12
Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah (MMR the facts - Somali)

Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

  • Upload
    others

  • View
    12

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Tallaalka MMRxaqiiqooyinka dhabta ah

(MMR the facts - Somali)

Page 2: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR

• Barnaamijka tallaalka MMR waxaa waddanka Biritayn (Britain) laga billaabay 1988. Carruurta ku nool waddanka Maraykanka waxay xilligaasi qaadaan jireen tallaalka MMR

muddo ka badan 15 sano dhibaatana ma lahayn.

• Waxaa dhammaan dunida laga baxshay tallaal dhan ilaa

500 malyuun ee MMR lagana baxshay in ka badan 100

waddan.

• Ururka Caafimaadka Adduunka (World Health Organization)

waxay MMR ku tilmaameen ‘tusaale waxaa ah

waxtarkeeda’.

• Sanad ka hor inta aan waddanka UK laga soo saarin

tallaalka, carruur dhan 86,000 ayaa qaaday cudurka

jadeecada waxaana u dhintay 16 ilmood.

• Tallaalka ka hor, cudurka qaamo qanshiirka ayaa ahaa

xanuunka ugu caansan ee carruurta ay ka qaadaan

mananjaytiska (meningitis).

• Iyadoo ay sabab u tahay tallaalka MMR, waxaanu hadda u

dhow nahay dabargoynta xanuunka qaamo qanshiirka.

• Inta aan al soo saarin tallaalka MMR, xanuunka rubbeellada

dhibaato aad u ballaaran ayuu u geysan jirey carruurta aan

weli dhalan.

• Iyadoo ay sabab u tahay tallaalka MMR, hadda waxaa lagu

dhow yahay in la dabargooyo rubbeellada

• Waddanka UK weli kama uusan dhicin barnaamijka in keli

ahaan loo baxsho tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka

ama rubbeellada.

Jadeecooyin, qaamo-qashiiro, rubeela iyo talaal MMR (Measles, mumps, rubella and MMR vaccine)

Page 3: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Goor kasta waxaanu maqalnaa in tallaalka MMR uu la xiriiro xanuunka awtisimnka (autism), arrintaasi ma run baa?

Maya. Xaashidani ayey ku qoran tahay xaqiiqda.

Maxay tahay sababta MMR loogu sheegay in ay la xiriirto xanuunka awtisimka?

• Been abuurka (speculation) ku saabsan in tallaalka MMR uu keeno awtisimka waxay billaabatay 1998, goortaasi oo culimada sayniska ay soo saareen baaritaan ku sasabsanaa 12 ilmood oo qabay xanuunka awtisimka iyo xanuunka boowelka (bowel). Inkastoo culimadaasi ay sheegeen inn aysan jirin wax xiriir ah ee ka dhexeeya tallaalka MMR iyo xanuunka awtisimka, illaase dabacaaddaasi awgeed ayey dadka waxay u qaateen in ay jiraan wax xiriir ah.

• Tirada carruurta ee laga helo xanuunka awtisimka wuxuu ahaa mid sanad kasta kor usii kacayey ilaa muddo dheer. Dadka qaar baya u qaateen in kor u kiciddaasi ay keentay tallaalka MMR.

• Badanka waalidiinta haysta carruur qabo xanuunka awtisimka way ogsiin yihiin in carruurta aysan u muuqan carruur caadi ah goortii ay yaraayeen. Waa suurtagal in ilmaha qaar laga helo xanuunka marka ay soo weynaadaan. Awtisimka noocaasi ah oo loo yaqaano awtisimka fida ama faafa (regressive autism) wuxuu jiri jirey muddo badan ka hor inta aan la soo saarin tallaalka MMR.. Astaamaha awtisimka faafa waxaa la aqoonsan karaa goorta tallaalka hore ee MMR al siiyo. Waa arrin la fahmi karo haddii waalidiinta ay u qaataan in uu jiro xiriir ka dhexeeyo labada shey.

Sidee baan ku garan karaa haddii uu jiro xiriir?

• Haddii xiriir uu ka dhexeeyo tallaalka MMR iyo awtisimka, awtisimka faafa wuxuu carruurta qaadatay tallaalka MMR kaga badnaan lahaa kuwa aan qaadan tallaalka. Illaase arrinta sidaasi ma aha.

• Haddii tallaalka MMR uu keeno awtisimka, kor ayey u kici lahayd tirdada carruurta awtisimka kadib marka tallaalka laga soo saaray UK.Taasi ma aysan dhicin. Sidoo kale, hoos ayuu u dhici lahaa xanuunka goorta la joojiyo tallaalka MMR. Waddanka Jabbaan (Japan) taasi kama aysan dhicin kadib markii ay si gaar ah u isticmaaleen tallaalada jadeecada iyo rubbeellada ayna la socon tallaalka MMR.

• Baaritaan dheer oo ku saabsan xiriirka awtisimka iyo tallaalka MMR ayaa laga sameeyey waddamada Dhenmaak, Sweden, Findlan, USA iyo UK lgauna sameeyey carruur badan. Wax xiriir ah laguma arkin daraasaadkaasi.

• Khabiirro ka socda dunida, una ka mid yahay Uruurka Caafimaadka Adduunka (World Health Organization) waxay sheegeen in aysan jirin xiriir ka dhexeeya tallaalka MMR iyo xanuunka awtisimka.

Page 4: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Miyuu kor u kacay xanuunka awtisimka kadib markii la soo saaray tallaalka MMR?

Maya. Ma jiro waddan uu kor u kacay xanuunka awtisimka kadib markii la soo saaray tallaalka MMR. Tallaalka MMR waa la joojin lahaa haddii uu keenayo awtisimka.

Muxuu yahay cudurka keena awtisimka?

Xanuunka awtisaimka waxaa loo maleynayaa in uu ka yimaaddo waxyaabo kala duwan.caddeynta ilaa hadda la hayo oona la hubo waa midda la xiriirta asalka dhaxaltooyada (genetic link).

Saadaalintya in ilmaha uu ku qaado karo xanuunka awtisimka ma aha mid ka duwan haddii ilmaha uu qaato tallaalka uu ku jiro MMR ama tallaal keli ee ah jadeecada, qaamo qanshiirka ama rubbeellada ama uusan qaadan tallaal nooc kasta ha noqdee.

Dhamaan daraasaadyadii ugu dambeeyey waxay caddeeyeen in yasan jirin xiriir ka dhexeeya MMR iyo awtisimka. Way socotaa weli daraasaadka waxyaabaha keena.

Page 5: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Maxaan ilmaheyga loo siineynin hal tallaal?

• Dhammaan caddeyntu waxay tuseysaa in tallaalka MMR uu leeyahay waxtar uuna imahaaga ka badbaadin doonaa jadeecada, qaamo qanshiirka ama rubbeellada.

• Muddada u dhexeyso seddexda tallaal, carruurta kama badbaadi karaano xanuunada aan laga tallaalin. Sidaasi awgeedna, kor ayey u kici doonaa xanuunka jadeecada, qaamo qanshiirka iyo rubbeellada taasi oo sababi kartaa xanuun keeno dhimasho.Sidoo kale, carruuerta aanlaga tallaalin xanuunka wuxuu usii gudbin karaa carruurta kale ee halis ku ah xanuunka iyo haweenka uurka leh.

• Xulashada ama doorashada (choice) waa muhiim, illaase NHS ma bixin karto doorashada hal tallaalv ee caafimaadka carruurta halis gelin karo.

• Qof kasta ma dhammeysan doono lixda tallaal ee loo baahan yahay(tallaalka hore iyo midka xiga), carruurta qaar ayaan heli doonin ka badbaadinta xanuunka.

• Ururka Caafimaadka Adduunka wuxuu dadka kula taliyaa in aysan qaadan tallaal keli ah (separate vaccines) waayo waxtar uma laha carruurta. Ma jiro waddan adduunka ka tirsan oo dadka kula taliyo in ay seddex ama labo jeer gaar ukala qaataan tallaaladab jadeecada, qaamo qanshiirka iyo rubbeellada.

Maxay tahay sababta ilmaha seddex tallaal hal mar loo siinayo?

Ilmaha marka uu dhasho wuxuu leeyahay difaac jirkiisa ka celiyo jaarmiska (germs) uu la kulmo.Haddii difaaca aysan lahayn ilmaha, jirkooda ka yeelan karo difaaca uu isaga celin karo kumanaan bakteeriya iyo faraysyo ah eek u hareereysan jirka, sanka, cunaha iyo xiidmada. Difaacaasi ayaa imaha ka badbaadinaya xanuunada ilaa inta uu nool yahay.

Ilmaha sib waxtar lehb ayuu jirkiisa u xamili karaa haddii hal mar la siiyo tallaal dhan ilaa 10.000 (toban kun). Sidaasi awgeedna, difaaca ilmaha uu xamili karaa tallaalka MMR.

Page 6: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Cudurrada (The Diseases)

Jadeecoj (Measles)

Maxay tahay jadeecada?

Jadeecada waxaa keenaa fayras faafaa. Qofka ay ku dhacdo wuxuu dareemayaa xummad aad ah, nabarro iyo xanuun kale.Waxaa suurtowda in carruurta ay xanuunka u seexdaan ilaa shan maalmood, iskuulkana aysan aadin ilaa toban maalmood. Dadka waaweyn ayaa xnuunka jadeecada kaga daran carruurta.lama ogaan karo qofka si aad ah ugu bukaan doono jadeecada. Xanuunka jadeecada wuxuu 15kii ilmoodba ku dhacaa hal cunug. Xanuunka jadeecada waxaa ka mid ah infekshan ku dhaca xabadka, suxiid (fits), maskax barar (encephalitis) ama waxyeello maskaxda ku dhaca. Marka qaar jadeecada waa lo dhintaa.

Sidee bay jadeecada u faaftaa?

Jadeecadav waxay ka mid tahay xanuunada si dhaqso ah u faafa ee la yaqaano.Qufac ama hindhiso ayaa farayska meel fog gaarsiin karaa. Maaddaama ay jadeecadu faafto, aad bay u yar tahay fursadda uu ilmahaaga ka badbaadi karo haddii uusan lahayn tallaal.

Qaamo-qashiir (Mumps)

Muxuu yahay Qaamo qanshiirka?

Qaamo qanshiirka wuxuu ka dhashaa fayras keena xummad, madax xanuun, xanuuno kale, barar ku dhaca qanjirrada, wejiga, qoorta ama luqunta iyo gawsaha (jaws). Wuxuu keeni karaa dhego la’aan joogto ah, nooca manajeyrtiska ee loo yaqaano fayral (viral) iyo maskax barar.Inkastoo aysan ku badnayn, waxay xanuun barar leh ku riddaa xaniinyaha ee raga iypo ilmo galenka dumarka. Qaamo qanshiirka wuxuu qofka hayni karaa toddobo ilaa toban maalmood.

Sidee buu u faafaa?

Qaamo qanshiirka wuxuu u faafaa si la mid ah habka ay u faafto jadeecada. Waxaana loo kala qaadaa sida hergebka ama duriga oo kale.

Page 7: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Rubeela (Rubella)

Muxuu yahay cudurka rubeellada?

Rubbeellada (loo yaqaano jadeecada Jarmalka) waa cudur ka yimadda fayras. Sida badan marka carruurta uu ku dhaco aad looma dareemo waayo ma dhibaato badno.. Wuxuu leeyahay astaamaha nabarro yar yar oo markiiba baaba’a, qanjirrada qumanka oo barara iyo cunaha oo xajiin yeesha. Rubeellada aad buu halis u yahay haddii ku dhaco ilmaha caloosha ku jira ee aan weli dhalan. Waxyeello weyn ayuu u geysan karaa aragga, maqalka, wadnaha iyo maskaxda ilmaha weli aan dhalan.Hadii xanuunka rubbeellada uu ku dhaco ilmaha caloosha ku jira ee seddex bilood gaaray waxyeello weyn ayuu u geysan karaa sagaal ka mid ah tobankii carruurba. Xaaladdaasi waxaa loo yaqaanaa konjinaytal rubbeella sindhroom (CRS). Badanka haweenka uurka leh waxay xanuunka rubbeellada ka qaadi karaan carruurtooda ama saaxibbada.

Sidee buu u faafaa?

Rubbeella wuxuu u faafaa si la mid ah sida au u fidaan jadeecada ama qaamo qanshiirka. Waxaana loo kala qaadaa sida hergebka ama duriga oo kale.

Page 8: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Tallaalka (The vaccine)

Muxuu yahay tallaalka MMR?

Tallaalka MMR wuxuu ka kooban yahay fayrasyada jadeecada qaamo qanshiirka iyo rubbeellada oo la daciifiyey (weakened). Maaddaama fayraska uu yahay mid la daciifiyey, sida badan dadka uu ku dhaco xanuunka ma qaadsiin karaano dadka kale.

Sidee iyo goormaa baa tallaalka qofka la siin karaa?

• Tallaalka waxaa laga qaaddaa muruqa dhanka sare ee garabka.

• Waxaa la siiyaa ilmaha isla marka hal sano uu jirsado, taasi oo ku beegan xilliga uu baaba’o difaaca dabiiciga ee jirka ee ilmaha uu ku dhasho. Waxaa mar kale lam siiyaa marka ilmaha uu jirsado seddex ilaa shan sano.

Sidee bay tahay waxtarka tallaalka MMR?

Tallaalka MMR aad buu waxtar u leeyahay waxaana lagu guuleystay in uu ciribtirayo cudurka jadeecada ilaa xilligii la soo saaray ee 1988, waxaadna ku arki kartaa garaafka (graph) ee bogga kale.

Maxay tahay waxyeellada tallaalka uu leeyahay?

Seddexda fayras eek u jira tallaalka waxay jirka ku fidaan xilliyo kala duwan waxaana suurtowda in ay keenaan waxyeellada soo socota:

• Lix ilaa toban maalmood tallaalka kadib waxa suurtowda in carruurta qaar ay qabato xummad (tobanki cunugba waxay ku dhacdaa hal cunug). Qaar waxaa ka soo baxaa nabarro sida jadeecada oo kale ayna diidaan cuntada ila wakhti.

• 1000 cunug ee la tallaalo waxaa suurtowda in hal ay qabato xanuun sida suuxdinta oo kale ayna keento xummadda. Taasina waxaa loo yaqaanaa ‘febrayl konfaalshon’ (febrile convulsion). Si kastaba ha ahaatee, haddii ilmo aan la tallaalin uu ku dhaco xanuunka shan jeer ayey kaga halis badan yihiin kuwa kale in ay suuxdin ku dhacdo.

Page 9: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Ka hor inta aan la soo saarin tallaalka MMR ee 1988, waxaa si joogto ah u dillaaci jirey (epidemics) xanuunanada jadeecada, qaamo qanshiirka iyo rubbeelada.

Jadeecada (Measles)

Qaamo qanshiirka (Mumps)

Rubbeella (Rubella)

0

100

200

300

400

500

600

700

800

Tirada kiisaska la soo sheegay(kumanaan)

Tallaalka JadeecadaLa soo saaray 1968

1950

----

----

----

----

----

----

----

----

----

----

-

‘60 ‘70 ‘80 ‘90 2000 ‘03

----

----

----

----

----

----

----

----

----

----

-Tallaalka MMRLa soo saaray 1988

Tirada dadka ee 100,000 ee qofood

1967 ‘70 ‘73 ‘76 ‘94 ‘97 ‘03

Tallaalka MMRLa soo saaray

0

200

400

600

800

1000

1200

----

----

----

----

----

----

----

----

----

----

--

‘79 ‘82 ‘85 ‘88 ‘91 2000

Trada kiisaska ee haweenka uurka leh

1975 ‘78 ‘81 ‘93 ‘96 2003

Tallaalka MMR la soo saaray

0

200

400

600

800

1000

1200

----

----

----

----

----

----

----

----

----

----

----

----

----

--

‘84 ‘87 ‘90 ‘98

1400

1600

Page 10: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Xaaladaha ay keenaan cudurrada oo la barbardhigay kuwu uu keeno tallaalka

Xaalad

Istorook (convulsions)

Meninjajis ama ensifalitis

Xaalado raad ku yeelanaya dhiigga xinjirowgiisa

SSPE (ragaadin dhibaatooyin jadeeco sababa dhaawac maskax ama dhimasho)

Dhimashooyin

Carruur qaadaykaddib cudurkadabiiciga ah

Hal 200 walba

Hal 200 ama hal 5000 walba

Hal 3000 (rubeela)Hal 6000 (jadeeco)

Hal 8000 walba(carruurta ka yar labo)

Hal 2500 walba illaahal 5000 walba (ku xiran da’da)

Carruur qaaday kaddib goojada ugu horreysaee tallaalka MMR

Hal 1000 walba

In ka yar hal milaynkiiba

Hal 22,300 walba

0

0

• Sida badan carruurta ma yeeshaano astaanta sida qaamo qanshiirka (xummad iyo qanjirrada qumanka oo barara kuna dhaco seddex asbuuc tallaalka kadib.

• Carruurta kuma badno in ay yeeshaan nabarro yar oo kukuusan lix asbuuc tallaalka kadib.Tani waxaa keena tallaalka jadeecada ama rubbeellada. Haddaad nabarro noocaasi ku aragtid ilmahaaga u kaxee takhtarka si loo baaro.takhtarka wuxuu kuu sheegi doonaa habka mustaqbalka aad uga badbaadin lahayd middaasi.

• Halkii malyan ee ilmoodba in kar yar hal cunug ayuu ku dhacaa xanuunka ensafalitiska ama encephalitis (infekshan ku dhaca maskaxda) ee tallaalka MMR, lamina hayo wax caddeyn ah in xanuunkaasi uu ka yimaado tallaalka MMR.Si kastaba ha ahaatee, haddii ilmaha ay ku dhacdo jadeeco halista in uu ku dhaco ensafalitiska wuxxuu u dheeyaa midkiiba 200 ilaa midkiiba ee 5000.

Page 11: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Sidee baan ku ogaan karaa haddii ilmahayga ay xummad hayso?

Waxaa surtopwda tiro yar oo carruu in ay qabato xummad tallaalka kadib.Xummadda waa kuleyl jirka ka dhasha ee gaara ilaa 37.5 sentigereed. Haddii wejiga ilmahaaga uu aad u kulul yahay masrka la taabto, uuna midabkooda yara casaado waxaa suurtowad in xummad ay hayso.Heerkulka waxaad ku eegi kartaa cabbiraha kulka ee thamomeetarka.Xummadda waa u caadi carruurta. Sida badan xanuun weyn ma aha illaase waxa habboon in aad ogsoon tahay waxa aad sameyn kartid haddii ilmaha ay xummad qabato.

Sidee baan u daaweyn karaa xummadda?

Ilmahaaga ku qabooji:

• Ku hubso in uusan gashanayn dahr badan ama busteyaal; iyo

• Waxaad siisaa cabbitaan badan.

Waxaad siisaa daawada baarasitimoolka ama ibobrofen. Si wanaagsan u akhri faafaahinta daawada ee dhalada ku qoran, ilmahana sii qiyaasta saxda ee daawada ee da’dooda ku habboon.mar kale ayaad siin kartaa afar ilaa lix saacadood kadib.

Carruurta da’doodu ka yar tahay 16 sano, marnaba ha siinin daawada asbirinka.

Haddaad ka walaacsan tahay ilmahaaga, samee sida ay kuula muuqato kadibna la xiriir takhtarkaaga ama NHS Tooska (NHS Direct) ee telfoonka 0845 4647.

Sida ugu dhaqsaha badan takhtarkaaga ula xiriir haddii ilmahaagu:

• ay hayso xummad heer kulkeeda kor u dhaaftay 39 dhigrii sentigeret ama ka sii sare; ama

• uu suuxo.

Haddii bukaank eegtada takhtarkaaga ay xiran tahay aadna la xiriiri karin takhtarkaaga, waxaad tagtaa waaxda gargaarka degdegga ee isbitaalka.

Carruur qaaday kaddib goojada ugu horreysaee tallaalka MMR

Hal 1000 walba

In ka yar hal milaynkiiba

Hal 22,300 walba

0

0

Page 12: Tallaalka MMR xaqiiqooyinka dhabta ah MMR leaflet 2015.pdf · Halka waxaa ku qoran arrimo dhab ah ee ku saabsan tallaalada jadeecada, qaamo qanshiirka, rubbeellada iyo MMR • Barnaamijka

Miyey jiraan sababo awgood aan ilmaheyga loo tallaali Karin?

Waxaa jiraa carruur tiradooda aan badneyn ee aan la tallaali karin. Haddaad geftay tallaalka MMR ee ilmahaaga, waad heli kartaa ballan kale goorta aad doontid.

Aleerjiga iyo dhibaatooyinka kale

Ilmo kasta ee qabo astaamaha loo yaqaano anafaylaktig (nabarro ka soo baxo wejiga iyo jirka kale, afka iyo cunaha oo barara, dhibaatada neefsashada iyo naxdinta) waxyaabaha alerjiga ee ka yimaaddo ukunta ayaa keeni karaa tallaalka MMR. Haddii xaaladdu ay sidaasi tahay, u sheeg takhtarkaaga ama kalkaaliyadda (nurse) si ay kuugu diyarin tallaalka ilmahaaga.

Haddii ilmahaaga uu hore u qaaday alerjiga anafaylaktig kana qaaday tallaalka MMR ama haddii difaaca jirka (immune system) ee ilmahaaga uu daciifay (daaweynta xanuun weyn awgeed sida xubin laga beddelay ama daaweynta kaansarka), takhtarka ama kalkaaliyadda waa in ay talobixin ka raadsadaan takhtarka ilmaha ku takhsuusay.

Xaggee baan ka heli karaa akhbaarta?

Waxadaa kala hadli kartaa takhtarkaaga, fisitarka caafimaadka, kalkaaliyadda, wakiilka caafimaadka ama waxaad soo weci kartaa NHS Choices oo laga helo telefoonka 111 ama waxaad ka daalacan kartaa bogga intarneetka ee NHS Choices ee www.nhs.uk.