39
BadgerCare Plus Soomaaliha (Somali)

BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

  • Upload
    others

  • View
    3

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

Page 1: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

BadgerCare PlusSoomaaliha (Somali)

Page 2: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 1 / 35

Children’s Community Health Plan kuma kala midab takooro dadka laxaad la’aanta wixii hawlaha barnaamijka, adeegayada ama shaqooyinka ah. Hadii aad doonayso inaad daabacaad ku hesho waxyaabaha la turjumay ama qaabta kale aad ku hesho, ama aad u baahan tahay kaalmo isticmaalka adeegyadaayada, fadlan kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Children’s Community Health Plan PO Box 56099 Madison, WI 53705 cchp-wi.org Adeega turjumaada Haddii aanad ku hadal Ingiriisiga, adeegyada luqaddu waxaa loo bixin doonaa bilaash. Soo wace 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1) Hadii aanad dhagaha si fiican waxba uga maqal, kala hadal Wisconsin Relay 7-1-1. Children’s Community Health Plan (CCHP) waxay siisaa xubnaheeda Xadidnaanta Ku wanaagsanaanta Ingiriisiga(LEP) ama dadka dhagaha la’ iyo kuwa aan si fiican wax u maqal, aan si wanaagsan u hadli karin, ama aan si wanaagsan waxba u arag adeeg turjumaan oo bilaash ah inta ay socdaan duruusta daryeelku, iyo si loo xaqiijiyo in si wax ku ool ah loo heli karo adeegyada caafimaadka iyada oo si wanaagsan la isku fahmayo. Adeegyada turjumaanka waxaa lagu heli karaa taleefanka iyada oo lala xidhiidhayo Adeega Macmiilka, si loola socod barnaamijyada Maamulida Caafimaadka iyo Maamulida Kiiska ee CCHP, iyo wixii u hogaansanaan ah iyo wixii nidaam ambiil ah. Waxaa sharci u ah CCHP inay isticmaasho turjumaan aqoon caafimaad leh. Xaquuqdaada madaniga ah CCHP waxay bixisaa BadgerCare Plus-waxa uu siiyaa adeegyada dhamaan xubnaha u qalma iyada oo aan loo eegeynin:

• Da’ • Midab • Laxaad La’aan • Dhalashada uu kasoo jeedo • Isir • Jinsi

Dhamaan adeegyada daruuriga ah ee lagu bixiyaayi waa u wada diyaar dhamaan xubnaha. Dhamaan adeegyada isku qaab ayaa loo siiyaa dhamaan xubnaha. Dhamaan dadka iyo hay’adaha ku xidhan CCHP oo xubno usoo sheega ama kula taliya adeegyada waa inuu si lamid ah dhamaan xubaha kale u sameeyaa.

Page 3: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 2 / 35

Lambarada taleefanada ee muhiimka ah Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 Isniin – Khamiis 7:30 subaxnimo ilaa 5 galabnimo Jimce: 8 subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo Siduu Adaaga Macmiilku kuu caawin karaa?

• Inaad doorato ama aad badasho daryeelka caafimaad bixiyahaaga kowaad • Adeegada turjumaada • Su’aalaha ku saabsan caymiska • Wixii safar ah ee meesha lagaga tagayo • Adeegyada lagula tacaalayo xanuunada maskaxda, khamrida iyo isticmaalka

mukhaadaraadka

Cidii dhagaha aan si fiican waxba uga maqal ee ku Tiirsan Wisconsin – 7-1-1 Gurmadka Degdega ah Waxaad lasoo hadli kartaa 24-ka saac maalintii, todoba cisho todobaadkii – 1-877-257-5861. Hadii xaaladu nolosha khatar galisay, lahadal 911. Kaaliyaha Caafimaadka ee ku diyaarka ah CCHP 1-877-257-5861

• Marka adiga ama ilmahaagu xanuunsanayo ee xafiiska dhakhtarkaaguna xidhan tahay

• Daryeelka degdega ah • Daryeelka gurmadka degdega ah markaad magaalada ka maqan tahay

Dhakhtarka indhaha (haddii aad ka soo wacayso 414 furaha aaga): (414)-462-2500 Baadhitaanada Indhaha ka baxsan tahay furaha aaga 414): 1-800-822-7228 Caawimada gaadiidka: 1-866-907-1493 Khabiirka diiwaangelinta: 1-800-291-2002 Xubinta Qareenka: 1-800-482-8010 Barnaamijka U doodista Gobolka: 1-800-760-0001 Adeegyada Xarunta Caafimaadka Fariimaha la helayaa 24-ka saac): 1-877-227-1142 Riix Lambar 2 hadii aad doonayso inaad fariin aad u reebto taas oo ku saabsan dalab adeegyo. Fariimaha lagu soo diro taleedan, faakis iyo iimeel saacada aan la shaqaynaynin waxaa laga jawaabayaa maalinti xigta ee shaqada. Fariimaha aad

Page 4: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 3 / 35

reebey wixii ka danbeeya saqda dhexe ee Isniin - Jimce waxaa laga soo jawaabi doona isla maalintaas. Kaalmada Daryeelka Ilkaha – 1-877-389-9870 Xubnaha gudaha degmooyinka Kenosha, Milwaukee, Ozaukee, Racine, Washington iyo Waukesha.

Page 5: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 4 / 35

Jadwalka Tusmadda • Ku soo dhawow qorshaha Caafimaadka Bulshadda ee Carruurta • Kaadhkaadhka ForwardHealth • Ka baxsan aaga adeega • Adeeg bixiyaha daryeelka koowaad • Ballanka ka qabsiga adeeg bixiyahaaga • Beddelka adeeg bixiyahaaga • Ballamaha la seegay • Fikradaha caafimaadka labbaad • Sida loo helo Takhasuska, cusbitaalka, iyo daryeelka caafimaadka dhaqanka • WICITAANKA GURMADKA AH: • Daryeelka Degdega ah • Laynka kalkaaliska • La tashiyada Dhakhtarka • Maamulka caafimaadka • Sida loo helo daryeelka caafimaadka marka aad ka fogtahay guriga • Haweenka uurka leh iyo ummulitaanka • Hooyo Caafimaad qabta, barnaamijka Ilmaha Caafimaadka qaba • Marka laguu soo diri karo biilk adeegyada • Daboolida caymiska ee kale • Biil u dirida xubnaha • Kharshka la wada bixiyo • Adeegyada la daboolo • shaxda kharashkala wada bixiyo • Adeegyada aan la daboolin • Caafimaadka maskaxda iyo isticmaalka maandooriyaha • Adeegyada qorshaynta qoyska • Adeegyada farmasiiga • Qiimaynta daryeelka iyo Qiimaynta Baahiyaha Caafimaadka • Adeegyada Ilkaha • Gurmadka Ilkaha • Madasha fayo qabka • Adeegya baadhida laf dhabarta • Adeegyada araga • Adeegyada daawaynta ootiisamka • HealthCheck • Maaraynta kiiska • Gaadiid raaca • Gaadhiga gurmadka • Haddii aad guurto • Ka reebitaanka HMO

Page 6: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 5 / 35

• Dardaaranka Hore, dardaaranka la nool yahay ama awooda qareenka ee daryeelka caafimaadka

• Xaqa diiwaanada caafimaadka • HMO Xubinta Qareenka • Nala soo xidhiidh! • Gobolka Wisconsin U doodaha HMO • Tayo wanaajinta • Cabashooyinka iyo Rafcaanada • Qorshaha taageerida adeeg bixiyaha • Warbixinta dhiirigelinta • Caddaymaha adeeg bixiyaha • Xuquuqda xubnaha iyo masuuliyadaha • Ogaysiiska Dhaqanada Gaar ahaanshaha • Waajibaadyada gaar ahaanshaha • Xuquuqahaaga • Cabashooyinka cusub • Maamulka qorshaha iyo sarkaalka gaar ahaanshaha contact information

(macluumaadka xidhiidhka) • Ereyada la garanayo • Waxaad caawin kartaa joojinta daryeelka caafimaadka khiyaamada ah

Page 7: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 6 / 35

Kusoo Dhawaw Children’s Community Health Plan Kusoo Dhawaw Children’s Community Health Plan (CCHP). Xubin ahaan, waxaad daryeelka caafimaad ka heli doontaa daryeel bixiyayaasha iyo isbitaalada CCHP. Si aad u hesho liiska daryeel bixiyayaashan booqo websaytkaayaga www. cchp-wi.org kadibna riix “Find a Doc”. Sidoo kale waxaad kala hadli kartaa Adeega Macaamiisha 1-800-482-8010 si lagaaga kaalmeeyo helida daryeel bixiye ama si aad u dalbato nuqul Cinwaanka Daryeel Bixiye. Daryeel bixiyayaasha aad bukaan cusub qaadanaynin way ku calaamad san yihiin Cinwaanada Daryeel Bixiyayaasha. Waad ku mahadsan tahay inaad doorato CCHP inuu noqdo HMO-gaaga. In caafimaadkaaga la ilaaliyo ayay muhiimiyadu tahay. Kani waa buugaaga. Fadlan si taxadir leh u akhri. Buugu waxa uu kaa caawin doonaa inaad fahanto gunooyinkaaga iyo caymiska CCHP iyo sidaad u isticmaalayso adeegyada. Sidoo kale waxa uu kuu sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka caafimaad. Waxa ugu horeeya ee ay tahay inaad samayso:

• Si taxadir leh u akhri buuga: • Meel aad si dhakhso ah uga heli karto dhigo buuga.

Buuga waxaa ku qoran macmuulaad adiga iyo qoyskaaguba ay tahay inaad barataan. Kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 hadii aad wax su’aal ah qabto. Faldan raac 3 sharci oo muhiim ah:

1. La xidhiidh daryeel bixiyayaaga kowaad wixii daryeel caafimaad ah ee aan ahay gurmadka degdega ah.

2. Gurmadka Degdega ah isticmaal hadii ay xaaladu dhab ahaan gurmad degdeg ah tahay.

3. Markasta waa inaad sidataa aqoonsigaaga ForwardHealth. Kaadhkaaga tus markaad u baahato daryeel caafimaad.

Aaga Adeega Waxaad u qalantaa caymiska CCHP BadgerCare Plus hadii aad degan tahay degmooyinka Wisconsin ee soo socda: Brown, Calumet, Door, Fond du Lac, Forest, Green Lake, Kenosha, Kewaunee, Jefferson, Lincoln, Manitowoc, Marinette, Milwaukee, Oconto, Oneida, Outagamie, Ozaukee, Racine, Rock, Shawano, Sheboygan, Vilas, Walworth, Washington, Waukesha, Waupaca, Waushara iyo Winnebago

Page 8: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 7 / 35

Kaadhkaaga ForwardHealth Ka sare waa tusaale kaadhka aqoonsiga ForwardHealth. Waa inaad dhabarka ka saxeexdaa kaadhkaaga cid kalena inay isticmaasho ha u ogolaan. Markasta waa inaad sidataa kaadhka aqoonsiga ForwardHealth oo aad tustaa marka lagu siinayo daryeelka caafimaad ama aad dawada qaadanayso. Waxaa laga yaabaa inay mushkilad kugu noqoto inaad hesho daryeelka, dawada ama agabka caafimaadka hadii aad sidato kaadhkaaga. Sidoo kale, soo qaado kaadhadh kasta oo caafimaadka aad haysan karto. Haddii kaadhku kaalumo, wac 1-800-362-3002 wixii ah beddelaada. Daryeelka Caafimaad Bixiyaha Kowaad Waxaa muhiim ah inaad la hadasho daryeelka caafimaad bixiyahaaga kowaad marka hore markaad u baahato daryeel. Daryeel bixiyahani waxa uu maamulaa dhamaan baahiyahaaga daryeelka caafimaad. Hadii aanad la kulmin dhakhtarka laguu dooray, waxaa fiican inaad balan ka qabsato sida ugu dhakhsaha badan. Hadii aad isleedahay waxaad u baahan tahay daryeel bixiye kale ama khabiir, inaad la kulanto u sheeg daryeelka caafimaad bixiyahaaga kowaad. Daryeel bixiyahaaha kowaad ayaa kaa caawin kara go’aanka hadii aad u baahan tahay inaad aragto daryeel bixiye kale oo kugu hagi doona mid kamid ah khabiirada daladaayada. Waxaad ka dooran kartaa daryeel bixiye kuwa aanu bixino. Sidoo kale markaad dooranayso daryeelka caafimaad bixiyaha, dumarku waxay arki karaan khabiir caafimaad oo sida OB/GYN ama kaaliye caafimaad oo umuliso iyada oo aan cidna u gudbin. Waxaa jira dadeeg bixiyayaasha CCHP ah kuwaas oo ilaaliya waxyaabaha ay u baahan yihiin dhaqano badani. Si aad u doorato dhakhtarka daryeelka caafimaad bixiyahaaga kowaad ah ama aad u badasho daryeel bixiye, kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Balan ka qabsashada daryeel bixiyahaaga. Markaad xubin ka noqoto CCHP, waxaad isla markaba arki kartaa daryeel bixiyahaaga. Hadii aanad wali dooran daryeel bixiye ama xarun caaifmaad weli, kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Badalida daryeel bixiyahaaga Hadii aanad ku faraxsanayn daryeel bixiyahaaga, waxaad dooran kartaa daryeel bixiye kale wakhtiga aad doonto. Kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 si ay kaaga caawiyaan doorashada daryeel bixiye cusub.

Page 9: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 8 / 35

Ballamaha la seegay Waxaa muhiim ah in adiga iyo qoyskaaguba aad ilaalisaan dhamaan balamaha caafimaadka. Hadii aanad ku iman karaynin balanta, lahadal xafiiska daryeel bixiyahaaga oo sida ugu dhakhsaha badan ugu sheeg. Taloda caafimaad ee labaad Hadii aanad ku qanacsanayn talooyinka daryeel bixiyaha ku dawaynaya, waxaad awooda inaad doonato aragti labaad oo caafimaad. Talada caafimaad ee labaad waxay wanaagsan tahay talooyinka qaliinka ah kiisaska qaar. Kalasoo xidhiidh Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 wixii macluumaad dheeraad ah. Sida aad u heli karto khabiir, isbitaal, ama daryeelka caafimaad hab dhaqanka Daryeelka bixiyahaaga kowaad ayaa kaa caawinaya inuu iskugu kaa dibo diro dhamaan daryeelada caafimaad ee aad u baahan tahay. Hadii aad u baahan tahay khabiir, daryeel bixiye caafimaadka habdhaqanka ah ama aad doonayso inaad qabato isbitaalka, daryeelka bixiyahaaga ayaa kaa caawinaya inaad hesho mid kamid ah khabiirada ama isbitaalada faraha badan ee daladaayada ku jira. CCHP waxay xubnaha sharci kaga dhigtaa inay isticmaalaan daryeel bixiyayaasha daladaayada ku jira hadii uu adeegu uu ku jira gunooyinka la bixiyo. Hadii aanaan lahayn daryeel bixiye kaa caawin kara oo ku jira daladaayada, daryeel bixiye dalada ka baxsan ayaa la isla eegi doonaa. Wixii caawimo helida daryeel bixiye ama khabiir ah, kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 ama booqo websaytkaagaya www. at cchp-wi.org kadiban riix “Find a Doc”. Waxaad u baahan tahay fasax gaar ah si aad ula kulanto daryeel bixiye aan kamid ahayn CCHP. Hadii aad la kulanto daryeel bixiye aan kamid ahayn CCHP, waxaa lagugu soo dalacayaa kharashkaas. Gurmadka Degdega ah Fadlan qaybtan si taxadir leh u akhri. Waxaanu doonaynaa in adiga iyo qoyskaaguba aad barataan waxa ay tahay inaad samaysaan hadii ay dhacdo xaalad gurmad degdeg ahi, kahorba intayna dhicin. Gurmadka Degdega ah waa daryeel markaba loo baahan yahay. Waxaa keeni kara dhaawac ama xanuun kusoo boodo ah. Tusaalayaal sababaha gurmadka degdega ahi waa: Baro waxay ay tahay in la sameeyo kahor inta ayna iman xaalada degdega ahi Hadii aad u baahan tahay daryeel gegdega ah, waxaad qabataa daryeel bixiye CCHP hadii aad awoodo. Hadii xaalada degdega ahi ay xun tahay, waxaad qabataa daryeel bixiyaha ugu dhaw (isbitaal, daryeel bixiye ama xarun caafimaad). Lahadal 911 ama bilaysa deegaankaaga ama waaxda dab demiska ah hadii xaalada gurmadka dedega ahi ay nafta akhtar galinayso.

• Qofka oo cunaha wax kaga istaagaan • Xaalad jab laf ah oo xun

Page 10: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 9 / 35

• Xanuun daran • Dhiigid xun ama aan caadi ahayn • Kashaki wadna xanuun • Dawo lagu sumoobo • Fool • Neefsashada oo adkaata • Kashaki faalig • Suuxdin • Gubasho xun • Suuxdin • Kashaki sumoobid • Suuxdan dheeraata ama soo noqnoqota

Xasuusnaw: Qofka gurmadka degdega ah ee isbitaalka kaliya waxaa loogu talo galay xaalada dhabta ah ee degdega ah La hadal daryeel bixiyahaaga ama khadka 24-ka saac ee kaaliyaha caafimaad, CCHP shaqada ku jira kala hadal 1-877-257-5861 kahor inta aanad tagin qolka gurmadka degdeg ah, iyada oo xaalado adag tahay moojee. Daryeelka degdega ah Daryeelka degdega ahi waa daryeel aad u baahan tahay si ka dhakhso badan sidii caadiga ahayd ee aad dhakhtarkaaga u booqan jirtay. Daryeelka degdega ah maaha gurmadka degdega ah Qolka gurmadka degdega ah ee isbitaalka uma tagaysid daryeelka degdega ah isaga oo daryeel bixiyahaagu kugu wargaliya sidaas moojee. Tusaalayaal sababaha daryeelka degdega ahi waa:

• Jabka lafaha badanaa • Gubasho yar • Barar iyo murgacasho • Nabur yar • Dhiigid fudud • Xasaasiyadaha caadiga ah ee dawooyinka • Qanjo barar • Duray/hargab • Isnidaamis ama cuncun • Caabuq dhagaha ah oo xanuun leh • Hunqaaco iyo shuban joogto ah, iyo/ama xumad gaar ahaan caruurta iyo

caruurta yaryar Hadii aad u baahan tahay daryeelka degdega ah lahadal daryeel bixiyahaaga kowaad, xarunta caafimaadka ama CCHP shaqada ku jira kala hadal, khadka kaaliyaha

Page 11: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 10 / 35

caafimaad ee 24-ka saac ee 1-877-257-5861. Waa inaad daryeelka degdega ah ka qaadataa daryeel bixiyayaasha CCHP anaka oo kuu ogalaana inaad daryeel bixiye kale la kulmo karto moojee. Xasuusnaw: Ha u qaban qolka gurmarka degdega ah ee isbitaalka wixii daryeelka degdega ah hadii aanad marka hore ogolaansho ka helin CCHP ama daryeelka bixiyahaaga kowaad. CCHP-ga shaqada ku jira Daryeel bixiyahaaga kowaadi ayaa lala hadli kara markasta si uu kaaga jawaabo wixii su’aalo caafimaad ah. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa CCHP-ga shaqada ku jira, khadkaayaga kaaliyaha caafimaad. Waxaanu leenahay kaaliye caafimaad oo 24-ka saac shaqada ku jirta, todoba cisho todobaadkii si ay kaaga jawaabaan wixii su’aalo ah ee aad qabto. Soo wac 1-877-257-5861. Waa taleefan bilaash ah. Goorma ayaan isticmaali karaa CCHP-ga shaqada ku jira?

• Kahor inta aanad qabanin qolka gurmadka degdega ah (hadii aad qabto xaalad nolosha khatar ku ah, lahadal 911)

• Wixii su’aalo ama walaac caafimaadka guud ah • Hadii ilmahaagu xumad qado • Hadii ilmahaagu jilib ka murgacaday • Hadii aad doonayso in lagaa caawiyohalkaad caawimo u doonan lahayd • Hadii cuncun ama finan maqaarka kaasoo baxaan • Hadii ilmahaagu xoodh xoodho ama nabur soo gaadho • Markasta oo aad qabto wax su’aal ah oo halka aad u doonanayso daryeelka

caafimaad ah Sababma ayaan u isticmaali karaa CCHP-ga shaqada ku jira?

• Kaaliyaha caafimaad waxay kaa caawin kartaa inaad hesho daryeelka saxda ah ee adiga iyo qoyskaagu u baahan tihiin.

• Waxay kaala talinayaan daawaynta munaasabka ah si adiga iyo qoyskaagu u caafimaad qabtaan.

Yaa ka jawaabaya su’aalaha aan ka qabo daryeelkayga caaifmaad?

• Kaaliyayaal caafimaad oo tobobaran ayaa kaaga jawaabaya dhamaan su’aalaha aad ka qabto caafimaadkaaga.

• Waxay kaa dalban karaan inaad sharaxdo calaamadaha ama mishkilada aad qabto.

• Waxay kaa caawin karaan inaad go’aansato sida aad u heleyso daawyanta ugu fiican ee adiga iyo qoyskaaga ah.

Page 12: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 11 / 35

• Waxay kaa caawin karaan inay ku fahansiiyaan sidii aad daryeel ugu heli lahayd CCHP.

Latalinta MD Hadii loo baahdo, kaaliyaha caafimaad waxay kugu xidhi karaa inaad la hadasho dhakhtarka shaqada ku jira CCHP. Waxaad talo caafimaad ka heli kartaa mid kamid ah dhakhaatiirtaayada caafimaad adiga oo gurigaaga ama xafiiskaaga jooga ama safar ku jira. xataa kartida lagu qoro dawooyin! Dhakhtarku waxa uu eegayaa xanuunkaaga, waxa uu kusiinayaa talo caafimad adiga oo guriga jooga, waxaanu kuugu soo dirayaa dawooyin (hadii ay munaasab tahay) farsamiga meesha aad joogto xanuunada caadiga ah, sida:

• Durayga iyo Hargabka • Indhaha Casaada • Cunaha barara • Laab dilaac • Caabuqa sanka ama dhagaha • Yalaalugo iyo hunqaaco • Caabuq kaadida oo ku gubaysa

Maamulka Caafimaadka Waxaanu ka taageernaa xubnahaayaga iyo/ama daryeel bixiyayaashooda inay helaan agab maamulid iyo fursado aqooneed oo ay ku heleyaan Barnaamijyada Maamulida Caafimaadka. Waxaanu leenahay koox daryeel oo xubnaha u fidisa aqoon, taageerada is-maamulida iyo ku xidhnaanshaha khayraadka. Hadafka barnaamijka waa in awooda xubnaha kor loo qaado si ay u maamuli karaan xanuunadooda oo ay u hormarin karaan guud ahaan caafimaadkooda iyo tayada noloshooda. Si aad wax badan uga ogaato barnaamijyadan, fadlan lasoo hadal 414-266-3173. Maamulka Kiisaska Murugsan iyo Maamulida Xanuunada CCHP waxay siisaa Maamulida Kiiska Murugsan (CCM) xubnahaayaga khatarta sare. Nidaamkan waxa uu qiimayn ku sameeyaa, qorshayeeyaa, isku duba ridaa, la socodaa oo uu qiimeeyaa ku sameyaa ikhtiyaarada iyo adeegyadu si ay u buuxin karaan baahida caafimaad ee murugsan ee xubinta. Adeegyada waxaa kamid ah qiimaynta, qorshaynta hadafka iyo daryeelka, isku buda ridka daryeelka iyo khayraadka, aqoon xanuun ku saabsan ama xanuun, oo ay kamid tahay is-maamulida, iyo ku xidhanka bulshada iyo khayraadka

Page 13: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 12 / 35

Sidaad daryeel caafimaad u heleyso markaad magaalada ka maqan tahay Ka maqnaanshuhu waxay ka dhigan tahay waxaad u jirtaa 50 mayl meesha laga helo adeegyadaayada. Si lagaaga caawiyo wixii adeegyada aaga ka baxsan, kalasoo hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 ama inaad hesho khabiir 1-800-291-2002. Raac shuruucdan hadii aad u baahan tahay daryeel caafimaad balse aad aad uga fog tahay meesha aad degan tahay daryeelka caafimaad bixiyahaaga kowaad ama xarunta caafimaadku:

• Wixii xaalad gurmad degdeg ah oo xun ama daryeelka degdega ah, qabo isbitaalka kuugu dhaw, xarunta caafimaadka daryeelka degdega ah ama daryeel bixiye.

• Wixii daawaynta caadiga ah markaad ka maqan tahay magaalada, waa inaad ogolaansho naga heshaa si aad u qabato daryeel bixiye, xarun caafimaad ama isbitaal aan naga mid ahayd, Waxaa kamid ah taas caruurta wakhti ka maqnaanaya magaalada oo waalid ama qaraabo mudo la joogaya.

• Kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 laga bilaabo 7:30 subaxnimo ilaa 5 galabnimo. Isniin ilaa Khamiis ama 8 subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo. Jimcayaasha.

Dumarka uurka leh iyo umusha Hadii aad uur qaado, la socodsii CCHP iyo hay’ada ilaalinta dakhligaaga (IM) isla markaba. Waxaa sidaa loo samaynayaa si loo xaqiijiyo daryeelkaaga. Dumarka uurka lehi malaha caymis wadareed. Waa inaad qabataa isbitaal CCHP ah si aad ilmaha ugu dhasho. Kala hadal daryeel bixiyahaaga si aad u xaqiijiso inaad fahantay isbitaalka ay tahay inaad qabato marka la gaadho foosha. Sidoo kale, kala hadal daryeel bixiyahaaga hadii aad doonayso inaad safar gasho bisha ugu danbeeya ee uurkaaga. Waxaanu doonaynaa inaad ilmo caafimaad qaba dhasho oo aad si wanaagsan u umusho. Waxaa laga yaabaa inay tahay wakhti aan adiga iyo ilmahagaa kuu wanaagsanayn inaad safarto. Daryeel bixiyahaagu waxa uu garanaya taariikhdaada waana daryeel bixiyaha ugu wanaagsan ee ku caawin kara si aad caafimaad ugu umusho. Meel ka baxsan aagaaga haku umulin iyada oo marka hore aad ogolaansho ka heshey Qorshaha Caafimaadka Bulshadda ee Carruurta moojee. Waxaa dhici karta inaad doonayso inaad daryeel bixiye u doorato ilmahaaga kahor inta aanu dhalan. Kala soo hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 si lagaaga caawiyo inaad u hesho daryeel bixiya ilmahaaga uurka ku jira.

Page 14: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 13 / 35

Barnaamijka Hooyada Caafimaadka Qabta, Ilmaha Caafimaadka Qaba CCHP waxay doonaysaa inaad uur caafimaad qaba aad yeelato oo ilmahaaguna caafimaad qabo waxanu bixinaabarnaamij la yidhaahdo Hooyada Caafimaadka Qabta, Ilmaha Caafimaadka Qaba kaas oo dhamaan xubnaha bilaash u ah. Waa barnaamij caawiya dumarka uurka leh si ay u helaan taageerada iyo adeegyada ay u baahan yihiin si ay ilmo caafimaad qaba u dhalaan. Adeegyada waxaa bixiya shaqaalaha bulshada ama kaaliyayaal caafimaad kuwaas oo khibrad gaar ah u leh inay bixiyaan adeegaydan hooyada uurka leh iyo qoysaska. Waxaanu adeegyadan ku bixinaa guriga, goobta aad doorbidayso ama taleefanka. Adeegyada kale waxaa kamid ah taakulada naasnuujinta iyo isku budo ridka daryeelka ilmaha. Waxaanu diyaar u nahay inaanu ku siino macluumaad dheeraad ah iyo inaad balan ka qabsato isku duwayaasha daryeelkaagaya. Waxaanu kuu soo diri doonaa kaadh hadyad ah markaad noo sheegto inaad uur leedahay. Nagala soo hadal 414-337-BABY (2229). Goorta adeega kharashkiisa lagugu soo dalacayo Waxaa muhiim ah inaad raacdo shuruucda markaad doonanayso daryeelka caafimaad si aan kharashka daryeelka laguugu soo dalicin. Waa inaad daryeelka caafimaad ka qaadataa daryeel bixiye CCHP ah iyo isbitaalada hadii aanad ogolaansho hore laguu siinin inaad meel kale qaban karto. Waxa kaliya ee la ogol yahay waa marka ay xaalad degdeg ah oo xuni jirto. Hadii aad ka maqan tahay Wisconsin oo aad u baahan tahay gurmadka degdega ah, daryeel bixiye caafimaad ayaa ku dawyiin kara oo kharashka kusoo dalacanaya CCHP. Waxaa dhici karta inaad aad badh bixinayso wixii adeega gurmadka degdega ah ee aad ka gasho wixii ka baxsan Wisconsin. Dalabka waa in loosoo diraa: Children’s Community Health Plan P.O. Box 56099 Madison, WI 53705 CCHP ma bixiso kharashka wixii adeegyo ah, oo ay kamid yihiin gurmadka degdega ah, oo lagu bixiyay wixii ka baxsan Maraykanka, Kanada iyo Mexico. Hadii aad u baahan tahay gurmad degdeg ah adiga oo jooga Kanada ama Mexico, CCHP kaliya waxay bixinaysaa kharashka adeega hadii daryeel bixiyaha ama isbitaalka bangiga uu isticmaalaa uu Maraykanka yahay. Adeegyo kale ayaa la bixin karaa kharashkooda hadii ay CCH ogolaatay hadii daryeel bixiyuhu uu leeyahay bangi Maraykan ah. Fadlan la hadal CCHP si aad u hesho gurmadka degdega ah oo ka baxsan Maraykanka. Hadii laguu soo diro biil adeegyo, soo wac Waaxda Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 isla markaba.

Page 15: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 14 / 35

Caymisyada kale Hadii aad leedahay caymis kale marka laga tago CCHP, waa inaad u sheegtaa daryeel bixiyaha. Daryeel bixiyahaagu waa inuu marka hore lacagta ku dalacdaa caymisyada kale intaanu CCHP kusoo dalacan. Hadii daryeel bixiyahaaga CCHP aanu aqbalin caymisyada kale, lasoo hadal si aad ugu biirto barnaamijka gaarka ah ee HMO oo kasoo hadal lambarka 1-800-291-2002. Barnaamijka ku biirida gaarka ah ee HMO waxa uu kuu sheegayaa sidaad isku waafajinayso HMO-ga aad qaybta ka tahay iyo caymisyada kale si aad labada caymisba u isticmaali karto. Kharash ku dalicida xubnaha Hadii laguu soo diro biil adeegyo, kala soo hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Lagaagama baahna inaad bixiso kharashka adeeg uu caymisku bixiso marka laga tago qaybta aad iska bixinayso. Guud ahaan, in kharashka laga qaado xubin wixii adeeg ah ee aanu caymisku bixin waa la ogol yahay, marka laga tago adeegyo qaar aanu caymisku bixin ama hawlo la xidhiidha adeegyo kharashkooda caymisku bixiyo sida balanta oo qofku ku iman waayo, taleefanada iyo kharashaadka adeegyada. Daryeel bixiye lacag ku siin maysid si uu u buuxiyo foomkaayaga. Waxaad ka dalban kartaa adeegyada aanu caymisku kharashkooda bixin daryeel bixiyaha. Daryeel bixiyuhu adiga ayuu kaa qaadan karaa kharashka adeegyada aanu caymisku bixin hadii aad ogolaato masuuliyada inaad bixiso oo aad heshiis qoraal ah siiso daryeel bixiyaha. Daryeel bixiyuhu waxa laga yaabaa inuu kugu soo dalaco kharashka caadiga ah iyo wixii la isla garanayo ee adeegyada aanu caymisku bixinin kharashkooda. Hadii laguguu soo diro biil aanad ku qanacsanayn kharashka ku qoran, fadlan kala soo hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Qayb iska bixin HMO iyo daryeel bixiyayaasha iyo cida la shaqaysaayi waxay kugu soo dalici karaan kharashyada adeegyada yaryar, oo loo yaqaan kuwa aad iska bixinayso. Xubnaha soo socda loogama baahna inay wax iska bixiyaan:

• Xubnaha SSI Medicaid • Dadka degan guryaha dadka waawayn lagu xanaaneeyo • Dumarka uurka leh • Xabnaha ka yar 19 jirka oo ka tirsan qabiilada federal ahaan la aqoonsan yahay • Xubnaha ka yar 19 jirka oo dakhligoodu yahay ama kayar yahay 100-kiiba boqol

heerka saboolnimada federalka.

Page 16: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 15 / 35

Adeegyada uu bixiyo kharashkooda caymiska CCHP CCHP waxay ka masuul tahay inay bixiso dhamaan wixii daruuri ah caafimaad ahaan ee adeegyada caymisku kharashkooda bixiso ee hoos yimaada BadgerCare Plus. Adeegyada qaar waxaa laga yaabaa inay u baahan yihiin amar dhakhtar ama in marka hore lasii ogolaado kuwaas oo kaaga baahan inaad qaybtaada kharashka adeega. Taas ayaa loo yaqaan “wada bixin”. Kuwa soo socdaa waa waxyaabaha gunooyinka BadgerCare Plus iyo wada bixinta lagaaga baahan yahay inaad iska bixiso. Guno Xubnaha iska bixiya ayaa laga

qaadayaa

Xarunta Daawaynta Xanuunada Maskaxda Dadka Waawayn

$0

Ambilaaska Gurmadka Degdega ah $0

Ambilaaska Xarunta Qaliinka $3 oo kharash xarunta ah

Suuxiye $0

Maamulka Kiiska, Bartilmaameedka $0

Xarunta Daawaynta Ilmaha/Kurayga $0

Agabka Dawooyinka ee La Tuuro $1 marka qayb xafiiska ah aan la booqdo

Agab Caafimaad Oo Mudo Jiraya (Iibsasho)

$1 halkii shay marka aan qayb xafiiska ah aan la booqdan

Marka Uu Sii Baxayo Xanuunka Kalyaha ee Renal

$3 marka sifaynta aan la sameeyo

Sifayn (Xirfadle) $2

Sifaynta (Xarun) $3

Qorshaynta Qoyska $0

Shaybaadhka Guud $0

Maqalka (dhakhtarka dhagaha) Adeega xirfad leh $2; rakibida qalabka maqalka ama shay kale $1; kharashka qalabka maqalka iyo saarida - lama wada bixinayo

Caafimaadka Guriga $0

Daryeelka caafimaad ee guriga $0

Page 17: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 16 / 35

Guno Xubnaha iska bixiya ayaa laga qaadayaa

Ibsitaal (Bukaan jiif) $3 maalintii, $75 ugu badnaan inta lagu jiro

Isbitaal (Bukaan Socod) $3 booqashadii, lama wada bixinayo wixii qolka gurmadka degdega ah ah

Adeegyada Xanuunada Maskaxda/Mukhaadaraas Isticmaalka ee Guriga Shaybaadhka Caafimaad ee Caruurta “Adeegyo Kale”

$0

Shaybaadhka/Baadhida cudurka $1 oo lawada bixinayo adeeg kasta oo shaybaadhka ah (marka isbitaal gudihii ay tahay) Shaybaadhka madaxa banaani uma baahna in lawada bixiyo Waaxa ugu badan $30 oo xubintii ah, sanadkii.

Daawaynta Mukhaadaraadka (oo ay kamid tahay methadone)

$0

Gadiidka wixii aan gurmadka degdeg ah oo caafimaad ahayn

Wixii gadiidka wixii aan gurmadka degdeg ah oo caafimaad ahayn waxaa bixiya gobolka Wisconsin, oo aan ahayn Children’s Community Health Plan. Hadii aad kaalmo gaadiidka ah u baahan tahay, kala hadal gaadiidlayda Gaadiidka Gobolka Wisconsin 1-866-907-1493.

Kaaliyaha caafimaadka umulisada ah $0 (adeegyada uurka la xidhiidha)

Kaaliyayaasha Caafimaadka Madaxa Banaan

$0

Xarumaha Dadka Waawayn Lagu Xanaaneeyo

$0

Daawaynta Afka $2 (kharashka dhakhtarka)

Bukaan Socodka Xanuunada Maskaxda $0

Bukaan Socodka Xanuunada Maskaxda iyo adeegyada isticmaalka mukhaadaraadka ee guriga ama bulshada Waayeelka ah

$0

Page 18: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 17 / 35

Guno Xubnaha iska bixiya ayaa laga qaadayaa

Bukaan Socodka Mukhaadaraadka Isticmaala

$0

Daryeelka Shakhsi Ahaaneed $0

Farmasiga Wixii dawooyin ah ee la qoray ee caymisku bixinayo waxaa bixiya gobolka Wisconsin, oo aan ahayn Children’s Community Health Plan. Hadii aad wax su’aal ah ka qabto dawooyinka la qoro ee caymisku bixiyo lasoo hadal 1-800-362-3002.

Dawaynta Lugaha $2; ugu badnaan $30 daryeel bixiyihii; sidoo kale $1 daryeelka joogtada ah ee lugaha ah; $3 oo dheeraad ah qaliinkiiba

Shucaaca $3 daawayntiiba Shucaaca/Daawaynta Kaansarka ee aan la wada bixinaynin

Adeegyada Dhakhtarka $2; ugu badnaan $30 daryeel bixiyiihiiba. $3 oo dheeraad ah qaliinkiiba: $2 oo dheeraad ah oo adeegyada daawaynta la wada bixinayo ah; $2 maalintii adeegyada shaybaadhka xasaasiyada”.

Gadiidka Caafimaadka ee Gaarka ah Wixii gadiidka aan gurmadka degdeg ah oo caafimaad ahayn waxaa bixiya gobolka Wisconsin, oo aan ahayn Children’s Community Health Plan. Hadii aad kaalmo gaadiidka ah u baahan tahay, kala hadal gaadiidlayda Gaadiidka Gobolka Wisconsin 1-866-907-1493.

Xarunta Lagu Daweeyo Isticmaalka Mukhaadaraadka

$0

Dhakhtarka, Dhakhtarka Shaqada iyo Hadalka

$1 daawayntiiba

Page 19: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 18 / 35

Adeegyada Aanu Caymisku Bixinin CCHP waxay bixisaa kaliya adeegyada uu bixiyo kharashkoodu BadgerCare Plus. Wixii adeeg ah ee kharashkooda ayna bixinin BadgerCare Plus ma bixinayso kharashkooda CCHP. Adeegyada aan kharashkooda caymisku bixinin waxaa kamid ah (balse aanu ku koobnayn):

• Adeegyada u baahan ogolaansho (marka hore in la ogolaado) intaan laguu aanad galin kahor.

• Waxyaabaha sida telefiishinka, reedyawga, kursiga kor usoo kaca, eer koorishinka, ama agabka jimicsiga (xataa hadii uu daryeel bixiyuhu qoray), iyo

• Qaliinada loo arko inay tijaabo yihiin ama quruxda ah. Gobolka Wisconsin waxa uu markasta ku jiraa qiimaynta teknooloojiyada markay fududaato sida loo helayaa waxaynu la socodsiiyaa CCHP hadii kharashka adeegaas uu caymisku bixinayo.

Adeegyada Xanuunada Maskaxda iyo Isticmaalka Mukhaadaraadka CCHP waxay siisaa dhamaan xubnaheeda adeegyada xanuunada maskaxda iyo isticmaalka mukhaadaraadka (daroogada iyo khamrida). Hadii aad leedahay daryeel bixiye dalada CCHP ku jira waad u tegi kartaa daryeel bixiyahaas lagaagamana baahna inaad anaka nalasoo hadasho wixii ka horeeya intaanad balanta ka samaysan. Hadii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo daryeel bixiye sidii aad u heli lahayd kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Hadii aad kaalmo isla markaba u baahan tahay lahadal CCHP-ga shaqada ku jira, khadka kaaliyaha caafimaad ee 24-ka saac ee 1-877-257-5861, kaas oo todobada maalmoodba ee todobaadkiiba furan. Hadii ay xaalad gurmadka degdega ahi ku haysato, lahadal 911 ama qabo qolka gurmadka degdega ah ee kuugu dhaw ama caafimaadka habdhaqanka ama istibaalka isticmaalka mukhaadaraadka. Dhamaan adeeg bixiyayaasha CCHP gaar ayaa loo leeyahay. Adeegyada Qorshaynta Qoyska Waxaanu bixinaa adeegyo sir ah oo qorshaynta qoyska ah oo aanu siino dhamaan xubnahaayaga, oo ay kamid yihiin caruurtu. Hadii aad doonayso inaanad daryeel bixinayaaha kowaad kala hadal qorshaynta qoyska, kala soo hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Waxaanu kaa caawin doonaa sidaad u qoraan lahayd daryeel bixiye qorshaynta qoyska ah oo aan ahayd daryeelka caafimaad bixiyahaaga kowaad. Waxaanu kugu dhiirinaynaa inaad gasho adeegyada qorshaynta qoyska oo aad ka hesho daryeel bixiyayaasha CCHP si si wanaagsan ay iskugu dibo dhacaan dhamaan daryeeladaada caafimaad. Sharciga Federalku waxa uu u ogol yahay xubnaha inay doortaad daryeel bixiyahooda, oo ay kamid yihiin dhakhtarka iyo xarunta caafimaadka qorshaynta qoyska, wixii daryeel iyo agabka dhalmada ah. Sidaasi darteed, sidoo kale waxaad qaban karta xarunta caafimaadka ee qorshaynta qoyska ee aad doonto intaad

Page 20: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 19 / 35

qaadato kaadhka aqoonsiga ForwardHealth, xataa hadii aanay xarunta caafimaadku ka mid ahayd CCHP. Adeegyada farsamiyada Daryeel bixiyahaagu waxa uu ku siin karaa dawooyin qoran. Waxaad dawooyinkaa uu kuu qoray ka heleysaa farmsiga aad doonto ee kamid ah daryeel bixiyayaasha BadgerCare Plus. Waxaad xasuusnaataa inaad tusto kaadhka aqoonsigaaga ForwardHealth farmasiga markaad dawada ka qaadanayso. Gunadaada farmasiga waxaa bixinaya Gobolka Wisconsin, CCHP ma bixinayso. Hadii aad u baahan tahay kaalmo helida dawooyinka laguu qoray, lasoo xidhiidh Adeega Xubinta ForwardHealth oo kala soo hadal 1-800-362-3002. Waxa dhici karta inaad badh iska bixinayso ama xadidan yihiin dawooyinka caymisku kaa bixinayaayi. Qiimaynta Baahida Kormeerka Daryeelka/Caafimadka (BadgerCare Plus Waayeelka aan Caruurta Lahayn oo kaliya) Xubin CCHP ahaan, waxaa laga yaabaa in lagaa dalbado inaad uga sheekeyso shaqaale loo tobobaray wixii baahiyo ah ee daryeelka caafimaad ah. CCHP ayaa kulasoo xidhiidhi doonta 60 maalmood ee ugu horeeya gudahood markaad kusoo biirto si aad u qabsato balan aad kaga waramayso taariikhdaada caafimaadka iyo baahidaada daryeel. Waa muhiim inaad kala hadasho CCHP si aad u hesho daryeelka iyo adeegyada aad u baahan tahay. Hadii aad wax su’aal ah qabto ama aad doonayso inaad si toos ah ula xidhiidho CCHP si aad u qabsato balan aad ugaga waramayso bahidaada daryeelka caafimaad, fadlan kala soo hadal 1-877-227-1142 riix doorashada 2. Adeegyada daryeelka ilkaha Xubnaha degan degmooyinka Kenosha, Milwaukee, Ozaukee, Racine, Washington iyo Waukesha, CCHP waxay bixisaa dhamaan adeegyada daryeelka ilkaga, laakiin waa inaad qabataa xarun ilkood oo ka tirsan CCHP. Waxaad ka eegtaa Liiska Daryeel Bixiyayaasha ama kala soo hadlaya Adeega Macmiilka ee Daryeelka Ilkaha 1-877-389-9870 si aad u hesho magacyada xarumaha daryeelka ilko bixiya. Xubin ahaan, waxaad xaq u leedahay balamaha shaybaadhka caadiga ah ee ilkaha oo 90 maalmood gudaheed ah markaad si rasmi ah u dalbatay. CCHP waxay leedahay Adeega u Ololaynta Xubnaha Daryeelka Ilkaha HMO si ay kaaga waaciyaan hadii aad wax mushkilad ah ku qabto xarunta daawaynta ilkaha. Si aad ula xidhiidho Adeega u Ololaynta Xubnaha HMO kala hadal 1-800-482-8010. Xubnaha degan degmooyinka aan ahayn kuwa kor ku qoran waxay ka heli karaan daryeelka ilkaga dhakhtarka ilkaha ee ay rabaan kaas oo qaata kaadhka aqoonsiga ForwardHealth. Adeegyada daryeelka ilkaha waxaa bixiya Gobolka Wisconsin, CCHP ma bixiso. Kala hadal Adeega Xubinta ForwardHealth 1-800-362-3002 si aad u helisho

Page 21: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 20 / 35

daryeel bixiya Medicaid ku jira. Daryeelka Degdeg ah ee Ilkaha Daryeelka degdega ah ee Ilkuhu waa in loo baahdo adeeg daawayn ilko oo degdega ah si lagaaga daweeyo xanuun xun, barar, xumad, caabuq ama dhaawac ilkaha soo gaadha. Waxaad xaq u leedahay inaad daawayn u hesho daryeelka degdega ah ee ilkaha 24 saacadood gudahood markaad dalabka dhiibatay. Hadii aad degan tahay degmooyinka Kenosha, Milwaukee, Ozaukee, Racine, Washington ama Waukesha oo aad leedahay dhakhtar ilko oo ah CCHP.

• Lahadal xafiiska dhakhtarka ilkaka. • U sheeg in adiga ama ilmahaagu uu qado xaalad degdeg ah oo ilkood. • U sheeg waxa ay mushkiladu tahay xafiiska dhakhtarka ilkaha, sida xanuun

ilkood oo xun ama barar wajiga ah. • Waxaad xaqiijisaa inuu xafiisku fahmo inaad adiga ama ilmahaagu qabtaan

xaalad degdeg ah oo ilkood. Hadii aanad lahayd dhakhtar ilkood oo CCHP ah:

• Kala hadal Adeega Macmiilka Daryeelka Ilkaha 1-877-389-9870. • U sharax in adiga ama ilmahaagu qabo xaalad degdeg ah oo ilkood. Waxaanu

kaa caawin karnaa inaad hesho adeegyada daryeelka ilkaha. • Hadii aad u baahan tahay kaalmo gaadiid, la hadal 1-866-907-1493.

Tilmaamaha daryeelka ilkaha

• Hel dhakhtar ilkood oo balan ka qabso dhakhtarkaaga ilkaha. Xafiiska ilkuhu waa meesha aad ka heli karto dhamaan wixii ku saabsan daryeelka ilkaha.

• Booqashada kowaad ee dhakhtarka ilkaha ee ilmuhu waa inay noqoto marka uu meelahaas 1 sano jiro.

• Waa inaad qabsataa balanta daryeelka ilkaha lixdii biloodba mar. • Sonkorta iska yaree, gaar ahaan markaad seexanayso. • Yaan koobabka loo yaqaan sippy cups caruurta waxba lagu siinin. • Cun raashin iyo buskad caafimaadka u wanaagsan. • Ilkaga gasho bahalada badbaadiya markaad ciyaarayso ciyaaraha.

Bogga Badqabka Waxaad geli kartaa bogaayaga badqabka halkaas oo aad u buuxinaysid qiimaynta caafimaadkaaga oo aan talaabo kaga qaadaysid si aad nolol caafimaad qabta ugu noolaato . Bogga waxa ku jira waxyaabo aad adeegsan karto adiga oo kaligaa ah, sida joojinta sigaarka, wax cunista iyo miisaanka caafimaadka qaba, maamulida warwarka iyo isku buuqa.

Page 22: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 21 / 35

Adeegyada dabiibka Waxaad ka geli kartaa adeegyada dabiibka dabiibe kasta oo aqbala kaadhka aqoonsiga ForwardHealth. Adeegayada dabiibka waxaa bixinaya Gobolka Wisconsin, CCHP ma bixinayso. Si aad u hesho daryeel bixiye ku jira Medicaid:

1. Booqo www.forwardhealth.wi.gov 2. Riix linkiga xubinta ama badhanka ku yaala badhtamaha boga. 3. Hoos u dhaadhac oo riix daaqada Resources (Khayraadka). 4. Riix Linkiga Find a Provider (Hel Daryeel Bixiyaha) 5. Qaybta Barnaamijkayada, dooro BadgerCare Plus.

Waxaad sidoo kale la hadli kartaa Adeega Xubinta ForwardHealth 1-800-362-3002. Adeegyada araga Adeegyada araga, oo ay kamid yihiin muraayada indhaha, waxaa bixiya caymiska; balse, waxyaabo xadidaya ayaa jira. Wixii macluumaad dheeraad ah, kala hadal Waaxda Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Adeegyada daawaynta xanuunada Autism Adeegyada daawaynta hab dhaqanka waxaa lagu bixiyaa gunada BadgerCare Plus. Waxaad ka heli kartaa adeegyada daawaynta xanuunada austims daryeel bixiye ku jira Medicaid kaas oo aqbala kaadhka aqoonsiga ForwardHealth. Si aad u hesho daryeel bixiye ku jira Medicaid:

1. Booqo www.forwardhealth.wi.gov 2. Riix linkiga Members (Xubinta )ama badhanka ku yaala badhtamaha boga. 3. Hoos u dhaadhac oo riix daaqada Resources (Khayraadka). 4. Riix Linkiga Find a Provider (Hel Daryeel Bixiyaha). 5. Qaybta Barnaamijkayada, dooro BadgerCare Plus.

Waxaad sidoo kale la hadli kartaa Adeega Xubinta ForwardHealth 1-800-362-3002. Shaybaadhka Guud Shaybaadhka Guud waa barnaamij wada dhamaystira shaybaadhka caafimaadka guud oo dhan, oo ay kamid tahay daawaynta wixii mushkilado caafimaad ah ee la arko wakhtiga shaybaadhka, wixii xubno kayar 21 sano. Shaybaadhadani waa muhiim. Daryeel bixiyayaashu waxay doonaan inay dadka kayar 21 jirkooda inay si joogto ah shaybaadh ugu sameeyaan, oo aan hayn kaliya markay xanuunsadaan. Barnaamijka Shaybaadhka Caafimaadka waxa uu leeyahay 3 ujeedo:

1. Si loo ogaado oo loo daweeyo wixii mushkilad caafimaad ah ee dhalinyarada kayar 21 jirka;

2. In laguu sheego adeegyada gaarka ah ee caafimaadka ee dadka kayar 21 jirka;

Page 23: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 22 / 35

3. Si looga dhigo dadka kayar 21 jirka inay u qalmaan adeegyo daryeel caafimaad oo sida kale aan loo bixinin.

Barnaamijka shaybaadhka guud waxa uu bixiyaa daryeelka wixii mushkilado caafimaad ee la arko inta lagu jiro shaybaadhka sida caafimaad ahaan, caafimaadka hab dhaqanka, daryeelka indhaha iyo ilkaha. Baadhitaanka shaybaadhka Guud waxaa kamid ah:

• Taariikhda caafimaad iyo koriin • Shaybaadh jidhka inta la qaawiyo • Shaybaadh maqalka iyo aragtida ah • Shaybaadhka ilkaga iyo refeertada dhakhtarka ilkaha wixii ka bilaabma 1 sano jir • Shaybaadhka dhiiga iyo kaadida (oo ay kamid yihiin shaybaadhka guud da’da ku

munaasabka ah) • Talaalka (irbada) da’da ku munaasabka ah

Si aad u qabsato balan baadhitaanka Shaybaadhka Guud ah ama wixii macluumaad dheeraad ah, kala hadal Waaxda Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Hadii aad u baahan tahay kaalmo gaadiidka balanbta Shaybaadhka Guud aad uu raacayso, wac 1-866-907-1493. Balanta Shaybaadhka Guud

• Dhalasho ilaa 1 sano jir: 6 jeer sanadkii • 1 ilaa 2 sano jir: 3 jeer sanadkii • 2 ilaa 3 sano jir: 2 jeer sanadkii • 3 ilaa 21 sano jir: 1 mar sanadkii

Adeegyada maamulka kiiska Xubnaha doonayo in laga caawiyo inay maareeyaan wixii walaac ah ee la xidhiidha caafimaadkooda, CCHP waxay shaqaale u qabtaa barnaamij gaar ah oo kaaliye caafimaad ah, shaqaale bulsho iyo lataliyayaal. Fadlan lasoo hadal 1-877-227-1142 si aad u hesho shaqaalaha Adeega xarunta Caafimaadka inta u dhaxaysa saacadaha 8 subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo. Isniin ilaa Jimce. Gadiidka Gadiidka wixii aan gurmadka degdeg ah oo caafimaad ahayn (NETM) waxaa laga heli karaa maamulaha Waaxda Adeega Caafimaadka NEMT. Maamulaha NETM ayaa diyaariya oo bixiya kharashka gaadiidka si loo siiyo adeegyada xubnaha kuwaas oo aan lahayd si kale oo ay ku helaan gaadiid.

Page 24: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 23 / 35

Gadiidka wixii aan gurmadka degdeg ah oo caafimaad ahayn waxa la raaco karaa oo la isticmaali karaa:

• Gaadiidka shicibka, sida basaska magaalada • Ambilaasyada aan gurmadka degdeg ah ahayn • Gaadiidka gaarka ah ee caafimaadka • Gaadiid nooc kale ah, kuwaas oo ku xidhan baahida caafimaadka iyo gaadiidka

Sidoo kale, hadii aad isticmaasho gaadhi aad gaar u leedahay oo aad usoo kaxaysato balaha wixii daryeel uu caymisku bixiyo kharashkooda, waxaa u qalmo kartaa in laguu celiyo masaafadaas wixii kharash shidaal ah ee kaaga baxay. Waa inaad balansataa gaadiidka caadiga ah oo laba maalmood kahor balantaada. Waxaad balan gaadiidka ah qabsan kartaa adiga oo kala hadlaya maamulaha NEMT 1-866-907-1493 (TTY 1-800-855-2880), Isniin ilaa Jimce, 7 subaxnimo ilaa 6 fiidnimo. Waxaad sidoo kale qabsan kartaa balan gaadiid oo balanta degdeg ah. Gadiidka balanta degdega ah waxaa lagu heli karaa 3 saacadood ama wax kayar. Ambilaaska CCHP waxay bixisaa gaadiidka ambilaaska wixii xaalad daryeel degdeg ah. Markasta lahadal 911 hadii xaalad xun oo gurmadka degdeg ahi jirto. Hadii aad guurto Hadii aad doonayso inaad guurto, la xidhiidh hay’adaada Ilaalada Dakhliga (IM) ee wakhtigan aad ku xidhan tahay. Hadii aad degmo kale u guurto, waa inaad sidoo kale la xidhiidhaa IM-ka degmadaada cusub si aad ula socodsiiso u qalmidaada. Hadii aad ka guurto aaga adeega CCHP, kala hadal khabiirka ku biirida HMO 1-800-291-2002. CCHP kaliya waxay daryeelka degdega ah bixisaa kaliya hadii aad ka guurtay aaga adeega. Khabiirka ku biirida ee HMO ayaa kaa caawinaya doorashada HMO oo ka shaqeeya meesha cusub ee aad degtay. Waxyaabaha laga soo reebo HMO Guud ahaan, waa inaad ka qayb gashaa HMO si aad u hesho guno daryeel caafimaad oo aad ku hesho BadgerCare Plus. Waxyaabaha laga soo reebey HMO waxay ka dhigan yihiin inaanad u baahnayn inaad ku biirto HMO si aad u hesho gunada daryeelka caafimaad. Waxyaabaha laga soo reebey badanaa waxaa la bixiyaa mudo gaaban oo kaliya, taas oo ah si laguugu ogolaado inaad dhamaystirado daawayn kuu socotay kahor inta aanad kusoo biirin HMO. Hadii aad isleedahay waxaad u baahan tahay waxyaabaha laga soo reebo ku biirida HMO, kala hadal khabiirka ku biirida HMO 1-800-291-2002 wixii macluumaad dheeraad ah.

Page 25: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 24 / 35

Dardaaranka Hore, Dardaaranka La nool yahay ama Awooda Qareenka ee Daryeelka Caafimaadka Waxaad xaq u leedahay inaad go’aan ka gaadho daryeelkaaga caafimaad. Waxaad xaq u leedahay inaad aqbasho ama aad diido qaliin daawayn caafimaad. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad qorshaysato oo aad ku sheegato nooca daryeelka caafimaad ee aad doonayso inaad hesho mustaqbalka hadii aanad awoodin inaad hadhaw sheegato wixii aad doonayso. Waxaad la socodsiin kartaa daryeel bixiyahaaga rabitaankaaga adiga oo buuxinaya foomka tilmaamo hordhac ah, dardaaranka ama awooda qareenka ee daryeelka caafimaad. La xidhiidh daryeel bixiyahaaga wixii macluumaad dheeraad ah ee dardaaranka ama awooda qareen ee daryeelka caafimaadka ah. Waxaad xaq u leedahay inaad dacwad ka xaraysato Waaxda Adeegyada Caafimaadka, Qaybta Sugida Tayada hadii tilmaamo hordhac ah, dardaaranka ama awooda qareenka ee aad doonaysay aan la raacin. Waxaad dalban kartaa hadii aad u baahato in lagaa caawiyo buuxinta dacwada. Xaquuqda helida duwaanka caafimaad Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato in lagu siiyo nuqul duwaanka caafimaad oo aad daryeel bixiyahaaga ka hesho. Waxaanu kaa caawin karnaa inaad hesho nuqul duwaankaas ah. Kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 wixii caawimo ah. Fadlan ogsoonaw: Waxaa dhici karta inay kugu waajibto inaad bixiso kharashka nuqulka duwaanka caafimaad laguugu samaynayo. Sidoo kale waxaa soo sheegi kartaa wixii macluumaad khaldan ee ku jira duwaankaaga caafimaad hadii uu daryeel bixiyahaagu kugu raacsan yahay in sixida la sameeyo. U ololaynta Xubinta CCHP waxay leedahay Adeega U Ololeynta Xubinta HMO si aad u hesho daryeelka caamka ah ee aad u baahan tahay iyo si aad ugu hesho jawaabo su’aalaha aad ka qabto daryeelka caafimaad ee CCHP. Adeega u Ololaynta Xubinta HMO waxa uu sidoo kale kaa caawinayaa inaad xal u hesho mushkilad kaa haystay helida daryeelka caafimaad ee CCHP. Waxaad kula xidhiidhi kartaa Adeega u Ololaynta Xubinta HMO adiga oo Adeega Macmiilka kala xidhiidhaya 1-800-482-8010. Nagu xidhnow anaga! Wixii macluumaadka ugu danbeeyay ee munaasabadaha bilaashka ah ee bulshadaada, qaababka aad abaal marin ku heli karto, hawlasha caafimaadka iyo madadaalada, khayraadka deegaanka iyo wax kale oo dheeraad ah:

• Booqo websaytkaagaya www. cchp-wi.org • Naga hel Facebook-ga ee facebook.com/CCHP-WI

Page 26: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 25 / 35

Barnaamijka Daba Galka HMO ee Gobolka Wisconsin Gobolka waxa uu cid gaar ah saaray masuuliyada Dabal galka (shakhsi leh dhex dhexaadnimo, sir iyo kaalmo macluumaad bixinaya) kaas oo kaa caawin kara wixii su’aalo ah ee aad qabto ama mushkaladaha aad qabto xubin HMO ahaan. Daba galuhu waxa uu kuu sheegi karaa sidaad uga heleyso daryeelka aad u baahan yahay HMO. Sidoo kale Daba galuhu waxa uu kaa caawinayaa inaad xal u hesho mushkilado ama tabasho aad qabto oo ku saabsan barnaamijka HMO ama HMO-kaaga. Lahadal 1-800-760-0001 oo la hadal Daba galaha. Sugida tayada Hadafka CCHP waa inay bixiso adeegyo daryeelka caafimaad ah oo tayo leh, isku duba dhacsan oo la heli karo. Barnaamijka Sugida Tayadu waxa uu ilaaliyaa qorshaheena. Waxaanu sidaas u samaynaa si aanu u xaqiijino inaanu ka jawaabayno baahidaada caafimaad. Waxaanu kaa dalban karnaa inaad taladaada kasoo dhiibato qaab xog uruurin si aanu u ogaano intaad ku qanacsan tahay daryeelka caafimaad iyo adeegyada aad hesho. Markasta waxaanu ka shaqaynaa sidii aanu u horumarin lahayn adeegyadaayada. Sugida tayada waxa sidoo kale kamid ah barnaamijyada qorshaynta, bilawga iyo kormeerka si lo xaqiijiyo badbaadadaada iyo baahidaada caafimaad in laga jawaabay. Tusaale ahaan mid kamid ah barnaamijyadaayadu waxa uu kuu soo dirayaa boos kaadh si waalidiinta ama koriyayaasha loo xasuusiyo in la gaadhay wakhtigii ilmahaagu gali laahaa Shaybaadhka Guud. Waxaanu aaminsanahay in barnaamijyada noocan oo kale ahi in ay jiraan wax badan kaa caawinayaan. Waxay kula socodsiinayaan adeegyada kaa caawin kara inaad caafimaad qabto. Barnaamijka Sugida Tayada waxa uu kormeeraa barnaamijyadan. Waxaanu sidoo kale soo dhawaynaynaa wixii talo ah ee barnaamijyada cusub ah. Cabashooyinka iyo Ambiilka (qaybtan waxay khusaysaa walaacyada wixii gunooyinka iyo wixii aan gunooyinka la xidhiidhin) Cabashadu waa erey bixin guud oo loo isticmaalo si loo sharaxo hadii aanadk u qancin caymiska caafimaadkaaga ama daryeel bixinayaha. Cabashadu waxay noqon kartaa mid af ah ama qoraal ah oo ay kamid tahay:

• Helida daryeel xanuuno — sida adeega, daawanka ama daawooyinka aad u baahan tahay ee aanad heli karin.

• Caymiskaaga ayaa kuu diiday adeega oo kuu sheegey inaanay caafimaad ahaan daruuri ahayn.

• Inaad mudo dheer sugto si aad balan laguugu qabto. • Waxaad heshey daryeel liita ama si lagu karahsan yahay ayaa laguu daweeyay. • Caymiskaagu kuumasoo celiyo kharashka aad ku bixisay wixii gurmadka degdeg

ah ee caafimaad ee aad gashay.

Page 27: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 26 / 35

• Waxaa lagugu soo dalacay kharash aad aaminsan tahay in aanu kugu waajibin inaad bixisaayi.

Ambiilku waa odhaah af ama qoraal ah oo go’aan aan lagu qancin oo CCHP bixisay ah adiga oo cabasho muujiyay, ama marka aanad ku qanacsanayn go’aanka caymiska uu kuugu diiday ama uu xadiday ogolaanshaha ama adeega aad ka dalbatay caymisku inuu kaa bixiyo. Adiga ama wiilkaaga awooda u leh inuu ku matalo ayaa xarayn kara ambiilka 90 maalmood gudahood marka uu go’aankaayada arrintan ku saabsani soo baxo. Arrimahan waxaa kamid ah, balse aan ku koobnayn:

• Tayada daryeelka ama adeegyada la bixiyay • Shaqaalaha ama daryeel bixiyayaasha oo si xun kuula dhaqmay • Inaan la qadarin xuquuqdaada xub ahaan • Nooca ama heerka adeega • Yaraynta, hakad galinta ama joojinta adeeg hore loo ogolaaday • Diidmo, qayb ama dhamaan, bixinta kharashka adeega.

Waxaanu doonaynaa inaanu ogaano hadii aad qabtid wax cabasho ah ama aad doonayso inaad ambiil ka qadato go’aan daryeelka ama adeegyada aad ka hesho CCHP. Kala hadal CCHP adeegeeda U ololaynta Xubinta HMO 1-800-482-8010 hadii aad qabto cabasho ama aad ambiil qaadanayso, ama qoraal usoo dir: Children’s Community Health Plan Attn: Complaint/Appeal Department (Waaxda Cabashada/Ambiilka) PO Box 1997, MS6280 Milwaukee, WI 53201-1997 Ama cid ka baxsan CCHP-ka shaqada ku jira ee khabiirka ku biirida HMO ah adiga oo kala hadlaya 1-800-291-2002. Khabiirka ku biirida ayaa kaa caawin kara inuu kula xaliyo wixii mushkilado ah. Waxaad sidoo kale u qori kartaa warqad rasmi ah oo cabasho ah ama ambiil ah CCHP ama Barnaamijka Daryeelka La Maamulay ee Wisconsin. Cinwaanka iyo taleefanka lagala xidhiidhi karo barnaamijka HMO ee gobolku waa: Wisconsin BadgerCare Plus Managed Care Ombuds PO Box 6470 Madison, WI 53716-0470 1-800-760-0001 Hadii cabashadaada ama ambiilkaagu u baahan yahay talaabo degdeg ah in laga qaado maadaama oo wixii dib u dhac ku yimaadaa uu keenayo khatar kordhaysa oo caafimaadkaaga ah, kala hadal Adeega Macaamiilka Children’s Community Health Plan sida ugu dhakhsaha badan 1-800-482-8010. Si ka duwan dadka kale kuulama dhaqmayno maadaama oo aad cabasho ama ambiil xaraysay. Wax saamayn ah kuma

Page 28: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 27 / 35

yeelanayso gunadaada caafimaad.Waxaad xaq u leedahay inaad ambiilkaaga u gudbiso Gobolka Wisconsin Waaxda Dhagaysiga iyo Ambiilada si aad u hesho dhagaysi cadaalad ah hadii aad aaminsan tahay in si khaldan ay kuugu diiday, xadiday, yareysay ama ay u joojosay CCHP. Ambiilka noocan ah waa in lagu gudbiyaa mudo aan ka danbaynin 45 maalmood oo ka bilaabma taariikhda dhacdada ambiilka laga qaadanayaayi dhacday. Hadii aan ambiilka gudbiso inta ka horeeya wakhtiga ay dhaqan galayso hawshu, adeega waa lasii wadi karaa. Waxaa dhici karta in lagaaga baahdo inaad kharashka adeegyada bixiso hadii aan adiga laguu xukumin. Hadii aad doonayso dhagaysi cadaalad ah, waxaad qoraal dalab ah u dirtaa: Department of Administration (Waaxda Maamulka) Division of Hearings and Appeals (Qaybta Dhagaysiga iyo Ambiilada) PO Box 7875 Madison, WI 53707-7875 Dhagaysiga waxaa lagu qaban doonaa degmada aad degan tahay. Waxaad xaq u leedahay inaad u soo kaxaysato dhagaysiga saaxiib ama wakiil. Hadii aad u baahan tahay in qaab gaar ah laguu qaabilo sida laxaad la’aan ama turjumaada luuqada, lahadal 1-608-266-3096. Dadka aan dhaga sifiican uga maqal waxay la hadli karaa 1-608-264-9853. Si dadka xubanaha kale ka duwan laguula dhaqmi maayo sababtoo ah codsigaaga dhegaysiga xaqa ah. Wax saamayn ah kuma yeelanayso gunadaada caafimaad. Hadii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo qoraalka dalabka dhagaysiga, kala hadal Wisconsin Managed Care Ombuds 1-800-760-0001 ama khabiirka ku biirida HMO 1-800-291-2002. Qorshaha Gunada Daryeel Bixiyaha Children’s Community Health Plan waxa dano dhaqaale oo gaar ahi kama dhaxeeyo daryeel bixiyayaashaayada taas oo saamayn karta u gudbinta ama adeegyada kale ee aad u baahan tahay. Waxaad xaq u leedahay inaad na waydiiso hadii Children’s Community Health Plan waxa dano dhaqaale oo gaar ahi kama dhaxeeyo dhakhaatiirtaayada taas oo saamayn karta u gudbinta ama adeegyada kale ee aad u baahan tahay. Si aad macluumaadkan u hesho, kala soo hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010 oo dalbo macluumaadka heshiiska kharash bixinta ee dhakhtarkaaga. Weedha Xaqiijinta Children’s Community Health Plan (CCHP) waxa uu doonayaa inay xubnihiisu helaan daryeelka ugu haboon ee macquulka ah ee ay aadka ugu baahan yihiin. Si loo xaqiijiyo

Page 29: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 28 / 35

taas, waxaanu isticmaalnaa nidaam ogolaashaha mudnaanta, kaas oo qayb ka ah barnaamijka Maamulida Laga Wada Faa’idaysto (UM). Go’aanka UM waxa uu ku xidhan yahay kaliya sida uu u munaasab yahay daryeelka iyo adeega, iyo caymiska bixinaya ee jira. CCHP si gaar ah uma naas nuujiso daryeel bixiyayaasha ama shakhsiyaadka wixii amarada diidmada caymiska ah. Gunada dhaqaale ee ciday ka go’do UM ma dhiiri galiyaan go’aanada aan si wanaagsan looga faa’idaysanaynin/ Waraaqaha Daryeel Bixiyaha Waxaad xaq u leedahay inaad hesho macluumaadka ku saabsan daryeel bixiyayaashaada taas oo ay kamid tahay waxbarshadooda, shahaadada gudida iyo dib u cusboonaysiinta shahaadadooda. Si aad u hesho macluumaadkan, kala hadal Adeega Macmiilka 1-800-482-8010. Xuquuqda iyo Masuuliyadaha Xubinta Waxaad xaq u leedahay inaad:

• Dalbato turjumaan iyo hal daryeel bixiye mudada uu socdo wixii adeeg caymisku kharashkiisa bixinayo ee BadgerCare Plus.

• Inaad ku hesho macluumaadka buugan xubnuhu uu xambaarsan yahay luuqaad kale ama qaab kale.

• Inaad u hesho adeegyda daryeelka caafimaad sida uu dhigayo sharciga federalka iyo gobolku (Dhamaan adeegayda uu caymisku bixinayo kharashkooda waa inay diyaar kuu ahaadaan oo aad heli karto adigu. Marka mudnaanta caafimaadka la sameeyo, adeegyadu waa inay diyaar noqdaan 24-ka saac maalintii, todoba cisho todobaadkii).

• Helida macluumaadks ku saabsan ikhtiyaarada daawayntu waxaa kamid ah xuquuqda aad ku dalban karto inaad hesho talo labaad oo ku saabsan kharashka iyo gunooyinka caymisku bixinayo.

• Inaad daryeel bixiyayaasha kala qayb gasho go’aanada ku saabsan daryeelka caafimaad iyada oo aan la eegeynin kharashka ama gunada uu caymisku kharashkeeda bixiyo.

• In laguula dhaqmo si sharaf iyo xushmad leh — waxaad xaq u leedahay in waxyaabihii ku saabsan caafimaadkaaga sir lagaaga dhigo.

• Inaad ka madax banaan tahay wixii xadidaado ama go’aanu uu xafiisku u isticmaalayo awood, xakamayn, fududayn ama eryin ah.

• Helida macluumaadka ku saabsan CCHP, adeegyadeeda, daryeel bixiyayaasha iyo xuquuqda iyo masuuliyadaha xubinta.

• Soo bandhig cabashada ama ambiilka CCHP ama daryeelka ay bixiso. • Waxaad talo bixin ka dhiibataa wixii ku saabsan shuruudaha xuquuqda iyo

masuuliyadaha xubinta

Page 30: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 29 / 35

• Wada hadal furan oo la wada hadlayo oo ku saabsan ikhtiraayda dawaynta munaasabka ah ama xaalada caafimaad ee daruuriga ah ee xaalada, iyada oo aan loo eegeynin kharashka ama gunada uu kharashkeeda caymisku bixinayo.

• Xor ayaad u tahay inaad xuquuqdaada adeegsato iyada oo aad waxna ayna ka badalaynin daawayntaada CCHP iyo daryeel bixiyaha CCHP.

• Waxaa ku saaran masuuliyadaha inaad: • Faahnto xanuunkaaga oo aad ka qayb gasho curinta hadafka daawayneed • Inaad u sheegto daryeel bixiyahaaga ama CCHP waxa ay u baahan yihiin si ay

kuu daweeyaan. • Raadica qorshaha daawaynta iyo tilmaamaha aad isla ogolaateen adiga iyo

daryeel bixiyahaagu. Wargalinta Nidaamka Sirta ah Wargalintani waxay sharaxaysaa sida loo ilaaliyo macluumaadka caafimaadku ee xubnaha ee la isticmaalayo ee la bixinayo iyo sida xubnuhu u heli karaan macluumaadkan caafimaad ee la ilaaliyay. Fadlan wargalinta si taxadir leh u naqdi. CCHP waxaa ka go’an inay ilaaliso sirtaada shakhsi ahaaneed. Wargalintani waxay sharaxaysaa Nidaamka Sirta ah ee CCHP, masuuliyada sharciga ah iyo xuquuqdaada ku saabsan macluumaadkaaga caafimaad ee shakhsi ahaaneed. Waxaanu xaq u leenahay inaanu badali karto wargalintaayada nidaamka sirta ah iyo macluumaad kamid ah Wargalinta Nidaamka Sirta ee sharcigu noo ogol yahay. Markaanu ku samayno wax ka badal wayn nidaamka sirta ah, waxaanu badalaynaa warghalinta waxaananu kuu soo diraynaa wargalinta xubnahaayaga ama waxaanu soo galinaynaa websaytkaayaga ah childrenscommunityhealthplan.org . Erey bixinta “macluumaadka caafimaad ee shakhsi ahaaneed” ee wargalintan waxaa ka mid ah wixii macluumaadka shakhsi ahaaneed ah ee loo sameeyay ama lagu heley caymiska caafimaadka ee la xidhiidha caafimaadka iyo xaaladaha jidheed ama maskaxeed oo macaamiishaayada ah, daawaynta ama wixi kharash bixin ah ee adeegyada daryeelka caafimaad ee lasiiyay xubnahaayaga. Waajibaadyada Gaar ahaanshaha CCHP sharciyan ayaa looga baahan yahay inay:

• Xaqiijiso in macluumaadka caafimaad ee shakhsi ahaaneed sirtiisa ay ilaaliso • Inay kusoo gaadhsiiso Wargalinta Nidaamka Sirta ah • Raacida shuruudaha Wargalintan Nidaamka Sirta ah. Waxaanu u isticmaali

karnaa oo aanu siin karnaa macluumaadkaaga caafimaad ee shakhsi ahaaneed: o Adiga, cida ku lug leh daryeelkaaga caafimaad, ama asxaabtaada dhaw ama

xubnaha qoyskaaga si ay ula socdaan xaaladaada, in lagu dhigay xarun daryeel caafimaad ama marka aad geeriyooto

Page 31: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 30 / 35

o Xoghanyta Waaxda Adeegyada Caafimaadka iyo Bilaa Aadanka o Hay’ad caafimaadka shacabka ka shaqaysa marka ay jirto khatar caafimaad

ama badbaado oo xuni. o Dalwada wixii ku saabsan tacadi, dayacad ama tacadi guriga dhaxsiisa ah o Iyada oo laga jawaabayo amar maxkamadeed, waaran baadhitaan ama

yeedhmo o Ujeedooyinka bilayska o Wixii ujeedo daraasadeed hadii daraasadu u hogaansan tahay nidaamka sirta

ah ee sharcigu dhigayo o Wixii shaqooyinka gaarka ah ee dawlada sida ciidamada, amniga qaranka iyo

hawlaha sirdoonka. o Wixii baadhida maydka, ama sababta dhimashada ama maamulka aaska. o Wixii ah hawlaha nidaamka, kaydka ama qaadida unugyada, indhaha ama

xubnahah o Si loo taageero magdhawha shaqaalaha ama shuruucda lamidka ah o Hay’adaha kormeerka caafimaadka ay u sameeyaa hawlaha muhiimka ah ee

dawlada ee hantidhawrka, baadhitaanka, lasocodka iyo fasaxyada si ay ula socoto nidaamka daryeelka caafimaad iyo barnaamijyada.

Waxaanu xaq u leenahay inaanu isticmaalno oo aanu bixino macluumaadka caafimaadka shakhsi ahaaneed si aanu u bixino kharashka adeega daryeelka caafimaad iyo hawlaha ganacsigaayaga:

• Dhakhtarka, Isbitaalka ama daryeelka caafimaad bixiyayaasha kale, kuwaas oo dalbada macluumaadkaaga caafimaad ee la ilaaliyaya si aad u hesho daryeelka caafimaad.

• Si loo bixiyo kharashka adeegyada uu caymisku bixiyay ee dhakhtarka, isbitaalka ama daryeelka caafimaad bixiyuhu kuu qabtay.

• Wixii shaqo ah ee CCHP sida nidaamka ku biirida, ka masuul ahaanshaha dalabkaaga, ka jawaabida adeegyada aad dalbatay, isku duba ridka daryeelkaaga, xalinta khilaafaadka iyo hawlaha qabashada maamulida caafimaadka, ilaalinta tayada, hanti dhawrka iyo qiimaynta daryeelka caafimaad ee xirfadluhu bixiyay.

• Si aanu kuula soo socodsiino wixi macluumaad ah ee ku saaban gunada caafimaadka iyo adeegyada ama daawaynta ikhtiyaar kale ee aanu filayno inaad danaynayso

Adeegyada qaar waxaa CCHP siiya hay’ado kale oo loo yaqaan “dadka wada shaqaynta la leeyahay”. Tusaale ahaan, waxaa dhici karta inay qacan sadexaadi nidaamka mariso dalabkaaga si kharashkiisa loo bixiyo. Macluumaadkaaga sirta ah ee caafimaad ayaa lasiin doonaa cidaas ganacsaarka la leeyahay si loo bixiyo kharashka sheegashada. Dhamaan dadka ay la shaqayso CCHP waxay ku waajibisaa inay

Page 32: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 31 / 35

saxeexaan heshiis ilaalinaya macluumaadka caafimaadka ee sirta ah. Dhamaan dadka kale ee isticmaalaya ama bixinaya macluumaadkaaga caafimaad ee sirta ah waxa ay u baahan yihiin qoraal ogolaansho ah oo aad u qorto kahor inta ayna isticmaalin ama bixinin macluumadkaaga caafimaad ee sirta ah. Wakhtiga aad doonto ayaad ka noqon kartaa ogolaanshahaagas adiga oo qoraal nagula soo socodsiinaya. Wixii macluumaad caafimaad ah ee sir ah ee hore loo isticmaalay ama la bixiyay markuu ogolaanshahaagu jiray lama soo celin karo ama lagama noqon karo. Xuquuqdaada Kuwa soo socdaayi waa xuquuqdaada marka la eego macluumaadka caafimaadkaaga ee sirta ah: La socod iyo nuqul. Waxaad xaq u leedahay inaad la socoto oo aan nuqul ka hesho macmuulaadkaaga caafimaad ee sirta ah. Si aad ula socoto ama aad nuqul u dalbato, waxaad qoraal dalab ah u gudbinaysaa Maamulka Caymiska ee cinwaakiisu ku qoran yahay dhamaan Wargalintan Nidaamka Sirta ah. Waxaa lagaa qaadi karaa kharash macquul ah oo nuqulka lagu samaynayo. Mararka qaar, waxaa lagu diidi karaa fursada inaad la socoto oo aad nuqul ka hesho macluumaadkaaga caafimaad ee sirta ah. Guud ahaan, hadii lagu diido inaad hesho macmuulaadkaaga caafimaadka ah ee sirta ah, waxaad dalban kartaa inaad qiimayso sababta laguugu diiday. Dalabka wax ka badal Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato fursad wax ka badal loogu samaynayo wixii macluumaadkaaga sirta ah ee caafimaad oo aad isleedahay waa khalad ama waxbaa ka dhiman. Si aad u dalbato fursada wax ka badalka macluumaadkaaga sirta ah ee caafimaadka, waa inaad dalab u dirtaa Maamulka caymiska oo cinwaankiisuu ku qoran yahay dhamaadka Wargalintan Nidaamka Sirta ah. Dalabkaas waa inay kamid ahaataa sababta aad isku leedahay macluumaadkaaga caafimaadka ee sirtu wuu khaldan yahay ama waxbaa ka dhiman. Dalabkaaga wax ka badalka macluumaadkaaga caafimaadka sirta ah waa la diidi karaa marka macluumaadkaaga caafimaad ee sirtu yahay:

• Sax oo uuna dhamaystiran yahay • Aanay samaynin CCHP • Aanay kamid ahay macluumaadka caafimaad • Sirta ah ee ay hayso CCHP ama loo hayo • Xog aan sir ahayn oo aad xaq u leedahay inaad eegto

Inaad dalbato in lagula wadaago xisaabaadka. Waxaad xaq u leedahay inaad ka hesho CCHP liiska caymiska caafimaadka ee cid kale lasiiyay, marka laga reebo wixii daawayn daryeel caafimaad ee daruuri ah, kharashaadka, hawlaha daryeelka caafimaad ama bixinta adiga lagu siiyay ama noocyo gaar oo bixino ah. Si aad u dalbato xisaabaad la bixiyay, waxaad qoraal dalabkaaga ah u gudbinaysaa maamulka

Page 33: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 32 / 35

caymiska ee cinwaakiisu ku qoran yahay dhamaan Wargalintan Nidaamka Sirta ah. Dalabkaaga waa in lagusheegaa wakhtiga, kaas oo aan ka badnayn lix sano kahor taariikhda dalabka, oo aanu ku jirin dalabka wixii la bixiyay wixii ka horeeyay Diseember 1, 2005. Hadii aad dalbato liiska waxyaabihii la bixiyay oo mudo ka badan ah 12 bilood, waxaanu kaa qaadi kartaa kharash macquul ah, kaas oo ku salaysan ka jawabaida dalabkaaga. Xadidaadaha dalabka: Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato xadidaado in la saaro bixinta macluumaadkaaga caafimaad ah ee sirta ah ee ku saabsan daawayntaada, kharash bixinta ama hawlaha daryeelka caafimaad. CCHP khasab kuma aha inar raacdo dalabkaagaas. Si aad u dalbato xadidaad, waxaad qoraal dalabkaaga ah u gudbinaysaa Maamulka Caymiska ee cinwaakiisu ku qoran yahay dhamaan Wargalintan Nidaamka Sirta ah. Waa inaad dalabkaaga soo raacisaa:

• Macluumaadka aad doonayso in la xadido • Goorta aad doonayso in la xadido isticmaalka ama bixinta macluumaadkaaga

caafimaad ee sirta ah, ama labadaba • Cida aad doonayso in laga ilaaliyo

Dalabka xidhiidh sir ah. Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato xidhiidhka CCHP idiin dhaxeeya ee ku saabsan waxyaabo kamid ah caafimaadkagaa in uu noqdo qaab ama meel gaar ah laguugu laso xidhiidho. Si aad u dalbato xidhiidhka sirta ah, waxaad qoraal dalabkaaga ah u gudbinaysaa Maamulka Caymiska ee cinwaakiisu ku qoran yahay dhamaan Wargalintan Nidaamka Sirta ah. Dalabkaaga waa in lagu sheegaa sida iyo/ama goorta aad doonayso inuu noqdo xidhiidhka sirta ahi. Caymiska caafimaadku waxa uu dadaal kasta u galaa si uu u aqbalo wixii macquul ah ee xidhiidhka sirta ah. Nuqul warqad ah oo Wargalinta Nidaamka Sirta ah Macmiilka CCHHP waxa uu dalban karaa nuqul wargalintan ah wakhtiga uu doono. Waxaad qoraal dalabkaaga ee nuqulka wargalintan ah u gudbinaysaa Maamulka Caymiska ee cinwaakiisu ku qoran yahay dhamaan Wargalintan Nidaamka Sirta ah. Cabashooyinka Hadii aad aaminsan tahay in xuquuqdaadii sirta ee shuruucdan in lagu xad gudbay, waxaad ka xarayn kartaa cabasho xafiiska nidaamka sirta ah ee CCHP oo cinwaankiisu hoos ku qoran yahay. Sidoo kale, waxaad cabasho u gudbisan kartaa Wasaarada Waaxda Adeegyada Caafimaadka iyo Bilaa Aadanka Maraykanka. Wax ciqaab ah ku mudan maysid ama xidhiidhkaaga ku xumaan maayo hadii aad cabasho gudbisid.

Page 34: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 33 / 35

Macluumaadka cinwaanka Xafiiska Maamulka Caymiska iyo Sirta Maamulka Caymiska iyo Sarkaalka Gaar ahaanshaha

Plan Administrator (Maamulka Caymiska) Vice President (Madaxwayne ku xigeen) Children’s Community Health Plan PO Box 1997 Milwaukee, WI 53201 (414) 266-6328 Privacy Officer (Sarkaalka Sirta) Director of Corporate Compliance (Maamulaha Isku Duwaha Cabashooyinka) Children’s Community Health Plan PO Box 1997 Milwaukee, WI 53201 (414) 266-2215

Kalmada ay tahay in la barto

• Helida – Awooda qofka ee inuu helo daryeelka cafimaadka • Tilmaamo sare – Waraaqo ka hadlaya rabitaanka shakhsi ahaaneed ee ku

saabsan daryeelka xasaasiga ah marka qofku aanu awoodin inuu go’aan naftiisa ka gaadho

• Iska bixin – Qaybta kharashka caafimaadka ee aanu caymisku bixinin ee uu qofku iska bixiyo

• Gurmadka degdeg ah – Xaalad caafimaad oo nolosha khatar ku ah oo ka timid dhaawac, xanuun ama xanuun maskaxeex kaas oo si lama filaan ah u dhacay oo u baahan in si dhakhso ah loo daweeyo

• Heerka saboolnimada federalka (FPL) – Heerka dhakhliga ee ugu yar ee qoysku u baahan yihiin si ay u dabaraan raashinkooda, dharka, gaadiidka, guriga iyo wixii kale ee daruuriga ah. Heerka saboolnimadu wuu kala duwan yahay waxaanu ku xidhan tahay xajmiga qoyska.

• Barnaamijyada kaalmada shacabka ee sida Mediciad ayaa qeexa u qalanka dhakhliga xadidan ee boqolkiiba inta uu yahay heerka saboolnimada federalku.

• Hay’ada ilaalinta caafimaadka (HMO) – Waa hay’ada ka gaadha go’aanka sida adeegyada caafimaad loo adeegsanayo iyo kharashka adeegyadan waxayna qiyaastaa sida adeegyadu waxtar ugu leeyihiin xubanaha

• Dhakhtarka waayeelka –Dhakhtar khabiir ku ah xanuunada iyo daawaynta xanuunada dadka waayeelka ah

• Dardaaranka –Waraaqo sheegaya wixii daawayn caafimaad ee aad rabto hadii xaalad caafimaad oo degdeg ahi kulasoo deristo oo aanad awoodin inaad hadasho

Page 35: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 34 / 35

• Daryeelka lamaamulay –Nidaam daryeel caafimaad loo bixiyo kaas oo saameeya isticmaalka iyo kharashka adeegyada oo qiyaasa waxtarka

• Medicaid ama Cinwaanka 19 (BadgerCare Plus) – Taakulada daryeelka caafimaad ee dawlada Federalku siiso gobolada. Barnaamijku waxa uu ka bixiyaa kharashka shakhsiyaadka aan awoodin inay bixiyaan kharaskhka daryeelkooda caafimaad iyo booqashadooda isbitaalka. Wisconsin, Medicaid waxaa loo yaqaanaa BadgerCare Plus.

• Xanuunada maskaxda – Xalaada xanuunada maskixiyan iyo dareen ahaan ah. • Kaaliyaha caafimaadka umulisada ah – Kaaliye caafimaad oo xirfadeedu tahay

caawinta dumarka dhalmada ka hor iyo umusha, gaar ahaan guriga ama meelaha kale ee aan isbitaalka ahayn

• Obstetrician-gynecologist (OB/GYN) – Daryeel bixiye khabiir ku ah dhalmada, daryeelka iyo daawaynta dumarka oo la xidhiidha dhalmada iyo u ilaalinta caafimaad iyo xanuunada dumarka

• Awooda qareen – Waraaqo sharci ah oo qof awood lagu siinayo (wakiil) inuu awood u yeesho inuu ku matalo. Wakiilku waxa uu go’aan ka gaadhayaa xaaladaada caafimaad marka aanu awoodin inaad hadasho adigu.

• Daryeelka kowaad –Adeegyo daryeel caafimaad oo uu dhakhtarku loo yaqaano dhakhtarka guud bixiyo, oo ay kamid yihin daryeel bixiyayaasha qoyska, dhakhtarka waayeelka iyo caruurta

• Daryeelka Caafimaad Bixiyaha Kowaad –Daryeel bixiya waxa uu maamula dhamaan adeegyada kala duwan ee daryeelka caafimaad

• Ogolaansho hore – Ogolaansho marka hore ah oo daryeel bixiyaha la siiyo si uu xubinta ugu fidiyo adeegyada

• Daryeel bixiye – Qof ama koox dhakhaatiir ah kuwaas oo ku bixiya adeegyada daryeelka caafimaad isbitaala ama xarun caafimaad

• Daryeelka degdega ah – Dhaawac ama xanuun kaas oo u baahan daawayn dhakhso ah balse aan nolosha kharash galinaynin si qolka gurmadka degdeg ah loogu tago

Waxaad naga caawin kartaa joojinta musuqmaasuqa daryeelka caafimaad! Musuqmaasuqa daryeelka caafimaad waxa uu lacag ka qaataa barnaamijyada daryeelka caafimaad waxa aanu lacag kala tagaa baahida caafimaad ee dhabta ah. Waa kuwan dariiqooyin aad nagagag caawin kartaa sidii musuq maasuqa loo joogin lahaa:

• lambarka Kaadhkaa Aqoonsiga ForwardHealth cid aan ahayn daryeel bixiye caafimaad, xarun caafimaad ama isbitaal ha u dhiibin, kaliyana waxaad u dhiibtaa markaad daryeelka hesho.

• Cidna ha u ogolaanin inuu kaa qaato Kaadhkaaga ForwardHealth. • Weligaa ha saxeexin foom caymis oo madhan. • Ka taxadir inaad bixiso lambarkaaga Sumada Qaranka.

Page 36: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Wixii caawimo, wac 1-800-482-8010 35 / 35

• Waraaqaha kuugu soo dhacaya boosta kala soco kharashka adeegyada aanad isticmaalin ee laguu soo dirayo.

Hadii aad ka shakido inuu musuq maasuq jiro, fadlan isla markaba soo sheeg. Wargalintaada sirteeda ayaa la ilaalin doonaa. Si aad musuq maasuq, khasaarin ama tacadi aad uga warbixiso waxaad uruurisaa macluumaadka ugu badan ee aad awoodo. Marka aad daryeel bixiye ka warbixinaysid (dhakhtar, dhakhtarka ilkaha, isbitaalka, iwm), waxaad macluumaadka ugu badan ee aad awoodid ka bixisaa kuwa soo socda:

• Magaca, cinwaanka iyo taleefan lambarka daryeel bixiyahaa • Lambarka Medicaid ee daryeel bixiya iyo goobta, hadii ay macquul tahay • Nooca daryeel bixiyaha (dhakhtar, dhakhtar ilkood, isbitaalka farmasiga, iwm.) • Magacyada iyo lambarada markhaatiyayaasha naga caawin kara baadhitaanka • Taariikhda aad ka shakiday inuu musuq maasuqu dhacay. • Siday wax u dhaceen oo kooban

Marka macmiil laga warbixinayo (qofka gunada qaata), kuwa soo socda bixi:

• Magaca qofka: • Taariikhda dhalashada qofka, lambarka sumada qaranka ama lambarka kiiska hadii

la heleyo. • Magaalada uu qofku degan yahay. • Sharaxa musuq maasuqa, khasaarada ama tacadiga.

Waxad musuq maasuqa ka warbixin kartaa adiga oo aan magacaaga ku sheegin warqada aad soo dirayso: Attn: Director of Corporate Compliance: (Maamulaha Isku Duwaha Cabashooyinka) Children’s Community Health Plan PO Box 1997, MS 6280 Milwaukee, WI 53201-1997 Ama waxaa lasoo hadli kartaa 414-266-2215 ama lambarka bilaashka ah ee 1-877-659-5200. Sidoo kale waxaad kala xidhiidhi kartaa Waaxda Musuq Maasuqa ee Medicaid Wisconsin: Medicaid Fraud and Abuse Unit (Qaybta Musuq Maasuqa iyo Tacadiga Medicaid) Cinwaan: Medicaid Fraud Control Unit Department of Justice 17 W. Main Street PO Box 7857 Madison, WI 53707

Page 37: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Auxiliary Aids and ServicesChildren’s Community Health Plan (CCHP) provides free aids and services to people with disabilities to communicate effectively with us including qualified interpreters (including sign language) and written information in other languages and formats (large print, audio, accessible electronic formats, other formats). To request, call CCHP at 414-266-3490.

ATTENTIONIf you speak English, language assistance services are available to you free of charge. Call 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

ATENCIÓNSi habla español, los servicios de asistencia de idiomas están disponibles sin cargo, llame al 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

DIGTOONIHaddii aad ku hadasho afka Soomaaliha, adeegyada caawimada luqadda waxaa laguu heli karaa iyagoo bilaash ah. Wac 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

ВНИМАНИЕЕсли Вы говорите по-русски, Вам будут бесплатно предоставлены услуги переводчика. Позвоните по номеру: 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

CEEB TOOMYog koj hais lus Hmoob, kev pab rau lwm yam lus muaj rau koj dawb xwb 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

注意

如果您说中文,您可获得免费的语

言协助服务。请致电 1-800-482-8010(TTY:7-1-1)

ໝາຍເຫດຖາທານເວາພາສາລາວ, ທານສາມາດໃຊການບລການຊວຍເຫອດານພາສາໄດໂດຍບເສຍຄາ. ໂທ 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

ေကးဇးျပ၍ နားဆငပါသငသည ျမနမာစကားေျပာသျဖစပါက၊ သငအတြက အခမျဖင ဘာသာစကားကညေရး ၀နေဆာငမႈမား ရရနငသည။ 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1) တြင ဖနးေခၚဆပါ။

Page 38: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

DISCRIMINATION IS AGAINST THE LAW.Children’s Community Health Plan (CCHP) complies with all applicable civil rights laws and does not discriminate on the basis of race, color, national origin, sex, age, disability, or other legally protected status, in its administration of the plan, including enrollment and benefit determinations.

CCHP provides appropriate auxiliary aids and services, including qualified interpreters for individuals with disabilities and who have language services needs and information in alternate formats, free of charge and in a timely manner, when such aids and services are necessary to ensure an equal opportunity to participate to individuals with disabilities. Any person who believes someone has been subjected to discrimination on the basis of race, color, national origin, sex, age or disability may file a grievance in person, by mail, fax or email. The grievance must be filed with 60 days of the person filing the grievance becomes aware of the alleged discriminatory action. It is against the law for CCHP to retaliate against anyone who files a grievance, or who participates in the investigation of a grievance.

LANGUAGE SERVICES

Albainian:

Arabic:

Burmese:

Chinese

English:

French:

German:

Hindi:

Hmong:

Korean:

Laotian:

Pennsylvania Dutch:

Polish:

Russian:

Somali:

Spanish:

Tagalog:

Vietnamese:

Nëse ju, ose dikush që po ndihmoni, ka pyetje për CCHP, keni të drejtë të merrni ndihmë dhe informacion falas në gjuhën tuaj. Për të folur me një përkthyes, telefononi numrin 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1)

.ةفلكت ةيا نود نم كتغلب ةيرورضلا تامولعملاو ةدعاسملا ىلع لوصحلا يف قحلا كيدلف CCHP صوصخب ةلئسأ هدعاست صخش ىدل وأ كيدل ناك نإ (TTY: 7-1-1) 8010-482-800-1 (ب لصتا مجرتم عم ثدحتلل

CCHP နငပတသက၍ သင သ႔မဟတ သငအကအညေပးေနသတစဦးတြင ေမးျမနးစရာမား ရမညAဆပါက၊ အကအညနင သတငးအခကအလကမားက အခမသငရယပငခြင ရပါသည။ စကားျပနဆသ တစဦးထသ႔စကားေျပာဆရန၊ 1-800-482-8010 တြင ဖနးေခၚဆပါ။ (TTY: 7-1-1)

如果您,或是您正在協助的對象,有關於[插入項目的名稱面的問題,您有權利免費以您的母語得到幫助和訊息。洽詢一位翻譯,請撥電話 [在此插入數字 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

If you or someone you’re helping has questions about CCHP, you have the right to get help and information in your language at no cost. To talk to an interpreter, call 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

Si vous, ou quelqu’un que vous êtes en train d’aider, a des questions à propos de CCHP vous avez le droit d’obtenir de l’aide et l’information dans votre langue à aucun coût. Pour parler à un interprète, appelez 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

Falls Sie oder jemand, dem Sie helfen, Fragen zum CCHP n haben, haben Sie das Recht, kostenlose Hilfe und Informationen in Ihrer Sprache zu erhalten. Um mit einem Dolmetscher zu sprechen, rufen Sie bitte die Nummer 1-800-482-8010 an (TTY: 7-1-1)

यदि आपक ,या आप दवारा सहायता ककए जा रह ककसी वयकतत क CCHP क बार म परशन ह ,तो आपक पास अपनी भाषा म मफत म सहायता और सचना परापत करन का अधिकार ह। ककसी िभाषषए स बात करन क लिए 1-800-482-8010 पर कॉि कर। (TTY: 7-1-1)

Yog koj, los yog tej tus neeg uas koj pab ntawd, muaj lus nug txog CCHP, koj muaj cai kom lawv muab cov ntshiab lus qhia uas tau muab sau ua koj hom lus pub dawb rau koj. Yog koj xav nrog ib tug neeg txhais lus tham, hu rau 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1)

만약 귀하 또는 귀하가 돕고 있는 어떤 사람이 CCHP 에 관해서 질문이 있다면 귀하는 그러한 도움과 정보를 귀하의 언어로 비용 부담없이 얻을 수 있는 권리가 있습니다. 그렇게 통역사와 얘기하기 위해서는 1-800-482-8010 로 전화하십시오 (TTY: 7-1-1)

າທານ, ຫ ຄນທ ທານກາລງຊວຍເຫ ອ, ມ ຄາຖາມກຽວກບ CCHP ທານມ ສດທ ຈະໄດຮບການຊວຍເຫ ອແລະຂມນຂາວສານທ ເປນພາສາຂອງທານບມ ຄາໃຊຈາຍ. ການໂອລມກບນາຍພາສາ, ໃຫໂທຫາ 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1)

Wann du hoscht en Froog, odder ebber, wu du helfscht, hot en Froog baut CCHP, hoscht du es Recht fer Hilf un Information in deinre eegne Schprooch griege, un die Hilf koschtet nix. Wann du mit me Interpreter schwetze witt, kannscht du 1-800-482-8010 uffrufe (TTY: 7-1-1)

Jeśli Ty lub osoba, której pomagasz macie pytania odnośnie CCHP, masz prawo do uzyskania bezpłatnej informacji i pomocy we własnym języku. Aby porozmawiać z tłumaczem, zadzwoń pod numer 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1)

Если у вас или лица, которому вы помогаете, имеются вопросы по поводу CCHP то вы имеете право на бесплатное получение помощи и информации на вашем языке. Для разговора с переводчиком позвоните по телефону 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1)

Haddii adiga iyo qof aad caawinaysaa su’aalo qabaan ku saabsan CCHP, waxaad leedahay xaqa aad caawimo ku hesho iyo macluumaadka luqaddaada iyaddoon kharash kugu fadhiyin. Lahadal turjubaan wac 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

Si usted, o alguien a quien usted está ayudando, tiene preguntas acerca de CCHP tiene derecho a obtener ayuda e información en su idioma sin costo alguno. Para hablar con un intérprete, llame al 1-800-482-8010 . (TTY: 7-1-1)

Kung ikaw, o ang iyong tinutulangan, ay may mga katanungan tungkol sa CCHP, may karapatan ka na makakuha nga tulong at impormasyon sa iyong wika ng walang gastos. Upang makausap ang isang tagasalin, tumawag sa 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1)

Nếu quý vị, hay người mà quý vị đang giúp đỡ, có câu hỏi về CCHP quý vị sẽ có quyền được giúp và có thêm thông tin bằng ngôn ngữ của mình miễn phí. Để nói chuyện với một thông dịch viên, xin gọi 1-800-482-8010 (TTY: 7-1-1).

Members can request CCHP’s grievance procedure by contacting the Section 1557 Coordinator:

Director, Corporate Compliance Telephone: (414) 266-2215Mail Station C760 TTY (hearing impaired): (414) 266-2465P.O. Box 1997 Fax: (414) 266-6409Milwaukee, WI 53201-1997 Email: [email protected]

Members must submit their complaints in writing with their name, address, the problem or action alleged to be discriminatory and the remedy or relief sought. Members can also file a complaint of discrimination electronically through the Office for Civil Rights Complaint Portal, which is available at: https://ocrportal.hhs.gov/ocr/portal/lobby.jsf or by mail at:

U.S. Department of Health and Human Services 200 Independence Avenue SW Room 509FHHH Building Washington, D.C. 20201

Complaint forms are available at: http://www.hhs.gov/ocr/office/file/index.html

Page 39: BadgerCare Plus Member Handbook - Somali (Standard)€¦ · sheegayaa cida ay tahay inaad la hadasho marka aad su’aal qabto. Waxaanu rajaynaynaa inaanu ka shaqayno baahidaada daryeelka

Children’s Community Health PlanPO Box 56099Madison, WI 53705cchp-wi.org/medicaid

BCPHB_SOM_STD (0319)