Upload
others
View
81
Download
5
Embed Size (px)
Citation preview
1
GORFAYN: Halbeeg - Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahanka
W/Q: Cabdifataax Xasan-Barawaani
Feebarweri 07, 2019 – Hakis.
Hordhac
Dhiganahan loogu magac darey “Halbeeg” waxa aan la socdey bandhiggiisii bishii
diisenbar ee sannadkii 2017, kaas oo aan in badan buunbuunintiisa baraha bulshada ku
arkayey. Waxaana qorey qore lagu magacaabo Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed (Beder)
oo ah wadaad iyo bare jaamacadeed, kuna takhasuusay Bangiyada iyo Dhaqaalaha
Islaamka. Bilowgii 2018-kii ayaan isku dayey inaan akhriyo oo soo qaato, se iima
suurtagelin oo waxa Eebe qorey in aan 2019 billowgeeda soo qaato oo aan akhriyo.
Mahadi haka gaadhee saaxiibkey Subeer Maxamed Sheekh ayaa habeen ka mid ah
habeennada bishii december/January ee dabshidkii 2018 ayaa uu ii soo dhiibey. Ka dib
bishii koowaad ee 2019 ayaa sidaa igu dhaaftey. Bishii labaad ee Feebarweri 5teedii ayaan
soo qaadday oo akhrintiisa bilabey waxaan ku dhammeeyey saddex maalmood aniga oo
ugu talo galey laba maalmood, laakiin maalintaasna waa iga raacdey oo waxaan soo
afmeeray 7dii bishii Feebarweri ee 2019.
Markii aan akhriska bilaabayey iyo intii aanan buugga gacanta ku heynba waxa
maankeyga ku jirtey buuggaas waxa ku qoran haddaad ku waafaqdo iyo haddaad ku
khilaaftaba aragtidaada ku aadan waa inaad dhowr bog ku cabbirtaa iyo wixii aad kala
kulantay. Waxaaba middaas igu sii dhiirrigeliyey qoraaga buugga oo boggaga dambe ku
tilmaamey in wixii talo iyo tusaale iyo falanqeynba ah uu diyaar u yahay in lala waddaaggo,
sidaas darteed aniga oo middaas ka duulaya ayaan dhowr bog ku falanqeyn doonaa
buuggan. Haddaynu usoo gudubno qeybaha hore ee hordhaca, maxaa laga yidhi? Afeef,
hibeyn, maxaa loo qorey? iwm ayuu ku billaambey, waxbana ka odhan maayo qeybahaas
sababta oo ah waxa ay isugu jirtaa hordhacyo qoraagu leeyahay oo aan aniga iigu
muuqan wax lagu noqdo iyo hadallo ay dadyow kala duwan ka dhaheen dhiganaha.
Intaas kadib waxa iiga muuqatey bog kasta oo buugga ka mid ah iska hor-imaad,
qaladaad fikir, isku rakibidda wax aan sal iyo raad toona lahayn, la dagaalanka xorriyada
nooca ay doontaba ha ahaatee, aflagaaddada qayaxan ee uu dadka ka fikirka duwan kula
kacayo, warar badan oo sal iyo raadtoona aan lahayn oo haddana uu dadyow kale ku
darayo, muqaddasnimada naftiisa iyo inta la fikirka ah uu huwinayo, calaacalka faraha
badan, beerlaxowsiga bulshada hadh iyo habeen wadaaddadu maandooriyeen iyo
waxyaabo aan tiro lahayn oo aad is odhaneyso buuggan buug la mid ah in laga qoro ayuu
istaahilaa si galka looga siibo, maaddaama waxa ku xardhan wax bulsho lasoo hordhigo
2
aysan ahayn, mise tolow wadaadku wuxuu bulshada moodayaa In sidii ay u
maandooriyeen burburkii kadib oo wixii ay sheegaanba hore laga qaadanayey in weli sidii
la yahay. Taasi waa ay dhamaatay, waxaana bilaabmay waqtigii wax la iska shaandheyn
lahaa, gaar ahaan warka wadaadka oo isaga hore loogu hungoobey, hoog iyo halaag
mooyee aan wax kalena laga dhaxlin.
Gondadeg
Qeybta Koowaad ee Buugga
1. Aqoonta iyo Diinta
Haddaynu dhinaca buugga usoo daadegno waxa aad ku dhex arkeysaa isku rakibadda
wax aan islaheyn oo ah aqoon iyo diin, tusaale ahaan wuxuu yidhi: “Sidaas oo kale
aqoontu marka ay rumaynta Alle ee badhaxa tiran ku sidkan tahay, isla markaana ku
xidhiidhsantahay rumaynta iimaaniga ah ee toosan ayay si togan ula jaan qaadi kartaa
sunnayaasha kownkan iyo qaabdhismeedkiisa loogu talo galey in loogu noolaado”
(Halbeeg: bogga 38aad). Waxa xusid mudan haddaba goormaa tolow aqoonta aadanaha
rumayn iyo iimaan loo shardiyey? Iyada oo kumaanaan alle-kood, laadiiniyiin, qaar aan
Muslin ahayn ay maalin kasta ikhtiraacayaan arrimo wax ku ool ah oo ay daaha ka
feydayaan, se yaa aqoonta halbeeg diineed ku miisaama? Sow gef iyo gardarro weyn
maaha oo qoraagu maldahayo in qofkii aan rumayn iyo iimaan toona lahayn uu yahay
jaahil aan adduun war uhayn. Waana waxyaabaha layaabka leh ee buugga ka dhex buuxa
daba iyo dacal haddaad fiiriso.
Waxa haddana uu intaas ku darey “Ruuxa Aadmiga ahi inta uu noolyahay laba ilood ayuu
wax ka qaataa oo garashadiisa kobciya: 1. Waaya-aragnimada uu nolosha kala kulmayo
iyo 2. Aqoota waxyiga ee samada ka timi.” (Halbeeg: bogga 39aad). Waxa iswayddiin
mudan halkanna oo barashadii aqoonta aan waxyiga ahayn ee nooc kasta lahayd halkuu
wadaadku geeyey? Mise kuftri iyo xaaraan aan la barin karin ayuu ka aaminsanyahay sida
asaagii, se waaya-aragnimadu ma aqoon taabagal ah baa oo la tixgeliyo mise waa wax
waqtigii dadku jahliga badan heystay ku kala tartami jireen, se maanta cid waaya-
aragnimo lagu qiimeeyaa waaba iska yartahay ama maba jirto ayayba ila tahay waa marka
si qayaxan loo eego waaya-aragnimada oo ah sida wadaadku tilmaamayo. Sidaas si la mid
ah aqoonta waxyiga ah haddaan aqoon adduun laku kabin soo marwalba mid dhacdey
oo aan casriga la jaanqaadi karin noqon mayso, waa sida maanta Islaamka haysatee in
layidhaa, laba nin ayaa hal ilmo wada dhaley, cadceeddaa god ku dhacda, jin baa dadka
3
gala iwm oo maanta dhaxalka Islaamka ka buuxa khuraafaadkaas iyo afkaaro dhacay
(Expire Thoughts) oo cusbooneysiin u baahan.
2. Xorriyadda Rumaysadka iyo Duullaanka Gaalada
Haddana wuxuu wadaadku ku tuntay xorriyadda rumaysadka oo uu jujuub iyo qasbid kala
dul dhacey dadka rumaysan xorriyadda diinta, wuxuu tilmaamey: “In daraasad la
sameeyey ay tilmaantay in sababta fikradahani ay yihiin aqoondarro diimeed oo baahsan”
(Halbeeg: boogga 50aad). Haddaba hadalladan wadaadka waxa ka muuqata in uu
diidanyahay in qofku diinta uu doono qaadan karo oo aysan qasab gelin rumayntu, laakiin
diimaha xaqnimadooda iyo wixii la xidhiidha waa dood kale oo gaar ah, se wuxuu
wadaadku isku dayayaa inuu xorriyada diinta iyo afkaaro kale isku talo oo wuxuu kasoo
qaaday qofkii yidhaa “Qofku diintiisa waa u xor” inuu ka dhiganyahay qof yidhi “Diimaha
oo dhan waa xaq”, taasina waa waxba kama jiraan u muuqata inuu ku dhex dawakhey
wadaadku. Waxa haddana uu tilmaamay bushaarooyin uu niyadda ugu dhisayo qowmiyad
mala-awaal ah oo qalbigiisa ku jirta oo la dhaho “Muslimiin”, wuxuuna yidhi: “Akhristow
waxa laga yaabaa in naftaada aad la showrto oo aad isweyddiiso bushaarooyinkani miyey
dhaboobeen oo la arkey mise waa weli”? dabaddeed wuxuu yidhi: “ Labaduba waa
suuraggal awoodihii iyo dawladihii Muslimiinta waxa ay hore u soo xukumeen
deegaammo iyo dhul aad uu balaadhan oo qaarado maanta lagu tilmaamo, kaas oo ay
ka mid yihiin dhanka Galbeed ilaa xuduudda Faransiiska, haddana xuduudda Ruushka iyo
dhanka Afrika, haddana dhinaca Giriigga gaadhayey.” (Halbeeg: bogga 60aad).
Waxa xusid mudan in kobtan la dul istaago. Dhulkaas uu tilmaamayo waa dhul xaqdarro
lagu qabsaday oo boqortooyooyinkii Carbeed ee magaca Islaamka ku qadhaabanayey ay
xoogeen, iyaga oo u socday addoonsi haween oo bilaash ah, dhul boob iyo dad badan
oo la dulleysto uu ujeedkoodu ahaa. Waana qaladka ugu weyn ee la galey In dad inta lagu
duulo dhulkooda la qabsado, iyadoo loo sababeynayo waa Gaalo, deedna sidii la doono
laga yeelo oo dawladahooda la burburiyo, hantidooda la dhaco, dhulka lala simo.
Waxaaba middaaas ka daran xaasaska ama haweenka dhulkaas lagu duuley oo habka
addoonsiga loola dhaqmo oo suuqa kala iibsiga addoomaha la geeyo kaas oo lagu
xaraasho hadh iyo habeen, kadibna bilaa nikaax iyo qasab loogu galmoodo xataa haddii
ay nin hore is qabeen oo marwo ay tahay.
4
3. Khilaafka Muslimiinta iyo Wadaaddada
Waxa kale oo wadaadku xusey war umuuqda been la dhoob dhoobey oo ah “Weligeedba
diintani waxa ay ku dhowrsooneyd culimo waaweyn oo aqoon diimeed iyo toosnaan
caqiido leh, kuwaas oo taariikh kasta cidi ka joogtey, isla markaasna ay raacsanaayeen
jamaahiirta Muslimiintu.” Waa gef iyo taariikhda oo been laga sheegayo. Yaa yidhi
weligeedba xaqu inta xaqa ku taagan ayuu raacsanaaa, waa waxba kama jiraan uu isku
rakibayo. Jamaahiirta Muslimiinta ee isku raacday arrin waa tee? Ma jirto masalo aan
khilaaf ku jirin, oo haddii Shiico iyo Sunni la isku khilaafo, Sunnigaa kun jeer isku sii
khilaafa. Dhinaca kale sida uu tilmaamayo mad-habka Muctasiladu ay niman lusan
ahaayeen (Halbeeg: bogga 177aad), wax se uu ku naqdiyay Muctasilada kuna caddeeyay
lunsanaantooda ma sheegin. Waa eed meel wayday! Taa liddigeeda, Muctasiladu waa
kuwa in badan taariikhda Islaamka magaca usoo jiidey oo culuunta horumariyey,
jamaahiirtuna ay raacsanaayeen, oo qof xilligaa noolaa oo caqli u saaxiib ah oo aan ku jrin
Mustasilada maba jirin. In dhegoolayaal ah baa tuurtuuri jirtay oo looga taag waayay.
Wadaadkuna in ay lunsanyihiin ayuu u aaminsanahay markaa soo iska hor-imaad iyo gef
weyn ma aha.
Waxa haddana uu isku dayey in uu walaaleeyo dad aan walaal noqon karin oo iyagu
dhexdooda isku xajiimooda, tusaale ahaan wuxuu yidhi: “Ogsoonow in ay culimadu yihiin
kuwa dadkooda sida dayaxa ugu muuqda ee hor jooga ee habeen iyo maalin diintooda
baraya, bulsho weyntuna ku kalsoontahay, haba ku kala duwanaadeen arrimo fiqi ah ama
arrimo hab-dacwadeed iyo diingudbin ah, haba kala lahaadeen magacyo kal duwan iyo
ururro.” (Halbeeg: bogga 68aad iyo bogga 79aad). Wuxuu halkan isku deyayaa in uu
boodhka ku qaso colaadda iyo cunfiga ka dhex aloosan ururrada Islaamka oo gaadhay
xataa heer ay is gaaleysiiyaan oo masaajidada kuwada tukan waayaan oo ay kala manhaj
noqdaan iwm, ayuu ka dhigayaa arrimo fiqi iyo diingudbin oo keliya ah, se waxaa cad in
arrintu middaas ay ka weyntahay.
Tusaalaha ugu wacan ee aan u soo qaadan karaa waxa weeye wadaadka buugga qorey
kooxda ama ururrka uu ka tirsanyahay ee Ictisaam/Ex-Al-Itixaad, waxaa cajalado taxane
oo sagaal ah oo uu ku gaaleysiinayo kooxdaas ka qabtey wadaad la yidhaa: Sheekh Xasaan
Xuseen Aadan (aka: Abu Salmaan), waxa kale oo gaaleysiisey ururka Al-Shabaab oo ay
hore dallad guud isku wada ahaayeen ka hor burburkii Midowgii Maxkamadaha Islaamka
ee 2006, waxa kale oo ururka Soomaaliga ah ee Ictisaam, ahlu-bidac lunsan oo aanan
laguna dabo tukan karin ku tilmaantey kooxda Jadiidiyada (Madkhaliyada). Arrimahaas
waaweyn ee gaadhey gaaleysiin iyo Ahlu-Sunne iska saaridda in wadaadku ku tilmaamo
khilaaf aad u hooseeyaa waa ayaandarro weyn oo buugga ku dhex jirta.
5
4. Aflagaaddada Suufiyada iyo Muqaddasnimada Wadaadka
Waxa kale oo uu wadaadku cay iyo aflagaaddo aan sal iyo raad toona lahayn oo tixraacna
uusan u sameyn kula dul dhacey wadaaddada Suufiyada ee ay is hayaan, wuxuuna yidhi
sidatan: “Maqaamyada magaalada Hargeysa ku yaalla ee lagu shallaado mid ka mid ah,
sheekha ku magacaaban ee loo dhisey, waxa lagu yaqaaney intaanu dhiman dhammaadkii
80s, ficillo dusha ka fool xun, caammada se loo fahamsiiyey fal awliyo, isla markaana loo
baratami jirey!, waxa ka mid ahaa in uu isqaawiyo, waxa kale oo la sheegay in dumarka
qaadka kolayga ku iibiniya ugu kaaji jirey kolayga qaadku ku jiro iyada oo lawada arkayo,
kadibna lala hoos yaaci jirey: ‘Alle anna sheekh iigu kaadi’! iyo weliba ficillo xunxun oo
kale. " Warkaas cayda qayaxan ah ee aan meelna loogu soo gabban waddaadkuna uu u
tiiriyey wadaad kale oo Suufi ah meel uu il iyo tixraac uga dhigey ma jirto. Mana caddeyn
karo, se waxaa la yaab leh haddiiba ay xataa jirto kaadi buu wadaadkaasi la dhex joogey
bulshade e, bal wadaaddadan hadda joogaa ee Suufiyadii beddelay maxay bulshada la
dhex joogaan? Ma waxaan gaaleysiin, qarax, naceyb iyo xagjirnimo aan aheyn bay la dhex
joogaan? Yaab badanaa!
Waxa kale oo uu wadaadku carrabaabay isaga oo difaacaya in wadaaddadu khaldami
karaan, saxmi karaanna uu yidhi: “Haa waa hubaal in uu qofku khaldami karo isaga oo
wadaad ah oo sheekh weyn ah, hase yeeshee in uu khaldamay macnaheedu ma aha in uu
wadaadnimada awgeed u khaldamay ee waa laba sababood awgood…. Gefka waxa
keenay aadminimadiisa ee sabab uma aha wadaadnimadisu.“ (Halbeeg: bogga 74aaad).
Waxa halkan ka muuqda wadaadku in uu meelayn la’yahay wadaaddada qaldama
sababteeda, waayo markii horeba ayuu wadaadku ku suntanaa muqaddasnimo sida in uu
Eebe ka wakiil yahay, waana middaas ta keentay in lala yaabo marka wadaad khaldamo,
marka khaladka lagu qabtana ugu marmarsiyoodaa waa aadami oo wuu khaldami karaa,
oo tolow maxaa aadami loo dhihi waayey marka wax laga sheego wadaadka ee loogula
ordaa “Waa dhaxalkii anbiyada ee yaan wax laga sheegin” waa yaabka yaabkiis e.!
5. Halbeegnimada Diinta Islaamka
Waxa ka mid ah oo la yaab leh oo aad buugga kala kulmeyso, in uu dunidii oo dhan
Islaamnimada halbeeg uga dhigey oo wixii taa khilaafana la khilaafayo wixii waafaqana la
waafaqayo sida uu yidhi: “Islaamnimadu waa mabda’ xurmaysan oo lamataabtaan ah, taa
waxa ka geddisan siyaasadda iyo felsafadaha aragtida ku dhisan. Kuwani malaha xushmo
madaxbannaan, waxaase ay xushmo ku yeelan karaan hadba inta ay u jiraan ee ka
waafaqaan mabda’a islaamka ee xushmaysan iyo muqaddasaadka diinta”. Marka la joogo
felsafadda, doodaha caqliga ku dhisan iwm wax muqadas ah ma jirto waa si guud marka
aynu u sheegnee ha noqoto diin, fikir, aqoon kale iwm. Arrinta la dhaho muqadasnimada
6
waxa ku meeraysta qof dhowr xaashiyood ku xar xardhey weedho deedna yidhi yaan loo
soo dhawaan waa muqaddas e, se aqoonta ku dhisan itus oo itaabsii cid muqaddas ka
dhigtaa ma jirto cidii rabta in ay naqdisana waa lasoo dhaweeyaa oo waxa ay ka hesho
ayey leedahay oo u badan in uu ku ceeboobayo. Sidaa si la mid ah siyaasadda iyo
felsafadaha uu xusay wadaadku cid kala tashan mayso isaga xaggeenu waafajinaa iyo wixii
la halmaala. Xushmana wixii ka run ah cid ka xayuubin kartaa ma jirto, se mabda’ Islaamka
ee xushmaysan iyo muqaddasaadka diintu ma aha wax laga wada simanyahay ee waxa ay
keliya ku gaar tahay cida rumaysan, mana aha wax sax ah in la dhaho qof rumaysan iyo
mid aan rumaysaneynba waa in ay muqaddas u arkaan, laakiin warkaasi waa iska jujuubkii
wadaaddada lagu yaqaanay hore iyo dambeysaba.
6. Isbeddelka Aqoonta, Nolosha Casriga iyo Barashada Diinta Islaamka
Waxa kale oo uu haddana xusay in “Soomaalidu qofka diinta aqoonta fiican u leh ee wax
laga wayddiiyo u taqaaney una taqaanaa culimo”, halka cidda aan aqoonta diintu u
bilownaynna ay u yaqaannaan caammo”….. qofka kasta oo aan diinta aqoon u lahayni
marka miqyaaskaas lagu milaadiyo waa caammo aan diinta waxba laga weydiin karin…..
xataa hadduu aqoon kale si qoto dheer u yaqaanno, shahaadooyin sare ka haysto.” Waxa
haddaba iswayddiin mudan diintu uu wadaadku sheegayaa ma wax qotoma oo laga wada
simanyahey baa? Mise waa nin iyo fikirkii? Ta dambe ayaa u muuqata mid run ah sababta
oo ah Islaamku waa kumaankun kooxood oo mid kastaaba wadaad gooni ah ku abtirsado
iyo fahamkiisii in waxaas oo kale jaamacado iyo maxadyo loo furto oo diintii Islaamka lagu
tilmaamaa waa iska dhalaan habaabis bay ila tahay. Wadaadkani isaguba waa ogyahay in
waxa uu masjidkiisa, mac-hadkiisa ama jaamacaddiisa uu ku laqbeeyo aysan jaamacadaha
qaar la wadaagin oo kala fikir iyo fahan yihiin, se wadaadku waxa ku ceeb ah in uu miqyaas
ka dhigto Sooomaalidu war ay tidhi oo marka doodda la dhex joogo aan wax la cuskado
ahayn.
Waxa se maankiisa ka maqan in dhaxalka Islaamka oo maanta afafka badankood lagu
turjumey adduunka dul dhoobanyahay, taas oo qof kasta oo wax bartey oo luuqadaha
caalamiga ah yaqaannaana uu baadhan karo oo fahmi karo oo aan loo baahneyn wadaad
fikirkiisa ku addoonsada dadka.Waqti baa wadaadku aqoonyahan wax akhriya waxna qora
u ahaa bulshooyinka caalamka, se maanta waa laga gudbey middaas oo waxa loo gudbey
xilli qofku wixii uu rabo uu heli karo oo ay keliya ka xigto af uu ku qoranyahay in uu
yaqaano, se wadaadku wuxuu rabaa in uu inna dhaho fikirka kooxda aan ka tirsanahay
waa in aan laga soo horjeesan sidaas darteed manhajkayagu waa diintii Islaamka oo dhan,
taas oo ah waxba kama jiraan isba waa ogyahy dadka ay wax u dhigaan in aysan u dhigin
Qur’aan iyo Xadiis qayaxan ee ay wadaad fahankii iyo Abu fulaan qarniyo ka hor noolaa
loo diimeeyo warkiisii.
7
Intaas kadib wadaadku wuxuu tilmaamey in “Aqonta kala xaddeynteeda la tixgeliyo oo
qof walba takhasuskiisa loo tixgeliyo, cid walbana waxa ay aqoonta u leedahay lagu
ixtiraamo lagana qaato.” (Halbeeg: bogga 82aad). Haddaba tolow yaa takhsuskeeda lagu
xadgudbaa ma wadaadka? Mise aqoonyahan kale? Waddaadku waxa uu hadh iyo habeen
ka hadlaa: siyaasad, dhaqaale, caafimaad, saynis, taariikh, arrimo bulsho iwm oo uu
fatwooyin isdaba joog ah ka soo saarayaa, markaa in uu isagu isla yaabo sow ma aheyn
oo uusan ku xadgudbin dadka kale aqoontoodana u daayo, mise warkiisu waa la jiifiyaana
bannaan la joojiyaan bannaan?! Wadaadku wuxuu qeybta koowaad ee buuggisa ku soo
afmeeray jees-jees iyo bushaaro uu u jeedinayo dad uu ugu yeedhay ‘Calmaaniyiin’ kuna
yidhi: “Markaa waxba ha degdegina, haddii alle idinku simo waad arki doontaan
dumarkoo qaawan, khamrigoo sida biyaha loo cabbayo, gadhka iyo shacaa’irta diinta oo
qarsooma, masaajidda oo xidhma, xijaabkoo la waayo, fanka iyo qoob ka ciyaarka oo
faafa, calmaaniyadda iyo allekoodnimada oo xoogaysata, waa bushaaro baas oo aan hubo
in ay iman doonto, illaahay iguma simo wakhtigaas qaabka daran ee dhibta badan.”
(Halbeeg: bogga 87aad).
Dumarka oo is qaawiyaa adduunka waa dhoobanyihiin, maanta mana aha wax ku qariib
ah hore iyo dambeytaba waa jirtey. Khamriguna waa la mid, se gadhkan iyo shacaa’irta uu
sheegayo ma wax diin xidhiidh la leh baa? Waa iska dhaqan Carbeed oo aan sal iyo raad
toona ku lahayn dhaxalka Islaamka ama si guudba waa wax xaalad goonni ah jirey oo
maantana laga gudbay. Masaajiddada oo xidhma waa loo baahnaa sababta oo ah ciiday
ka bateen masaajiddadu ganacsi fudud oo bulshada lagu jeeb dilaaciyana way noqdeen,
se hal cisbitaal oo wax tar leh ama hal jaamacad oo tayo lehna ma jirto. Sakadda iyo luuqa
aad martana toban masjid oo cidna aaney ku tukan baa ku yaal waa ayaandarro weyn oo
wadaadku horseeday. Xijaabka oo la waayo waa mid isaga u gaar ah. Haweenkan laga
dhigayo sanduuq kor madowna waa fikir u gaar ah oo Carbeed, xijaabkuna si guud waa
asturnaan ee cabudhitaan ma aha iyo xidhxidhid waana wax naloo soo waaridey xijaabyda
noocan ahi kadib bururkii dawladda Soomaaliyeed.
Fanka iyo qoob ka ciyaarkuna waa qeyb ka mid ah dhaqanka iyo hiddaha suubban ee
Soomaaliyeed, dunida kalena ay ka wada simantahay. Balse fikirka diimeed oo
siyaasadeysan ayaa lagu dumiyey fankii iyo hiddaheennii oo u baahan in la soo nooleeyo
mustaqbalka dhow. Calmaaniyaddu waa fikir siyaasadeed cidii aamineysa waa gaar,
horena Soomaalidu waa u aaminsaneyd, haddii ay hadda jirtana waa in lasoo dhaweeyaa
colaadin iyo naceyb goonni ahna ma mudna, se Allekoodnimadu tolow wadaadku ma
isweydiiyey waxa keenay? U maleyn maayo, sababta oo ah sida buuggiisa ka muuqata
wuxuu tilmaamey in alle dadka lumiyo, markaa si fudud buu doodaha caalamka ka jira
intuu ka dul talaabsadey yidhi “Alle-koodnimo ayaa fideysa”, aniguna waxaan is idhi
wadaaddadu waa nimanka ugu shakiga badan dadkee laga yaabaa in uu is yidhi Alle-
kood baad noqon haddaad sababta raadiso ee aayar ka gaabso arrimahaas.
8
Qeybta Labaad ee Buugga
7. Fekerka iyo Garaadka
Haddii aynu u soo gudubno qeybta labaad, wuxuu tilmaamay farqiga u dhexeeya
fekeridda iyo maskax badnida? Wuxuuna yidhi: “Maskax badnidu waa awood abuur, halka
fekeriddu tahay xirfad la barto“ (Halbeeg: bogga 92aad). Yaa caddeeyey tolow in maskax
badnidu tahay abuur, fekeridduna tahay xirfad waa ismoodsiis aan cidna sheegin, maskax
badnida waxa ka qeyb qaata deegaanka, goorta iyo goobta uu qofku ku noolyahay,
fekeridduna waa la mid oo intaasba way ka qeyb qaataan. Cilmi nafsiga sidiiisaba marka
la joogo wax la yidhaa “udhalasho” waa reebantahay oo waxa jira wax la dhaho “Laqabsi
: Adapation” iyo “Saameyn : Effect/Influene”, se waddaadku waa ku galgashey arrimahaas
oo wuxuu yidhi waa u dhalasho iyo xirfad la barto! Haddii ay abuur tahay sow gef kuma
aha caddaaladda Eebbe weyne oo ma noqonayso in uunkiisa uu u kala eexday. Haddii ay
se xirfad tahay maa la wada barto oo aadanuhu wada fekero?!
Intaas kadib waxa aynu usoo gudbi doonaa ciwaan hoosaad uu ubixiyey “Fekerka
Dabiiciga ah” wuxuu yidhi sida tan: “Fekeriddu waa shaqo maskaxeed noolaha oo dhammi
adeegsado, waa dareen dabiici ah oo ku wada abuuran, hase yeeshee waxa lagu kala
duwanyahay heerka fekerka, waxa laga fekerayo, tayada fekerka, isla markaana waxa kala
duwanaanta ujeeddada marka horeba laga leeyahay fekeridda iyo midhaha ugu
danbeynta laga goosanayo.”Qodobka halkan ku jira ee in la dul istaago mudan ayaa
wuxuu yahay fekerka kolka qofku uu bilaabayo ee uu shay la soo darsey oo uu isweydiiyey
ka fekerayo, ma jirto cid og ama ka war heysa fekerka waxa kasoo bixi doona. Waxa sida
oo kale qasab ah maxsuulka ama natiijada fekerkaagu wax ay noqoto ee ay kuu goyso
waa qasab in aad qaadataa haddii kale xaqiiqda iyo runta fekerkaaga lama noolaan kartid
ee waa in aad kutiri kuteenta la noolaataa. Kaas ayaa feker la odhan karaa, se wadaadku
wuxuu leeyahay ujeeddada marka horeba laga leeyahay fekeridda iyo midhaha ugu
danbeynta laga goosonayo oo ah mid khilaafsan fekerka naftiisa waxa la dhahaba.
Wadaadku wuxuu haddana dusha ka korey caqliga xorta ah oo wuxuu yidhi: “Haddii
caqliga shaqadiisa laga leexiyo oo xadkiisa la dhaafiyo, sharciguna uu dabri waayo oo uu
ilaalin waayo wuu nusqaamaa, oo garasho beelaa.” (Halbeeg: bogga 114aad).
Iswayddiintu waxa ay tahay qodobkanna ka dhex muuqataa caqligu siduu wax u ogaado
ma aha in uu dabar yeeshto, sideedaba caqligu waxa u asal ah xornimo iyo siduu doono
in uu u fekero, se waxa caqliga dib u dhiga waa dabarka uu sheegayo ee uu leeyahay hala
dabro caqliga oo hala seeteeyo si uu u bakhtiyo oo wax iswayddinta iyo danabku uga
guuro!
9
8. Iska Hor-imaadka Hadallada
Qoraagu haddana iska hor-imaad buu ku kacey oo shay uu diidanaa, ayuu haddana
cuskadey mar danbe, tusaale ahaan wuxuu ku tilmaamey (bogga 107aad) wadaad la
dhaho Sh Muxammed Saadiq Muqalas oo muddo badan ka tirsanaa baarlamaanka
Yaman, kadibna ka baxay oo meel adag ka istaagey in la galo baarlamaannada (almacnow
wuxuu aaminey in aaney bannaaneyn in laga mid noqdo baarlamaanada hadda jira).
Haddaba isaga oo qoraagu u muuqda in uu wadaadka ku raacsanaa aragtidiisaa ayuu
haddana bogga 106aad ku tilmaamey isaga oo qeexaya xuquuqda siyaasadda wuxuuna
yidhi: “Waa xuquuqda muwaadinku u leeyahay in uu qayb ka noqdo maamulidda arrimaha
dalkiisa, wax dooran karo lana dooran karo”.
Waana halkan meesha qodobka iska hor-imaadku ku jiro qeexitaanka uu cuskanayaa waa
kii dimuqraadiyadda caalamiga ah ee ahaa shacabku wax baa ay dooran karaan waana la
dooran karaa, hore-na wuxuu u xusey wadaadkiisii macalinka u ahaa ee Muxammed
Saadiq oo meel cad ka istaagey dimuqraadiyadda oo baarlamaanku hoos yimaado, Yaab
badnaa!! Kolka uu intaas ka soo gudbey wuxuu u yimid oo uu ka hadley ilaalinta
xorriyadda oo wuxuu yidhi: “Ilaalinta xorriyadda iyo xushmeynta Aadanuhu waa arrin asal
ahan sharcigu sugay, Alle-na jinsiga ilma Nebi Aadan waxa uu siiyey xurmo iyo karaamo
sida ku cad Aayadda 70aad ee suuradda Israa…. Haseyeeshee, karaamayntaas waxa
gundhig u ah diinta, haddii markaas laga saaro xayndaabkii diinta oo ay isu rogto ilaalinta
karaamaynta Aadanuhu mid lagaga hor yimaaddo sharcigii karaamada siiyey iyo diintii,
waxa ay noqoneysaa xagjirnimo iyo xad-gudub waxyeello ku ah karaamada Aadanaha….
“ (Halbeeg: boggaga 122 – 123). Haddaba qoraagu halkan wuxuu xorriyadda iyo
karaamada Aadanaha uu Eebbe siiyay halbeeg uga dhigayaa Islaamnimo, haddeynu si
hoose u fasirno waxa weeye diinta Islaamka qofka heysta iyo qof aan heysan ma sinna oo
waxaa xorriyad iyo karaamo badan kan Muslimka ah, waxaana hubaal ah in haddii sidan
la dhaho ay kaaf iyo kala dheeri tahay in la yidhaa Aadanuhu waa simanyihiin ama
caddaalad baa loo falay. Wadaadku wuxuu rabaa xaqii iyo xuquuqdii Alle siiyay Aadane
oo dhan in uu Muslinka u gaar yeelo, taasna Eebbe ma amrin.
Wuxuu haddana isku dhex qasay halbeegyo bari iyo galbeed kala jira, tusaale ahaan
wuxuu yidhi: “Xagjirnimada maro ku dhegga ah waxa ka mid ah in dadka lagu colaadiyo
diinta Islaamka iyo rumayntooda ay u aaminsanyihiin in ay tahay hab nololeedkeeda saxda
ah ee adduunka iyo dariiqa badbaadada ee aakhiro”. Haddaba tan oo kale waxa la dhahaa
in la duudsiiyo dadka xorriyadda diinta ama rumaysadka waana nooc cunsuriyad ah ee
ma aha xagjrinimo, se xagjirnimadu waa ta uu waddaadka qorey buuggan aaminsanyahay
ee ah “Xorriyad iyo karaamo maleh wax aan Islaam ahayn” iyo xadka murtadka hala mariyo
cidda Islaamka ka baxda iwm.
10
Qoraagu qeybtan gebagabadeeda wuxuu allifey sheeko weyddiin iyo warcelin ku dhisan
oo uu ka tusaaleynayo caqlaaniyiinta uu sheegayo iyo iyaga (wadaaddada ah) laakiin u
muuqata mid dhinac ka raran sababta oo ah, maadaama oo uu isagu yahay kan sheekadan
allifey wuxuu wax bilaa xujo ah oo doodba meesha ku heyn ka soo qaadaya kooxda uu
ugu yeedhay “Caqlaaniyiinta” isaga oo buunbuuninaya wadaaddada dooddooda,
sheekada dhexdeeda gaar ahaan bogga 163 wuxu ku sheegay: “Isha aan annagu diinta ka
qaadannaa waa daliilka kitaabka iyo sunnada, labadaas cidna kama hormarino” isaga oo
buuggiisa boggaga hore ku tilmaamey in “Diinta ay ka qaataan kitaabka, sunnada,
ijmaaca” mar kalena yidhi “waxa aanu ka qaadana diintayada Kitaabka, sunnada iyo
culimada” waxanoo iska hor imaad ah miyuusan u deymo laheyn tolow qoraagu?
9. Ogaalka, Felsafadda iyo Aadanaha
Waxyaabaha la yaabka leh ee buugga aad ku dhex arkayso waxaa ka mid ah in dadka uu
u kala qeybinayo “dad wax kasta loo sheegi karo” iyo “dad wax gaar ah loo sheegayo”
isaga oo u sababeynaya mugga caqligooda ama heerka garaadkooda, tusaale ahaan intuu
qiso carruureed soo tebiyey ku sahabsan boqor riyo arkay, kadibna qof u fasira doontay
oo midna si ugu sheegay oo uu xidhey, haddana ku kale si kale ugu sheegay ayuu yidhi:
“Sidaa awgeed ayey habboon tahay qofka dadka wax u sheegayaa in uu u sheego wax ay
dareen ahaan iyo caqli ahaanba qaadan karayaan.” Kadib wuxuu soo arooriyey laba
odhaahood oo loo kala tiiriyo Cali Binu Abii Daalib oo odhaneysa “Dadku wax ay fahmi
karaaan u sheega ma waxaad dooneysaan in Alle iyo Rasuulkiisa la beeniyo?” iyo hadal
kale oo loo tiiriyo Cabdilaahi Ibnu Mascuud “Dadka haddaad uga sheekayso arrin aanu
caqligoodu qaadi karin, waxa hubaal ah in ay qaarkood fitno ku noqonayso.” (Halbeeg:
bogga 132aad). Hadalladan uu soo xigtey qoraagu ee uu awrka ku kacsanayo wuxuu uga
dan leeyahay in uu yidhaahdo waxyaabaha qaar ayaan bulshada loo sheegi karin oo u
baahan in laga qariyo sida khilaafka ururrada wadaaddadu hoggaamiyaan ka dhex
aloosan oo uu u qiil dayanayo, waa se laga yeelayn oo dadku 30 dabshid ka hor halka ay
taagnaayeen maanta waa ka gudbeen oo wax kasta in ay maqlaan oo akhriyaan ayey
diyaar uyihiin. Waxaana halkaas ku burbureysa beeno badan oo muqaddasnimo dhaxal u
helay, se agoomo noqon doono.
Intaa kadib wuxuu dhaleecayn iyo eedayn dusha kala korey cilmiga felsafadda oo u ula
muuqda wadaaddadu in ay aad uga didaan oo caqliga ku dhisan iyo doodihiisa,
maadaama oo waddaadadu caqliga ay isku yihiin dab iyo foox, wuxuuna yidhi: “Cilmiga
felsafaddu waxa uu ka mid yahay culuunta caqliga ee falaasifadii hore ee Giriigga laga
dhaxlay, dhibtiisuna waxa weeye in aanu lahayn marjiciyad/garsoor/ ka baxsan caqliga
Aadmiga.” (Halbeeg: bogga 137aad). Haddaba ugu horreyn felsafaddu waa raadinta
xaqiiqda iyo ogaalka, jiritaanka, sababeynta iwm. Lamana yaqaano xilligey soo
11
billaabmatey, se qoraallada la hayo ee ugu qadiimsan waa kuwa giriiga, se ma aha iyagu
kuwii ugu horreeyey ee keena cilmigan. Si guudna cilmigani maaddaama oo uu ogaal
,jiritaan, xaqiiq iwm ku saleysanyahay waa mid u muuqda in uu Aadanaha la soo
billaabmey, maaddaama oo uu Aadanaha oo keli ahi arrimahan uu isweyddiiyo oo cid la
wadaagtaa aysan jirin. Intaas haddaynu ka soo gudubno, qoraagu wuxuu durbadiiba ku
eedeeyey in aysan lahayn marjiciyo ama halbeeg oo keliyaata meesha ay cuskataa ay
tahay caqliga, haddaba wadaaadku wuxuusan fahamsaneyn in caqligu yahay mid la wada
wadaaago (Common Share) oo aan ahayn wax dad gaar ahi heystaan, laakiin se halbeegga
diimaha haddii la soo qaato waa wax dad gaar ahi aaminsanyihiin oo aan laga wada
sinneyn, sidaas darteed baa felsafaddu caqliga halbeeg uga dhigatey iyo meel lagu kala
baxo, sidaa si la mid ah waxa ay cuskataa felsafaddu aqoon itus oo itaabsiida ku dhisan
(Scientific facts), se ma aqbasho kutiri kuteenta iwm.
Intaas kadib waxa uu haddana soo xigtey odhaah uu yidhi faylasuufkii Faransiiska ahaa ee
Rene Descartes oo ahayd: “In aan joogo oo aan wax jira ahay, waxa u daliil u ah in aan ka
fekerayo joogitaankayga.” deedna wuxuu yidhi: “Taa macnaheede waxa weeye ninku
wuxuu ka shakisan yahay in uu yahay wax jira, haseyeeshee waxa la yaab kale ah inuu
shakigiisa u daliishado jiritaankiisa!” Laakiin wadaadka waxa ka hoos baxdey in odhaahda
sare ee uu soo xigtey uu allifey isla Rene Descartes oo uu qoraagu mar danbe odhanayo
“Falsafadda noocan ah beryahan dambe waxa ku caanbaxay faylasuuf Faransiis ah oo lagu
magacaabi jirey: Rene Diikaartis (1596-1650). Haddaba wadaadku markan bad aan
baddiisii ahayn buu faraha la galey shakiga uu la yaabbanyahay waa wax caadi ah marka
felsafadda jiritaanka (Ontology) la joogo. Waxa sidoo kale xusid mudan qofna bilaa xujo
wax iskama dhaho ee waxa wanaagsaneyd wadaadku bal in uu felsafadda wax ka soo
akhriyo oo soo daraaseeyo kadib naqdinteeda ugada galo. Se nasiib darro budhka ayuun
buu la dul korey.
Qoraagan wadaadka ahi haddana wuxuu u gudbey in uu dusha ka koro niman uu ula
baxey“Caqlaaniyiin” isaga oo ku eedaynaya isburino badan bal mid ka mid ah aynu soo
qaadano oo uu yidhi: “Sheegashada caqliga ka madhan ee danaysiga ahi, waa ta ku
baaqeysa in ay gabadhu xor u tahay qaawinta madaxeeda, ee haddana xagjirnimada u
aragta inay isla gabadhaas lafteedu madaxeeda qariso marka ay doonto!” (Halbeeg:
bogga 159aad). Qodobkan waxa ka dhex muuqata in wadaadku ciil u qabo gabadhu in ay
madaxeeda qariso, iyada gabadha ah) ayey u taal hadday qarsaneyso iyo haddey
qaawisaba, oo mida ay doorato in lagu colaadiyo cid ku baaqdey ma jirto, ma sheegin
gabadh niqaam xidhatey oo goobaha qaar looga diido sababo la xidhiidha amni darro iyo
in ay wax kale ku qarinayso niqaamka amaba se uu nin yahay oo amniga carqaladeynayo
sida dhacdooyin badan oo kale oo ku sahabsan arrinta.
12
Qeybta Saddexaad ee Buugga
10. Xagjirnimada Fekerka
Haddii aynu usoo gudubno qeybta seddexaad oo uu ciwaan uga dhigey “Hirdanka Xaqa
iyo Baadilka” gaar ahaan ciwaan kale oo ugu magacdaray “Diinta iyo Mas’uuliyada
Dawladda” ee bogga 191, ayuu isku sidkey oo isku toley diinta iyo dawladda ammaaneyna
dagaalladii lagala hortagey kuwii waqtigii khaliifkii labaad ee Islaamka Abubakar Siddiiq,
sakada diidey salaadana oggolaa. Wuxuuna dabadeed walaaleeyey niman ku doodaya in
diinta iyo dawladda la kala fogeeyo isaga oo middaas tilmaamayana wuxuu yidhi:
“Doodda nimankaasi waa ta maantana ay soo bakhti afuufeen inta ku doodaysa in
dawladda iyo diinta la kala fogeeyo, oo aanay dawladdu shuqul ku yeelan qofka
cibaadadiisa, salaaddiisa iyo sakada toona… “ haddaba waxa is dul taag mudan in
wadaadku uurabo in qofka salaadda ikhtiyaarkiisa u dhaafa in la dilo, ka sakada diidana la
dilo. ka cibaadada kaba tanaasulana qoorta loo dheereeyo.
Waana midaas sababta qoraagu uu dawladnimada iyo diinta u rabo in la isku sidko, oo
uu alle ugu dhawaanayo, iyada oo ay ahayd qofka rumeysadkiisa guudba in aan faraha
lala gelin oo uu xor u noqdo, iyada oo nusuus badan oo Qur’aan ahi caddeynayaan, sida
in xaqu uusan qasab aheyn, diintuna qasab ahayn, kii doona gaaloobi karo kii doonana
uu rumeysan karo, iwm. Balse, waxaas oo dhan inta uu ka dul talaabsadey wuxuu diin ka
dhigtey dhaxal la qalloociyey oo sooyaalkii Islaamka loogu magacdarey, taas ayuuna
rabaa in uu adduunka iyo bulshada uu ka dhashey ee Soomaaliyeedba uu ku sandulleeyo
oo yidhaa taas baa diin alle ah, haddaad diiddaanna waa la idin gumaadayaa. Waxaan
markan oo kale iswayddiiyey tolow qoraaga buuggan iyo Al-Shabaab maxay ku kala
duwanyihiin? Deedna jawaabta iisoo baxdey waxa ay noqotey “Waa walaalkooda fekerka”!
11. Waaqic La’aanta iyo Mooganaanta
Waxa haddana aad buugga aad ugu tageysaa dhacdooyin quruumo hore laga soo
gudbey oo uu qoraagu maanta in ay jiraan u yaqiinsanyahay. Waxaa ka mid ah oo uu
yidhi: “ …. Haddana loollanka ugu muddada dheeraa ee Muslimiintu ku jireen waxa uu
ahaa hardankii u dhexeeyey Muslimiinta iyo Reer Galbeedka mucatabkudiirka ahaa. Reer
Galbeedku waxa ay ahaayeen ma quustayaal damac badan, awood darraduse gaadhsiin
wayday in ay xaqiijiyaan damacooda.” (Halbeeg: bogga 194). Qodobka in la dul istaago
mudan ayaa waxa uu yahay reer Galbeedka mucatab u-dirirka ahi xaggee joogaan
maanta? Se bulshooyin diin kasta laga soo helayo (waa reer Galbeedkee) sidee loogu tiirin
karaa in ay wada mucatab u-dirir yihiin?! Waa la yaabka ka buuxa buugga. Waxa ay midani
13
ka dhigantahay aniga oo qowmiyada Soomaalida ku sunta waa wada Al-Shabaab ama
Ciraaqiyiinta iyo Suuriyaanka ku sunta waa wada Daacish ama Al-Qaacido. Sidaa si la mid
ah reer Galbeedku muxuu damac kaga jiraa? Ma iswayddiin qoraagu, jawaabna
hadalkeedaba daa.
Hadduu u jeedo diinta Islaamka, dee dad Islaam ah oo reer Galbeed ahi waa jiraan,
hadduu horumar, ama wax kale u jeedana dee dadka maanta ugu horumarsan waa reer
Galbeed, kuwa ugu liitana waa innaga iyo in innala mid ah, ma garan damaca uu leeyahay
reer Galbeed baa leh ee uusan tilmaamin kana jawaabin damacoodu wuxuu yahayna. Ma
sheegi karo wadaadku in uu naceyb Suufinimo qabo e. Waxa uu cutub uu ugu magac
darey “Ma Tahay Muslim Qunyar Socod ah?” oo uu ku tilmaamey in xarun la dhaho RAND
(Research and Development Corporation) ay soo saartey daraasad 2007dii, taas oo ay ku
falanqeynayso Muslinka la jaanqaadi kara reer Galbeedka oo ay ka mid yihiin wadaaddada
Suufiyadu. Wuxuuna yidhi: “Daraasaddu waxa ay ka dhex xulaneysaa Muslimiinta duruqa
Suufiyada, si ay u noqdaan gacanyaraha qorshohooda….” (Halbeeg: gogga 204aad).
Ugu horreyn waddamada reer Galbeedku gaar ahaan xarunta RAND waddanka ay ku taal
(waa Maraykankee) waxa ay xaq uleeyihiin in ay qorsheystaan shacabkooda sida ay ka
dhiganayaan Muslin iyo mid aan Muslin aheyna waa dhoobanyihiin, wadaadkan buugga
qoreyna isaga oo Soomaali ah waxba laga warsan maayo waxa ka dhacaya siyaasadda
reer Galbeedka, haddii uusan isu heysan in uu dhulkaa leeyahay oo uu isagu adduunka
ugu sarreeyo. Waa ta labaade, Suufiyadu hadday iyagu noqdeen dad nabadeed oo aan
mushkilad ku heyn adduunka sida kooxaha kale, ma waxa madaxa loo saarayaa cid kasta
oo naceyb loo hayo in ay la shaqeeyaan. Xataa hadday noqoto in la isku xagxagto “reer
Galbeed baad la shaqeysaa”. Suufiyadu xaqiiqatan waa duruq nabadeed oo dunida gees
walba kaga noolaan kara, Gaal iyo Muslinba ka nabadgaleen. Cid kasta oo nabadda jecel
ayaa doonaysa in ay dalkeeda iyo shacabkeeda, wixii duruq doonaya in ay noqdaan
Suufiyiin, intii ay noqon lahaayeen xagjirro is qarxinaya.
12. Baraaruga Islaamiyiinta iyo Galbeedka
Kooxaha qoraaga buuggani u yaqaan baraarugga Islaamka ayaa ay wada shaqeyn fiican
hore uga dhexeysay reer Galbeedka. Tusaale ahaan: Burburkii Midowgii Soofiyeetka waxa
loo adeegsadey wadaaddada Salafiyada oo dagaal jihaad lagu sheegay kula galey dalka
Afgaanistaan, iyada oo hoosta ay ka fan gareynayeen reer Galbeedku, kadib markii laga
gaadhay dantii laga lahaana ayaa dibadda loo tuurey oo argagixiso loogu yeedhay, oo
maantana ay kun kooxood sii kala yihiin sida: Alqaacida, Alshabaab, Daacish, iwm.
Dhammaan ragga ka soo wada dagaallamay Afgaanistaanna ay yihiin kuwa aasaasey
Alshabaabta maanta oo hore loogu yaqaaney Al-Itixaad, kadibna loo kala jabey qolo
14
fadhiisatey waa Ictisaam e, oo uu wadaadkan buugga qorey ka mid yahay iyo qolo sii
wadday dagaalka waa Alshabaab e.Waxa sida oo kale xusid mudan hadal aad u saameyn
badan oo ay tidhi Hilliary Clinton oo ahaa: “Dadka aan maanta la dagaallameyno
(argagixisada) annaga ayaa abuurney 20 dabshid ka hor.” Markaad arrimahaas iyo
sooyaalkaas kaydsan aad akhrido waxa aad iswayddiineysaa tolow yaa reer Galbeedka u
gacnayare ah? Ma Suufiyadda Mise Salafiyadda?
Kadib intaas markuu ka soo gudbey ayaa wuxuu tilmaamey halbeeg ay xarunta RAND soo
bandhigtey oo ah waa siduu yidhiye “Muslimka Maro ku-dhegga ah iyo Muslimka Qunyar
Socodka ah” Haddaba jadwal uu u tiirinayo RAND ayuu soo qaatey oo ka kooban
labadaaas Muslin iyo halbeegyada loo dhigey oo kala ah: ku dhaqanka shareecada, isku
badhxida shareecada iyo qawaaniinta kale, muxuu ka qabaa cusbooneysiinta fahanka
diinta? Jihaadka Alle darti loo dagaallamo, wax ka sheegidda diinta Islaamka, in qofka lagu
ciqaabo wax ka sheegga diinta laguna fuliyo xadka riddada, muxuu ka qabaa sinnaanta
ragga iyo dumarka? Muxuu ka qabaa Suufinnimada iyo qabuuraha? Xorriyada caqiidada,
colaadinta Yuhuudda, dagaalka argagixisada lagula jiro muxuu ka rumaysanyahay? Iyo
waxyaabo kale oo aan lasoo koobi karin ayaa jadwalka ku qornaa.
Arrimahan ayaa iyagu u muuqda qaar ku kala suntan dadyow kala duwan tusaale ahaan:
Colaadinta Yuhuudda wuxuu wadaadku qabaa in ay diin iyo iimaan tahay, in dad Eebbe
abuurey la naco, halka uu in dad kula mid ah loo arko uu wadaadku kuu aqoonsanayo in
aad tahay qof ay RAND tababaratey oo afkaarteedii hirgelinaya. Sidoo kale dagaalka
argagixisada lagula jiro cid taageeraysaa ma jirto aan ka aheyn wadaadkan iyo xertiisa.
Halbeegyada ay ka midka yihiin Suufinnimada sidee ayuu arkaa? Waddaadku wuxuu u
arkaa in ay diinxumo iyo toosnaana la’aan in ay tahay oo uu keligii (Salafinimada) uu
saxanyahay. Halka haddii aad dad walaalahaa ah oo in ay noolaadaan oo jiraan oo
fahankooda loo daayo mudan aad u aragto aad ku suntan tahay reer Galbeed raac iyo
RAND xerteedii. Yaab!!
Dhanka kale, xorriyadda caqiidada oo ka mid ah iyaduna halbeegyada ayaa ah mid aan
hore usoo tilmaanay in aysan ahayn wax qasab ah oo Allena meel cad ka istaagey, halka
qoraagu u arko in kii ka baxa oo diin kale ku beddesha qoorgeyntu ay ku waajibtey
korkiisa. Isaga oo qofkii aan fikirkan aaminsanayn uu agtiisa kaga suntanyahay Muslinka
qunyar socodka ee reer Galbeedka u hoggaansamey. Halka qofka aan aaminsaneyn
xorriyadda caqiidadana uu agtiisa Muslin toosan uu yahay, isaga oo qofkani uu si guud
marka loo eego uu noqonayo fallaago aan laga fadhiyi karayn oo in la iska qabto istaahila.
Tusaalaha ugu habboon ee aan ka bixin karaana waa Daacish iyo Alshabaab hab-
dhaqankooda waa kaas Muslinka uu wadaadku doonayaa ee ma aha ninka wada
noolaanshaha iyo ixtiraamka raba.
15
13. Nacaybka Suufiyada iyo Taageeridda Al-Shabaab
Waxa kale oo uu qoraagu u soo gudbay in uu ka sheekeeyo Suufiyada oo uu dusha ka
koro oo uu cay iyo dhaleecayn aan loo meel dayin sidii horeba aynu soo aragnay uu kula
dul dhaco. Deedna wuxuu yidhi: ”Maanta waxa ay rag diiddan yihiin in uu wadaadku
maamulka ummadda talo ku yeesho, aragti ku yeesho oo madaxbannaani tolka ka
tolowsan is bido!“ (Halbeeg: bogga 231aad). Middaas uu xusay waa waxba kama jiraan,
sababta oo ah wadaadku bulshada waa ka mid, se in wadaaddadu koox noqdaan bulshada
ka takooran oo wixii dastuurka iyo maamulkuba ay mucaaradaan waa middaas ta keentay
in wadaadka la is qabto oo laga soo horjeesto, sidaa si la mid ah wadaadku wuxuu rabaa
xil iyo mas’uuliyad aysan bulshadu u igman in uu ku jujuubo shacabka. Waxa u raacda in
uusan doorasho diyaarba u ahayn, laakiin taa beddelkeeda uu meel walba guddi ku
yeesho, cid dooratayna aysan jirin!
Haddaba markan waxa aad toos u arkeysaa isaga oo qoraagu si aan gabbasho lahayn u
taageeraya Al-Shabaab wuxuuna yidhi: “Isku dhaca ay iska horyimaaddeen duruqa
Suufiyada iyo ururrada dacwadda ee baraarugga Islaamku, waxa uu keenay in kaalintii ay
Suufiyadu bulshada ku lahayd wiiqanto, doorkoodii culimanimana soo gaabto. Taasi waxa
ay dhaxalsiisay colaadin xoog leh oo ay u qaadaan ururradaas iyo culimadoodaba.
Hanaqaadkii maxaakiimta ee Soomaaliya iyo tallaabooyinkii xabaalo qufka ahaa ee
xarakada Alshabaab ku fulisay maqaamyo ay Suufiyadu barakaysan jirtay, ayaa abuurtay
kacdoon wax iska caabbin ah oo ay isku ururrsadeen qaar ka mid ah duruqii Suufiyadu….”
(Halbeeg: bogga 233aad). Halkan waxa ka cad ururrada baraarugga Islaamka ee uu
buuggiisa inta badan ku carrabaabayaa taageerana u muujinayaa, waa Maxaakiimtii
2006dii Koonfurta ka jirtey iyo Alshabaabta maanta oo aynu aragno natiijada ka soo
baxdey jiritaanka iyo joogintaankooda ayuu wadaadka buugga qoreyna culimo baraarug
Islaam ku suntey.
14. Xagxagashada Akhriska, Qoraalka, Afka iyo Dimuqraadiyadda
Wadaadku intaas kadib wuxuu kobcinta aqoonta iyo kor u qaadidda wax akhriska iyo wax
qoridda, ururrada xuquuqda aadanaha/dumarka, dimuqraadiyadda, maamul wanaagga
iyo caddaaladda uu ku tilmaamey qorshayaal ay xarunta RAND ka dambeyso. Awalba
wadaad Af-Soomaali wax ku qoriddiisa ama kor uqaadistiisa lagama sugeyne, se in ciddii
wax tarta oo dedaal dheeraad ah u muujisa afkiisa hooyo ma gaalaraacnimo iyo
qorshayaal qalaad baa? Se xuquuqda dadka iyo caddaaladda, maamulka iwm oo laga
shaqeeya sow hawl cid kasta rabtao ma aha oo loo wada baahi qabo, goormey noqotey
wax la isku xagxagto?
16
15. Carabaynta Isirka iyo Afka Soomaalida
Qoraagu wuxuu asalka Soomaalida u aqoonsanyahay sida ka muuqata buuggiisa dad ka
hooseeya Carabta wuxuuna yidhi: “Waxa ka mid ah kuwo hawshoodu tahay in ay Soomaali
ka gooyaan xidhiidh kasta oo Carab ku xidhi kara, waxa ay la dagaallamaan Af-Carabiga,
iyagoo isku daya in ay wax walba Soomaaliyeeyaan, laga bilaabo magacyada
noocyadooda kala duwan, beddelida wixii suuraggal ah ee kelmadaha Carabiga ah ee Af-
Soomaaliga ku jira, abuuridda nacaybka Carabta, Afrikaameynta Soomaalida isir ahaan, af
ahaan, dhaqan ahaan iyo dan ahaanba intaba.” Haddaba qododbka in la dul istaago
mudan ayaa ah wadaadku ma wuxuu rabaa in aan Carab xidhiidh la wadaagno? Xataa
haddii uusanba jirin xidhiidh in la sameeyo, se maxaa Soomaali iyo Carab kaba dhexeyn
kara diin Islaam mooyee bal wax kale oo ay wadaagaan ha sheego?
Se Af-Carabiga oo lala dagaallamaa wax jira maba aha sababta oo ah qorayaasha
Soomaaliyeed badankood Af-Carabiga wax waa ku akhriyaan, waxna waa kusoo
turjumaan oo cid cunsuriyeynaysa Af-Carabiga ma jirto haddii uusan isagu wax isku
rakibeyn sida lagu ogaa. Kelmadaha Af-Carabiga hadda loo yaqaan ee Af-Soomaaligana
ku jira horena waan u sheegee ilaa la sameeyo daraasad labada dhinacba ah oo loo
dhanyahay, wax la aqbali karo ma aha in la yidhaha kelmaddaas Af-hebel baa iska leh, ma
sheegin haddii wadaadku uu leeyahay Carabta wax kasta oo ay sheegtaan halooga
tanaasulo. Dhinaca kale, wixii magaalow ah ee afka Soomaaligu ka soo ergisto af kale
badanaa asalnimo looma xisaabiyo. Waxa asalka ah waa in afka laga eego halka uu hidde
u leeyahay. Miyigana hal eray oo Ingiriis ah ama Carabi ah kuma soo helaysid oo la
adeegsado, sida: guurka, dharka, cuntada, agabka la adeegsado, deegaanka, iwm.
Hadduu qoraagu moodayo erayada: surwaal, cabbaaya, khamiis, sariir, in ay wax u
dhimayaan hoddanimada Af-Soomaaliga, taasi ma dhacayso. Sababta oo ah waa wixii
lagu magaaloobay, hiddena uma lihin. Arrinta kale ee ah Afrikaameynta, ugu horreyn wax
hadda cusub oo la Afrikaameynayaa ma jiro, sababta oo ah Soomaalidu qaaradda Afrika
ayey degtaa ma wuxuu na leeyahay wadaadku yaan la odhan dhulkan bay u dhasheen ee
hala yidhaahdo Ciraaaq, Yaman iyo Sucuudiga ayey ka soo jeedaan? Taasi wa mid aan
dhaceyn hore, hadda iyo hadhowba. Sidoo kale Soomaalida afkeedu in uu Afrika yahay,
isirkeeduna la midyahay oo dhiig iyo dhalasho wadaagaan dadyowga qaaradda Afrika ku
nool waa mid muuqata, haddii uusan wadaadku Carabnimo rabin horeba loogu
hungoobey.
17
Gunanaad
Guntii iyo gebagabadii gorfeynta buuggan “Halbeeg” intaas ayaan kusoo afmeerayaa.
Waxaan aad ugu mahadnaqayaa qoraaga buugga Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed
(Beder) oo runtii nala wadaaggey fikirkiisa iyo aqoontiisaba oo aannu uga fadhinno
buugaag badan oo kale in uu soo bandhigo, deddaalkiisana aan aad ugu dhiirrigelinayaa.
Waxa sida oo kale aan uga mahadnaqayaa Af-Soomaaliga wacan ee bilaa mirgashada ah
ee uu buugga kusoo tebiyey oo ah mid uu qoraaga buugga iyo cid kasta oo ka qeyb
qaadatey hawshiisaba ay ku mahadsantahay. Waxaan rajeynayaa in gorfeynta buuggan
ay noqoto mid wax toosisa oo hagaajisa.
W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Wordpress: www.abdifatahbarawani.wordpress.com
Web Official: www.indheergarad.com
E. Off: [email protected]
Email: [email protected]
Kaltirsiga: Feebarweri, 07 2019.