29
Xaranta Sheegashada Hore ee Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka

Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

  • Upload
    others

  • View
    1

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Xaranta Sheegashada Hore ee

Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka

Page 2: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka

Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka (Pandemic Emergency Unemployment Compensation, PEUC) waxaa weeye barnaamij hoos yimaada Sharciga Coronavirus Aid, Relief,iyo Economic Security (CARES) ee 2020.

PEUC waxaa weeye barnaamij kumeel gaadh ah oo bixiya gunooyinka bilaa shaqada oo laga dhigay 13 todobaad oo loogu talo geley shakhsiyaadka kasoo qiil waayaydhamaan xuquuqdooda gunooyinka caymiska bilaa shaqada caadiga ah oo aan u qalmin wax sheegasho guno caadi ah oo cusub oo gobol kale ah ama lagu bixiyo barnaamij federalka ah.

Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga Sheegashada Hore. Akhri dhamaan tilmaamaha oo waxa aad eegtaa su'aalaha badanaa la is waydiiyo ee ku yaala boga PEUC si aad u xaqiijiso inaad dalbanayso barnaamijka saxda ah iyo inaad iska ilaaliso dib u dhac shaqada arjigaaga.

Page 3: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Shuruudaha U Qalanka PEUC

Shakhsiyaadka u qalma waxaa kamid ah dadka:

• Ka qiil waayaygunooyinkooda caymiska bilaa shaqada caadiga ah ee wixii sheegasho ah ee dhacay marka la gaadho ama wixii ka danbeeya Julaay 1, 2019, ee aan u qalmin sheegasho kale

• Uma qalmaan sheegashada cusub ee Oregon, gobol kale, Canada, ama barnaamij federal; iyo

• Waxay awoodaan inay shaqeeyaan oo waxayna diyaar u yihiin inay doon doontaan shaqo marka laga baxo xaalada degdeg ah ee COVID-19 ee gobolka iyo deegaanka.

Page 4: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Hadii aad aaminsan tahay inaad u qalanto sheegashada caymiska bilaa shaqada ee cusub ee Oregon waa inaad dalbataa sheegashada adiga oo isticmaalaya Nidaamka Sheegashada Online-ka ah.

Hadii aad u qalanto guno gobol kale ah, waxa aad la xidhiidhaa gobolka si aad dalabka u gudbisato.

Hadii aan ogaato in aanad u qalmin gunada caymiska bilaa shaqada caadiga ah, waxa aad dalban kartaa kordhinta PEUC waxaana ay ka bilaabmaysaa todobaadka xiga todobaadkaaga ugu danbeeya ee aad qaadato gunada caymiskaaga bilaa shaqada ah (mudada uu socdo03/29/20 ilaa 12/26/20).

Hadii aad ogtahay in aanad u qalmin gunada caymiska bilaa shaqada caadiga ah oo aad doonayso gunooyin hoos yimaada barnaamijka PEUC, fadlan waxa aad eegtaa dhamaan tilmaamaha.

.

Page 5: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Kahor inta aanad bilaabin arjigaaga PEUC, waxa aad foomka ku kaydisaa aaladaada . Waxa aad waayaysaa ilaa iminka wixii aad ka shaqaysay hadii aanad marka hore kaydin foomka.

Marka arjiga la kaydiyo, waxa aad si toos ah ugu furtaa Acrobatama Acrobat Reader, hadii ay macquul tahay. Waxaa fudud hadii aad taabato arjiga.

Page 6: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Waxa aad ka heleysaa arjiga PEUC websaytkeena:

https://unemployment.oregon.gov

Waxa aad dooarataa ikhtiyaarka Nidaamka Sheegashada Online-ka ah oo riix badhanka Kordhinta (PEUC).

Hadii aad doonayso inaad dalbato arjiga in boosta laguugu soo diro, fadlan la hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay in laga dalbado arjiga oo daabacan.

Dheeraad(PEUC)

Page 7: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Waxa aad ka heli kartaa foomka arjiga hore websaytkeena unemployment.oregon.gov.

Waxa aad soo dejisataa foomka oo waxaad ku kaydsataa aaladaada.

Page 8: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Foomka PDF-ka ee la buuxin karo waxa uu u kaydsanayaa si toos ah. Waxa aanu si wayn ugu talinaynaa in aad kaydsato macluumaadkaaga aad geliso foomka si joogto ah adiga oo isticmaalaya badhanka Save (Kaydi) ee foomka ama adiga oo riixaya File>Save (Fayl>Kaydi) (ama Save As (U Kaydi).

Waxa aad xaqiijisaa inaad buuxiso foomka oo dhan. Foomka aan dhamaystirnayn waxa uu dib u dhigayaa shaqada. Hadii aanad buuxin foomka oo dhan ama aanad xaqiijin oo aanad saxeexin foomka, waxa ay noqonaysaa inaad foom cusub ku buuxiso macluumaadka oo dhan.

MUHIIM

Page 9: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Fadlan noo sheeg magacaaga sadexan, iyo Lambarkaaga Aqoonsiga Macmiilka ama Lambarkaaga Amniga Bulshada. Aqoonsigaaga Macmiilka waxa uu ku jiraa waraaqaha aad noosoo dirtay.

Macluumaadkaaga ayaa loogu baahan yahay si loo xaqiijiyo haybtaada iyo in la sameeyo dheeraadka PEUC.

Qor cinwaankaaga iimeelkasi aan kuula socodsiin karno arjigaaga shaqadiisa.

Qor luuqada aad doorbisaydso in laguugu sheego wixii tilmaamo hadal ah, taas oo ay dhici karto inay ka duwan tahay wixii ku qoran waraaqo.

Waxa aad qortaa cinwaankaaga iimeelka iyo taleefan lambarkaaga wakhtigan.

Waxa aad noo sheegtaa hadii aad guurtay ilaa Julaay 1, 2019 adiga oo saxaya sanduuqa.

Waxaa waajib ah inaad wada buuxiso dhamaan qaybaha.

Page 10: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Waxa aad samayn kartaa PEUC todobaad kasta laga bilaabo Maarso 29, 2020, wixii ka horeeya todobaadka wakhtigan ee aan lagu siinin gunooyinka caymiska Bilaa Shaqada caadiga ah. Waa inaad bixisaa Axada saxda ah ilaa taariikhda Sabtida ama waxaa dib u dhac ku imanayaa nidaamka arjigaaga PEUC.

"Shaqada" waxaa kamid ahwixii 1099 (qandahaasle madax banaan) ama shaqaale kumeel gaadh ah.

Waxaa waajib ah inaad wada buuxiso dhamaan qaybaha.

Page 11: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Waxa aad sheegtaa dhamaan faahfaahintalagu dalbaday qayba kasta.

Macluumaadka qaybtan waxa uu kaliya la xidhiidhaa wixii bilaa shaqo ah ilaa markii kuugu danbaysay ee dalbato, aad ka shaqaysay meel ka baxsan gobolka, ama aad u shaqayso dawlada federalka ama ciidan 18 bilood e ugu danbeeyay.

Waxaa waajib ah inaad wada buuxiso dhamaan qaybaha.

Page 12: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Cadaynta Todobaadkii

Waxa aad buuxisaa qaybta Cadaynta Todobaadkii hadii aad hore u dalban gunooyin isla todobaadkaas ah ee aad ka dooratay qaybta Taariikhda Buuxinta PEUC.

Ha buuxin cadaynta todobaadka hadii aad hore u dalbaday todobaadka kowaad ee kordhinta PEUC gaaga adiga oo isticmaalaya nidaamka sheegada onlineka ah ama khadka taleefanka sheegashada todobaadkii.

Waa inaad gelisaa ee todobaadka aad doonayso inaad dalbato. Hadi aad geliso taariikhda khaldan, waxaa dhici doonaa dib u dhac ee todobaadkaaga gunada ah.

Waxa aad daawataa fiidyawgan YouTubewixii macluumaad ah ee xaraynta gunooyinka todobaadkii.

Tani waxay sharaxaysaa filashada wakhtigan ilaa inta gobolka iyo waaxda xaalada degdeg ah ee deegaanku ay bayaamiso COVID-19 in aanu wixii intaa ka danbe jirin.

Page 13: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Waxa aad ka heli kartaa foomka arjiga todobaadlaha ahwebsaytkeena unemployment.oregon.gov.

Waxa aad soo dejisataa foomka oo waxaad ku kaydsataa aaladaada.

Page 14: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Cadaynta Todobaadkii

Waxa aad buuxin kartaa sheegashooyin dheeraad ah oo todobaadle ah ee aad doonayso inaad dalbado kadib todobaadka uu dhaqan galo.

Soo deji dalabka Sheegashada Todobaadlaha ah ee PEUC ee boga PEUC.

Waa INAAD buuxisaa hal todobaad kasta oo aad doonayso inaad dalbato

*Taariikhda Todobaadka - Axad ilaa Sabti. Tusaale: Maajo 3, 2020 - Maajo 9, 2020

Axad Isniin Talaata Arbaca Khamiis Jimce Sabti

Page 15: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Miyaad diiday shaqo lagu siiyay todobaadkii lasoo dhaafay?

Waxa aanu ku waydiinaynaa hadii lagu siiyay shaqo oo aad diiday.

Haa, hadii aad diiday shaqada.Maya, hadii aanad diidin.

Waxa aad isticmaashaa tusaalaha boga hore, oo waxa aad sheegtaa taariikhda Sabti ee todobaadka aad doonayso inaad dalbato.

Miyaad ka tagtay shaqadaadii todobaadkii lasoo dhaafay?

Waxa aanu ku waydiinaynaa hadii iskaa uga tagtay shaqada todobaadkii lasoo dhaafay.

Haa, hadii aad ka tagtay shaqada. Maya, hadii aanad ka tagin shaqada ama hadii aanad haysan shaqo aad ka tagto.

In lagaa eryay shaqo ama lagaa joojiyay todobaadkii lasoo dhaafay?

Waxa aanu ku waydiinaynaa hadii lagaa joojiyay shaqo ama hadii cida aad u shaqaysaa ay kaa eriday.

Haa, waa la iga eryay ama laga joojiyay shaqo.Maya, hadii aan lagaana eryin oo aan lagaana joojin.

*Oggow: Ka eryida shaqada maadaama oo ayna jirin shaqo ku filan looma arko in qofka laga eryay.

Page 16: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Miyaad ka maqnayd meeshii aad sida rasmiga ah u degan tahay 3 maalmood todobkii lasoo dhaafay?

Waxa aanu doonaynaa hadii aad magaalada ka maqnayd sadex maalmood wax ka badan todobaadka aad gunadiisa dalbanayso.

Haa, hadii aad maqnayd wax ka badan sadex maalmood.

Maya, hadii aanad maqnayn waxbaba ama aad maqnayd wax ka yar sadex maalmood todobaadka aad dalbanayso.

Miyaad jidh ahaan iyo maskax ahaan awoodaa inaad qabato shaqaydii laguu igmaday todobaadkii lasoo dhaafay?

Waxa aanu ku waydiinaynaa waa inaad shaqaysay todobaadka aad gunadiisa dalbanayso.

Waxa loo arkaa inaad "awoodo" inaad shaqayso hadii aad maskixiyan iyo jidh ahaan aad awoodo inaad shaqayso. Hadii aad ku jirtay karantiimo, laakiin aanad xanuunsanaynin, waxa loo arkaa inaad "awoodo" inaad shaqayso.

Shuruucda kumeel gaadhka ah wakhtigan, hadii aad joogtay guriga badanaa todobaadka (wax ka badan 3 ½ maalmaha) maadaama oo uu kugu dhacay COVID-19 ama caalamado hargab oo kale ah kaas oo kaa horjoogsaday inaad shaqayso, waxaa laguu arkaa inaad "awoodo" inaad shaqayso madaama oo aan isbitaal aan lagu dhicin wakhti kamid ah todobaadka.

Hadii lagu dhigay isbitaalka todobaadkan, laguuma arko inaad "awoodo" inaad shaqayso todobaadkan.

Page 17: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Maalin kasta oo todobaadkii lasoo dhaafay ah miyaad diyaar u ahayd inaad shaqayso oo ma awooday inaad aqbasho oo aad labada gelinba tagto shaqada, gelin ama si kumeel gaadh ah?

Waxa aanu ku waydiinaynaa hadii aad awooday inaad shaqayso hadii aanad ku jirin karantiimo ama hadii aad diyaar u tahay inaad doonato shaqo ama aad ku noqoto shaqadan marka xaalada degdeg ah ee gobolka iyo deegaanka ee COVID-19 ay meesha ka baxdo.

Miyaad si rasmi ah u doon doonanaysay shaqo todobaadkii lasoo dhaafay?

Waxa aanu doonaynaa in aanu ogaano hadii aad doon doonatay shaqo todobaadka aad dalbanayso gunada.

Waxaad si firfircoon u doon doonanaysaa shaqo hadii aad ku noqoto cidii aad u shaqaynaysay ama aad diyaar u tahay inaad shaqo doon doonato marka xaalada degdeg ah ee gobolka iyo deegaanka ee COVID-19 ay meesha ka baxdo.

*Oggow: Daawo fiidyawga YouTube wixii shuruucda xaalada degdega ah ee wakhtigan iyo filashooyinka

Page 18: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Miyaad shaqaysay todobaadkii lasoo dhaafay, mise, miyaad qaadatay ama qaadan doontaa gunooyinka fasaxa ama dalxiiska todobaadkaa?

Waxa aanu doonaynaa in aanu ogaano hadii aad shaqaysay ama aad qaadatay wax gunooyin ah todobaadka.

Warbixinta isugaynta dakhliga hadii aad shaqaysay todobaadka ama hadii aad qaadatay talaal ama guno fasax, oo aad qorshaynayso inaad ku noqoto shaqada cida aad u shaqayso. Ma sheegin gunada dalxiiska ama fasaxa hadii si gaar ah oo kuugu ogoshahay cida aad u shaqaysaayi.

Geli wadarta tirada saacadahaQaybtan waxaa lagaaga baahan yahay inaad geliso xadiga saacadaha aad shaqaysay todobaadka. Hadii aanad shaqaynin laakiin aad qaadatay guno dalxiis ama safax, waxa aad gelisaa ugu yaraan 1 saac.

Wadarta isudaynta dakhliga (kahor inta aan waxba laga jarin)Qaybtan waxaa ay kaaga baahan tahay inaad geliso wadarta dakhliga ee todobaadka aad dalbanayso, xataa hadii aan weli lagu siinin. Hadii aad qaadatay guno dalxiis, safax ama nooc kale oo mushahar safax ah (oo aad ku noqonayso shaqada cida aad u shaqayso), waa inaad gelisaa xadiga aad qaadatay qaybtan.

Tusaale 1: Waxa aad qaadatay $14 saacadii oo waxa aad shaqaysay 5 saacadood todobaadkii aad dalbanayso laakiin waxa aad qaadan doontaa todobaadka xiga.

$14 X 5 saacadood = 70 Waxa aad heshey 70 doolarintii lagu jiray todobaadka

Tusaale 2: Waxa aad qaadatay $14 saacadood oo maanad shaqaynina todobaadkan aad dalbanayso laakiin waxa aad heshey 5 saacadood oo mushahar dalxiis ah iyo 5 saacadood oo fasax ah.

$14 X 10 saacadood = 140 Waxa aad heshsy 140 doolar intii lagu jiray todobaadka

Page 19: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Hadii aanad ku qorin ugu yaraan laba macluumaad oo si toos ah loogala xidhiidha cida loo shaqeeyo oo aanad si firfircoon u doonan sadex shaqo, waxa aad ku jawaabtaa "Haa" si kumeel gaadh uga eriga shaqada (Temporarily Laid Off, TLO) sanduuqa ah ee sare ka muuqda. Waxaana weeye sanduuqani mid lagu cadaynayo in aad "si wanaagsan u doon doonanayso shaqo" sida marka hore laguugu sheegey shuruucda kumeel gaadhka ah ee wakhtigan.

Waxa aad ka boodi kartaa sanduuqan hadii:

• Waxa aad xaqiijisay inaad "si firfircoon u doon doonan jirtay shaqo" adiga oo qorshaynaya inaad ku noqoto cidii aad hore ugu shaqayn jirtay marka shaqo ka banaanaato; ama

• Waxa aad doon doonaysaa shaqo marka bayaanka xaalada degdeg ah ee gobolka iyo deegaanku dhamaato.

Dooro sanduuqan hadii xubin ka tahay urur xidhan oo wanaagsan.

Doon Doonashada Shaqada Si Firfircoon

Page 20: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Waa inaad ku calaamadisaa waan aqbalay ama arjigaaga laga shaqayn maayo.

Waxa aad ka jawaabtaa su'aalaha soo socda ee ku saabsan bixintaada lacagta. Lacagahaaga waxaa loo bixin doonaa qaabkii hore laguu siin jiray. Waxaa muhiim ah inaad xaqiijiso macluumaadkan.

Waxa aad booqan kartaa websaytkeena COVID-19 si aad u geliso macluumaad dheeraad ah oo todobaadkii ah wixii todobaado ah ee aanad dalban ilaa todobadkii ugu danbeeyay.

Page 21: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Akhri macluumaadka oobayaami in macluumaadka aad bixisay ee ku qoran foonka uu sax yahay ilaa inta aan ogahay.

Saxeexaaga ayaa loo baahan yahay oo uu la socdo taariikhda aad saxeexayso waraaqaha.

Si si amaan ah loogu geliyo, qoraalka magacaaga ayaa loo aqbali karaa saxeex ahaan.

Page 22: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Gelitaanka daaqada gelinta amaanka ah ee Nidaamka Sheegada Online-ka ah.

Ikhtiyaarka Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka (Pandemic Emergency Unemployment Compensation, PEUC).

Tilmaamaha Si Amaan ah U Gelinta

KAYDI arjigaaga kahor inta aanad gelin.

MUHIIM

Page 23: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Geli lambarkaaga SSN iyo PIN-kaaga

Oggow: PIN waxa uu lamid yahay ka aad ku isticmaasho marka aad xaraynayso dalabkaaga iyo dalabkaaga sheegashada todobaadkii

Riix Continue (Sii Wad)

Tilmaamaha Si Amaan ah U GelintaKAYDI arjigaaga kahor inta aanad gelin.

Waxa aad iska dhaafi kartaa isticmaalka lambarka PIN-ka si aad u geliso arjigaaga; laakiin, waxa aad weli u baahan doontaa inaad haysato PIN-kaaga oo uu kuugu jiro sheegashada todobaadkii fayla ah kadib marka arjigaaga PEUC kaaga laga shaqeeyo.

MUHIIM

Page 24: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Xaqiiji inaad ogolaatay inaad bayaanka khiyaamada adiga oo gelinaya magacaaga oo sadexan.

Riix Continue (Sii Wad)

Tilmaamaha Si Amaan ah U GelintaKAYDI arjigaaga kahor inta aanad gelin.

Magaca Kowaad iyo Magaca Awowga

MUHIIM

Page 25: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Tilmaamaha Si Amaan ah U GelintaKAYDI arjigaaga kahor inta aanad gelin.

Geli lambarka taleefan wanaagsan oo lagaa heli karo.

Geli cinwaan iimeel oo wanaagsan oo aanu wargelinaya kuugu soo diri karno hadii arjigaaga la joojiyay.

Dooro nooca waraaqaha aad soo gelinayso:

Wixii Arjiga PEUC dooro Xaqiijinta Nafta ee PEUC/Qaadida

Wixii Dalabka Sheegashada Todobaadlaha ah dooro Xaqiijinta Sheegashada Todobaadlaha ah

Waxa aad gelin kartaa waraaqaha iyaga oo ah qaababka soo socda: PDF, PNG, GIF, TIF, BMP, JPG, ama JPEG.

MUHIIM

Page 26: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Tilmaamaha Si Amaan ah U GelintaKAYDI arjigaaga kahor inta aanad gelin.

Marka aad doorato faylka, riix “Upload (Geli)”.

Dooro badhanka “Browse (Daaqada)” si aad u hesho waraaqaha aad doonayso inaad geliso.

MUHIIM

Page 27: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Tilmaamaha Si Amaan ah U GelintaKAYDI arjigaaga kahor inta aanad gelin.

Hadii aad dhamaystirtay gelinta faylka, riix “Complete My Submission (Dhamaystir Gudbintayda)”.

Waxa aad gelin kartaa faylal dheeraad ah.

Dooro badhanka “Browse (Daaqada)” si aad u hesho waraaqaha aad doonayso inaad geliso.

MUHIIM

Page 28: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

Tilmaamaha Si Amaan ah U GelintaKAYDI arjigaaga kahor inta aanad gelin.

Bogan waxa uu kuu sheegaya in waraaqahaagii lagu guulaystay gelintooda.

Waxa aad heli doontaa lambar xaqiijinta ah iyo tilmaamo ku yaala boga xiga. Waxa aad lambarka ku haysataa duwaankaaga.

MUHIIM

Page 29: Gunada Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ee Safmarka...Waraaqahani waxay kaa caawinayaan inaad inaad dhax tibaaxdo Arjiga ... hadal 503-947-1563. Lambar taleefankan waxa uu kaliya yahay

MUHIIM: Waxa aad xaqiijisaa inaad todobaad kasta dalbato

gunooyinka aad doonayso inaad hesho.

Wixii macluumaad ah ee dheeraad ah waxaad ka heleysaa

Gunooyinka Bilaa Shaqada Xaalada Degdega ah ee

Safmarkeena ( Pandemic Emergency Unemployment

Compensation, PEUC) ee:

unemployment.oregon.gov