22
WACDIYAHII 1:1 1 WACDIYAHII 1:11 WACDIYAHII Wax Walba Waa Wax Aan Micne Lahayn 1 Kuwanu waa erayadii wacdiyihii ahaa ina Daa'uud oo Yeruusaalem boqorka ku ahaa. 2 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn. 3 Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan? 4 Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa. 5 Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo. 6 Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareeg- taa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii. 7 Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan. 8 Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto. 9 Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko. 10 Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey. 11 Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona. Xigmaddu Waa Wax Aan Micne Lahayn

WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

  • Upload
    others

  • View
    0

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 1:1 1 WACDIYAHII 1:11

WACDIYAHIIWax Walba Waa Wax Aan Micne Lahayn

1 Kuwanu waa erayadii wacdiyihii ahaa ina Daa'uud ooYeruusaalem boqorka ku ahaa.

2 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxbatarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa waxaan waxba tarayn. 3 Bal maxaa faa'iido ah oo nin kahela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oodhan? 4 Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa,laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa. 5Oo qorraxdunaway soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxayku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo. 6 Dabayshuwaxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soorogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareeg-taa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii.7Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, ooweli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ayku socdaan ayay haddana ku sii socdaan. 8Wax kastaabawaa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishuwax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kamabuuxsanto. 9Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiridoona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dibla samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana waxcusub laguma arko. 10 Miyey jiraan wax la odhan karo,Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen taniyo waayihii inaga horreeyey. 11 Waxyaalihii hore lamaxusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba lagumaxusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.

Xigmaddu Waa Wax Aan Micne Lahayn

Page 2: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 1:12 2 WACDIYAHII 2:512Anigan wacdiyaha ahu boqor baan reer binu Israa'iil

ugu ahaa Yeruusaalem. 13 Oo waxaan qalbigayga oodhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadhowaxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan.Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inayku hawshoodaan. 14 Shuqullada qorraxda hoosteeda lagusameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaan-tood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabayshaoo kale. 15 Wixii qalloocan lama toosin karo, oo wixiidhimmanna lama tirin karo. 16 Qalbigaygaan la hadlay,oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmadka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jirayoo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyoaqoon dheer. 17 Waxaan qalbigayga siiyey inaan xigmadogaado iyo inaanwaalli iyo nacasnimo ogaado, oowaxaangartay inay taasuna tahay dabagalka dabaysha oo kale.18Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta,oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.

2Raaxo Waa Wax Aan Micne Lahayn

1 Waxaan qalbiga iska idhi, Bal kaalay, waxaan kugutijaabin doonaa farxad, haddaba bal iska raaxayso, oobal eeg, taasuna waa wax aan waxba tarayne. 2 Qosolwaxaan ka idhi, Waa waalli! Farxadna waxaan ka idhi, Balmaxay taraysaa? 3 Waxaan qalbigayga ka damcay inaanjidhkayga khamri ku istareexiyo intii qalbigaygu xigmadigu hoggaaminayo, iyo inaan nacasnimo xagsado jeeraanarko waxa binu-aadmiga ku wanaagsan inay cimrigoodaoo dhan samada hoosteeda ku sameeyaan. 4 Waxaansamaystay shuqullo waaweyn, guryana waan dhistay,beero canab ahna waan beertay. 5 Waxaan samaystaybeero iyo firdows, oo waxaan ku dhex beeray geed midho

Page 3: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 2:6 3 WACDIYAHII 2:14cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ahoo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaansoo iibsaday addoommo rag iyo dumarba ah, oo waxaanlahaa addoommo gurigayga ku dhashay, weliba waxaanlahaa hanti aad u badan oo ishkin iyo adhiba leh, oo waanka sii hodansanaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oodhan. 8 Oo weliba waxaan kaloo soo urursaday lacag,iyo dahab, iyo khasnado khaas ah oo ay boqorro iyogobollo leeyihiin. Oo waxaan yeeshay niman ii gabyaiyo naago ii gabya, iyo waxyaalaha ay binu-aadmigu kufarxaan iyo dumar badan. 9 Sidaasaan u weynaa oouga maal badnaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oodhan, oo weliba xigmaddaydiina way igu hadhay. 10 Oowax kasta oo indhahaygu jeclaysteenna kama aan celin,oo qalbigaygana kama aan joojin farxad cayn kastoo aytahayba, waayo, qalbigayguwuuku reyreeyeyhawshaydiioo dhan, oo taasuna waxay ahayd qaybtii aan hawshaydiioo dhan ka helay. 11 Markaasaan fiiriyey shuqulladiiay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan kuhawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxayahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabayshaoo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda kahoosaysa.

Xigmad Iyo Nacasnimo Waa Wax Aan Micne Lahayn12Markaasaan u soo jeestay inaan xigmad iyo waalli iyo

nacasnimoba fiiriyo, waayo, ninka boqorka ka dambeeyabal muxuu samayn karaa wixii hore loo sameeyey mooy-aane? 13 Markaasaan gartay in xigmaddu ay ka sii fi-ican tahay nacasnimada, sida iftiinku uu gudcurka ugafiican yahay oo kale. 14 Ninkii xigmadda leh indhihiisumadaxiisay ku yaallaan, oo nacasku gudcur buu ku dhex

Page 4: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 2:15 4 WACDIYAHII 2:23socdaa, laakiinse waxaan gartay inuu isku wax dham-maantood ku dhoco. 15 Oo haddana waxaan qalbigaygaiska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhicidoonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday?Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aanwaxba tarayn. 16Waayo, kan xigmadda leh lama xusuustoilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaayeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhanwaa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahuwuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!

Hawl Waa Wax Aan Micne Lahayn17 Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa

yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oodhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aanwaxba tarayn iyo dabagalka dabaysha. 18 Wixii aanqorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan waan nacay,maxaa yeelay, waa inaan uga tago ninka iga dambeeya.19 Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad lehamase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydiiaan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmadku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxbatarayn. 20 Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbijabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oodhan. 21 Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyoaqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga ninaan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayniyo xaqdarro. 22 Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uuqorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo daba-galka qalbigiisaba? 23 Waayo, maalmihiisa oo dhammuwaa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataahabeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aanwaxba tarayn.

Page 5: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 2:24 5 WACDIYAHII 3:1124 Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa

si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, ootaasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah kayimid. 25Waayo, bal yaa wax cuni kara, yaase raaxaysankara in iga badan? 26Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyowuxuusiiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilahawuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaystosi uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aanwaxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

3Wax Kasta Xilli Bay Leeyihiin

1 Wax kastaaba waxay leeyihiin wakhti u khaas ah,wax kasta oo samada ka hooseeyaaba waxay leeyihiinwakhti go'an. 2 Waxaa jira wakhti la dhasho, iyo wakhtila dhinto; wakhti wax la beero, iyo wakhti wixii labeeray la gurto; 3 wakhti wax la dilo, iyo wakhti waxla bogsiiyo; wakhti wax la dumiyo, iyo wakhti wax ladhiso; 4 wakhti la ooyo iyo wakhti la qoslo; wakhti labaroorto, iyo wakhti la cayaaro; 5 wakhti dhagaxyo laxooro, iyo wakhti dhagaxyo la soo ururiyo; wakhti layskuduubo, iyo wakhti iskuduubidda la daayo; 6 wakhti waxla doondoono, iyo wakhti wax la lumiyo; wakhti waxla sii haysto iyo wakhti wax la xooro; 7 wakhti wax lajeexjeexo, iyo wakhti wax la tolo; wakhti la aamuso iyowakhti la hadlo; 8wakhti wax la jeclaado iyo wakhti waxla necbaado; wakhti dagaaleed, iyo wakhti nabdeed. 9 Kiishaqeeyaa bal maxaa faa'iido ah oo uu ka helaa hawshiisauu ku hawshoodo? 10 Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga usiiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay. 11 Wax kastuuka dhigay inaywakhtigooda quruxsanaadaan, oohaddanadaa'imnimadii ayuu qalbigooda ku beeray, hase ahaateebinu-aadmigu ma uu garto shuqulkii Ilaah sameeyey

Page 6: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 3:12 6 WACDIYAHII 3:22tan iyo bilowgii ilaa ugudambaysta. 12 Waan ogahayinaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iskafarxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaanmooyaane. 13 Oo weliba waa hibo Ilaah in nin kastaabawax cuno oo wax cabbo, oo uu wanaag ku istareexo intuuhawshoodo oo dhan. 14 Waxaan ogahay in wax kastaoo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxbalaguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaahwuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado. 15Waxa haatanjiraa horeba way u jireen, oo waxa jiri doonaana horebaway u jireen, oo Ilaahna wuxuu doondoonaa wixii hore udhaafay.

16 Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkayin meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oomeeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto. 17 Waxaanqalbigayga iska idhi, Ilaah baa u kala garsoori doonakan xaqa ah iyo kan sharka ah, waayo, wax kasta iyoshuqul kastaaba halkaasaywakhti ku leeyihiin. 18Waxaanqalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin.19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankanaway ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidiimidkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo welibadhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadkuxayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waawax aan waxba tarayn. 20 Kulli isku meel bay tagaan, ookulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday kuwada noqon doonaan. 21Waayo, bal yaa yaqaan in dadkanaftiisu ay kor tagto iyo in xayawaanka naftiisu ay dhulkahoos u tagto iyo in kale? 22 Haddaba sidaas daraaddeedwaxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in ninkasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waaqaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya

Page 7: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 4:1 7 WACDIYAHII 4:10inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?

4Dulmi, Hawl, Iyo Saaxiibla'aannimo

1 Markaasaan mar kale soo fiirsaday waxyaalaha dul-miga ah ee qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan,oo waxaan fiiriyey kuwa la dulmay ilmadoodii, oo mid uqalbi qabowjiyana ma ay lahayn. Kuwii iyaga dulmayaydhankooda xoog baa jiray, laakiinse iyagu qalbiqabowjiyema ay lahayn. 2 Sidaas daraaddeed waxaan ammaanaykuwii dhintay in ka sii badan kuwa haatan jooga ee welinool. 3 Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsankan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah ooqorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

4Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqulkasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso.Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalkadabaysha oo kale. 5 Nacasku gacmihiisuu isku duuddu-ubaa, oo wuxuu cunaa hilibkiisa. 6 Sacab muggiis ooxasilloonaan lagu helo ayaa ka wanaagsan laba sacab oohawl iyo dabagalka dabaysha lagu helo.

7 Oo haddana waxaan qorraxda hoosteeda ku fiirsadaywax aan waxba tarayn. 8 Waxaa jira mid keligiis ah oouusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toonalahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, ooindhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu iskuyidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftaydawaxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasunawaawaxaan waxba tarayn, waana dhib aad u xun. 9 Laba waaka wanaagsan yihiin mid qudha, maxaa yeelay, abaalgudwanaagsan bay hawshooda ka helaan. 10Waayo, haddaydhacaan, mid ba wadaygiis sare u qaadi doona, laakiinsewaxaa iska hoogay kii markuu dhaco keligiis ah, oo aan

Page 8: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 4:11 8 WACDIYAHII 5:4lahayn mid kale oo sare u qaada. 11 Oo haddana haddiilaba wada seexdaan way iskululeeyaan, laakiinse sideebaa mid keligiis ahu u kululaan karaa? 12 Oo hadduu ninka adkaado mid keligiis ah kolley laba way hor joogsandoonaan. Xadhig saddex qaybood laysugu soohay dhaqsouma kala go'o.

Dallacaaddu Micne Ma Leh13 Boqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar

dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiinah oo xigmad leh. 14 Waayo, xabsi buu uga soo baxayinuu boqor noqdo, oo boqortooyadiisuu ku dhex dhashayisagoo miskiin ah. 15Waxaan arkay inta nool ee qorraxdahoosteeda socota oo dhan iyagoo la jooga barbaarkameeshiisa istaagi doona. 16 Dadka uu isagu u taliyeyoo dhammu dhammaad ma lahayn, laakiinse kuwa is-aga ka daba iman doonaa kuma rayrayn doonaan isaga.Hubaal taasuna waa wax aanwaxtar lahayn iyo dabagalkadabaysha oo kale.

5Ilaah Cabsi Ku Horjoog

1 Markaad guriga Ilaah tegaysid is-ilaali, waayo, in-aad u dhowaatid si aad wax u maqashid way ka roontahay inaad bixisid allabariga nacasyada oo kale, maxaayeelay, iyagu ma oga inay wax shar ah samaynayaan.2Afkaaga ha ku degdegin, oo inaad Ilaah hortiisawax kagahadashid ha u dhaqsan, waayo, Ilaah samaduu joogaa,adna dhulkaad joogtaa, haddaba hadalkaagu ha yaraado.3Waayo, riyo waxay ka dhalataa hawl badan, oo nacaskacodkiisanawaxaa lagu gartaa hadalkiisa badan. 4MarkaadIlaah nidar u nidartid waa inaadan inaad bixisid dib ugadhicin, waayo, isagu nacasyada kuma farxo ee wixii aad

Page 9: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 5:5 9 WACDIYAHII 5:16u nidartay bixi. 5 Inaad nidar gasho oo aadan bixinwaxaa ka wanaagsan inaadan waxba nidrin. 6 Afkaagaha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igtahorteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. BalmaxaadIlaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacma-haaga u baabbi'iyo? 7 Waayo, riyooyin iyo erayo farabadanba waxaa ku jira wax badan oo aan waxtar lahayn,laakiinse adigu Ilaah ka cabso.

Taajirnimadu Micne Ma Leh8 Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo

garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo,waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeyaayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeyaiyaga. 9 Dhulka faa'iidadiisu kulli way ka dhexaysaa,waayo, boqorka qudhiisaba waxaa looga adeegaa beerta.

10 Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kiimaal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasunawaa wax aan waxba tarayn. 11Markii maalku bato kuwacunaanaway sii bataan. Maalku balmuxuukan lehu taraainuu indhihiisa ku fiiriyomooyaane? 12Ninkii hawshoodahurdadiisu waa umacaan tahay, hadduu wax yar cuno iyohadduu wax badan cunoba, laakiinse taajirka maalkiisabadanu hurdaduu u diidaa.

13Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxdahoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu siihaysto oo uu waxyeello uun isu keeno. 14 Oo maalkaasuwax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay,laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan. 15 Siduu uurkahooyadiis uga soo baxay ayuu isagoo qaawan ku tegidoonaa, siduu hore ku yimid oo kale. Oo hawshiisaaawadeedna wax uu gacanta ku qaadan karo ma qaadandoono. 16 Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu sikastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba

Page 10: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 5:17 10 WACDIYAHII 6:7kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uuhelayaa? 17Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaagudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyocadho.

18 Bal eeg, waxaan gartay inay wanaagsan tahay oohabboon tahay in qof wax cuno oo wax cabbo, iyo inuuhawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhanku istareexo cimrigii Ilaah siiyey oo dhan, waayo, taasuwaa qaybtiisa. 19 Oo weliba nin kasta oo Ilaah maaliyo hanti siiyey, oo haddana siiyey karti uu wax kagacuno, oo uu kaga qayb qaato, iyo inuu hawshiisa kureyreeyoba, taasuwaa hibo Ilaah. 20Waayo, isagu aad umaxusuusan doono wakhtigii uu noolaa, maxaa yeelay, Ilaahbaa farxad qalbigiisa geliya.

61 Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku

arkay, taasuna waa wax dadka ku culus, 2waana nin Ilaahsiiyeymaal, iyo hanti, iyo sharaf, oowax alla wixii naftiisujeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaahisaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uushisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayniyo dhibaato xun. 3 Haddii nin boqol carruur ah dhalo,oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado,laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oohaddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa kawanaagsan dhicis. 4 Waayo, dhicisku wax aan waxbatarayn ayuu u yimaadaa, gudcur buuna ku tagaa, oomagiciisana gudcur baa daboola. 5Ooweliba qorraxdamauu arag, mana garan, oo kaasu waa ka sii nasasho badanyahay kii kale. 6 In kastoo uu noolaado kun sannadoodoo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan kuraaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago? 7 Nin

Page 11: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 6:8 11 WACDIYAHII 7:6hawshiisa oo dhanwaa u afkiisaa, laakiinse kama hamuunbeelo. 8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oouu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortoodasi loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeya-hay? 9Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhahaaragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyodabagalka dabaysha oo kale.

10 Nin waluba wuxuu yahayba waa horaa loo maga-caabay, oo waa la garanayaa inuu binu-aadmi yahay, oolamana uu diriri karo kan isaga ka xoog badan. 11Waxaajira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxbatarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeya-hay? 12 Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsanintuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxbataraynoodhan eeuu sidahoos oo kale udhaafiyo? Waayo,bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isagadabadiis ahaan doona?

7Xigmadda

1 Magac wanaagsanu waa ka sii fiican yahay saliidqaali ah, oo maalinta dhimashaduna waa ka fiican tahaymaalinta dhalashada. 2 In guriga diyaafadda la tagowaxaaka wanaagsan in guriga baroorashada la tago, waayo,taasaa dadka oo dhan u dambaysa, oo kuwa nooluna qal-bigay taas gashan doonaan. 3 Qosol waxaa ka wanaagsanmurug, waayo, qalbigu wuxuu ku wanaagsanaadaa we-jiga caloolxumadiisa. 4 Qalbiga kuwa xigmadda lahuwuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiganacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda. 5 Nin intuunacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsaninuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo. 6 Waayo,qosolka nacasku waa sida qodxo dheri hoostiis ka jacjac

Page 12: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 7:7 12 WACDIYAHII 7:22leh, oo taasuna waa wax aan waxba tarayn. 7 Hubaaldulmigunin xigmad lehwuuwaalaa, oo laaluushkuna qal-biguu ka kharribaa. 8Wax bilowgiisa waxaa ka wanaagsandhammaadkiisa, oo kii dulqaadasho badanuna waa kawanaagsan yahay kii kibir badan. 9 Xanaaq ha ku degde-gin, waayo, xanaaqu wuxuu ku jiraa laabta nacasyada.10 Ha odhan, Waayihii hore bal maxay kuwan uga fiic-naayeen? Waayo, xaalkan si caqliya u weyddiin maysid.11 Xigmaddu sida dhaxal oo kale ayay u wanaagsantahay, oo waa u faa'iido kuwa qorraxda arka. 12 Waayo,xigmaddu waxay wax u daafacdaa sida lacagtu wax udaafacdo oo kale, laakiinse aqoonta faa'iidadeedu waa inxigmaddu ay nabadgeliso kuwa iyada haysta. 13 Bal Ilaahshuqulkiisa ka fiirso, waayo, wixii uu isagu qalloociyey balyaa toosin kara? 14Maalintii aad barwaaqaysan tahay aadu faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aadu fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusanninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.

15 Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligmaiyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada;labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaaayaan arkay. 16 Aad xaq ha u noqon oo hana iskadhigin mid aad xigmad u leh, waayo, bal maxaad isubaabbi'inaysaa? 17 Aad sharrow ha u noqon, oo nacasnaha noqon, waayo, bal maxaad wedkaaga ka hor u dhi-manaysaa? 18Waxaa kuu wanaagsan inaad tan xagsatid,oo aadan gacantaadana dib uga ceshan, waayo, kii Ilaahka cabsada waxan oo dhan ayuu ka soo bixi doonaa.

19 Xigmaddu kan xigmadda leh way uga xoog badantahay toban taliye oo magaalada jooga. 20Waayo, dhulkalagumaaragnin xaq ahoowanaag fala, oo aandembaabin.21Wax kasta oo lagu hadlo ha dhegaysan, waaba intaasooaad maqashaa addoonkaaga oo ku habaarayee. 22Waayo,

Page 13: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 7:23 13 WACDIYAHII 8:3marar badan ayaa qalbigaagu og yahay inaad adba saasookale u habaartid kuwo kale.

23 Waxyaalahan oo dhan xigmad baan ku tijaabiyey.Waxaan is-idhi, Xigmad baan yeelan doonaa, laakiinsexigmaddii way iga fogayd. 24Waayo, bal yaa gaadhi karawixii aad u fog ee mool dheer? 25 Waxaan qalbigaygaoo dhan u diyaariyey oo u soo jeediyey inaan ogaado,oo baadho, oo aan doondoono xigmad iyo wax kastasababtiisa, iyo inaan ogaado in sharnimadu tahay nacas-nimo, iyo in doqonnimadu tahay waalli. 26 Oo waxaansoo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh,waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, ooay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaahka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilahaway qabsan doontaa. 27 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay,Bal eega, si aan sababta u garto ayaan midba mid kudaray oo waxaasaan soo helay. 28 Oo weliba waan siidoondoonayaa, laakiinse ma aan helo. Kun nin dhexdoodayaan nin qudha ka helay, laakiinse kuwaas oo dhan xataanaag qudha kama helin. 29 Bal eeg, waxan keliya oo aansoo ogaaday in Ilaah binu-aadmiga sameeyey iyagooqum-man, laakiinse waxay doondooneen hindisooyin badan.

81Yaa ninka xigmadda leh la mid ah? Yaase wax micni-

hiisa yaqaan? Nin xigmaddiisu wejigiisay dhalaalisaa, ooadaygga wejigiisuna wuu beddelmaa.

Dhawr Amarka Boqorka2 Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa

dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.3 Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax sharahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa

Page 14: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 8:4 14 WACDIYAHII 8:14wax alla wuxuu ku farxo. 4 Waayo, boqorka hadalkiisuxoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, Warmaxaad samaynaysaa? 5 Ku alla kii amarka dhawrainnaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmaddaleh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.6Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyogarsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn aysaaran tahay. 7 Maxaa yeelay, isagu garan maayo waxaahaan doona, waayo, bal yaa isaga u sheegi kara sidayu ahaan doonaan? 8 Ninna amar uma leh inuu naftaceshado, oo maalinta dhimashadana amar uma leh. Oowakhtiga dagaalkaasna fasax ma leh, oo sharnimadunama samatabbixin doonto kuwa iyada leh. 9 Waxaas oodhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyeyshuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oodhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu waxyeelo.

10 Oo haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay,kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuskaahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeennawaa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.11 Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo,oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu sharsameeyo aad buu u damcaa. 12 In kastoo dembile boqoljeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, had-dana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oohortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan. 13 Laakiinsesharrowguma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii maraagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaayeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado. 14 Waxaa jirawax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waanainay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sidashuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa

Page 15: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 8:15 15 WACDIYAHII 9:3sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwaxaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxbatarayn. 15Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax ugawanaagsan inuuwax cuno, oowax cabbo, oo uu iska farxo,waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisaIlaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.

16 Markaan qalbigayga u soo jeedshay inaan xigmadgarto, iyo inaan arko hawsha dhulka lagu sameeyo(waayo, waxaa jira mid aan habeen iyo maalin toonaindhihiisa hurdo saarin), 17 markaasaan shuqulka Ilaahoo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karininuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagusameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo inla soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, ooweliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuusoo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.

9Qaddarta Guud Ee Dadka

1Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday siaan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh,iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacaybtahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan. 2 Waxkastaaba isku si bay dadka oo dhan ugu yimaadaan, ooisku wax baa ku dhaca ka xaqa ah iyo ka sharka ahba, kawanaagsan iyo ka xunba, ka nadiifta ah iyo ka aan nadi-ifta ahaynba, ka allabariga bixiya iyo ka aan allabarigabixinba. Sida kan wanaagsanu yahay ayaa dembiluhunayahay, oo ka dhaartaana waa la mid kan dhaarta kacabsada. 3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteedalagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo

Page 16: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 9:4 16 WACDIYAHII 9:12dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga sharbaa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiinwaalli baaku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.4 Kii kuwa nool oo dhan la jira rajuu leeyahay, waayo,eeygii noolu waa ka wanaagsan yahay libaax dhintay.5Waayo, kuwa noolu way og yihiin inay dhiman doonaan,laakiinse kuwadhintaywaxbamaoga, oo innaba abaalguddambemaheli doonaan, waayo, iyagawaa la illoobay. 6Ooweliba jacaylkoodii iyo nacaybkoodii iyo hinaasiddoodi-iba way wada baabbe'een, oo innaba qayb dambe kumalahaan doonaan waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyooo dhan.

7 Orod oo tag, oo kibistaada farxad ku cun, oo kham-rigaagana qalbi istareexsan ku cab, waayo, Ilaah shuqul-ladaadii horuu u aqbalay. 8Had iyo goorba dharkaaguwaxcad ha ahaado, oo madaxaaguna yuusan saliid waayin.9 Naagtaada aad jeceshahay farxad kula noolow intaadku nooshahay cimrigaaga aan waxba tarayn ee Ilaahqorraxda hoosteeda kugu siiyey oo dhan, waayo, taasuwaa qaybtaadii aad ku heshay noloshan iyo hawshaadiiaad qorraxda hoosteeda ku dhibtootay. 10Wax alla wixiigacantaadu hesho inay samayso xooggaaga oo dhan kusamee, waayo, She'ool oo aad tegaysid shuqul iyo hindisoiyo aqoon iyo xigmad toona laguma arko.

11Markaasaan mar kale fiirsaday, oo waxaan qorraxdahoosteeda ku arkay inaan kuwa dheereeyaa mar kastatartanka ku badin, ama aan kuwa xoogga badanu markasta dagaalka adkaan, ama aan kuwa xigmadda lahumarkasta kibis helin, ama aan kuwa garaadka ahu mar kastahodan noqon, ama aan saanacyada mar kasta raalli lagaahayn, laakiinse waxaa kulligood hela wakhti iyo nasiib.12Waayo, ninna wedkiisa ma yaqaan. Sida kalluun shabagxun lagu qabto, iyo sida shimbirro dabin ku dhaca, saasoo

Page 17: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 9:13 17 WACDIYAHII 10:5kalaa binu-aadmigana wakhti xun lagu dabaa, markiiwedku si kedis ah ugu yimaado.

Xigmaddu Way Ka Wanaagsantahay Nacasnimada13Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku

arkay, iyana way ila weynayd. 14 Waxaa jirtay magaaloyar oo ay dad tiro yaru dhexdeeda joogaan, oo waxaaiyadii ku soo duulay boqor weyn. Wuu hareereeyey oodhufayso waaweyn hareereheeda ka dhistay. 15Haddanawaxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh,oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey,laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusu-usan. 16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiicantahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa laquudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

17 Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaanlagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kannacasyada ka dhex taliya. 18 Xigmaddu waa ka fiicantahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa waxbadan oo wanaagsan baabbi'iya.

101 Diqsiyadii dhintay saliidda cadarsameeyaha way

qudhmiyaan, oo nacasnimadii yaruna saasoo kalay kanxigmadda loo sharfo u bi'isaa. 2 Ninkii xigmad lehqalbigiisu xagga midigtuu u jeedaa, laakiinse nacaskaqalbigiisu xagga bidixduu u jeedaa. 3 Oo weliba kannacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa,oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacasyahay. 4 Haddii taliyahu kugu dhirfo, meeshaada ha kadhaqaaqin, waayo, qalbiqabowgu xumaanowaaweynwuuqabowjiyaa. 5 Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxdahoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka

Page 18: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 10:6 18 WACDIYAHII 10:20

yimaada. 6Nacasnimadu waxay joogtaa meelo sarsare oowaaweyn oo taajiriintuna waxay fadhiyaan meel hoose.7 Waxaan arkay addoommo fardo fuushan, iyo amiirrosida addoommo oo kale lugaynaya. 8Kii god qodaa isagaaku dhici doona, oo ku alla kii deyr dumiyana abeesaaqaniini doonta. 9 Ku alla kii dhagaxyo rujiyaaba wuu kudhaawacmi doonaa, oo kii qoryo jejebiyaana isagaa khatarku geli doona. 10Haddii birtu af beesho, oo aan la soofayn,waa in xoog badan lagu sii kordhiyaa, laakiinse xigmaddufaa'iido bay leedahay si loogu liibaano. 11 Haddii abeesowax qaniinto iyadoo aan la falfalin, markaas ka dib fal-falowgu waxtar ma leh. 12 Kii xigmad leh erayada afkiisuwaa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isagaqudhiisay baabbi'iyaan. 13 Erayada afkiisa bilowgooduwaa nacasnimo, oo dhammaadka hadalkiisuna waa waallibaas. 14 Nacasku hadalkiisa wuu badiyaa, waxa ahaandoona binu-aadmigu garan maayo, oo waxa dabadiisdhici doonana bal yaa u sheegi kara? 15 Nacasyadahawshoodu midkood kastaba way daalisaa, maxaa yee-lay, isagu xataa sida magaalada loo tago ma yaqaan.16 Dalkow, adaa iska hoogay, markii boqorkaagu ilmoyar yahay, oo amiirradaaduna ay aroortii wax cunaan!17 Dalkow, waad barakaysan tahay, markii boqorkaagunin gobeed yahay, oo amiirradaaduna ay wakhti habboonwax u cunaan inay xoog ku yeeshaan ee aan ahayn inaysakhraamaan! 18 Caajisnimo badan saqafku waa ku du-maa, oo shuqulla'aanta gacmahana gurigaa ku darroora.19 Diyaafadda waxaa loo dhigaa qosol aawadiis, khamri-guna naftuu u raaxeeyaa, oo lacagtu wax kastaba wayka jawaabtaa. 20 Boqorka ha ku caayin xataa fikirkaaga,oo taajirkana ha ku caayin qolladdaada jiifka, waayo,shimbir hawada duusha ayaa codkaaga qaadi doonta, oowax baalal leh ayaa xaalka sheegi doona.

Page 19: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 11:1 19 WACDIYAHII 11:1011

Kibis Biyo Dul Taal1 Kibistaada biyaha korkooda ku tuur, waayo, maalmo

badan dabadood waad heli doontaa. 2 Oo toddoba qay-bood u kala qaybi iyo weliba siddeed, waayo, masiibadadhulka iman doonta garan maysid. 3 Haddii daruuruhuroob ka buuxsamaan, dhulkay ku soo daataan, oo haddiigeed xagga koonfureed amase xagga woqooyi u dhaco,meeshuu u dhacay ayuu oolli doonaa. 4 Kii dabayshaeegaa waxba ma uu beeran doono, oo kii daruurahafiiriyaanawaxbama goosan doono. 5Sida aadan dabayshajidkeeda u garanayn, ama aadan sida lafuhu ugu dhexsamaysmaan naag uur leh maxalkeed u garanayn, saasoo kale ayaadan shuqulka Ilaaha wax walba sameeyau garanayn. 6 Iniinahaaga aroorta beero, oo fiidkanagacantaada ha ceshan, waayo, innaba garan maysid midliibaani doona, kan ama kaas, iyo inay labadooduba iskusi u wanaagsanaan doonaan iyo in kale.

Xusuuso Abuurahaaga Inta Aad Dhallinyar Tahay7 Sida runta ah iftiinku waa macaan yahay, oo ind-

hahana way u wanaagsan tahay inay qorraxda arkaan.8 Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha kufarxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo,iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammuwaa wax aan waxba tarayn.

9Barbaarkow, barbaarnimadaada ku farax, oo wakhtigadhallinyaranimadaadana qalbigaagu ha ku istareexiyo, oosida qalbigaagu doonayo oo ay indhahaagu arkaanba usoco, laakiinse waxaad ogaataa in Ilaah waxyaalahaasaawadood oo dhan kuu xukumi doono. 10 Haddaba sidaa

Page 20: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 12:1 20 WACDIYAHII 12:8

daraaddeed qalbigaaga murugta ka durki, oo jidhkaa-gana xumaanta ka fogee, waayo, carruurnimada iyodhallinyaranimaduba waa wax aan waxba tarayn.

121 Haddaba wakhtiga dhallinyaranimadaada Abuura-

haaga xusuuso intaan maalmaha xumu kuu iman, amaayan kuu soo dhowaan sannadaha aad odhan doonto,Sannadahan kuma istareexo, 2 iyo intaan qorraxda, iyoiftiinka, iyo dayaxa, iyo xiddiguhuba aywadamadoobaan,ama intaan daruuruhu roobka ka daba noqon, 3 iyo intakuwa guriga dhawraa ay gariiraan, oo nimanka xooggabadanuna ay soo gotaan, oo kuwa wax shiidaana aytiradooda yar aawadeed shuqulka u joojiyaan, oo kuwadaaqadaha wax ka fiiriyaana ay madoobaadaan, 4 iyointa albaabbada jidadka lagu xidho, iyo inta sanqadhashiididdu ay gaaban tahay, oo shimbirta cideeda lagutooso, oo gabdhaha muusikaduna ay wada taag dar-naadaan. 5 Waxa sarreeya ayay ka baqi doonaan, oojidadka dhexdoodana waxyaalo cabsi ah ayaa jiri doona,oo geedka yicibtu waa ubxin doonaa, oo koronkorradunaway isculaysin doonaan, oo damacuna wuu baabbi'idoonaa, maxaa yeelay, binu-aadmigu wuxuu tagaa hoy-giisa daa'imka ah, oo kuwa baroortaana jidadkay war-wareegaan. 6 Abuurahaaga xusuuso intaan xadhiggalacagta ahu kala go'in, ama aan maddiibadda dahabkaahu kala jabin, ama aan jalxaddu isha biyeed agteeda kuburburin, ama aan giraangirta ceelku jabin, 7 iyo intaanciiddu dhulka ku noqon siday horeba ahayd, oo ruuxunaku noqon Ilaahii horeba siiyey. 8 Wacdiyuhu wuxuuleeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waawax aan waxba tarayn.

Page 21: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

WACDIYAHII 12:9 21 WACDIYAHII 12:14Soo Koobiddii Xaalka

9 Oo haddana wacdiyuhu xigmad buu lahaa, oo welibadadkuu aqoon baray. Wuxuu aad uga fikiray, oo baadhay,oo isku hagaajiyey maahmaahyo badan. 10 Wacdiyuhuwuxuu doonay inuu soo helo erayo la aqbalo iyo wixii siqumman loo qoray oo ahaa hadal run ah.

11Erayada kuwa xigmadda lahuwaa sidawaxwaxmudaoo kale, oo maahmaahyada la soo ururshayna waa sidamusmaarro la adkeeyey; adhijir qudha ayaa bixiyey. 12Ooweliba, wiilkaygiiyow, waxyaalahan ku waano qaado. Bu-ugag badan samayntoodu innaba dhammaad ma leh, oowaxbarashada badanuna jidhkay daalisaa.

13 Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wadamaqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo,taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.14Waayo, Ilaah wuu xukumi doonaa shuqul kasta, iyo waxkasta oo qarsoon, ha fiicnaadeen ama ha xumaadeene.

Page 22: WACDIYAHII - World English BibleWACDIYAHII2:6 3 WACDIYAHII2:14 cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan

22Kitaabka Quduuska Ah

The Holy Bible in the Somali language of Somalia, Adan Jim'aleVersion

copyright © 1979, 2008 Society for International Ministries -- KenyaLanguage: SomaliTranslation by: SIM International

Somali, Kitaablka Quduuska AhThis translation, published by the SIM, was published in 2008.

. If you are interested in obtaining a printed copy, please contact the SIM at POBox 72983, Nairobi, Kenya.

. This translation text is made available to you under the terms of the Cre-ative Commons License: Attribution-Noncommercial-No Derivative Works. (http://creativecommons.org/ licenses/by-nc-nd/3.0/) In addition, you have permission toport the text to different file formats, as long as you do not change any of the text orpunctuation of the Bible.Youmay share, copy, distribute, transmit, and extract portions or quotations from thiswork, provided that you include the above copyright information:

You must give Attribution to the work.You do not sell this work for a profit.You do not make any derivative works that change any of the actual words or

punctuation of the Scriptures.Permissions beyond the scope of this license may be available if you contact us withyour request.This translation is made available to you under the terms of the Creative CommonsAttribution-Noncommercial-No Derivatives license 4.0.Youmay share and redistribute this Bible translation or extracts from it in any format,provided that:

You include the above copyright and source information.You do not sell this work for a profit.You do not change any of the words or punctuation of the Scriptures.

Pictures includedwith Scriptures and other documents on this site are licensed just forusewith those Scriptures and documents. For other uses, please contact the respectivecopyright owners.2017-08-31PDF generated using Haiola and XeLaTeX on 11 Jan 2020 from source files dated 30 Dec20193ab4b284-9860-5955-80fb-586830f21756