8
Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438 (H) Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn Kooban Ku Sameeyey Masuuliyiinta Xukuumaddiisa MUWAADIN: Wax Ka Baro Tacriifada Liisamada Ganacsi Ee Adeegyada Cusub [Eeg Bogga 8aad] Awr Qof Ku Cunay Deegaanka Balli Dhiig Hargeysa, Somaliland, June 6, 2017 (Saxafi) Madaxweyne Siilaanyo ayaa xalay isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah hay’adda dawladda. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda (Eeg Bogga 2) George W Bush Oo Tabaruc U Raadinaya 5-Jir Kansar Ku Dhacay Oo Askari La Shaqayn Jiray Dhalay B 6 Layaabka : Tuugi Nasiibka Xumaa B 6 Dhismayaasha Shiinaha Ee Nashqadii Soo Jireenka Ahaa Ee Dunida Bedelay B6 Ka Akhriso Gudaha…... “Baasaboor Somali Dublamaasi Ah Ayaan Ku Dhoofayaa, Isaga Iyo Qayrkii Toona Ka Aqballi Mayno, Muu Keena Qaato” Hargeysa, Somaliland, June 6, 2017 (Saxafi) – Wasiiru-dawlaha amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay sababta loogu diiday inuu madaarka ka dhoofo Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo ka tirsan saraakiisha xisbiga WADDANI. Wasiirudawlaha amniga ayaa sheegay in aan la ogolayn siyaasi (Eeg Bogga 2) RAMADAAN KARIIM Sidee Ayaynu U Qaabilnaa Bishan Ramadaan Axkaamta Ramadaanta Ka akhri bogga gudaha Burco, Somaliland, June 6, 2017 (Saxafi – Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga isla markaasna ay wehelinayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada xisbiga KULMIYE ayaa socdaal shalay ku tegay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. (Eeg Bogga 2aad) Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Wefti Culus Oo Xukuumadda Iyo Xisbigiisa Ah Oo Burco U Tegay Ka Qayb-Qaadashada Gurmadka Shuban Biyoodka Basaaskii Reer Masar Ee Badbaadiyay Israel Buuggii ugu Xiisaha badnaa ee sanadkii ina dhaafay 2016 laga qoray Arrimaha sirdoonka adduunka WQ: Prof Uri Bar Joseph, waxa turjumay Bahda Saxafi – Q: 40aad Ka Akhri Boggaga Gudaha Ballidhiig, Somaliland, June 6, 2017 (Saxafi) – Wiil dhaliinyar ah ayaa la sheegay in Qaalin geel oo da’diisa lagu sheegay toban jir uu ku cunay magaaladda Ballidhiig ee gobolka Togdheer. Wiilkan uu cunay ayaa magaciisa la yidhaahdaa Cawil Gaaruuf, waxaana dhaawaciisa la soo gaadhsiiyey magaaladda Ballay callane halkaasi oo uu ku (Eeg Bogga 2aad) Wasiiru-Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye Faahfaahinta Xidhiidhka Xumaaday Ee Qatar Iyo Wadamada Carabta Iyo Dagaalka Al-Jasiira Riyaad, Sucuudiga, June 6, 2017 (Saxafi) - Dawladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la'aan ka wado gobolka. Dowladda Masar, ayaa Qadar ku eedeysay in ay taageerto kooxda walaalaha muslimiinta (Muslim Brotherhood) ee dalka Masar ku sugan, sida wakaalladda Wararka (Eeg Bogga 5) Ciidamadda Kenya Oo Ku Faannay Inay Duqeymo Ku Dilen Dagaalyahanno Ka Tirsan Al Shabaab Nairobi, Kenya, June 6, 2017 (Saxafi) – Ciidamadda dalka Kenya ayaa sheegay inay dileen afar iyo toban ka mid ah dagaalyahanadda Al shabaab. Ciidanka Kenya ayaa sheegay in diyaaradaha ciidamada cirka ee Kenya ayaa koonfurta soomaaliya ku duqeeyeen 14 dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al shabaab ee dagaalka kula jirta Soomaaliya iyo (Eeg Bogga 2aad) Qiimaha: 2,000 Sh. Sl www.saxafinews.com

Tirsiga 1799 Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn ... · Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438Qiimaha: 2,000 Sh. Sl (H) Madaxweyne Siilaanyo

  • Upload
    others

  • View
    0

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Tirsiga 1799 Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn ... · Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438Qiimaha: 2,000 Sh. Sl (H) Madaxweyne Siilaanyo

Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438 (H)

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn Kooban Ku Sameeyey Masuuliyiinta Xukuumaddiisa

MUWAADIN: Wax Ka Baro Tacriifada Liisamada Ganacsi Ee Adeegyada Cusub [Eeg Bogga 8aad]

Awr Qof Ku Cunay Deegaanka Balli Dhiig

Hargeysa, Somaliland, June 6, 2017 (Saxafi) – Madaxweyne Siilaanyo ayaa xalay isku

shaandheyn kooban ku sameeyey golihisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah hay’adda dawladda.

War-saxaafadeed ka soo baxay x a f i i s k a m a d a x t o o y a d d a

(Eeg Bogga 2)

George W Bush Oo Tabaruc U Raadinaya 5-Jir Kansar Ku Dhacay Oo Askari La Shaqayn Jiray Dhalay

B 6

Layaabka : Tuugi Nasiibka Xumaa B 6

Dhismayaasha Shiinaha Ee Nashqadii Soo Jireenka Ahaa

Ee Dunida Bedelay B6

Ka Akhriso Gudaha…...

“Baasaboor Somali Dublamaasi Ah Ayaan Ku Dhoofayaa, Isaga Iyo Qayrkii

Toona Ka Aqballi Mayno, Muu Keena Qaato”

Hargeysa, Somaliland, June 6, 2017 (Saxafi) – Wasiiru-dawlaha amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay sababta loogu diiday inuu madaarka ka dhoofo Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo ka tirsan saraakiisha xisbiga WADDANI. Wasiirudawlaha amniga ayaa sheegay in aan la ogolayn siyaasi

(Eeg Bogga 2)

RAMADAAN KARIIM Sidee Ayaynu U Qaabilnaa Bishan Ramadaan Axkaamta Ramadaanta

Ka akhri bogga gudaha

Burco, Somaliland, June 6, 2017 (Saxafi – Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha X i s b i g a K U L M I Y E a h n a

Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga isla markaasna ay wehelinayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada xisbiga KULMIYE ayaa

socdaal shalay ku tegay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

(Eeg Bogga 2aad)

Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Wefti Culus Oo Xukuumadda Iyo Xisbigiisa Ah Oo Burco U Tegay

Ka Qayb-Qaadashada Gurmadka Shuban Biyoodka Basaaskii Reer Masar Ee Badbaadiyay Israel

Buuggii ugu Xiisaha badnaa ee sanadkii ina dhaafay 2016 laga qoray Arrimaha sirdoonka adduunka

WQ: Prof Uri Bar Joseph, waxa turjumay Bahda Saxafi – Q: 40aad

Ka Akhri Boggaga Gudaha

Ballidhiig, Somaliland, June 6, 2017 (Saxafi) – Wiil dhaliinyar ah ayaa la sheegay in Qaalin geel oo da’diisa lagu sheegay toban jir uu

ku cunay magaaladda Ballidhiig ee gobolka Togdheer. Wiilkan uu cunay ayaa magaciisa la yidhaahdaa Cawil Gaaruuf,

waxaana dhaawaciisa la soo gaadhsiiyey magaaladda Ballay callane halkaasi oo uu ku

(Eeg Bogga 2aad)

Wasiiru-Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye

Faahfaahinta Xidhiidhka Xumaaday Ee Qatar Iyo Wadamada Carabta Iyo Dagaalka Al-Jasiira Riyaad, Sucuudiga, June 6, 2017 (Saxafi) - Dawladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la'aan ka wado gobolka. Dowladda Masar, ayaa Qadar ku eedeysay in ay taageerto kooxda walaalaha muslimiinta (Muslim Brotherhood) ee dalka Masar ku sugan, sida wakaalladda Wararka

(Eeg Bogga 5)

Ciidamadda Kenya Oo Ku Faannay Inay Duqeymo Ku Dilen Dagaalyahanno Ka Tirsan Al Shabaab Nairobi, Kenya, June 6, 2017 (Saxafi) – Ciidamadda dalka Kenya ayaa sheegay inay dileen afar iyo toban ka mid ah dagaalyahanadda

Al shabaab. Ciidanka Kenya ayaa sheegay in diyaaradaha ciidamada cirka ee Kenya ayaa koonfurta soomaaliya

ku duqeeyeen 14 dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al shabaab ee dagaalka kula jirta Soomaaliya iyo

(Eeg Bogga 2aad)

Qiimaha: 2,000 Sh. Sl

www.saxafinews.com

Page 2: Tirsiga 1799 Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn ... · Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438Qiimaha: 2,000 Sh. Sl (H) Madaxweyne Siilaanyo

Vol: 8 Tirsiga 1799 – Salaasa, June 06, 2017— Ramadaan 11, 1438 (H) 2.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku …………... “Baasaboor Somali ………...

sita Paaspoorka Soomaaliya, isla markaana aanu dalka ka dhoofi Karin ama soo gali Karin, waxaanu ku sheegay sababta loogu diiday inuu madaarka ka dhoofo inay tahay Paaspoorka Soomaaliya ee uu sito. “Soomaaliya ayuu muddo ku maqnaa wuu yimid oo dalkiisa ayuu ku soo noqday, xisbiyadda ayuu ka qaybgallay, Paasapor Soomaali weyn baan ku dhoofayaa isaga iyo qayrkiiba ka aqballi mayno, waa Paasapor diplamaati ah oo Soomaaliya muu keena qaato”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye oo sharaxayey sababta loogu diiday Ismaaciil Hure Buubaa inuu madaarka ka dhoofo. Waxaanu intaas ku daray “Haa xaq buu u leeyahay inuu keenna qaato, laakiin Paasapor Soomaaliya ayaan Hargeysa kaga dhoofayaa anigoo siyaasi reer Somaliland ah,

Baasaapooradda kale waa la qaadan karaa, muwaadiin kale oo reer Somaliland way wada sitaan Baaspooro ajanabi ah, laakiin ka Soomaaliya kama ogolin.” Mar la waydiiyey ma la odhan karaa in xisbiga WADDANI ee uu ka mid yahay laga dhex arkay waxa uu yidhi “Maya WADDANI oo qudha maaha, haddii uu Kulmiye ama aniga laftayda ahaan lahaa cid ka yeelaysaa ma jirto.” Somali land ayaa hore u mamnuucay in madaaradeedda lagaga dhoofo Paasoradda Soomaaliya cusub, inkastoo uu Paasoorkani ka duwanaa kii muwaadiinta caadiga ah oo uu y a h a y d i b l a m a a s i , d i p l a m a a s i g a a a s i w u x u u muujinaya inuu Soomaaliya diblimaasi ka yahay.

Somaliland oo uu ku saxeexan yahay agaasimaha saxaafadda madaxtooyadda Naasir Yuusuf Daahir, ayaa lagu sheegay in isku bedel, magacaabis iyo eryid lagu sameeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladdda. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu d igreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4828/062017 uu xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey caawa oo ay taariikhdu tahay 06/05/2017, x u b n o k a m i d a xukuumaddiisa.”ayaa lagu yidhi war-saxafadeedkaasi. Masuuliyiinta la magacaabay,kuwo isku bedelka lagu sameeyey iyo kuwo shaqaddii laga joojiyey waxay kala yihiin:

Magacaabida iyo Isku bedelka Wasiiradda, Wasiir Ku xigeenada iyo Wasiiru-dawlayaasha 1 In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2 In Mudane, Xasan Xuseen Nuur Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 3 In Mudane, Cabdillaahi Aw Aadan Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miy iga ee Jamhuuriyadda Somaliland. 4 In Mudane, Axmed Cali Baynax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5 In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qo r shayn t a Qa ranka i y o Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda) 6 In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta) 7 In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda

ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL) 8 In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Maaliyada) 9 I n M u d a n e , Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu a h a a d o W a s i i r u - d a w l a h a Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta) 10 In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Wershadaha) 11 In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore wasiir ku xigeenkii wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga)

Magacaabida Agaasimeyaasha Guud

1. In Mudane, Jamaal Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda G a a s h a a n d h i g g a e e Jamhuuriyadda Somaliland. 2 In Mudane, Cabdikariim Xuseen Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida Hay'addaha Dawladda

1 In Mudane, Xuseen Maxamed Jaamac (Balal), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Ku-xigeenka Garyaqaanka G u u d e e Q a r a n k a e e Jamhuuriyadda Somaliland. 2 In Mudane, Dayib Aadan Xaaji Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa ee JSL.

Magacaabida La-taliye Madaxweyne

1 In Mudane, Maxamed Cumar Cabdi jire (Xato), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciyaaraha.

M a g a c a a b i d a Wakiilka Somaliland ee Cuman iyo Kuwait 1 In Mudane, Salaan Xasan Cabdulle Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado W a k i i l k a J a m h u u r i y a d d a Somaliland u fadhiya dalalka Cumaan iyo Kuwait.

M a g a c a a b i d a Gudoomiyeyaasha Iyo Kuxigeenadda Gobolada 1 In Mudane, Axmed Diiriye Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal. 2 In Mudane, Cabdi Nuur Sugaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. 3 In Mudane, Nuur Qaasim Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeeddo: Xilka Qaadis Mudaneyaal, Waxaan aad idinka mahadinayaa m u d d a d i i a y n u w a d a shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad q a r a n k a J a m h u u r i y a d d a Somaliland u hayseen. Haddaba, waxaan id inka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalkii aad u hayseen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, masuuliyiintaa aan u soo igmaday ee kor ku xusan.

Xilka Qaadis 1 Mudane, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta 2 Mudane, Axmed Nuur Faahiye, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Duulista Hawada 3 Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka 4 Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh 5 M u d a n e , I b r a a h i m Jaamac Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Saraar 6 Mudane, Maxamed Cali Aadan, Agaasimihii Hore ee W a s a a r a d d a X i d h i i d h k a Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda

Ciidamadda Kenya Oo ……...

dawladaha caawinaya. Warbaahinta K24 TV, ayaa sheegtay in 14-ka dagaalyahanno ee la dilay ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Al Shabaab. W e e r a r k a w a xa a f u l i y a y diyaaraddaha dagaalka ee dowladda Kenya, waxaana duqeynta ay ka dhacday deegaanka Abdiore oo 27Km u jira magaalladda Kismaayo. Al shabaab, ayaa dhinaca kale waxaa ay isku dayeen in ay weeraraan saldhiga ciidanka dowladda Kenya, balse waxaa ka hortagay ciidanka Kenya, sida uu sheegay TV-gga K24. Dhinaca kale warbaahinta Tuko, ayaa ku warantay in duqeynta ay dhacay 3-ddii bishan Jun. Ma jiraan war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeynta ka dhacay degaanka Abdiore.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxaana inta badan ay duqeymo la eegtaan saldhigyadda Al Shabaab ay ku leeyihiin degaannada hoos tagay gobollada Jubooyinka. Dhinaca kale shalay diyaarado dagaal ayaa warqado ku daadiyay magaalladda Jilib oo uu ka taliyo ururka Al-Shabab iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, sida dadka degaanka ay sheegeen. Warqadaha la daadiyay ayaa waxa ku qornaa farriin ugu baaqeysa Al-Shabab in ay ka faa’iidaystaan cafiskii uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, cafiskaa oo ahaa in xubnaha ku jira Al-Shabab in ay kaga soo baxaan ururkaasi muddo 60 maalmood ah.

geeriyooday. Awrkan wiilka cunay ayaaa dadkii deegaanka ahaa ka soo duubay muuqaal ay ku muujinayaan sida uu wali u cadhaysan yahay, isla markaana waxa muuqaalka laga arkayey dad hor taagan, iyagoo sheegay in afkiisa wali ka muuqdo dhiigii uu wiilkaasi ku cunay. Lama garanayo sababta uu wiilkaasi Cawil Gaaruuf ku cunnay awrkan toban jirka ah, isla markaana dhaawacii uu u geystay u geeriyooday. Dhibaatooyinkiii abaaraha ku tageen ayaa dadku u aanaynayaa inay sabab u tahay in xoolihiii dadka cunaan, halka qaar kale ku doodayaan inuu awrku qooqnaa. Alla ha u naxariisto Cawil Gaaruuf

oo neef Geel ahi ku cunay deegaanka Bal l idhiig, isla markaana lagu aasay deegaanka Balli callane.

Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Wefti ………. Wef t i gan ayaa u j ee dada socdaalkoodan lagu sheegay sidii gurmad Qaran oo loo dhan yahay looga gaysan lahaa cudurka shuban biyoodka oo dhawaan ka dilaacay magaalada Burco. Xubnaha Wasiirada ah ee socdaalka ku wehel inaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Samsam C a b d i A a d a n , W a s i i r k a Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habbane iyo xubno ka mid ah Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Muumin Seed. Weftigan ayaa noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa ee gurmad ahaan ugu baxa Gobolka Togdheer

oo ay wakhtigan ka jirto Xaalad werwer oo ku saabsan Cudurka

Shuban biyoodka.

Awr Qof Ku Cunay …………..

Page 3: Tirsiga 1799 Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn ... · Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438Qiimaha: 2,000 Sh. Sl (H) Madaxweyne Siilaanyo

Vol: 8 Tirsiga 1799 – Salaasa, June 06, 2017— Ramadaan 11, 1438 (H) 3.

Nidaamka looga shaqaynayo: Ku buuxi lambarada 1—9 khaanadaha ka dhiman sanduuq kasta, kana ilaali in laba lambar oo isku mid aad geliso layn keliya oo gudub ama dherer ah, ama inta laynka madow ku wada jirta, waana inay marka aad isu geyso tirooyinka ku jira layn kasta (dherer ama gudub) ku soo baxdaa isku mid (45).

Hal-Xidhaale

Jawaabihii Hal-Xidhaalayaashii Hore

Hal-Xidhaale Weedheed [H] Hal-xidhaale weedheedkan oo taxane ugu soo baxa Wargeyska Saxafi waxaad jawaabaha oo aad kaga soo dul shaqaysay bogga Wargeyska ku soo hagaajin kartaa Xarunta Wargeyska Saxafi ee magaalada Hargeysa oo ku taal xaafadda Gol-jano, gaar ahaan ka soo horjeedka Hay’adda Progressio, waxaanu dhinaca cad-ceed dhaca ka kulaalayaa ama kaga beegan Fooqyada Maataha loo yaqaan ee Indha Deero, ka hor intaanay jawaabtiisu ku soo bixin cadadka dambe.

Jawaabta Hal-Xidhaalihii Cadadkii hore

Basaaskii Reer Masar Ee Badbaadiyay Israel

Buuggii ugu Xiisaha badnaa ee sanadkii ina dhaafay 2016 laga qoray Arrimaha sirdoonka adduunka

WQ: Prof. Uri Bar Joseph, waxa Af-Soomaali idiinku soo turjumay Bahda Wargeyska Saxafi – Q: 40aad

Cutubka 2aad London 1970: Xidhiidhkii Telefoonka

Goren waxa uu ku soo biirey wardoonka MOSSAD dagaalkaasi ka dib, isaga oo ka shaqeeya hawlaha shaqaalaysiinta wakiiladda. Kadib markii uu buuxiyay boosas dhawr ah oo hay’adda Mossad ah, waxa markii dambe loo magacaabay Goren inuu noqdo ku xigeenka sarkaalka Milateriga u qaabilsan safaaradda Israel ee Maraykanka sannadkii 1968-kii. Ka hor intii aanu xilka qaban, Ninka noqon doona Agaasimaha MOSSAD-na ee la odhan jiray Zvi Zamir, waxa uu ka codsaday Goren inuu ku soo biiro hay’adiisa Mossad, laakiin Goren wuu ka habsaamay codsigaasi. Sannad ka dib Zamir xagii Goren ayuu haddana soo jaleecay, waxaanu hadda u saamaxay mansab muhiim ah oo ah hawlgalada MOSSAD ee Qaaradda Yurub, taasi oo loola jeedo qaybta galbeedka Yurub. Safiirka Israel ee Maraykanka Yitzhak Rabin iyo taliyaha Sirdoonka Ciidanka Israel Aharon Yariv ayaa ku dhiirigeliyay inuu ogolaado, Goren-na wuu aqbalay inuu xilkaas qabto. Dabayaaqadii sannadkii 1970, Goren waxa uu ka kasbaday waayo aragnimo badan oo dhinaca hay’adaasi ah. Sidii ugu dhakhsaha badnayd ayey markii ay London yimaadeen labada sarkaal ee hay’adda wardoonka Israel waxay la kulmeen Eyal iyo ninkii hay’adda MOSSAD u qaabilsanaa Ingiriiska, waxaanay afartoodu ku heshiiyeen inay gaadhi u kaxaystaan ilaa madaarka Caalamiga ah ee London ee la yidhaahdo Heathrow Airport, halkaasi oo ninka Militariga Israel wardoonka u qaabilsan la qorsheeyey inuu warbixin ku siiyo isagoo ku sii socda Maraykanka. Intii gaadhiga la sii wada saarnaa ayuu Eyal soo hadal qaaday n qof Carab ahi telefoon ugu soo sheegay inuu doonayo inuu la shaqeeyo, balse diiday inuu Safaaradda London lugihiisa ku yimaado. Markii ay qofkaas magaciisa weydiiyeen, Eyal wuxuu u sheegay inuu ninkaasi iskugu yeedhay magaca Ashraf Marwan. Vardi, Goren, iyo ninkii haystay xafiiska MOSSAD ee London way is-eegeen, waayo magacaas si fiican ayay u garanayeen. Ashraf Marwan wuxuu ahaa nin indhowaalaba ay indhaha ku haysay hay’adda Sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Xafiiska London oo mar walba raadiya ilo cusub oo wareed oo xagga Carabta, waxay isha ku hayeen ilaa markii ugu horeysay ee uu London yimid Ashraf Marwaan oo ah ninkan uu soddoga u yahay Jamaal Cabdel-Naasir. Waxay ka warheleen inuu lacag beelay, xataa haddii aanay ogeyn tafaasiil intaasi dhaafsan. Waxa kale oo ay ogaayeen in lagu khasbay inuu ku laabto dalka Masar. Waxa kale oo ay ogaayeen inay lacagtu tahay wax ku kelifi kara inuu Ashraf Marwaan iibiyo sirta dalkiisa. U dhawaanshihiisa Jamaal Cabdel-Naasir (Madaxweynihii hore ee Masar) iyo sida uu u ogaan karo waxyaabo badan oo xafiiskiisa mara, Marwan waxay ka dhigeen inuu yahay il wareed qiimo leh. Laakiin hadda ka hor arrimahan dartood waxa adkayd in la rumaysan karo inuu abidkii doonay inuu la shaqeeyo MOSSAD. Arrinta Eyal hadda sheegay waxay noqotay mid gudubtay, waxaana gebi ahaanba isbedel sawirkii hore ee laga haystay. La soco qaybaha kale ……

Gudub 3. Asay 7. Mid ka mid ah gaadiidka nool ee la rarto 10. Guur Geeriyi keentay 11. Ceel-yare meel doox ah ku dhex yaala 12. Sal, Ama sagxad, Halka ugu hoosaysa ceelka 14. Hilib dab kali ah lagu dubay 15. Dhagax wax lagu ridqado

Hoos 1. Xadhig, eray loo adeegsado t i l m a a n t a shuruuxda 2. Hub lagu dagaalamo 4 . G e e d k a guntiisa, Inta hoose ee Xididka geedka xigta 5. Qurux 6. Libin 8. Waa mid ka mid ah weelka xoolaha lagu waraabiyo 9. Dhawaaq o n k o d k u sameeyo 1 1 . E r a y tilmaama gefka h a b d h a c a suugaanta 13. Eray macno ahaan la mid ah Jidhif

Page 4: Tirsiga 1799 Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn ... · Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438Qiimaha: 2,000 Sh. Sl (H) Madaxweyne Siilaanyo

Vol: 8 Tirsiga 1799 – Salaasa, June 06, 2017— Ramadaan 11, 1438 (H) 4.

Turjumayasha iyo Qorayaasha: C/fataax Xasan Aadan, Axmed Ismaaciil (Bucul) iyo Siciid Cumar Yuusuf Qaybtii 8aad

Soonka qofka socotada ah Abi Xamsa binu Cumar (RC) waxa uu yidhi:-Anigu waxa aan leeyahay quwada waxana ahay dhalin yaro ee ma sooma, waanay iiga fududahay in aan dib u dhigo oo dayn ugu noqoto Rasuulkii illaahayow miyaan sooma mise waan iska daaya mid kee ayaa ii ajar badan, Nabigu (CSW) waxa uu ku yidhi Xamsow kolba midii aad doonto yeel” Qofka uu ku cuslaado soonku isagoo Safar ku jira sida ku sugan xadiisyakii rasuulka (CSW) in uu wax iska cuni karo ayaa banaan, badh ayaa soomay igagoo ay ku adagtahay Nabigu (CSW) waxa uu ku tilaamay (Kuwaasi waa caasiyiin kuwaasi waa caasiyiin) waxa kaloo laga soo wariyay Jaabir in uu Nabigu (CSW) soo maray nin dibnuhu aad u engageen dhibaatona ay ka muuqato wuxuuna yidhi: -(Ninkani wuxuu ahaa? waxa lagu yidhi waa nin saayim ah Nabigu waxa uu yidhi wanaagu maaha in qofku isagoo safar ku jira soomo) Marka ay ku sugnaato in aad soonto iyo in aad soon la’aato waxa khayr badan soonka fadligiisa iyo iyadoo laga faa’iidaysanayo wakhtigaa sharafta leh waayo soonka Nabigu (CSW) waxa uu dadka ku dhiira gelinayay in ay sooman sida ugu dhakhsaha badan iyagoo iska ilaalinaya in ay beri ka noqdaan ku xidhnaasha rasuulka (CSW) ama ku dayashada, Nabigu Safara badhkood wuu soon la’aa waxana sidaa isku raacay imaam axmed iyo jamaco kale oo ah ehlu cilmi, musaafurku isagoo aan soomi ayaa ugu fadli badan hadii aanu soomin waxa uu ahayta ogalaasho dhinaca illaahay ah oo loo ogal yahay in uu iska cuno .

Soonka Qofka Buka Qofka buka ee ay u soo gasho bisha ramadaan isagoo bukaan ah waa in uu laba mid ahaan yahay 1.in uu yahay mid la rajaynayo in uu bogsado kaasi hadii uu ka baqo soonka in uu ku siyaadiyo bukaanka ama ku dheeraato muddada xanuunku way u banaantahay in uu iska cuno sida ay culimadu ay isku raacday, waxa laga soo weriyay Iimaam Axmed in uu Nebigu (CSW) yidhi:- ( Illaahay wuu jecel yahay inuu ruqsad siiyo si uu karho in ay Xumaan timaado) waxa soonka badh loo karaahiyaystay dhibaatada faraha badan waayo waxa uu ka baxay ogalaanshihii uu ka haystay dhinaca illaahay ee ahaa in uu soon la’aado, naftiisana waxa uu u geystay dhibaato una qaadi karin. Hadii ay rumowdo in soonku dhibaato keenayo waa waajib in la soon la’aado waana xaaraan in la soomo illaahayna waxa uu yidhi “Ha dilina nafihiina illaahay waa mid idiin naxariisanaye” [al nisaa’a-29] saxeexana waxa ku sugan in uu Nebigu yidhi (CSW) (Naftaadu xaq ayay kugu leedahay) kaas oo ah in aanad dhibaato u gaysan naftaada oo haysata ogolaansho, qof soon la’aada cudur dartii laakiin rajaynaya in uu ka bogsado maalmo ka dib ayuu soomayaa kafaaro gudna waa lagu leeyahay. 2. Waa qofka uu hayo xanuun aan rajo laga qabin in uu ka bogsado sida kansarka iyo macaanka iyo xanuunada la midka ah illaahay ayaanu ka magan galaynaa sharka xanuunadee, marka uu yahay mid soonku ku culus yahay soon kumuu waajibin waayo ma karayo illaahayna waxa uu yidhi koreeye “Illaahay nafna kuma kalifo waxay qaadayso mooyaane”[albaqra-226] laakiin waxa uu quudinayaa miskiin maalin kasta mana qalaynayo waayo maba gaadhayo ayaamo danbe oo uu sii noolaado kuna qaleeyo illaahay waxa uu yidhi koreeye “Kuwa cidhiidhiga ku galaya waa in ay miskiin cuno siiyaan” ibnu cabaas waxa uu yidhi (RC) aayadan lama nasikhin laakiin waxa ay sheegaysaa qofka wayn ee soonka aan karayn, waxa soo weriyay bukhaari, qofka buka ee aan la rajaynayn in uu bogsado wuxuu xukunkiisu la mid yahay qofka wayn ee da’da ah waxa sidaa isku raacsan mad-habaha badankooga, ibnu Qiyam waxa uu yidhi (Fidyo la bixiyaa socon mayso marka laga quusto qalaynta mooyaane).

Soonka Qofka wayn (Gaboobay) Qofka weyn ee aan karayn soonka ama aan karayn maalin kasta in uu soomo gabowgiisa iyo diciifnimada naftiisa darteed isagoo caqligiisa iyo garashadiisu dhamaystiran tahay laakiin ay ku adagtahay in uu soomo, arinkiisa waxa ka hadlay Ibnu Cabaas iyo kuwa kale oo asxaabta ka mid ah (RC) waxay yidhaadeen (Wuu soon la’aanayaa Maalin kasta miskiin ayuu wax siinayaa mana qalaynayo cuntada uu bixinayo ayaa u taagan halkii soonka waana raxmad iyo fudaydin illaahay ugu tala galay) Ibnu Cabaas waxa uu yidhi:- (RC) isagoo ka hadlaaya aayadan “Kuwa cidhiidhiga ku galaya waa in ay miskiin cuno siiyaan” aayadu waxay ay ku soo degtay odey wayn iyo islaan wayn oo mid koodna karayn soonka waa in ay iska soon la’aadaan oo miskiina ay quudiyaan maalin kasta halkay ka soomi lahaayeen mana qalaynayaan, waxa ay sidaasi ku sugan tahay saxeexa Bukhaari iyo Muslim. Anis Binu Maalik (RC) markii uu waynaday ee uu daciifay soonkiina kari waayay wuu iska daayay soonkii waxana uu quudiyay 30 miskiin. Qofka waynaaday ee garashadiisiina ka luntay ee ku sugan garasha la’aanta (Asaasaq) soona kumuu waajibin miskiin uu quudiyana kumuu waajibin, waxa laga daayay waajibkii saarnaa garashadiisa luntay darteed, waxaanu la mid yahay sebbi aan aqliyaysan waajibintuna waxa ay ku xidhan tahay qofku in uu caqli lahaado marka uu qaato waxa la siiyay wuu ka reeban yahay wixii ku waajib ah. Qofka marka ay garashadiisu u dhantahay ee si badheedh ah isku yeel yeelaya soonku waa ku waajib ama in uu miskiin wax siiyo inta ka sokoysa is yeel yeelidiisa salaadduna waa la mid. La soco cadadka dambe haddii Alle idmo

Ku soo dhawaw shirkadda dhismaha iyo sameynta nashqadaha Ee ASAD Waxa ay shirkaddu ogeysiineysaa macaamiisheda iyo dhamaan bulsho weynta Somaliland in shirkaddu kuu dhisayso guryo cusub oo tayyo leh oo laguugu sameynayo nashqadihii ugu dambeeyey, haddaba adeegyada shirkaddu fuliso waa sidan:

Figure 1. cabirka ( 18m*12m) 3 Bedrooms , Living And Dining, Bath , Wc , Service : 1 Bedrooms ,

Kitchen , And Store, local tiles.

Figure 2 . cabirka ( 24m*18m) 5 Bedrooms, Living

& Dining, Bath, Wc, service: 2 bedrooms, 1 kitchen & Store, parking & garden. front stone, local tiles.

Figure 3. cabirka. ( 12m* 12m). 3Bedrooms , Living And Dining , Bath , Wc, 1 Kitchen , Wc , And Store,

local tiles,

Figure 4 cabirka ( 24m*18m) 5 Bedrooms , Living

And Dining , Bath , Wc, service: 1 bedroom 1 Kitchen , Wc , And Store, local tiles, parking.

garden, front stone.

Figure 5 cabirka ( 24m*18m) 5 Bedrooms , Living

And Dining , Bath , Wc, service: 1 bedroom 1 Kitchen , Wc , And Store, local tiles, parking.

garden, front stone.

Figure 6 cabirka (24m*18m) 5 Bedrooms , Living And Dining , Bath , Wc , Store, Service : 2

Bedrooms , Kitchen , And Store

Adeega-yada shirkadu bixiso 1. Nash-qadeynta Noocyada Kala duwan ee

Dhismayaasha. 2. Ka talobixinta, Qiimaynta iyo qandarraaska

mashaariicda dhismayaasha kala duwan 3. Dayactirka dhismayaasha, Dhisida &

Dayactirka dhismayaasha Dawladda

4. Dhisida & dayactirkooda, iskuulada, Cusbitaalada.

5. Dhisida iyo dayactirka Garoomada, birriijya, waddooyinka

6. Dhisida guryaha, tiirarka leydhka, iwm

Nagala soo xidhiidh (Contact us): Telesom: + 252 2 524055, 573000 Mob: + 252 2 63 4465838, 4284650. Somtel: 065 9912644

Website: asadcon.com Email: [email protected]

Page 5: Tirsiga 1799 Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn ... · Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438Qiimaha: 2,000 Sh. Sl (H) Madaxweyne Siilaanyo

Vol: 8 Tirsiga 1799 – Salaasa, June 06, 2017— Ramadaan 11, 1438 (H) 5.

Faahfaahinta Xidhiidhka …………………….

ee dalka Masar ay sheegtay. Dhinaca kale Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna a r r i n t a a s i s a a m a y n a y s o dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay. Wakaalladdu waxay soo xigatay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga golleeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka. Dalka Isutagga imaaraadka

Carabta ayaa diplomaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada. Xi isada cusub ee kasoo cusbonaatay gobolka ayaa la sheegayaa in ay saameyn xooggan ku yeelan doonto dhaqaallaha dhamaan wadamadda Khaliijka. Bishii lasoo dhaafay Website-ka shabakadda Warbaahinta (Al Jazeera Media Network) ee fadhigeeda dhexe uu ku yaallo magaalladda Doha ee caasimadda dalka Qadar, ayaa laga

mamnuucay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka, sida Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta, sida dowladdaha ay sheegeen. Maamulka Telefishinka Al Jazeera, ayaa sheegay in ay baadhayaan sababtii looga mamnuucay dalalkaasi. Afhayeenka hay’adda sharci dejinta isgaadhsiinta dalkaasi, ayaa sheegay in ay ka warqabaan sababta looga joojiyay Al jazeera dalkaasi ayna baadhitaano wadaan. Hay’adda ayaa la filayaa in ay war-saxaafadeed buuxa ay soo saarto marka ay baadhitaanka uu u dhamaado. Afhayeenka Al Jazeera ayaa sheegay in ay ka war heleen war sheegaya in digital platforms-kooda laga mamnuucay dalalka gobolka. Dhinaca kale qaar kamid ah warbaahinta dalalka Khaliijka ayaa sheegaya in Al Jazeera ay baahisay warar aan xaqiiq laheyn oo ka fog dhex-dhexaadnimada. Telefishinka Aljazeera waxa la asaasay sannadkii 1996-dii, waana Warbaahinta Telefishin ee ugu horreysay ee Dunida Carabta ee laga baahiyo Waraarka iyo Doodaha Tooska ah.

Eedaysanayaal Loo Haysto Dilka Wasiirkii Ugu Da’da Yaraa Ee Somalia Oo Maxkamad La Hor Keenay

Sadaqada iyo soonka Haddii sadaqo aynu bixinnay cimrigii inoogu dheeraanayo tallow aakhiro marka la joogo na sidee baynu ku noqon doona bixinta sadaqada?. Xadiiska qiimaha badan ee ka warrama maalinta aan hadh jirin ee la taagan yahay bannaanka qiyaamaha ayaaba Rasuulku CSW ka soo reebay dadkaa badan ee bacadka taagan dad toddoba astaamood laga helay in aanay iyagu ku jirin kuwaa bacadka taagan, se ay helayaan hadh Alle SWT ugu talo galay. Haddaba toddobadaa waxa ka mid ahaa sida xadiisku sheegay qof gacantiisa midig waxay bixisay aanay ogaan gacantiisa bidix. Sida macquulka ah marka qofku wax bixinayo labadiisa gacmood ayaa isku kaashada bixinta, sida lacag la tirinayo si loo bixiyo amase alaab la dhibayo, ee ka warran gacantii ugu dhawayd ba haddii aanay ogayn waxay bixisay saaxibadeed. Murti Soomaaliyeed baa ahayd, “Midigtuba micin ma leh, hadday bidixdu maqan tahay.” Waxa aad arkaysaa in labadii mataanaha ahaa sidaa ku kala tageen, waxa aad arkaysaa in aan dhayal lagu helayn galladaha Alle SWT, se shaqo dheeraad ah lagaaga baahan yahay, markaa waa halka aad is dhigto qof wallow ba. Soonka dhexdiisa inaad wax sadaqaysato waa mid la dhiri galiyey oo dadku wax wada qabaan, Rasuulka CSW waxa ka sugan inuu yidhi, “Qofka, qof sooman afuriya wuxu leeyahay ajarka qofka sooman.” Culimadu marka ay sharraxayaan xadiiskaa waxa ay yidhaahdaan; laga qaadi maayo kan la afuriyey ajarkiisi ee ajarkiisa oo kale ayaa isna la siinaya. In aad ka war hayso jaarkaaga jilicsan waa mid loo baahan yahay, oo dambi ba waxa kugu filan in adoo dharagsan jaarkaagina kugu ag bakhtiyayaan. Waana mid maanta dhacda in aad arkayso xaafad dhan oo haddana asturan inaan dabba loo shidin, taaso keentay inay ka dhawrsadeen inay dadka wax waydiistaan, Alle SWT isagoo wax walba inooga xogogaal badan, waxa uu inoo bidhaamiyey ka war haynteeda, “Ka wax ma garatada ahi wuxu u malaynaya dad xoolo leh is dhawrsanaantooda awgeed, waxaad se ku garan kartaa tilmaamahooda, dadkana wax ma waydiiyaan.” Kuwaa ayaa ah in la ogaado oo laga war hayo, si Alle koreeye inoogu naxariisto. Inta badan maanta waxa ina wareeriyey dad ay shaqo u tahay oo aan gaajo na soo saarin se soo shaqo tagay. Kuwaas oo masaajiddii lagaga tukan laayahay, halka kuwii ay ahayd in laga war hayo ee jaar iyo ehel ba lahaa la dayacay.

Fadliga cibaadada habeenkii Ramadaan waa bil cibaaddo, wax kasta oo san oo la sameeyo bishaa abaal gudkeedu waa mid la labban laabo, dheeraadka bishu wadato awgeed. Sidoo kale waa bil khayr leh oo wixi xumaan wada albaabada loo laabo. Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday inuu yidhi, “Markay Ramadaan soo gasho; albaabada jannada waa la wada furaa, kuwa naartana waa la xidhaa, shadaadiintana waa la silsiladeeya.” Markaa bishu waa bil sarreedo, oo bilaha kale ka tilmaaman. Sidaa darteed bishan waxa lagu maamusaa in lala yimaaddo cibaaddo ka badan cibaadoyinka lala yimaaddo bilaha kale. Cibaaddooyinkaa waxa ka mid ah in la istaago habeennimada Ramadaan, oo loo kaco in la oogo salaadaha la yidhaa Taraawiix iyo Tahajud oo labaduba soo hoos gala Salaatul-laylka salaadda loo yaqaan. Haddaba in habeennimada Ramadaan lagu cammiro salaadahaa waa mid Rasuulku CSW dhiri galiyey, “Qofka kaca habeenka Ramadaan, kaas oo la kaca iimaan iyo dambi dhaaf, waxa la dhaafaa dambigiisi hore iyo dambe ba.” Sida aad ku arkayso xadiiskaa waxa libintaa lagu gaadhayaa waa inaad u soo jeeddo habeenkii Alle dartii. Iska daa wax kalo Alle SWT isagoo ka hadlaya qofka iska hurda habeenkii iyo ka isaga xusaya ee u taagan ayuu yidhi, “Ka habeenkii u taagan xuska isagoo sujuudsan ama taagan, isagoo ka baqaya aakhiro, rajaynaya naxarista Rabbigii, ee miyey siman yihiin ka wax garanaya iyo ka aan waxba garanayn?.” Aayaddaasi si cad bay inoogu kala qeexday labada qof ee midna hurdo midna Allihii u taagan yahay in aanay isku abaal celin lahayn. Salaadaha habeennimada Ramadaan la tukado waxa markii ugu horreeyey sameeyey Rasuulka CSW sida ay Caa’iishaRc sheegtay Nabigaa ku tukaday masaajidka, dhowr saxaabadiisa ah baa la tukaday, habeenkii labaad buu haddana ku tukaday dadkii baana soo batay, ka dib habeenkii saddexaad markuu arkay in masaajidkii laga soo buxsamay ayuu u soo bixi waayey, markii waagi baryey wuxuu ku yidhi “Waxaan idinku soo bixi waayey, waxaan ka baqay in laydinku waajibiyo.” Xadiiskaa waxa aynu ka faa’iidaynaa in salaaddu sunne tahay, haddii Rasuulku CSW uu jogtayn lahaana ay innagu noqon lahayd waajib, Rasuulku CSW wuxu inoo ahaa mid danteena ka shaqeeya oo dhib inala jeclayn, waana sababtuu u soo bixi waayey habeenkaa. Xasuuso kolkii ninkii ku yidhi Rasuul Allow xajku sannad walba ma waajibbaa, ee uu ka aamusay. Markii dambe waa kii lahaa, “Haddaan haa odhan lahaa, waajib bay idinku noqon lahayd manaydaan karteen.” La soco cadadka dambe insha Allaah

Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 8aad

Muqdisho, Somalia, June, 06, 2017 (Saxafi) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dawladda Soomaaliya ayaa shalay la horkeenay Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid iyo Cismaan Salaad Barre oo loo heysto in ay ka danbeeyeen dilka Wasiirkii howlgaha guud iyo dib-u-dhiska Cabaas Siraaji oo 03, May ee sanadkan xili habeennimo ah lagu toogtay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Ragga shalay maxkamada ka hor muuqday ayaa ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee Hanti-dhowrkii guud ee Somalia Dr. Nuur Faarax oo markii danbe xilkiisa ku waayay dilka wasiirka oo lagu eedeeyay in ilaaladiisa ay ka danbeeyeen. Maxkamada ciidamada ayaa siddoo kale waxaa shalay la horkeenay

saraakiil ka tirsan ciidamada ilaallada madaxtooyada Somalia oo habeenkii dilku dhacayay shaqada ku jiray iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Laanta danbi baadhista, kuwaas oo wax laga weediinayay sida uu dilka u dhacay. Dood dheer iyo Su’aalo is weydiin kaddib ayaa garsoorka maxkamada ciidamada qalabka sida waxaa ay xeer ilaalinta ka dalbadeen in ay keenaan cadeymo dheeraad ah, sidoo kale qarreenada difaacayay eedeysanayaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagana codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo. Guddoomiyaha Maxkamadda darrajada 1-aad ee ciidamada gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in m ax k am a dd a x i d h an t a h ay ,

islamarkaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha shalay la hor keenay Maxkamadda ciidamada qalabka sida. Dilka wasiir Cabaas Siraaj ayaa dood adag ka dhax abuuray dowladda federaalka, kaddib markii gollaha wasiirada maalmo uun kaddib kulan deg deg ah oo ay yeesheen xilkii kaga qaadeen hanti-dhowrkii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo dhinaciisa ku gacan-seydhay xilka qaadista lagu sameeyay isaga oo ku sheegay in aan loo marin dariiqii sharciga ahaa, ballse wareegto ka soo baxday madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xoojiyay go’aankii gollaha wasiirada ee uu xilka ku waayay Hanti-dhowrka.

Page 6: Tirsiga 1799 Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn ... · Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438Qiimaha: 2,000 Sh. Sl (H) Madaxweyne Siilaanyo

Vol: 8 Tirsiga 1799 – Salaasa, June 06, 2017— Ramadaan 11, 1438 (H) 6.

Sawirka Maanta

Muuqaalka Diin aad u yar oo inta Hamburger-ka la cuno loo ekaysi-

iyay, la doonayay in kootarabaan ah looga saaro dalka Shiinaha oo la

qabtay, diinkan Hamburger-ka loo ekaysiiyay ayay shaqaalaha

kastamada dalka Shiinuhu ku guulaysteen inay qabtaan, ka dibna

ninkii qarsoodiga dalka Uga saarayayna la xidhay.

Masalooyinka Xiisaha Leh Diyaarintii: Faysal Maxamed Xasan

Dhismayaasha Shiinaha Ee Nashqadii Soo Jireenka Ahaa Ee Dunida Bedelay

Dalka Shiinaha oo dhaqaalihiisu wakhtiyadii ugu danbeeyay aad u korayay, xawaare aad u sareeyana ku socday, ayaa kor u kacaa dhaqaale iyo aqoonta sare ee uu ka gaadhay tignoolajigu u horseeday in mar walba khabiirada iyo aqoon yahanada dhismaha ee dalkaas dunida u soo bandhigaan waxyaabo ka yaabiya amaba sida dadka u kuur gala horumarka

dunidu ku tilmaameen qaar dunida uu dalkaasi kaga yaabiyo. Haddaba aqoon yahanada dhismaha ee dalkaas oo lagu yaqaano, hindisaha dhismayaal noocoodu aanu dunida ka jirin, ayaa markii ugu horaysay ku talaabsaday dhismaha hudheel todoba iyo labaatan dabaq ah oo u samaysan sida Muuqaalka Taayirada ee Wareega ah ama marka daawaha iyo tayuubku ka maqan yihiin oo kale. Hudheelkan oo laga dhisay kaabiga harada Taihu ee magaalada Hoksaw oo ah degaan u dhow magaalada Shanghai, waxa marka laga tago dhismihiisa

uu qaabkiisa iyo qaybihiisa guduhu u samaysan yihiin sida hudheelada raaxada ee ugu horeeya dunida, waxaana loo dhameeyay wax kasta oo macaamiishu u baahan tahay. Dhismaha Hudheelkani waxa uu ka kooban yahay, todoba iyo labaatan dabaq, halka qolalkiisuna ka yihiin, 321-qol, waxa kale oo uu leeyahay, 44-Guryaha Fiilooyinka ah Iyo 33-qaybaha dadka Madaxda

sare sare loogu tala galay, ee afka qalaad loogu yeedho, Suites, waxa kale oo uu hudheelkani leeyahay qaybo ciyaaraha iyo mijo baxsiga martida aan doonayn in ay dibada u baxaan ku jimicsan karaan. Hudheelkan ayaa u gacmo haadinaya dadka ganacsatada ah iyo dadka madaxda sar sare ee dunida, waxaanay injineerada dhisay, sheegeen in hudheelkani raaxada oo kaliya aanu ku ekayn ee uu leeyahay, qaybo ammaanka Madaxda loogu tala galay, kuwaas oo gaashaan uga noqon kara qaraxyada iyo gubashada ama haddii dab ka kaco hudheelka laftiisa.

George W Bush Oo Tabaruc U Raadinaya 5-Jir Kansar Ku

Dhacay Oo Askari La Shaqayn Jiray Dhalay

Dhacdo tuugo tii ugu layaabka badnayd ayaa todobaadkii hore ka dhacday dalka Maraykanka, gaar ahaan magaalada New York ee xarunta ganacsiga u ah dalkaas, waxaanay dhacdadaasi ahayd, nin tuug hubaysan ah oo weerar ku qaaday shan bangi oo ka mid ah bangiyada kala duwan ee magaaladaas ku yaala. Ninkan oo muddo sadex saacadood gudahood ah weerarkaas fuliyay, bangi kastana galayay isaga oo wajiga soo duubtay oo ku hubaysan qori nooca daran dooriga u dhaca ah, waxa uu natiijadii dhacay afar boqol iyo konton dollar lacag aan ka badnayn sida boolisku u sheegay wargeyska New York

Times oo isagu baahiyay dhacdadan. Tuugan oo aanay ilaa wali boolisku baahin magaciisa, daba gal lagu hayo awgeed, waxa ay ku qiyaaseen da’diisu inay ilaa sadex iyo sodon jir ahayd, waxaanu isagoo wajiga duuban u hanjabay shaqaalaha bangiyadii kala duwanaa ee uu dhacooda isku dayay, waxaanu hawl wadeenada farta ugu fiiqayay, qoraal uu laabtiisa ku soo dhejistay oo uu ku soo qoray, wixii lacag aad haysaan deg deg miiska u saar. Laaki in hanaanka difaaca bangiyada ayay shaqaaluhu isku gadaameen ka dibna waxa uu sadex ka mid ah ka huleelay isagoo aan hal dollar ka helin,

halka Baniga Washington Capital uu isaga konton dollar ka helay, waxa kale oo uu 399-Dollar ka helay bangiga Columbus, laakiin bangiyada City ban iyo Halts Ban Iyo Capital ayaanu midna hal dollar ka helin ciilna kala huleelay. Booliska ayaa dadwaynaha ka codsaday inay ka caawiyaan q a b a s h a d a n i n k a a s o o muuqaalada kamaradaha gaadhku ka qabteen muujinayaan, nin dhalinyaro ah oo wajiga soo duubtay wax hadal ahna aan laga maqal balse ruxaya oo ku hanjabaya qori uu sitay, kaas oo aan ilaa wali la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay, ayna ugu yeedheen boolisku tuugi ugu nasiibka xumaa.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George H W Bush-kii waynaa ee sanadihii 1989 ilaa 1993-kii Madaxweynaha ka ahaa dalkaas, ayaa timihiisa xiiray, si uu taageero macnawiyan ah ugu fidiyo ilme uu dhalay askari ka mid ahaa ilaaladiisi gaar ahayd oo xanuunka Kansarku ku dhacay. Sida uu wakaalada wararka Faransiiska (AFP), u sheegay a f h a y e e n u h a d l a y Madaxweynahaa hore ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo,

Jim McGrath, Oday Bush oo 89-jir ah, ayaa dadka Maraykanka ku dhiiri galiyay in ay garab istaagaan wiil yar oo uu dhalay askari gaadhkiisa ka mid ahaa, isla markaana la soo shaqeeyay madaxweynayaal Maraykan ah. Wiilkan yar oo lagu magacaabo, Patrick ahna laba jir ayaa cudurka Kansarka ee ku dhacay, oo ah nooca dhiiga ku dhacaa, uu sababay in timuhu ka daataan, waxaanu Bush timaha u xiirtay si uu taageero ugu fidiyo wiilkaas yar indhaha iyo rayul caamka dadka Maraykanka ah ugu soo jeediyo in

ilmahaas yar iyo carruur tiro badan oo dhibaataysan la caawiyo. Sida afhayeenkaa u hadlay Madaxweyne Bush-kii waynaa, Bush iyo xaaskiisa ayaa sidoo kale wiilkan yar ugu deeqay inay ku taakulyeeyaan dakhligooda gaarka, iyaga oo ku daray liiska carruurta masuuliyadu ka saran tahay, jimciyadooda taageerta dadka dhibaataysan, oo ah urur s a m a f a l e e d l a g u sh a r f o Madaxweynayaasha dalkaas xukunka u soo qabtay.

Layaabka Adduunka: Tuugi Nasiibka Xumaa

Page 7: Tirsiga 1799 Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn ... · Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438Qiimaha: 2,000 Sh. Sl (H) Madaxweyne Siilaanyo

Vol: 8 Tirsiga 1799 – Salaasa, June 06, 2017— Ramadaan 11, 1438 (H) 7.

Kooxda Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay fuliso dalabka wakiilka Ivan Perisic kaas oo dalbadanaya in xidiga uu wakiilka ka yahay uu ka baxo kooxiisa Inter Milan. Ivan Perisic a y a a s i w a y n l o o l a xidhiidhinayaa Manchester United waxayna hadda u muuqataa in Inter ay go’aan ku gaadhay in ay iska fasaxdo Ivan Perisic. Dhinaca kale wararka laga helayo warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in Inter Milan ay badalka Ivan Perisic ka dhiganayso xidiga kooxda Fiorent ina ee Federico Bernardeschi. Nerazzurri ayaa iska iibin doonta xidiga ree Croatia ee Ivan Perisic kadib markii uu laba xili ciyaareed ku soo qaatay San Siro. Ivan Perisic ayaa la filayaa in uu ku biiri doono Manchester United wuxuuna wakiilka xidigani in badan ku soo celcelinayay in Inter Milan ay mushaarkiisa saree u qaado balse ugu danbayn wakiilka Perisic ee Tonci Martic ayaa

dalabkiisa in xidigani uu baxo loo ogolaan doonaa kadib markii mushaarka xidigan ay suurtogal noqon wayday in sarre loo qaadaa. Inter Milan ayaa la filayaa in ay dhawaan shaacin doonto in Luciano Spalletti uu yahay macalinka kooxdeeda wuxuuna doonayaa in 28 jirkan ree Croatia kooxdu ay iska iibiso. Inter Milan ayaan go’aan ay ku iibinayso Ivan Perisic laba sababood ku gaadhay oo kala ah in ay u hogaansanto sharciga dhaqaalaha wanaaga UEFA iyo cadhada ay kala kulantay wakiilka xidigan. Inter Milan ayaa u baahan in ay lacag ka samayso saxiixa Ivan Perisic si ay ugu maal galiso la soo wareegista xidiga kooxda Fiorent ina ee Federico Bernardeschi kaas oo lagu qiimaynayo 50 milyan oo euros. Man United ayaa wada xaajoodyo la soo qaaday Inter wuxuuna Mourinho doonayaa in uu xidigan kooxdiisa kus oo xoojiyo.

Geerida Allah Haw Naxariistee Cheick Tiote

A l l a h h a w n a x a r i i s t e e ciyaaryahankii xulka qaranka Ivory Coast ee Cheick Tiote ayaa u geeriyooday xanuun uu dhulka ula dhacay isagoo tababar ku samaynaya garoon ku yaalla waddanka China, kaas oo aan illaa hadda la shaacinin waxa uu ahaa. Sheekh Cheick Tiote oo ahaa Muslim aan marna qarinin caqiiqadiisa, ayaa waxa tacsi u dirtay dunida kubadda cagta, oo ay hoggaaminayaan xidhi idhka kubadda cagta Premier League iyo

naadigiisii hore ee Newcastle. Newcastle: Kooxdan oo uu mudddo lix sannadood iyo badh ah u ciyaarayay Tiote ka hor intii aanu ka tegin bishii February, ayaa waxay ku sifaysay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo ah ciyaaryahan wanaagsan. Premier League: Barta Twitterka ayaa uu xidhiidhka horyaalka Ingiriisku tacsi ugu diray ehellada iyo qaraabada uu ka baxay xiddigan sidoo kale ka baxay dunida muslimka ah.

Wareegyaddi ka socday qaar ka mid garoomadda cassimadda Somaliland ee Hargeysa oo sanad walba dhalinyaro isu soo ababulay isla markana wasaradda ciyaaraha ay la kashanayan ayaa naadigi ugu horayse oo ka hadha wareegyadda. Wareega ka socda garoonka dugsiga 26ka June ee xafadda Goljano ayaa kulankii maalinti shalay waxa fooda isdaray kooxaha Som-petroleum iyo Adhiile Store isla markana labada kooxod ay soo bandhigeen qaab-ciyaareed wanagsan, waxana labada kooxood waa Sompatroliam 1 VS 0 Adhiile Store goolka waxa u dhaliyey haafki Dambe ee ciyaarta Aamin Badeeco. Kooxda Adhiile oo laga badiyay labadii kulan ee ay yeesheen ayaa noqday kooxdii ugu hor hadha tartankan.

Som-Petroleum Oo 1 – 0 Kaga Badisay Adhiile Store Tartanka Kubada Cagta Bisha Ramadan

Ivan Perisic Oo La Filayo Inuu U Wareego Man Utd iyo

Wararki U Dambeeyay

Xasan Waraabe Cadde Oo Ka Hadlay Kormeerkii Guddoomiyaha KULMIYE

Ku Maray Garoomada Hargeysa

Khabiirka ciyaaraha kala duwan, ahna la taliyaha duqa caasimadda Hargeysa ee arrimaha ciyaaraha iyo garoomada Xasan Waraabe Cadde ayaa ku amaanay murashaxa ahna guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi kormeero uu ku tegay garoomada caasimadda Hargeysa oo ay ka socdaan tartamada bisha Ramadaan. Xasan Waraabe Cadde oo qoraal soo gaadhsiiyey shabakadda

ciyaaraha ee CADALOOL, ayaa waxa uu u dhignaa sidan “ A s a l a a m u c a l y k u m waraxmatulahi anigoo ah Xassan waraabacadde, waxaan mahadnaq iyo hambalyaba u gudbinayaa Murashaxa xisbbiga Kulmiye Mujaahid Muse Bixi Abdi m a s u u l i y i i n t a W a s a a r a d a Cayaaraha, Mayerka Caasimada kuxigiinka Mayarka, Barasaabka Gobolka Maroodijeex sida wacan ee aay uqiimeeyeen dhalinyarta

Caas imada Harge isa i yo Kormeerka aay sameeyeen. Waxaay astaan u tahay sida loo qiimaaynayo dhalinyarta manta dalka ku nool, waxana hubaal ah hadii sidaa aad ku wadaan in caasimaddu wada garoon noqon doonto mustaqbaalka inshaa alaah. Waxaanan rajeeynayaa in ilaahay idinla garab gali doono hawlaha qaranka ee aad haaysaan.”

Baafin Dacweysane Maxkamadda Degmada Boorama

Maxkamadda degmada Boorama waxay baafinaysaa dacweysane Yuusuf Axmed Sabban oo dhaxle ah kuna nool dalka Jarmalka inuu maxkamadda horteeda ku yimaaddo muddo laba bilood ah oo ka bilaabato maalinta laga baafiyo warbaahinta maxalliga ah sida ku cad qod 121 XHM. Dacweysanaha oo dacwad beereed u dhaxayso dhaxlayaasha ila Maxamed Axmed Sabban ayaa hadii uu ku iman waayo labadaa bilood maxkamaddu ka qaadi doontaa tallaabooyin sharciga ku habboon.

Muuse Cukaashe Rayaale Garsooraha Maxkamadda Degmada Boorama

Page 8: Tirsiga 1799 Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn ... · Vol: 8 ——— Tirsiga 1799 Salaasa, June 06, 2017 — Ramadaan 11, 1438Qiimaha: 2,000 Sh. Sl (H) Madaxweyne Siilaanyo

Vol: 8 Tirsiga 1799 – Salaasa, June 06, 2017— Ramadaan 11, 1438 (H) 8.

Nagala soo xidhiidh xarunta Saxafi ee Hargeysa; Tell: 4411077, 4410173, 4489033, 4413239/Email: [email protected] web: www.wargeyskasaxafi.wordpress.com

Tacriifadaha Liisamada Ganacsi Ee Adeegyada Cusub 2017 Muwaadin, wax ka baro tacriifadaha liisamada adeegyada ganacsi ee cusub oo dhan 54 nooc oo ah liisamada ganacsi ee adeegyada kala duwan, kuwaas oo ah kuwo dhaqan-gal ah, kana mid ah Tacriifadaha ku jira Odoroska Miisaaniyadda 2017, waxaanay si taxane ah ugu soo bixi doontaa halkan:

Jamhuuriyadda Somaliland Republic of Somaliland Wasaaradda Maaliyadda Ministry of Finance

Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ah PROFESSIONAL SERVICE LICENSE LOCAL

FOREING AND JOINT VENTURE

SOLE/PRICE PARTNERSHIP/PRICE SOLE/PRICE PARTNERSHIP/PRICE

FOOD/DRINK AND BEVERAGE SER-VICES

Bakery Services $ 150 $ 300 $ 1,000 $ 2,000 Catering Services $ 150 $ 300 $ 1,000 $ 2,000 Semi Classic Restaurant $ 150 $ 300 $ 1,000 $ 2,000 Semi Classic Hotel $ 150 $ 300 $ 1,000 $ 2,000 Guest House/Hotel Apartments $ 200 $ 400 $ 1,500 $ 3,000 Meat Services $ 150 $ 300 $ 1,000 $ 2,000 Seafood Services $ 150 $ 300 $ 1,000 $ 2,000

GAMING SERVICES

Gym $ 150 $ 300 $ 1,000 $ 2,000

Entertainment Services $ 150 $ 300 $ 1,000 $ 2,000 Turf Sport Fields $ 150 $ 300 $ 1,000 $ 2,000