8
Islamic University C.C. Muumin 1 Barashada Cilmiga Dhaxalka Cabdulqaadir Cali Muumin Waxaa qoray

Barashada cimiga dhaxalka casharka 1aad

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Barashada cimiga dhaxalka  casharka 1aad

Islamic University C.C. Muumin 1

Barashada Cilmiga Dhaxalka

Cabdulqaadir Cali Muumin

Waxaa qoray

Page 2: Barashada cimiga dhaxalka  casharka 1aad

Islamic University C.C. Muumin 2

HORDHACAllaa mahad leh, nicmooyinka faraha badan ee uu nagu galladaystaysababteeda, oo ay ugu horrayso inuu naga yeelay dad islaam ah, Nabad iyo Naxariisna Nabigeenii subanaa ee Muxammad ahaa korkiisaha ahaato.

Intaa kadib waxaan kitaabkan diyaariyay 10kii shacbaan 1416H, Wuxuuna Allaah qaddaray muddo dheer kaddib inuu gacmaha akhristayaash soo gaaro waqtigan. waxaan rajaynayaa in qofkii si fiican u akhrista kitaabkan uu fahmi doono cilmiga dhaxalka waayo marka hore wuxuu ku qoran yahay Af-soomaali oo cid kale inay kuu micnayso uma baahnid.

Marka labaad waxaa kitaabkan gudihiisa ka buuxa tusaalooyin badan oolagu muujiyay jadwallo, haddana ay daba taal faahfaahin iyo caddeymo Kula socodsiinaayo sida aan wax u dhaxalsiinay. Waxaan kula talinayaa akhristaha in uu dhowr kol akhriyo meelaha ay ku adkaato fahamkeeda isagoo la kaashanaaya tusaalooyinka iyo caddeymaha la socda.

Page 3: Barashada cimiga dhaxalka  casharka 1aad

3

Af Soomaliga inkasta oo uu muddo qoran yahay, hadana ma Ahan Luqad si wanaagsan looga shaqeeyay oo leh qaamuusyo laysku Waafaqsan yahay oo loola noqdo kalmadaha macnahooda, iyo qaamuusyo lagu qoray eraybixinada kalmadaha cilmiga ah ee ku qoron afafka kale.

Sidaas darteed si loo fahamo kitaabka ayaa waxaan u Adeegsaday erayada cilmiga ah iyo kuwa aan lahayn eraybixin soomaali ah, hab sharraxaad ah ama intaan bil furno ayaan ku qornay tarjamada carabiga.

Waxaan ka codsanayaa dhamaan akhristayaasha haddii ay ku

Arkaan kitaabkan wax qalad ah inay igu baraarujiyaan si aanan ugu dhicin Isla qaladkaasi marka dambe ee aynu daabcayno kitaabkan.

Islamic University C.C. Muumin

Page 4: Barashada cimiga dhaxalka  casharka 1aad

4

Waxaan isku dayay inta karaankeyga ah inuu noqdo kitaabkan mid kooban oo aanay bogoggiisu sidaa u badneyn, inta badanna kuma Aanan sheegin khilaafaadka culimada iyo mad-habyada kala duwan iyo qolo walbo daliilkeeda. Waxaan ku soo koobay mad-habka Zayd Bin Thaabit oo ahaa saxaabigii uu ku tilmaamay Nabiga inuu ugu aqoon badan yahay saxaabada cilmiga dhaxalka, waxaa ku waafaqay Zayd mad-habkiisaasi Imaamu-shaafici.

Hab-qoraalka kitaabkan iyo sida cutubyadu u kala horeeyaanba waxaan ka qaatay kitaabka layiraahdo AL-RAXBIYA ( الرحبية .iyo Shuruuxdeeda kala duwan (منظومة

Diyaarinta kitaabkan waxaan u kaashaday dhowr kitaab oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:

1. كثير- ابن .2 تفسير القرطبي- المجيب- 3 تفسير القريب فتح. الترتيب كتاب بشرح

4. الرحبية- متن على الفض$ية في- 5 الآللئ المواريث. اإلسالمية الشريعة

Islamic University C.C. Muumin

Page 5: Barashada cimiga dhaxalka  casharka 1aad

5

waxaan u mahad cilinayaa Allaha awoodda badan ee ii sahlay inaan qoro kitaabkan.

Waxaan ALLAAH ka baryayaa inuu ka yeelo camalkeyga midkhaalis ah oo lagu doonayo raali ahaanshahiisa kaliya.

Cabdulqaadir Cali MuuminTalaado 15 Shacbaan, 1420H

Muqdisho

Islamic University C.C. Muumin

Page 6: Barashada cimiga dhaxalka  casharka 1aad

6

CILMIGA DHAXALKA Cilmiga Dhaxalka: waa fiqiga dhaxalka iyo garashada xisaabta taasoo kuu suuro galinaysaa garashada mid kastoo wax dhaxlaya wuxuu xaq u yeeshay .Cilmigan wuxuu leeyahay fadli weyn, waxaana si aad ah loogu faahfaahiyay kitaabka Alle iyo sunnaha Nabigeena Muxammad nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaato.Qurdubi ayaa ku yiri tafsiirkiisa “Ogoow in cilmiga dhaxalka uu ahaa saxaabada cilmigooda kii ugu weynaa, doodahooda iyo weydiimahooda badankii uu ahaa laakiinse dadka ay lumiyeen.Allaah isaga ayaa qeybiyay hantida uu ka tegay qofka dhintay, siiyayna qof walba xaqiisa waxaana uu ku caddeeyay seddexda aayadood ee Suuratu Nisaa'a ee lambaradoodu kala yihiin 11,12,176..  Islamic University C.C. Muumin

Page 7: Barashada cimiga dhaxalka  casharka 1aad

7

Qofka muslimka ah waxaa laga doonayaa inuu raali ku noqdo qeybinta Allaah, waayo isaga ayaa yaqaan maslaxadeena,waana caadil ka hufan inuu wax dulmiyo.Qofkii diida qaybinta Allaah shaki kuma jiro inuu yahay mid baadiyoobay oo waddada halaagga ah cagta saaray. 

Waa maxay dhaxal?Dhaxalku waa lahaanshaha hantida qofka dhintay uu lahaa oo ka wareegta, una wareegta kuwa dhaxlaya ee nool, nooc kasta oo ay tahayba hantida la dhaxlayo – hanti guurta ah ama mid ma guurta ah.

Islamic University C.C. Muumin

Page 8: Barashada cimiga dhaxalka  casharka 1aad

8

XUQUUQDA LA XIRIIRTA HANTIDA LAGA TEGAY

Waxaa la xiriira hantida laga tegay xuquuq dhowr ah, sidan ayeyna u kala horeeyaan:1.In laga bixiyo hantida qofka dhintay waxa uu u baahan yahay marka uu dhinto ilaa laga duugo, waxyaabaha uu u baahan yahay waa in la meydho, la kafano, iyo in la duugo.2.In laga bixiyo qofka dhintay hantidiisa deymihii lagu lahaa oo ay dadka ku lahaayeen. Deymaha Alle uu ku leeyahay sida sakada, kafaarada iyo nadarka culimadu way isku khilaafeen in hantida laga bixinaayo iyo in kale. Jamhuurtu waxay qabaan inay wajib tahay in laga bixiyo, xanafiyaduna waxay qabaan inaan laga bixinayn.3.In laga bixiyo hantida qofka waxa uu ka dardaarmay, waana inaysan ka badnaan Tuluth (saddex meeloood hal meel ). Haddii uu dardaaranka ka bato Thuluth lama fulinayo haddaysan oggolaan kuwa dhaxlaka iska leh.4.Waxa soo hara waxaa loo qeybinayaa kuwa dhaxlaya sida uu qabo kitaabka Alle iyo sunaha Nebiga iyo Ijmaaca (waafaqa) Ummadda. 

Islamic University C.C. Muumin