4
Kireysashada hoyga - xuquuqda iyo waajibaadka Miljö- och hälsoskyddskontoret, Växjö kommun Västra Esplanaden 18 352 31 Växjö Telephone: 0470-410 00 E-mail: [email protected] Somaliska

- xuquuqda iyo waajibaadka...naca deriska, waa in marka hore wargelisa milkiyeha hanti ma guurtada. Haddii usan waxba ka qaban la xiriir Xafiiska arrimaha bay`adda iyo caafimaaad-sugidda

  • Upload
    others

  • View
    5

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: - xuquuqda iyo waajibaadka...naca deriska, waa in marka hore wargelisa milkiyeha hanti ma guurtada. Haddii usan waxba ka qaban la xiriir Xafiiska arrimaha bay`adda iyo caafimaaad-sugidda

Kireysashada hoyga- xuquuqda iyo waajibaadka

Miljö- och hälsoskyddskontoret, Växjö kommunVästra Esplanaden 18

352 31 VäxjöTelephone: 0470-410 00

E-mail: [email protected]

Somaliska

Page 2: - xuquuqda iyo waajibaadka...naca deriska, waa in marka hore wargelisa milkiyeha hanti ma guurtada. Haddii usan waxba ka qaban la xiriir Xafiiska arrimaha bay`adda iyo caafimaaad-sugidda

Waxyaalaha aan ka caawinni karno- iyo waxyaalaha adiga laga filanaayo inaad ku

filan tahay maxay yihiin?

Naga guddooma talo-siin iyo naseexooyin xiriir la leh bayádda hoyga – waa haddii laga firiyo dhinaca caafimaadka – iyo waxyaalaha ugu muhimsan sidii aad caafimaad wanaag ugu heli lahayd hoy-gaaga. Waxaa jiraan sharciyo iyo nidaamyo, oo ah in bay`adda hoy-gaaga ayna caafimaad-kaaga dhibaato u keenin, kuwaasoo milkiyeha hanti ma guurtada u ku qasban yahay in uu tixgeliyo ama tixraaco. Laakin waxaa kaloo fiican in xitaa adiga aad garasho u leedahay qaabka guryaha loo maareeyo. Mararka qaarkood, waxaad adiga u baahan tahay inaad caafimaad wanaagga dartiisa aad xitaa adiga gacan ka geysato.

Markii su`aallo aad waydiiso ama cillad aad wargeliso milkiyeha hanti ma guurtada, waxaa lagugu wargelinayaa haddii ay jiraan waxyaalo u baahan in adiga laf ahaan-taada aad sameeysato, ama haddii milkiyeha u cilladda wax ka qaban doono. Waxaa muhim ah inaad sida ugu dhaqsida badan la xiriirto milkiyeha hanti ma guurtada, markii ay jiraan yaraansho/la`aansho, taasoo waxyeeli karto caafimaadkaaga, laakin xitaa waxyeeli karto guriga ama deriskaaga dhibaato u keeni karto.

Haddii cillada laga helay gudaha hoy-gaaga, waxaa muhim ah in milkiyeha hanti ma guurtada, xirfad-yaqaanaha ama shaqaalaha kale ee shirkadda, aad siiso fursad ay guriga ku soo galaan, kuwaasoo ah kuwa cilladda wax ka qaban doono. Ha iloowin inaad tixgeliso/tixraaco dardaaranka cilladda lagu hagaajin doono.

2 3

Haddii aad garanayn sida loo daryeelo guriga aad degan tahay

Milkiyeha hanti maguurtada waydii

Milkiyeha hanti ma guurtada wargeli cilladda jirta

Haddii cillad guriga ayka jirto taasoo caafi-maad-darro ay sababtay

Waa salaaman tahay!

Iyadoo fiirogaar aan la siinin halka iyo hoyga u qofku ku nool yahay, ayaa haddana waxaa muhim ah in bay`adda hoyga ay tahay mid heer sare ah. Waa in bay`adda ay leedahay xaalado ku suurtagelinyo inaad caafimaad wanaag hesho.

Bugaani yar waxaad ka aqrisan kartaa waajibaadka ku saaran, iyo waxa aad ka filan karto milkiyeha hanti ma guurtada.

Waxaa kaloo ka warbixin doonaa arrimaha xiriirka la leh hawo-siinta, darajada heerkulka hoyga, cayayaanada, buuqa, waxyaalaha uraya iyo nidaamyada hab-dha-qanka ee xiriirka la leh bay`adda hoygaaga.

Ku soo-dhowoow, nala soo xiriirHaddii aad su`aallo ama fikrado ka qabto warbixinta ku qoran buugani yar nala soo xiriir:

Xafiiska arrimaha bay`adda iyo caafimaaad-sugidda[Miljö- iyo hälsoskyddskontoret]Växjö kommunTal. 0470-410 00E-mail: [email protected]

Sannadka la daabacay: 2019

Page 3: - xuquuqda iyo waajibaadka...naca deriska, waa in marka hore wargelisa milkiyeha hanti ma guurtada. Haddii usan waxba ka qaban la xiriir Xafiiska arrimaha bay`adda iyo caafimaaad-sugidda

Ma dhacday inaad milkiyeha hanti ma guurtada aad cillad jirto war-gelisay, laakin aan wax tallaabo ah laga qaadin? Haddii aad milkiyeha hanti ma guurtada wargelisay cillad jirto, oo laakin waxba laga qaban waa inaad arrinta kala xiriirta xafiiska Xafiiska arrimaha bay`adda iyo caafi-maaad-sugidda ee Dowladda hoose Växjö. Xaaladaas waxaa la eegayaa haddii aad xaq u leedahay caawinaad waafaqasan sharciyada iyo nidaayada hirgalay. Haddii ay jiraan waxaan milkiyeha hanti ma guurtada ku amri doonaa in cilladda jirta u wax ka qabto.

Buuq miyaad sababta?Haddii aad ku kacdo falal buuq ku salaysan ama aad tixgelin amarka lagu siiyay, kaasoo xiriir la lahaa hagaajinta cilladda, waxaa dhici karto in milkiyeha hanti ma guurtada oo anaga noola soo xiriiro. Xaaladaas waxaa dhici karto in aan kugu amar-no tixgelinta amarka dib loogu hagaajin lahaa cilladda.

Afargeysta ku qoran xaqiiqda – milkiyeha hanti ma guurtada iyo shirkadda guryaha”Buug yaridaan waxaan go`aansanay in aan isticmaalno magaca milkiyeha hanti ma guurtada. Milkiyeha hanti ma guurtada waa shirkadda guriga iskaleh, oona xilsaaran tixgelinga sharciyada u degsan, taasoo ku suurtagelin doonto inaad gurigaaga caafimaad wanaagga ku hesho. Badi ahaan waa isla qofka ama shirkadda ee aad heshiiska guri-kireysashada la gashay. Mararka qaar-kood milkiyeha hanti ma guurtada wuxuu adeegsada shirkad kale, maamule, oo maareeya guriga taasoo aad kala xiriiri karto wixii su`aallo ah ama wargelinta cilladda.

Hawo-siintaSida lagu helo cimilada gudaha ee heerka sare, waxaa aad muhim u ah in la helo hawo nadiif oo fresh ah.

Guryaha waxay badi ahaan leeyihiin hab-dhiska layrinta oo guryaha siiyaa hawo nadiif ah. Waxayna ku dhegsan yihiin derbiyaha ama agagaarka dariishadaha. Waxaa dhico karto in u adiga ku saaran yahay xilka hubsashada in hab-dhiska layrinta ay furan yihiin oona nadiifsan yihiin, sida hawada ay aqalka ku soo guda gasho u adiga ku saaran yahay. Mararka qaarkood isha laguma dhufan karo halka hawada ay ka soo gasho. Guryihii berri hore la dhisay malaha hab-dhiska layrinta, xaaladaas waxay hawada badi ahaan ka soo gasha geesaha dariisashadaha aan xanibaadaha lahayn.

Hawada hoy-gaaga ku jirto waxay ka timaada CO carbon dioxide iyo qoyaanka soo saarida neefsashadaada. Wax kasta oo guriga ku yaallo iyo wax kasta oo aad sameeyso waxay kaalin ka geystaan qoyaanka guriga gudahiisa iyo maaddooyinka kala duwan oo ay hawada leedahay. Sidaas awgeed, waa in guriga dhexdiisa ay jirto

goob hawada wasakhda ah ay ka baxdo. Jikada iyo qolka lagu qubaysto waxay badi ahaan leeyihiin marawaxo ama hab-dhiska layrinta.

Halista jirta haddii hab-dhiska hawo-siinta usan shaqaynayn:• Waxaan mararka qaarkood dareemi karna daal iyo xoogsaarindarro • Waxaa sare u kaca halista aleerjiyada iyo cilladda neefsashada • Haddii qoyaanka aanan guriga laga ciribtirin waxaa kaloo dhici karto in guriga u

wax yeelmo iyo halista bololka .

Nooca caawinaadda aan heli karo waa sidee?Milkiyeha hanti ma guurtada wuxuu mas`uul ka yahay in hoygaaga uu leeyahay hawo-siinta ku filan. Waxaa kalo jiro nidaam shuruudaysan oo kolba xilli lagu kor-meero xaaladda hawo-siinta. Adiga oo aqal-kireyte ah laguma oggola inaad faraha la gasho hab-dhiska hawo-siinta, maxaayeelay waxay saamayn ku yeelan kartaa tayada hawada ee hoy-gaaga.

Tallaabooyinkaan ayaa adiga qaadi kartaaBadi ahaan waxaa ku xilsaaran inaad habaas/boorka ka masaxdo layrinta qolka lagu qubaysto oona dhaqdo miiraha marawaxa jikada. Milkiyeha hanti ma guurtada ayaa ku wargelin doono sida hawlahaas loogu dhaqaaqo. Waxaa muhim ah in boorka ama dufanta aynan xayirin in hawada la isticmaalay ay dibada u baxdo.

Haddii hab-dhiska layrinta uu leeyahay qalabka miireha, waa in xaaladaas milkiyeha hanti ma guurtada ku siiyo warbixin ku saabsan sida loo beddelo oona kaddib loo nadiifiyo iyo inta jeer hawlahaas la qabto. Waxaa fiican inaad waydiiso. Maxaayeelay, waxaa dhici karto in mararka qaarkood u xilka beddelida iyo nadiifinta u adiga ku saaran yahay.

Darajada heerkulka hoygaKu saabsan darajada heerkulka hoyga aan ku nool nahay, waa hadba sida u qofku ka helo. Haddiise heerkulka u aad u sareeeyo ama u aad u hoseeyo, wuxuu saamayn ku yeelan karaa caafimaadkeenna.

Siiba darajada heerkulka hoyga aad u sareeyso waxay sababi kartaa halis, halka darajada heerkulka hoyga ee aad hoseeyso ay saamayn ku yeelan karto raaxada.

Waxaa jiraan talooyin xiriir la leh heererka darajada heerkulka hoyga.

Darajada hawada heerkulka hoyga waa in: Aynan ka hoosayn 20°C, Aynan ka badnayn 24°C, ama 26 °C xilliga kuleelaha

Heerkulka sagxada waa in aynan ka hoosayn 18°C

4 5

Page 4: - xuquuqda iyo waajibaadka...naca deriska, waa in marka hore wargelisa milkiyeha hanti ma guurtada. Haddii usan waxba ka qaban la xiriir Xafiiska arrimaha bay`adda iyo caafimaaad-sugidda

Adigoo isticmaalayo heerkulbeegga caadi ah, ayaa laf ahaantaada cabbiri karta darajada heerkulka hoyga, oo aad hubsan kartaa in ay u dhaxayso 20°C iyo 24°C. Haddii muddo dheer uu heerka heerkulka ka sareeyay ama ka hooseeyay kuwa talada ku xusan, wuxuu milkiyeha hanti ma guurtada u baahan yahay in uu ku dha-qaaqo cabbirinta darajada heerkulka hoyga casriyeeysan, oona kaddib barbardhigo heerka dhaqan galay ama u tallaabadii u dib ugu hagaajin lahaa darajada heerkulka hoyga ku dhaqaaqo.

Xaalad kasta lama tixgelin karo heerka darajada heerkulka hoyga ee dhaqan galay. Sida tusaale, haddii u jiro jaw aad u xun oo sababa kuleel aad u darran lama tixgelin karo heerka darajada heerkulka hoyga ee dhaqan galay. Teeda kale, waxaa jiro ko-oxo sida waayeelada, ilmaha yaryar iyo dadyoowga u dhiban itaaldarrada, kuwaasoo aan u adkaysan karin darajada heerkulka hoyga oo aad u sareeyso ama aad u hoo-seeyso. Kooxahaas waxaa u degsan darajada heerkulka hoyga oo iyaga u gaar ah.

Nooca caawinaadda aan helo karo waa sidee?Milkiyeha hanti ma guurtada ayuu xilsaaran yahay in guriga u leeyahay kuleel ku fi-lan, iyo in hawada kuleelka dheeraad ay dibadda u baxo. Haddii heerkulka hoy-gaa-ga u aad u sareeyo ama u aad u hooseeyo, la xiriir milkiyeha hanti ma guurtada kaddib sameey wargelinta cilladda.

Tallaabooyinkaan ayaa adiga qaadi kartaaWaxaa jiro qodobo ka reeban nidaamka u degsan darajada heerkulka hoyga ee habboon, laakin caadi ahaan waxaa hirgala darajooyinka heerkulka hoyga ee ku xu-san boggii hore iyo waxa aad filan karto. Taasoo macneheeda ay tahay, haddii aad dhaxan ama kuleel ku dareemayso gurigaaga, inkastoo haddana darajada heerkulka hoyga ay caadi tahay, waa inaad isku dayda inaad xal u hesho cilladda jirto. Qof kasta si bu u aaminsan yahay heerka darajada heerkulka hoyga ee lagu raaxaysan karo. Ka feker in aadan marna xirin hab-dhiska layrinta haddii aad is leedahay waa qaboow, maxaaayeelay waa halkaas halka aad ka heleyso hawo fresh ah oo nadiif ah.

CayayaanadaCayayaanada waa magac guud oo loogu yeero xayawaanada, oo siyaabo kala duwan dhaawac u geeysta aadanaha, ha ahaadeen toos ama hab aan toosanayn.

Waxaa jiro cayayaan oo: • cunna raashinkeenna – sida tusaale nooca xasharaadka duula ka mid ah, seeraha

doofarka, baranbarada • waxay waxyeelaan marayaasha sida dharka iyo kadiifadaha – sida tusaale xasha-

raadka kadiifadaha, balanbaalista dharka • waxay weerarta aadanaha – sida tusaale dhilqaha

Cayayaanada waxay kaloo noqon karaan dhirxagato sida doolli iyo jiir. Waa in gur-yaheenna aan laga helin wax cayayaan ah. Haddii aad shaacbixiso waxaa waajib kugu ah in sida ugu dhaqsida badan aad wargeliso milkiyeha hanti ma guurtada.

Nooca caawinaadda aad heli karto Haddii loo baahdo in cayayaanka laga ciribtiro hoygaaga, wuxuu milkiyeha hanti ma guurtada caawinaad ka codsan doonaa shirkad, laakinse mararka qaarkood wuxuu milkiyeha ka codsan doonaa inaad adiga la xiriirto shikadda noocaas ah. Iyadoo fiirogaar aan la siinin qofka dalbadeha ah, milkiyeha hanti ma guurtada iyo shirkadda guryaha cayayaanada ka ciribtirta ayaa mas`uul ka ah in lagu wargeliyo nooca hawlgallada lagu dhaqaaqi doono, sababta loogu dhaqaaqayo iyo goorta la soo gabagabayn doono.

Tallaabooyinkaan ayaa adiga qaadi kartaaGoorta hawlgallada ciribtirida cayayaanada lagu dhaqaaqi doono, waxaa waajib kugu ah in shaqaalaha shirkadda u suurtagelisid in ay soo guda galaan aqalkaaga, iyo inaad tixraacdo dardaarankooda. Waxaa muhim ah in ay ciribtiraan cayayaana-da, kana hortagaan in gurigaaga ay ku faafaan ama guryaha deriskaaga ah.

Ka ciribtirida kaddib haddii cayayaanada ay dib u soo noqdaan, waa inaad durbadii-ba wargeliso milkiyeha hanti ma guurtada.

Nidaamyada hab-dhaqanka, urka iyo codkaMilkiyeha hanti ma guurtada waxaa u degsan nidaamyada hab-dhaqanka ee loogu talagalay hoy-gaaga. Waxyaalaha ku xusan waxay noqon karaan qaabka loo maareeyo xayawaanada guryaha lagu xannaanadeeyo, qaabka loo isticmaalo loona daryeelo goobaha dharka lagu dhaqdo iyo in aan lagu oggolayn inaad muusikada u dhagaysato coda ad u dheer.

Waxaa jiro qodobo sharciyeed oo ku xusan in ay mamnuuc tahay in deriska lagu buuqo. Taasoo macneheeda ay tahay tusaale inaad buuqa deriska ka ilaaliso, inaad muusikada aad u dhagaysan coda ad u dheer ama eeygaaga usan deriska ku buuqin. Tan kale, waa inaad deriskaaga ka ilaalisa urka ay dhibsan karaan.

Nooca caawinaadda aan heli karo waa sidee?Haddii adiga aad wax un dhibsato, sida tusaale waxyaalaha uraya ama buuqa dhi-naca deriska, waa in marka hore wargelisa milkiyeha hanti ma guurtada. Haddii usan waxba ka qaban la xiriir Xafiiska arrimaha bay`adda iyo caafimaaad-sugidda ee Dowladda hoose Växjö.

Tallaabooyinkaan ayaa adiga qaadi kartaaMarka hore hubso qodobada nidaamyada hab-dhaqanka oo ka hirgalay halka aad degan tahay. Tan kale, fiirogaar-sii iyo tixgelin haddii cabashada ay adiga kugu saabsan tahay. Haddii deriskaaga aad ugu buuqdo oona tirada ay badan tahay, waxaa arrinta maarayn doono milkiyeha hanti ma guurtada. Kaddib Xafiiska arrimaha bay`adda iyo caafimaaad-sugidda ee Dowladda hoose Växjö ayaa arrinta la wareegi doono.

6 7