56
PROBLEM Hage qoysaska loogu talagalay GAMBLING SOMALI

PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

  • Upload
    others

  • View
    0

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

PROBLEMHage qoysaska loogu talagalay

GAMBLING

SOMALI

Page 2: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Problem Gambling: HageQoysaska Loogu Talagalay

A Pan American Health Organization /

World Health Organization

Collaborating Centre

Affiliated with the University of Toronto

Page 3: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Problem Gambling: A Guide for Families

Problem Gambling Project staff

isbn 0-88868-472-X

Waxaa lagu daabacay Kanada

Copyright © 2004, 2005, 2006, 2008 Centre for Addiction and Mental Health,

Toronto ON

Iyadoo aan ogolaasho qoraal ah laga helin ciddii daabacday dib-looma-soo-saari

karo ama lama gudbin karo qeybo ka mid ah howshan qaabkey doonto ha noqoto

ama habkeey doonto elektaroonik ama makaanik ha noqotee, oo aay ku jirto

sawirid ama cajalad ku duubid ama hab kasta oo warka lagu keydiyo ama lagula

soo baxo – marka laga reebo soo xigasho gaaban (oo aan ka badneyn 200 oo eray)

oo dib-u-eegis ama howl qof mihinad leh qabanayo ah.

2844/03-2004, 03-2005, II-2006, 03-2008

Page 4: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Tusmo

Mahadnaq 5

Hordhac 7

1 Waa Maxay Khamaaridda? 9

2 Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh? 13

3 Saameynada Khamaarka 19

4 U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka 27

5 Gargaar Helidda 41

6 Halka Laga Helo Gargaar 47

3

Page 5: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%
Page 6: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Mahadnaq

Hagahan wuxuu ku dhisan yahay aqoonta iyo waayoaragni-mada shaqaalaha Mashruuca Khamaarka Dhibaatada leh eeCentre for Addiction and Mental Health (camh). Waxaansidoo kale fikrado ka helnay la-taliyayaasha iyo dadka kale eela shaqeeya dadka uu saameeyey khamaarka dhibaatada lehee Ontario oo dhan. Ugu dambeyn, waxaan u mahadnaqey-naa macaamiisha aqriyey nuqulka-hore ee qoraalka (manu-script) oo na siiyey taladooda qiimaha leh.

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay waxaa soosaaray shaqaalaha Agaasinka Waxbarashada iyo Daabacaaddaee camh.

5

Page 7: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%
Page 8: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Hordhac

Kan waa hage loogu talagalay dadka ka welwelsan in qof aayisku dhow yihiin uu leeyahay dhibaato khamaar. Haddii aadadiga naf ahaantaada dhibaato khamaar leedahay, fadlan eegbuugga-yar ee Problem Gambling: Arrimaha, Doorashooyinka.

Qof muhiim kuu ah ayaa laga yaabaa in uu u khamaaro si aadka welwelsan tahay. Khamaaridda xubin qoyska ah waxaykeeni kartaa dhibaatooyin lacageed iyo kuwo qoys. Waxaadhici karta in tan aay kaa careysiiso ama aad ku wareerto.

Qoysaska badankood ee aay soo wajahdo dhibaato khamaarwaxay rabaan in aay ogaadaan sida aay dib ugu soo ceshankaraan awoodda-xukunka naftooda. Waxaan rajeyneynaa inhagahan uu kaa caawiyo in aad: • trovare le risorse che hanno aiutato altre famiglie.• fahamto khamaarka dhibaatada leh• fahamto sida khamaarka uu u saameyn karo qoyskaaga• hesho habab aad nolosha qoyskaaga dib-u-habeyn ugusameyso• wax ka qabato arrimaha lacageed• ogaato sida la-talinta aay adiga iyo qoyskaaga idiin caawinikarto• hesho ilaha caawiyey qoysaska kale.

Waxaa dhici karta waqtigan xaadirka ah in aad dareemeysonoloshaada in aay faraha ka baxday. Waxaa dhici kartakhamaaridda in aay kuu keeneyso dhibaatooyin qoys iyolacageed oo xoog badan. Laakiin markaad hesho kaalmo,

7

Page 9: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

qoyskaaga wuxuu wax ka qaban karaa oo uu ka gudbi karaadhibaatooyinka uu khamaarka keenay. La-taliyayaal si gaar ahloo soo tababaray ayaa ka caawiyey kumanaan qof in aayjoojiyaan ama xukumaan khamaariddooda. Dadka lehdhibaatooyinka khamaarka weey ka fayoobaadaan,qoysaskoodana weey bogsoodaan. Qoyskaaga dadkaas ayuuka mid noqon karaa. Marka aad qaadatay hagahan, waxaadqaaday talaabada koowaad ee muhiimka ah.

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

8

Page 10: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

1Waa MaxayKhamaaridda?

Waad khamaareysaa mar walba oo aad ku nasiibsato in aadlacag ama alaab weydo ama lumiso, marka nasiibka uugo’aamiyo guuleysashada iyo khasaaridda.

Waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan oo loo khamaaro:• ciyaaraha kasiinada• bingo• keno•makiinadaha lagu guro lacagta• tikidhada baqtiyaa-nasiibka• tikidhada la xoqo, Nevada ama pull-tab• sharad turub, maajong ama dumno • sharad kale oo ciyaareed• sharadka ciyaaraha xirfadda ah sida golfka ama bilyaardiga• tombola iyo ciyaaraha la midka ah• khamaarka internetka• saadaalin aan cilmi ku dhisneyn ee seyladda maaliyadda(stocks)

9

Page 11: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

dhibaatooyinka khamaarka: tirooyinka

Ontario

• 2005-06, Ontario Lottery and Gambling (OLG) waxay sameysay

dakhli $2 bilyan ah marka laga saaro kharashyada gobolka ka dib.1

• 2005, dadka waaweyn waxay qiyaastii geliyeen $485 khamaar

dowladda la xiriira lacagta lagu guuleystayna weey ka yar tahay

taas marka loo barbardhigo $106 1992.2

• 2005, 3.4% dadka waaweyn ayaa lahaa dhibaato khamaar oo

dhexdhexaad ama xoog badan.3

• 2005ta, dhalinyarada waaweyn, ee da’doodu ahayd 18 ilaa 24,

ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka

dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3

• 2005ta, 63.3% dadka waaweyn waxay yiraahdeen ugu yaraan hal

mar ayeey khamaareen sannadkii la soo dhaafay.3

• Howlaha khamaarka ee ugu badan ee aay dadka waaweyn ku

howlanaayeen 2005ta waxay ahayd tikidhada baqtiyaanasiibka.3

• 2005ta, qiyaastii 4% ardayda dugsiyada sare waxay halis ugu

jireen dhibaato khamaar.4

Kanada

• 2005ta, toddobadii qof ee rag iyo dumar waaweyn ah ee kaligood

nool hal ayaa lacag geliyey kasiinooyinka, makiinadaha lacagta

lagu rido iyo fiidyowyada weliba ragga ayaa geliyey in ka badan 3

jeer lacagta dumarka geliyeen.2

• Markii khamaarka heliddiisa sii sahlanaataba, tirada dadka aay

saameyso dhibaatada khamaarka weey sii bataan .5.6

10

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 12: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

SOO XIGASHADA

1.Ontario Lottery and Gaming. (2006). Annual Report2005-2006. Available:www.olg.ca/assets/documents/annual report/annualreport 05-06.pdfwww.olg.ca/assets/documents/annual report/annualreport 05-06.pdfAccessed February 01, 2008.

2.Statistics Canada. (2007). Perspectives on labour andincome: Gambling. (Catalogue No. 75-001-XIE).Available: www.statcan.ca/english/freepub/75-001-XIE/comm/01.pdfwww.statcan.ca/english/freepub/75-001-XIE/comm/01.pdfAccessed February 01, 2008

3.Wiebe, J., Mun,P. & Kauffman, N. (2006). Gamblingand problem gambling in Ontario. Toronto, ON:Responsible Gambling Council. Available:www.gamblingresearch.org/download.sz/1043%20Final%20Report%20POSTED%20VERSION.pdf?docid=7670www.gamblingresearch.org/download.sz/1043%20Final%20Report%20POSTED%20VERSION.pdf?docid=7670Accessed February 01, 2008.

4.Centre for Addiction and Mental Health (2006). Themental health and wellbeing of Ontario students1991-2005 (CAMH Research Document Series No. 18).Available:www.camh.net/Research/Areas of research/PopulationLife Course Studies/OSDUS/OSDUS2005 mentaldetailed fnl.pdf Accessed February 5, 2008.

11

Waa Maxay Khamaaridda?

Page 13: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

5.Korn, D., Gibbins, R. & Azmier, J. (2003). Framingpublic policy towards a public health parafigm for gam-bling. Journal of Gambling Studies, 19(2), 235-256.

6.Jacques, C. & Ladouceur, R. (2006). A prospective studyof the impact of opening a casino on gambling behav-iours: 2 and 4 year follow ups. Canadian Journal ofPsychiatry, 51(12), 764-773.

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

12

Page 14: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

2Waa Maxay KhamaarkaDhibaatada Leh?

Khamaar dhibaato leh ma ahan oo kaliya in lacag lakhasaaro. Dhibaatooyinka khamaarka waxay saameyn kuyeelan karaan nolosha qofka oo dhan.

Khamaarka wuxuu dhibaato noqdaa marka uu:• kaa hor istaago shaqo, dugsi ama howlo kale• waxyeelo u geysto caafimaadkaaga jireed iyo maskaxeed• ku dhaawaco dhaqaale ahaan• sharaftaada khasaaro u geysto• qoyskaaga iyo saaxiibadaa uu dhibaato u keeno.

Heerarka kala duwan ee dhibaatooyinka khamaarka (eegsanduuqa hoose).

heerarka dhibaatooyinka khamaarkaDhibaatooyinka khamaarka waxay u dhaxeeyaan kuwo qafiif ah

ilaa kuwo xoog badan:

• Dadka khamaara badankood waxay u sameeyaan si fudud oo

raaxo loogu talagalay waxyeelo la’aan.

• Dadka sida dhabta ah u khamaara joogto ayeey u ciyaaraan,

laakiin khamaarka kama hormariyaan qoyska iyo shaqada.

• Dadka sida xad-dhaafka ah u khamaara badanaa dhibaato ayeey

kala kulmaan shaqadooda, ama qoyska iyo saaxiibada.

Khamaariddooda badanaa dhibaatooyin lacag ayeey keentaa.

• Dadka qaarkood, khamaarka si xoog leh ayuu dhibaato ugu

geystaa qeyb walba oo noloshooda ah.

13

Page 15: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Dadka sida xad-dhaafka ah u khamara oo dhan isku mid maaha, dhibaatooyinka aay la kulmaana sidoo kale isku mid maahan. Dadka leh dhibaatooyin khamaar waxaa laga heli karaadad da’, dakhli, dhaqan iyo shaqo walba leh. Dadka qaar isla-markiiba ayeey yeeshaan dhibaatooyin khamaar, kuwo kalenasannado badan ayeey ku qaadataa. Waxaa jira sababo farabadan oo keeni kara dhibaato khamaar. Tusaale, dadka qaarwaxay yeeshaan dhibaato markii aay isku dayaan in aay dib usoo ceshtaan lacag aay khasaareen, ama waxay ka helaan inaay “howsha ku dhex jiraan.” Kuwo kalena waxay leeyihiinculeysyo badan oo nolosha ah oo khamaarka uga dhiga nafissoo-dhoweeya.

Maxay Tahay Sababta Dadka Qaar Aay ULeeyihiin Dhibaatooyin Khamaar?Fursado lagu khamaaro ayaa meel walba ka jira. Khamaarkaaad ayuu caan u yahay, si weyna waa loo ogolyahay xoognawaa loo xayeysiiyaa. Tan macnaheedu wuxuu yahay dad badanayaa khamaaraya, waxayna u khamaaraan si joogto ah.Badankood ma oga khatarta khamaarka ama calaamadahadhibaatooyinka khamaarka. Sababtan darteed, dad badanayaa yeesha dhibaato khamaar iyagoo aan ogeyn waxa kudhacay.

Dad badan ayaa dhibaato la’aan u khamaara. Waxay u arkaankhamaarka madadaalo ama hab saaxiibada loola qaato waqti.In aay guuleystaan ayeey rajeeyaan, laakiin ma filaan in aayguuleystaan.

Dadka yeesha dhibaatooyinka khamaarka laga yaabee in aaysidan ku bilaabaan. Laakiin badanaa waxay leeyihiin sababokale oo aay u khamaaraan, oo aay ka mid tahay: • rajo guul weyn• isku dayid soo cesasho lacag ka luntay • ku reyn-reyn ka qeybgalidda arrimaha khatarta weyn leh • laablakac (qofka sameeya wax isagoo aan ka fikirin) • isku dayid in aay naftooda farxad-geliyaan

Dadka lehdhibaatooyin

khamaar waxaalaga heli karaadad da’, dakhli,

dhaqan iyoshaqo walba

leh.

14

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 16: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

• cidlo • ka baxsasho dhibaatooyinka nolosha • isaga qaadid xanuun jireed ama mid caadifadeed • walaac iyo diiqad (depression) la tacaalid.

Noocyada khamaarka weey kala dhibaatooyin badanaankaraan. Tusaale, makiinadaha lacagta lagu rido waxay dabinkaku soo gelin karaan dadka ku ciyaara qaabka joogtada ah eeloo ciyaaro, soo-noq-noqoshada ku guuleysiga waxyaabahayar-yar, fursadda ku guuleysashada wax ka sii waaweyn iyowaxa u eg sigitaan joogto ah. Laakiin, nooc walba oo khamaarah dhibaato ayuu noqon karaa.

Sheeyada Khatarta KeenaWaxaa jira sheeyo badan oo keena khatar dhibaato khamaar.Sheeyada khatarta keena waa waxyaabaha u keena dadka inaay yeeshaan dhibaatooyin khamaar. Qofka wuxuu ku jiraakhatar dheeraad ah haddii:• uu wax weyn ku guuleystay waqtiyadii uu bilaabaykhamaarka • uu leeyahay dhibaato lacageed • mar dhow khasaaro ama isbedel soo gaaray, sida dhibaatoxigto, furitaan, shaqo waayid, howlgab ama dhimasho qof uujecel yahay • uu u khamaarayo si uu ula tacaalo welwel caafimaad iyo/amaxanuun jireed • uu badanaa cidlo dareemayo • uu leeyahay hiwaayado ama waxyaabo uu daneeyo oo tiro yar,ama uu dareemayo in noloshiisa aaysan jaho lahayn • uu badanaa dareemayo xiiso-la’aan, uu khatar u bareero amaisagoo aan ka fikirin uu wax ku dhaqaaqo • uu isticmaalo khamaar, ama aalkolo ama daroogo kale, si uuula tacaalo dareemo ama dhacdooyin xun • uu badanaa dareemo walaac ama diiqad • la soo xumeeyey ama aay jug soo gaartay • uu leeyahay ama uu lahaa dhibaatooyin aalkolo ama daroogo,khamaar ama si dheeraad ah lacagta u isticmaalo

Waxaa jirasheeyo badanoo qofka ukeeni kara inuu yeeshodhibaatokhamaar.

15

Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh?

Page 17: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

• uu ka tirsan yahay qoys leh qof dhibaato aalkolo leh amadaroogo kale, khamaar ama lacag dheeraad ah in uuisticmaalo • uu u maleeyo in uu leeyahay hab khamaar oo kordhinayafursadda uu ku guuleysanayo.

Sheeyada liiskan ku jira ee qofka uu leeyahay marka aay siibataan, daryeelka uu qofka u baahan yahay si uu wax ugaqabto khamaarka wuu sii bataa.

Calaamadaha Sheegaya in Khamaarka uuDhibaato YahayMaadaama aad akhrineyso buuggan-yar, waxay u badan tahayin aad ka welwelsan tahay in khamaarka uu waxyeelo ugeysanayo qoyskaaga. Dareenadaada aamin. Qoysaskabadanaa weey og yihiin in aay wax khaldan yihiin – laakiinwaxa khaldan ayeeysan garaneyn. Dadka leh dhibaatokhamaar laga yaabee in aay qariyaan ama been ka sheegaanmarka aad weydiiso meesha aay jireen, ama lacagta halka aayka baxday. Arrintan ayaa adkeyneysa in dhibaatadakhamaarka la tilmaamo.

tilmaamaha lacageed• Lacag ayaa ka maqan guriga ama xisaabaha bangiga. • Xubin qoyskaaga ah ayaa qariya ama ka carooda wax lacag kusaabsan. Wuxuu qariyaa warqadaha bangiga iyo kaarkakareditka ee la soo diro. • Qofka wuxuu deyn ka qaataa kaararka kareditka, bangiga, ama qoyska iyo saaxiibo. • Biilalka waa raseysan yihiin, lacagaha lama bixiyo dadkii deynta bixiyeyna weey soo wacayaan. • RRSP-yada iyo qorshooyinka ceymiska ayaa la sariftay, amalacagihii lama bixin. • Waxyaabo qiimo leh ayaa la waayaa ama dib-loo-arkaa. • Xubin qoyskaaga ah ayaa shaqo dheeraad ah bilaaba, laakiinwax lacag dheeraad ah ma aragtid.

Dadkadhibaatada

khamaarka lehwaxaa dhicikarta in aay

qariyaan amabeen sheegaan

marka laweydiiyo halkaaay jireen amalacagta halkaaay ka baxday.

16

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 18: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

• Qofka mar walba lacag ayaa ka dhiman. • Khamaarka iyo deyn bixinta ayuu qofka lacagaha u kala wareejiyaa.

tilmaamaha caadifadeed Xubinta qoyskaaga:• oo ka go’a qoyska iyo saaxiibada • oo u eg in uu walaacsan yahay ama meel fog ku maqan yahay,ama aay ku adag tahay in uu soo jeediyo maskaxdiisa. • oo caadifad ahaan isbedela ama si dhaqso ah u carooda • oo mararka qaar wanaagsan (mararka qofka uu guuleysanayo) • oo ka cabanaya xiiso-la’aan ama deganaan-la’aan • oo diiqadeysan iyo/ama raba inuu is-dilo.

tilmaamaha waqtiga Xubinta qoyskaaga:• oo badanaa ka daaha shaqada ama dugsiga • oo maqan waqti dheer, muddo aan la sharixin.

isbedelada dabeecadahaXubinta qoyskaaga oo:• joojiya waxyaabo uu ku raaxeysan jiray • bedela dabeecadihii hurdada, cunto cunidda ama galmada • aan sameyn waxa uu yiraahdo wuu sameynayaa, ama cudur-daar sameysta • aan naftiisa daryeelin, ama iska indhatira shaqada, dugsigaama howlaha qoyska • badanaa isticmaala aalkolo ama daroogo kale • aan sidii ku habooneyd u daryeelin caruurta • ka maqnaada dhacdooyinka qoyska • mar walba ka fikira ama ka hadla khamaar • saaxiibada bedela (gaar ahaan dhowr-iyo-toban-jirada) • leh dhibaatooyin caafimaad ama culeys-maskaxeed (tusaale,madax-xanuun, dhibaatooyin caloosha iyo mindhicirada ah) • been ka sheega khamaarka • aan rabin in uu lacag geliyo wax aan ka ahayn khamaar• khiyaameeya ama xada lacag si uu ugu khamaaro ama deynugu bixiyo

17

Waa Maxay Khamaarka Dhibaatada Leh?

Page 19: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

• xurguf lacageed dadka kale kala dhaxeyso • leh dhibaato sharci oo khuseysa khamaar.

ComSida Gargaar Loo HeloHaddii aay kula tahay in saaxiib ama qof qoyskaaga ah uuleeyahay dhibaato khamaar, waxaad heli kartaa gargaar. Cutubka5 ayaa sida lagu helo kuu sheegi doona.

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

18

Page 20: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

3Saameynta Khamaarka

Maxaysan Isaga Joojin Karin?Dadka dhibaatada khamaarka leh badankood tartiib-tartiibayeey u lumiyaan xukunka inta waqti iyo lacag ee aaygeliyaan khamaarka. Waxay diiradda saaraan khamaarkawaxayna iloowaan waajibaadka kale iyo waxyeeladakhamaarkooda uu keenayo. Dadka qaar oo u khamaara si xaddhaaf ah khamaarkooda lama xiriiriyaan dhibaatooyinkanoloshooda. Qaar kalena hore ayey isugu dayeen in aayyareeyaan ama joojiyaan, laakiin weey ku fashilmeen. Haddamar walba oo aay isku dayaan in aay is-bedelaan waxaydareemaan caro-fudud ama xanaaq.

Dadka sida xad-dhaafka ah u khamaara badankood dareenisku dhaf ah oo khamaarka ku saabsan ayeey leeyihiin. Weeyog yihiin in aay dhibaato u geysanayaan dadka aay jecel yihiin.Laga yaabee in aay noqdaan kuwo walaacsan ama aanfaraxsaneyn, oo badanaa naftooda karha. Laakiin rabitaankaxoogga leh (urge) ee khamaarka waa wax aad u weyn oo aanla iska celin karin. Waxay dareemaan in aaysan ka hari karinwixii waqti, lacag iyo caadifad ee aay geliyeen khamaarka. Maqaadan karaan in aaysan weligood dib ugu guuleysan dooninlacagta aay khasaareen.

Dadka qaar kale ayaa balan-qaada in aay joojinayaan, laakiinaan awoodin. Waxay ka baqaan in dadka aay jecel yihiin aay

19

Page 21: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

og=aadaan. Tan ayaa ku sii fogeysa in aay dhuuntaan oodeynta gudaha u sii galaan. Waxay sii rajeeyaan in guushaweyn aay soo afjari doonto dhibaatooyinkooda. Talaabadakoowaad ee dadka leh dhibaatooyin khamaar waa in aay kadaba-haraan khasaarahooda iyo rajadooda guusha weyn. Kadib ayeey bilaabi karaan in aay dib u helaan xukunkakhamaarkooda iyo noloshooda.

Saameynta QoyskaWaxay u badan tahay in aad hore u ogeyd inta aay la eg tahaywaxyeelada khamaarka qoysaska u geysan karo. Qoysaskalaga yaabee in siyaabo kala duwan aay u saameyso.Dhibaatooyinka khamaarka waxaa la qarin karaa waqti dheer,qoysas badan ayeey naxdin ku noqotaa marka aay ogaadaaninta aay la eg tahay lacagta la khasaaray.

Qoysaska qaarkood kama kabsadaan dhibaatada khamaarka.Qoysas kalena halgan ayeey kaga gudbaan dhibka oo siwadajir ah ayeey ugu sii xoogeystaan. Dadka weey ka bogsoonkaraan weeyna ka bogsoodaan khamaarka dhibaatada leh,laakiin waqti iyo samir ayeey u baahan yihiin in arrimahan oodhan wax laga qabto.

Ha gaarin go’aano muhiim ah oo ku saabsan xiriirada aaddadka la leedahay adigoo culeys-maskaxeed ku saaran yahay.Qaado waqti aad kaga fikirto waxyaabaha, oo tixgelidareenada iyo baahida qoyska oo dhan. La-talin ayaa kaacaawini karta in aad sahmiso doorashooyinkaaga oo dhan ooaad go’aan ka gaarto waxa adiga iyo qoyskaaga idiin wadafiican. (eeg Cutubka 5)

sidee ayeey qoysaska u saameysaa?Dhibaatooyin Lacageed Dhibaatada ugu badan oo dadka ka wada dhaxeysa waakhasaaridda lacagta. Keyd, hanti ama alaab laga yaabee in isla

Dadka weey ka bogsoon

karaan weeynaka bogsoodaan

khamaarkadhibaatada leh,laakiin waqti

iyo samir ayeeyu baahan yihiinin arrimahanoo dhan waxlaga qabto.

20

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 22: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

markiiba la waayo. Dhibaatadan lacageed ee xoogga leh waxayqoyska u keentaa in aay dareemaan cabsi, xanaaq iyo in laqiyaamay.

Dhibaatooyinka Caadifadeed iyo Go’doonka

Dhibaatooyinka khamaarka waxay keenaan caadifado xoog

leh. xubnaha reerka laga yaabee in aay ceeb, xanuun, baqdin,

jahawareer iyo aaminaad-xumo dareemaan. Dareenadan

waxay sii adkeeyaan in la xaliyo dhibaatooyinka. Qofka

khamaara laga yaabee in uu xitaa dafiro in aay dhibaato jirto.

Go’doonka waa dhibaato kale:

• Lamaanayaal badan ma doonayaan in aay caadifad ahaan ama

jir ahaan u dhowaadaan qofkii xanuunka u geystay.

• Dad badan ee aay saameeyeen dhibaatooyinka khamaarka

weey iska dhowraan dadka kale, sababtoo ah waxay

dareemaan ceeb. Tan waxay sii adkeyneysaa in qofka helo

jaceyl iyo taageero.

• Deymaha aan la bixin awgood ayaa saaxiibtinimada ku

dhamaan kartaa.

Caafimaadka Jirka iyo Maskaxda

Culeyska-maskaxeed ee dhibaatooyinka khamaarka mararka

qaar wuxuu qofka khamaara iyo qoyska labadaba, u keenaa

dhibaatooyin caafimaad. Waxaa ka mid ahaan kara walaac,

diiqad iyo dhibaatooyin la xiriira culeyska maskaxda sida

hurdo xumo, nabaro caloosha ah, dhibaatooyin mindhicirada,

madax-xanuun iyo murqo xanuun.

Daal-xoogan

Qoysas badan oo culeys-maskaxeed heysto dhib wuxuu ka

heystaa la tacaaliddiisa. Xubin ka mid ah ayaa waxaa dhici

karta in uu isku dayo in uu wax isku toosiyo isagoo howlo

dheeraad ah qabanaya. Tan waxay keeni kartaa daal-xoogan.

Xubnaha qoyska badanaa waxay diiradda saaraan qofka

dhibaatada khamaarka leh, waxayna iloobaan in aay naftooda

daryeelaan ama madadaalo helaan.

Xubnaha qoyskabadanaa waxaydiiradda saaraanqofkadhibaatadakhamaarka leh,waxaynailoobaan in aaynaftoodadaryeelaan amamadadaalohelaan.

21

Saameynada Khamaarka

Page 23: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Saameynta Caruurta Aay ku Leedahay

Marka waalidka ama xanaano-bixiyaha uu leeyahay dhibaato

khamaar, caruurta waxay dareemi karaan in la ilooway, diiqad

iyo xanaaq. Laga yaabee in aay rumeystaan in aay iyaga

dhibaatada keeneen, oo haddii aay “fiicnaadaan,” dhibaatada

istaagi doonto. Caruurta qaar waxay daryeelaan walaalahood

ka yar iyaga, ama waxay isku dayaan in aay taageeraan

waalidkood. Mas’uuliyaddan caruurta waxay u keentaa culeys-

maskaxeed.

Caruurta waxaa dhici karta in aay rumeystaan in aay ku

khasban yihiin in aay waalidiintooda hal dhinac la jiraan.

Laga yaabee in aay aamini waayaan waalidka balan qaada wax

ee ka soo bixi waaya. Laga yaabee in aay wax ka xadaan

waalidka ama dugsiga aay dadka iska horyimaadaan.

Caruurta qaar waxaa dhici karta in aay isku dayaan in aay

waalidka dhibaatada khamaarka leh ka sii jeestaan, iyagoo:

• isticmaala aalkolo ama daroogo kale

• khamaara

• sharciga jabiya.

Waa muhiim in caruurta aay fahmaan dhibaatooyinka qoyska

in aaysan khaladkooda ahayn. Caruurta waxay u baahan

yihiin in aay ku noqdaan nolol aqal amaan ah oo dheelitiran

iyo caruurnimo caadi ah. la-talin qoys ama shaqsi ayaa

caruurta ka caawini karta in aay isbedeladan wax ka qabtaan

(eeg Cutubka 5).

Xadgudub Jireed iyo Caadifadeed

Rabshadaha qoyska waxay caadi ahaan dhacaan marka reerka

uu ku jiro dhib xoog leh. dhibaatooyinka khamaarka waxay

keeni karaan xadgudub jireed ama mid caadifadeed oo lagula

kaco lamaanaha, waalid waayeel ah ama ilmo. Caruurta laga

yaabee in aay la xanuunsadaan caro ku noqotay. Haddii waxan

aay ka dhacayaan qoyskaaga, isla markiiba kaalmo raadso

(eeg Cutubka 6).

22

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 24: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Walaaca iyo Diiqadda Culeys-maskaxeed, walaaca iyo diiqadda weey ku badan yihiin

dadka leh dhibaatooyinka khamaarka iyo qoysaskooda

labadaba. Tan waxay sii dhib badneyn kartaa hurddada,

fikirka iyo xalinta dhibaatooyinka.

Haddii aad leedahay calaamadaha soo socda qaar ka mid ah

wax ka badan laba toddobaad, oo nolol maalmeedkaaga aay ka

dhigayaan wax dhib badan, waxaa laga yaabaa in aad leedahay

diiqad xoog badan:

• Waxaa kaa lumay daneyntii howlaha caadiga ah.

• Waxaa dareemeysaa in aad diiqadeysan tahay, niyad jabsan

tahay ama caro-fududahay.

• Hurddadaada weey is bedeshay (tusaale, waxaad dhibaato ka

qabtaa in aad gama’did ama aad sii hurudid, ama wax aad u

badan ayaad huruddaa).

• Niyadda aad cuntada u heyso weey is bedeshay. Culeys ayaa

kaa dhacay ama ku fuulay.

• Waxaad dareemeysaa kaalmo la’aan, rajo la’aan ama niyad-

jab.

• Weey adag tahay in aad fikirto oo aad xusuusato sheeyada,

fikradahaadana waxay u eg yihiin kuwo sii gaabinaya.

• Waxaad ku noqnoqotaa dareen ah in aad godobta adiga

leedahay. Ma joojin kartid in aad ka fikirto dhibaatooyinka.

• Waxaa kaa lumay daneyntii galmada.

• Waxaad dareentaa in jir ahaan aad daalan tahay, gaabiso oo

aad culus tahay; ama waxaad dareemeysaa deganaan la’aan

iyo caro-la-soo-boodid.

• Waxaad dareentaa xanaaq.

• Waxaad ka fikirtaa in aad is-disho.

Haddii aad leedahay dhibaatooyinkan wax ka mid ah, la hadal

dhaqtarkaaga qoyska ama qof kale oo mihinad u leh daryeel

caafimaad. Sidoo kale u sheeg dhibaatada khamaarka.

Daaweynta laga yaabee in aay ka mid noqoto daawooyin

iyo/ama la-talin iyo taageero kale.

23

Culeyska-maskaxeed,walaaca iyodiiqadda weeyku badan yihiindadka lehdhibaatooyinkakhamaarka iyoqoysaskoodalabadaba.

Saameynada Khamaarka

Page 25: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Khatar Is-dilid

Tirada isdilidda dadka sida xad dhaafka ah u khamaara iyo

xubnaha qoysaskooda weey ka sareysaa dadka kale. Dadka eey

u badan tahay in aay isku dayaan in aay is-dilaan waa kuwa

sidoo kale leh dhibaato caafimaadka maskaxda ah (sida diiqad)

ama isticmaala aalkolo ama daroogo kale. Dadka hore ugu

hanjabay is-dilid ama dhaawacay naftooda mar hore ayaa sidoo

kale khatar dheeraad ah ku jira.

Haddii aad dareemeyso in aad is disho ama aad sameysaneyo

qorshooyin aad naftaada ugu dhameyneyso, isla markiiba

kaalmo raadso. Ma aha in aad adiga kaligaa dhibaatooyinkaaga

wax ka qabato.

waxa la sameeyo haddii aad dareemeysoin aad is-disho Haddii aad ku fekereyso in aad noloshaada soo gabagabeyso:

• Tag waaxdaada xaaladaha deg-degga ah isla markiiba.

• Ka qaad meesha wixii aad isku dili karto oo dhan (tusaale,

bastoolado, daawooyin).

• La socodsii qoyskaaga iyo saaxiibadaa sida aad dareemeyso.

• Wac Xarunta Dadka Tabaaleysan wixii kaalmo iyo warar ah (eeg

bogga 49).

• La socodsii dhakhtarkaaga waxa jira, oo aay ku jirto

khamaarkaaga.

• Ha cabin aalkolo ama ha qaadan daroogo kale – arrimaha weey

sii xumeynayaan.

• La xiriir Khadka-kaalmada Khamaarka Dhibaatada Leh ee

Ontario (1 888 230-3505) ooqabanqaabso in aad aragto la-taliye

sida ugu dhaqsaha badan ee suuragalka ah (eeg bogga 47).

Caadi ahaan maalmo gudahood ayaa lagu arki doonaa.

• La hadal qof aad aaminsan tahay, sida saaxiib ama la taliye ruuxi ah.

24

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 26: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

waxa la sameeyo haddii xubin qoyska ahuu yahay qof is dili raba Xubin qoyska ah laga yaabee in uu leeyahay fikrado is-dilid ahhaddii uu: • bedelo dabeecadda, muuqaalka ama dareenka niyadda • u egyahay qof diiqadeysan, murugeysan ama dadka-ka-dhex-baxay • dhiibayo alaabo qiimo weyn leh • ka hadlayo is-dilid iyo haddii uu yiraahdo wuxuu leeyahay qorshe is-dilid • sameeyo dardaaran qoraal ah ama uu ka hadlo waxa ugudambeeya ee uu jeclaan lahaa.

Haddii tan aay dhacdo, waa in aad: • deganaataa oo si taxadar leh u dhegeysataa • u ogolaataa qofka in uu ka hadlo dareenkiisa • aqbashaa waxa uu qofka leeyahay. Ha qiimeyn ama ha isku dayin in aad xaliso dhibaatada. • weydiisaa qofka in uu rabo in uu is-dilo ama uu leeyahay qorshe is-dilid • ka qaadaa wax alla wuxuu qofka isku waxyeeleyn karo (tusaale, hub-gacmeed, daawooyin) • u qaadataa dhamaan hanjabaadaha is-dilidda kuwo dhab ah • ka caawisaa qofka in uu helo kaalmo dad mihinad u leh (tusaale, xarun dadka tabaaleysan, la-taliye, dhaqtar, waaxda gargaarka deg-degga ah ama wadaad) • la socodsii dhaqtarkaaga waxa meesha ka jira • ogolaanin in aad sir ahaan u qariso fikradaha is-dilka ee qofka. U sheeg qof gacan ka geysan kara.

25

Saameynada Khamaarka

Page 27: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%
Page 28: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

4U dhaqaaqidda DhinacaIsbedelka

Sideen Uga Joojin Karaa QofkaKhamaarka? Nasiib xumo, kama joojin kartid. Dadka iyaga ayaa go’aansadain aay khamaaraan iyo in kale. Qofka waa in niyadda loodhisaa si uu isu bedelo. Haddii aad u hanjabtid, laaluushtidama ciqaabtid, waxyeelada aad u geysaneyso ayaa ka badnaankarta wanaagga.

Qoysaska waxay ku noqon kartaa madax-wareer in aaysanlahayn awood aay wax-kaga-qabtaan. Laakiin, weli doormuhiim ah ayaad ka ciyaari kartaa in aad ku dhiirigeliso qofkain uu isbedelo. Dadka dhibaatooyinka khamaarka lehbadankood waxay u raadsadaan gargaar sababtoo ahkhamaarka qoyskooda ayuu waxyeelo u geysanayaa. U sheegqofka sida khamaarka uu kuu saameynayo, oo isku day in aadisbedelo fiican noloshaada ku sameyso. Tan waxay ka caawinikartaa qofka in uu arko isagana sidoo kale in uu is-bedelikaro.

Laga yaabee in aad dareento caro ama xanuun. Tan waxaykugu adkeyn kartaa in aad gacan siiso qofka xanuunka intaasla eg kuu keenay. Qoysaska oo dhan kama gudbi karaandhibaatooyinkan. La-talinta waxay kaa caawini kartaa in aad

27

Page 29: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

kala shaandheyso fikradahaada iyo dareenadaada, oo aadeegto doorashooyinkaaga. Tan waxay noqon kartaa talaabomuhiim ah oo ka caawineyso qoyska in uu bogsoodo (eegCutubka 5).

sida qoysaska aay uga caawini karaanqofka in uu isbedeloQoysaska waa kala duwan yihiin oo mid walba wuxuuleeyahay fikradahiisa ku saabsan waxa ka caawini doona qofkain uu isbedelo. Kuwan waa qaar ka mid ah fikrado qoysasbadan caawiyey. Waxay kaa caawini karaan in aad gacan-siisoqofka dhibaato khamaar leh, iyo in aad qoyska ku soo celisodheelitirnaan caafimaad leh. Adigoo gacan ka helaya la-taliye,waxaad baran kartaa in aad:• fahamto heerarka isbedelada oo aad la shaqeyso • u sheegto qofka sida khamaarkiisa uu adiga iyo qoyska idiinsaameeyey (laakiin xusuusnow, qeylo waxay u badan tahay inaaysan hore waxba u tarin, marka waqti aadan careysneynarrintan sameey. Waa muhiim in aad deganaataa marka aadhadleyso.) • u sameyn cudur-daar qofka, oo aadan ka difaacin qofka falalkiisa • daryeel ku haboon siiso naftaada oo aad noloshaada dheelitirnaanta ku soo celisaa • maaliyadaada aad nadaam ku soo celiso • aaminaadda soo ceshato • kaalmo hesho.

Heerarka Isbedelada *Dadka leh dhibaatooyinka balwadda, sida khamaarka, waxaymaraan heerar is shabaha marka aay aqbalayaan in aay ubaahan yihiin in aay isbedelaan. Qofka sida xad-dhaafka ah ukhamaara laga yaabee in uu ka laab-laabto go’aanka isbedelka.Waxaad ku yeelan kartaa saameyn dheeraad ah haddii aad labeegsato taageeradaada heerarkan isbedelada. Weey adkaankartaa tan waxayna qaadan kartaa xoogaa ku celcelin ah. Kuwo

La-taliyahawuxuu kaa

caawini karaain aad gacan-siiso qofkadhibaato

khamaar leh,iyo in aad

qoyska ku sooceliso

dheelitirnaancaafimaad leh.

* Adapted fromMakarchuk, K. &

Hodgins, D. (1998).Helping Yourself: A

Self-help Manual forConcerned Significant

Others and ProblemGamblers. Calgary:

Addictive BehavioursLaboratory,

University of Calgary;and Prochaska, J.,

Norcross, J. &Diclemente, C.

(1994). Changing forGood. New York:William Morrow.

28

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 30: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

badana waxaa kaloo laga yaabaa in aay ogaadaan in aay ubaahan yihiin kaalmo la-taliye.

heerka 1: qofka ma daneynayo in uuisbedeloMarka hore, qofka ma arko wax dhibaato ah mana tixgelindoono la-talin. Qofka wuu inkiraa dhibaatooynka khamaarka.Qofka laga yaabee in uu eedeeyo dad kale ama u maleeyodhibaatada keliya ee jirto in aay tahay lacag la’aan.

Waxaad sameyn kartaa in aad:• u sheegto qofka sida khamaarka uu kuu saameeyo • bedesho dhaqdhaqaaqyada caawiya khamaarka • ka caawin qofka khamaara in uu ka baxsado in uu qaato mas’uuliyadda falkiisa • hubiso lacagta qoyska in la ilaaliyo (la-taliye sharci, la-taliyemaaliyadeed ama la-taliye khamaarka dhibaatada leh ayaa kaacaawini kara in uu ku hago.) • barato wax ku saabsan khamaarka dhibaatada leh oo aad la wadaagto warka qofka dhibaatooyinka khamaarka leh • naftaada taageero u hesho oo aad bilowdo in nolosha qoyskaaga aad ku soo celiso mid dheelitiran • ku biirto koox taageero oo loogu talagalay qoysaska aay saameyesay khamaarka dhibaatada leh • iska ilaaliso muran – waxba ma tarayo.

heerka 2: qofka ma hubo isbedelkaQofka wuxuu bilaabaa in uu arko in khamaarka uu leeyahaykhasaaro. Laakiin qofka ma joojin doono weli. Qofka wuxuuka fikiri doonaa isbedelka muddo ka hor inta uusan talaaboqaadin. Laga yaabee qofka in uu: • qabsado maalin uu isbedel sameeyo • noqdo qof si ka badan sidii hore u doonaya in uu ka hadlodhibaatooyinka • noqdo qof kaalmadaada si ka badan sidii hore ugu furan.

Qalalaase weyn markuu dhaco ka dib ayaa laga yaabaa qofkain uu soo ogolaado in uu wax ka qabto dhibaatooyinka. Waxay

29

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

Page 31: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

noqon kartaa khasaare khamaar oo weyn, isku dayid isdilidama marka shaqada looga soo eryo khamaar dartii ka dib.

Waxaad sameyn kartaa in:• aadan la khamaarin qofka • aad raadiso sida qofka uu kaalmo ku heli karo• aad u gudbiso warka hagahan oo aad ku dhiirigeliso in uu qofka kaalmo helo • aad u soo bandhigto qofka in aad u raacdo la-talin • aad la wadaagto qofk waxa aad ka ogaatay khamaarka dhibaatada leh iyo sida warkaas uu kuu caawiyey • aad ku amaanto qofka in uu doonayo in uu isbedelo • aad ka ilaaliso xaaladaha soo kicin kara khamaaridda• aad taageero caadifadeed u hesho naftaada • aad xuduud cad sameeyso oo aad u sheegto qofka waxa aadsameyn doonto haddii uu qofka sii wado khamaarka.

heerka 3: qofka wuxuu isu diyaarinayaaisbedelQofka laga yaabee in uu bilaabo talaabooyin yar-yar oo uu kubedelayo khamaarkiisa, sida sameynta xuduud waqti iyolacageed. Qofka laga yaabee in uu ka hadlo in uu sameeyoisbedelo ka weyn mar dhow. Qofka laga yaabee in uu doonayoin uu ka hadlo wax dheeraad ah oo ku saabsan abaalmarinadaiyo khatarada khamaarka marka uu ka nasanayo.

Waxaad sameyn kartaa: • in aad taageerto isbedelada qofka iyo in aad ku dhiirigelisoqofka in uu ka helo kaalmo la-taliye khamaarka dhibaatada leh • in aad kula taliso in qof aamin ah uu maamulo lacagtiisa • in aad xaddido lacagta uu heli karo qofka. Tan waxay meeshaka saari kartaa mid ka mid ah waxyaabaha waaweyn eekhamaarka kiciya (waxyaabaha kiciya waa sheeyada kuu keenikara in aad khamaarto.) • in aad kula taliso howlo kale si uu ugu bedelo khamaarka.

heerka 4: qofka wuxuu qaadayaatalaaboQofka wuu yareeyey ama si buuxda ayuu u joojiyeykhamaarka. Qofka si dhab ah ayuu wax uga qabanayaadhibaatada.

30

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 32: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Marka aay dadka isku dayaan in aay isbedelaanba, laga yaabeein aay dib ugu laabtaan. Caadi ahaan weey ka soo kabsankaraan ku laabashadan, oo xitaa cashar ayeey u noqon kartaa.

Waxaad sameyn kartaa in aad: • taageerto qofka markuu khamaarka ku bedelayo howlo kale • taageerto qofka la-talinta markuu ku jiro • tixgeliso la-talin lamaane ama qoys si loo hagaajiyo isgaarsiinta iyo aaminaadda • joogto wax uga qabato dhibaatooyinka lacageed • diiradda saarto baahidaada iyo ku soo celinta nolosha qoyska mid dheelitiran (eeg bogga 37)• aqbasho in qofka uu dib ugu laaban karo khamaarka.

heerka 5: qofka xukunka gacant ayuuugu jiraaQofka wuu joojiyey khamaarka ugu yaraan lix bilood oowuxuu ka sii shaqeynayaa in uu guusha ku dheganaado. Sidaaan hore u soo niri, dad badan ayaa dib ugu laabta khamaarkadhibaatada leh. ku laabashadan waxay ku noqotaa bur-burqofka dhibaatada khamaarka leh, iyo xubnaha qoyskaba.Laakiin ku laabashada waxay sidoo kale ka caawini kartaaqofka in uu si ka fiican u fahmo dhibaatada. Ugu dambeyn,waxay xoojin kartaa go’aanka qofka ee ah in uu isbedelo.

Waxaad sameyn kartaa in aad:• sii taageerto isbedelada nolosha qoyska dheelitirnaandheeraad ah u keena • isku daydo in aad hagaajiso isgaarsiinta qoyska • ka sii shaqeyso in lacagta qoyska aay xafidnaato • ka caawiso qofka in uu garto oo iska ilaaliyo waxyaabahakiciya khamaarka • abaalmariso naftaada marka isbedel ku dhaco naftaada iyoqofka aad jeceshahay • aqbasho in qofka uu dib ugu noqon karo khamaarka.

wax ka qabashada dib-ugu-noqoshadaXusuuso, dhibaatada khamaarka laga yaabo in aay sii xumaankarto ka hor inta aaysan soo wanaagsanaan. Dadka qaar ooleh dhibaatooyin khamaar aad ayeey ugu adkaataa in aay

Ku laabashadawaxay kacaawini kartaaqofka in uu sika fiican ufahmodhibaatada,waxayna xoojinkartaa go’aankaqofka ee ah inuu isbedelo.

31

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

Page 33: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

dhibaatadooda khamaarka faraha ku qabtaan ama joojiyaan.Haddii qofka uu wax weyn ku guuleysto isagoo isku dayaya inuu joojiyo khamaarka, dhibaatada waxay ugu ekaan kartaamid sidii hore ka deg-deg yar. Dadka qaar weey joojiyaankhamaarka, laakiin waxay ku bedelaan khamri cabid amadaroogooyin kale. Dabeecaddan weey soo degtaa marka qofkabarto in uu ku raaxeysto nolosha khamaar la’aan.

Dadka qaar weey ku adag tahay in aay rumeystaan in la-talineey caawineyso muddadan heerka dhibka badan lagu jiro.Laakiin, dadka badankood, weey caawisaa.

Si Cad War Ugu-SheegidWaa muhiim in qofka loo sheego sida dabeecaddiisa usaameysay qoyska. Dadka dhibaatada khamaarka leh badanaaxubin qoyska ah oo ku dhiirigelisay awgeed ayeey u tagaan la-talin. Laga yaabee adiga naftaada in aad dooneyso in aadhesho kaalmo la-taliye ka hor inta aadan tan sameyn.

talooyinka isgaarsiinta ee qoysaskaloogu talagalay*• Diiradda saar siyaabaha gaarka ah ee khamaarka idiin saameeyey. Toos u abaar oo isticmaal ooraahda “Aniga” si aadula wadaagto dareenada iyo xaqiiqooyinka. Tusaale: “Aniga waan ka damqadaa marka aad iman weydo gurigawaqtigii aad tiri waan iman.” “Aniga waan careysanahay marka aanan heysan lacag aanisaga bixino biilalka khamaarkaaga dartii.” “Aniga waxaan ka naxsanahay deyntaada khamaarka.” • Is deji. Isku day in aadan eedeyn, u khudbeyn ama caqiidouga dhigin qofka. Waxba ma tareyso. Qofka la socodsii in aadnaftaada war iyo taageero u raadsaneyso.• Iska ilaali hanjabaadyada – la socodsii qofka waxa aad sameyneyso haddii qofka uu sii wado khamaarka. Isu diyaariin aad ka dhabeyso. Qofka laga yaabee in uu hore u maqlay inaad hanjabaadyo u sameysay, oo waxaa laga yaabaa in uusanrumeysneyn in aad ku dhaqaaqi doonto.

* Adapted fromAddictions Services

Kenora problemgambling materials.

32

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 34: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

• Sii warar waxtar leh. U soo bandhig qofka in aad gacan kasiineyso kaalmo helidda. Baro wax ku saabsan adeegyada la-talinta ee khamaarka dhibaatada leh, oo sii qofka ilahawararka laga helo sida warka uu qofka iskii isugu caawinikaro, buugaag iyo fiidiyow. • Samir lahoow. Isbedelka waqti buu qaadan karaa. Ha ka filinin uu qofka qirto dhibaatada, ama uu ogolaado in uu ubaahan yahay kaalmo, isla markiiba. Sii wad in aad abuurtomiraha isbedelka. U sheeg qofka in qaadidda talaabo wax-qabasho aay keeneyso in aay yaraato xurgufta iyo culeyskamaskaxda ee qoyska. • Eeg diiqadda iyo fikradaha isdilka ee qofka khamaara, adigaiyo xubnaha qoyska (eeg bogga 24).

Ka Caawinidda in uu Qofka Mas’uuliyaddaDabeecadahiisa iyo Go’aanadiisa QaatoDadka waxay u badan tahay in aay wax ka qabtaandhibaatooyinkooda khamaar marka aay dhab u dareemaanxanuunka uu keenayo khamaarkooda. Dabcan, kaalmadaadaiyo taageeradaada muhiim beey u yihiin qofka leh dhibaatokhamaar. Laakiin, weli waa mas’uuliyadda shaqsiga in uusaxo dhibaatadiisa. Qofka oo keliya ayaa go’aansan kara in uujoojiyo ama yareeyo khamaarka.

Habka ugu wanaagsan ee loo caawiyo qof waa in la taageerolaakiin mowqif adaga laga qaato. U sheeg qofka haddii uuhelo kaalmo, waa suuragal in uu isbedelo oo uu xukunkagacanta u gelo. La socodsii qofka in aaysan ahayn in uu keliku noqdo dhibaatadan.

Qoysaska qaar waxay dareemaan in aay ku khasban yihiin inaay bixiyaan deynka khamaarka ee qofka si aay u difaacaansharaftooda. Laga yaabee in aay doonayaan in aay caawiyaanxubnaha kale ee qoyska ee dhibka ka soo gaaray falalka qofka.Haddii aad bixiso deymaha qofka, waxaa dhici karta qofka inuu u qaato in laga bixinayo deynta haddii uu dhibaato galo.

33

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

Taageeradaadaiyogargaarkaagawaa u muhiimqofkadhibaatadakhamaarka leh,laakiin waamas’uuliyaddaqofka in uuxaliyodhibaatada.

Page 35: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Tan mararka qaar waxay u keentaa qofka in uu mar kalebilaabo khamaarka.

Haddii aad siiso kaalmo dhaqaale, ku adkeyso in qofka uusidoo kale helo kaalmo la-talin. Haddii aad deyn siiso, u sheegqofka in uu soo celiyo – xitaa haddii aay noqoto toddobaadwalba lacag yar. Qoysas badan ayaa dhib ka qaba in aay tansameeyaan, oo u baahan kaalmo la-taliye aamin ah. Iska ilaalilacag si toos ah in aad u siiso qofka, tan waxay keeni kartaakhamaar dheeraad ah. (Waxaad ka heli kartaa talooyindheeraad ah oo ku saabsan sida wax looga qabtodhibaatooyinka lacagta bogga 35)

“Jaceylkaaga adag” wuxuu qofka ka caawini karaa in uuwajaho kharashka khamaarkiisa. Tusaale:• Qofka ha kala xaajoodo madaxdiisa meesha shaqada wixii ku saabsan daahid ama shaqo ka maqnaasho. • Ku adkeyso qofka in shaqada guriga uu qabto. • Been ha sheegin si aad u difaacdo qofka. • Cudur daar ha u sameyn khamaarka qofka. • Madaxa ha u salaaxin qofka wixii ku saabsan khasaare khamaar ama dhibaatooyin kale ee uu keenay khamaar. • Qofka ha geyn ama ha ka soo qaadin meelo khamaar lagu ciyaaro. • Hala khamaarin qofka. Kiisaska qaar, waxaa dhici karta in aaysan suuragal ahayn insidan la sameeyo sababtoo ah marka sidan la sameeyo waxaykeeni kartaa in qofka uu waxyeelo u geysto naftiisa, ama uurabshado ku sameeyo dadka kale. Haddii aay sidan tahay,raadso talo qof mihinad u leh isla markiiba inta aadan talaaboqaadin.

Isku Habeynta Lacagta Qoyska Dhibaatooyinka lacagta laga yaabee in aay culeys-maskaxeedku heyso qoyskiina. Qofka dhibaatada khamaarka leh ayaamas’uul ka ah in uu gacan ka geysto xalinta howlahan adag.Laakiin haddii qofka uu doonayo, in laga wada shaqeeyo

“Jaceylkaagaadag” wuxuu

qofka kacaawini karaain uu wajahokharashka

khamaarkiisa.

34

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 36: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

dhibaatada waa waxa ugu fiican. Tusaale, helidda lacagta amadeynta ayaa badanaa kicin karta khamaarka. Waxaad gacan kageysan kartaa cadadka lacagta uu qofka heli karo.

Haddii uu ka shaqeynayo in uu isbedelo, waxaad ka wada shaqeynkartaan in aad:• sameysaan miisaaniyadda qoyska • si taxadar leh oo furan u raad-raacdaan dhamaan kharashyada qoyska • isla wadaagtaan dhamaan diiwaanada maaliyadeed iyo resiityada • isku raacdaan lacagta ama deynta qofka aay tahay in uu heysto, si uusan u damcin in uu khamaaro.

Waa kuwan talaabooyin dheeraad ah ee wax ka qabashadalacagta:• Si taxadar leh uga fikir maaliyaddaada inta aadan faraha lagelin deymaha qofka.• Haddii aad deyminyeyso lacag lagu bixiyo biilal, toos ha usiin qofka. Wuxuu damci karaa qofka in uu dib ugu laabtokhamaarka. Bedelkeeda, adigaba bixi biilalka. • U bandhig qofka in aad u raacdo la-talinta deynta iyokhamaarka dhibaatada leh. • Samee miisaaniyad qoys oo caqli gal ah si uusan qofka udareemin baahi ah in uu khamaaro si uu ugu xaliyodhibaatooyin lacageed. • Ka hel talo khabiir la-taliye deyn, maareeye bangi amaqareen inta aadan bixin jeegag xun, ama aadan la-saxiixindeyn ama warqado dhaqaale oo kale. • U hel qof mas’uul ah oo aamin ah oo maamula lacagtaqofka muddada dhow. • Isla qorsheeya sida loo xaddidayo lacagta uu heli karo qofka,ilaa laga xakameynayo khamaarkiisa.

Xitaa haddii qofka khamaara uu kula shaqeyn waayo, waxaadweli xaq u leedahay in aad ilaaliso lacagta qoyskaaga.

35

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

Page 37: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

talooyinka ilaalinta lacagtaada Waa kuwan qaar ka mid ah siyaabaha aad uga ilaalineyso lacagta

qoyskaaga khamaar faraha ka baxay:

• Raadso talo sharci si aad u ogaato xuquuqdaada iyo talaabooyinka

sharciga ee aad u baahan tahay in aad qaado.

• Sameyso xisaab bangi oo kuu gaar ah.

• Sheeyada qiimaha kuu leh dhigo keydka amaanka ah ee bangiga.

• Keydkaaga gasho keyd bond ah oo aadan kala soo bixi karin.

• Bangiga weydiiso in uu kaa jaro deynta aad heli karto, oo uusan kuu

ogolaan in gurigaaga dib loo geliyo qaan.

• Haddii xubinta qoyska uu ogol yahay, ka qaado awoodda saxiixidda

(power of attorney) taasoo kuu ogolaaneyso in aad mas’uul ka

noqoto go’aanada hantida oo dhan.

• Biilalka oo dhan adiga bixi.

• Magacaaga ka saar kaararka kareeditka aad wadaagtaan iyo

xisaabaha bangiga.

• Ka jooji wixii lacago dheeraad ah (overdrafts) ee lagala bixi karo

xisaabaha bangiga.

• Ha la wadaagin lambarka qarsoodiga ah (PIN), ama ha uga tegin

meelaha kaarkaaga kareeditka iyo lacago.

• Tuur codsiyada kaararka kareeditka ama deymaha ee ku yimaada

boostada.

• Mushaaraddaada iyo lacagahaaga u habeyso in si toos ah

xisaabtaada bangiga laguugu soo shubo.

• Uga dig qoyskaaga, saaxiibadaa iyo dadka uu la shaqeeyo in aaysan

wax lacag ah deymin qofka.

• Sii qofka gunno lacageed oo toddobaadle ah oo la isku raacay.

Talaabada koowaad waa in la qiimeeyo xaaladdaada dhaqaale.Lacagta la khasaaray intee ayeey la eg tahay? Deyntee lawadaagaa iyo tee u gaar ah qofka khamaara? Talaabadancaadifad ahaan weey adag tahay.

Haddii aad leedahay deyn fara badan, ama haddii aay kudhibeen deyn-bixiyayaasha, u tag la-taliye deyn. La-taliyahadeynta wuxuu kaa caawini karaa in aad maamusho deyntaada

36

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 38: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

oo aad miisaaniyad sameysato. La-taliye sharci wuxuu kaacaawini karaa in aad kala saarto deymaha aad wadaagtaan(sida deymaha aad wada saxiixdeen) iyo kuwa aadanwadaagin. La-taliyayaasha la socodsiiya dhibaatooyinkakhamaarka.

Ku-soo-celinta NoloshaadaDheelitirnaantaMarka aad diiradda saarto dhibaatooyinka khamaarka ookeliya, nolosha qoyskaaga waxaa ka dhumaya dheelitirnaanta.Ku soo noqoshada nolol-maalmeedka caadiga ah waa qeybmuhiim ah oo ka mid ah bogsashada. Waa kuwan qaar kamid ah fikradaha aay tahay qoyska oo dhan in aay tixgeliyaan:

Soo celi nolol-maalmeed caafimaad leh:• Cun cuntooyin dheelitiran, oo joogto ah, xitaa haddii aadan gaajeysneyn. • Waqtiyada cuntada ka dhig waqti qoyska uu leeyahay. • Joogto u jimicso. • Seexo kana soo kac hurdada waqtiyo joogto ah. • Baar caafimaadkaaga, una sheeg dhaqtarkaaga khamaarka xubinta reerkaaga. • Sameyso maalin toddobaadka ka mid ah oo aad raaxeysato,joogteyna.

Taageero raadso si aad naftaada wanaag u dareento:• Welwelkaaga la wadaag saaxiibadaa iyo qoyskaaga aad aaminsan tahay. Taageero weydiiso, ee talo ha weydiisan. • Sameyso liis dadka aad ka naxeyso. Wac qof saaxiib ah oo is-raaca. • Arag la-taliye kaa caawiya in aad la qabsato oo aad u soo ceshato kalsoonidaada. • Raadso koox is-caawisa. Waxay kuu ogolaaneysaa in aad taageero hesho aadna taageerto dad kale. • Beeshaada ku howlanow; tusaale, iskaa-wax-u-qabso samee.

Ku noqoshadanoloshacaadiga ah eeqoyska waaqeyb muhiimah eedaaweynta.

37

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

Page 39: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Si fiican wax uga qabo culeyska-maskaxda: • Iska ilaali aalkolo iyo daroogooyin kale –weey kaaga sii darayaan dhibaatooyinka. • Isu ogolow in aad ka nasato welwelka. • Baro in aad garato dareenka niyaddaada, oo aad u sheegto dadka waxa aad uga baahan tahay.• Baro siyaabo aad ku yareyso culeyska-maskaxeed; tusaale, yooga ama daryeel-niyadeed (meditation). • Daryeel baahidaada diimeed iyo ruuxi • Samee liis ah waxyaabaha aad jeclaan lahayd in aad sameyso.Toddobaadkiiba ugu yaraan mid ka mid ah sheeyadaassamee.

Wanaajinta Xiriirka Qoyska Waa muhiim in la soo celiyo aaminaaddii ka dhaxeysayxubnaha qoyska. Laga yaabee arrintan in aay u eg tahay midaan suuragal ahayn hadda. Xiriir kasta kama soo waaqsadodhibaato khamaar.

Laakiin, qoysaska qaarkood, xiriirkooda ayaa ku sii xoogeystasi wadajir ah wax uga qabashada dhibaatooyinka. La-talinlamaane ama qoys ayaa qoyska ka caawini karta in uu ku soonoqdo jidkiisii.

Si aad gacan uga geysato soo celinta aaminaadda, waxaadkaloo sameyn kartaa:• In aad tilmaanto siyaabaha aad weli u aaminto qofka. • In aad ku dhiirigeliso qofka in uu daacad ka noqdo waxa kusaabsan qabashada khamaarka, oo aad aqbashaa waxa aadmaqasho. Fahmid, taageero iyo in aad ka caawinto xalintadhibaatooyinka ku abaalmari daacadnimada qofka. • In aad weydiisato qofka in uu kaa caawiyo yareynta welwelkaaga. Tusaale, haddii aad ka baqeyso in uu qofkakhamaarayo halkii uu ka shaqeyn lahaa, weydiiso in aad wicikarto si aay kaaga baxdo baqdinta. • In aad ku dhiirigeliso qofka in uu sameeyo shaqooyinka qoyskawax ka mid ah. Markuu sidaas sameeyo u wanaagsanow.

38

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

Page 40: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

• Toddobaadkiiba mar, in aad kawada hadashaan xanuunadiihore ama welweladaada mustaqbalka. Daacad ka noqodareenadaada. Markaas ka dib toddobaadka inta ka hartayna,waxa hadda jira wax ka qabta. • In aad waqti fiican wada-qaadataan, idinkoo aan ka hadlindhibaatooyinka khamaarka. • In aad xusuusato in aay waqti qaadaneyso si loo soo celiyoaaminaadda. • Haddii aad u baahan tahay waqti dheeraad ah oo aad kagahadasho dhibkaaga iyo dareenada carada leh, tixgeli in aad utagto koox taageero ama la-taliye.

39

U dhaqaaqidda Dhinaca Isbedelka

Page 41: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%
Page 42: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

41

5Gargaar Helidda

Haddii xubin qoyskaaga ka mid aay leedahay dhibaatokhamaar, gargaar ayeey heli kartaa. Adigana waa sidoo kale.Dowladda Ontario waxay meel dhigtaa qeyb ka mid ahlacagaha laga qaado makiinadaha lacagta lagu rido ee yaalakasiinooyinka saddaqada ah iyo tartamada fardaha meelahalagu qabto. Lacagtan waxay bixisaa: • khadka taleefanka khamaarka dhibaatada leh • la-talinta dadka leh dhibaatooyin khamaar • cilmi-baaris ku saabsan dhibaatada khamaarka • waxbarasho ku saabsan khamaarka oo loogu talagalay dadweynaha iyo dadka mihinadda u leh caafimaadkadadweynaha.

Daaweyn lacag la’aan ah, oo aay ku jirto la-talin, ayuu helikaraa qof walba oo uu khamaar saameeyey. Oo aay ku jiraanxubnaha qoyska. La-talinta waxay adiga iyo xubnahaqoyskaaga idinka caawini kartaa in aad dib u soo dhistaandareenada xumaanta kala gaartay oo aad dib isu aamintaan.

Waa Maxay La-talinLa-talin waa meel looga hadlo waxa ka socda noloshaada. Waameel aamin ah oo qarsoodi ah, mana lagu qiimeyn doono. La-taliyayaasha khamaarka dhibaatada leh waxaa si gaar ah loogutababaray in aay fahmaan dhibaatooyinkaaga. Adiga iyo la-

Page 43: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

42

taliyahaada ayaa isla go’aaminaya inta jeer ee aad badanaa ubaahan tahay kaalmo iyo waxa laga hadlayo.

Ceeb ma aha in aad raadsato kaalmo. Waa talaabada koowaadee aad faraha ugu dhigeyso dhibaatooyinka khamaarka uu kuukeenay.

Ontario dhexdeeda, la-talinta waa u lacag la’aan qof walba eeuu saameeyey khamaar – ma ahan oo keliya dadka khamaara.Meelaha badankood, hey’ad bixisa la-talin takhasus leh eekhamaarka dhibaatada leh ayaa laga heli karaa guriga meel udhow. Guryo degaan ah iyo meel maalintii daaweyn loo tagoayaa sidoo kale laga heli karaa meelo ka mid ah gobolka. Intaawaxaa dheer, in la-talin taleefan ah, daaweyn guryahadhexdooda ah iyo hage gargaar oo iskaa ah sidoo kale la helikaro. Sidoo kale waxaad ka faa’iideysan kartaa adeegyada la-talinta dhinaca deymaha, la-talin qoys iyo ilo kale. KhadkaGargaarka Khamaarka Dhibaatada leh (1 888 230-3505) ayaakugu xiri kara taageerada iyo ilaha aad u baahan tahay. Wuxuufuran yahay 24 ka saac maalintii.

Hey’adaha qaarkood waxay bixiyaan balamo fiidkii iyoweekend ah oo loogu talagalay la-talin waji-ka-waji ah. La-talinta waxay noqon kartaa hal-hal, ama lamaane iyo qoysiyagoo aay kula socdaan. Laga yaabee in la heli karo la-talinkooxeed.

La-talinta waa qarsoodi, ilaa xadka sharciga ogol yahay. La-taliyaha waa in uu kuu sharaxaa xudduudahan inta uusanbilaabin ka hor. Qofka la-taliyaha ah waa in uu kuu sheegaawax aad ka fili karto la-talinta iyo waxa adiga lagaa filayo.

Sidee La-talinta Kuu Caawini Kartaa?Marka xubin ka mid ah qoyskaaga uu leeyahay dhibaatokhamaar, weey dhib badnaan kartaa in mustaqbalka aad rajowanaagsan yeelato. La-talinta waxay kaa caawini kartaa in aad

Ontario la-talinlacag la’aan ahayuu heli karaaqof walba eeaay dhibaato

khamaarsaameysay.

Page 44: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

43

Gargaar Helidda

aragto in waxyaabaha aay isbedeli karaan. Waxay kaloo kaacaawini kartaa in aad garato xoogga qoyskaaga iyotalaabooyinka wanaagga ah ee aay dhici karto in aad hore uqaaday.

La-talinta waa hab waxbarasho. Go’aano fiican ayaad gaarikartaa, marka aad hesho war cusub. La-taliyayaasha waxay kaacaawini karaan in aad xaliso dhibaatooyinkaaga waaweyn.Waxaa ka mid noqon kara saxidda xaaladdaada dhaqaale,hagaajinta xiriirka qoyska iyo soo celinta aaminaadda adiga iyolamaanahaada.

La-talinta sidoo kale waxay:• kaa caawini kartaa in aad fahamto waxyaabaha u eg in aayfaraha ka baxeen • kaa caawini kartaa in aad go’aansato falka aad sameyneyso • ku siin kartaa war waxqabad leh oo ku saabsan sida wax loogaqabto dhibaatooyinka lacageed • kugu xiri kartaa la-talin deymeed, adeegyo sharci iyo ilo kale • kaa caawini kartaa in aad fahamto oo aad yareyso waxyaabahakiciya khamaarka xubinta qoyskaaga • kuu heli kartaa warar ku saabsan adeegyada beeshaada dhexdeeda ah • kaa caawini kartaa in aad maareyso culeyska-maskaxeed, walaaca iyo diiqadda • kaa caawini kartaa in aad aragto in aadan keligaa ahayn.

Sidee Ayeey La-talinta u Caawini KartaaQofka Khamaara? La-talinta ma bedeli karto qofka dhibaatooyinka khamaarkaleh. Qofka uun baa sameyn kara taas.

Marka hore, dad badan ma rabaan in aay joojiyaan amabedelaan khamaarkooda. Taa bedelkeed, laga yaabee in aay utagaan la-talinta in aay kaalmo uga helaan dhibaatooyinkalacagta iyo qoyska. La-talin inta lagu guda jiro, ayeey ka ogaankaraan in dhibaatadu tahay khamaarkooda.

Page 45: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

44

La-taliyaha ayaa siin doona warar, talo iyo taageero. Tan waxayka caawini kartaa qofka in uu arko in khamaarka uu keenowaxyeelo, iyo in uu go’aan ka gaaro wuxuu ka sameynayo. La-taliyaha waxay u badan tahay in uu ku dhiirigeliyo qofka in uuka nasto khamaarka, si qofka uu khamaarkiisa faraha uguqabto una arko waxyeelada uu la imanayo

La-talinta waxay ka caawini kartaa xubinta qoyskaaga in uu:• helo khamaarka wax u bedela oo caafimaad leh • garto waxyaabaha kiciya khamaarkiisa • garto waxyaabaha beenta ah ee uu rumeysan yahay oo keenikara dhibaatooyin • helo habab uu u la tacaalo qabashada khamaarka.

La-talinta waxay sida ugu fiican u shaqeysaa marka qoyska oodhan uu isu yimaado oo uu midba midka kale taageero. Waasababtan waxa gargaarka loola diyaar yahay dhamaanxubnaha qoyska.

Wixii war dheeraad ee ku saabsan sida la-talinta u caawinikarto qofka khamaara, fadlan arag buugga yar ee ProblemGambling: Arrimaha, iyo Doorashooyinka.

Khamaarka Khatarta-Yar Dadka qaar waxay go’aansadaan in aay tahay in aaykhamaarka si buuxda u joojiyaan. Kuwo kalena waxayqabsadaan lacag iyo waqti xaddidan oo khamaarka loogutalagalay, ama waxay ka fogaadaan howlaha khamaarka eekeena dhibaatooyinka ugu badan.

Haddii xubinta qoyskaaga aay go’aansato in aay sii wadokhamaarka, hubi in qofka uu yareeyo khatarta. Khamaarkakhatarta-yar macnahiisu waa dadka: • waxay xaddidaan lacagta iyo waqtiga aay geliyaan khamaarka • waxay ogolaadaan khasaarahooda, iskumana dayaan in aaydib u soo ceshadaan

La-talintawaxay sida ugu

fiican ushaqeysaa

marka qoyskaoo dhan uu isuyimaado oo uumidba midkakale taageero.

Page 46: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

• waxay ku raaxeystaan guulahooda, laakiin weey og yihiin inaay nasiib ku dhacday • waxay khamaarka ku dheelitiraan howlo kale oo madadaalo ah • uma khamaaraan in aay lacag ku shaqeystaan ama deymoisaga bixiyaan • ma khamaaraan marka aalkolo ama daroogo kale aay garashadooda wax u dhinto • marna uma soo deynsadaan lacag ama uma isticmaalaan maalgelin shaqsiyeed ama keydka qoyska in aay ku khamaaraan • uma khamaaraan in aay kaga baxsadaan dhibaatooyin amadareemo • khamaarka kuma waxyeeleeyaan shaqadooda, caafimaadkooda, maaliyaddooda ama qoyskooda.

45

Gargaar Helidda

Page 47: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%
Page 48: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

47

6Halka Laga HeloGargaar

Adeegyada Deegaanka Ka eeg bogga dambe ee jaldiga buuggan magaca iyo cin-waanka hey’adda deegaankaaga.

Adeegyada laga helo Gobolka iyo QarankaOntario Problem Gambling Helpline (opgh)1 888 230-3505www.opgh.on.ca Adeeg lacag la’aan ah, qarsoodi ah oo aan loo baahneyn in aadmagacaaga sheegto. Waxaad wici kartaa 24 ka saac maalintii,toddobada maalmood ee usbuuca. OPGH waxay warka kubixisaa 140 luqadood. Sidoo kale waxay u dirtaa dadka: • adeegyo la-talin iyo daaweyn loogu talagalay khamaarka dhi-baatada leh • adeegyada la-talinta deymaha • adeegyo la-talin oo lagu sameeyo taleefan haddii laga heli karo beeshaada • ururo iskaa-aad-isku-caawineyso sida Gamblers Anonymousiyo Gam-Anon.

Page 49: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

48

Ontario Association of Credit Counselling Services (oaccs)1 888 746-3328www.oaccs.comUrur aan-faa’iido-doon-ahayn oo gobolka ah oo siiya wararkauna gudbiya dadka 24 xubin oo ah ururada bixiya adeegyadala-talinta deymaha.Adeegyada waxaa ku jira:• miisaaniyad u sameynta • la xiriiridda deyn-bixiyayaasha • deyntaada in aad ku bixiso si aad ka bixi karto • in aad soo ceshato aaminaadda ah in deyn lagu siin karo. Haddii aadan adeegyada beeshaada ka heli karin, adeeg la-talin oo taleefan ah ayaad heli kartaa adigoo wacaya 1 888204-2221.

Community Information Centres (CICs)U garaac 0 shaqaalaha taleefanka qeybiya ama isku day in aadgaraacdo 211.www.211Ontario.caCICs waa koox aan-faa’iido-doon-ahayn oo ururiya wararkaadeegyada dowladda hoose, adeegyada beesha iyo adeegyadabulsho. Kuwan waxaa ka mid ah adeegyada dhibka-xoogga leh,hooyga iyo la-talinta. Wac shaqaalaha taleefanka qeybiya si aadu ogaato in agagaarkaaga aay ka jirto CIC.

Kids Help Phone1 800 668-6868www.kidshelp.sympatico.cakhad war iyo taageero ah oo loogu talagalay caruurta iyo dha-linyarada oo 24 ka saac ah, oo lacag la’aan ah. Oo aad Ingiriisiyo Faransiis warka ku heli karto.

Parent Help Linewww.parentsinfo.sympatico.caWebsite-ka Parent Help Line wuxuu ku siinayaa war guud ooloogu talagalay waalidka oo ku saabsan arrimo kala duwan.

48

Page 50: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

49

Halka Laga Helo Gargaar

Waxaa ku jira Maktabad Xiriirin ah (Link Library) oo soobandhigaysa website-yada barbarbaarinta ah oo leh cilmi-baa-ristii ugu dambeysay ee mowduucyada sida ku amar taagleen(bullying), qofka oo aan maskaxdiisa soo jeedin karin waxa uuqabanayo (attention deficit disorder), dhalaanka cusub, cadaa-diska-maskaxda ee barbaarinta ilmaha iyo waxyaabo kale oobadan.

Khadadka Gargaarka iyo Xarumaha Dhibka-culusWixii ku saabsan xarumaha dhibka-culus iyo khadka gar-gaarka ee agagaarkaaga ah, wac shaqaalaha taleefanka qey-biya, ama eeg liiska lambarada gargaarka deg-degga ah ee kuyaala buugaaga taleefanka dushiisa.

Gamblers Anonymous (ga)416 366-7613 www.gamblersanonymous.orgga waxaa laga heli karaa beelo badan. ga waxaa lagu saleeyeyAlcoholics Anonymous, waxay isticmaalaan wajahaad 12-talaabo ah si uu qofka u bogsoodo.

Gam-Anon and Gam-Ateen 416 366-7613www.gam-anon.orgGam-Anon waa taageero jiileed oo loogu talagalay xubnahaqoyska iyo saaxiibada ee leh dhibaato khamaar. Waxay kacaawineysaa in aay la qabsadaan, oo joojiyaan in aay naftoodaku eedeeyaan dhibaatooyinka khamaarka ee qofka, iyo in aaydiiradda saaraan caafimaadkooda iyo wanaagooda.

Responsible Gambling Councilwww.responsiblegambling.orgurur aan-faa’iido-doon-ahayn oo la shaqeeya shaqsiyaadka iyobeelaha si aay wax uga qabtaan khamaarka hab mas’uuliyad lehoo caafimaad qaba. Golaha wuxuu mas’uul ka yahay barnaa-mijyada cilmi-baarista iyo war-gaarsiinta dadweynaha ee loogutalagalay in looga hortago dhibaatooyinka khamaarka la xiriira.

Page 51: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

50

Ilaha SharcigaLawyer Referral Services (lrs)General Referral: 1-900-565-4577www.lsuc.on.ca/public/a/finding/lrs/ lrs waxay ku siin doonaan magacyada qareenada (oo aay kujiraan kuwa aqbala kaalmada sharciga) ee agagaarkaaga ah eebixiya nus-saac wadatashi lacag la’aan. Lacag $6 ayaa talee-fankaaga lagu soo dalici doonaa. Khadka dhibka-xoogga lehlacag la’aan baad ku isticmaali kartaa haddii aad ka soo wacey-so cisbitaal ama xabsi, haddii aad ka yar tahay 18, ama haddiiaad guri la’aan tahay ama dhib-xoog leh ku heysto.

Community Legal Education Ontario (cleo) 416 408-4420www.cleo.on.cacleo waa rug sharci beeleed oo soo saara qoraalo luqad fasiixah ku qoran oo loogu talagalay dadka dakhliyada hoose.Mowduucyada waxaa ku jira kaalmada bulshada, sharcigamulkiilaha iyo kiraystaha, sharciga qaxootiga iyo soogalooti-ga, ceymiska shaqaalaha, arrimaha dumarka, sharciga qoy-ska, ceymiska shaqada iyo xuquuqda aadanaha.

Legal Aid Ontario1 800 668-8258www.legalaid.on.caLegal Aid wuxuu kaa caawini karaa in uu kaa bixiyo kaalmosharci haddii dakhli hoose aad leedahay. Haddii aad xaq u lee-dahay, waxaad heli kartaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalaydhibaatooyin sharci oo noocyo kala duwan ah, oo aay ku jirtoarrimo dambi, sharciga qoyska, iyo sharciga qaxootiga iyosoogalootiga. Sidoo kale waxaa laga yaabaa in aad kaalmo uheshid kiisaska madaniga ah qaarkood iyo rafcaanada kamadambeysta ah.

Page 52: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

51

Halka Laga Helo Gargaar

Buugaagta Lagu-taliyey in La-aqriyo Berman, L. & Siegal, M.-E. (1999). Behind the 8 Ball: A Guidefor Families of Gamblers. New York: Simon & Schuster.

Blaszczynski, A. (1998). Overcoming Compulsive Gambling: ASelf Help Guide Using Cognitive Behavioural Techniques. London,England: Constable & Robinson.

Federman, E., Drebing, C. & Krebs, C. (2000). Don’t Leave Itto Chance: A Guide for Families of Problem Gamblers. Oakland:New Harbinger.

King, A. (1999). Diary of a Powerful Addiction. Tyndall, MB:Crown Publishing.

Little, D. (2002). Losing Mariposa: The Memoir of a CompulsiveGambler. Toronto: ecw Press.

Little, M. (c. 1999). The Other Woman Was Lady Luck: TrueStories from Monte Carlo to Casino Windsor. Manitoulin Island,ON: Lady Luck Enterprises.

Makarchuk, K. & Hodgins, D. (1998). Helping Yourself: A Self-help Manual for Concerned Significant Others and ProblemGamblers. Calgary: Addictive Behaviours Laboratory, Universityof Calgary.

Prochaska, J., Norcross, J. & Diclemente, C. (1994). Changingfor Good. New York: William Morrow.

Raabe, T. (2001) House of Cards: Hope for Gamblers and TheirFamilies. Carol Stream, IL: Focus on the Family/TyndaleHouse.

Page 53: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Website-yo Faa’iido lehCentre for Addiction and Mental Healthwww.problemgambling.caWebsitekan balaaran oo loogu talagalay dadka mihinadahaleh iyo dadweynaha wuxuu siiyaa warar iyo ilo ku saabsankhamaarka dhibaatada leh, wuxuuna albaab laga galo u yahayboggaga web-ka ee khuseeya arrimahan.

Compulsive Gamblers Hubwww.cghub.homestead.comkoox iskood isu caawiya oo internetka ah oo ku saleysanGamblers Anonymous.

GamBlockwww.gamblock.com GamBlock waxay dadka hor-istaagtaa helitaanka aagaga kha-maarka internetka helitaankooda. Ddka leh dhibaatooyin kha-maar waxay ka caawisaa in aay iska ilaaliyaan khatarada kha-maarka internetka. US$74.95.

Journal of Gambling Issueswww.camh.net/egamblingdaabacaad internetka ah oo sah-miya cilmi-baaris khamaar, daaweyn, nadaam iyo waayoarag-nimo dad khamaar leh, oo leh wax xun iyo wax wanaagsanlabadaba.

Mood Disorders Society of Canadawww.mooddisorderscanada.ca

Niagara Multilingual Problem Gambling Programwww.gamb-ling.comwebsite afaf badan ah oo 11 luqadood oo kala duwan ku qoran:Carabi, Shiinees, Ingiriis, Faarsi, Hindi, Talyaani, Boortuqiis,Ruush, Soomaali, Isbaanish iyo Urduu, oo leh warar af ahaaniyo dhaqan ahaanba ku haboon, madal email oo su’aal/jawaabah, iyo ku xirid website-yo kale oo la xiriira.

52

Problem Gambling: Hage Qoysaska Loogu Talagalay

52

Page 54: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Ontario Problem Gambling Research Centrewww.gamblingresearch.orgHey’ad bixisa maaliyad oo maalgelisa cilmi-baaris ku saabsankhamaarka dhibaatada leh, kordhisana awoodda Ontario eelagu sameynayo cilmi-baaris ku saabsan dhibaatooyinka kha-maarka, oo faafisa natiijooyinka cilmi-baarista.

YouthBetwww.youthbet.net

ymca Youth Gambling Programwww.ymcatoronto.org/gambling

Sidoo kale arag website-yada ku taxan adeegyada Gobolka iyoQaran, bilowga bogga 47.

53

Problem Gambling: The Issues, the Options

Page 55: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%
Page 56: PROBLEM Ha ge qoy s ak lo u t y GAMBLIN library/handbook-guide-for... · ayaa ugu badnaa dadka leh dhibaatooyinka khamaarka dhexdhexaadka ah iyo kuwa-xoog leh.3 • 2005ta, 63.3%

Ontario Problem Gambling Helpline 1 888 230-3505