Upload
others
View
2
Download
0
Embed Size (px)
Citation preview
1
SANNADKAN SII GALBANAYA (2014): MILICSIGA DHACDOOYINKII MUDNAA
W/Q: Mufakkir Mohamed Abdirizak Said SAMIIk
03th December, 2014
Wargelin
Maqaalkan, akhriste, waxaan ku faaqidi doonaa idamka Allaah SWT dhacdooyinkii
waaweynaa ee madhaafaanka ahaa ee sanad kan gabaabsiga ee maalinta uun ka dhiman
tahay dhammaad keedu - *2014*. Walow dhammaantood aynan ku dhammayn haddana,
aniga kuwii ila mudnaa oon u arkayey inay xasaasi ahaayeen baan jeclahay inaan gorfeeyo
qaab dulmar ahaan; dhacdooyinku siday isugu xig-xigaan uma kala horeeyaan. Qoraalkani
wuxuu yahay maskax tuujin aan lahayn tixraac; taasoo maankayga aan fursad u siiyey
sanad kan sii baxaya wixii dhacay inuu soo xasuusto; dabadeed qaab ereyo ahaan u qoro.
Waydiin?
Qoraaga maqaalka (Mr. Samiik) ayaa is weydiinaya waydiin ah; maxaad ku
xasuusan kartaa sanad kan tegaya, sannad kee? De 2014. Waxaanna ku jawaabayaa
sidatan: “Waxyaallo badan ayaan ku xasuustaa, kama wada hadli karo laakiin murti
Soomaaliyeed oo qiime badan ayaa ahayd “Waxaadan wada sheegi karayn lagama wada
tago”. Kolkaa anigoo ku hal qabsanaya qaar kamida maahmaahyada Soomaalida sida:
“Aadmi la aragyaaba, dhib la arag” iyo “Waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhammaystaa”
waxaan leeyahay, waxaa jira dhacdooyin muhiima oo dalka ka dhacay – Jamhuuriyadda
Soomaaliya, wanaag iyo xumaan kay ahaataba, taasoo wali maankaygu iloobin oo xasuus
aad u badan aan u leeyahay. Sidaa darteed, maqaal kayga saddex bandi ayaan u qaybiyey.
Bandiga koowaad, waxaan kaga hadli doonaa dhacdooyin dhacay oo wali maan kayga ka
guuxaya. Bandiga labaad, qiimayn waxyaallo kala geddisan aan ku sameeyey ayuu ku
saabsan yahay. Iyo Bandiga saddexaad, labo qodob oo isku lammaan oo isla falgalaya ayuu
huwan yahay: sagootin sanad kan ina dhaafaya iyo soo dhoweyn sanad ka cusub.
2
Dhacdooyin Dhacay:
Dilkii Godane
Axmed Cabdi Aw Maxmuud * *, xarakaduna u taqaannay Abuu Zubayr
oo ahaa amiirkii dhaqdhaqaaqa dhallinyarta jihaadiyiinta Soomaaliyeed *Alshabaab* ayaa
lagu dilay weerar dhanka cirka ah taasoo diyaarado ay Maraykanku leeyihiin ku qaadeen
habeen Isniin ah, 01st September, 2014. Amiir Godane AUN wuxuu Soomaalida ka galay
dambiyo farabadan oo aysan si fudud u iloobi karayn sinnaba iyo marnaba. Laakiin, kolka
si dhaba loo qiimeenayo shaqsiyaddiisa, waxay u baahan tahay in dhinacyoy badan diirada
la saaro oo kolba si faallada loo geddiyo. Soomaalidu aad bay u soo dhoweysay geeridiisa
maadaamay u arkayeen shaqsi geystay xasuuq iyo xasarado badan oo tiro beel ah.
Doorashadii Puntland
08th January, 2014, deegaanka waqooyi bari *Puntland* waxaa ka dhacday oo si
caalamiya loo qaban qaabiyey doorashadii madaxtinnimada oo musharraxiin badan ay ku
tartamayeen. Waxaa isugu soo horay Madaxweynihii hore Faroole iyo Professor Gaas,
waxaana hal cod ku guulaystay oo sidaas madax ku noqday Madaxweyne Cabdiweli Cali
Gaas. Madaxweyne ku xigeenna waxaa ku guuleystay Cabdixakiin Cabdillaahi X. Cumar
Camay. Doorashadaasi waxay ku dhacday qaab nabad gelyo iyo ilbaxnimo siyaasadeed oo
la dhihi karo maadaama hal cod lagu kala baxay, waa bisayl siyaasadeed oo taariikhiya.
Abaartii Koonfurta
Gobolada koonfurta iyo bartamaha waxaa ka dhacdey abaar ku gaashaaman gaajo,
macluul iyo xaallad lagu tilmaami karo mid bani-aadannimo. Dadyow badan ayaa harraad
la’aan u dhintay, gaajo u geeryooday, xanuuno badan ay asiibeen, nafaqo darro haleeshay.
Bulshada Soomaaliyeed oo culimo iyo waxgarad leh, dowladda Soomaaliyeed iyo beesha
caalamka ayaa u gurmaday oo door fiican ka ciyaaray samata bixinta abaaraha. Waxaana
loo sameeyay barakacayaashii barnaamijyo badan oo lagu daryeelayo caafimaad kooda oo
waliba loogu abuurayey xirfadooyin ay ku shaqaysan karaan iyo guryo ay u hoydaan.
3
Waddada Ceerigaabo - Burco
Maamulka Somaliland wuxuu wakhti, feker iyo tamar u huray sidii loo dhisi lahaa
waddada u dhaxaysa labada magaalood, Ceerigaabo iyo Burco. Maamulkaas iyo bulshada
deegaankaas iyo waliba kan Soomaalida guud ahaan, waxay uruuriyeen qaadhaan badan si
jidkaas loo dhiso. Labada bulsho, bulshada Ceerigaabo iyo Burco aad iyo aad ayey u soo
dhoweeyeen, baahi iyo doonis badanna way u qabeen, haatanna, howsheedii wali maysan
dhammaan waana qabyo.
Dilkii Saado
23th July, 2014 waxaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu dilay shaqsiyad
caana oo Soomaalidu wada taqaannay. Fanaanaddii qaranka, xildhibaanad iyo Abwaanad
Saado Cali Warsame AUN, dilkeedii waxaa ka naxay oo tacsi ka diray dhammaan
bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Sirdoonka dowladda Soomaaliya ayaa ku
guulaystey inay gacanta kusoo dhigaan shabakad dhallinyaro oo 10 qof ka kooban, taasoo
dilalka qorshaysan loo isticmaali jiray sida: siyaasiyiinta, saraakisha iyo bulshada rayidka.
Waxeyna qirteen dilka fanaanadaas; walow dad ka qaar macluumadaas walaac badan iyo
welwel saamayn leh ka muujiyeen.
Galgala & Baraawe
Dowladda Soomaaliya waxey qaaday olole wayn oo ay doonaysey inay ku cidhib
tirto dhaqdhaqaaqa dhallinyarta jihaadiyiinta ee Soomaaliya *Alshabaab*. Barnaamijkaas
oo la magac baxay hawgalka badwaynta Hindiya waxaa lagu dilay tiro badan oo ururkaas
kamida, waxaana lagu qabsaday magaalooyin iyo deegaamo badan oo ay maammuli jireen
oo ay kamid tahay saldhigoodii ugu weynaa *Baraawe*. Dhabarjab iyo dhibaato wayn
ayaa loo geystay dhaqdhaqaaqaas. Dhanka kale, maamulka Puntland ayaa isaguna weerar
gaadmo ah ku qaaday haraadigii joogey buurraleyda *Galgala* oo ah saldhigga ugu weyn
ee deegaamada Puntland ururkaas ku leeyahay. Waxey ku dileen tiro tobanneeyo ciidan
waxey na la wareegeen gacan ku hayn ta deegaankaas si dhammaystiran. Soomaalida ayaa
aad u soo dhoweeyey labadaas hawlgal ee lagu cidhib tiriyey xagjiriinta Alshabaab.
4
Murankii Mooshinka
25th October, 2014 si lama filaana kolkuu Raysal wasaarihii hore Cabdiweli ugu
sameeyey wasiirada isku shaandhayn, waxaa bannaanka yimid khilaafka labada hoggaamiye
ee Madaxweyne Xasan Sh. Maxmuud iyo Raysal wasaarihiisii hore Cabdiweli Sh. Axmed.
Shirarkii hoose ee labada mudane ku xaajoonayeen kolkay fashilmeen oo nin walba si cad
ugu adkaystey go’aankiisii, xaalku wuxuu noqday in baarlamaanka laysla aado oo lagu kala
baxo, garabkii Madaxweynaha waxey baarlamaanka soo hordhigeen mooshin kalsoonida
lagala laabanayo xukuumadda; garabkii kalena waxey isku dayeen in mooshinkaasi socon
oo laga hortago maadaama laga tiro iyo lacag badnaa. Natiijadu waxey noqotay in saddex
fadhi baarlamaanku si caadiya mooshinka uga doodi waayey, kol kastoo la furo shirkana
xildhibaannadii xukuumadda taageersanaa fowdo iyo fadaro la yimaadaan. Firimbii weyn
intay soo gateen ayey ku dhex foodhiyeen madashii shirka, way ku dhex heeseen iyagoo
qaarna ku luuqeenayeen heesta astaanta qaranka, qaarna ku niikinayeen, qaarna laxanka
ay si fiican u saarayeen; waxey soo qaateen boodhadh waaweyn ay kusoo qorteen halku-
dhegyo. Gunaanadka, fadhigii afraad ayey xukuumadu ku dhacday.
Koonfur Galbeed
Kadib shirar kala ujeeddo ah oo ka socday magaalada Baydhaba oo qaarkood ay
doonayeen dowlad goboleed saddex gobol ah in la dhiso, qaarna lix gobol in la mideeyo.
Gunaanadkii, iyadoo wali muran iyo is qabqabsi jiro waxaa magaalada Baydhabo lays kugu
yimid shirweyne lagusoo gebagebaynayo maamulkii saddexda gobol, waxaana hoggaamiye
loo doortay Shariif Xasan Sh. Aadan oo Soomaalidu u taqaan *Shariif Sakiin*. Dowlada
ayaa siyaabo kala duwan oo is naqdinaya warbixin uga soo saartay maamulka Shariif, qaar
baa taageeray qaarna way diideen; waxeyna kusoo beegantay xilli murankii mooshinka uu
taagnaa oo siyaasaddu sabeenaysey oo xasarad adag ay taagneyd.
Socdaalladii Sh. Umal
Samaaxatul mufti, alcallaamah almufassir wal muxadith wal faqiih, muftis-Soomaal
Sh. Maxamed Cabdi Umal oo kamida culimada iyo ducaadda ugu weyn ee bulshadani
ku faanto ayaa rixlo dacwadeed ku maray saddex deegaan oo kala durugsan, kala baaxad
wayn. Deegaanka dowlad goboleedka Soomaalida ee Itoobiya, maamulka Somaliland iyo
maamulka Puntland, ayuu shiikhu cagtiisa ku soo maray magaalo-magaalo. Muxaadarooyin
iyo duruus badan ayuu jeediyey, bulshadu si weyn ayey u soo dhoweysay caalimkooda.
5
Xasuuqa SSC
15th October, 2007 soo gelitaankii Somaliland ee magaalada Laascaanood, ilaa iyo
iminka waxey deegaannada SSC ka wadaan arrimo kolka lays ku geeyo lagu tilmaami karo
inay yihiin xasuuq shacbiyeed oo aargoosi iyo falcelin sooyaal ka dambayso. 35 dagaal oo
kala geddisan ayaa lagu qaaday deegaamo ay ku noolyihiin dad birimagaydo iyo maxas u
badan, taasina waa gumaad iyo gardarro qaawan oo loo gaysanayo dad Soomaaliyeed oo
Muslimiin ah oo aysan jirin wax ay galabsadeen, aan ka ahayn midnimada Soomaali weyn
ay jecelyihiin, iyo geerida ay ka xigaan in la kala qaybiyo oo la kala dhantaalo. Arrinta SSC
ka taagan waa farriin ku socota cid walba oo damiir insaaniyad, diinta Islaamka & dhaqan
wanaagsan leh. Waa gumaad, waa xasuuq, waa gardaro, waxay Somaliland sameenayaan.
Buuggii Riddada
28th October, 2009 Professor Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil maqaal 63 bog ka
kooban ayuu ku faafiyey degelka Wardheernews.com, maqaalkaas wuxuu aad iyo aad
ugu gefay usuusha iyo arkaanta diinta islaamka, cinwaankiisa: Xadka Riddada Maxaa
Ka Run Ah? Dabadeed buug ayuu ka dhigay oo uu ku daah furay mid kamida hoolasha
hoteel kamida hoteelada magaalada Nayroobi, Keenya. Buugaas oo gaalnimo farabadan la
ciirciirayey oo faafinayey, Sh. Maxamed Cabdi Umal ayuu Allaah SWT ku hanuuniyey
inuu ka hortago oo naqdi adag buugaas ku sameeyo. Labo fadhi iyo hal muxaadaro ayuu
caalimkaas ka galay buugaas oo dhiig joojin ah; kadib na silsilad weyn oo muxaadarooyin
ah ayuu ka galay oo bulshada Soomaaliyeed aqoon iyo sooyaal badan ka dheefeen.
Dilkii Nafisa
Aqoonyahanad Soomaaliyeed oo wax ku soo baratay magaalada 23-kii sanno ee
dambe hoyga u ahayd kufsiga, dilka, xasuuqa, dulmiga, barakaca iyo waxyaalo kale haatan
wada dulmari karin, waxaan ujeedaa Muqdisho. Aqoonyahanad Nafiso Cismaan shufto ka
tirsan Alshabaab ayaa labo dembi isugu daray, inay gabadhnimaddeedii ku ciyaareen oo ay
kufsadeen; iyo in waalidkeed oo arkaya lagu hortoogtay, waxeyna ahayd shakhsiyad leh
aqoon iyo karti ay ugu adeegi lahayd bulshada Soomaaliyeed. Nafiso AUN dilkeedii raad
ayuu ku reebay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada iyo qorayaasha. Waxaan
ognahay kuwii dilay in dowladu soo qabqabatay oo ay dishay.
6
Qiimaynta Samiik
Ka qoraa ahaan, waxaa ii muuqda waxyaallo badan oo muhiima oon u arko inaan
carabaabo iyo inaan qiimeeyo labada ba iyadoo qiimeyntaas aniga ii gaar tahay; dhibaatana
kuma jirto haddii lay la aqbalo, waana soo dhoweynayaa.
Mareegtooyinka
Degelada loogu akhris ka badan yahay islamarkaana bulshada u soo gudbiya had
iyo jeer, maqaalo tayaysan oo leh aqoon, waayo-aragnimo iyo medadaalo, kaalinta
koowaad waxa ku jirta degalka Sabahionline.com, kaalinta labaad Somalitalk.com, kaalinta
seddexaad Wardheernews.com, kaalinta afraad Maskaxmaal.com, kaalinta shanaad ee u
dambaysa Weedhsan.com. Waxaanna ku qiimeeyey saddex mas-alo: qaybaha qoraallada
ay daabacaan sida: (Article, Essay & Story); tayadooda iyo tiradooda; iyo tirada qorayaal
ee degel walba khaas u leeyahay.
Kooxda Badbaado
Kooxda Badbaado, waa midow dhallinyaro oo sameeyey urur, si ay kaalin tooda
uga qaataan dadaalada lagu hormarinayo bulshada, lagu dhisayo caqliyadda iyo fahamka ay
weheliso kobcinta garaad ka; waa dhallinyaro aaminsan midnimada Soomaaliyeed oo had
iyo jeer ku qanacsan, waxey hindiseen qorshe ay kaga qayb qaadan karaan dadaaladaas ee
aan soo sheegnay. Kooxdani shaqada ugu weyn ee ay qabato ee bulshadu ku baratay ilaa
iyo maanta, waxey tahay: soo saarista muuqaallo isugu jira filimaan gaagaaban iyo dood
barnaamij yeed oo ay kaga doodayaan arrimaha muhiim ka ah ee baahida wayn loo qabo.
(Short Films & Talk shows). Kooxdani waa calaamad muujinaysa in dhallin caafimaad
qabta oo fahmi karta wacyiga fikreed iyo waayaha duruufeed ee bulshada ay ka tirsan
yihiin ay jirto, Waa kooxda ugu wanaagsan ee ilaa hadda aan arkay kolka shaqadooda la
qiimeeyo. Waxaana ku tilmaami karaa koox yool keedu u qeexan yahay oo talaabo walba
oo ay qaadaan u dhoweenayso hadaf kooda iyo hiigsigooda. Kooxo badan ayaa jira oo
dalka iyo qurbaha ka dhisan oo muuqaallo soo duuba, kooxda Badbaado waa kooxda aan
u gartay inay yihiin kooxdii sannad ka.
7
Buuggii Sanadka
Buugga: Qeex Yoolkaaga ee ay qortay Xamda Maxamed Xuseen wuxuu
ahaa buugii ugu qaalisanaa ee sanad kan aan akhriyo. Sanad kan waxaa soo baxay tiro aad
u badan oo buugaag ah; taasoo badan kood dhallinyaro ay qortay. Saasoo tahay, akhris &
dhuuxid balaadhan markaan ku suubiyey, buugii ugu cilmiga iyo xikmadda badnaa marka
la barbardhigo dhiggiis, wuxuu ahaa: Qeex Yoolkaaga. Sidaa darteed, waxaan u gartay
una aqoonsaday buuggaas, buuggii sanad ka.
Naadiga Qalinmaal
Iyadoo Soomaaliya seban kan ay ka jiraan naadiyaal badan oo qaarkood akhriska
ku kooban yihiin, qaarna qoraalka, qaarna akhriska iyo qoraalka oo wada jir ah. Naadiga
Qalinmaal waa naadi ku cusub saaxada oo dabayaaqadii sanad ka la yagleelay, saasoo ay
tahay, dadaal farabadan oo ay suubiyeen xubnihiisu waxey keentay in taageerayaal aad u
badan uu yeesho ayaamihii koobnaa ay jireen. Waxey leeyihiin maamul hormuud u ah iyo
hadaf iyo hiigsi ay rabaan inay xaqiijiyaan, waxey baraha bulshada sida Faysbuugga maanta
ay ku leeyihiin Page ku hadla magacooda, waxeyna haatan soo saaraan sheeko wadareed
iyo qoraallo cilmibaadhis, sheekooyin iyo maqaallo u badan. Silsilada Maanhadal waa
silsiladdii ugu horreysey oo sheeko fanneed ah oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay bilaabaan
islamarkaana kaga hadlaan dhacdooyin ka dhaca Soomaaliya. Naadiga Qalinmaal markaan
qiimeeyey waxaan u gartay inay yihiin naadigii sannad ka.
Jilaagii Sannadka
Waxaa jira shakhsiyaad badan oo jilayaal ah, kuwaasoo medadaaliya dadyow aad u
badan. Sidaa owgeed. Jilayaashan qaar na waa kuwo madaxbannaan oo keligood fagaaraha
yimaada, qaar na kooxyo ayey ku jiraan ama si wadajir ah bay u soo saaraan barnaamijyo
ay ku medadaalinayaan bulshada. Jilaaga reer Jabbuuti Cabdirashiid Nuur oo Soomaalidu
u taqaanno (shoodhahaygii) ayaan u aqoon saday jilaagii sannad ka.
8
Qoraaggii Sannadka
Maanmaal Buureed Gurxan waa qoraa Soomaaliyeed, gaar ahaan waa qoraa
degel, wuxuuna daadiheeyaa maqaallo taxane ah oo dhowr iyo toban kor u dhaafay oo
uu kaga hadlo aragti runtii ceeb dhammaanteen inagu ahayd haddii aan laga hadlin, waxey
na tahay: Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman, oo uu kaga hadlayey aragti
bidhaaminaysa in halabuuradii Soomaaliyeed aysan dhiman oo wali nool yihiin qaar aan ka
dhicin raggii hore dhinaca maansada, xeerar keeda, anshaxeeda, tirinteeda, ujeeddadeeda
iyo farshaxannimadeeda. Wuxuuna xoogga saaraa ka hadal ka suugaanta ay curiyaan qaar
kamida halabuurada sebenkan bulshada Soomaaliyeed u maansooda iyo ujeeddada cusub
ee suugaantooda. Qoraa Maanmaal waxaan u aqoonsaday qoraaggii sannad ka.
Sagootin & Soo dhoweyn
Waxaan qaybtii hore kaga soo hadlay dhacdooyin kii ugu waaweynaa ee aan ku
xasuusan doono Sannad kan sii dhammaanaya ee ay ka hadhsan tahay hal maalin * 2014*.
Sidoo kale, qaybta labaad waxaan kaga soo hadlay qiimayn aan ku sameeyey waxyaabo
kala geddisan. Qaybtan, waxaan kaga hadli doonaa idamka Allaah SWT, inaan akhristaha
xasuusiyo qaar kamida qoraalladaydii sannadan; inaan sagootiyo sannad kan sii godlanaya;
iyo inaan soo dhoweeyo sannad ka cusub *2015*.
Intaanan u gelin qaybta saddexaad ee maqaal keena, waxaan jeclaystay akhristaha
inaan la wadaago, saaxiib kaygii ugu qaalisanaa ee sanad kan. Abwaan & Qoraa Maxamed
Cabdicasiis Maxamed (Bootaan), wuxuu ka mid yahay shakhsiyaad kii sanad kan tagaya
aan is baranay. Hubaashii, qiimayn aan ku suubiyey asxaabtii sanad kan aan is baranay oo
si fiican isku fahamnay; Bootaan ayaan u gartay inuu yahay saaxiib kaygii sanad ka.
Aniga ka qoraa ahaan markaan ka sheekeenayo qoraalladayda oo akhristaha
(adigu) aanan kuu sheegayn arrimahayga gaar ka ah ee noloshayda, waxaan ku
tilmaami karaa in sanad kan yahay sannad kaygii. Waxaan sannadkan qoray in ka badan 30
maqaallo oo ka kala hadlaya godad kala duwan dhinacyada aqoonta, waayo-aragnimada
iyo macluumaad ka. Ugu horrayn, sannad kani waa sannad kii aan samaystay hannaan
qoraaleed aniga ii gaar ah (Writing Style) oon kaga duwannahay qorayaasha kale. Waa
sannad kii aan labo qodob u dejiyey qoraalladayda oo ah: (1) Inay tayo lahaadaan (2) Iyo
inay tiro lahaadaan. Waa sannad kii aan daraasadeeyey in ka badan 56 buug oo Af keena
hooyo ku qoran; 90 buug oo Afaf kale ku qoran iyo ugu dambeyntii 685 maqaallo iyo
qormooyin iyo sheekooyin isugu jira oo afaf badan lagu qoray.
9
Inta badan waxaan isku dayaa inaan qorin qoraal haddaanan sameenin saddex
shay oon u bixiyey (Aas-aas ka Qoraalladay da), waxay na kala yihiin: (Baadhitaan in
aan sameeyo ka hor qoraalka; inaan sameeyo qorshaha qoraalka; iyo inaan qiimeeyo inta
aan daabicin (Research, Plannning & Evaluation). Waxaan inta badan wax ka qoraa
afar xuddun oo kala ah: Arrimaha Bulshada, siyaasadda, diinta iyo sheekooyin ka. Sidoo
kale, qaybaha qoraalladayda hadda waa afar: qoraal u qoran qaab qormo ah (Essay); mid
u qoran qaab maqaal ah (Article); curinta sheeko fanneed (Fiction Stories), iyo in aan
sameeyo cilmibaadhis iyo daraasadooyin ii gaara oo badan kood aan daabicin, wixii aan u
arko muhiimad inay leeyihiinna bulshada qaab maqaal ahaan aan ugu soo koobo markaas.
Qoraalladii loogu akhris ka badnaa looguna dareen celinta badnaa ee sanad kan
aan qoray waxaa kamida: maqaallo taxane-yayaal ahaa oo ka koob naa ilaa afar qaybood
oo cinwaan koodu ahaa (Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida Guurka); maqaal isna
aragtida furriin ka aan kaga hadlayey oo cinwaan kiisu ahaa (Sababaha Keena Furriin
ka Lammaanayaasha); maqaal aan kaga hadlayey aragtida siigada oo cinwaan kiisu uu
ahaa (Xaqiiqada Siigada: Faa’iidadeeda Iyo Faa’iido Darradeeda); maqaal aan ka
ga hadlayey aragtida jimicsiga oo cinwaan kiisu ahaa (Ruuxaan Jimicsan Waa Buug
Aan Jaldiyeysnayn); qormo aan kaga hadlayey is barbardhig doodeed oo ku saabsan
labada cilmi iyo labada shaqsi: Dhakhtar iyo Dhaqaalle yahan, cinwaan kuna wuxuu ahaa
(Dood Cilmiyeysan: Caafimaad ka Iyo Dhaqaallaha).
Maqaallo aan kaga hadlayey siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilligii mooshinka
RW Cabdiweli oo cinwaan nadoodu ahaayeen (Garaad Ku Hadduu Shaqayn Waayo
Gumeysigaa Shaqayn), (Ragna Dowladaa Ka Duntay Ragna Way U Duntay)
iyo (Siyaasiga Soomaaliyeed: Suuro Xumaa Oo Seeflabood Sanaa). Baxthi aan
ku radiyey buuggii Xadka Riddada ee Professor Cabdi Saciid Ismaaciil oo cinwaan kiisu
ahaa (Aragtida Mufakkir Samiik: Doodda Buugga Riddada). Sheeko aan ku daah
furay Silsiladda Maanhadal oo cinwaan keedu ahaa (Ladan Waxay U Dhaxaysaa
Niyad Jab Iyo Rajo Beel), sheeko jacayl oo malo-awaal ahayd oo cinwaan keedu ahaa
(Qaadirkaa Qadaray Qaladkuu Qalbigaygu Ka Qoomameeyay). Maqaal aragti
bulshada wareerisay oo Roomaansi la dhaho aan kaga hadlayey oo cinwaan kiisu ahaa
(Raggoo Fadeexooba Waa Dumarkoo Fadeexooba), maqaal aan kusoo koobayey
cilmibaadhis aan ku sameeyey jaamacadaha dalkeenna oo cinwaan kiisu ahaa (Kororka
Tirada Jaamacadaha Soomaaliya: Dheef Iyo Dhibaato), iyo daraasad qiime lahayd
oo aan ku sameeyey aragti jirta oo cinwaan kiisu ahaa (Dhaqanxumada Gabooye Iyo
Hayb Takoorida Qaldan Ee Soomaalida). Kuwani waa qayb kamida qoraalladaydii
sanad kan tagaya aan qoray, kuwoodii loogu dareen celinta badnaa.
10
Sanad kan waxaan ku sagootinayaa in aynu Soomaali ahaan daraasadeeno dhib iyo
dheef kuu lahaa iyo kala badnaan shahooda. Qof walba oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku
ah in sanad kan dhammaanaya uu naftiisa xisaabiyo, wuxuu helay oo faa’iido ah, wuxuu la
kulmay oo dhibaatooyin iyo loollan ah, wuxuu kharaabiyey oo faa’iido darro ah, wuxuu
helay oo aqoon ah, xikmad ah, murti ah, waayo-aragnimo ah, fikrad ah, aragti ah, falsafad
ah. Allaah SWT waxaan ka baryayaa in dhammaanteen dambiyadii sanad kaas oo dhan
aan falnay inuu naga cafiyo, inuu ceebaheena asturo, xumaan teenna wanaag u beddelo, in
dadkii dhintay uu qabiriga u waasiciyo, u nuuriyo, xisaabta u fudeydiyo, jannadana xisaab
la’aan ku geliyo, kuwii dhaawacmay iyo kuwa jiran ba in caafimaad degdega siiyo, kuwa
xabsiyada ku jira ee dulmiga la nool inuu u gargaaro, kuwa hadaf iyo hiigsi ay tooganayaan
leh inuu caawiyo oo yool kooda u fudeydiyo, kuwa nolosha ka dhacay inuu tareen ka dib
ugu soo celiyo, in culimadeenna iyo hoggaan keenna wanaajiyo. Aamiin
Sanad kan soo socda waxaan ku soo dhoweynayaa in Allaah SWT aan ka baryo in
dheef badan naga siiyo, dhibaatadiisa naga ilaaliyo, in Soomaali wayn isku timaado oo ay
heshiiyaan oo ay midoobaan, in tirada tahriibayaasha uu yareeyo, in dalkayaga iyo dad
kayaga na jecleysiyo, in iimaan iyo muslinnimo nagu dilo, inuu diinteenna na jeclaysiiyo oo
noo sakhiro barasheeda, fahamkeeda iyo dhaqangelin teeda. Aamiin. Waxaan baaq u
dirayaa dhammaan dhallinyarta sharafta leh, waa inay nu kawada shaqaynaa sidii dalkeenu
iyo dadkeenu u hormari lahaayeen, inta awoodda qalin ka leh, inta maansoyahannada ah,
inta aqoonyahannada iyo awoodaha kale leh, waa inaan iska kaashano sidii barnaamijyo
iyo waxqabadyo bulshadeenna aan uga faa’ideenayno ugu soo bandhigi lahayn, waa inaan
iska kaashano soo celinta iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed, xoojinta qarannimada
iyo madaxbannaanida dalkeenna, iyo kor u qaadista tayada akhriska iyo qoraalka.
Sanadkii Cusbaa Ee Ayaamahanoo dhan Sugaynayow
Samaan Baanu Kaa Filaynaa Iyo Sooyaal Loo Bogo e’
Sanawaadooyin Baan Ku Soo Dhaafnay Silac & Baas e’
Subxaanka Ayaan Ka Magan Gelaynaa Suuradaada Xun e’
Soo Dhawaw Sannadkii Cusbaa Ee Bulshadu Sugaysayoo
= SAMIIK
Gunaanadka: Waxaan bulshada Soomaaliyeed sanad kan tagaya iyagana
kaga tagayaa gabaygii magaciisu ahaa Alle Tuug oo 1974 tiriyey Abwaan
Macallim Dhoodaan AUN, kol kuu arkay xaalka Soomaalida siduu yahay.
11
Boqoroow Allahayoow adaa baaqiyoo jira e
bari iyo adaanay Galbeed kula balaadhnayne
sawaariikhda adigaan ka baqin oo iska soo baxa e
adaanay bir orod dheer ku helin amase baabuure
baylood cirkaa mari adaan buur ka hoos gEline
adigaa wixii aad burburin berina joogayne
baryadayda ii yeel adaan kuu bandhigayaaye.
Barashada cilmiga diinta baan baafiyaa waliye
mas'aladi la baadhoo dhan baan baal ka taagnahaye
in aad diinta ii badiso baan kaa baryahayaaye
Nin waliba bilaadiisa wuu barako maalaaye
baradaydi gaal baa fadhiya buuran tabarteeye
man badheedhi karo ninkaa baaqsadaan ahaye
inaad iga bixisaan raboon kaa baryahayaaye
12
Boqollaal rag oo wada fadhiya badhaha suugyaasha
oo turubka baandhayn hayoo adigu ii baaq leh
oon baabka waysiyo salaad boqonta maydhaynin
bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye
ummad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye??
Bangi lacaga geel badan rag loo adhigu uu buuxo
ooy baahi haynoo lo'dii bowdka miranayso
oo aan bakhaylnimo sakada barina dhiibaynin
bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye
ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye
Xerow aan billowgii cilmiga baran kitaabkiisa
oo imaamyadii wada billaa belo ku sheegaaya
isaguna inuu baastar yahay baabka lagu sheegye
barqankaa inaad bi'isid baan kaa baryahayaaye
13
Barbaar aan cibaadada alliyo boqor addeecaynin
oo baarka siinaay kalkeer bal u budlaynaaya??
oo buuri nuugoo ilkaha dabarku uu buuxshay
inay bohosha naar galahayaan baabka lagu sheegye
dhallin aan ibliis bi'inin baan kaa baryahayaaye
Bogga kale haweenkiyo haddaan baal kale u leexdo
iyadoon Billaaahiyo islaan nimo ku buuraanin
asturkii kolkii laga baxey sii burburiyeene
waxay baratamaayaan kob aad uga ba'aysaaye
boggaa qaawan bowdada cad iyo naaska badhidiisa
barta xaluska kaga taala iyo bari dabkii gaadhay
adoon baadhin baad heli kartaa booska uu yahaye
hablo badanka soo wada qarshaan kaa baryahayaaye
Beeshii haddii aan wada maroon baal walba u eegay
biyo lagu rogyaa iyo Jibriil baalka mariyaaba
in halaag kusoo beegan yahay baabka lagu sheegye
bulsho kheyrka wada raadisaan kaa baryahayaaye
Aammiin
14
W/Q: Mufakkir Mohamed Abdirizak Said “SAMIIK”
Independent Researcher
Facebook Account:
https://www.facebook.com/Samiik10
Facebook Page:
https://www.facebook.com/pages/Mufakkir-Mohamed-
Samiik/543082142505150?ref=bookmarks
Personal Blog:
http://samiik.wordpress.com/