Upload
vantruc
View
216
Download
0
Embed Size (px)
Citation preview
U noolaansha sida muslinka
Islaamku waa diinta ugu da,da yar diimaha aduunka.Qiyaasihii sannadkii 610 C.k(ciise kadib) ayaa Nabi Mohammad ku aasaasay diinta Islaamka magaalada mekka. Allah ayaa Maxamed ku soo dejiyey, sidii ay dadku u noolaanlahaayeen. Diinta Islaamku waa diinta labaad ee u weyn aduunka(ee ku xigta Kiristanka) waxana aaminsan dad ku dhow 1,7 milliarder (sandkii 2017). Qofka aaminsan diinta islaamka waxa layiraa muslin. U madda islaamka waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo waaweyn: sunni iyo shiica.
Islam Page 1
Quraanka
Quraanka (al-Qur'ān), waa buuga karaamaysan ee muslimiinta. Waxa u uka koobanyahay suuradihii ku soo dagay nabi Maxammad sanadadii u dhaxeeyay 610 kii ilaa 632 oo uu geeriyooday. Caqiidada islaamka, anshaxa iyo fiqigu waxa ku jiraan quraanka. Quraanku waxa uu ku qoranyahay luqadda carabiga.
Quraanku waxa uu ka koobanyahay 114 suuradood oo loo habeeyey in suuradaha dhaadheeri hor soo maraan kuwaa gaagaabana gadaal maraan, aan ka ahayn suuradda gaaban ee u horaysa oo muhiim u ah salaadda. Muslimiintu waa ay shumiyaan kitaabka quraanka ah inta aanay akhriyin ka hor. Marar badan ayaa la daabacay quraankaa kii ugu danbeeyay wuxu ahaa 1924kii
Aminsanaanta Islaamka:
1. Aaminaada Allah in uu keli yahay.
2. Aaminaada malaa,igta Ilaahay.
3. Aaminaadda kutubta Ilaahay.
4. Aminaadda Nabiyada Ilaahay.
5. Aaminaadda maalinta Qiyaame
Islam Page 2
Shanta Arkaanul-Islaam
Shanta Akaanul-Islaam-:
1. Ashahaada-
2. Salaadda
3. Sakada
4. Soonka
5. Xajka
ASHAHAADA
Ashahaadadu waa ereyga carabi ah oo macnaheedu yahay ”markhaati”. Waa qiritaanka ilaah iyo nabi Muhammed ee qofka muslinka ahi sameeyoi.
”Waxan qirayaa in Allah mooyee ilaah kale majiro, Muhammed na uu nibigiisa yahay.”
Islam Page 3
Tawxiidka ayaa ku qoran calanka Sacuudiga
Salaadda
Shan salaadood ayey muslimiintu tukadaan maalintii iyaga oo u jeedsanaya xagga kacbadu ku taal ee Makka.
1- Salaadda subax
2- Salaadda duhur
3- Salaadda casar
4- Salaadda maqrib
5- Salaadda Cishe
- Salaadda jimcaha
Kabacada (Mekka)
Islam Page 4
Salaadda jimcaha
Salaadda jimce waa salaad guud oo lagu tukado masaajidka waqtiga duhurka ah ee maalinta jimcaha, waan ku waajib qof kasta oo qaangaar ah. Salaada jimcuhu waa ay ka duwantahay sallada duhur ee la tukado maalmaha kale waayo khudbad ayaa waxa akhriya imaamka masaajidka, sidaa darteed ayaa jimcu muslimiinta u tahay maalin fasax ah.
Salaad la tukanayo
Sakada-
Islam Page 5
Sakadu waa nooc cahuur ah oo laga bixiyo raasamaalka uu qofku haysto. Muslimiinta oo dhan waa in ay bixiyaan sakada.
Lacagta waxa lagu daryeelaa dadka faqiirka ee aan haysan cunto,dhar, meel ay degaan ama deyn lagu leeyahay iyo kuwa xabsiyada ku jira.
Xajka
Muslimiintu waa in ay xajka tagaan hal mar inta ay noolyihiin. Waqti go, an ayaa la tagaa xajka oo ku beegan 70 casho kadib marka soonku dhamaado. Sanad kasta waxa xajka aada dad u dhexeeya seddex milyan ilaa afar milyan.
Soonka
Bisha la yiraa Ramadaan waa in muslimiinta qaan gaarka ah oo dhan ay soomaan. Taa micnaheedu waa waxna macuni karaan waxna ma cabi karaan laga bilaabo waaberiga ilaa qoraxdu ka dhcayso.
Maxay muslimiintu u soomaan?
Marka uu qofku sooman yahay waa in ka fogaado inuu wax cuno ama cabo, ula jeedadu maaha kali ah in u uka af xiraado cuntada iyo cabitaanka ee waa in uu iska xameeyaa danbiga, beenta iyo xaasidnimada. Qofku waa in uu isa soo dhisaa si uu qofka ugu
Islam Page 6
wanaagsan noqdo. Soonku wuxu muslimiinta ku dhiiri gelinyaa edaabta.Man
Marka laga soo tago faa,iidooyinka caafimaadka iyo rooxiga waxa kale oo soonku leeyahay dhinacyo dhaqan-bulsheed. Ka dheeraanshaha cuntada iyo cabitaanku waxa ay kordhisaa wacyiga saboolka. Saboolnimadu waa dhibaato weyn oo ka jirta wadamada dunida seddexaad, soonku waxa uu u yahay tujaarta toosiye xasuusiya in aan cuntada la qasaarin lana caawiyo kuwa aan nasiibku siin waxa aan haysanno.
Dugsi quraanka
Caruur badan oo muslimiin ah ayaa taga dusiyada quraanka si ay u bartaan quraanka kor. Ulajeedadu waa in la xifdiyo kitaabka quraanka oo dhan. Dugsi quraanku waxa uu ku xiranyahay masaajidka, waxan dhiga imaamka masaajidka ama macalin soo bartay dhigidda quraanka. Waxa caadi ah in ilmaha loo diro dusi quraan marka ay jiraan 4 ama 5 sanno. Idealet er å beherske hele korante
Nabi Muxammed:
Nabigii Alle ee ugu danbeeyey, (waa xaaraan in nabiga la musawiro) Waxa uu ku dhashay magaalada Makka sandkii 570 kii C.K. Nabiga aabihii waxa la oran jiray Cabdulla, hooyadiina waxa la oran jiray Aamina. Nabiga aabihii wuxa uu dhintay intii aanu dhalan ka hor, hooyadiina waxa ay dhimatay isaga oo 6 jir ah.
Nabi Maxammad waxa uu ku koray guriga adeerkii Abu Daalib. Waxa uu aqoon fiican u lahaa ganacsiga, waxana uu guursaday Khadiija markii uu noqday 25 jir. Sannad kasta waxa uu tagi jiray god ku yaal meel buur ah oo la yiraa (Xira) si uu degenaan u helo aanu si hoose uga fikero nolosha iyo aduunka. Halkaa ayuu waxyigu ugu soo dagey markii uu ahaa 40 jir, markii uu dadka u sheegay waxyiga waa ay ka horyimaadeen. Sidaa darteed ayuu u guuray magaalada Madiina sanadku markuu ahaa 622 C.K.(bilowgii taariikhda Hijrada) halkaa oo u uka helay dad badan oo taageera.
Nabi Maxammed waxa hoos yimid qaybo badan oo carabta ah, waxana uu ku guukaystay in uu mideeyo. Xaaskiisa Khadiija ayaa waxay ahayd qofkii ugu horeeyey ee muslima. Nabi Maxammed waxa ay u caawisay si kasta. Abubakar waxa uu ahaa saaxiib ku dhow Nabiga, waxaanu ka mid
Islam Page 7
ahaa dadkii ugu horeeyey e emuslima, waxaanu noqday Khaliifkii ugu horeeyey. Cali oo ahaa nabiga inaadeerkiis ayaa wuxuu ahaa cunugii ugu horeeyey e emuslima(wxaanu noqday khaliifkii ugu danbeeyey) ee ka danbeeyey Khaliif Cismaan)
Bisha iyo xidigtu waxa ay calaamad u yihiin Islaamka:
Islam Page 8