soco qeybta 2aad

Biddood Moos ku Dul Baroortay | Q:1aadW/Q: Yuusuf Wayeel | [email protected]

Page 5: Wargeyska Gobollada Dhexe - Juun 2014

Cadadka 015-aad, Sanadka 2-aad 5QORAALLADA WARGEYSKAAxad 01, juun 2014

ILAALINTA AFKA IYO ADEEGSIGA ERAYGIIS

Dad waliba wuxuu leeyahay af iyo eray u gaar ah oo uu adeeg-sado, oo uu kaga duwan yahay dadyowga intooda kale, waana wax uu Eebbe si gaar ah u siiyay. Marka laga hadlo ‘’AF’’ waa; “Hadalka ay isku gartaan dadku, waana waxa tilmaama qofka dhalashadiisa, iyo halka uu kasoo jeedo”. Afku waa midka fududeeya is dhexgalka bulshada isuna soo dhaweeya labo qof oo kala dhalasho duwan. Hase yeeshee, waa mid u baahan ilaan iyo adeegsi dhab ah. Afka Soomaaligu wuxuu ka midyahay afafka dunidan ka jira, kuwooda ugu faca weyn, waana af dham-maystirin runtii marka dhinac waliba laga eego erayadiisa iyo oraahdiisaba. Balse, waxaad mooddaa dadka Soomaalidu in ay adeegsanayaan erayo kale oo aan af Soomaali ahayn, iyagoo markaa meesha ka saaraya eray Soomaaliga ah, gelinayana erayo shisheeye, isla markaasna u adeegsanaya af Soomaali ahaan.

In badan oo dadka Soomaal-ida ahi kalama saari karayaan erayda ay adeegsanayaan in ay Soomaali yihiin iyo in ay shis-heeye yihiin, maxaa yeelay, ma aanay helin waxbarashadii ay u baahnaayeen, kuwooda wax soo bartayna, ee ay ahayd in ay kala saaraan erayada af Soomaaliga ah iyo kuwa ku soo dhexdhuun-

tay ee aan af Soomaaliga ahayn. Waxaadse mooddaa in ay iyagu yihiin kuwa ugu adeegsiga badan erayda shisheeyaha marka ay dadka la hadlayaan, iyagoo waliba aqoon u leh erayada ay adeegsanayaan in aysan af Soomaali ahayn.

Tusaale ahaan, wadaaddadeennu marka ay dadka wax u sheegay-aan waxay adeegsadaan erayo badan oo Carabi ah, oo aan markaas loo baahnayn adeegsi-gooda, maxaa yeelay, isagii oo af Soomaali ah ayaa jira, lana he-layaa, qofka ay wax u sheegay-aanna waa Soomaali. Sidoo kale, aqoonyahannada kale, ee soo bartay aqoonta dunida, sidaas oo kale ayey u adeegsadaan erayda shisheeyaha, markay wax faahfaahinayaan. Labdaa dhinac weeye inta badan meesha ay ka soo galaan erayda shisheeyuhu afka Soomaaliga. Waxaa kale, oo soo seddaxeeya dadka dalka dibadda uga baxa ee ku soo laabta, oo goobaha laysku arko la yimaada eraydii ay dalalkii ay tageen laga adeensanayey qaar ka mid ah, kadibna bulshada dhexdeeda kula hadlaan, kadibna bulshudu eraydii qaar ka mid ah ayey qaataan oo ay afkii Soom-aaliga ku dhexdaraan, sidaas ayeyna afka Soomaaliga uga mid noqdaan.

Haddaba, aanu soo qaadanno qaar ka mid ah erayda ugu adeegsiga badan dadka Soom-aalida ee aan af Soomaali ahay, waxaana ka mid ah kuwa hoose;

‘’FAHAM’’ garasho,’’CILMI’’ aqoon,’’MACNE’’,waxa uu yahay, ‘’DAACAD’’hogaansanasho ama raacid,’’XAQIIQ’’ run, ‘’SAX,,jira,’’QAALI’’ aad u sareeya,’’QIIMO’’muunad,’’DULLI’’ liita,’’DULMI’’ gardaro, LACA-NAD’caro ama xanaaq,’’JANO’’ beer,’’ NAAR’’ dab,’’DAYAARAD’’ duusha,’’ MADAAR’’ AEROPORT’’ groon ama gagi ,’’ TELAAGAD’’ FIRINJEER’’ qaboojiye,’’DAYN’’ amaah,’’ DIYO’’ mag,’’DENBI’’ xumaan,’’DALIIL’’raad raac,DARIIQ’’ wado, DIGAAG’’ dooro,MASUUL’’ hogaamiye ama madax,’’CAQLI’’ dhu-gmo ama garasho,’’QALBI’’ laab,’’KELMED’’ eray,’’QALIN ‘’ LAABIS’’ qore-ama dhige, ‘’ DHAKHTAR’’ DABIIB’’ daweeye,’’WADAN’’ dal ama dhul, MUWAADIN,u dhashe,’’ AJNABI’’ shisheeye,’’XALAAL ‘’ kuu banaan, XAARAAN’’ aan kuu banaanayn,’’XIKMAD’’ murti,’’ XAASID’’ CADOW’’ nacab.LAAKIIN’’ hase yeeshee,’’LILAAHI’’ dar ale.’’DABEECAD’’dhaqan.’’WAAJIB’’kugu go,ay ama lagaa rabo iyo waliba ‘’MACALIN’’ bare’ .

Intaas oo eray iyo in ka badan, oo ku sii jirta ayaa afkeenna ku dhexjira, una baahan in laga saaro, maxaa yeelay, baahi aan u qabnaahi ma jirto adeegsi-gooda, oo iyagii oo af soomaali ah ayaannu haysannaa. Marka aannu afka ay ka mid yihiin ku hadlaynno adeegsigoodu waa lama huraan, hase yeeshee, markaan afkeenna ku hadlaynno in laga saaro ayaa habboon, ama ay lama huraan tahay.

Waxaadna mooddaa sida aad qoraalkaba ku arkaysaan erayda ugu badan ee afkeenna ku jiraahi in ay ‘’CARABI’’ yihiin, waana erayo ka soo galay afkeenna seddaxdii dhinac een horay u soo sheegay, hase ahaatee, afafka kale ee sida; INGIRIISKA, TALYAANIGA, IYO FARANSIISKA, erayadoodu waxay u badanyihiin waxyaabihii laga bartay intii ay dhulka joogeen, mana ahan wax si wayn raad ugu leh afkeenna, marka lga reebo erayada a xiriir farsamada cusub. Si kastaba ha ahaatee, afkeennu wuxuu u baahanyahay in laga miiro afafka kale ee ku dhexjira, lana barto afafka kale, si loo garto waxa ku dhexjira afkeenna. Haddaba, dadka afafka yaqaannaahi waa in ay gacan ka gaysataan kala miiri-dda afkeenna iyo afafka kale.

W/D: Yaxye Xaashi Maxamad Cabdi | [email protected]

Tusmo iyo talo waayeel waa RAG WAX U REEBW/Q: C/qaadir Axmed Raage (Waayeel)

Waxaan muddo ku mamannaa, qorista ma-qaal oo aan doonayey, in aan ku qaadaad-higo, qaab barbaarinta bulshadeenna Soomaaliyeed. Hadaba, waxaan hadal kala dhig-dhigo, oo marna aan ku dhiirrado, marna ay iiga dhagto meel, maqaalkii waxaa go’aansadey inaan joojiyo, waxaanna igu qasbey:- 1- Maahmaahyada Soomaaliyeed ee ora-

neysa (Si xun wax u sheeg sixirrow ka daran).

2- In aanan bulshadeyda u diiwaangalin taariikh madow. 3- Talo iiga baxdey tusmo WAAYEEL.4- Waxaan kula kulmey magaalada aan

daganahey Bergen ee dalka Norwey, rag la iigu tilmaamey, in ay magaalada ugu da’weyn yihiin, balse, waxaa i soo jiitey, oo weliba madaxeyga ka bixi la’ haddana, igu qasabtey qoraalkan, anigoo ku niyadsan in wax badan noo tari laheyd, haddaan

hal-ku dhig ama mabda’ aan ka dhiganno. Waxbana ha dhararina JAWAAB WAAFI AH BAAN IDIIN WADAA.

Waxaan weydiiyey adeer Yaasiin su’aashan; adeer da’daadu waa da’ 80aad, waxaana kugu qiyaasi lahaa ugu yaraan 150 sano (boqol iyo kontan jir) waxaan ku weydiiyey anoo waaya aragnimadaada ka faai’idey-sanayo, kuna niyad weyn inaan kaa helo, jawaab waafi ah oo dhibka Soomaali heysto maanta lagu xalliyo? adeer Yaasiin Intuu wax yar dhoollacadeeyay oo qosal yarna sii raacsiiyey, ayuu igu yiri; ‘Adeer waa runtaa, waan jiraa boqol iyo kontan sano iyo ka badan weliba, waayoo, saddax fac ku dho-waad geed fadhi anaa ahaa, oo talada wax ka goyn jirey. aabahey iyo awoowgeyna wey iiga sii badnaayeen, taas middaas baan kaa iri. Jawaab waafiyana ku siiyeye, Soomaali waxaa ka maqan hal talo: “WAA RAG WAX U REEB!”.’ Taas oo uu iigu macneeyey adeer

Yaasiin, bulshadii hore waxey ku dhaqami jirtey in nin kii maqan ama tolkii maqan tala-diisa go’aaminteeda ama qeybinta cad rag ka dhaxeeyo lala sugi jirey, xataa ninkii gaf galo oo qof dilo laguna xukumo, lama dhiibi jiirin isagoo qof kale garabsanay, in hadduu uu yiraahdo hebal oo i dhiibin ma dhiibmo oo leyma dili karo hebalkaas hadduu safar ku maqan yahey xataa waa lala sugi jirey, oo waa lagu qiimeyn jirey, hadduu xal keenayo ama xoola bixinayo, oo “ragga qowlbaa xirayey!”.

Marka Adeer Yaasin sidaa wuxuu u yiri, aqriste, maalin kasto looma dhammo sow ma maqashid, waa gar yaqaan la maquuninaayo oo talaan bisleyn ayaa u muuqato. Had-dey madexdeennu mucaaradka talo u reebi laheyd, oo mucaaradkuna madaxda talo u reebi lahaa, oo is qiimeyn iyo qaddarin la muujin lahaa, qoyska, qaraabada, qabiillada, qeybaha bulshadeenoo dhan, QADARIN LA’AAN AYEY LA QEYLINAYAAN. Waa tuu Wiilwaal ku hal qabsadey: (Rag hooyadiina u hayee, walaalow wuxuu ku dhaamo waayey!).

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha.

Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: [email protected]

Page 6: Wargeyska Gobollada Dhexe - Juun 2014

Barnaamijka caafimaaadka aasaasiga waxaa bishii la soo dhaafay dalka ka hirgalisay dowladda Soomaaliya, iyada oo ay ka helayaan saacidaad hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo aqoonyahanno soomaaliyeed. Shirkii lagu qaba-tay caasimaddii Midowga Soo-fiyeeti, kolku sanadka ahaa 1978, kaas oo ay wada qabteen WHO iyo UNICEF si loo baaro dham-maan dhaqaatiirta iyo wadciyada caafimaadka ee adduunka, loona fiirsho xaaladda cafimaadka ad-duunka ee xilligaas ayaa waxaa ka soo baxay shirkaan hal ku dhiggii ahaa ‘Ruux walba waa in uu caafimaad helaa dhamaadka 2000, iyadoona loo egaayo bar-naamijka caafimaadka aasaaa-sigaa in uu yahay midka ugu wanaagsan ee lagu hirgalin karo. Waa asluubka ugu wanaagsan ee waddamada looga hirgalin karo laguna wanaajin karo cafimaadka shaqsiga iyo degaanka .

Barnaamijka caafimaadka aasaasiga waa dhowridda caafi-

maadka aasaasiga ee daruuriga oo dhameystiran ee ay helayaan min shaqsi, qoys iyo bulsho ahaan. Heerarka lagu gudbinaayo howlaha cafimaadka:

1- Xarumaha caafimaadka. 2- Isbitaallada guud. 3- Isbitaallada gaarka ah.

Xarumaha caafimaadku waa xarun caafimaad oo ay kormeerto maamulka dhowridda caafi-maadka aasaasiga ee magaalada ku taal, hadafkeeduna yahay wa-naajinta caafimaadka bulshada, ayadoo lagu gudbinayo howlaha barnaamijka caafimaadka aasaaasiga dhammaan dadka deggan magaalada, iyadoo loo fiirinayo cabbir xaddidan, lagana anba qaadayo fahamka bar-naamijka caafimaadka aasaaa-siga iyo istiraatijiyaddiisa.

Muhiimadda ay leedahay xa-runta caafimaadka:1- Gudbinta howlaha bar-

naamijka caafimaadka aasaaa-sigaa ee dhammaan bulshada

degaanka.2- Ogaanshaha mushkilooyinka

caafimaadka ee faafsan, ilaha ay ka faafaan iyo habka ay u dhacaan iyo dhigista habkii loo xalin lahaa.

3- U gudbinta bukaanka isbi-taalka hadba baahidiisa.

4- Diyaarinta takhaatiir joogta ah.

Tilmaamaha barnaamijka caafi-maadka aasaaasiga ah waxay kala yihiin:

1- In ay shaqsi kasta oo ka tirsan bulshada u fududato.

2- Inay cuskunataa qalab aamin ah cilmi ahaan, u suubban howl ahaan, waana in ay aqba-laan bulshada.

3- Waa in qarash bixintu u fudud-dahay qof kasta oo ka tirsan bulshada.

4- Waa in ay ahaataa kuwa hor-marinayo dadka bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan.

5- In nidaamka caafimaadka aasaasiga ahaado mid sare.

6- In muwaadiniintu si cadaalad ah u helaan howlaha caafi-

maadka, lagana saaro siyaa-sadda is diiddan, ama jecley-siga magaalo gaar ah.

Barnaamijka caafimaadka aasaaasiga waxaa asalkiisa uu ka duulaa cadaaladda iyo sinnaanta bulshada adduunka. Shuruudda howlaha barnaamijka caafi-maadka aasaaasigaa waa:

- Inay ahaataa mid guud, joog-tana ah.

- Inay ahaato mid si fudud uu ku heli karo muwaadinka, mar kastana joogta u ah helisteeda, waana in ay ka qeyb qataan hirgalin teeda.

- Waana in laga qeyb galiyaa dhammaan wasaradaha xiri-irka la leh, ee aysan ku ekaan wasaaradda caafimaadka oo kaliya, waxeyna fashilmeysaa markii barnaamijka cafimaadka aasaasiga oo isku dayaa shaqsi in uu hirgaliyo.

BARNAAMIJKA CAAFIMAADKA AASAAASIGAW/Q: Maxmed Cali Axmed | [email protected]

WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe