View
29
Download
0
Category
Preview:
Citation preview
TAARIKHDA BULSHADA SOOMAALIYEED
SUBJECT: APPLIED ICT SKILLS
UNIVERSITY OF SOMALIA
COLLEGE OF BUSINESS
ADMINISTRATAION
DEPARTMENT
OF BANKING
&FINANCE
DUE DATE: 01/01/2018
II
MAHADNAQ
Marka hore waxaan u mahadnaqaynaa ALLAHA AWOODA BADAN (SWTC) ee ii suurta
galiyay ina qoro maqaalkan ama qormadaan iguna galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan
koobi karin. Marka xiga waxaan Mahadcelin u soo gudbinaynaa dhamaan qooskeyga,
asxaabteyda, ee hadh & habeyn heeganka ugu jirta in ay idhiiro galiyaan garabna igu siiyaan
inaa noqdo qofka aan maanta ahay,
Ugu dambeyntii waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad,
dhiiragalin iyo sida habka wax loogu qoro xaasuubka “kombiyuutarka” iyo barashadiisaba
gaar ahaan Jaamacadeyda University of Somalia (UNISO). Waxaan idin leeyahay
mahadsanidiin
III
TUSMADA BUUGA
MAHADNAQ ......................................................................................................................................... II
TUSMADA BUUGA ............................................................................................................................. III
CUTUBKA KOWAAD ......................................................................................................................... 1
TAARIKHDA SOOMAALIYA............................................................................................................ 1
1.1HORDHAC..................................................................................................................................... 1
1.2 AFKA SOOMAALIGA ................................................................................................................. 1
1.3 XAGUU GALAA AFSOMAALIGA ............................................................................................ 2
1.3.1 AFKA BAHDA SAMMETIGA ............................................................................................. 2
1.3.2 AFKA BAHDA BERBER KA ............................................................................................... 3
1.3.3 AFKA BAHDA KUSHITIGA ................................................................................................ 4
1.4 DHAQAALAHA SOOMAALIYA ............................................................................................... 4
1.4.1 XOOLAHA NOOL................................................................................................................. 4
1.4.2 BEERAHA IYO DALAGYADA ........................................................................................... 5
1.4.3 GANACSIGA IYO WARSHADAHA ................................................................................... 5
1.4.4 KALUUMEESIGA ................................................................................................................. 5
1.5 DHAQANKA SOOMAALIDA .................................................................................................... 6
1.5.1 GEEDKA ................................................................................................................................ 6
1.5.2 MAQAAWIIRTA GOLAHA ................................................................................................. 6
1.5.3 DACWADAHA IYO GARNAQA ......................................................................................... 7
1.5.4 XEERKA CIQAABTA ........................................................................................................... 8
1.6 FAAFIDA DIINTA ISLAAMKA IYO CARIGA SOOMAALIDA DAGTO .............................. 8
1.7 Gabagabo ....................................................................................................................................... 9
REFERENCES .................................................................................................................................... 10
APPENDICES ...................................................................................................................................... 11
1
CUTUBKA KOWAAD
TAARIKHDA SOOMAALIYA
1.1HORDHAC
Mudo fara badan ayaa waxa jiray qorayaal iyo dalmareeno shisheeye oo dhulka dagto
socdaalo kala duwan ku yimaadeen. Waxa ee ahaayeen socdaalo isugu jirey dalxiis, dhul
barasho iyo gumeysi u sahansi. In badan oo kooxahaasi ka mid ah aya marka ee noqdeen
waxa ee soo saareen qoraalo iyo buugaag faro badan oo ay ka qoreen dhulka iyo dadka
soomaalida waxey isku dayeen ine u kuurgalaan hanaanka dadka si ee u ogaadaan asal ahaan
halka ee soomaalidu kaso jeedo. Sido kale jiro qorayaal soomaali ah oo wax badan ka qoray
taarikhda soomaaliya, iyago wax ka qoray dhaqanka soomalida, isir raaca soomalida, afka
soomaaliga iyo qeybo badan muhiim ah (idaajaa, 2001).
Si kastaba ha ahaatee waxa jiro dad badan oo isugu jira soomaali iyo ku aan soomaali aheyn
oo wax ka qoray taariikhda dalka iyo dadka soomaalida, hadaan tusaale uso qaato prof
Cabdalla Cumar Mansuur oo ah afyaqaan cilmi baarista soomaalida aad loogu yaqaan ayaa
qoray buuga la magac baxay Taarikhda afka iyo Bulshada Soomaaliyeed buugaas oo ka
kooban 16 cutub. Qoraaga buugaas waxa uu kaga hadlayaa mawduucyo kala duwan sida:
taariikhdii hore soomaaĺida taariikhda afka soomaaliga, xiriirka ee soomaalidu la laheyd
xadaaradihii hore, xiliga ee soo gaartay diinta islaamka cariga soomaalidu dagto iyo
mawduucyo kale oo aad ufaro badan. (idaajaa, 2001)
Haddaba qormadeydaan waxa aan kuso qaadanayaa ama kaga hadlayaa qeyb kala duwa ee
taabanaya afka soomaaliga halka uu ka yimid iyo halka uu galo, sido kale waxa aan kaga
hadli doonaa qeybo ka mid ah dhaqanka soomaalidu leedahay oo ah mid cajiib ah oo qoto
dheer, waxa ka marneen oo aan kuso qaadanaya waloow aysan badnen dhaqaalaha
soomaaliya wax uu ku tiirsan yahay. (idaajaa, 2001)
1.2 AFKA SOOMAALIGA
Af Soomaali waa luuqad lagaga hadlo wadamada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya,
Jabuuti, dhulka ay Itoobiya gumaysato iyo dhulka kiinya gumaysato meelo oo aduunka ka
mid ah. Luuqada Af Soomaaligu waxay ka mid tahay luuqadaha kushiitiga loo yaqaan ee
2
lagaga hadlo bariga iyo badhtamaha Afrika, iyo meelo kamid ah qaarada Aasiya (Mansur,
2009).
Soomaaligu waa mid kamid ah afafka ugu muhiimsan Geeska Afrika, waana ka rasmi
wadanmada [Soomaaliya] ,iyo Jabuuti, waxaa kaloo si wayn loogaga hadlaa qaybo kamida
Itoobiya iyo Kenya. Waxuu ka tirsan yahay afafka loo yaqaan Kushiitik oo ah laan ka tirsan
bahda luqadaha Afro-Aasiyatik.
Kuushiitikna wuxuu kasii yahay Kushiitik Bari, waxaana ku hadla qiyaastii 15 milyan oo qof.
Oo ku nool waddamada Soomaaliya ,Jabuuti, Kiinya iyo Itoobiya sido kale waxaa
afsoomaaliga ku hadala dadka iygu ah qurbojoogta (Mansur, 2009)
1.3 XAGUU GALAA AFSOMAALIGA
Iyadoo la adeegsanaayo cilmiga isbarbardhiga afafka dunida ayaa afafka dunida oo tiradooda
lagu qiyaaso 7000 af ayaa waxaa loo kooxeeyay reero (kooxo) sida ee isugu dhawyihiin oo ay
isir u wadaagaan, sida afka lagu magacaabo afafka lagu magacaabo reer indo-European,
Xamito-Semitig,, IWM. Hadaba afsoomaaliga waxa uu ka mid yahay afafka reer Xamito-
Semetig ama ama loo yaqaano Afro-Aasiyatig, waxa uuna kasi yahay ama galaa bahda
Kushitigga (Mansur, 2009).
1.3.1 AFKA BAHDA SAMMETIGA
Afka bahda semitiga seddex koox ayay ukala baxaan oo kala ah sidan so socota:
Semitikada Bari: waxaa horsed u ah afkii reer Akaadi ( Akkadian ).Midkaan waa afka
semitigga ugu qadiimsan ee raadkiisa la hayo, waxaa looga hadli jiray deegaanka ciraaq mudo
haatan laga joogo 500 oo sano, waxaa kasii farcamay afkii Ashuuriyiinta (Assyrian) iyo
midkii reer Baabil (Babylnian, 1989)
Semitikada Waqooyi-Galbeed: oo iyaguna ka kooban afaf waa hore baa ba`ay waxa ka mid
ah:
Gelba (Eblaite)
Ugaritig
3
Afafkii kacaaniyiinta (Afka cibriga iyo midka Finiqiyiinta)
Aramaic (In yarbaa haatan kuhadasha)
Semitikada koofured: waxa u kala baxaan sidaan:
Af carbeedka haatan looga hadlo carriga sham, jasiirada carabta iyo waqooyiga
Afrika.
Afka koonfurta Jasiirada Carbeed:
Afaf waa hore looga hadli jirey Yeman (Ximayari, Maciini, Saia, Qatabaani, Xadrami,
Ausani).
Afaf wali looga hadlo Yaman laakiin Ku hadlayaashoodu aanay badnayn (Mahri,
Shirxi, Harsuusi,Bathari,Hobyoot iyo Soqotari).
1.3.2 AFKA BAHDA BERBER KA
Waqtiga Islaamka ka hor Waxaa la aaminsanyahay in Waqooyiga Afrika looga hadli jiray
afafka Brber markii alga reebo dalka Masar.Haatan meelaha qaarkood oo kala firirsan uun
bay ku hareen afafkaas, inta kale af Carbeedka ayaa shiiqiyey.Afka Berber oo dadkoodu u
yaqaanaan Tamaziq waxey lahaayeen far ugaar ah oo la oran jiray Tfina, oo xarfaheedu xiriir
la leeyihiin kuwa Fiiniqiyiinta.Afafka bahdan ugu muhiimsan iyo meelaha looga hadlaa
waxey kala yihiin (Oliver, 1998)
A. Rifano Woqooyiga Marocco
B. Beraber (Tamazight) Bartamaha Morocco
C. Shlex Koonfurta Morocco
D. Kabilo Waqooyi-bari ee Algeria
E. Chaouia Waqooyi-bari ee Algeria
F. Mazabita Mazab, Algeria
G. Warglita Bartamaha Ageria
H. Nefusi Galbeedka Libya
I. Siwi Galbedka Masar
J. Tuareg Nijer, Mali, Koonfurta Algeria
4
1.3.3 AFKA BAHDA KUSHITIGA
Afka bahdan, oo Af Soomaaligu uu ka mid yahay, waxaa looga hadlaa Waqooyi-bari ee Arika
laga billaabo: Sudan (Dhankeeda waqooyi-bari),Eritrea (qayb), Itoobiya (badankeeda),Jibuuti,
Somaaliya, Kenya (waqooyi-bari) iyo Tanzania (waqooyi-bari).Bahdan oo ka kooban
afartameeyo af, inkastoo qaarkood ay ciribtirmeen, Waxaa loo qeybiyay afar kooxood, sida
qaab afeedkoodu uu isugu dhaw yahay:
Kushitikada Woqooyi: afka Beja oo looga hadlo Sudan iyo Eritrea.
Kushitikada Dhexe: afafka Agaw (Bilin, Khamir, Quara, Awngi ama Awiya) oo looga hadlo
Eritrea iyo Itooiya.
Kushitikada Koonfureed: Iraq iyo Kuwo kale (Tanzania), Dahalo Kenya.
Kushitikada Bari: oo kakooban afaf badan oo looga hadlo: Itoobiya, Soomaaliya, Jibuuti
iyo Kenya (Waqooyi-bari).
1.4 DHAQAALAHA SOOMAALIYA
Dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu ku tiirsan yahay: Xoolaha nool, Beeraha, Kaluumeesiga
marka laga soo tago ilaha dhaqaale ee muuqda ee aan kor kusoosheegnay waxaa jira ila
dhaqaaleedyo kale oo aan wali la istcmaalin sida:Qodista Ceelasha Shidaalka, Ceelasha
Saliida,Biraha iyo macaadinta kale oo farabadan oo aan wali awood loo helin in la soosaaro,
sidoo kale waxaa jira ila kale ee Soomaaliya dhaqaalo ka hesho sida Dalxiiska oo ah meel ay
Soomaaliya ku wanaagsantahay (farah, 2010).
1.4.1 XOOLAHA NOOL
Xoolaha oo ah waxa soomaalidu hodan ku tahay ahna isha ugu weyn ee soomaaliya ka hesho
dhaqaalo fara badan, xoolaha soomalidu dhaqato waxa ugu waa weyn:
Geela
Lo’da
Ariga (idaha iyo ari cadka)
5
1.4.2 BEERAHA IYO DALAGYADA
Beeraha Soomaaliya waa isha koowaad ee wax soo saarka wadanka Soomaaliya taasi ooy tiro
badan oo dad ahi ku tiirsan yihiin. Sida caadiga ah, dallaga Soomaaliya waa dhamaan dhirta
(miraha iyo khudaarta) ka soo baxa beeraha wadanka Soomaaliya. Waxsoo saarka beeraha
Soomaaliya waxay gaadhsan yihiin 65% Dhaqaalaha aasaasiga wadanka, taasi oo soo
ururinaysa isticmaalka wadanka dhexdiisa iyo dhoofinta badeecada dunida inteeda kale loo
ganacsi geynayo (farah, 2010)
1.4.3 GANACSIGA IYO WARSHADAHA
Inkastoo mesha eek a baxeyn warshadihi soomaaliya ee la daheed ee wax soosaari jiray marki
ee mesh aka baxaday dowladi dhexe hada soomaaliya waxa had aka jira warshado yar yare e
soo saara badeecooyin muhiim ah warshada dalka ka hirgaly wax aka mid ah:
1. Warshadaha wax soosaarka isbuunyada iyo qalabka jiifka
2. Warshadaha soosaara ama nadiifiyada biyaha la cabo
3. Warshadaha plastic ka ee soosaara bacaha iyo agabka kale ee plastic ka
4. Iyo kuwo kale oo muhiim ah balse aan sida usi badney
1.4.4 KALUUMEESIGA
Somalia waa dal leh Xeeb aad u balaaran oo dhan 2050 Mile, waana xeeb furan oo ka mid
kuwa ugu dhaadheer afrika.Kaluumaysiga ayaa wakhtiyo ahaan jiray laf dhabarta dhaqaale ee
bulshooyin badan oo ku teedsan xeebaha somaaliya tani iyo intii burburkii soomaaliya ka dib
waxaa soo food saaray kaluumaystada somaaliyeed mashaakilaad badan oo ay ka mid yihiin,
maraakiiba si sharci daro uga kaluumaysta xeebaha somalia, qashinka warshadaha oo si
sharci daro ah loogu qubo xeebaha, burcad badeed iyo dhac loo gaysto doonyaha ay ku
kaluumaysan jireen soomaalidu.
Haddaba dhamaan dhibaatooyinkas waxa ee sababeen gaabis ku yimaada dhaqaalaha kaso
gala soomaaliya dhanka kaluumeesiga maadaama uu yaraaday dadka ku tiirsanaa dhaqaalaha
wax soosaarka kalluunka sababo jiro awgood haba ugu weynaato cabsi ee ka qabaan
6
kalluumeesatadu qowleesatada shisheeye ee sida sharci darada ah u bililiqeesanaya hantida
umadda soomaaliyeed ee cid ka ceshaneesa jirin (farah, 2010)
1.5 DHAQANKA SOOMAALIDA
Dhaqanka Soomaalida waa mid hodan ah oo Cajiib ah, Dad weynha aduunkana la yaabeen.
Dadka somalida isku dhaqan bey ahaayeen mudooyin quruuno ah, oo ay ku dhaqmayeen
dhaqankaasi wanaagsan (idaajaa, 2001). Kuma soo koobi karo dhamaan dhaqamada
soomaalidu ledahay balse qoraalkan waxa kuso qaadaneenaa qaar ka mid ah dhaqamada
soomaalidu leedahay waxaana ka mid ah:
1.5.1 GEEDKA
Soomaalidu waxay ku shiri jirtay geed hoostiis, halkaasoo ahayd gole waxa badan lagu qaban
jiray waxaana ka mid ah:
Arrimaha beesha ayaa lagu gorfayn jiray
Garta ayaa lagu qaadi jiray
Suugaanta ayaa laysku dhaafsan jiray
Jarta iyo wax la mid ah ayaa lagu cayaari jiray
1.5.2 MAQAAWIIRTA GOLAHA
Haddi aan soo qaadanayo arrinta garnaqidda, marki loo garnaqaayo laba qof oo ay
dhexmartay dhibaato waxaa lagama maarmaan ahayd in geedka hoostiisa ay isugu yimaadaan
maqaawiirta:
Guurti: waa odayaal gargotn loo xulay oo garta loo gudbin jiray, arimaha dhaqanka
iyo talada reeraha gala, waxna kala saara.
Xeerbeegti: waa dadka xeerka yaqaan ama dejiya oo garta qaada, aqoonna u leh ka
salgaarida khilaafaadka
Buuni: waa wadaad ama fiqi kala guri yaqaan arintu marka aysharci gasho
Guddoonshe: waa madax dhaqamameed (boqo, suldaan, ugaas iwm) oo guddoomiye
ah oo marka ugu dambaysa ku dhaqaaqa go’aanka golaha kaso baxa.
Muddac: (Gardoone) waa qofka dacwada qaba.
7
Muddac-caleyhi: ( waa qofka dacwda loo qabo)
Qareen: waa qofka uu idmado loo wakiisho in uu la wareego doodad muddac iyo
muddac-ceyli qabaan.
Wargure: waa qofka ka guraya warka (doodad) muddac iyo muddac caleyhi ga.
Naawile: waa qofka duubaya warka erayna ka fakanayn.haddi dood timaado oo eray
laysku qabsado isaga ayaa la weydiinayaa.
Markhaati: waa qofka marag furaya waxa uu sheegayo mid ka mid ah labada loo
qarnaqayo
1.5.3 DACWADAHA IYO GARNAQA
Intaan la gudagalin garta waxaa marka hore la raadiya in la ogaado nooca aya tahay
dacwaddu, ma curad baa? (Mid jirtay xaajo iayada ka horeesay oolaga garnaqayay) mise ugub
( mid cusub oo dhaqan ah)
Haddaba garta waxa loo kala saaraa sida soo socota:
1. Dhiig
o Qudh
o Qoon ( qadaf, dhaawac, kufsi iyo tuuganimo)
2. Dhaqan
o Xilo
o Xoolo
o Martigelin
o Magan
Marki la helo nooca dacawada ayaa dacawaddi la bilaabayaa. Ugu horeyn ti muddiicii baa
hadlaya ama qofki uu qareen ahaan u idmaday,kadibna muddac caleyhiga ayaa isna ka daba
hadlaya. Garta siddedaba waxaa lagu qaadaa seddex arrimood:
Qiraal
Markhaati
Millad ( dhaar)
8
1.5.4 XEERKA CIQAABTA
Sidaan kor kuso xusnay garta guud ahaan waxay ka kooban tahay dhiig iyo dhaqan, haddaba
haddaba nooca ciqaabta waxa ay ku xiran tahay falka ama arinka dhibta qofku gestay ama
dabiga uu galiya waxaana lagu kala baxaa sida shareecada islaamka qabto waloow dadka
qaarkiisa iyo meelaha qaar siiba dhanka baadiyaha dadku marka ee is qabsadaan lagu xaliyo
xeer dhaqameedyo arimo u dagsan dadkaas goobahaas daga balse ku saleesan sida shareecada
raali ka tahay (Abdalla, 2012)
1.6 FAAFIDA DIINTA ISLAAMKA IYO CARIGA SOOMAALIDA DAGTO
Sida ee dad badani rumeysan yihin waxa ay qabaan in diinta islaamka soo gaartay soomaaliya
xiligii asxaabta rasuulka (R.C) ay usoo haajireen carriga xabishada, dadka qaarna waxa aya
aamin sanyihiin in diinta islaamka soo gaartay soomaaaliya xiliga ka di. Si kastaba ha ahaate
waxaan shaki ku jirin in wixi ka dambeyay dhamaadki qarnigi koowaad ee hijriyada ay
kunoolaayeen soomaaliya dad muslimiin ah, taasina waxaa daliiil u ah qoraallo laga helay
magaalada muqdisho oo ay qorayn quburo hore (Abdalla, 2012)
Inkastoo diinta islaamka ay waqti hore soogaartay magaalo xeebeedka soomaaliya,haddana
dhaqso uguma fidin dalka intiisa kale.
Marki diinta islaamka ay soo ifbaxday oo waxa yar taageereysay waxaa bilaabataya in dad u
badan carab ay kaso qaxeyn xijaaz, cummaan,iiraan, yaman Iwm. Arimaha ku kaliyafay
dadkaas kuso qaxay cariga soomaalidu dagta wax aka mid ahaa:
Dad naftooda lasoo cararay kadib mark ay dalkoooda kala kulmeen ismaandhaaf
siyaasadeed ama caqiideed, haba u badnaadeen xiligii isku dhaca ee khilaafaddi
ummawiyiinta iyo cabbaasiyiinta.
Dad daaciyiin ahaa oo diinta islaamka faafinayay
Dad raadinayay saylado ay ku ganacsadaan
Arrimahaas waxay dhaliyeen xiriir xoog leh inu ka dhex dhasho carabta iyo soomaalida.
Xiriirkaasina waxa uu keenay in carabtu ka aasaasto dhulka soomaalidu dagto magaalooyin
iyo saylado ganacsi oo cusub, arintaasina waxa ee dhalisay in dadki carabta ahaa ee uso
9
ganacsi tagi jiray soomaaliya ee soogaliyaan ama soo gaarsiiyaan diinta islaamka dhulka
soomaaliya. (Husseinni, 1989)
1.7 Gabagabo
Ulajeedka qoraal kan ma ahan inaa wax ka qoro taariikhda soomaaliya balse waa mid aan ugu
talo galay inaaa ardayda ugu muujiyo ama utusaaleyo qaabka hab qorista nidaamiga ah, inago
hadafkeenu yahay in ardayga awood u leyahay inuu doorto moowduuc uu daneenayo inuu ka
hadlo ama wax ka qoro ka dibna ku sameeyo cilmi baaris (research ) isaga oo baaraya
dhamaan xogaha la xiriira mowduuca uu doortay ka dibna sameenaya xog uruurin isago
xusaya illaha uu wax kasoo xigatay (source of citation) si looga fogaado inu la biliqeesto ama
lagu xad gudbo xog qof kale leeyahay adiga oo aan siin ama xusin cida iska lahayd xogta aad
so xigatay asalkeydi cida lahedy, sido kale ardayga waxa laga doonaya inu raaco dhamaan
awaamiirta (instructions) ku xisan warqada hagaha (Guideline) sida inu qaato farta times new
roman ka, cabirka farta oo ah 12, cabirka sadarada oo u dhaxeesa 1.5, midabka farta oo ah
dhamaan qoraalka mid madow ah iyo guud ahaan in ardayga ilaa liyo shuruucda iyo amarada
ku xisan warqada guideline.
Inta hada uga gudbo ujeedada iyo amarada la doonayo inu ardayga raaco, hadaan uso laabto
mowduuca qoraalkeyga oo aan ugu magac daray "Taariikhda Bulshada Soomaaliyeed" oo ah
mowduuc la dhihi karo waa mid muhiim ah dhinacyo badanna taabanayo waxyaabaha aan
kuxusay waxa ka mid taarikhda afka soomaaliga, asalka afka soomaaliga halka uu ka yimid,
dhaqanka soomaalida, dhaqaalaha iyo diinta islaamka xiliga ee soo gaartay cariga soomaalidu
dagto.
Gabogabadi iyo gunaanadki Taariikhda Bulshada soomaaliyeed waa mid aad u qoto dheer oo
hal buug ama qoraal aan lagu soo koobi karin balse sida aan kor ku xusay ujeeda
qormadeydaan ma ahan inaa si dhab ah wax uga qoro taariikhda soomaaliya ee waxaan ugu
talo galay inaa ku tusaaleeyo ardayda qaabka wax qorista, cid walba ee dooneeso inee wax ka
ogaato mowduucayada ku xusan qormadeydaan waxa ee si fiican uga bogan karaan buuga aan
kaso xigtay ee magaciisa la yiraahdo "Taariikhda iyo afka bulshada Soomaaliyeed" ee uu
qoray professor Abdalla Omar Mansuur, macluumaadka buugan wax aad ka heli kartaa
qeybta tixraaca ee qormadaydan.
10
REFERENCES
Abdalla, S. A. (2012). Xukunta shareecada islaamka qofkii dhib geesto . Dubai: Dubai
Printing Center.
Babylnian, J. (1989). People In Horn of Africa. Nairobi: DFG Publishing Center.
Farah, H. (2010). Kobaca Dhaqaalaha Somaaliya. Mogadishu: Hamar cade Printing Center.
Husseinni, i. (1989). Application of Islamic Sharia and Law in African Muslim Countries.
Riyad: Hussinni publishers.
idaajaa, A. F. (2001). Barashada Afka Soomaaliga. Mogadishu: Seytun Publishers.
Mansur, A. O. (2009). Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed. Sweden: Looh Press and
Garanuug Limited.
Oliver, D. (1998). Somalia - People in Eastern Africa. New york: new York printers.
11
APPENDICES
No Group Name Iskaashi Group
Topic Taariikhda Bulshada Soomaaliyeed
Group Members
1 Omar Abdi Hassan Leader
2 Osman Jama Ali Member
3 Nimco Mohamed Farah Member
4 Shamso Elmi Hassan Member
5 Sadak Osman Mohamed Member
Recommended