20
COVID-19 AYNU KA BADBAADINO EHELKEENA IYO BULSHADEENA CAABUUQA KOROONA DHAMMAANTEN WAYNU KU LUG LEENAHAY!

AYNU KA BADBAADINO EHELKEENA IYO BULSHADEENA … · 2020. 7. 30. · Marka aynu taabanno meelaha ay dhibcahaasi Sadhaha korona ay ku dhaceen, kadibna aynu taabanno indhaheena, sankeena

  • Upload
    others

  • View
    0

  • Download
    0

Embed Size (px)

Citation preview

  • COVID-19

    AYNU KA BADBAADINO EHELKEENA IYO BULSHADEENA CAABUUQA KOROONA

    DHAMMAANTEN WAYNU KU LUG LEENAHAY!

  • COVID-19

    Cette brochure sur le coronavirus et le COVID-19 est disponible en anglais, français, portugais, créole, wolof, pulaar, mandingue, oniyan, maninka et bamanankan.

    À des fins éducatives ou non commerciales, Tostan autorise l’impression de ce livret sans changer le contenu. Veuillez écrire à Tostan

    pour recevoir les modèles de livrets prêts à imprimer.

    Cependant, tout changement du contenu doit être autorisé par Tostan. Pour toute information concernant la reproduction de ce livret,

    contactez Tostan à [email protected]

    This informational booklet on the coronavirus and COVID-19 is available in English, French, Portuguese, Créole, Wolof, Pulaar, Mandinka, Oniyan, Maninka, and Bamanankan.

    For educational or non-commercial purposes, Tostan authorizes permission to reprint this booklet if there are no changes made to the content. Please write to Tostan to receive

    printer-ready templates of the booklet for printing purposes.

    However, any adaptations of the booklet require written permission from Tostan. For information regarding reproduction of this booklet,

    please contact Tostan at [email protected]

    Adresse Tostan : 5 Cité Aelmas, Ouest Foire VDN, en face CICES BP 29 371 - Dakar-Yoff, Sénégal

    Tél. : (+ 221) 33 820.55.89 - Fax : (221) 33 820.56.32 - [email protected]

  • COVID-19

    1

    Waa maxay sadhee? Sadhuhu ama fayrasku waa unug yar oo il ma qabaati ah, kaas oo aan lagu arki karayn isha, balse ay dadku qaaddi karraan, kuna sabaabi kara hargab ama cuddurada neef- mareenka ku dhaca hadii uu jidhka galo.

    Waa maxay Xannuunka koroona? Magaca “Sadhaha korona” waa nooc ka mid ah sadhaha oo aad u khatar badan, waana mid u eeg sidaa kubada oo kale, dushana wuxu ku leyahay muqaalo sidaa geesaha u eeg oo faro badan.

    Sadhaha koroona wuxu ku dhaca xayawaanka, kaas oo u kala gudbay xayawaanka iyo dadka sanadkii 2019. Sadhaha koroona waa mid si fudud laysku qaadsiin karo, waxaanu si dhakhso ah ugu faafa isaga oo iskaga gudbayaa qofba qofka kale, Sadhahani wuxu ku dhacay in ka badan tobban milyan oo qof oo ku nool waddamada aduunka, kaas oo sababay cudurka la yidhaahdo COVID-19.

  • COVID-19

    2

    Sidee ayuu Xannuunka koroona ugu gudbaa dadka dhexdoodda? Sadhaha/xannuunka koroona waxaa lagu kala qaada markaa qof uu ku dhacay xanuunku uu qufaco ama hindhiso iyaga oon afkoodu aanu daboolnayn; sidoo kale waxa laga yaabaa in si fudud loga qaadi karo marku hadlaayo. Dhibcooyinka ka soo baxa qofka marku hindhiso ama qufaco waa qaar aan indhaha lagu arkii karrin, balse waxay si fuddud u dul sabeyn karran hawadda, kaas oo ay dadku marka ay neefsadan ay qaadi karaan. Dhibcahaas ayaa sidoo kale ku dhici karaa meelaha uu qofku ku hindhisay ama ku qufacay dushooda.

    Marka aynu taabanno meelaha ay dhibcahaasi Sadhaha korona ay ku dhaceen, kadibna aynu taabanno indhaheena, sankeena ama afkeena, sadhuhu wuxu gali karaa jidhkeena, waxaanu sababi karaa in uu inagu dhaco xanuunka koroona (COVID-19).

    Sidoo kale waxa laga heli karaa saxaradda dadka xanuunku ku dhacay waana laga qaadi karaa, hadii aan laga taxadirin markaa la isticmaallayo musqullaha dadweynaha iyo hadii aanad sii wanagsan ugu maydhiin si taxadir leh saabun iyo biyo gacmahaagga.

  • COVID-19

    3

    Maxaa dhaca marka Sadhaha korona uu galo jidhkeena, kadibna uu inagu dhaco cuddurka loo yaqaan COVID-19?

    Calaamdaha lagu garto waxaa ka mid noqon kara kuwaan soo socda:

    ● qufac (badanaa qalleyl ah) ● madax xannuun ● cune xannuun ● qandho / xummad ● neefiga oo yaraada ● dareen guud oo cidhiidhi gal ● urta iyo dhadhanka oo luma (dadka qaar) ● marmarka qaarkood waxa u sababi kara xanuunada neef-mareenka ku dhaca

    sidaa, oofwarreenka ama xannuunka hawo mareenka sambabada ku dhaca.

    Si kastaba ha ahaate, dadka qaar kood ee uu ku dhaco xannuunka korona ma dareeman haba yaraate wax xannuun ah, lakin waxay ku fiddin karaan oo ay u gudbin karaan xannuunka dadka ku nool deegaankooda.

    Dadku uu ku dhaco baddanaa xannuunka korona waxay dareemaan xannuunka maalinta kowaad ilaa malinta afar iyo tobannaad, ka dib markii cudurka la qaadsiiyey; dadka intoodda badan waxay xannuunka dareeman 5 ilaa 6 cisho kadib markii xannuunku ku dhacay. Xaalladaha badankooda, dadka xannuunku ku dhacay kama muuqdan calaamadaha xannuunku. Tani waa mid aad u khatar badan, in kasta oo aanay lahayn wax callamaado ah, waxay qaadsiin karaan qoysaskooda, asxaabtooda iyo qof kasta oo ay la xidhiidheen.

    Aad ayey muhiim u tahay in la bilaabo tallaabooyinka lagaga hortagi karo sidaa ugu dhakhsaha badan; sidoo kale waa in

    laga caawiyaa dadka kale sida ay taas u sameyn lahaayeen, maxaa yeelay ma hubno in xannuunka korona uu ku dhex jiray

    bulshadeena markii horeba.

  • COVID-19

    4

    Waa kuwee dadka halista ugu jiraa qaadista xannuunka korona (COVID19)? Xannuunka korona qofna uma tudho! Bini-aadamka oo dhami waxay ku jiraan khatar; haweenka, ragga, dhalinyarrada, odayaasha, dadka hoddanka ah, maamulka deeganka, dadka caafimaadkoodu wanagsan yahay ama xun yahay, Suldaanka, Caaqilka, dhamaan qof kasta oo diin haysta, madaxwaynaha, qof ka shaqsinimadisu tahay ciyaaraha, Xidigaha filimada sameeya, beeraleyda, xoolodhaqatada, shaqaallaha, darawallada, ardayda, dadka afrikaanka ah, yurubiyaanka, ameerikaanka, ah.

    DHAMMAANTEEN WAYNU qAADI KArNAA XANNUUNKA KOrON!

  • COVID-19

    5

    KHATAr! Waayo aragnimada loo leyahay cuddurka korona (COVID-19), waxay tahay in cuddurku yahay mid aad u khatar badan kaas oo sababi karaa dhimaasho, gaar ahaan dadka ay da’doodu ka weyn tahay 60 sano ama dadka leh dhibaato caafimaad daro oo kale, sidaa wadnaha, sambabada ama kalyo xannuunka, macaanka ama dhiig karka leh. Dadka aad ka unugul ama dadka caba noocyada kala duwaan ee maan-doriyaasha ah, sida sigaarka ayaa ah dadka khatar ugu weyn ku sugan.

    Kuweena aan raacin tallaabooyinka ka hortaga waxay khatar gelinayaan nolosha waalidiintena, ayeeyooyinkeena/awoowadeen, ama qof kasta oo aad ugu nugul xanuunka!

    Ka fikir dadkeena waaweyn ee aynu jecelnahay iyo kuwaa kale ee aad ka u nugul !Fadlan raac tilmaamaha ka-hortagga si

    aad u badbaadiso nolosheena !

  • COVID-19

    6

    Maxay yihiin tillaabooyinka muhiimka ah ee loogaga hortagi karo, ee u baahan in aynu qaadno?

    v Mid ka mid ah qaababka ugu waanagsan ee loogaga hortagi karo xannuunka korona (COVID-19), waa in aynu gacmaheena si taxadir leh ugu maydhno ama dhaqno saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbidhiqsiyo. Hadii aan la heli kariin saabuun, marka aynu joogno meel ka baxsan guryaheena, waxaynu isticmaali karnaa biyaha saadhe dilaha ah, si aynu gacmaheena uga nadiifinno Sadhaha.

    Fiiro gaar ah: Sadhaha korona waa mid aad u jilicsan, waxaa kaliyaa ee ka ilaaliyaa Sadhaha/fayraska waa lakab aad u khafiifa oo ku dulyaala qaybta dufaanka leh ee jidhkeena. tani waa sababtaa ay muhiim u tahay in aynu isticmaalno saabuun ama nadiifiye.

    Xumbada ay saameyso saabuuntu ayaa burburinaysa sadhaha/fayraaska ku dul dhaga lakabka sare ee dufaanka leh ee jidhkeena. Tana waa sababta aynu ugu baahan nahay inaan si taxaddar leh gacmaheena ugu maydhno saabuun ugu yaraan 20 ilbidhiqsiyo ama in ka badan mar kasta, waa in aad hubisa in ay saabuuntu ay aad u xumbaynayso. Markaa la maydho lakabka dufaanka leh ee jidhkeena, waxa dhimanayaa xannuunka korona!

    Fiiro gaar ah: Isticmaalka caabuq dilaha sida (alkahoolka)i iyo shan qaybood oo ka mid ah biyaha ayaa xal u noqon karaa in sii dhakhso

    ah uu u dhinto xannuun sidaha korona.

  • COVID-19

    7

    Sidee ayaynu u maydhi karnaa gacmaheena si loo dilo Sadhaha korona? 1. Gacmahaaga ku qo biyo, ka dibna saabuun

    badan gacmaha saar ama mari.

    3. Si fican u maydh korkooda iyo hoostoosta gacmahaaga.

    5. Si fican u maydh ciddiyaha hoostooda ee

    farahaga.

    2. Is dhex gali gacmahaaga, sii ay saabuuntu u saameyso xumbo badan.

    4. Si fican ugu xoq farahaaga dhexdooda.

    6. Gacmahaaga si fican ugu xog saabuun ugu

    yaraan 20 ilbidhiqsi.

    7. Ku maydh gacmahaaga biyo. 8. Ku qalaji gacmahaaga tuwaal nadiif ah ama warqadado nadiif ah (kiniinigis, soofti, IWM).

  • COVID-19

    8

    v Waxaa aynu ku ilaalin karnaa qoysaskeena iyo bulshadeena inagoo

    isticmaalayna masaradda afka, markasta oo aynu qufacno ama hindhisno sii aynu uga hortagno inuu caabuq ku faafin hawaada una qaadin dadka kale. Intaas ka dib, waxaa muhiim ah in masaradda lagu rido meesha qaashinka ururiyo, intaas ka dib waa in aad ku maydhaa gacmahaga saabuun ugu yaraan 20 ilbidhiqsi.

    v Marka aanad haysan masarka wejiga lagu xidho, waxaa muhiim ah inaad ku qufacdid ama ku hindhistid xusulka kaaga adiga oo soo laabaya. Waxaa kale oo muhiim ah in aanad taaban wajigaaga - gaar ahaan sanka, afka ama indhaha - si looga ilaaliyo caabuqu inuu soo galo jirdhkeena.

  • COVID-19

    9

    v Ciddiyaha oo aad iska guurta, waxaay qayb ka qadataa in aanu sadhaha /

    fayraaska koroona aanu isku qarin ciddiyaha hoostooda.

    v Mar kasta oo aynu nadiifinno meelaha badana taabashadu ku badan

    tahay, waxay qayb ka qaadata in xannuunku yaraado. Aad ayey muhiim u tahay in dhamaan alaabta guriga la nadiifiyo adigoo oo ku masaxayaa saabuun iyo biyo, kadibna ku nadiifi oogada saree ee shay kastaa 4 malgacadood oo nadiifiso ah (dhiitool) ah iyo hal litir oo biyo ah.

  • COVID-19

    10

    v Muddada lagu guudo jiro intaa aan wax daaweyn ah ama tallaal loogaga hortago cudurka korona (COVID-19) aan helin, khubarada caafimaadka iyo culumada ayaa ku talinayaa in dadku ka waan toobaan shirarka, isu imaantinka si koox koox ah. Dawladu waxay mamnuucday sidoo kale hawlaha noocaas oo kale ah, maxaa yeelay waxa ka dhalanayaa khatar wayn Hadii dad badan ay iskugu yimaadan meel gaar ah isla wakhti isku mid ah.

    Waxaynu hadda oganahay in aynu qaadi karno cudurka loo yaqaan Korona 14 maalmood ka hor intaa aynaan isku arag astaamaha cudurka. Inta lagu jiro muddadan, waxaynu qaadsiin karnaa dhammaan dadka inagu xeeran, ama la nool nahay.

    Sidaas daradeed, waxaa qof kasta laga codsannaya in uu joogo gurigiisa, sii aanu u qaad siin cudurka kuwaa kale, Hadii mar kaliyaa dad badani ay bukoodaan wakhti isku mid ah, waxaa dhici doonta in xaruumaha caafimaadku ay qaadi waydo, qof na ma heli doono daryeel caafimad oo u gaar ah.

    AYNU GUUrIGEENA JOOGNO ! Fiiro gaar ah: Mar kastaa oo meesha dadku ku nool yahay ay xadidan tahay oo ay yar tahay, waa markasta oo xanuunka koronuhu uu badan yahay. Hadii meesha lagu nool yahay tahay mid hawo leh oo dul furan, waa markasta oo xannuunka korona uu yar yahay awoodisu.

  • COVID-19

    11

    v Khubbaro badan oo ku takhasustay xannuunka korona (COVID-19), waxay ku dhiirigelinayaan qof walba inuu xidho maskarka wajiga, gaar ahaan markaa qofku u bahan yahay in uu ka baxo gurigiisa sii uu dibada waxa uga soo qabsado mudo gaaban gudahood. Tani waa muhiim maadaama uu dadka ku dhici karo cudurka loo yaqaan korona; 14 maalmood ka hor inta aanay muqaan astaamaha la xidhiidha xannuunka korona (COVID-19).

    Hadii qof walba oo inaga mid ah sidaan uu sameeyo, wuxu iska ilaalin karayaa in uu dadka kale qaadsiiyo, waxaynka ka fogaynaysaa inay kaa qaadaan xanuunka!.

    Masarkaaga wejiga kugu xidhani wuu ku

    badbaadinayaa! Anigana wuu i badbaadinayaa!

    Ku dhiirigeli qof kasta in uu xidho masarka wejiga!

  • COVID-19

    12

    Tallobixinta xidhashada masarka wejiga: ) Gacmahaaga ku maydh saabuun ama caabuq dilaha (dhiitol/alcohol).

    ) Ka hor intaanad gashaan masaraka wejiga ee lagu sameeyay wadanka, waxaad ku maydha masarka wejiga saabuun iyo biyo.

    ) Masarka wejiga waxaad ku daboosha sanka iyo afka, waa in aad hubisa in aanay jirin meel banan oo u dhexeysa wajiga iyo masarka.

    ) Ka fagoow inaad taabato masarka marka aad isticmalayso; Hadii aynu taabano masarka wejiga, waxaa muhiim ah in aad ku maydho gacmahaaga saabuun ama caabuq dile (alcohol/dhiitool).

    ) Marka aynu guriga nimaadno, waxa aynu u bahanahay in aynu iska saarno masarka wejiga xaga danbe, (waxa laga yaaba in uu xaga hore ku leeyahay caabuq), waxaad ku ridaa baaldi ay ku jiraan saabuun iyo biyo laysku qasay. Masarka wejigu wuxu u bahan yahay in sii wanasan loo maydho, ka dibna cadceeda loo dhigo sii u qalalo.

    ) Gacmahaga ku maydh saabuun ama caabuq dile ka sameysan alkahool.

  • COVID-19

    13

    .

    v In aad dadka kale salaanta waa ixtiraam iyo qadarin ka dhaxaysa bulshada afrikaanka ah, sidaa Somalida oo kale. Waxaynu sii wadaynaa in aynu salaano dadka kale, lakiin ma dhici doonto in aynu gacan qaad sameyno. Sidoo kale waxa aynu u bahanay in aynu u jirsano qofka kale 2 mitir.

    Saaxiibbada dhabta ahi waa kuwaa ilaaliya midba midka kale!

  • COVID-19

    14

    v Haddi ay dadku ku maydhaan gacmahooda weel isku mid ah cuntada ka hor,

    waxay khatar ugu jiraan in qofba qofka kale xannuunka u gudbiyo marka ay gacmahooda ay maydhayaan. Isticmaalidda weelka ama koobka shaaha ee caagga ahi, waxay ka hortagtaa in caabuqu uu ku faafo qof walba.

    v Hadii dadku ay isku meel wax ku cunaan, isla markaasna qof uu ku dhacay cudurka korona (COVID19) isaga/iyadoo aan is ogayn, waxay khatar ugu jiraan inay isqaadsiyaan. Hadii ay suurtogal tahay waxaa haboon qof kastaba in uu weel u gaar ah uu ku cuno, tana waa habka kaliya ee qoysku ku ilaalin karo caafimaad kiisa iyo fayo-qabkiisa.

  • COVID-19

    15

    v In lagu waddo cabo biyo ama cabitaanada kale weel isku mid ah, adiga oon ku

    maydhiin weelka saabuun ama aad ka wada cabtaan weel dhoobo ka samaysan, wuxu cudurka korona (COVID-19) uu gudbi karaa qofba qofka kale, Hadii qof ka mid ah qoyska uu qabay cudurka korona.

    v Hadii lagu wado cabo shaaha weel isku mid ah, iyada oon lagu maydhiin weelka saabuun, waxay qaadsiinaysaa dadka kale oo dhan. Haddi ay suurtogal tahay, waxaa fiican in qof kastaa uu leyahay weel shaaha oo isaga u gaar ah, sii ugu ilaaliyo naftiisa iyo kuwaa kale baa in cudurku korona uu ku dhaco.

  • COVID-19

    16

    Maxaynu sameynaa haddii qof inaga mid ahi uu yeesho caalamadiha Xannuunka koroona (COVID-19)?

    Hadii qof uu yeesho caalamaddihi sidaa qufac, cunaha oo xannuuna, jiidh xannuun, hawo qaadashada oo ku yarataa, ama xaalad caafimaad xumo guud oo qofku dareemo, waa inay si dhakhso ah ay naftooda uga takooran dadka kale. Waa in aanay dibada u soo bixin, sidoo kale waa in aanay si toos ah ula xidhiidhin dadka kale. Waa inay si dhakso ah ula hadlaan adeeg bixiyaasha caafimaad ee ku haboon, si looga tijaabiyo in uu hayo xanuuna korona.

    Haddii qof ama koox ka mid ah dadka ay xidhiidh la yeeshan qof laga helay cudurka korona, qofka ama kooxdan waa inay sii dhakhso ah loo takoora, waa in aanay dibada si xor ah bulshada u dhex socon. Waxay sugayaan intaa ay gaadhayso 14 maalmood, intaa la hubinayo inay qabaan xanuunka iyo in kale.

  • COVID-19

    17

    Waxaa aad muhiim u ah in la qaato laguna dhaqmo dabeecadaha cusub ee ay ku tallinayaan khubrada caafimaadku, maxa yeelay nolol

    badan waxay khatar ku geli kartaa ficilada aynu samayno inagu. Ma ilaalin doono kaliyaa nafaheena, balse waxa aynu ilaalinaynaa

    Si wada jir ah ayaynu u samaynaynaa isbeddelo aynu ugu talogalnay wanaagga qoysaskeena,

    bulshadeena iyo dhamman aduunka oo dhan.

  • COVID-19

    Haddi aad dareento xannuun, oo aad yeelato dhammaan calaamadahan:

    * qufac * xummada * neefsiga oo kugu adkaada * jidh xannuun * ama aad dareento dagananshiyo la’aan guud

    waxaa wanaagsan inaad joogto guriga, ka dibna aad garacdo nambarka gargaarka degdega ee ka hortaga xanuunka korona,

    waa in aad wargelisa dhammaan caalaamadaha, sidaa degdega ah ula xidhiidha xanuuna korona (COVID-19).

    Haddii aad qabto wax su’aal ah, ama aad doonayso warbixin la xidhiidha calaamadahan ama ay jirto xalad degdeg ahi, fadlan la xidhiidha ama soo garac nambarka xaruunta Somaliland ee

    la tacalista Xanuunka koroona:

    988 ee Shirkada Telesom