11
Xubnaha Kafiishay Warbixinta Kulan Arag ah

Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

  • Upload
    others

  • View
    2

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

Xubnaha Kafiishay

Warbixinta Kulan Arag ah

Page 2: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

1

Kulamada Caafimaadka Boston

Sannad kasa, Guddida Caafimaadka Dadwaynaha Boston wuxuu la qaataa bulshada kulamo si aan ula wadaagno xogta caafimaadka ee ka timi warbixinta Caafimaadka Boston iyo in la dhagaysto tabashooyinka deggenayaasha ee kusaabsan caafimaadkooda. Ujeedada kulamadani waa in al kordhiyo wacyiga arrimaha bulsho iyo dhaqaale, gaar ahaan midab-sooca, ee caafimaadka; si ay nooga caawiyaan kasbashda ahdaafta BPHC iyo maxsuulka caafimaadka bulshda; iyo in aanu dhisno wada shaqaynaha si aan u horumarino caafimaad.

Ogosto, BPHC waxay qabatay shirarka bulshada saddexaad ee 2012 iyadoo kaashanaysa Roxbury Community Alliance for Health (RCAH) iyo rafiiqyada bulsheed ee kale oo ay kujiraan Medical Center Beth Israel Deaconessm, Roxbury Community Alliance for Health (RCAH), Brigham and Women’s Hospital, Children’s Hospital Boston, iyo Lower Roxbury Coalition. Marka lagu daro ujeedada sare ku xusan, kulanka Caafimaadka Roxbury ee Boston sidoo kale wuxuu u shaqeeyey sidii kalfadhi himilo beegsi ee Hawlgalinta Ficil ahaan ee BACH iyadoo sii maraysa habka qorshaynta caafimaadka Qorshayn iyo Iskaashi. (Eeg tusmada habka MAPP ee sare).

MAPP waa qorshe bulshadu dabada ka riixayso si loo horumariyo caafimaadka bulshada.

Qaab-dhismeedkan waxa loogu talogalay in lagu caawiyo in bulshooyinka ahmiyado kala

siiyaan arrimaha oo aqoonsadaan khayraadka si ay u xalliyaan. Mawduucyada

caafimaadka ee lagaga hadlayo kulanka Roxbury waxa u doortay RCAH arrin muhiim ah

oo xafaddooda ah, iyo kaqayb ahaan qorshahan caafimaad ee guud ee magaalada.

Horudhac

Kulanka Caafimaadka Roxbury waxa la qabtay Ogosto 21, 2012, waxaana lagu qabtay Whittier Street Health Center. Ahdaafta gaarka ah ee kulankan waxay ahaayeen:

1. In la wadaago xogta xaaladda caafimaadka ee ugu dambaysay ee dadka deggen Roxbury (Warbixinta Caafimaadka Boston, 2011).

2. In laga bixiyo macluumaad badan oo kusaabsan dhibta u sinnaan la’aanta midab-sooc iyo sinjiyadeed ee caafimaadka iyo arrimaha bulsho ee sare u qaadaya faraqa caddaalad darrada ah ee maxsuulada caafimaadka.

Tusmo 1. U Hawlgalinta Qorshayn iyo Iskaashi (MAPP)

Page 3: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

2

3. In la garto hantida Roxbury lana abuuro himilo Roxbury caafimaad qabta kaqayb ahaan qorshaynta caafimaadka MAPP.

Ugu dhawaan 100 qof ayaa soo xaadiray kulanka, oo ay kujiraan dadka deggen meesha iyo wakiilada ugu dhawaan 30 urur. Hantida

Kulanku wuxuu siiyey fursad ay ku dabbaaldegto Roxbury markii kaqaygalayaashu wadaagayeen waxa ay jecel yihiin bulshada khuseeya.

Kaqaybgalayaashu waxay hoosta ka xariiqeen Roxbury inay u tahay xarun gaadiid raac iyo hooy xarumo waxbarasho iyo cusbitaalo oo badan. Qaar kale waxay muujiyeen qaddarinta ay u hayaan goobta farshaxanka Roxbury iyo taariikhda hodanka ay ku tahay ee dhaqdhaqaaqa siyaasadeed. Qaar badan waxay sheegeen jacaylkooda dadka, qoysaska, macnaha bulshada Roxbury, kala duwanaashaha qoomiyadeed iyo sinji, sidoo kale ururada badan ee bulshadu riixayso sida Haley House.

Myia Campbell ee RCAH waxay xidhiidhiye ahayd galabaha. Waxay ku dartay xog taageero iyadoo muujisanaysa sawir maskaxeed, kaasoo soo bandhigay khayraadka tirada badan ee ka jira Roxbury ee odhan, oo ay kujiraan YMCA, subarmaarket, tukaan xajmi dhexe ah, 20 tukaan oo yar, laba suuqa beeroole, 34 buuro bulsheed, 7 xarumo bulsho, 2 Kalab oo Wiilasha iyo Gabdhaha ah, 3 laybareeri dadwayne, baarkino iyo garoomo 24 ah.

Saameeyayaasha Bulsho ee Caafimaadka

Marka xiga, Dr. Barbara Ferrer, maamulaha guud ee BPHC, waxay la wadaagtay woxogaa xog dimugaraafiyadeed ah. Waxay ranjiyeysay sawir waadax ah ee bulshada Roxbury, laga bilaabo sinjiyadda iyo qoomiyadda, luuqadda guriga looga hadlo, iyo kasbashada waxbarasho, ilaa qoysaska danyarta ah marka la eego heerka faqriga dawladd dhexe. Arrimahan iyo arrimo kale oo bulsheed, ama “saameeyayaasha bulsheed ee caafimaadka,” waxay siiyaan bey’ad waxayna caawiyaan sharraxidda caafimaadka Roxbury.

Myia Campbell oo tusinaysa khariirad

hantida bulshada ah gudaha Roxbury

Participants sharing what they love about Roxbury

Page 4: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

3

Dr. Ferrer kadib waxay sharraxday fikradda u sinnaanta caafimaadka, iyadoo sharxaysa in midab-soocu uu yahay sababta koowaad ee kala duwanaashaha qayaxan ee natiijooyinka caafimaad ee dadka qoomiyadaha kala duwan iyo sida cajiibka ah ee ay u samayso dhinac kasta oo kamid ah nolosheena qaabab kala duwan. (Ka Eeg Qaab-dhismeedka u Sinnaanta Caafimaadka Lifaaq 1). Sharraxaaddu waxay bixinaysaa aasaas adag ee si fiican u fahamka xogaha natiijooyinka caafimaad ee ku xigay. Waa Sidee Caafimaadka Roxbury?

Dr. Huy Nguyen, agaasimaha caafimaadka BPHC, waxay soo bandhigeen xog ka timi warbixinta Caafimaad ee Boston ee ugu dambaysay (2011), oo muujinaysa sida Roxbury loo barbardhigay guud ahaan Boston. Xogta qaar waxay lahaan ahmiyad gaar ah. Tusaale, Roxbury waxa aad ugu badnaa dadka deggen ee qaan-gaadhka ah ee dhiigkarka leh iyo sidoo kale tiro badan ee dadka qaan-gaadhka ah ee leh macan marka loo eego Boston guud ahaan. Sidoo kale, Roxbury waxay ka sarraysay boqolkiiba 38 heerka wadne xanuunka cusbitaalka la dhigo marka loo eego Boston.

Si kastaba, deggenayaasha Roxbury waxay la kulmaan natiijooyin la mid ah kuwa Boston guud ahaan meelahan soo socda: tirada dadka qaan-gaadhka leh cayil, kuwa sameeya hawlo jidheed oo joogto ah, iyo kuwa sigaarka cabba. Kalfadhiga Himilo Dejinta

Qaybta ugu muhiimsan ee kulanku waxa loo huray abuurista himilada caafimaad qabka Roxbury. Kaqaygalayaasha waxa loo qaybiyey shan kooxood oo yaryar, mid kastana uu hogaaminayo hawl fududeeye, waxayna ka xaajoodeen su’aalo isku taxan. Dhawr arrimood ayaa soo baxay guudmarka wada xaajoodkana waa kan hoose.

Sideed u qeexdaa bulsho caafimaad qabta?

Helista cunto rakhiis ah, oo caafimaad leh waxay u muuqatay arrin ay isku waafaqsan yihiin kooxaha oo

Dr. Nguyen, agaasimaha caafimaad ee BPHC, oo soo

bandhigaya xogta natiijada caafimaadka ee Roxbury

residents.

Hal koox oo yar oo sida wada jir ah u xasuus-maalaya

Page 5: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

4

dhan. Kaqaybgalayaashu waxay muujiyeen dane badan yeelashada ilo midho iyo khudaar daray ah, iyo haysashada doorashooyin kala duwan ee cuntada.

Badbaadada waxay inta badan u muuqanaysay arrin taasoo qeexaysa bulsho caafimaad qabta. Badbaadada waxa kujira sida arrimaha yeelashda iftiin waddo oo ku fulan, kaasoo sare u qaadaya in la lugeeyo, in laga aamin noqdo xadgudubka iyo daroogada, in la haysto hawo iyo biyo nadiif ah. Badbaadada waxa loo muujiyey qaab wada jira ee bey’adda, badbaadada muuqata, iyo dareemista badbaado.

Ixtiraamka/Aaminaaddu waxay ahayd arrin kale oo la isku waafaqay. Kaqaybgalayaashu waxay ku qeexeen ixtiraamka qaddarinta qofba qofka kale, sharaf ku yeelashada bulshada dhexdeeda iyo ka go’naan dhawrista bulshada. kaqaybgalayaashu sidoo kale waxay ka xaajoodeen sida ay muhiimka ugu yihiin jacaylka, aaminaadda, iyo yeelashada masuuliyad la wadaago caafimaadka iyo fayo qabka bulshada Roxbury guud ahaan.

Mashquulinta Bulshadu waxay usoo shaac baxay iyadoo ah arrin kale dhammaan kooxaha wada xaajoodka. Kaqaybgalayaashu waxay ku sharraxeen mashquulinta bulshada mulkiyad ku yeelashada bulshada dhexdeeda iyadoo laga warhaynayo laguna yeelanayo dane dadwayne oo firfircoon waxa ka dhacaya Roxbury.

Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta?

Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba qofka kale, gaar ahaan dadka waawayn, ay aad ugu muhiim tahay yeelashada xaafad caafimaad qabta.

Ahmiyadda qoyska iyo doorka qoysku ciyaaro taageerista habdhaqano caafimaad qaba iyo hawlo waxa loo qiray inay yihiin wax aad ugu muhiim ah sare u qaadista xaafad caafimaad qabta dhammaan kooxaha.

Page 6: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

5

Koox kastaa sidoo kale waxay u muujisay qiimaha wadaagga masuuliadda/xisaabtanka qaabab kala duwan. Tusaale, hal qof tan wuxuu u qeexay siinta “taageero qofba qofka kale si sare loogu qaado nadaafadda waddooyinka iyo deegaanka ku xeeran (gudaha iyo agagaarka guriga).” Wadaagidda masuuliyadda/xisaabtanka sidoo kale waxa lagu sharxay sida bulsho dib ula dagaalamaysa caddaalad-darrada. Sidoo kale, kaqaybgalayaashu waxay tusiyeen in shirkadaha iyo macaahiddu ay tahay in lagula xisaabtamo saamaynta ay ku leeyihiin bulshada ay dhex deggen yihiin.

Kaqaybgalayaashu waxay rumaysan yihiin in midnimo, taasoo kooxdu ku macnaysay is-aaminaad, dareen bulsho, iyo midnimo, dhammaan waxay u ahaayeen muhiim sare u qaadka xaafad caafimaad qabta. Kaqaybgalayaashu sidoo kale waxay tusiyeen sinnaan iyo u-dhannaansho inay yihiin kujirayaal lama-huraan u ah bulsho caafimaad qabta. Ugu dambayn, qiimayaasha kale ee kooxdu aqoonsatay waxa kujiray: nabadda iyo xasilaanshaha, wada-shaqaynta, daacadnimada, kala duwanaashaha, maskax furnaanshaha, dareenka waxgarad, wada xidhiidhka, fursadda, xoojinta, hoggaaminta iyo ka go’naanta.

Waa maxay noocyada khayraadka loo baahan yahay si loo abuuro xaafad caafimaad qabta?

Kaqaybgalayaashu guud ahaan waxay dareemeen baahiyaha aasaasiga ha sida: helista daryeel caafimaad oo fiican, oo rakhiis ah; cunto daray ah, caafimaad leh, oo la awoodi karo; shaqooyin leh mushahar lagu noolaan karo; guryeynta rakhiis ah oo badbaado leh; iyo waxbarasho tayo sare leh waa khayraadka lama-huraanka si loo abuuro xaafad caafimaad qabta.

Xubnaha bulshada dhalinyarta Roxbury oo

kaqaybgalaya wada xaajood kooxyar

Page 7: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

6

Adeegyada taageerada ee dhammaan noocyada sidoo kale waxay lagu sharxay lama-huraan ah si loo helo xaafad caafimaad qabta koox kasta oo kamid ah kooxaha yaryar. Adeegyada taageerada waxa kujiray urada caawinaya waalidka, dhalinyarta, iyo bixinta daryeelka caafimaadka. Kaqaybgalayaasha kale waxay taxeen caafimaadka maskaxda iyo/ama adeegyada daroogada, adeegyada kahortagga xadgudubka, iyo kuwa sare u qaada fayo qabka guud maadaama ay lama-huraan u tahay bulsho caafimaad qabta.

Khayraadka kale ee la isku raacay waxay ahaayeen kuwa sare u qaada madadaadlada iyo hawlaha madadaalada qoyska, sida garoon ciyaareedyada dadan, barxadaha cagaaran, xarumaha bulsho, kiniisadaha, laybareeriyada, tukaanada buugta, tiyaatarada aflaamta, maqaaxiyaha, wadiiqooyinka baaskiilka, iyo Hubway (gaadiid raac aan bay’adda waxba yeelayn)

Ugu dambayn, wacyiga iyo sawirka siyaasadeed (sida, codaynta) waxa loogu magacaabay sida khayraad lama-huraan si loogu abuuro xaafad caafimaad qabta. Kaqaygalayaashu waxay qireen inay muhiim tahay in la qaato wakhti lagu dhagaysto si loo waafajiyo arrimaha loogana war hayo fursadaha jira.

Ayaa ka masuul ah ku ilaalinta bulshada caafimaad qab?

Koox kasta waxay isku raacday in qofkasta ka masuul yahay caafimaadka bulshada. Tan waxa kujira deggenayaasha, shaqaalaha, iyo booqdayaasha, sidoo kale sharci sameeyayaasha kuwaasoo iyagu dejiya siyaasadaha bulshada saameeya, sharci dejiyayaasha iyo siyaasiyiinta deegaanka kuwaasoo matala bulshada, aqoonyahanada, qoysaska, dhalinyarta, ganacsadayaasha, ururada samafalka, mulkiilayaasha dhulka, kiniisadaha, iyo ururada kale ee diinta ku salaysan, xarumaha bulshada, wakaaladaha magaalada, diyaariyayaashaka dhismayaasha iyo/ama dhulka, iyo macaahidda gaarka ah ee bulshada dhexdeeda (sida, jaamacadaha iyo cusbitaalda). Kaqaybgalayaasha waxay aqoonsadeen in masuuliyadda abuurista iyo joogtaynta bulsho caafimaad qabta ay saaran tahay garbaha cid kasta.

Xidhitaanka

Kadib wada xaajoodka, koox kasta oo yar waxa loo xilsaaray abuuridda bayaanka himiladooda ee caafimaadka Roxbury. Koox kastaa waxa ay soosaartay bayaan aad looga fikiray oo ku dayasho fiican leh, taasi oo ay dabadeed wadaageen.

Koox yar oo kale oo ka shaqaynaya beegsiga himiladooda

oo ah Roxbury oo caafimaad qabta

Page 8: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

7

Waxa dhiirigalinayey bilaabe, kaasi oo la waydiiyay ka qaybgalayaasha inay ku dhawaaqaan “maxaad ku jeclaatay Roxbury?” Xidhiidhiye Myia Campbell si aan u kas ahayn waxa ay u abuurtay gabaygan hoose.

Roxbury 2012…

Marka qoraxda meesheeda u sarraysa gaadho

Halka ka sarraysa Tremont Street

At 1290, Tuuladu waa kulantay

Kaliya maya inay Hadlan, laakiin inay Dhagaystaan,

Bartaan, Hawlgaliyaan kursi walba…

Habari Gani

Waa maxay warku maalintan?

Dusha cunto ruux ah

Waxaanu gaadhnay RUUXDA ‘kooxnimada

Waxaan ugu yeedhnaa Roxbury…

Waddooyinka mugdiga ah

Suuragalnimadu waa Culays

Waliba siyaabo badan oon mar ahayn…

Waxaynu nahay Ilays!!!

Maro qurux badan ee

Farshaxanka-Waxbarashada-Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed-Dhaqanka

Ka hubi liiska Haley House

‘Nolosha Lafteeda ayaa Farshaxan ah’

Dib u soo noolaanshaha Ubaxa

Kasoo bilaw Franklin Park ilaa Dudley’s Urban Renewal

Macaahiddayada DIINTU

Iyo Ururada Bulshadu Leedahay

Waxay xoojiyaan xidhiidhada ~ Dhisaan buundooyinka

Dhisaan buundooyinka ~ Waxay xoojiyaan xidhiidhada

Qoraanso goobta markaad daawanayso XARUNTA dhexdeeda

Waxaanu caddaynaynaa:

‘Cunto, Guryeyn, Waxbarasho

Waa XUQUUQDA DADKA!!’

Page 9: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

8

Maya haddii – iyado ama laakiinyo…

Anagoo badan

Waxaanu ku ADAGNAHAY

Shiish saarka Himiladayada.

Hal Weedh

Waanu kusoo wada koobi karnaa

“Roxbury waa bulsho

Halkaas oo qofka kasta

Masuuliyad ka saaran tahay Caafimaadka

Iyo Fayo-Qabka Deggenayaasha.”

Waxaanu u haysanaa RUMAHAN inay yihiin qaar Is-caddaynaya

Gudbi Himilada

Talaabooyinka Xiga

Maalmihii ka dambeeyey kulanka bulshada, Roxbury Community Alliance for Health(RCAH) waxa ay dib u eegeen dhammaan himilooyinka lasoo ururiyay waxa ayna abuurtay bayaankan soo socda si ay u qabato nuxurka kulanka:

“Roxbury waa bulsho halkaas oo qofkastaa uu wadaago masuuliyada caafimaadka deggenayaashiisuna ay xaalad fiican ku sugan yihiin”

Himilada bayaankan, isla marka la helo jawaabta kale inta lagu guda jiro kulanka, waxa lagu dari doonaa wajiga labaad ee habka RCAH’s MAPP. RCAH waxa ay ku casuuntay dhammaan kuwa ku nool iyo kuwa ka shaqeeya Roxbury inay sii wadaan inay ku biiraan kulanadooda billaha ah si loo dhiso Roxbury caafimaad qabta! Nuqulo ah warbixintan iyo soo jeedinaha kulankan booqo: http://www.bphc.org ama kala xidhiidh Pam Jones, 617-534-7195 ama [email protected]. Macluumaad dheeri ah ama

inaad ku lug yeelato Roxbury Community Alliance for Health, kala xidhiidh Dumas Lafontant, Whittier Street Health Center, 617-989-3249 ama

[email protected].

Page 10: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

9

Lifaaqa 1

.

Qaab-dhismeedka

Cadaalada

Caafimaadka

Framework

Page 11: Warbixinta Kulan Arag ah - Boston Public Health Commission...Waa maxay qiyamyada bulsho ee sare u qaada xaafad caafimaad qabta? Kaqaybgalayaashu waxay sharraxeen in qaddarinta qofba

10

Lifaaqa 2 Qiimayno

Maxaad ka jeclaatay kulanka?

Doonista wayn si loo horumariyo caafmadka Roxbury – U doodid

Macluumaad aan rasmi ahayn

Shaqada kooxda - xoojin

Tartan aad u fiican

Aad u qosol badan caawimona leh

La hadalka dhalinyarta

Mashquulinta bulshada iyo xoojinta iyada oo loo marayo xidhiidhada iyo kor u qaadista wacyiga

Khudbadeeyayaasha iyo xogta

Qofkastaa uu xusuus maalayaa si wada jir ah

Ka qaybgal badan oo firfircoon

Kooxda shabakadda, kulanka

Soo jeedinta horumarinta kulanka

Wakhti badan oo la siiyo wada xaajoodka koox yar/hababka xusuus maalka si wax looga qabto xaaladaha

Soojeedin islaydh oo gaaban

Dad badan ayaa ku lug leh

Qaabaynta iyo isku xidhka himilo samaynta

Barxad balaadhan, si loo helo wada xaajoodyo badan oo la maqli karo

Faalooyin Kale

Awood saarida BPHC's ee sinnaanshaha iyo kahortagidda midab takoorku had iyo jeer waa mid fiican!

Qiimaynaha waa in la siiyaa qof kasta bilawga kulanka sidaa darteed kuwan hore u tagay way ka qayb qaadan.