12
Islamic University C.C. Muumin 1 Barashada Cilmiga Dhaxalka Casharka Saddexaad

Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin 1

Barashada Cilmiga

DhaxalkaCasharka

Saddexaad

Page 2: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin 2

FARADYADA LAGU SHEEGAY KITAABKA ALLAAH

Dhaxalka waa laba nooc:- Farad iyo Casabanimo.Fadaku waa nasiib go’an oo uu qof gaar ah leeyahay ama koox gaar ah leedahay, loogana siyaadinayn celin ( الرد) mooyee, loogana yareynayn cowl (العول) mooyee.Casabanimo qofka wax ku qaadanaya waxba looma goyn, wuxuuna qaadanayaa maalka oo dhan haddii la waayo qof farad wax ku qaata, ama wuxuu qaadanayaa waxa ka soo hara kuwa faradka leh, haddaysan waxba soo harinna wuu qadayaa.Faradyadaa go'an ee uu Allaah kitaabkiisa ku sheegay waa lix, waxayna kala yihiin:

• Nus (1/2) Maalka barkii• Rubuc (1/4) Afar Meelood

hal meel• Thumun (1/8) Siddeed

meelood hal meel • Thuluthaan (2/3) Saddex

meelood laba meel• Thuluth (1/3) Saddex

meelood hal meel• Sudus (1/6) Lix meelood

hal meel 

 

Page 3: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin 3

Waxaan lagu soo koobaa siyaabhan:a)Nuska iyo Thuluthaanka iyo mid walba barkii iyo mid walba barkiisii oo la sii baray.b)Thumunka iyo Suduska iyo laba laabkooda iyo laba laabkii oo la sii laba laabay.c)Rubuc iyo Thuluth iyo mid walba laba laabkii iyo mid walba barkii.

 

Page 4: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin 4

NUSKA (1/2) KUWA WAX KU DHAXLA IYO SHURUUDAHOODA:-Nuska waxaa wax ku dhaxla Shan qofood:-1.Ninka – Wuxuu nus qaadanayaa hadii:- Naagta uu dhaxlayo aysan ka tagin farac wax dhaxla. Faraca wax dhaxla waa:- Wiil, Gabadh, Wiilka Wiilkiisa iyo Gabadha-Wiilka.1.Gabadh - Waxay nus qaadataa marka:-

a) Ay kaligeed tahay oo aysan jirin Gabadh Kale.b) Aysan jirin cid casabeeysa (Walaalkeed).

2. Gabadha-Wiilka:-a) Waa in Gabadh kale oo la mid ah aysan jirin.b) Waa in aysan jirin qofka dhintay ilmo uu dhalay.c) Waa in aysan jirin cid casabaysa Walaalkeed ama ina

Adeerkeed.3.Walaasha Aabe Hooyo:-

a) Waa in ay keligeed ahaataa oo aysan jirin gabadh kale oo la mid ah.

b) Waa in aysan jirin farac wax dhaxla.c) Waa in uusan jirin Aabe.d) Waa in aysan Jirin cid casabeysa (Walaalkeed ku darajo

ah).

Page 5: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin

5

5. Walaasha Aabe:-a) Waa in aysan jirin gabadh kale oo la mid ah.b) Waa in aysan jirin Farac wax dhaxla.c) Waa in uusan jirin Aabe.d) Waa in aysan jirin cid casabaysa.e) Waa in aysan jirin Walaashaa Abbe Hooyo.

 

 

Tusaale (1): Naag baa waxay ka tagtay Ninkeed iyo Walaalkeeda

TUSAALOOYIN:-

½ 2

CNin 1

Walaal Aabe 2

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 2 waayo waxaa jooga cid faradkeedu yahay nus oo ah Ninka, nusna waxaa ka baxa 2, Ninka barkiisii ayuu qaatay waa 1, Walaalkana casabanimo ayuu ku qaatay halka soo haray.

Page 6: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin

6

Tusaale (2): Qof baa wuxuu ka tagay Gabadh iyo Walaal Aabe.

½ 2

CGabadh 1Walaal Aabe 2

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 2 waayo waxaa jooga cid faradkeedu yahay Nus, waana Gabadha. Waxay qaadatay Gabadha Nuskeeda oo ah 1, Walaalka Aabana halka soo haray ayuu casabanimo ku qaatay.

Tusaale (3): Qof baa wuxuu ka tagay Gabadh Wiilkiisu dhalay iyo Walaal Aabe Hooyo:-

½

2

CGabadha wiilka 1

Walaal Aabe Hooyo 2

Caddayn:Asalka mas’alada waa 2, waayo waxaa jooga cid Faradkeedu yahay nus, waana gabadha wiilku dhalay, waxayna qaadatay Nuskeeda waana 1, halka soo harayna waxaa casabanimjo ku qaatay Walaalka Aabe Hooyo. 

F.G: Haduu jiri lahaa wiil iyada la dhashay nus ma qaadateen ee wuu casabeyn lahaa, waxayna qaadan lahayd hal, markuu isaga laba qaataba.

Page 7: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin 7

Tusaale (4): Qof baa wuxuu ka tagay walaasha Aabe Hooyo iyo Adeer.

½

2

Cwalaasha Aabe

Hooyo 1Adeer 2

Caddayn: Asalka mas’alada waa 2, waayo waxaa jooga cid leh nus waana Walaasha Aabe Hooyo. Waxay qaadatay Nuskeeda oo ah hal, Adeerkana casabanimo ayuu ku qaatay halka soo haray. Tusaale (5): Qof baa wuxuu ka tegay Walaasha Aabe iyo

Adeer.

½

2

Cwalaasha Aabe 1

Adeer 2

Caddayn: Asalka mas’alada waa 2 waayo waxaa jooga cid leh Nus oo ah Walaasha Aabe, waxay qaadatay Nuskeeda waa 1, halka soo haray Adeerka ayaa casabanimo ku qaatay.  

Page 8: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin

8

RUBUC (1/4) KUWA WAX KU DHAXLAWaxaa Rubuc wax ku dhaxla labada qofood ee is qaba oo kaliya.1.Ninka: waxaa uu Rubuc qaataa marka ay joogaan ilmo ay dhashay Naagta ka dhimatay, isaga ha u dhasho ilmaha ama cid kale ha u dhasho, ama ay joogaan ilmo uu dhalay Wiilkeeda, waxaana laysku yiraa ilmaheea iyo ilmaha wiilkeeda farac wax dhaxla.2.Naagta: waxay Rubuc qaadataa marka aysan jirin farac wax dhaxla oo uu Ninku ka tagay

Tusaale (1): Naag baa waxay ka tagtay Nin iyo Wiil.

TUSAALOOYIN:-

¼ 4

CNin 1Wiil 3

Caddayn: Asalka mas’alada waa 4, waayo waxaa jooga cid rubuc leh oo ah Ninka, rubuciisa ayuu qaatay waa 1, saddexda soo hartayna wiilka ayaa casabanimo ku qaatay.

Page 9: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin

9

Tusaale (2): Naag baa dhimatay waxay ka tagtay Nin, Gabadh iyo Walaal Aabe Hooyo.

¼ 4

½ Nin 1

Gabadh 2

Caddayn: Asalka mas’alada waa 4 waayo waxaa jooga Ninka oo rubuc leh iyo gabadha oo nus leh. Rubuc waxaa ka baxa 4, nusna waxaa ka baxa 2, Afar iyo labana waa labo tiro oo is dhexgala, sidaa darted waxaa la qaadanayaa tirade wayn oo ah 4. Ninka rubuciisa ayuu qaatay waa 1. Gabadhana nuskeeda ayay qaadatay waa 2, Walaalkana casabanimo ayuu ku qaatay halka soo haray.

½ Walaal Aabe Hooyo 1

Page 10: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin

10

Tusaale (3): Nin baa wuxuu ka dhintay Naagtiisa iyo Walaalkiisa Aabe:-

¼

4Naag 1

Caaddayn: Asalka mas’alada waa 4 waayo waxaa jooga cid faradkeedu yahay rubuc waana Naagta. Rubuceeda ayey qaadatay waa 1, saddexda soo hartayna waxaa casabanimo ku qaatay Walaalka Aabe.

C Walaal Aabe 3

Page 11: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin 11

Thumunka waxaa wax ku dhaxla Naagta ama Naagaha laga dhintay; waxaana loo shardiyaa inuu Ninku ka tagay farac wax dhaxla.

1/8

8Naag 1

Tusaale (1): Nin baa wuxuu ka dhintay Naag iyo Wiil.

C Wiil 7

THUMUMKA (1/8) KUWA WAX KU DHAXLA IYO SHURUUDAHOODA 

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 8 waayo waxaa jooga cid Thumun leh oo ah Naagta, waxay qaadatay Thumunkeeda waa hal, wiilkana Casabanimo ayuu ku qaatay todobada soo hartay.

Page 12: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 3aad

Islamic University C.C. Muumin

12

1/8

82Naag 1

Tusaale (2): Nin baa wuxuu ka tagay 2 Naag, Gabadh, Walaal Aabe Hooyo..

1/2 Gabadh 4

Caddeyn: Asalka mas’alada waa 8 ka soo baxday Thumunka 2-da Naag, waxaa la siiyay labada Naag Thumunkooda waa 1. Gabadha waxaa la siiyay nuskeeda waa 4. Walaalkana casabanimo ayuu ku qaatay 3-da soo hartay.U fiirso halkaan- labada Naagood waxay heleen hal umana qeybsamo, wax jajab ahna lama ogola, waxaan isu eegnay tirade Naagaha oo ah 2, iyo waxa ay heleen oo 1 ah, waxaan argnay in labada tiro kala tagsan yihiin; waxaana qaadannay tirade madaxyadooda oo ah 2; waxaan ku dhifannay asalka mas’alada oo siddeed ahayd; waxaa noo soo baxay 16 oo ay mas’alada ka saxantay. Qof walba intuu lahaa ayaan ugu dhifannay labadii aynu ku dhifannay asalka mas’alada.Naagaha waxay leeyihiin 2×1=2 tiiba waxay qaadanayasaa hal Gabadha waxay leedahay 2×4=8Wiilku wuxuu leeyahay 2×3=6Tan oo kale waxaa la yiyaahdaa asalka mas’alada waa 8 waxayna ka saxantay 16.

C Walaal Aabe Hooyo 3

16286

2x