Upload
others
View
16
Download
0
Embed Size (px)
Citation preview
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
1
GORFAYN: Buugga Wabar/ II Principe | Niccolò
Machiavelli
W/Q: Samatar Abshir Maxamed
Hordhac
Buuggan waxaa qoray Nikoolaay Mikyaafilli oo ahaa xeeldheere Talyaaniya ah, waxa uu
dhashay sannadkii 1469-kii. Qoyskoodu waxaa uu ahaa mid danyar ah. Waxa uu Nikoolaay
ahaa qoraa iyo faylasuuf aragti leh. Buuggan waxa afka Soomaaliga u turjumay Jacfar
Suldaan Yuusuf. Buugga waxa la qoray xilliyadii uu maamulka kaniisaddu faraha adag ku
hayay reer Yurub. Waxa qoraagu buuggan u hadyeeyay boqorkii ka talin jiray waagaa
magaaladiisii Falooransa oo la odhan jiray Looranso De Miyadiishi-ga weyn sida ku cad
hordhaca buugga. Sida oo kale, waxaa ku xusan hordhaca buugga in ay kali-taliyayaashii
taariikhda ugu waaweynaa ay adeegsan jireen aragtiyaha uu buuggu xambaarsan yahay sida:
Moosalliini oo ahaa hoggaamiyihii faashistihii Talyaaniga isaga oo adeegsaday buugan xilligii
uu jamacadda ka qalin jabinaayay.
Waxa kale oo ka mid ahaa, Hitler oo ahaa hoggaamiyihii kali-taliska ee Naasigii Jarmalka,
waxa la sheegaa in uu habeen kasta marka uu sii seexanayo uu akhrisan jiray. Taasi waxay
kuu caddaynaysaa in uu buuggani aragtiyaha ku qoran ay saamayn weyn ku yeesheen ama
ku leeyihiin nolosha aadamaha adduunkan ku uumman. Sababtaasi awgeed aad bay muhiim
u noqonaysaa in u qofkasta uu akhriyo buugan, si uu waayo badan wax uga ogaado, uguna
baraarugsanaado afkaaro badan oo illaa joogtadan, dadyowga qaarna u dulmanyihiin,
dadyow kalena wax ku gumaystaan. Si taas la mid ah arrimaha Jacfar (Turjumuhu) ku
dhiirriyay inuu buugga af celiyo ayaa iyaguna ah kuwo qof kasta oo awooda ku riixi lahaa in
uu kaalintan buuxiyo buugana turjumi lahaa “….arirmaha igu dhiirriyay in aan buugan af-
Soomaali u rogo waxaa ka mid ah”:
1. In uu buuggani xanbaarsan yahay siyaasad mug leh oo ruux kasta oo ka il sugtaa uu
aqoon siyaasadeed oo xeeldheer ka dhaxlo.
2. In kala gaynta ummadda Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaalida ay ka
danbayso mid ka mid ah aragtiyaha uu buuggani xanbaarsan yahay oo ah: ‘qaybi oo
xukun’.
3. In laga dhadhansanayo fahanka siyaasadda maanta adduunka faraha ba’an ku haysa,
ruuxa u daymo badiyaana uu siyaadda waayahan la jaan qaadi karo.
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
2
Sida oo kale saddexdan arrimood laftooda ayaa ah iyaguna kuwo qof kasta ku
hoggaaminaaya in uu buugan akhriskiisa uu doorbido. Waxa iyaduna bogaadin mudan oo
soo jiidashana leh, sda uu turjumaha buuggu uu u xushay erayga ‘WABAR’ si uu turjumid ugu
noqdo magaca asalka ah ee uu buugu ku soo baxay, waana mid aad u qurux badan oo runtii
qof kasta oo akhriya siyaabaha uu Jacfar u doorbiday eraygan iyo aragtiyaha uu cuskaday
judhaasba waxan filayaa in uu bogaadinaayo dookha iyo doorista eraygan. Intaasi haddii aan
uga nimaadno hordhac kooban oon kaga hadlaynay buugga, qoraaga iyo bogaadinta
dedaalka turjumaha, bal aanu gudo galno nuxurka buugga. Habka uu u qoran yahay waa
cutubyo. Waxa uuna ka kooban yahay 162 bog iyo 26 cutub, oo uu mid waliba kaga hadlaayo
aragti cusub iyo weliba tusaalayaasheedii.
Cutubka Koowaad: Noocyada Maamulada iyo Habka Loo Dhiso
Waxa uu ku bilaabmayaa cutubkani qaybaha maamulka, ama dowladuhu ay u kala qaybsan
yihiin, waxaanu qoraagu u qaybinayaa labo: Boqortooyo iyo Jamhuuriyad. Boqortooyada
ayuu u sii kala saarayaa boqortooyo soo jireena oo muddo dheer soo talinaysay iyo
boqortooyo dhawaan dhalada, ama bilow ah. Tan danbe ayuu haddana labo u sii kala
jabinayaa waxana uu ka dhigayaa; boqortooyo cusub oo dhawaan la abuuray iyo dhul cusub
oo boqor kale xoog ku qabsaday, kuna darsaday dhulkiisii. Mid kasta iyo nuuc kasta oo
boqortooyinkaasi kor ku xusnaa waxa uu ka bixanayaa tusaale iyo tilmaan sooyaalka ku jirtay
marka aad akhridana waxa aad ogaanaysaa in uu jaad kaste oo u qaybiyay tahay mid
jirtay/jirta.
Cutubka Labaad: Boqortooyada Dhaxaltooyada ah
Cutubkan waxa uu kaga hadlayaa hababka loo maamuli karo boqortooyada dhaxalka ah, sida
kursiga uu ugu nagaan karo boqorka wax dhaxlay, iyo siyaabaha uu u hanan karo
boqortooyadaas. Waxaana uu halkan ku gudbinayaa waxyaabaha looga baahan yahay in uu
sameeyo boqorka dhawaan-galka ah ee boqortooyo ama maamul ku helay dhaxaltooyo.
Sida oo kale, waxa uu qoraagu taladiisa iyo aragtidiisa ku xardhayaa dhacdooyin horey u
dhacay oo marag u noqonaya muhiimadda ay leedahay taladiisu. Qof kasta oo maamul, ama
boqortooyo dhaxalsuge u ahina haddii u akhristo buuggan waxa la filan karaa in uu ka
guntan karo sahay uu wax badan ku baylaha tiran doono/karo.
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
3
Cutubka Saddexaad: Boqortooyada Isku Jirta
Cutubkani waa mid ka mid ah kuwa ugu baaxada weyn ee buugga ku jira. Waxaana uu kaga
hadlayaa laba nuuc oo boqortooyo ah iyo sida ay tahay in loo maamulo, loolana macaamilo;
tan koowaad waa boqortooyo dhawaan dhalad ah, sida samaysanka boqotooyo ka timid
goballo ka go’ay boqortooyo ay horay uga tirsanaayeen. Waxa uu halkan ku xusayaa in looga
baahan yahay boqortooyada nuucan ah feejignaan iyo ka fiirsasho dheeriya si ayna horey u
kala daadanin, oo ay cidhibtoodu u noqon kud ka guur oo qanjo u guur. Waayo? Waxa ay
boqortooyada nuucani ka soo bilaabantay kacdoon iyo gadood ay shacabka gobolladaasi
kaga soo xuubsiibteen boqortooyadii hore iyo boqorkoodii.
Boqortooyada labaad ee uu qaybtan kaga hadlay waxa weeyi, boqorka xoog ku qabsada
dhul cusub iyo sidii uu ula dhaqmi lahaa, waxa ay tahay in uu sameeyo iyo waxa mudan in uu
ka fogaado, si uu dhulkaas cusub uu boqortooyadiisa uga dhaadhicin lahaa, isla markaana
muddada uu rabo u sii ahaan lahaa boqor dhulkaas maamula. Waxa uu qoraagu sheegayaa in
ay adagtahay maamulidda dhulka cusub ee la qabsadaa, si kasta oo uu boqorku caddaalad u
sameeyo, si kasta oo uu u cuud, ciidan iyo cudud badanyahay, haddaanu hanan
laabxaadhnaanta bulshada. Waxaa uu u kala qaadayaa dhulka la qabsaday labo: dhulka uu
boqorku qabsaday mid uu ku noolyahay dad ay Ab ama isir wadaagaan iyo mida ay ku
dhaqan yihiin bulsho ayna boqorka ab iyo isir toona wadaagin. Labada jeerba waxa boqorka,
ama cidkasta oo qabsatay waxa laga rabo iyo tab kasta oo ku hoggaaminaysa in uu si dhibyar
ku qaato dhulkaas ayaa aad cutubkan ugu tagaysaa.
Waxa boggaga cutubkan ku jira oo qoraagu ku nuuxnuuxsaday dhabo kasta oo loo maamuli
karo bulsho nuucan ah, isla markaana loogu xajin karo hoosta cagta cid kasta oo qabsata
isaga oo tusaalayaal iyo dhacdooyin dhacay oo sooyaalka ku jira hadba dhinac kaa tusaya.
Qofka buuggan akhriya isla markaana u dhugmo yeesha qaybtan/cutubkan waxaa uu isku
qancin karaa inuu buugan yahay raadraaca ugu badan ee laga soo dheegtay siyaadsad kasta
oo dhul la qabsaday lagu gumaysto, ama lagu maamulo.
Cutubka Afaraad: Boqortooyadii Daariyoos Ka Dib Geeridii Aleksandar
Qaybtan waxa uu qoraagu kaga jawaabayaa wayddiin imanaysa ka dib markii uu cutubkii
hore kaga hadlay sida ay u adagtahay in dhayal lagu maamulo dhul cusub oo duullaan lagu
qabsaday, wuxuuna u dhigay sidan: “Ka dib markii aan soo falanqeeyay dhibaatooyinka soo
wajaha boqor furtay gobol hor leh ayaan is waydiiyay su’aal ay ka fekeri karaan dadka taaganta
uga shidaal-qaata eegmada tagtada oo ah: sidee ayay ugu suurtogashay boqor Aleksandar-ka
weyn in uu ku qabsado qaaradda Eeshiya (Asia) oo dhan muddo kooban? Sidee bay ugu
suurtogashay madaxdii isaga ka danbaysay in ay gacanta ku sii hayaan gobolladii uu furtay
isaga oo wax yar ka dib geeriyooday?”
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
4
Waxa uu is dul taagayaa siyaabaha u suuragaliyay qabsashada dhulka intaas le’eg iyo
kusiinagaanshiyaha raggii ka danbeeyay Aleksandar. Waxa uu sii raacinayaa tusaaleyaal,
dhacdooyin iyo maamullo kale isaga oo soo qaadanaya boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo
boqortooyadii Faransiiska, isla markaana markhaatiyo uga dhigaya labo aragtiyood/hab oo
loo maamulo boqortooyada. Intaas marka aad laqimato waxa uu si waafiya kuu dul
joojinayaa warcelinta wayddiinta uu ku bilaabay cutubka ee kor ku xusan. Haddii aad buuga
sii akhrididna waxaad si qotodheer u ogaanaysaa doorarka taariikheed ee boqortooyinkaasi.
Cutubka Shanaad: Habka Lagu Dhaqo Gobollada Furashada Horteed
Madaxabannaanaa
Waxa ay qaybtani ka hadlaysaa tabaha loo maamulo goobaha furashada ka hor xorta ahaa,
waxaana uu qoraagu qaybtan kusoo bandhigayaa talooyin ku aaddan siyaabaha loola
dhaqmayo, ama lagu dhaqayo dadka nuucan ah, sida:
1. In uu boqorku burburiyo gobolka oo uu dhismihiisa dhulka la simo, kadibna uu
maamulkiisa ka duldhiso burburkii maamulkii hore.
2. In uu dago gobolka uu furtay dadkiisana la jabad wadaago.
3. In uu gobolka siiyo xorriyaddiisa siyaasadeed iyo gooni-isu-taagga gudaha ah
(Federal), balse waa in uu dusha ka saaro cashuur sannadle ah, gobolkana kaga soo
tago koox u illaalisa jiritaanka maamulkiisa inta uu ka maqan yahay, shaqadooduna
tahay in ay ka dhaadhiciyaan baahida ay u qabaan cududka boqorka iyo ilaalintiisa.
Wax kale oo aad qaybtan ku arkaysaa tusaaleyaan badan oo marag iyo markhaatiba u ah mid
kasta oo ka mida saddexdaas tabood.
Cutubka Lixaad: Gobollada uu Boqorku Cududdiisa Ku Qabsaday
Qaybtan waxa uu iyana qoraagu kaga hadlayaa boqorrada ku hantay dhulka ay ku
qaybsadeen kartidooda, cududdooda, geesinimadooda, iwm. Waxa uu sifaynayaa
dabeecadda iyo wax kasta oo looga baahanyahay boqorka raba in uu kartidiisa maamul ku
hanto, isaga oo inna horkeenaaya boqorradii ku hantay cududdooda, kartidooda iyo sida oo
kale waxyaabihii u fududeeyay in ay halkaas gaadhaan sidaasna ku hantaan xukunka. Waxa
uu inoo keenayaa sooyaalkii dhawr boqor iyo Nebiyo oo aad ka dhadhansan kartid in lagu
hanan karo boqornimo, ama darajo maamul karti, geesinmo iyo cududba leh.
Waxaana ka mida: Nabi Muuse (C.S) oo uu inoo tibaaxaayo dhaqamadii suubbanaa ee uu
lahaa. “Qoorash” oo ahaa boqorkii aasaasay boqortooyadii ballaadhnayd ee FAARIS,
“Romeles” oo ahaa boqorkii yagleelay boqortooyadii ballaadhnayd ee “ROOMA” iyo
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
5
“Taysis” oo ahaa boqor ka mid ah boqorradii Giriiga. Cidkasta oo qaybtan dhaayaha saarta
waxay ka marakacaysaa sida karti loogu hanan karo kursi iyo boqornimada, iyo tabaha ay
marayeen raggii hore ee sidaas sameeyay.
Cutubka Toddobaad: Gobollada Lagu Hanto Cududda Cid Kale ama
Nasiibwanaag
Qaybtii hore waxa uu kaga hadlay boqornimada lagu hanto dedaal, cudud iyo karti.
Qaybtanna waxa uu kaga hadlayaa boqorrada, ama dadka ku gaadha kursiga nasiibwanaag,
ama taageero cid amma shay kale. Waxa uu tilmaamayaa in ay gaadhista nuucani shiddo
badan lahayn, ilaa inta uu boqorku gaadhayo kursiga, balse ay u yaallaan jidgooyooyin
farabadani hanashada kursiga ka dib. Waxa uu qoraagu si hufan u qaadaa dhigayaa sooyaallo
farabadan iyo siyaabihii ay u dhaceen oo ku saabsan mawduucan. Waxa uu soo qaadanayaa
sooyaalkii ragg ay ka mid yihiin Faransisko Safoorsa iyo Siisar Boorjiyo oo midna xilka ku
gaadhay karti iyo garaadkiisa, ka kalena nasiibwanaag. Sida cutub kastaba sooyaal iyo
taariikho farabadan uga muuqdaan ayay kanna uga buuxaan sooyaal iyo dhacdooyin
markaati u ah mawduucan. Waxa aad ka guntanaysaa talooyin fara badan iyo dhacdooyin
kaa caawinaaya suuragalnimada talooyinkaas iyo in ay jireen cid samaysay, xilli la sameeyay
iyo goob ay ka suurogaleen.
Cutubka Siddeedaad: Ruuxa Ku Hantay Xilka Tab iyo Xeel
Haddii qaybtii hore ay ka hadlaysay xilka sida loogu hanto, ama xilka lagu hantay karti iyo
nasiibwanaag, qaybtan waxa uu qoraagu kaga hadlayaa hannaan kale oo lagu gaadhi karo
xilka; in uu qofku ku hanto kursiga maamulka xeel iyo farsamo. Waxaa uu soo bandhigayaa
tusaaleyaal uu qoraagu ka bixinaayo in kursiga lagu gaadhi karo tabtan, waxana uu soo
qaadanayaa oo uu si faahfaahsana ugu soo bandhigayaa buugga dhexdiisa;
1. Agatoko, oo ahaa nin ka soo jeeday dadyawga la yaso ee reer Saqliya, ka dib markii uu
ciidanka si fudud ugu biiray, jeerkaasna uu darajooyin kala duwan ka gaadhay ilaa uu
gaadhay hoggaaminta ugu sarreysa ee Saragoosa isaga oo adeegsanayaa tabtan.
2. Oleferto De Formo, waxa uu ahaa agoon waxaana soo gacan qabtay abtigii oo ka
danbeeyay darajo kasta oo uu gaadhay ka dab, isaga oo adeegsanaya tabtan
khiyaanada ah ayaa uu noqday xataa mid birta ka asla kii soo koriyay gaadhista,
kursigana u sii mara.
Akhrinta buuggan guud ahaan waxa aad kala soo dhex baxaysaa siyaasado farabadan oo aad
islahayn way dhacayaan kuwaasi oo ilaa maanta laysku dhagro. Labadaas nin sooyaalkooda
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
6
haddii aad milicsato waxay kugu baraarujinayaan xanuunka iyo halista khiyaanada iyo weliba
in lagu hanan/hantay kursiga tab iyo xeel.
Cutubka Sagaalaad: Maamulka Rayidka ah
Cutubkan waxa uu qoraagu ku lafagurayaa maamulka ku yimaadda doonista dadweynaha
kaasi oo u bixiyay “Maamulka rayidka ah”. Qofka habkan ku yimaaddaa waa uu ka duwan
yahay kuwii hore ee ku yimid xoogga, ama khiyaanada oo isagu waxa uu ku yimid rabitaanka
shacabka. Waxa uu tilmaamayaa tabtan qofka ku yimaaddaa in uu kursiga ku fuulo
ayaankiisa, ama gacanqabashada dadka magaca iyo maamuuska ku leh bulshada dhexdeeda.
Waxaa uu sidii hore oo kale inoo tusaalaynayaa dhacdooyinka ku jira sooyaalka ee la
xidhiidha habkan. Waxa ugu weynayd ee qaybtan ugu tagaysid baa ah, sida ugu habboon ee
loo ilaalin karo/ u ilaalin karo boqorku maamulka ku yimid danaynta shacabka si uu u noqdo
mid sii waara.
Cutubka Tobnaad: Sidee Loo Qiimeeyaa Awoodda Boqortooyada?
Cutubkan waxaa uu kaga hadlayaa qoraagu sida loo qiimeeyo awoodda boqortooyo, gaar
ahaan marka ay waayuhu ku adkaadaan ee uu cidhiidhyoonyahay wakthigu. Waxaa uu ku
soo qaadanayaa buugga laba qiimaynood oo uu ku qiimaynayo awoodda boqorka; in
boqorku uu awoodo in uu iska caabiyo cadawga, saga oo ku kalsoon cududdiisa ciidan iyo
cuudka maagaalooyinka, in uu yahay mid awooddiisu sarrayso iyo in uu boqorku taageero
tabaayo haddii uu xilliga adag uu dhufaysyada galo oo uuna cadawga weerar iyo iska cabin
uula tagayn. Haddii aad sii akhrido cutubkan waxa aad arkaysaa sida uu u lafaguraaayo
qodobadan khaasatan ka danbe, isaga oo markasta markhaati sooyaal indhaha kuu saaraaya.
Cutubka Kow iyo Tobnaad: Gobollada Kaniisaddu Ka Taliso
Waxa uu cutubkan kaga hadlayaa qoraagu maamullada diiniga ah iyaga sida lagu hanto.waxa
uuna yidhi: “Waxaa lagu hanta maamulladan: karti iyo dedaal, ama lamafilaan iyo nasiib.”
Waxa uu sheegayaa in hanashada kadib ay ilaaliniisu dedaal iyo karti toona u baahnayn.
Waayo? Jiritaanka maamulkan ayaa waxa uu salka ku hayaa dhaqamo, caadooyin iyo xeerar
soojireen ah kuwaasi oo awood u leh in ay ilaaliyaan kursiga. Ka-hadalka maamulka
kaniisadda ka sakow waxa uu kaga hadlayaa cutubkan sida ay ku timid awoodda kaniisaddu
iyo xilliga ay timid. Waxana uu ku lafagurayaa sida uu awoodda u siiyay kaniisadda
aleskandarkii lixaad, isaga oo sooyaalkaa si waafiya uga sheekaynaaya.
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
7
Cutubka Laba iyo Tobnaad: Qaybaha Dagaalyahannada iyo Calooshood-u-
shaqaystayaasha
Sida uu sheegayo qoraagu qaybtan waxa uu kaga hadlayaa ciidamada la soo kiraysto kuwaas
oo uu ku sheegay calooshooda u shaqaystayaal. Waxa uu qaybtan si kaa qiiraysiinaysa uu
uga hadlayaa hagardaamada ay leedahay in ay boqortooyada, ama dawladda ay ilaaliyaan
ciidamo shisheeye. Waxa uu si hufan u soo bandhigayaa sida uu halista ugu yahay markasta
jiritaanka boqortooyada/dawladda soo kiraysatay ciidanka shisheeye. Waxa uu inagu
baraarujinayaa sida ay markasta isku hallayn u lahayn in ay kuu waardiyeeyaan ciidamo
shisheeyo. Waayo? Iyaga waxa ugu weyn ee ay kuu ilaalinayaani ma aha in aad adiga iyo
maamulkaagu nabad ku ladaan ee waa iyaga dantooda kaliya.
“ ….Boqorka soo kiraysta ciidamo, werwer iyo walbahaar ayuu kursiga ku saarnaanayaa oo
waa ciidan kala daadsan oo iyagu dano gaar ah leh, ballan iyo isku hallayn ma leh, saaxiibbada
hortooda geesinimo ayay ku muujiyaan, kolka cadawga la ishaleelana fulaynimo ayaa ka soo
ifbaxda, Ilaahay kama cabsadaan, aadamena ballan uma xeeriyaan, qofka iyaga isku
halleeyanna waxa aad ugu bishaaraysaa guuldarro, isaga iyo guuldarradaas waxaa u dhexeeya
gedgeddoonka waayaha, ha dheeraado ama ha dhawaado e.” Cutubkan iyo mawduucani qof
kasta oo akhriyaa waxa uu ku baraarugayaa hagardaamada ay leedahay in masuuliyada
nabadgalyo ee dhul, ama waddan loo xilsaaro ciidamo shisheeye oo aan u dhalan. Waxa uu
qoraagu ku siinayaa tusaaleyaal nool oo kuu caddaynaya halisaha ciidamada shisheeye. Sida
uu qoraagu sheegaayo, si kasta oo aad u ammaaintid calooshooda u
shaqaystayaasha/ciidamada shisheeyaha, marnaba kama shaqaynayaan in ay adiga libin kuu
soo hooyaan ama ku ilaaliyaan, laakiin waxay ka shaqaynayaan oo ay ku dedaalayaan sida ay
magacooda kor ugu qaadi lahaayeen.
Cutubka Saddex iyo Tobnaad: Ciidamada Dhaladka ah, Kuwa Xulufada ah iyo
Kuwa Kaalmada ah
Cutubkan waxa uu kaga hadlayaa qoraagu halista ay leeyihiin ciidamada kaalmada ah,
waxaana uu ku doodayaa in ay iyaguna leeyihiin halis u dhow, ama ka badan halista uu
leeyahay colka la soo kiraystay. Waxaana uu ku talinayaa in iyagana laga fogaado
adeegsigooda si looga gaashaanto cidhibxumada ay ka tagaan ciidamada nuucan ahi. Docda
kale, waxa uu aad u boorrinayaa in mar kasta hoggaamiyuhu uu ilaaladiisa iyo ta
boqortooyadiisa ama jamhuuriyadda u adeegsado ciidan dhalad ah, kuwaasi oo nafta u huri
doona sidii uu boqorkaasi u guulaysan lahaa. Waxa ayna ka ilaalinayaan guluf kasta oo
colaadeed. Sidii uu mararkii hore aragtidiisa ugu boorrinayay markhaatiyada sooyaalka, ayuu
jeerkana dhinacyo badan kaa tusayaa taariikh xoojinaysa aragtida uu mawduucani
xambaarsan yahay.
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
8
Cutubka Afar iyo Tobnaad: Xilka Boqorka Ka Saaran Ciidanka Qalabka Sida
Qaybtan waxa uu kaga hadlayaa ahmiyadda ay leedahay in uu boqorku ahmiyadda ugu
muhiimsan siiyo barashada tabaha dagaalka, warqabka iyo quwaynta ugu waynna ku bixiyo
dhisidda ciidan xoogbadan, kuwaas oo sahli doona in uu boqorku noqdo mid ku kalsoon
jiritaanka taladiisa. Waxa uu qoraaga tilmaamayaa in uu boqor kasta uu ka fikiro hababka
dagaalka xilliga nabadda, had iyo jeerna uu ciidankiisa tababbaro isaguna uu si qotodheer u
kala barto dhulkiisa si ay ugu saamaxdo in uu ku kalsoonaado dhulkiisa xilliyada colaadaha.
Waayo? Waxa uu bartay dhulkiisa meelaha ugu muhiimsan iyo meelaha ay tahay in ahmiyad
gooniya la siiyo si uuna cadowgu uga soo gudbin.
Waxa aad buugga ugu tagaysaa tusaaleyaal taariikheed iyo ragg badan oo ku badhaadhay
tabtan ku baraarugsanaanta quwaynta ciidanka iyo barashada habkasta oo dagaal, xilli kasta
gaar ahaan xilliga xasiloonnaanta. Waxa uu ku soo gabagabaynayaa in uu boqor kasta uu
barto sooyaalka raggii waaweynaa ee ka horreeyay si uu ugu daydo kuwooda geesiyiinta ah,
ugana fogaado kuwooda fashilmay.
Cutubka Shan iyo Tobnaad: Dhaqamada Lagu Ammaano Madaxda ama Lagu
Dhalliilo
Qaybtan waxa uu ku soo qaadanayaa dabeecadda uu yeelan karo boqorka xun iyo waliba ka
suubbaniba. Waxa uu is barbardhigayaa xumaanaha iyo samaanaha uu boqor yeelan karo. Ka
bacdina waxa uu ku talinayaa qoraagu in ay waajib ku tahay boqorkasta in uu sama kasta oo
badhaadhe ku hoggaaminaya uu qabatimo, halka uu ka fogaanaayo shay kasta oo
wanaagsan, balse samayntiisu ay lafdhuun gashay ku noqonayso jiridda danihiisa. Sida oo
kale waxa uu boqor kasta ku boorrinayaa in uu ka gaashaanto xumo kasta oo ku
hogaaminaya fashil, dumin kara danihiisa, si taas liddi ku ah waxaa uu ku talinayaa in uu
boqorku uu ku dhiirrado samaynta xumo kasta oo isaga nagaashiyo iyo badhaadhe u
siyaadinaaya.
Cutubka Lix iyo Tobnaad: Deeqsinimada iyo Dhabcaalnimada
Waxa uu ku bilaabayaa cutubkan in ay wanaagsan tahay in uu yeesho boqorku astaan
deeqsinimo. Waayo? Waa markhaati madoon in ay tahay ammaanta loogu jecel yahay. Marka
aad akhrinta sii wadid waxa uu doc kale kaa tusayaa halista ay leedahay in uu boqorku noqdo
deeqsi, waxaana uu inoo sheegayaa in deeqsinimada oo sii dheeraataa ay boqorka ku
hoggaaminayso hayn la’aan, ama hayn yaraan taasi oo ku khasbaysa in uu shacabka hanti ka
raadiyo, kuna soo rogo canshuur badan taasi oo dhalin doonta in uu rayidku karho boqorka
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
9
una arkaan mid culays ku haya, ka dibna ay ka dhalan karto kacdoon shacab oo boqorka
lagaga soo horjeedo.
Waxa uu is barbardhigayaa dhabcaalnimada iyo deeqsinimada, waxa uuna kula talinayaa in
uu boqorku ku adkaysto dhabcaalnimada ama gacan-adaygga, isaga oo sheegaya in ay keliya
leedahay ceeb iyo cay, balse ay boqorka ka saacidi doonto in uu dadkiisa wax badan u qabto
isaga oon cashuur saarayn. Waxa uu cutubka uu ku soo gabagabaynayaa “In uu boqorku iisho
dhinaca dhabcaalnimada. Waayo? Gacan-adayggu ceeb ayuu kuu soo hooyaa, se ciil iyo cadho
shacab kuuma soo duwo! Isaga ayaana ka roon in lagugu tibaaxo damaaci horseeda kala
irdhood iyo caloolxumo mahadho ah!”
Cutubka Toddoba iyo Tobnaad: Kakanaanta Iyo Dhibirsanaanta Midkee u Roon
in Lagu Gacloodo Wabarka iyo in Lagaga Luga Duwado.
Qaybtan waxa uu isku barbar dhigayaa kakanaanta iyo dhibirsanaanta, waxa aanu sheegaya
sida ay adeegsigoodu ugu kala mudan yihiin. Waxa uu boqorka ku boorrinayaa in uu
doorbido kakanaanta taasi oo keensan karta in uu shacabku midoobaayo. Waxa uu boqorka
uga digayaa ku talax-tegidda dhibirsanaanta oo u horseedi karta in aan laga haybaysan, balse
taa beddelkeeda lagu dhiirrado in la hawaysto xilkiisa. Waxa uu soo qaadanayaa sooyaal kala
duwan oo uu cuskanayo is barbardhigga kakanaanta iyo dabacsanaanta, waxaana uu kaa
dhex tusayaa kala door roonaantooda. Waxa uu dulucda cutubka ku soo gabagabaynayaa
“Dadku rabitaankooda ayay wax ku jeclaadaan waxna ku nacaan, se boqorka waxa ay kaga
haybadaystaan isaga rabitaankiisa, wabarka indheergaradka ahna waxaa la gudboon in uu isku
halleeyo karaankiisa ee aanu isku hallayn karaanka cid kale, waxa kaliya ee ay tahay in uu ka
raadgataana waa ka dhawrsiga naca rayidkiisa!”.
Cutubka Siddeed iyo Tobnaad: Sidee Ayay Madaxdu u Oofiyaan Ballamaha?
Cutubkani waxa uu kaga hadlayaa ballamaha in la oofiyo iyo in laga baxo midka ugu sahlan
ee uu boqorku ku sii joogi karo jagadiisa, waxa uu is barbardhigayaa boqorradii ballanta
oofin jirey iyo kuwa aan oofin kuwii lib badnaa. Waxa uu soo qaadanayaa cutubkan dhexdiisa
laba hab oo dagaal; midka u dhexeeya aadamaha oo uu ku sheegay “Hindise xeer ku
salaysan” ka habar-dugaag u dhexeeya oo uu isagana ku sheegay “Hindise xoog ku salaysan”.
Waxa uu boqorka ku boorrinayaa in ay lagama maarmaan tahay in uu barto labadan hindise
dagaal, si uu u noqdo mid xeelado badan dadkiisana ku haysan kara xeeladahaas. Waxa uu
xoojinayaa in uu boqorku samaha aan lib iyo liibaantoona u lahayn isaga tago, oo uuna ku
khasbanayn in uu oofiyo ballamaha. Waayo? Aadamaha ayaa uu ku sheegay in ay yihiin kuwo
isgedgedis badan. Waxa uu ku dhiirrinayaa boqorka isaga oo aan laga dareemayn in ay
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
10
daruuri tahay in uu ballamaha qaado, isla markaasna iska dhaafo oofintooda. Waxa uu soo
qaadanayaa dhawr boqor oo ballamaha si isku liddi ah ku ahaa waxana uu ku tusayaa siday u
kala guulo badnaayeen.
Cutubka Sagaal iyo Tobnaad: Ka Dhawrsanida Yasitaanka iyo Naca Rayidka
Cutubkan waxa uu isagana kaga hadlayaa ahmiyadda ay leedahay in laga dheeraado nac iyo
xumaan boqorka u gasha laabaha rayidka, taasi beddelkeedana waxa uu ku dheeraanayaa
faa’iidooyinka badan ee ay leedahay kasbashada jecaylka bulshadu iyo sida ay u tahay waxa
uu ugu wayn ee uu boqor isku halayn karo. Waxa uu u sheegayaa waxyaabaha ay bulshadu
ku nacdo boqorkeeda sida: “Damacxumadiisa, dhaca hantidooda iyo qafaalashada
hablahooda.” Waxa uu ku baraarujinayaa boqorkasta in waxa kaliya ee uu cabsida kacdoon
gudaha ah iyo colaad, iyo weliba duulaanka shisheeyaba uu kaga gaashaaman karo ay tahay
in uu kasbado jecaylka bulshada iyo in ay gacloodaan rayidkiisu. Waxa uu tusaalayaal buuxa
uu kasoo qaadanayaa sooyaalka boqorro kala duwan iyo sida ay ugu nasteen, cadowkastena
uga guulaysteen marka ay hanteen rayidkoodii iyo kuwa kale oo iska indho tiray kasbashada
shacabka ka dibna ku danbeeyay cidhibxumo.
Cutubka Labaatanaad: Dhibaatooyinka iyo Dheefaha Dhufaysyada
Waxa uu cutubkan kaga hadlayaa dhufaysku waxa uu yahay, xilliga uu faa’iido leeyahay iyo
goorta uuna wax tar lahayn. Waxa uu ku bilaabayaa ahmiyadda ay leedahay in la hubeeyo
shacabka iyo khasaaraha ka dhasha shacabka in la hubeeyo. Waxa ugu mihiimsan ee aad
cutubkan ugu tagaysaa waa ka hadalka, faa’iidada iyo khasaaraha ay leedahay isticmaalka
siyaasadda ‘Qaybi oo xukun’. Isaga oo tusaaleyaal kala duwan ka soo qaadanaya darkii
isticmaalay siyaasaddan ee sooyaalka ku jira.
Waxa uu sheegayaa dhufayska ugu qiimaha badan oo ah mid aanad sii suuraysan karin marka
aad bilowdo cutubkan ama aad akhrido ciwaanka uu ku bilaabanaayo. Waa kan qoraaga oo
sheegaya dhufayska ugu fiican ee ay tahay in uu boqor kasta samayto: “….. sidaa awgeed,
dhufays waxa ugu roon ka laga dhiso laabaha ragga ee seeskiisu yahay gacaltooyo, dayrkiisuna
daacadnimo, sababta oo ah Wabarka dhufaysyada adkaysta ee aanu shacabkiisu ku
niyadsamayni kuma nabad galo…” Waxa uu tilmaamayaa boqorkasta oo gidaarro waaweyn u
dhista dhufays ahaan, balse ilduufa in uu kasha shacabkiisa ka samaysto gabaadyo iyo
dhufaysyo, in uu ku bishaaraysto in aanay gidaarradaasi si kaste oo ay u adagyihiin marnaba
ka celindoonin gadoodka rayidka oo ay si yar ku burburin karaan.
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
11
Cutubka Kow iyo Labaatannad: Hannaanka uu Boqorku ku Mudanaayo in uu
Caan-baxo
Qaybtan waxa uu kaga hadlyaa waxyaabaha ku hoggaamiya boqorka in uu noqdo mid caan
ah oo ay hadal hayntiisu badan tahay, waxaana uu sheegayaa in uu boqorku caan noqdo ay
ku xidhantahay hawlaha uu fuliyo ahmiyaddooda, iyo in uu shacabka ku dhexmilmo. Waxa
uu soo qaadanayaa sooyaallo kala duwan oo haddii aad akhrido aad siyaasado kala duwan
aad ka dheefayso. Waxa uu boqorka farayaa xilliyada ay dagaallamayaan dariskiisu waa in uu
noqon dhexdhexaad, balse uu ku dhiirrado inuu mid taageero, waliba ka laga taagta daran
yahay. Waayo? Waxa uu ka digayaa halista awood ka badan leh oo ah in uu maamulkiisa
damco guusha ka bacdi. Waxa uu sheegayaa in ay tahay siyaasadda dhexdhexaadnimadu
mid ay adeegsadaaan boqorrada kuwooda taagta daran aakhirkana ay dhali karto in uu ka
guulaystaa iyaga damco maamulka boqorkaas, ka laga guulaystaana uu hiil iyo
saaxiibtinnimaba u gooyo.
Waakan isaga oo arintaa ka hadlaaya: “….. boqorka waa laga haybadaystaa marka uu noqdo
saaxiib dhab ah, ama cadaawe nacab ah oo siyaasaddaas ayaa ka roon dhexdhexaadnimada aan
dhan loo raacaa jirin…” Waxa uu ku soo gabogabaynayaa in uu boqorku jacayl iyo kalgacayl u
muujiyo dadka kartida leh ee xirfadaha gacanta ku wanaagsan, oo uu dhiirrigaliyaa
ganacsatada iyo warshadaha, in uu ku beero farsamoolayaasha iyo ganacsatada kalsooni ay
ku horumarinkaraan ganacsigooda iyo farsamooyinkooda oo ayna jirin cabsi ay ka qabaan
dawladda haddii ay horumar ka sameeyaan shaqadooda. Waxa uu boqorka ku boorrinayaa in
uu bulshada ku maddadaaliyo xafladda, ciidaha iyo sannad guurooyinka, in uu la saaxiibo
bulshadiisa khaasatan dadka kartida u saaxiibka ah si uu noqdo mid deeqsinimadiisa iyo
kalbaxsanaantiisa lala ashqaraaro.
Cutubka Laba iyo Labaatannaad: Wasiirrada iyo Xoghaynta
Waxa uu qaybtan kaga hadlayaa ahmiyadda ay leedahay xulashada wasiirradu, isaga oo
sheegaya in ay qiimayn u tahay garaadka iyo caqliga boqorka, oo haddii uu boqorku xusho
wasiirro xilkas ah waa boqor caaqil ah, haddii se uu xusho wasiirro aan xilkas ahayn waxa la
qiyaasi karaa in uu boqorkaasi caqli buurrayn. Waxa uu soo qaadanayaa taariikho iyo
boqorro si hufan u xushay wasiirro isla markaana ku liibaanay. Waxa uu u qaybinayaa
garaadka dadka/boqorada saddexdan:
1. Garaad wax fahma isaga oo aan kaalmo u baahan.
2. Garaad wax fahma kolka looga qisoodo kadib.
3. Garaad aan iskiina wax u fahmin, soojeedinta cidkalena wax ka fahmin.
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
12
Waxa uu u kala darajaynayaa sida ay u kala horreeyaan isaga oo tusaale u soo qaadanaya
boqorro sooyaalkooda aad ka dhex dheehan kartid qaar ka mid ah aragtiyaha uu kor ku
xusay. Doorashada ka dib waxa uu boqorka kula talinayaa sida loola socdo hawlaha
wasiirrada iyo in uu boqorku abaalmariyo wasiirka shaqadiisa si hufan u guta. Waxa uu ku
soo afmeerayaa in uu boqorku saaxiib iyo wadashaqayn dhaw la yeesho wasiirradiisa si
xidhiidhkooda iyo waxa ay qabanayaanba u wanaagsanaado.
Cutubka Saddex iyo Labaatannaad: Ka Dhawrsanaanta Guulwadayaasha
Waxa uu ka digayaa in uu boqorku golihiisa ka agdhaw ay ku bataan guulwadayaasha,
nacamlayaasha ugu sacabo tumaya boqorka xuma iyo same wixii uu ku taliyaba, isaga oo
sheegaya cidhibxumada ay leedahay u dheganugaylka guulwadayaashu. Waxa uu boqorka
kula talinayaa in uu sameeyo in uu bulshada ka dhaadhiciyo in aanay ku adkayn in bulshadu
hortiisa xaqa ka caddayso, waxa kale oo haddana ka digayaa in haddii taasi dhacdo in ay
keenayso ixtiraamdarro boqorka ku dhacda ka dib marka ay badato in bulshadu wax kasta
kula soo dhiirrato. Doc kale oo uu boqorku kaga gaashaaman karo nacamlayaasha ayaa uu
tusayaa waana in uu isku xeero ragg maskax iyo murti leh, iyagana uu layeesho talo kaste, ku
kaste oo iyagana ka mid ahna uu u saamaxo in uu boqorka hortiisa runta ka caddeyn karo,
dareensiiyana in uu taasi ku nafisaayo.
Waxa uu soo qaadanayaa boqorro hore oo aad ka dhadhansan kartid qisadooda sida ay ugu
lib beeleen guulwadayaasha, ama ugu liibaaneen ka dhawrsoonida nacamlayaasha. Waxa uu
ku soo gaabinayaa haddii uu boqorku rabo in uu ka dhawrsanaanta nacamlayaasha, “Waa in
uu ragg murti u saaxiiba isku xeeraa, in uu iyaga talada la wadaaga, in uu waraysi badnaado,
dhagaysi wanaagsanaado, erayga adagnna u dhabaradaygo.”
Cutubka Afar iyo Labatannaad: Maxay Ku Seegeen Boqorradii Talyaanigu
Maamulladoodii?
Qaybtanna waxa uu kaga hadlayaa maamulladii Talyaaniga ee lumiyay meelihii ay
maamulayeen iyo sababaha rasmiga ah ee ka danbeeyay jabkaas ku habsaday, waxaana ka
mid ah maamulladaa uu ka hadlay boqorkii Naabuli iyo boqorkii Milaano, iwm. Waxa uu
aanaynayaa sababaha ugu waaweyn ee ay xukunka ku waayeenna ku sheegayaa
goldaloolooyinka ciidamadooda, iyo iyaga oo is dhigtay xilligii xasilloonaanta iyo nabad oo
aan ka fikirin in ay wax kasta dhici karaan, kana tabaabushaysan waxa ay timaadadu u la
imankarto. Waxa uu ku talinayaa in uu boqorkasta waxyaabo badan sii oddoroso xilliga
nabadda wax kasta oo waayaha gedgeddoonka badan laga filan karana u diyaar garoobo.
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
13
Cutubka Shan iyo Labaatannaad: Kaalinta Ayaanka iyo Aadamaha
Bilowga qaybtan waxa uu kaga hadlayaa in wax kasta uu yahay wax qaddar Eebbe ku socda
oo ay adagtahay in la hor istaago, haddana waxa uu sheegayaa in ay feejignaanta iyo ka
diyaargarowga masiibo kasta ay lagama maarmaan tahay, loona baahan yahay in qofka uu
dedaalo intii uu dedaali karo gedgeddoonka waayahana ka gaashaanto intii uu kasii
gaashaaman karo. Waxa uu nasiibka ku mataalayaa webi, kaasi oo ugu horrayn duunyada
madhaniya marka ugu horraysa ee uu fataho, balse waxa uu inoo sheegayaa in uu aadamahu
uu ka sii gaashaanto in uu marlabaad fataho oo tii hore oo kale ay la kulmaan iyaga oo
samaysanayaa biyo xidheenno iyo tabo kasta oo ay kaga hortagi karaan. Waxa uu ku
sheegayaa cutubkan in nasiibka iyo waxa waayuhu ay wadaan xagiisa yahay balse loo
baahan yahay dedaalka aadamaha, kaasina uu yahay waxa go’aamin kara libta iyo guusha ina
Aadan. Waxa uu boqorrada ku boorrinayaaa in aanay isku hallayn nasiibka iyo ayaanka ee ay
iyagu samaystaan qorshe iyo diyaargaraw, waayahana ay u dhigin libta iyo guusha ay
naawilayaan balse ay sameeyaan feejignaan weyn. Waxa uu soo qadanayaa tusaaleyaal
sooyaal oo badan.
Cutubka Lix iyo Labatannaad: Ka Xoraynta Talyaaniga Gacanta Shisheeyaha
Cutubkan ugu danbeeyaa waxa uu ku gudbinayaa talo aad u muhiima oo ku socota boqorka
uu hadyeeyay buuggan, isaga oo tusaalayaal badan siinaya dhinacyo badanna ka
dareensiinayaa kala daadsanaanta dadkiisaa, dhagarta shisheeyaha iyo in waxaasi oo dhan
tahay fursad dahabiya oo hortaal boqorka, waxa uu u tusaalaynayaa sooyaalka ragg badan
oo fursaddan iyo ayaankan uu boqorkani haysto ay soo martay iyo siday uga faa’iidaysteen.
Waxa uu ka codsanayaa in uu u sara istaago boqorku halgan caddaaladeed iyo xoraynta
dadkiisa iyo dalkiisa. Waa cutub aad u muhiima. Waayo? Waa mid uu qoraagu taladiisa ku soo
gunaanaday, cidkasta oo dad ama dal kala daadsan joogta, sida: Soomaalida, waxa uu ku
beerayaa dareen qaddiyadeed iyo in uu is wayddiiyo su’aalo badan.
DHAMMAAD.
Waxaan bogaadinyaa dedaalka ay wadaan bahda turjumaan oo buuggan soo turjumay.
Mahad badan ha ka gaadho adeegooda aniga iyo cid kasta oo fakaad u heshay dhaayo
saaridda buuggana eebbe ka sakow turjumaha iyo iyagaa ayaa sababtiisa lahaa inaan
akhrinno.
www.indheergarad.com
Indheergarad – Sebtembar 07, 2020 – Lammin - Vol: 01 – Cadadka: 55aad
14
W/Q: Samatar Abshir Maxamed
Email: [email protected]